Siciid1986

Nomads
  • Content Count

    502
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Siciid1986

  1. “UDUB Way Tagaysaa Dadyoow Joojiya Tahriibta” Burco - Qudbad la Filaayay in uu Daahir Rayaale Kaahin Maanta ka jeediyo Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Burco ayaa gabi ahaanteedba Baaqatay, Kadib markii ay khayriyada Magaaladaasi Burco Saaka aroornimadii hore qabsadeen kooxo dhalinyaro gadoodsan oo u muuqaday in ay ka soo horjeedaan socdaalka Rayaale ee Xiligani uu ku Yimid Gobolka Togdheer Ilaa Iyo hada lama oga ujeedada keentay isu-soobaxani baajiyay Hadal uu Rayaale loogu talo galay in uu Fagaarahaasi khayriyada uga jeediyo dadweynah reer Burco,” Qorasha ayay noogu jirtay in uu Riyaale maanta Khayriyada kala hadlo dadweyna lakiin Wakhtiga oo aan noo saamaxayn awgeed ayaanu u baajinay, lakiin Adeer Runbaan kuu sheegayaaye Waxa macno ah samayn mayso Ciyaal ay Mucaaradku soo uruuriyaan oo aanu ka warhayno raga xalay soo abaabulaayay, manay baajin ee wakhtigaa u saamixi waayay” Sidaasi waxa Somaliland.org u Sheegay mid ka Mid ah Wassiirada Riyaale Safarka ku weheliya waxana uu intaasi ku daray Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Burco ayaa waxa ku soo xoomay kooxo dhalinyaro cadhaysan ah, kuwaasi oo ku qaylinaayay ereyo ka dhan ah Rayaale “Doodi mayno Rayaale”Waa Rayaaloo Raagi Maayo” UDUB Way Tagaysaa Dadyoow Joojiya Tahriibta” Ayaa ka mid ahaa ereyada laga Maqlaayay Dhalinyaasi iyaga oo ku qaylinaaya, Qaar ka mid ah Isusoo-baxayaashani ayaa gacmah ku haystay Sawirada Rayaale oo La Jeex-jeexay, Isu-soobaxayaasha ayaa ku eekaa oo kali ah Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Burco, waxana uu u muuqaday Mid Loogu talao galay in lagu carqaladeeyo Qudbada Daahir Riyaale Dhinaca kalena amaanka Magaalada Burco ayaa xalay aad loo adkeeyay, iyada oo guud ahaanba Magaalada laga dareemaayay Culasyka Ciidamo Milatari Tigniko wata u badan, Sidoo kale waxa isla xalay la xidhay Socodka Wadooyinka Guud ahaanba Xaafada Shacabka Burco ee uu ku yaalao Guriga Martida ee uu degenaa Riyaale, iayada oo taasi ka dhigan Markii ugu Horeysay ee Bandoo Lagu8 Soo Rogo Magaalada Burco Qaybo ka mid ah tan iyo wixii ka danbeeyay Bur-burkii Dawladii Maxamed Siyaad Bare Wararkii ugu Danbeeyay ee Socdaalka Rayaale Daahir Rayaale Kaahin ayaa Sidoo kale xalay kulan saacad qaatay Kula yeeshay Hoolka Shirarka ee Guriga Martida qaar ka mid ah Cuqaasha Iyo Waxgaradka Magaalada Burco, ma jiraan warar rasmi ah oo laga hayo waxa ay ka wada hadleen labada dhinac hasa yeeshee Sida Ay Somaliland.org u xaqiijiyeen Ila wareedyo ku dhaw dhaw weftiga Riyaale, waxa uu qorshaynayaa sidii uu ula Kulmi lahaa Wax-garadka Beelaha Gobolka Togdheer Siyaabo Gooni gooni ah Ilaa Iyo hada si dhab ah uma cada inta casho ee uu joogi doono Rayaale Burco, Sidoo kale waxa warar is khilaafsani ka soo baxayaan dhinaca uu uga sii gudbi doono Socdaalkiisa wayda ah ee uu ku yimid Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer