-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
SSC Rebels Attack Somaliland Military Base at Kalshaale
Saalax replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Cidaanka Qaranka wa ini shaaqo ficaan ka qabtan kooxdan nabadiidka ah ila gudaha magaalada Buhoodle(saldhiigoda). Inshallah. -
Shirqoolo ka Dhan ah Halganka iyo Kacdoonka Shacabka SSC oo ka socda Garoowe. Tan iyo intii ay bilaabatay kacdoonka shacabka dadaweynaha SSC ee is haysta ilaa Kalshaale iyo Laascaanood, waxaa jiray shirar kala gedisan oo ka soconaya magaalada Garoowe, Shirarkaas ayaa waxaa lahaa dhamaan xubnahaga Golaha wasiirada ee maamulka Faroole kuwaasoo badankoodu soo jeediyeen in taageero Hiil iyo hooba leh la isla garab taago shacabka SSC. Hase yeshee waxaa arintaas aad uga soo horjeestay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Abdi Samad Cali Shire iyo weliba xubno kale oo asaga lka ag dhow, waxaana la sheegay in Odey Abdi Samad hada uuba ka cad cad yahay Faroole, waxaana dhawaan uu C/Samad Taliye ciidan u magacaabay Maxamed Raage kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu bur buriyo Ciidamada Tukaraq jooga ee ka soo jeed Deeganada SSC kuwaasoo diidey inay hoostagaan maamulka Garoowe. Abdi samad ayaa la sheegay inuu lacag fara badan u dhiibey Maxamed Raage isla markaana uu ku amray inuu kala fur furo Ciidankaas iyo weliba shir u soconayey odayaasha deegaankaas, oo ay kaga arinsanayeen mustaqbalka Hubka iyo ciidamada uu hore gacanta ugu hayey Ahmed Karaash. Maalinimadii khamiista waxaa ka dhacay guriga uu C/Samad ka degan yahay Garoowe qyabtqa madaxtooyada mudahraad ay soo abaabuleen shacabka degan Garoowe ee ka soo jeeda SSC, waxayna ka dalbanayeen inuu fadhiga ka kaco, isla markaana uu dadkiisa is garabtaago. Waxaase jawaabtii ka timid dhanka C/Samad noqotay in xabado lagu rido maatadii banaanbaxaysey kuwaasoo diidanaa ficil la’aanta uu odeygu deriska u noqday. Habeen hore ayaa la sheegay in la qabtay shir Alabaabadu u xidhan yihiin oo Abdisamad iyo Faroole oo ay weheliyaan Cali Dolar iyo Abdi halas madaxtooyada ka dhacay kaasoo Abdi Halas ka sheegay in mudaharaadkii Khamiistii laga soo abaabulay Tukoraq, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago waxa ka soconaya magalaadaasi. Warar aanu ka helnay ilo laagu kalsoon yahay oo ku sugan Garoowe waxay sheegeen in hoosta laga xariiqay in ciidanka Tukoraq ku sugan loo aqoonsado cadaw, lana mid ah ciidan ku soo duuli kara Gaaroowe , sidaas daraadeedna hadaan lagu wareejin wasiirka cusub ee Ahmed Cali Askar in talaabo militery laga qaato. Arintaas ayaa la sheegay in la isku waafaq, waxaana intaas ka dib shalay oo ahayd habeenimadii uu shirku dhacay maalinimadeedii hadanma mudaharaad sameeyey shacablka SSC ee goowe degan, kuwaasoo boodhadh ay SSC ku xardhan tahay isla hortubay guriga Madaxweyne ku xigeenka C/Samad Cali Shire. Waxayna ku dhawaaqayeen” SSC ha noolaato” Dan umada uma haysid” dadkaagaa waa la laynayaa” iyo erayo kale. Waxaase arintaaas aad uga cadhoodhay Odey Abdi Samad oo amarku bixiyey in jeelka la dhigo haweenka, taasoo ay wiilasha dhegaha fudud ee ilaaliya C/Samad markiiba ku dhgaqaaqeen, suuqa Garoowena jiid jiideen gabdho *********** ah, ayadoo ay dadka kale ee magaalada degana daawanayeen. Waxaana hada la sheegay in 28 dumar ahi jeelka habeenkii labaad ku hoyanayaaan, tasoo ay aad uga xumaadeen shacabka kale ee SSC ee jooga Garoowe, Xildhibaanada ka soo jeeda SSC ayaa la sheegay in qaarkood basaasiin yihiin, oo qofkii soo qaada in loo hiiliyo shacabka *********** ay jiraan kuwo Abdi Samad u shaqeeya oo markiiba u gudbinaya taasoo lagaga jawaabo inta badan in xilka laga qaado. Abdi Salaan Siciid Cartan. Soomaaliya.
-
Garoowe(Jidbaale):- In ka badan 30 haween ah oo ka soo jeeda deegaanadda SSC ayaa magaaladda Garoowe lagu xidhay labadii maalmood ee u danbeeyey iyada oo tiro kalena la raadinayo, haweenkan ayaa mudaharaad xoogle ku sameeyey Cabdi Samed Cali Shire iyaga oo isku soo baxay afaafka hore ee xarunta maamulka Garoowe. Kuwaas oo ku dhawaaqayey Erayo ay ku kicinayaan Cabdisamed haweenkan ayaa markii danbe ku bilaabay Shiid guriga uu dagan yahay Cabdisamed Cali shire kolkaas oo Askarta Ilaaladda u ay xabado ugu jawaabeen dibad baxayaashan. Shalayto ayaa galinkii danbe hadana Cabdisamed ku yaala dhinac Bari ee Magaaladda mar kale waxa ay haweenkani ugu tageen guriga kuwaas oo ka dalbayday in uu sida ugu dhakhsiyaha badan uga baxo magaaladda, waxana ay wateen boodhado ay ku qoran yihin Erayo lidku ah Cabdisamed Cali Shire isku dhac ayaa dhexmaray Haweenka Mudaharaadayey iyo Ciidamadda Ilaaladda u ah Cabdisamed oo qoryo dabadood la dhacay waxa ay jeelka u taxaabeen 30 ka mid ahaa mudaharaadayaashii waxna ay ku daba joogaan intii ka carartay Haweenkan ayaa ilaa maanta u xidhan Cabdisamed isaga oo diiday in uu soo daayo waana markii ugu horaysay oo Gabdho SSC ah ku xidho ,xili ay ku waaninayaan dano ka dhaxeeya. 1.Xamdi Farax Ciise 2.Caasha Cali Muuse 3.Muna Jaamac Bashiir 4.Deeqa Jaamac Bashiir 5.Farduus Xuseen Xassan 6.Nuura Cabdi Garaad.
-
Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Buuhoodle: “Waxaan waligeed dhicin…ayaa dhacay” Afhayeenka Cuqaasha Gobolka Buuhoodle SUNDAY, 06 FEBRUARY 2011 Buuhoodle, (Togdhnewsl)- Odayaal iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda degaanka Buuhoodle, ayaa ugu baaqay bulshada iyo Maddax -dhaqameedyada Somaliland uga arrimin lahaayeen xal-nabadeed laga gaadho xaalado ay sheegeen inay ka taagan yihiin oo ay tilmaameen inaanay ku qanacsanayn xalkii uu go’aamiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo). Chief Caaqil Cabdillaahi Yuusuf Kooreeye iyo Caaqil Maxamed Nuux oo sheegay inuu yahay afhayeenka Cuqaasha Degaanka Gobolka Buuhoodle, ayaa si wada-jir ah khadka talefoonka ugula soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal, kuwaasoo shaaca ka qaaday in baaq u dirayaan guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaana Madax-dhaqameedka Beelaha Somaliland, kuwaasoo ay ka dalbanayaan inay si dhexdhexaadnimo leh u soo dhex-galaan wax ay ku tilmaameen khilaad qabiilooyin ay degaan wadaagaan. “Bishan 1-deedii dagaalkii ka dhacay Hagoogane, rag shacab ahaa, ayaa meesha lagu soo doontay, waxaana cagta mariyay ciidankii Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Maxamed Nuux. Isaga oo ka hadlayay sidii wax u dhaceen waxa uu yidhi, “Waxaan waligeed dhicin oo aan waqooyiba (Somaliland) ka dhicin ayaa dhacay.” Waxaanu sheegay in ciidan ka soo jeeday beeshooda oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland ay dhinac kale u leexdeen, taasoo uu caaqilkaasi ku tilmaamay inay horseeday dhacdooyinkii ugu dambeeyay. “Sidan maamul-xumo iyo cadaalada-xumo ayaa keentay iyo go’aan la’aan, waxaananu maamulka Somaliland ku eedaynaynaa dhibaatada dhacday. Hub aan weligeed laysu adeegsan ayaa laysu adeegsaday, waxa dhacday meesha la yidhaahdo Kalshaale, maalintii Mandaraqa lagu dhuftay ayuu Madaxweynaha gaadhsiiyay wax-garadkaygu inuu wax ka qabto. Waxa kale oo dhacday in xataa madaafiic ay labadii ciidan isu adeegsadeen.” Ayuu Caaqilka Afhayeenka isku magacaabay intaa ku daray. Isaga oo ka hadlayay go’aankii Kalshaale loogu wareejiyay ciidamada qaranka, waxa uu yidhi, “Waxa ka daran meeshii ay labada reer ku heshiin waayeen ee Kalshaale, ayaa wuxuu yidhi (Madaxweynaha Somaliland) waxa laga dhigayaa fadhiisin ciidan.” Ugu dambayntiina waxay Caaqilladan iyo Odayaal kaleba baaq u soo jeedinayaan Beelaha Somaliland. “Waxaanu beelaha Somaliland u sheegaynaa inay ka tashadaan oo shirar-beeleedyo la qabto, waxaananu la yaabanahay sababta ay waxgaradkii beelaha kale,” ayuu raaciyay isaga oo u jeeday in marka laga saaro beeshooda ay beesha ay is-hayaan ay beelaha kale ee ka baxsani arrintaa dawadeeda u raadiyaan….”U qaban waayay, taana weli ma hayno, xataa hadii ay waxgaradka beeluhu isu taagaan wax-ka-qabashada ama madax-dhaqameed ha ahaadaan ama Mutacalimin ama Golayaal, way wanagsanaan lahayd.” Ogaal -
What do the Pizza boys want.
-
MPs in Somalia have voted to extend their mandate for another three years, after getting the approval of the African Union last week. Their current term expires in August, raising fears that the UN-backed government could become illegal. It has failed to achieve its target of enacting a new constitution and organising elections by August. The government only controls parts of the capital and is battling Islamist groups which dominate southern Somalia. Of the 435 MPs present, 421 voted in favour, 11 against and three abstained, said Speaker Sharif Hassan Sheikh Adan. The MPs elect a president, who in turn chooses a government. Correspondents say President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, a moderate Islamist, is expected to seek re-election. Mr Adan said this would be done in July. "Parliament will carry out huge reforms in order to serve the people of Somalia," he said. "This is a victory for future Somali democracy." Shortly before the African Union agreed to extend the mandate of the Somali parliament, AU Commission Chairman Jean Ping accused the government of "non-performance" and failing to make enough progress in bringing peace to the country. The current parliament was chosen during a peace conference in 2004. Somalia has not had a functioning national government since Siad Barre was ousted 20 years ago. Source: BBC
-
HURSDAY, 03 FEBRUARY 2011 Barlamaanka Soomaaliya oo Saddex Sano kororsaday Xilkooda. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fadhi uu ku yeeshay magaalada Muqdisho wuxuu kororsaday waqtiga muddo saddex sano ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Hassan Adan oo guddoominayey fadhigi maanta ayaa sheegay in ay joogeen fadhiga afar boqol soddon iyo shan xildhibaan, ayna muddo kordhinta ansixiyeen afar boqol iyo labaatan iyo kow xildhibaan. Waqtiga Baarlamaanka hadda jira wuxuu ku eg yahay bisha August ee sanadkan 2011, sida uu dhigaayo heshiiskii lagu soo dhisay Dowladda. Togdhnews
-
Wasiir Xaabsade Oo Digniin Culus U Jeediyey Puntland,Waxyaabo kalena ka Hadlay. Wednesday, 02 February 2011 Gooni Isku Taaga Somaliland-Na Ku Tilmaamay Mid Aan Gorgortan Iyo Wada Hadal Gali Karin “Xilkan La Ii Magacaabay Mid Ii Qalma Maaha, Waxaanse Ugu Qancay, Kooxaha Ku Dhuumanaya Laascaanood Ee Mudaharaadka Abaabulay Waa La Ogyahay Talaabo Ayaa Laga Qaadi Doonaa, Beesha Caalamku-na Haddaanay Na Aqoonsanayn Yaanay Khal Khal Noola Iman” Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade Waraysi Khaas ah Hargeysa, (Togdhnews) - Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta Axmed Cabdi Xaabsade oo barito xilka si rasmi ah ula wareegi doona ayaa jawaab kulul ka bixiyay hanjabaadii shalay ka soo yeedhay Wasiirka Amniga Puntland, isagoo sheegay in haddii ay faro galinta ka deyn waayaan Somaliland ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan, isla markaana digniin kulul u jeediyay kooxdii abaabushay Mudaharaadadii doraad ka dhacay magaalada Laascaanood, oo uu tilmaamay in talaabo adag laga qaadi doono. Wasiirka Warfaafintu waxa kale oo uu beeniyey, in wax wadahadlo ahi aanay dhex marayn Somaliland iyo Somalia, dacaayadna ku tilmaamay in Madaxweyne Siillaanyo lagu wado Madaxweynaha Somalia, isagoo intaa ku daray in qadiyada gooni isku taaga Somaliland ay muqadas tahay, isla markaana aan wax wada hadalo ah lala galayn Somalia. Wasiirka Warfaafinta waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay Wargeyska Haatuf ku la yeeshay Hargeysa, kaas oo sheegay in aan xilka loo magacaabay aanu u qalmin, balse uu u qaatay inuu wax kaga qabto dhibaatooyinka ka taagan gobolada bariga Somaliland, waxaanu tacsi u diray shacbiga reer Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid habeen hore Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar oo ku geeriyooday dalka Japan. Ugu horayn Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo aanu wax ka weydiinay sida ay u arkaan xukuumadd ahaan hanjabaada ka soo yeedhay Wasiirka Amniga maamulka Puntland ee shalay sheegay in Somaliland ciidamadeeda kala baxdo Sool iyo Buuhoodle, waxa uu yidhi “Horta marka hore waxaan tacsi u dirayaa shacbiga reer Somaliland geerida ku timid Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar, oo ahaa siyaasi ruug cadaaya oo dalka taariikh weyn ku leh, Ilaahayn naxariistii jano ha ka waraabiyo. Wasiirka amniga Puntland iyo maamulkiisa waxaan u sheegayaa in dhulka Sool Sanaag iyo Cayni ay ka mid yihiin Somaliland ee aanay ka mid ahayn Puntland, xuduuda faca weyn ee ay leedahayn waa mid ay Somaliland ilaashanayso oo lama taab-taan ah, xuduudaha adduunkuna maaha kuwo ku salaysan qabiil, balse waa xuduudo ku dhisan qaranimo iyo Sooyaal taariikheed oo ku fadhiya jirtaankiisa kana muuqda khariirada dhulkiisa gaarka ah, xuduudaha Somaliland-na waa lama taab-taan aan lagu badali Karin qaab hayb ku dhisan”. Wasiirka Warfaafintu mar uu ka hadlayay dagaalka ka dhacay Kal-shaale, waxa uu yidhi “Shaqaada ka aloosan deegaanka Kal-shaale ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee Qori-lugud iyo Buuhoodle beelahaasi wey dhici jirtay inay is faro saaraan, balse wey ka heshiin jireen waana la dhex gali jiray oo la dhamayn jiray, haddana gacantaa lagu hayaa oo waa la dhamaynayaa, dadkii labad dhinac ka kala dhintayna waanu ka tacsiyadaynaynaa Ehelkii ay ka geeriyoodeen, waxaan ugu digaynaa faro galinta ay Puntland ku soo samaynayso dhulkii Somaliland inay faraha kala baxaan, haddii ay joojin waayaan faro galintaa ha ogaadaan iyaguna in arrimo waaweyni ay na dhex mari doonaan oo ay ka qoomamayn doonaan, madaxdhaqmeedyada iyo isimada beelaha dhibaatadu dhex martay-na waxaan ugu baaqayaa inay qaboojiyaan oo dadkana dejiyaan, dadka xumaha wada ee dhagta u taagaya Kal-shaale waa la dhamaynayaa, horena go’aan waa looga gaadhay ee waxabaa yaan Mashruuc laga dhigan xaalada Kal-shaale”. Wasiirka Mar aanu weydiinay sida uu u arko Mudaharaadka ka dhacay Laascaanood ee lagu sheegay in ujeedo badan ay ahaayeen dadkii Mudaharaadayay, waxa uu yidhi “Mudaharaadkaasi dadka samaynayay may ahayn dad dan u haya Somaliland gaar ahaan reer Buuhoodle dan u haya maaha, waa dad waligoodba samayn jiray Mudaharaad noocas ah oo horena talaabooyin looga qaadi jiray, haddana talaabo laga qaadi doono, waana la yaqaanaa oo la fahamsan yahay, waana la ogyahay waana la daba socdaa, waxaan u sheegayaa shacabka reer Laascaanood inaanay kooxdaasi dib idin ku dhex dhuuman doonin ee talaabo laga qaadi doono”. Wasiirka mar aanu weydiinay waxa uu ku soo kordhin doono xilka loo magacaabay iyo dareenkiisa ku wajahan maadaama uu hore u soo qabtay jagada guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, waxa uu yidhi “Horta marka ugu horaysa xilka la i magacaabay meel i qalanta maaha, laakiin waxaan ugu qanacsanahay meesha inaan wax kaga qabto talaabooyinka Somaliland dhexdeeda ka dhacaya gaar ahaan dhulka Sool iyo Cayn dhibaatooyinka ka socda inaan wax ka qabto oo aan soo afjaro, anigoo madaxweyne Axmed Siillaanyo-na aqaana dadkana aqaanaa ayaa xilkaasi la ii magacaabay, waanan ku kalsoonahay hadda Wasaarada la ii dhiibay”. Wasiirka mar aanu weydiinay damaca madaxweynaha Puntland Faroole ku sheeganyo Sool, Sanaag iyo Buuhoodle inay isku qabiil yihiin oo Puntland ka tirsan yihiin beesha caalamkana khariidad uu ku muujiyay in Puntland ay ka tirsan yihiin, waxa uu yidhi “Muran kama taagna Sool, Sanaag iyo Cayn inay Somaliland ka tirsan yihiin dal ahaan iyo dad ahaanba, haddii dadka qaarkii xumaanta wadaa ay hayb qabiil u hanqal taagayaan qabiil qaran laguma noqdo, Puntland waxaan u sheegayaa inay iskaga quustaan damacooda qabiilka”. Wasiirka mar aanu weydiinay in madaxweyne Siillaanyo loogu balan qaaday inuu noqdo madaxweynaha Somalia, shirar la iskugu keenayo Somaliland iyo Somalia uu caalamku wado, waxa uu yidhi “Waxaan ummada u sheegayaa arrimahaasi waa dacaayad loola jeedo in madaxweynaha lagu wax yeeleeyo gooni isku taaga Somaliland-na waa muqadis, gorgortan iyo wada hadalna ma gali karto, cid looga daba fadhiisanayo iyo cid looga habranayaa-na ma jirto, Somalia markay maamul dhisato waa loo wada hadli karaa sidii laba dawladood oo jaar ah xidhiidhna yeelan kara, maxaa loogu hanqal taagayaaba iyagiibaa ku jira xaalad argagax leh nnkii tiisaba daryeela ayaa tu kalena ku dara, waxaanu leenahay kooxaha Somalia isku dilaya waar ummada jaah wareerka ka daaya, beesha caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa haddii aanay na aqoonsanayn inay khal khal na galiyaan maaha” Lasoco cadadka danbe oo uu kaga hadlayo Xeerka Saxaafada iyo mawqifka uu ka tagaan yahay xadhiga Saxaafada xorta ah ay xukuumaddu ku hayso iyo qorshaha uga meel yaala xidhiidhka xumaaday ee Saxaafada iyo xukuumadda u dhexeeya. Haatuf
-
Allaha uu naxaristo.
-
16 killed in shootout between Somali army, police
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
wa wax lala yaabo killing unarmed civilians for no reason. Anyhows allaha uu naxariisto daadka meesha ku dhiintay. -
Ssc rebel leader xaglatoosiye buys a new Villa in the UAE
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Somaliland parliament session starts in the new parliament house Pics
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The new house of Parliament looks good. Mashallah. -
Somalia Official Urges Somaliland to Help Stabilization of South
Saalax replied to Jacaylbaro's topic in Politics
lol@Mowlid Macaane. -
Ciidamo iyo Gaadiid Tikniko ah oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka Somaliland ee jiida Hore. FRIDAY, 28 JANUARY 2011 Burco(Togdhnews)-Ciidan iyo gaadiid Tikniko oo ka soo goostay Maamulgoboleedka Puntland ayaa maanta isuku soo dhiibay ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore.Sida Saraakiil ku sugan Jiida hore oo ka tirsan Ciidanka Qaranku u cadeeyeen TogdheerNews,waxay Sheegeen in laba gaadhi oo tikniko ah oo ay saaran yihiin Qoryaha loo yaqaan Dhashiikaha iyo Lixdan askari ay soo gaadhaan ciidanka Qaranka Jiida hore,kuwaas oo ka soo goostay Maamulka Puntland.Ciiadamadan oo degaan ahaan ka soo jeeda Degaanka Gobolka Sool,ayaa maanta Qado loogu sameeyay Magaalada Adhicadeeye ee ka tirsan Gobolka Sool. ma aha markii u horeysay ee ciidamo noocan oo kala ahi ay isku soo dhiibaan ciidanka qaranka somaliland.
-
Ah Sharif Hotel! Idi Amin was also once the King of Scotland...
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
-
Danish money for Somaliland pirate prison Written by DR.DK Jan 23, 2011 at 02:19 PM Copenhagen: 22-Jan-2011. Danish Foreign Minister Lene Espersen (K), together with Development Søren Pind (V) provide financial support to renovate a prison in Somaliland, where condemned Somali pirates can be put behind bars. The newspaper Berlingske Tidende. The joint decision is taken prior to an early publication of a UN report that will indicate the need for establishment of judicial and penitentiary sectors in Somalia as a key factor in preventing piracy. But as the Somalia and security policy as economic lies across as a civil war ravaged failed state, the UN report, pointing to the relatively stable Somaliland, as the first place where it is possible to implement the prison project. The two ministers will allocate 1.7 million dollars of the two ministries global framework to renovate an old jail to house convicted pirates. Several states in the region, including Kenya, Seychelles, has agreed to receive and judge the captured pirates. Prison capacity in the two countries is limited, and Kenya has actually declined more captured pirates. Denmark grants already support for the part and leader of an international group advising the UN Secretary General on the law.
-
Addressed to UN's Political Office for Somalia UNPOS
Saalax replied to Fiqikhayre's topic in Politics
lol. Since when did Puntland speak for Somaliland? -
it seems all that puffing and hyprocisy for years is coming out one by one.
-
Puntland oo shaqsiyaadka ka tirsan DKMG ka mamnuucay deeganadeeda Garoowe:(Sh. M. Network) Warsaxafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa maanta looga mamnuucay shaqsi kasta oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya in uu tago deegaanada ay Mamaulaan Mamulka goboleedka Putnland. Kadib kualan ay maanta ku yeesheen magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Putnland golaha wasiirada ee Xukuumadda Putnland, waxaa ay shaaca ka qaadeen in Airporada ku yaala magaaladaasi aysan kasoo dagi karin xubno ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya. Go’aankaan ay soo saareen golaha wasiirada ee Maamulka Puntland ayaa waxaa uu daba socdaa go’aan ay todobaad ka hor ay ku sheegeen in ay gabi ahaan xiriirkii ay u jareen dowladda KMG Soomaaliya ee uu madaxwaynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Go’aanka ayaa lagu sheegay warmurtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen golaha wasiirada Maamulka Putnland oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulkaasi C/raxmaan Faroole iyo madaxweyne ku xigeenkiisa, iyadoo sidaasi ay saxaafadda ugu soo gudbiyeen. Warsaxaafadeedka aya la tilmaamay in lagu soo koobay islamarkaana lagu shaaciyay in gabi ahaamba xubo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya aysan ka dagi karin garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Majiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan go’aankaan labaad ee golaha Wasiirada Puntland ay ka qaateen Masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.