-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
(Hadhwanaagnews) Thursday, January 20, 2011 Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland. Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar. Hargaysa – (HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeedhay Ra’iisal Wasaaraha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo), oo sheegay inaan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland kala Go’I karayn. Hase ahaatee, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa wax lagu qoslo ku tilmaantay hadalka Farmaajo. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo Ku-xigeenka oo u Waramaayey Idaacada BBC-da ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan u arkaan hadalka ka soo yeedhay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu yahay Mid lala marin habaabay. S: Wasiir sideed u aragtaan Xukuumad ahaan in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya yidhaahdo Somaliland ma go’I karto ee Soomaaliya waa mid? J: arrintaasi waa arrin xaqiiqada ka fog, adalkaa ka soo yeedhey Masuulka ka tirsan Soomaaliya waa hadal aan laga fiirsan oo uu kula-dul kufay Somaliland iyo Shacabkeeda, Somaliland gooni-isu-taaggeeduna waa muqaddan aan ka noqosho lahayn oo waa rabitaankii Shacabka. Somaliland-na maanta meel fiican bay maraysaa qaddiyadda madax-bannaanideeduna waa mid lama taabtaana oo Shacabku guddoonsaday, maantana hadal kama taagna. Waxaannu u sheegaynaa masuulkaasi inay Somaliland tahay qaran madax-bannaan oo ku shuruuc ku dhisan, wax alla wax ka khuseeyaana ma jiraan ninka Muqdisho ka hadlay. Markaa, Ninka imaka taagan Soomaaliya ma kala go’I kartana waxaan u arkaa qof hurdo ka kacay oo riyoonaya, waana hadal la iska yidhi, wax dhib ahna naguma hayo Somaliland ahaan, waayo arrin maanta taaganba taasi maaha ee Somaliland 20 sano ayey dawlad ahayd, weligeedna way ahaanaysaa, qof meel ka hadlayna waxba kama beddali karo. Waxaanannu maamulkaas ugu baaqaynaa inay Soomaaliya nabad ka dhaliyaan muddada nasiib-darradu haysatay. S: Wasiir Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu u soo jeediyey Xukuumadda aad ka tirsan tahay ee Somaliland hoggaamiyayaasheeda inay ka shaqeeyaan midawga Soomaaliya si ay taariikh uga tagaan, taasi siday kuula muuqataa? J: Shicibka reer Somaliland 1960-kii iyagaa doortay oo keenay inay Somaliland iyo Soomaaliyadii Talyaanigu midoobaan, waxaanay ahayd aragtidoodu mid ballaadhan oo ahayd in la helo Qaran shan-gees ah oo Soomaaliya ah, arrintaasi way suuraga gali wayday, waana lagu fashilmay, waxaanay geeska u keentay colaado, markii dambana waxay isu rogtay in Shacabkii Somaliland ee Midnimadaa keenay lagu baabi’iyo, taasaana keentay inay Shacabka Somaliland xornimadoodii ay xaqa u lahaayeen, kala soo noqdaan Soomaaliya, Xukuumadda Somaliland-na waxay shacabka ku hoggaaminaysaa rabitaankooda. Dib u midaw dambena ma jiro, waxa kaliya ee u yaalla Soomaaliya iyo Somaliland waa inay ka wada shaqeeyaan jaar-wanaagga, Ganacsiga iyo Nabadgalyada. S: Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu sheegay inay Somaliland iyo Puntland-ba u furan tahay inay qaybtooda mid waliba soo qaato Deeqaha kala duwan ee Soomaaliya Caalamku ku caawiyo, sida waxbarashada, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo tababbarrada Ciidammada, markaa Somaliland ahaan diyaar ma u tihiin inaad waxyaabahaas qaybtiinna soo qaadataan? J: Arrinkaasi waa arrin ka fog xaqiiqda jirta, Somaliland iyo Soomaaliya Mucaawino isugu jirtaa ma jirto, imaka mettalan haddaan ka soo qaado Ingiriiska oo kale, caawimooyinkii ay siin jirtay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya boqolkiiba afartan ka mid ah waxa gaar loogu gooyaa Somaliland, waxaanannu rejaynaynaa sida ay Dawladda Ingiriisku noo ballan-qaadday in sannadkan la kordhiyo kaalmadaa, markaa mucaawino isugu kaaya jirtaa ma jirto. Marka laga hadlo qaddiyadda sidii aynu aduunka ula dhaqmi lahayn, hadday Ingiriis tahay, hadday Maraykan tahay, hadday Midawga Yurub tahay, hadday Igad tahay iyo caalamka oo dhan si toosa ayaannu danaha Somaliland ugala hadalnaa ugana wada xaajoonnaa, iskaashigayaga, wax wadaqabsigayaguna waa kuwo toosa oo aan marin Muqdisho iyo TFG-toona. Sida runta ah marka la eego maalin walba dunidu annaga ayey na waydiisaa sideed Soomaaliya wax ugala qaban kartaa dhinaca nabadgalyada maaha midaw iyo waxaas ee sidii nabad looga dhalin lahaa. Markaa waxaannu maamulka Sheekh Shariif ugu baaqaynaa inay ka shaqeeyaan sidii ay Muqdisho nabad uga dhalin lahaayeen. S: Wasiir Maraykanku waxa uu hore u sheegay inaanu Somaliland xidhiidhka uu la samaynayaa raad ku lahayn mid dawladnimo iyo mid gooni-isu-taag toona ee ay tahay dhinaca nabadgalyada iyo horumarka arrimaha bulshada, Sidii Gobol Soomaaliya ka midana ula dhaqmayo. Markaaa miyaanay kuu muuqan inay lagama maarmaan tahay inaad aqoonsiga Soomaaliya ka raadisaan? J: Arrintaa in ogolaansho looga helo Soomaaliya waxay ku habboon tahay marka uu dalku dal kale oo uu weligii ka mid ahaa ka go’ayo, sida Koonfurta Sudan oo kale oo dawlad kaliya weligeed isku ahaan jirtay Waqooyiga, taariikh kaliya wada leh, laakiin Somaliland kama go’ayso dal ee waxay ka soo baxaysaa Midaw sidii Siniingaal iyo Gambia oo kale, markaa aqoonsiga Somaliland uma baahna Soomaaliya. Maraykanka waxa naga dhexeeya Xidhiidh, Maraykanka iyo guud ahaan dunida caalamka waxaannu ka dalbanaynaa inay dawladnimadayadu ay hesho aqoonsi siyaasadeed, waana arrin aannu ka shaqaynayno. S: Madaxweynaha dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sh. Shariif, waxa uu hambalyeeyey doorashadii Somaliland 26 June 2010 ka qabsoontay, waxaanu ku baaqay inuu soo dhawaynayo wada-tashi dhexmara Somaliland, isaga oo ku baaqay inaan Midawga la halmaamin, laakiin laga wadahadlo, markaa arrintaas Xukuumad ahaan ma soo dhawayseen oo wax xidhiidha ma kala yeelateen Sheekh Shariif? J: Haa, waannu soo dhawaynaynaa Baaqa Madaxweyne Shariif uu soo jeediyey, Somaliland ma diiddana inay Soomaaliya kala hadasho arrimaha ka dhexeeya, hase-yeeshee, xorriyadda iyo madax-bannaanida Somaliland waa mid ay go’aankeeda leeyihiin shacabka Somaliland, Xukuumadduna sidaas ayey ku hoggaaminaysaa oo taasi halkaas ayey taallaa. Hase ahaatee, Somaliland iyo Soomaaliya waxay ahaayeen laba dal oo walaalo ah oo muddo soddon sano ah wada jiray, markaa arrimo fara badan inay ka wadahadlaan waa arrin meesha taalla, waa marka ay timaaddo dawlad gacanta ku wada haysa Soomaaliya oo dhan oo nabad ah, oo Shacabkeedu ku kalsoon yahay oo raalli ka yihiin oo haysata rabitaanka shacabkeeda marka ay dhalato, inay Somaliland la fadhiisato oo ay kala hadasho sidii xidhiidh walaaltinnimo, mid ganacsi iyo mid isu socodba dhexmaro oo wixii ka dhexeeyeyna si wanaagsan look ala goosto waa arrin aanay Somaliland diiddanayn marka ay dawladdi u dhalato. S: Wasiir, waxay la yidhi haddii ay gacantaadu dhudhub gasho laguma soo dhufto ee waa laga soo dhiraan-dhiriyaa, waxaanay dadku yidhaahdaan Somaliland haddii ay xidhiidh aqoonsiga kala yeelato Madaxweyne Shariif wakhtigan waa ta ugu suuragalsan ee ay Somaliland ku heli karto saxeex Madaxweyne Soomaaliyeed oo ku waajahan Ictiraafka, miyaanay sidaa idinka idiin kula muuqan? J: Annagu waannu jecelnahay inaannu Soomaaliya wadahadal la yeelanno oo aannu arrimahayaga ku kala baxno, hase-yeeshee, imaka dhibaatooyin badan ayaa Soomaaliya ka taagan, Xukuumadda maanta jirta ee Sheekh Shariif-na maaha ama uma eka mid arrimahan jira aannu ka wadahadli karo. Balse haddii ay dawladda Soomaaliya ay dalbato sidii aannu u kala dhammaysan lahayn wixii naga dhexeeyey arrin aannu diiddannahay maaha. S: Muxuu yahay Xidhiidhka idin dhaxeeya ee Dawlada ku Meel-gaadhka Soomaaliya? J: Xukuumadda ku meel-gaadhka Soomaaliya waxaanu jecelnahay inay ka shaqayso Nabbad-gelyada iyo Horumarinta Shacabka Soomaaliya oo ay haystaan Dhibaatooyin dhinaca Ammaanka iyo Nololasha,waxaanan ugu baaqay Masuulliyiinta Soomaaliya inay Masuuuliyadooda Gartaan. Cabdiqani Cabdilaahi Axmed (Asporo)
-
Stuff & Nonsense. He will be deported like any other TFG member. back in about-6 years ago (not sure about the exact date). Osman Ali Catto then a MP part of TFG arrived in Hargeysa airport and he was sent back and deported immedietly. It's the same reason the so called foreign minister of TFG can't even visit Somaliland.
-
Samafal why would Sheikh dalxis visit Hargeysa a place he is certainly not welcomed? i understand garowe, dhusamareeb etc since those places are kind of supportive of the 4km TFG.
-
Farmaajoha Muqdisho ma Riyoonayaa Mise waa ka garasho Written by Ibrahim Duale Suleiman Jan 19, 2011 at 12:20 PM Dadka siyaasiyiinta sheegta ee somalia gaar ahaan kuwan gacan ku rimiska ah ee banaanka laga soo macmalo, laguna ilaaliyo Villa Somalia waxa aad moodaa inay dal iyo dad ka taliyaan, waa hubaal inay yihiin tools cidi ku adeegato,dawladaha jaarka ah ha noqdaan ama meelo mandaqadda ka baxsan ba ha noqotee. Waxa aanay marnaba ku kala duwanayn horbooda yaasha Villa Somalia inay dadafeeyaan xaqqa shacabka Somaliland u leeyahay aaya ka tashigooda iyo weliba xaqiiqada dhabta ah ee jirta. Waxa aan tusaale yar u soo qaadanayaa sida dawladaha Carbeed waagu dushooda oga beryay siday oga soo horjeedeen rabitaanka shacabka Koonfurta Sudan oo aftidii ka hor carabtu ka dhego adaygtay. Haddaba Kooxaha Muqdisho ku sugan ee sheegta DKMG ee uu horkaco Shiikh Shariif iyo raiisal wasaare ku sheeggiisa waxa aad moodaa Gurayadii ciidda madaxa gashan jirtay iyada oo is leh cidi kuma aragto. Ninka lagu magacaabo Farmaajo waxa aan leeyahay saaxiib adeerkaa Siad bare xabaasha ku soo warayso waxa somaliland ka soo qabsaday,adiguna haddii aad isleedahay somaliland waad hagardaamayn kartaa weli waxa kaa dhiman waayo aragnnimo iyo taariikh dheer oo dadka afsoomaaliga ku hadla soo maray. Farmaajo ha ka tooso riyadan uu isku qanciyay madaxda somaliland taariikhda ha gasho, saaxiib kuwii hore ee midnimadii fashilantay ka soo qayb galay ayaa taariikh madaw ku leh somaliland kuwan maanta joogaana rabitaanka shacabka ayay dalka ku hoggaamiyaan isagaana asal ah. Madaxweynayaashi hore ee somalilandna rabitaanka shacabka ayay ku socdeen, Madaxweynaha maanta joogaana kama leexan karo waxii shacabku ugu codeeyeen. Waxa aad kaaga khaldan Madaxda Somaliland maaha gacan ku rimi sida kuwa maxaabiista u ah AMISOM ee aan maamulkoodu gaadhin xafaadaha Muqdisho. Madaxda Somaliland waxa ay ku yimaadeen doorasho xor ah oo dunidu ka markhaati ahayd. Faarmaajo waxa ceeb ku ah shakhsiyadiisa haddii uu isleeyahay somaliland waxa keeni kara ama joojin karaa waa madaxda. Xukuumadda somaliland waxa looga baahan yahay inay xoojiso dagaalka ka dhanka ah maamulka farmaajo ee gacan ku rimiska ah, xoogna u dardar geliso siyaasadda arrimaha debedda ee somaliland. Shacabka somaliland guud ahaan iyo qurbajoogga gaar ahaan waxa looga baahan yahay inay qaawiyaan maamulka farmaajo iyo cadaawadda ay u hayaan shacabka somaliland. Qurba joogga somaliland waxa looga baahan yahay inay xoojiyaan xidhiidhka caalamka ay la leeyihiin iyaka oo adeegsanaya magacyada ururada ay leeyihiin iyo weliba xidhiidhadooda shakhsiga ah iyaka oo awoodooda oo dhan ku wajihi doona dagaal aan waxba la isula hadhin maamulka liita ee Farmaajo.
-
Written by Ibrahim Duale Suleiman Jan 19, 2011 at 12:20 PM Dadka siyaasiyiinta sheegta ee somalia gaar ahaan kuwan gacan ku rimiska ah ee banaanka laga soo macmalo, laguna ilaaliyo Villa Somalia waxa aad moodaa inay dal iyo dad ka taliyaan, waa hubaal inay yihiin tools cidi ku adeegato,dawladaha jaarka ah ha noqdaan ama meelo mandaqadda ka baxsan ba ha noqotee. Waxa aanay marnaba ku kala duwanayn horbooda yaasha Villa Somalia inay dadafeeyaan xaqqa shacabka Somaliland u leeyahay aaya ka tashigooda iyo weliba xaqiiqada dhabta ah ee jirta. Waxa aan tusaale yar u soo qaadanayaa sida dawladaha Carbeed waagu dushooda oga beryay siday oga soo horjeedeen rabitaanka shacabka Koonfurta Sudan oo aftidii ka hor carabtu ka dhego adaygtay. Haddaba Kooxaha Muqdisho ku sugan ee sheegta DKMG ee uu horkaco Shiikh Shariif iyo raiisal wasaare ku sheeggiisa waxa aad moodaa Gurayadii ciidda madaxa gashan jirtay iyada oo is leh cidi kuma aragto. Ninka lagu magacaabo Farmaajo waxa aan leeyahay saaxiib adeerkaa Siad bare xabaasha ku soo warayso waxa somaliland ka soo qabsaday,adiguna haddii aad isleedahay somaliland waad hagardaamayn kartaa weli waxa kaa dhiman waayo aragnnimo iyo taariikh dheer oo dadka afsoomaaliga ku hadla soo maray. Farmaajo ha ka tooso riyadan uu isku qanciyay madaxda somaliland taariikhda ha gasho, saaxiib kuwii hore ee midnimadii fashilantay ka soo qayb galay ayaa taariikh madaw ku leh somaliland kuwan maanta joogaana rabitaanka shacabka ayay dalka ku hoggaamiyaan isagaana asal ah. Madaxweynayaashi hore ee somalilandna rabitaanka shacabka ayay ku socdeen, Madaxweynaha maanta joogaana kama leexan karo waxii shacabku ugu codeeyeen. Waxa aad kaaga khaldan Madaxda Somaliland maaha gacan ku rimi sida kuwa maxaabiista u ah AMISOM ee aan maamulkoodu gaadhin xafaadaha Muqdisho. Madaxda Somaliland waxa ay ku yimaadeen doorasho xor ah oo dunidu ka markhaati ahayd. Faarmaajo waxa ceeb ku ah shakhsiyadiisa haddii uu isleeyahay somaliland waxa keeni kara ama joojin karaa waa madaxda. Xukuumadda somaliland waxa looga baahan yahay inay xoojiso dagaalka ka dhanka ah maamulka farmaajo ee gacan ku rimiska ah, xoogna u dardar geliso siyaasadda arrimaha debedda ee somaliland. Shacabka somaliland guud ahaan iyo qurbajoogga gaar ahaan waxa looga baahan yahay inay qaawiyaan maamulka farmaajo iyo cadaawadda ay u hayaan shacabka somaliland. Qurba joogga somaliland waxa looga baahan yahay inay xoojiyaan xidhiidhka caalamka ay la leeyihiin iyaka oo adeegsanaya magacyada ururada ay leeyihiin iyo weliba xidhiidhadooda shakhsiga ah iyaka oo awoodooda oo dhan ku wajihi doona dagaal aan waxba la isula hadhin maamulka liita ee Farmaajo. http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=10037&Itemid=65
-
African Union declares South Sudan’s vote credible, free and fair
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
"For the secession vote to count, a simple majority of at least 60 percent of the voters were required to have cast their ballot for the entire process to become valid and its outcome binding." Interesting. If referendrum was held in Somaliland. Atleast over 75% would vote yes certainly. -
http://www.gedonet.com/index.php?news=5601
-
Indeed it's gun blazing on mr.cheese from now on. prepare for grilling. He just gave many people a reason to attack him. Watch the press tommoro.
-
Ironically the picture is not even Makhiir but Daallo. Anyhows no biggie. Good luck to Makhiir.
-
Somaliland: Government Announces No More School Fees For Public Schools
Saalax replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Mashallah that is good news. -
Written by Axmed Maxamuud Cilmi Madaxweynaha kursiga laga tuuray ee Zeyn Al Caabidiin Bin Cali, wuxu dalka xukumayay 23 sanno, Madaxweynihii hore ee Somaliya ee isna kursiga laga tuuray wuxu dalka xukumayay muddo ka badan 21 sano. Waxyaalaha labadoodaba lagu xasuusto waxa ka mid ah inay inqilaab aan dhiig ku daadan ku qabsadeen xukunka dalka, iskuna habdhaqan ekaayeen marka laga reebo meelo yaryar. Waxay iska mid yihiin diktaatarnimada, la dagaalanka culimada, cabudhinta dadka, laaliladda xuriyatul qawlka, adeegsiga awoodda wixii ka soo horjeesta iyo weliba ku koobida talada dalka koox yar oo aan jixin jix aqooN, Sad bursi , eex iyo musuqmaasuq. Dhanka waxqabadka waxay iskaga mid ahaayeen arrimo ay ugu wayn yihiin horumarinta waxbarashada , tayaynta milateriga, fulinta mashaariic horumarineed oo ku kooban meelaha qaar iyo waxyaalo kaleb. waqtigii Bin Cali waxa uu dalka dhanka waxbarashada gaadhsiyay horumar wayn oo la taaban karo, taas oo uu aad u cidhib tiray akhris iyo qoris la'aanta. Siyaad Barre muddadii uu talada dalka hayay wuxu isna sidoo kale horumar ka gaystay dhanka waxbarashada isaga oo qoray luqada afsoomaliga. Waxyaalaha ay ku kala duwan yihiin ee ugu muhiimsan waxa ka mid ah in uu Bin Cali waa madaxweyhinii hore ee Tunisia ee kursiga laga maroojiyay uu tiroba saddex doorasho qabtay, inkasta oo la sheego inay ahaayeen doorashoooyin ku sifoobay wax isdaba marin iyo musuqmaasuq. Waqtigii Siyaad may jirin doorashooyin la qabtay. Waxa kale oo muhim ah in la xuso in Bin Cali uu ugu danbayn dalka ka tagay isaga oo aan dhiig badan oo gumaad iyo xasuuq lagu tilmaamo gaysan, dalkuna dhisan yahay oo ay ciidamadu gacanta ku hayaan wax walba, halka Siyaad loogu taag waayay inuu kursiga ka tago xataa markii lagaga adkaaday magaalada Muqdisho, waxana uu dalka ka baxay muddo kadib markii kursiga laga tuuray, isaga oo dalkii baaba'ay, xasuuq ba'ani dhacay, wax ciidana oo talada gacanta ku hayaana aysan jirin. Taladu waxay ahayd mid ka go'da bin Cali , wuxuna dhawr jeer isbedel wayn ku sameeyey dastuurka si uu xilka usii dheeraysto. Sidaas oo kalena Siyaad wuxu ahaa nin xil jecel, isna wuxu geed dheer iyo mid gaabanba u koray inuu talada dalka gacanta kusii hayo. Waxyaalaha kale ee ay iskaga midka yihiin waxa ugu wayn, la dagaalanka ay ku qaadeen culimada diinta, waxana la wada ogyahay sidii dalwaddii Siyaad ay u laysay wadaadadii kasoo horjeestay ka horimaanshihii dawladda ee aayadaha quraanka ee ka hadlayay sinnaantii ragga iyo dumarka . Go'aankaas aadka u foosha xumaa ee dawladdu diinta faraha kula gashay wuxu noqday mid aan la mahadin. Madaxweynihii Tunisia isna muddadii uu xilka hayay wuxu xabsiga dhigay kumanaan wadaado ah, qaarkoodna wuu dilay, qaar kalena naf lacarar ayay dalka kaga baxeen. Qodob kale oo muhiim ahi wuxu yahay, in markii inqilaabka uu ku qabsaday Bin Cali uu soo saaray wax loogu magac daray " Bayaankii 05ta November" oo ahaa waqtigii xukunka uu la wareegay, kaas oo ka koobnaa balanqaadyo badan, sidoo kale Siyaad markii uu xukunka milateri dalka kula wareegay wuxu sameeyey gole sare oo kacaan, iyo qodobadii tawrada ama kacaanka. Labadoodu waxba kamay fulin qodobadii ay sida quruxda badeen u qoreen, dadkana u laqimi jireen. Waxay labadooduba isku magcaabeen hogaamiyayaal daacada oo dalka badbaadinaya, waxayna sawiradooda ku xardheen goob kasta oo ishaadu qabanaysay. Haddaba, casharadii ka dhashay labadan maamul ee diktaatoorka ah waxay noqdeen kuwo taariikhda gala. Waa mare waxa marag ma doon ah in rabitaanka dadweynuhu yahay kan dhaxal galaya ee hadhaya, waxana dhacday in shacbigii gobolada waqooyi (Somaliland) iyo kuwo kale oo koonfurta ku nooliba oo tirsanayay dulmi iyo eex ay gadoodeen oo kacdoon sameeyeen, kaas oo gaadhay marxalad dagaal faraha laysula tago, ugu danbayntiina libintu raacday dadkii dhibanayaasha ahaa ee dulmiga lagu hayay oo ah shacabkii rayidka ahaa ee ka dhiidhiyey isla waynida iyo dulmiga. Tunisia, inkasta oo arrinku aanu gaadhin dagaal layskaga hor yimaado, haddana rabitaankii shacabka ayaa noqday mid meel mara oo awooddii nimaadkii kali taliska ahaa shiiqiyey. Dhab ahaan waxa mudan in la ixtiraamo rabitaanka dadka, waana tan ay shacbiga Somaliland iyo shacbiga Tunisia ku caanbaxeen, iyaga oo awooddooda tusay keli taliyayaal muddo badan itaal isbidayay. Hal ku dhegga shacbiga reer Tunis ee waqtiga kacaanku wuxu ahaa " Waanu dhimanaynaa, waanuna tagaynaa, Laakiin waddanku wuu jirayaa" taas oo ka dhigan in naf iyo maalba loo hurayo badbaadinta dalka iyo sharaftiisa. Shacbiga Somalilandna waxay lahaayeen halhays kaas la macne ah. Casharada laga baranayo haddaba dhacdooyinkan ayaa ah, in dulmigu aanu waarin, ayna imanayso maalin dhibanuhu awood yeesho, qof walbana waxa loola dhaqmaa sida uu kuula dhaqmo sida ay tidhaahdo maahmaahda carabiga ahi. Waxa kale oo laga baranayaa in dadweynuhu yihiin kuwa go'aanka kama danbaysta ah leh, ayna dhici karto in muddo badan la cadaadiyo laakiinse marka koobka samirku ka buuxsamo ay fatahayaan oo go'aankoodu meel marayo. Ugu danbaynna waa fariin ku socota cid kasta oo xil haysa noocuu doonoba ha noqdee oo inuun baalmarsan sharciyada iyo balanqaadyada dadka ay ku maawelinayaan.
-
Bugland Minister and Other Official Defect to Somaliland
Saalax replied to Jacaylbaro's topic in Politics
-
^^^^ lama socotiid miyaa she even reads Oodweynenews.
-
Somaliland Has Left Cayn And Headed To Burco. Audio
Saalax replied to Abdirazak_PTL's topic in Politics
How did they leave cayn? Many Somaliland troops are now still stationed in Kalshaale, Maygaagle, Hogaagane, Qorilugud etc. -
Puntland is no benefit to us. So no thanks.