Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Xaaji Xunjuf;786745 wrote: Pirates maanta wa ka jiifta galkacyo dagaal xun ba ka socda , bariga sool dhirbaaxo kulul ba ku dhacday:D
  2. Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dhirbaaxo Laxaadle Ku Dhuftay Maleeshiyaadka Reer Buuhoodle Oo Saaka Ku Soo Qaaday Weerar Gaadmo Ah Iyo Khasaraha Dagaalkaasi Buuhoodle (Ramaas) Feb 8,2012 – Ciidamada qaranka Somaliland iyo Maleeshiyada reer Buuhoodle ayaa dagaal khasaare badan geystay uu ku dhex maray deegaanka Sool-joogta oo ka tirsan deegaanada Buuhoodle. Dagaalkan oo ka dhashay weerar gaadmo ahaa oo Maleeshiyaadku ku qaadeen fadhiisimada ciidamada qaranka, ayaa waxa uu socday ilaa 11:00 duhurnimo ee maanta, iyadda oo la sheegay in labada dhinac ay kala gaadheen khasaare aad u badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Wararka madaxa-banaan ee ka imanaya jiida dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada qaranku ay maleeshiyaadka ka dileen dad tiro ahaan aan la sheegin, isla-markaana ka qabteen gaadiidka dagaalka oo tiradooda lagu sheegay shan baabuur iyo maxaabiis tiro badan. Dagaalkan oo laba jeer oo kala dambeeyay dhacay ka dib markii maleeshiyaadka oo la eryaday soo rogaac celiyeen ayaa dhanka kale la tilmaamay inay jiraan askar ka geeriyootay ciidamada qaranka Somaliland. Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay jiraan khasaare ciidamada qaranka soo gaadhay iyo khasaare ay gaadhsiiyeen Maleeshiyaadka isaga oo ka gaabsaday inuu tiradda dhimashada sheego. Ciidamada qaranka Somaliland ee jiida Buuhoodle oo la sheegay inay taxadar badan ka muujinayaan dagaalada ay kula jiraan maleeshiyaadka Buuhoodle ayaa la sheegay inay imika heegan culus ugu jiraan inay iska difaacaan maleeshiyaadka. Ramaasnews Desk Hargeisa
  3. bilan;786522 wrote: Lol from burcoonline, is this what you are wishing, adder hadii buuhoodle Laga qaxo burco inaydaan nabad u fadhiyeeyin, ee belo halajeclaan uma Habiyar relax. It's only a news.
  4. Not. I am merely posting the news.
  5. http://burcoonline.com/view.php?id=3096
  6. Xaalada dadka Qaxoontiiga iyo Magaalada Buuhoodle oo Shaqo la'an soo Wajahday Marki Lagu Kala Yacay Buuhoodle. " frameborder="0" allowfullscreen>
  7. Mr Terrorist supporter it's wishful on your part. I don't see any qaax but old men talking.
  8. The video was not posted by burcoonline but by laascaanood3 a SSC supporter. Xaalada dadka Qaxoontiiga iyo Magaalada Buuhoodle oo Shaqo la'an soo Wajahday Marki Lagu Kala Yacay Buuhoodle. " frameborder="0" allowfullscreen> http://burcoonline.com/view.php?id=3096
  9. Jacaylbaro;786304 wrote: Shahaaduu u doontay dee ,,,,
  10. Somaliland does not claim to be for a union with Somalia.
  11. Xaaji Xunjuf;786391 wrote: ^^ Qurbaha
  12. NGONGE;786288 wrote: AA is a unionist and attending such parties makes sense for him. Not sure what is 'busted' about it. Attending clan parties who are supporting clan enclaves designed to create hostility and destabilization in back home means a unionist?
  13. http://www.ceegaag.com/2012/Feb%202012/Xafladii_Khaatumo_ee_Edmonton.htm
  14. Has Pirate Cabdi Cawar managed to free the Italian ship through his pirate connections yet? http://maritimesecurity.asia/free-2/piracy-2/italy-asks-somali-pms-help-in-freeing-ship/
  15. Dawladda Itoobiya oo Xuduuda Gobolada Sool iyo deegmaada Buhoodle ee Xuduuda la leh Ethiopia ka qaaday Ciidamadii Liyuu Booliiska ahaa kuwa Federal ahna keentay Dawladda Federalka Itoobiya ayaa la sheegay inay Ciidamadii Kililka Shanaad ee Liyuu Booliiska ka qaaday magaaladda Buuhoodle oo ay keentay Ciidamo ka tirsan Dawladda Federalka ee Itoobiya. Sida ay wararka naga soo gaadhaya Jiida Buuhoodle sheegayaana waxa soo degay dhinaca Dawladda Itoobiya Ciidamo aan hore u joogi jirin iyagoo sheegay in laga qaaday kuwii hore ee deganaa magaaladaasi. Sarkaal ka tirsan Somaliland ayaa Waaheen u xaqiijiyay soo dagitaanka Ciidamadda Dawladda Federalka ah waxaanu sheegay in Dawladda Itoobiya ay talaabadaasi u qaaday Cabashooyin badan oo looga gudbiyay Ciidankii Liyuu Booliiska ahaa waxaanu sheegay talaabadaasi inay tahay mid ku salaysan wada shaqaynta dhinaca Amniga oo ay koox deegaankaasi dhawaan timi khal-khal galisay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo dhawaan Madaxda dhinaca Amniga ah ee Dawladda Itoobiya la kulmay ayaa mar uu Suxufiyiin Reer Somaliland ah oo ku sugnaa Addis Ababa ugaga waramay kulankaasi ayaa u sheegay inay ka wada hadleen sidii talaabo ay uga qaadi lahayd kooxda Taleex oo uu sheegay inay Itoobiya soo mareen markay rabshadaha ka bilaabayeen Barriga Somaliland waxaanu xusay labada Dawladood inay ka wada hadleen xoojinta Amaanka Jiidaas oo uu sheegay inuu jiray Heshiis 2005 tii ay wada galeen. Waaheen
  16. (Hadhwanaagnews) Friday, February 03, 2012 Bristol (HWN)Waxa kale oo ay dadwaynaha reer Bristol ku muujiyeen shirkoodaasi baaq nabadeed oo ay u dirayaan dadka walaalaha ah ee ku wada nool SOMALILAND Shir Lagu taageerayo Gooni isutaaga Somaliland oo lagu qabtay Magaaladda Bristol Dadwaynaha reer soomaliland ee ku nool magaalada BRISTOL ee cariga ingiriiska ayaa ku qabtay shir balaadhan oo dadwayne aad u farabadani ka soo qaybgaleen, shirkaasi oo lagu taageerayay nabadgalyada iyo xasiloonida ka jirta SOOMALILLAND, Iyada oo dhamaan dadkii goobtaasi ka hadlay cadeeyeen in gooni-isutaaga SOMALILAND yahay mid muqadas ah. Waxa kale oo dadkaasi taageereen ciidamada qaranka Somaliland ee difaaca kaga jira jiida hore, isla markaasina ku booriyeen in la sugo xuduudaha Somaliland oo dhan. Waxa kale oo ay dadwaynaha reer Bristol ku muujiyeen shirkoodaasi baaq nabadeed oo ay u dirayaan dadka walaalaha ah ee ku wada nool SOMALILAND in si nabadgalyo ku jirto uga wadahadlaan wax kasta oo dhib keeni kara. Magaalada Bristol ayaa ah magaalo ay dadka reer Somaliland aad ugu badana yihiin islamarkaana dhawaaqoodu dheer yahay,dhaq-dhaqaaqa siyaasadeedna aad looga dareemo. Hadhwanaagnews/ Office Bristol
  17. Sirdoonka Itoobiya oo Xabsiga Dhigay Siyaasiga Guur-guurka Badan ee Cali Khaliif Galaydh Sirdoonka Dawlada Dhexe ee Itoobiya ayaa Fiidnimaddii Xalay xabsiga u taxaabay siyaasiga guur-guurka badan ee Cali Khaliif Galaydh oo ahaa Hogaamiyihii aasaasay Maamul ku Sheega Hirgali waayay ee Khaatumo Seeg, maamulkaas oo lagaga dhawaaqay Deegaanka Talleex Sanadkan dhamaaday. Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Caalami u sheegay in Siyaasigan la xidhay wakhti uu ku sugnaa Casuumad Balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Geri Koombe ee magaalada Jigjiga, waxaana wararku sheegayaan in loo dhaadhiciyay Xabsi ku yaala Magaaladda Addis-ababa ee Caasimadda Wadanka Itoobiya,waxana wararku intaasi ku darayaan in kooxihii uu horkacayay ee la socdey ay baxsadeen isla markaana lagu daba jirro. Hogaamiyayaasha la socdey Maxbuus Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa lagu soo waramayaa in qaarkood la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, halka kuwo kallena wali lagu daba jirro, waxaana uu xadhigani ku soo beegmayaa xili ay xukuumadda Somaliland shaaca ka qaadey in ay dacwad ka dhan ah hogaamiyaasha maamulka Khaatumo Seeg u gudbiysay Dawladda Dhaxe ee Itoobiya. Sidoo kalena u bandhigtay cabasho la xidhiidha dareenno Somaliland ka qabto in kooxaha hubaysan ee dagaalka ka wada degaanka Buuhoodle ay taageero ka helaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadey in ay Dawladda Dhaxe ee Itoobiya ay u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Maamulka Khaatumo Seeg, taas oo uu sheegay in ay ka cabsi qabaan in Killilka Shanaad uu taageersan yahay Maamulka Khaatumo Seeg “Dawladda Dhaxe ee Itoobiya Waxaannu u gudbinay oo kala hadalnay dareenno aannu ka qabno in maamulka Killilka Shanaad xidhiidh la leeyahay colaadaha kooxaha naba-diidka ah ka wadaan degaannada bariga Gobolka Sool iyo Buuhoodle ee dalka Somaliland, markaa annaga oo tixraacaynay heshiishkii nabadgelyo ee labada dal ka dhexeeyey ee bishii shanaad ee sannadkii 2011 lagu saxeexay magaalada Diridhaba ayaannu dawladda Itoobiya kala hadalnay colaadaha ka socda degaanka Buuhoodle, iyadoo shirkaasna uu ka qaybgalay wasiirka dhinaca amniga u qaabilsan dawladda Federaalka Itoobiya oo heshiishkii Diridhabana dhinaca Itoobiya u saxeexay, waxaanuna ka wadahalnay sidii Somaliland iyo Itoobiya gacan midaysan uga yeelan lahaayeen kooxaha hubaysan ee nabadgelyo-darrada ka wada Buuhoodle, annagoo aaminsan in kooxahaas hubaysani taageero iyo gacan-saarba ka helayaan masuuliyiin iyo madax ka tirsan gobolka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaanuna dawladda Itoobiya ka dalbanay inay arrintaas baadho oo wax ka qabato, sidoo kalena gacan naga siiso sidii colaaddaas loo soo afjari lahaa” ayuu yidhi Dr Maxamed C/laahi Cumar. Siyaasigan la xidhay ayaa carqalad ku noqdey gabi ahaanba amaanka Gobolka Sool, waxana uu dooneyay in uu colaad ka horiyo deegaanka Laascaanood iyo Buuhoodlle, Balse feejignaan badan iyo taxadiraad gaar ah oo ay galleen Ciidmadda Qaranka Somaliland iyo Shacabka Deegaankaas ayaanay tani u suura galin Maxbuus Cali Khaliif Galaydh. Isku soo wadda duuduub oo xadhigan ayaa noqonya mid cawaaqib xumo ku reeba siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo ay markiisii horreba taariikhdiisu ahayd bar madow isla markaana mugdi ku jirta, ka dib markii uu caadeystay in uu isku dayo in uu khalkhal galiyo Qaranka Somaliland, isaga oo filayay in uu majara habaabinayo shacabiga deegaanka Sool, balse waxa uu tan ka qaadey in isaga laftiisu uu gallo xabsi ay adag tahay sidda uu uga soo baxo Xigasho Wargeyska Caalami
  18. Xaaji Xunjuf;784284 wrote: Good sultan he knows where his capital is Indeed.
  19. Isimo Hargaysa Gaadhay Xili Somaliland Dagaal ka wado G.Sool iyo Buuhoodle. http://www.galgalanews.com/?p=8772