Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. The origins of Dervish is not even a Somali word. It's origins are from Persia and Turkey it means a Sufi. The whirling Dervish. A Dervish or Darvesh[1] (from Persian درویش, Darvīsh via Turkish, ‎) is someone treading a Sufi Muslim ascetic path or "Tariqah", known for their extreme poverty and austerity, similar to mendicant friars in Christianity or Hindu/Buddhist/Jain sadhus. The Persian word darvīsh (درویش) is of ancient origin and descends from a Proto-Iranian word that appears in Avestan as drigu-, "needy, mendicant".The Iranian word is probably further cognate with the Vedic Sanskrit word adhrigu-, an epithet of uncertain meaning applied to several deities. The Vedic word is probably to be analysed as a-dhrigu-, that is "not dhrigu-," perhaps "not poor", i.e. "rich." The existence of this Vedic cognate suggests that the institution of the holy mendicant was as prominent among the ancient Indo-Iranian people as it has been historically in later Iran in the form of dervish brotherhoods and also in India in the form of the various schools of sannyasis. However, because the etymology of the word is not apparent from the point of view of the modern Persian language, there have been attempts to make the parts of the word interpretable in terms of contemporary words and with reference to Sufic mystical concepts. Dar in Persian means "a door", so Dervish is said to literally mean "one who opens the doors". The Persian word also gives terms for "ascetic" in some languages, as in the Urdu phrase darveshaneh tabi'at, "an unflappable or ascetic temperament". The Mawlaw'īyya / Mevlevi Order, or the Mevlevilik / Mevleviye (Persian: مولويه‎ - Molavīyeh) is a Sufi order founded in Konya (in present-day Turkey) by the followers of Jalal ad-Din Muhammad Balkhi-Rumi, a 13th century Persian poet, Islamic jurist, and theologian. They are also known as the Whirling Dervishes due to their famous practice of whirling as a form of dhikr (remembrance of God). Dervish is a common term for an initiate of the Sufi path; the whirling is part of the formal Sama ceremony and the participants are properly known as semazen-s. ] Muhammad Ahmad (August 12, 1844 – June 22, 1885) was a religious leader of the Samaniyya order in Sudan who, on June 29, 1881, proclaimed himself as the Mahdi. In order to frame the Mahdiyya as a return to the early days of Islam, when the Muslim community, or Ummah, was unified under the guidance of the Prophet Muhammad and his immediate successors, Muhammad Ahmad drew many parallels between his manifestation as the Mahdi and the career of the Prophet. For example, he referred to himself as the Successor of the Messenger of God (Arabic: Khalifat Rasul Allah, خليفة رسول الله), and named his four closest deputies after the four successors to the Prophet Muhammad. Later, in order to distinguish his followers from adherents of other Sufi sects, he forbid the use of the word darwish (commonly known as "dervish" in English) to describe his followers, replacing it with the title Ansar, the term the Prophet Muhammad used for the people of Medina who welcomed him and his followers after their flight from Mecca.
  2. Saylici Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Sheekh Shariif. Hargeysa (Ramaas) Feb, 28, 2012- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha dawlada ku meel gaadhka ee fadhigeegu yahay Magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo sheegay in uu aqoonsaday maamulka Khaatumo State oo lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool. Saylici ayaa hadalka ka soo yeedhay Shariif-ka ku tilmaamay mid aan qiimo lahayn, isla markaana uu ku muujiyay cadowtinimada uu u qabo Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana uu ku eedeeyay in uu burburinayo guusha Somaliland ee muuqata, laakiin aanay taasi suurtagal ahayn. Waxa uu sheegay in gobolada Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin Somaliland oo aanay muran geli karin, iyada oo aanay jirin cid shaki gelin kartaa, waxaana uu Sheekh Shariif ujeediyay in uu joojiyo hadalada aan loo miidaan dayin. “Waxaan umalaynayaa guusha Somaliland ee soo muuqata in uu ku burburinayo, taasina wax suuragalaya maaha, Sool iyo Sanaag waa gobolo ka mid ah Somaliland, cid walba markhaati bay ka tahay caalamkuna wuu caddeeyay maanta Somalinad iyo Soomaaliya waxa ka dhexeeya, waana laga wada hadli doonaa”ayuu yidhi Saylici Toddobaadkan ayuu Sheekh Shariif si cad u sheegay in uu taageersan yahay kooxda Khaatumo State oo uu tilmaamay in ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa maamul goboleed,maadaama gacanta ku hayso saddex gobol, iyada oo ka noqonaysa maamulada hoostagaya dawladiisa oo wakhtigeedu dhacayo bisha August ee sannadkan. Ramaasnews Desk Hargeisa.
  3. Puntland oo Sheegtay In ay Qabatay Wiil 10-Jir ah Oo Qaab Ciidan Loo Tababaray [Cod] Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin Wasiir Kuxigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed Boosaaso[RBC Radio] Dawladda Puntland ayaa sheegtay galabta in Buuraha Calmadow ku jiraan rag Argagaxiso ah balse aysan Shacabweynaha ku dhaqan Puntland u qaadan in ay yihiin maleeshiyo Beeleed kasoo jeeda dadka kunool deegaanka kuwaas oo ah argagaxiso Caalami ah oo meesha isku soo aruursatay si dadka u dhibaateyso aan waxba galabsan. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda amniga Dawladda Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa galabta sheegay in muddo badan ay ka hadleen una sheegeen dadweynaha Puntland in buurtaas Calmadow ku jiraan rag Argagaxiso Caalami ah balse aysan ahayn maleeshiyo qabiil ama Jabhad dawladda Puntland mucaarad ku ah oo xun ku dagaalamaysa balse kuwa shacabka dhibayaa ay yihiin. …..”‘Waxaan rabaa in aan maanta ka fa’idaysto wax badan baa lagu sheekeyn jiray buurtaas Calmadow waxaa ku jira Maleeshiyaad Beeleed ah deegaanka dadka ah, wax badan baanu ka hadlnay anagu Warbaahinta inaanu dadkaasi ahayd dad beesha dega ah inaaney ahayn Maleeshiyo beed qabiil ama Jabhad ah oo dawladda Puntland Mucaarad ku ah iaaney ahayn in dadkaasi yihiin dad argagaxiso ah oo meesha isku soo aruursaday oo qeyb ka ah argagaxisada Caalamiga ah ……”‘ayuu yiri. Md. Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa xusay in marba haddii afkooda ka qirteen in ay yihiin agagaxiso welibana ay ku dhawaaqeen in ay yihiin Al-Qaacida ay tahay ALXAMDULILAAHI RABILCAALAMIIN taas oo ay Puntland horey u ogsooneyd balse ay la yaab ku tahay Caalamka oo sida uu sheegay muddo badan dhagaha ka furaysanayey hadaladii Puntland taas oo aysan weli fahmin. Halkan ka dhagayso Codka Wasiir Kuxigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed …..”Runtii Alxamdulilaahi rabil caalamiin mar haddii iyaga afkooda kasoo baxday maanta inay yihiin argagaxiso oo weliba ay ku dhawaaqeen awalba Al-Shabaab baa loo yaqiin oo Caalamku ku sheegi jiray Al-Shabaab balse in ay yihiin Al-Qaacida iyagaa sheegay anagu waa ogsooneyn laakiin Caalamku wax badan buu indhaha uga qarsanaayey waxa uu uga qarsanaayey magaran karno,aniga waxaan rabaa in aan kaga faa’idaysto in umada reer Puntland uu damiirkoodu soo noolaado hadda waa fiicanyahay wax badan baa la qabanayaa xogahaan dad Shacab ah ayaa Ciidamada ka caawiyey, diyaar bay u yihiin dadkooda iyo dalkooda inay difaacdaan muddo badan baanu dhaliilaynay Shacabka balse hadda amaan baan usoo Jeedinaynaa sidey Ciidamada amiga ula shaqeeyaaniin raali baan ka nahay dadkayagii weeye waanu soo dhaweyneynaa…”"”ayuu yiri mar kale. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda amniga Dawladda Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa ka dhawaajiyey in cidii sameysa tanaasul hawsha ay hadda faraha kula jirto ay dawladdu soo dhaweyn doonto sidii uu horeyba u balanqaaday Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole balse sheegay inaysan haysan maanta Jaanis ay dib ugu soo noqdaan oo wakhtigoodii dhamaaday. ……”‘Cid allaale iyo cidii tanaasulaad sameyneysa dadkeeda iyo dalkeeda waanu soo dhaweyneynaa sida Madaxweynaha Puntland muddo badan uu sheegay wey u furantahay in Jaaniska uu ka faa’idaysto maanta nimankaasi kuwa wakhti u haray maahan….”ayuu xusay. Sidoo kale Cabdijamaal ayaa xusay in dhawaan ay gacanta ku dhigeen wiil 10-jir ah oo ay Irbad kaga dhufsaneyd dhanka gacanta bidix kaas oo loo tababaray furfurida AK-47 iyo qaababkii kale ee Ciidan,wuxuuna noo sheegay xogo badan oo muhiim ah iyo in Sanka wax laga siiyey isagoona si aad ah u dhaleeceeyey goobaha lagu barto quraanka kuna tilmaamay kuwa qaarkood u furtay inay si khaldan u Isticmaalaan balse gebi ahaantood aysan wada ahayn kuwa falalkaas ku kacaya. …..”‘ Dadka reer Puntland waxaan u sheegayaa maalin dhaweyn inan yar oo 10-jir ah bay hay’adaha amnigu qabteen oo hadda aabihii Gaalkacyo uga yimid inankaasi irbad baa ku dhufsaneyd qoriga AK-47 wuu furfurayaa qaabkii ciidan ahaa oo dhan baa loo tababaray ,waxyaabahaas oo dhan waxay ka yimaadaaniin malcaamadaha sida qaloocan u shaqeeya mana wada oran karo malcaamadaha oo dhan weeye balse waxaa Jirta qeyb si khaldan u shaqeysa oo marka u badaka waalidiintu u gaystaan si khaldan u isticmaala damiirkoodana badela dhanka bidixda ah buu ka talaalnaa wuxuuna noo sheegay in sanka wax laga siiyey…”ayuu sidoo kale sheegay. Gabagabadii ayaa dadweynaha reer Puntland uu u sheegay in amniga Putland maanta uu yahay 100%, iyadoona ay si weyn ugu halgameen laamaha amniga Puntland taas oo in badan ay iska kaashadeen shacab,dawlad iyo Xukuumadba in la helo dadka dhibaatada bulshada dhexdeeda ku haya isagoona tilmaamay in kuwa dhibaatada wadaa aysan wakhtiga iska lumin loona dirayo fariin ah in Puntland shacabkeedii uu soo Jeestay. Cismaan Turaabi RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso
  4. Somalina;796225 wrote: For Saalax http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=4zrwRhoyBbA :D
  5. Somalina;796220 wrote: Waa siyaasad waxani, cadaawad ma ji dh o walaal. waan gartay, way iska soo bixi ariintu bilaaha soo socda.
  6. Xaaji Xunjuf;796221 wrote: Salax sh sharif wax u aqoonsaday ba iska yar mid ba suaal weydiye markasa la weydiye sadex gobol maad tihin markasu yidhi haa markasa lugu yidhi shuruudihi baad buuxisay wa iska dee sheeko meel mari weyday wa suaal la hor dhigay sharifka You might be right. The SSC folks are known for misinterpreting answers.
  7. Marku uu Aqoonsaday khaatumo waxay ku tusaysaa cadaawada uu u qabo Somaliland.
  8. Somalina;796204 wrote: Saalax, muxuu ugu jawaabey? Sool iyo Sanaag wa gobolo ka miid ah Somaliland.
  9. Wadahadal Dhexmara DKMG iyo Somaliland AXmed Max'ed Siilaanyo, Madaxweynaha Somaliland ayaa VOA u sheegay in Somaliland ay soo dhaweynayso wadahadal ay la qaataan DKMG. Siilaanyo wuxuu sheegay in labada dhinac ay u wadahadlayaa sidii laba dowladood oo jaar ah oo ka tashanaya maslaxadda ka dhaxeysa. Dhageyso wareysi ay VOA la yeelatay Axmed Siilaanyo. http://www.voanews.com/somali/news/Wadahadal-Dhexmara-DKMG-iyo-Somaliland-140741363.html
  10. Waraysi: Madaxweyne Siilaanyo Oo Wada-hadalka Dhex-mari doona Somaliland Iyo Somaliya U Fasiray Si Ka Duwan Sidii Uu Sheekh Shariif U Fasirtay DHAGAYSO (Hadhwanaagnews) Tuesday, February 28, 2012 Waxaa madaxweynaha waraysi aad u axadhaya shirkii London la yeelatay idaacadda VOA-da gaar ahaan Suxufiyadda caanka ah Sahra Ciidle Nuur DHAGAYSO
  11. He knowledged his group is better off in Somaliland than Somalia which is a good thing.Many of the misguided MPs, Ministers of Somaliland origin in Koonfuria might follow suit.
  12. Mudane Ka Tirsanaa Baarlamaanka Dawladda Somalia Oo U Soo Galay Somaliland, shaacana Ka Qaaday In Beeshiisu Ay Ku Roon Tahay Dhinaca Somaliland (Hadhwanaagnews) Tuesday, February 28, 2012 Mudane Ka T irsanaa Baarlamaanka Dawladda Somalia Oo U Soo Galay Somaliland, shaacana Ka Qaaday In Beeshiisu Ay Ku Roon Tahay Dhinaca Somaliland Hargaysa(HWN) Waxa maanta magaalada hargaysa dib ugu soo laabatay Xildh: Maxamed Cabdi Cige oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha baarlamaanka ee Somalia kana soo horjeeday gooni isu taaga Somaliland balse hadda ka soo noqday fikirkaasi ka dib markii uu cafis ka helay madaxweynaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Haddaba waxa Maxamed Cabdi Cige kaga hortagay garoonka diyaaradaha ee magaalada hargaysa La taliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhada Jaamac Xirsi boqorka , Salaadiinta Beesha deegaanka Daami , Xildhibaanka Golaha Deegaanka ee Beeshaasi, shaqaalaha Madaarka iyo dadweyne kale.
  13. Genaral Galaal oo la yaabay markii uu Cali Samatar dafiray waraysigii 1988 laga qabtay ee uu ku amrayay burburinta magaalooyinka Somaliland iyo xasuuqa reer Somaliland February 28, 2012 General Maxamed Nuur Galaal, oo ka mid ah saraakiishii sar sare ee ciidamadii dalka Somaliya, imikana ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Somaliyed, ayaa soo dhaweeyay wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya, waxaanu Alle ka baryay inuu noqdo wada hadal khayr qaba. General Galaal, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaloo ka hadlay dacwadda ku socota Cali Samatar oo uu ka mid ahaa ragga markhaatiga ku furay dambiga uu galay, waxaanu sheegay inuu la yaabay markii uu Cali Samatar dafiray waraysigii1988 laga qabtay ee uu ku amrayay burburinta magaalooyinka Somaliland iyo xasuuqa reer Somaliland. Waraysigaas oo uu Gen. Maxamed Nuur Galaal kaga hadlay arrimo badan, wuxuu u dhacay sidan: Shirkii London go’aamadii ka soo baxay waxa lagu sheegay inay Somaliland iyo Somaliya wada hadlaan kana wada hadlaan mustaqbalkooda, wada hadalkaas siduu kuul muuqdaa? Waxaan u arkaa inuu wax fiican yahay inay wada hadlaan oo wax ku heshiiyaan, dawlada Somalilandna waan ugu hanbalyaynayaa inay qaadacaadii ay qaadaci jirtay inay hadda ka soo noqotay, waanan ku hanbalyaynayaa madaxweynaha iyo dawladiisa, golayaasha iyo shacbigaba. Inay Somaliland madaxbanaanideedii la soo noqotay, dunidana ay icitiraaf caalamiya ka doonayso sideed u aragtaa? Arimahaasi waa kuwa la rabo in laga wada hadlo, arimhaas wada fadhisigana kamid ma’ahi, laakiin waxaan leeyahay dad walba waxa uu rabo ee khayr ugu jiro alle haw fududeeyo, waxaanan leeyahay dadkaas walaalahayo ah ee reer waqooyi waxii khayr ugu jiro alle haw fududeeyo. Waxa jira koox khaatumo layidhaado oo bariga Somaliland lagaga dhawaaqay, markaad eegto iyo dhacdooyin kale ma filaysa inay jirto Somaliland siyaasad la doonayo in lagu furfuraayo? Walaahi arintaasu waa dhibaato soo koradhay, Somaliland waxay wax ku heli kartaa inay midaysantahay, hadayse ku dhacdo sidii koonfurtu xaalku waxaad moodaa inuu cakirmaayo oo layidhaahdo soo heshiiya, sida imika koonfurta la yidhaahdo, waxa la rabaa in dagaal iyo waxaas aan waxba lagu xalin, go’gashii uu madaxweynuu ku dhawaaqayna in si niyo ah looga qayb galo, ciladaha jira ee la tabanaayana in si lilaahiya loo qanciyo dadka tabanaaya. Cali Samatar dacwad ayaa kaga socota sideed sano dalka Maraykanka, waxaanu sheegay in aanu sii wadi karin imika, adiga dacwadaas siday kuul muuqataa? Horta dadkii wax loo dhimay inay dacwoodaan xaqbay u leeyahiin oo ay dacweeyaan dadkii ay wax ka tirsanayeen, muddo dheerna dacwadaasu way jiitamaysay, Samatar waxaan yaabay markuu dafiray codkisii ee uu yidhi anigu ma ihi ninka arinkan sheegaya, dadkii codka ka qabtay inay cajaladii ay ka qabteen iyo waxiiba keeneen meesha waan maqlay, markaas codkaagii wax aad dafiri karto maaha. Markaas aad iyo aad ayaan ula yaabay, naf waliba waxay gaysatayna inay bixisaa waa xaq, waa cadaalad, cadaalad islaam iyo cadaalad gaalna waa ay ku jirtaa naf waliba waxay ba’isay in laga abaalmariyo. Nin dadka wax dacwaynaya u ah looyar ayaa ii yimi aniga oo waliba cisbitaal ku jira, wax badan badan baanu I waydiiyay, xagaasna waa ay igala soo hadleen oo dhawr goor ayay xidhiidh igala soo yeesheen, wixii aan ka ogaana waan sheegay oo waan maqlaayay inay magacaygana ku soo dareen. Source:Wargeyska Geeska Afrika
  14. http://somalilandpress.com/somaliland-toyota-marill-to-establish-an-office-26718
  15. Somaliland: Toyota Marill to establish an Office HARGEISA-Somaliland Vice President receives at his office representatives from International TOYOTA MARILL Company who paid working visit to the country. The delegation compromising of five members headed by company’s Managing Director Mr. Lucmarill and was accompanied by the special representative to Djibouti, Somalia and Somaliland and other senior officials from the company. According to a press release issued from the presidential palace stated that the two sides discussed and agreed to have Toyota Marill Company to establish an office in Somaliland. Somaliland Vice President informed the delegates that his government is ready to welcome anyone interested in investing Somaliland. On the other hand, Company’s Managing Director to Djibouti who spoke at the meeting thanked to the country’s vice president for receiving them cordially at his office and spell out their company’s efforts in creating an office in Somaliland which is peaceful, stable and made progress on key areas of trade, democracy which attracted the company and made TOYOTA MARILL as the number one when it comes to international companies based in the country. Somaliland vice president was accompanied by advisor to his office Mr. Osman Said Jama and vice president’s special secretary Mr. Ali Hussein Nour. The Managing Director Mr. Lucmarill was accompanied by Denis Bouzin, Kateryn Bourgine, Osman Abdi Osman, Company’s representative to Somaliland and Mr. Said Jama Ali.
  16. Britian oo u wakiilatay Qadar inay wadahadal u furto soomaliya iyo Somaliland iyadoo xalka dhabta ahi uu yahay afti dadka la weydiiyo; (Hadhwanaagnews) Tuesday, February 28, 2012 Kulankii dhexmaray bisha Feb 22 keedi ayaa xoghayaha arrimaha dibada ee Britian iyo madaxweynaha Somaliland Kulankii dhexmaray bisha Feb 22 keedi ayaa xoghayaha arrimaha dibada ee Britian iyo madaxweynaha Somaliland Siiraanyo iskula soo qaadeen habka ugu fudud ee looga jibo keenayo hawsha aqoonsiga ee somalinad .labada dawladood ayaa waxay isku af garteen sida lagu qoray warbixinta dawlda ingiriisku kazoo saartay kulankaas in Somalinad laba dhinac laga caawiyo dhanka ganacsiga iyo dhanka dibloomaaasiyada . Dhanka ganacsiga : waxay Britian damaanad xaga caymiska ah siin doontaa sharikadaha waaweyn ee dalka ganacsiga ka bilaabiya sida macdanta oo kale iyo inay Somaliland bangiyada addunka la sameeyso xidhiidh ganacsi taas oo loo sameeyay xafiis cusub oo arrintaa qaabilsan oo ay hawshiisa wadayaan khubaro ingiriisa oo isagu jira looyaro iyo dibloomasiyiin Dhanka Dibloomaasiyada:waxay ingiriisku Somaliland ka caawin doonaan inay hesho xidhiidho cusub oo dhex mara Somaliland iyo dalala cusub waxaanay durtaba Qatar ka codsadeen inay Somaliland wax la qabato (kulnabaa dhexmaray raiisalwasaaraha qatar iyiiyo madaxweynaha ), waxaa kaloo dhawan Somaliland iman doona wufuud ka socota Qatar, turkey , iyo dalal badan oo ka tirsan (commen wealth) ama barwaaqo sooranka kuwaas ay Somaliland ka wasdeyeen ingiriisku . Qatar ayaa ingiriisku haddaba u wakiisheen inay Somaliland iyo soomaliya wadahadal u furto iyadoo sida qoddobka 6aad ee shirku sheegayo ay arrintu tahay ina dadka laga qaado afti Somaliland oo ay codkooda dhiibtaan . http://ukeu.fco.gov.uk/en/news/?view=News&id=733871182 halakan ka akhriso warbixinta dawlda UK abdi bidhan
  17. Oodweyne;795754 wrote: ^^One of the big winners of the recently concluded London Conference is the Somaliland's coast guard; since, my understanding is that many countries, Britain being at the fore front of it, have, at the margin of the meeting, made a pledge to government's of Somaliland, so that our coast guard could really be upgraded in-terms of service capacity. But, we shall see soon when Mr Andrew Mitchell at DfID gets to hargeisa with a delegation from the Royal Navy and the Ministry of Defense ( MOD ). Indeed. It would be interesting to see what Mr Andrew Mitchell and his Brits have in offer for our coast guards weaponary upgarding.
  18. Daawo video madaxweyna ku xigeenka Somaliland oo maanta u soo xidhay tabobar 300 oo askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha somalilan,tabobarkan ayaa socday 8bilood waxaanay ku qaateenshuruucda bada iyo tabaha dagaalka bada ladgaalanka budhcadbadeeda,waxaana ciidankan loo kala dirayaa saldhigyada,Lughaya,Xiis, Maydh iyo Karin oo ka hawlgalidoonaan. wariye yasin jaamac cali ayaa goobjoog ka ahaa xafladan.Berbera. " frameborder="0" allowfullscreen>
  19. Somaliland; R.hadhwanaag Dhageyso Madaxweyne Sheekh Shariif oo Cadeynaya in Madaxweyne Siilaanyo Uu Qudbad Qiimo Badan Ka Jeediyay Shirkii London iyo Asagoo sheegay in ay Somaliland Wadahadal Lagalayaan dhageyso (Hadhwanaagnews) Monday, February 27, 2012 Madaxweyne Sheekh Shariif oo Cadeynaya in Madaxweyne Siilaanyo Uu Qudbad Qiimo Badan Ka Jeediyay Shirkii London iyo Asagoo sheegay in ay Somaliland Wadahadal Lagalayaan dhageyso Somaliland; R.hadhwanaag Dhageyso Madaxweyne Sheekh Shariif oo Cadeynaya in Madaxweyne Siilaanyo Uu Qudbad Qiimo Badan Ka Jeediyay Shirkii London iyo Asagoo sheegay in ay Somaliland Wadahadal Lagalayaan dhageyso Halkaan Guji oo Mobile-kaada Ku dhageyso.mp3 Submitted By: Hassan Kuriya
  20. Taleexi;795722 wrote: Is this a news?. It is a advancement related news. Don't be fuming cause SSC isn't getting those cars but rusty ones.