-
Content Count
10,390 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Hargeysa (Somaliland.Org)- M adaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) ayaa maanta furay mashruuc balaadhan oo la xidhiidha biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Wajaalle, Burco iyo Ceerigaabo oo ay maal-gelinayso midowga yurub kaasi oo ay ku baxayso 28 Malyan oo Dollar. Waxa xaflad balaadhan oo Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa loo sameeyay furitaanka mashruucan, waxa kale oo ka soo qeyb galay Wefti ka socday Midowga Yurub oo ay Hoggaaminaysay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida iyo saraakiil kale oo ka socday xafiiska Midowga Yurub ee Kenya, Wasiirro, Duqa Caasimadda Hargeysa, Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maareeyeyaal,Agaasimaha guud ee qorshaynta, Gudoomiyaha degmada Wajaalle, Xildhibaano iyo marti-sharaf kale. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin inay maal-gelin u helaan biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale. Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu si weyn ugu mahad naqay Midowga Yurub waxaanu yidhi “Waxaan maanta farxad weyn ii ah in mashruucan qiimaha weyn leh oo wax ka taraya nolasha bini’aadam faro badan oo reer Somaliland ah oo runtii aniga iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah raggii loo doortay qarankan sanad iyo badh ka hor, waxa farxad aad ah noo ah inaanu maal-gelin u helay biyo balaadhintii caasimadda Somaliland iyo sadex magaalo oo kale oo aan runtii odhan karo farxaddaasi iyo mahadaasi ILAAHAY kasakow waxa leh midowga Yurub ee ku deeqay mashruucan, si nolasha dad badan oo runtii nolasha ugu adag biyo ku caba inay biyo nadiif ah helaan ayuu mashruucani ku saabsan yahay.” < “Waxa mashruucani faa’iidaynayaa in Magaaladda Hargeysa oo ay ku nool yihiin dad hal malyan ku dhowi inay biyo nadiif ah helaan iyo sadexdaasi magaalo ee kale oo iyagana ay ku nool yihiin dad aan aad u yarayni, waxaanu leenahay midowga Yurub aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland. Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay mashruucan ay ku baxayso dhaqaalaha badani uu ka turjumayo sida Somaliland uga gudubtay xiligii heerka gar-gaarka bini’aadminimo una gudubtay heerka horumarinta. “Mashruucani wuxuu cadaynayaa inay Somaliland ka gudubtay heerkii gar-gaarka oo ay u gudubtay heerkii horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, biyaha iyo wixii la mid ah,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu ku baaqay in hirgelinta mashruucan ay si wada jir ah hareeraha uga wada joogaan Somaliland iyo midowga Yurub-ba. Md. C/Raxmaan Saylici oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anagana waxa noo yaala xukuumad ahaan oo aanu ka shaqeynaynaa shuruucdii maal-gelinta intaasi leegi siday u jiri lahayd oo ay u shaqayn lahayd, taasna diyaar ayaanu u nahay. Haddii maalgelintii la helay oo aan la lexjeclaysan wixii sidiisii ayuu ku noqonayaa. Waxaan rajaynaynaa inuu noqdo mashruucani mid aynu kaga baxno baryo dambe.waxaanu u balan qaadaynaa in nidaamka biyaha afartaasi magaalo la hagaajiyo markuu hirgalo mashruucani.” “Mashruucani waa mashruucii ugu balaadhnaa ee ka hirgala dalka waayo wuxuu taabanayaa nolasha bini’aadamka waxaanu wax ka bedelayaa Kumanaan qof oo reer Somaliland ah. Waxaan leeyahay midowga Yurub walaalayaal noo hirgaliya waxa la yidhaahdaa oo Soomaalidu ku maah-maahdaa dhicisku inta birta loo soo sido ayuu ka bakhtiyaaye. 60% ayaan qabnaa inaanay biyo ku filan helin magaalooyinkan. Waxaan idinku dardaarayaa waad na siiseen hantidii ee waa inay hawshu hore u qabsoonto,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo ka hadlay xafladaasi ayaa hadlay dhibaatooyinka ka taan biyo yaraanta caasimadda Hargeysa waxa uu yidhi “Nidaamka Biyaha ee aynu xiligan ka cabto biyaha Hargeysa oo Todobaatameeyadii ay dawladii Shiinuhu ku caawisay dawladii markaa ka jirtay Somalia waxa xiligaasi dadkii loogu tallo galay waxay ahaayeen ugu badnaan 160 kun oo qof inay ka cabaan, maanta waad qiyaasi karaysaan tiradda dadka ku nool Hargeysi intay leeg yihiin. Waxaanu xil weyn iska saarnaa oo hadh iyo habeen aanu ka shaqaynaa intaas imika jirta oo aanu ognahay inay aad u yar tahay marka loo eego baahida biyaha ee adduunka, intaasi si fiican ayaanu u daryeelaa una ilaalinaa, laakiin wax kasta oo aanu samayno imika biyo umaanaan kordhin karayn magaaladda. Ceel aad dayac-tirto ama mid cusub oo la qodaa waxba kordhin maayo. Waayo magaaladda waxa biyaha u keena laba beeb oo yar yar oo 12inj ah 23 saacadood ayaanu biyaha soo daynaa haddana baahida Hargeysa waanu *****li kari weynay.” Maareeyuhu wuxuu si weyn ugu mahad celiyay Wasiirka macdanta iyo biyaha oo uu ku tilmaamay masuul xil weyn iska saaray sidii mashruuc biyo balaadhin ah loogu heli lahaa caasimadda Hargeysa. Ibraahim Siyaad waxa kale oo uu mahad celiyay midowga Yurub oo uu xusay inay noqdeen qaadhaan bixiyeyaasha qudha ee ku dhiiraday inay maal-geliyaan biyo balaadhinta Hargeysa iyo sadex magaalo ee kale. “Qorshuhu siduu yahay haddii ILAAHAY inagu guuleeyo mashruucan loo fadhiyo waxaynu rajaynaynaa in biyaha caasimadda Hargeysa xiligan yimaada in leegi inay ku korodho.xiligan biyaha Hargeysa yimaadaa waa 10 kun oo mitir kuyuub, haddii si kale loo dhigana waa konton kun oo foosto. Waxaan filaynaa inay intaasi in leegi timaado oo dadka aanay biyuhu gaadhini ay heli doonaan inshaalaahu,”ayuu yidhi Maareeyaha wakaalada Biyuhu. Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay uguna bogaadiyay midowga Yurub maal-gelinta biyo balaadhinta afarta magaalo waxaanu tilmaamay inay Somaliland abaal weyn ugu hayso EU-da mashruucan. Wasiirku waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qaabka loo fulin doono mashruucan oo uu xusay inuu yarayn doono xadiga biyo la’aaneed ee ka taagan magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood. “Mashruucan biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco Ceerigaabo iyo Wajaale waa kii u weynaa ee abid laga sameeyo Somaliland, waxaanan abaal ugu haynaa midowga yurub mashruucan qiimaha leh,” ayuu yidhi Md. Xuseen Guray. Wasiirka macdanta oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego markii aanu sanad ka hor Nairobi kula shiray qaadhaan-bixiyeyaasha sida Maraykanka, Midowga Yurub, wadamada Asia iyo wadamadda carabta ee aanu u soo bandhignay kana dalbanay biyo balaadhinta Hargeysa, waxa kale oo ka jawaabay dalabkayagii midowga Yurub waxaanan taasi ugu haynaa xushmad aad u weyn.” Wasiirku wuxuu balan qaaday inay xukuumad ahaan ka shaqayn doonaan sidii nidaam hufan loogu fulin lahaa mashruucan maal-gashi oo uu ku sifeeyay mid waxtar weyn leh. Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadashay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida, waxaanay ka warantay marxaladihii uu soo maray mashruucaasi. Mrs. Isbel Faria De Almeida waxay xustay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa,Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale. Waxa kale oo ay sheegay in midowg Yurub uu sii wadayo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan ee uu la yeehay Somaliland,waxaanay carabka ku dhufatay in EU-du ay gacan ka geysato horumarinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland. Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Agaasimaha guud ee wasaaradd qorshaynta qaranka kuwaasi oo Midowga Yurub ku bogaadiyay hirgelinta mashruucan oo ay tilmaameen inuu wax weyn ka tarayo baahidii biyood ee magaalooyinka laga fulin doono. Waxa kale oo ay labadaasi masuul si weyn u ammaaneen Wasiirka macdanta iyo biyaha oo ay sheegeen inuu isku hawlay sidii uu maal-gelin ugu heli lahaa biyo yaraanta ka taagan magaaladda Hargeysa iyo kuwa kaleba. Mashruucan oo uu ku baxayo adduun dhan 28 Malyan oo Dollar, waxa ugu weyn mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo loo qoondeeyay 21 Malyan iyo 300 oo kun oo Dollar oo loogu tallo galay in lagu fuliyo wajiga koowaad. Waxana lagu qaban doonaa Ceelashii geedeeble oo la hagaajiyo, ceelal kale oo la qodo, kuwa xuna la hagaajyo iyo in beebkan weyn ee wakaalada biyaha dhibaataddu ka haysato oo la bedelo. Waxa kale oo ku jira in kaydad waaweyn la sameeyo magaaladda Hargeysa. Geesta kale 2 Malyan iyo 600 oo kun oo dollar, waxa loogu tallo galay wakalada biyaha Burco, waxaana ugu jira in sare loo qaado oo dhuumaha biyaha qaada laga bedelo, in kaydad loo sameeyo iyo ceelal biyood loo qodo. Halka Magaaladda Ceerigaabo biyo balaadhinteeda loo asteeyay 1 malyan iyo 600 oo kun Dollar oo loogu tallo galay biyo balaadhinta. Waxa kale oo 2 Malyan oo Dollar loo qoondeeyay magaalada wajaale oo dhibaato aad iyo aad u weyn oo dhinaca biyaha ahi ka jiraan. Weriye Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org/Hargeysa
-
Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Oo Markii U Horeysay Ballanqaaday In Xukuumaddu Dhismaha Garoonka Burco Bilaabidoonto Bisha April Iyo Dadka Rer Burco Oo Tirindoona Wakhtiga Ka Hadhay Muddadaas. (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 06, 2012 (London-HNW) Wasiirka Duulista iyo Hawada Jamhuuriyadda Somaliland Mud: Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ballanqaaday in Wasaaraddiisa oo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo uga wakiil ah Garoomada Diyaaradaha (London-HNW) Wasiirka Duulista iyo Hawada Jamhuuriyadda Somaliland Mud: Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ballanqaaday in Wasaaraddiisa oo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo uga wakiil ah Garoomada Diyaaradaha Somaliland ay bilaabayso Garoonka Caasimadda Gobolka Togdheer ee Magaaladda Burco. Ballanqaadka Wasiirka ayaa yimi maruu ku sugnaa Magaaladda Birmingham oo uu dhawaan Safar shakhsi ah ku joogay, halkaas oo ay su´aal ku waydiiyeen qaar kamid ah Jaaliyadda rer Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda Birmingham. Wasiirka oo la waydiiyay maadaama oo ay Wasaaradiisu wakhti badan galisay labada Garoon ee Hargaysa Iyo Berbera waxaa uga meel yaala Garoonka Magaaladda Burco oo ku yaala Caasimadda Labaad ee Waddanka Somaliland. Wuxuuna Wasiirku ku ja waabay. "Runtii Garoonka Burco wuxuu nooyahay qorshaha koobaad waxaanu bilaabaynaa bilowga bisha April haddii alle idmo sidaas ayaad ogaanaysaan." Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdo Oo Ballanqaaday Inuu April Dhisdoonaan Xukuumad ahaan Garoonka Burco Markale ayaa Wasiirka la waydiiyay Su´aal kale oo ahayd. Mudane Wasiir Waxaanu sugnaa hadda bisha April oo ay wakhti bil kayari inaga xigaan miyaa? Wuxuuna Wasiir Maxamuud Xaashi si ballanqaad kalsooni leh ugu jawaabay. "Haa bishaas Afraad ayaanu bilaabaynaa qorshuhuna waa in dayr weyn lagu soo wareejiyaa dhisme dadku ka soo dagaana loo dhisaa, dadka ka agdhwna laga raraa yadoo aan ogahay in dadku diyaar yihiin oo ka guuri doonaan maca kuwa Daaraha ka agdhistay Garoonka, si uu u noqdo Garoon bulshada u adeega. Waxaanu idinka Qurbajoog ahaan idin sheegaynaa annagu waanu billaabaynaa Xukuumad ahaan bisha Afraad wixii aad ku darsanaysaan yaan laydinka waayin." Hadalkaas oo markii uu Wasiirku yidhi ay si nayaayir leh xubnihii su´aasha weydiiyay ugu soo qadimeen Wasiirka inay diraar u yihiin wixii ay kaga qayb qaadanayaan, isla markaana Gobolka Togdheer uu leeyahay Sherkado waaweyn oo wax weyn ku darsan doona haddii Xukuumaddu bilowdo Garoonka oo dhismihiisana gacanta saarto. Si kastaba ha ahaate Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Burco ayaa noqday su´aal aanay jawaab u hayn Wasaaradda Duulista Iyo Hawadu. Yadoo Qurbajooga ugu badan ee rer Somaliland lagu tilmaamo inay ka soo jeedaan Gobolka Togdheer. Waxaana hadda xaalad dayac oo ishu ka naxayso ku sugan Garoonka Magaaladda Burco oo haduu shaqayn lahaa Gobolka iyo Qaranka Somalilandba dakhli soo galinlahaa. Waxayse bulshada rer Togdheer tirin doonaan ayaamaha Labatanka iyo dhawrka casho ah ee ka hadhay muddada uu bilaabistiisa ku ballanqaaday Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi. Tasoo ama baal dahaba Wasiirka tariikhdiisa u yeeli doonta ama noqon doonta Dhedo Roob noqon wayday. Muniir Axmed Cigaal
-
Fadeexad: $58 Milyan oo Dawlada Soomaaliya Soo Gashay Sanadkii 2011 oo Aan La Ogeyn Halka ay Martay Muqdisho (RBC) Warbixin tii ugu horeysay nooceeda oo ku saabsan dakhliga dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca laga qaaday taasoo muujineysa in sanadkii tegey ee 2011 dawlada gacanta ku dhigtay lacag dhan $58 milyan (konton iyo siddeed milyan oo doolar) taasoo aan la ogeyn wadada ay martay. Warbixintan oo aan weli rasmi ah loo bixin ayaa waxaa shaaca ka qaaday C/risaaq Fartaag oo u horey u ahaan jiray madaxa qeybta maamulka maaliyadda ee wasaaradda maaliyadda DKMG Soomaaliya. C/risaaq oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa qaar ka mid ah warbaahinta caalamka tusay dukumintiyo cadeynaya xisaabaadka dawlada soo galay. Dakhliga dawlada iyo adeega bulshada Sida ku cad waraaqaha uu soo bandhigay C/risaaq Fartaag oo rasmi ah ku saxiixan wasaaradda maaliyadda DKMG Soomaaliya xafiiskeeda Muqdisho, waxaa dukumintiyada ku cad lacag gaareysa $58 milyan oo ah dakhliga dawlada soo galay sanadkii tegey 2011. Lacagtaasi $2 milyan oo kaliya ayaa looga qoondeeyey adeega bulshada sida caafimaadka, gargaarka, waxbarashada iyo arimaha kale ee muhimka ee dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin. Sanadkii 2011 ee dhamaaday wuxuu ahaa xilligii abaaraha ugu daran ay dalka ku dhufteen mudo 60 sano ah, sida Qaramada Midoobay ay shaacisay bishii June 2011 iyadoo tobanaan kun oo barakacayaal gaajo iyo haraad la diifeysan ay soo buux dhaafiyeen degmooyinka caasimada. Waxaana dhaqaalahan uu u soo xerooday sidan:- - $20 milyan (labaatan milyan oo doolar) waxaa dukumintiyada ay sheegayaan in laga heley canshuuraha gudaha ee dawladu ka qaado garoonka iyo dekeda Muqdisho. - $3.7 milyan (Saddex milyaniyo toddobo boqol kun doolar) ayaa ah lacagdawladu ku qabatay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho taasoo madaxfurasho ahaan loo siin lahaa kooxo burcad badeed ah. - $34 milyan (Soddon iyo afar milyan doolar) waxay dawladu ku heshay deeq ka timid wadamada caalamka. (Deeqdan waxaa ugu badan wadamada Carabta waxaana ku jira lacag ay soo dhiibtay Jaamacada Carabta oo dhan shan milyan oo doolar). Dhismo cusub oo garoonka Muqdisho laga wado (Sawirka waxaa iska leh Raxanreeb.com) Dukumintiyada la faafiyey oo qaarkood ay heshay Wakaaladda Wararka Mareykanka ee Associated Press ayaa lagu muujiyey in lacagahan qaarkood la geeyey bangiga dhexe ee Muqdisho laakiin, C/risaaq Fartaag ayaa shaaca a qaaday inuusan jirin haba yaraatee wax cadeynaya in lacagaha la marsiiyey nidaamka saxda ah ee maaliyadda. Akhri warbixinta AP. Waraaqaha maaliyadeed waxaa ku qoran in dawlada $2.6 milyan (labo milyan iyo lix boqol kun doolar) loo qoondeeyey adeegyada bulshada ee dadka Soomaaliyeed, taasoo ah arin fadeexad iyo waji gabax ku ah xukuumadda KMG Soomaaliya ee haatan xilka heysa. Illaa hadda wax cadeyn ah looma hayo qaabka lacagahan loo maareeyay. Waxaa sidoo kale yaab noqotay in xilliga lacagtan ay soo gashay dawlada ay Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka ay gaajo ugu dhimanayeen dad lagu qiyaasay inta u dhexeysa 50,000 illaa 100,000 (sida Qaramada Midoobay sheegtay). Waxaase isweydiin mudan in xilligaasi dawlada Soomaaliya ay dibadda u qeylineysay halka hantida gudaha taalla aan haba yaraatee dadka dhimanaya waxba laga siin. Wakaaladda AP ayaa sheegtay in ay xiriir la sameysay dawlada Soomaaliya masuuliyiinteeda laakiin ay ka gaabsadeen hal toddobaad oo ay ka warsugayeen inay ka jawaabaan fadeexadan. Garoonka iyo dekeda Dekeda Muqdisho (Sawirka-Raxanreeb.com) Dhanka kale miisaaniyada 2011 oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa cadeynaya in bishii January ee sanadkan 2012 ay ahayd bishii ugu badneyd ee dakhliga ugu badan uu soo galay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Waxaa bishaasi oo kaliya dakhliga garoonka uu gaaray 1,554, 303 taasoo ah kor u kac 82%, sida ku qoran xog ay Raxanreeb ka heshay mid ka mid ah dadka ku dhow wasaaradda maaliyadda oo aan rabin in la magacaabo. Shabakadda Raxanreeb ayaa sidoo kale ogaatay in hadda DKMG ah ay qaadato lacagta laga qaado diyaaradaha ku duula hawada Soomaaliya wixii ka hooseeya 25,000 feet (shan iyo labaatan kun oo cag), waxayna lacagtaasi ku dhacdaa xarun loogu magacdaray Mogadishu Main. Wax badan kaman helin sida lacagtan loo maamulo iyo halka ay tagto. Sida sarkaal ku dhow wasaaradda maaliyada uu sheegayo, caqabada ugu weyn ee ka jirta dhanka maaliyada ayaa ah saddex arimood oo waaweyn; - i) Lacago horumarin ah (cash in advance) oo ay qaataan masuuliyiinta dawlada gaar ahaan madaxweynaha, raysul wasaaraha iyo afhayeenka baarlamaanka. Lacagahani waxaa badanaa loo qaataa safarada dibadda iyo kireynta diyaaradaha. ii) Lacagaha ka baxa wasaaradda maaliyada iyo bangiga dhexe oo si waraaqo la’aan loo kala qaato (outside banging system) iyadoon jirin wax dukuminti ah. iii) Arinta saddexaad ayaa ah xisaabiyaha guud ee dawlada oo aan haba yaraatee shaqeynin taasoo meesha ka saartay isxisaabin (transparency and accountability). Maxaa dalka ka dhoofa? Waxaa dalka soo gala badeecooyin fara badan oo ay ugu horeeyaan raashiinka, bagaashka, dharka iyo qaadka oo dibadaha ka yimaada, laakiin waxaa xusid mudan in dalka ay ka dhoofaan waxyaabo badan. Waxaana weydiinay saraakiisha wasaaradda maaliyada oo sidan noogu sheegay waxyaabaha dhoofa hadda;- 1- Sisinta (waa waxa ugu badan ee dhoofa) 2- Maqaarka [haraga] 3- Saliid macsaro 4- Liinta 5- Digirta 6- Meydi [beeyo] 7- Miro 8- Biraha iskaraabka (waxay hadda ka dhoofaan dekeda Muqdisho) Shaqaalaha garoonka iyo SKA Sidoo kale Shabakadda Raxanreeb oo u kuurgashay shirkadda SKA ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa heshay in shirkadda ay tahay mida bixisa lacagta ugu badan ee la siiyo shaqaale guud ahaan Muqdisho. Laakiin nasiib daro lacagtaasi waxaa hela shaqaalaha ajnabiga oo kaliya. Shaqaalaha Soomaalida ee la shaqeeya shirkadda SKA waxay mushahar u qaataan $200 (labo boqol doolar oo u dhiganta shan milyanoo Shilin Soomaali ah) halka shaqaalaha ajnabiga ee xitaa aan ahayn xirfadlayaasha ay helaan $2,500 (labo kun iyo shan boqol doolar). Mid ka mid ah saraakiisha SKA oo aan rabin in magaciisa loo qaato warbixintan ayaa Raxanreeb u sheegay in dawlada Soomaaliya ay bixisay amarkaasi ka dib markii dawladu sheegtay in haddii lacag fara badan la siiyo shaqaalaha Soomaalida ay taasi keeni karto in dawladu weyso shaqaale xirfad leh oo ka shaqeeya wasaaradaha dawlada, si taasi aysan u dhicina la yareeyo mushaharka shaqaalaha Soomaalida ee u shaqeeya shirkadaha ajnabiga ee dalka jooga. Shirkadda SKA iyo dawlada Turkiga ayaa hadda si kala gaar ah u wada mashaariic lagu ballaarinayo garoonka qeybihiisa kala duwan. Dhanka kale waxaa 6-da bishan Maarso markii ugu horeysay garoonka Muqdisho ka duuli doona duulimaadkii ugu horeeyey ee shirkadda Turkish Airlines oo toos isugu xiri doonta Muqdisho iyo Istanbul, sida ay shaacisay toddobaadkii hore safaaradda Turkiga ee Muqdisho. Waxaa la filayaa in lacag dheeri ah ka soo xaroon doonto duulimaadyada Turkish Airlines. _________________________________________________ W/D: Xafiiska wararka MuqdishoRBC Radio
-
Friday, March 2nd, 2012 | Posted by horufadhi Maamulka Khaatumo State oo Jawaab culus kabixsay hadal kasooyeedhay masuuliyiin katirsan Puntland Digniina jeedisay (Sawiro+Dhegayso) Maamulka Khaatumo state ayaa siwayn uga soo horjeesatay waxba kamjiraana ku tilmaantay in ciidamo ka joogaan maamulka Puntland magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn. Wasiirka armihaa gudaha maamulka Khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub oo maanta Shirjaaid ku qabtay Aqalka Madaxtooyada maamulka Khaatumo State ee Magaalada Buuhoodle waxa uuna jawaab kulul kabixiyey hadalo sheegaya in maamulka Faroole ay ciidamo kajoogaan magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn, waxa uuna sheegay inaytahay waxba kama jiraan arinkaasi hadii ciidamo kajoogi lahayeena la arki lahaa. Wasiirka ayaa waxa uu digniin culus udiray Masuuliyiinta kasoo jeeda deeganada Khaatumo State ee kujira maamulkaasi inay faraha kala baxaan Arimaha aan salka iyo raadka toona lahayn ee lamarinayo saxaafada sidoo kalana waxa uu sheegay wasiirku inay talaabo cad ka qaadi doonaan hadii markale arinkaas oo kale uu dhaco. HALKAN KA DHAGAYSO Dhinaca kale waxaa isna shirkaasi ka hadlay Maxamuud Shiikh Cumar oo Ah Afhayeenka Bulshada Deegaanka Buuhoodle waxa uuna wax lagu qoslo ku tilmaamay Maamulka Puntland oo aan weligii gaadhi dameer keenin magaalada Buuhoodle inuu sheegto ciidamo ayaa naga jooga magaalada Buuhoodle, waxa uuna waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal kasoo yeedhay qaar kamida masuuliyiin ka musha haar qaata maamulkaasi oo sheegay in ciidamo tirabadan ay ka joogaan Magaalada Buuhoodle. HALKAN KA DHAGAYSO Isku soo wada duuboo hadalkan kasoo yeedhay Maamulka Khaatumo State ayaa imaanaya xili dhawaan wasiirka kalluumaysiga maamulka Puntland uu sheegay in ciidamo tira badan ay ujoogaan Magaalada Buuhoodle – waxaana sheegashadaasi si wayn uga soo horjeestay Maamulka Khaatumo State iyo Dhamaan shacabwaynaha deegaanada Sool- Sanaag iyo Cayn. Horufadhi News Desk horufadhi.com@gmail.com
-
Siilaanyo: “walaalaha Soomaaliyeed waan isku dayeynaa inay na fahmaan”
Saalax replied to kingofkings's topic in Politics
Madaxweyne Siilaanyo: Soomaaliya Wada Hadal ayaan la galayna, waxaanan u wada hadlayna si Laba Dal oo Darisaa. http://www.togdheernews.com/v2/?p=16299 -
Xasuuqi Dhalinyarada bariga Sanaag. http://www.galgalanews.com/?p=9603
-
http://somalilandpress.com/calling-a-spade-a-spade-26746
-
The Hermet;796436 wrote: now it makes sense why they always run away....hahahah... next time we scatter candy on the battlefield...:cool: UNICEF and other children's protection organizations are keeping a good eye on the rising number of child soldiers in Puntland.
-
Puntland clan enclave journalists names has been forged to beg for cash from the UN. ;796644 wrote: Fadeexad: Wariyaal Reer Puntland ah oo Magacyadooda Dhaqaale Lagu Weydiisanayo Hay’adaha UN-ka (Akhriso Liiska) Nairobi (RBC) Shabakada Raxanreeb ayaa markii ugu horeysay heshay dukuminti ay si hoose u gudbiyeen shakhsiyaad ku qaraabta magaca suxufiyiinta Soomaaliyeed kuwaasoo liis ay ku qoran yihiin wariyaal Soomaaliyeed oo isugu jira kuwa gobolada Bari, Nugaal, Mudug, u gudbistay hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay isla markaana ku weydiistay in dhaqaale lagu siiyo.
-
Deg deg:Iska horimaad dhimasho dhaawac dhaliyey oo saaka ka dhacay Hargeysa
Saalax replied to kingofkings's topic in Politics
His source is SSC. http://khatumo.com/2012/02/29/war-deg-deg-ah-iska-horimaad-dhimasho-dhaawac-dhaliyey-oo-saaka-ka-dhacay-hargeysa-warbixin-sawiro/ two injured. http://oodweynenews.com/news/148821-dad-shicib-ah-oo-ku-dhaawacmay-maanta-hawlgal-ay-dowlada-hoose-ee-hargeysa-ay-ku-baneynaysay-wadooyinka-magaalada.html -
Qandalawi;796653 wrote: it has even nothing to do with Puntland journalists If you are going to lie try it better. ;796647 wrote: Liiskan waxaa ku jira wariyaasha ugu caansan Puntland, sida Axmed Muuse Cali (Axmed Jookar) oo ah madaxa telefishanka Universal ee Boosaaso, Cawil Maxamuud Cabdi, Faadumo Yaasiin oo ah wariyaha VOA gobolka Bari, Mahad Jaamac Koronto, Naciima Muuse, Maxamed Welcome oo ah agaasimaha Daljir Boosaaso.
-
Fadeexad: Wariyaal Reer Puntland ah oo Magacyadooda Dhaqaale Lagu Weydiisanayo Hay’adaha UN-ka (Akhriso Liiska) Nairobi (RBC) Shabakada Raxanreeb ayaa markii ugu horeysay heshay dukuminti ay si hoose u gudbiyeen shakhsiyaad ku qaraabta magaca suxufiyiinta Soomaaliyeed kuwaasoo liis ay ku qoran yihiin wariyaal Soomaaliyeed oo isugu jira kuwa gobolada Bari, Nugaal, Mudug, Banaadir, Hiiraan, Baay iyo Shabeelooyinka u gudbistay hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay isla markaana ku weydiistay in dhaqaale lagu siiyo. Haddaba shabakada Raxanreeb waxay soo bandhigeysaa liiska wariyaasha lagu xadgudbay ee sida khaldan magacyadooda iyo saxiixooda loo adeegsaday si ay u ogaadaan go’aana uga qaataan. Liiska oo aad u dheer darteed, ayaan qeybtan waxaan ku soo bandhigenaa wariyaasha reer Puntland iyo qeyb ka mid ah kuwa Muqdisho ee magacyadooda iyo saxiix been abuur ah laga sameeyey. Wariyaasha caanka ah Liiskan waxaa ku jira wariyaasha ugu caansan Puntland, sida Axmed Muuse Cali (Axmed Jookar) oo ah madaxa telefishanka Universal ee Boosaaso, Cawil Maxamuud Cabdi, Faadumo Yaasiin oo ah wariyaha VOA gobolka Bari, Mahad Jaamac Koronto, Naciima Muuse, Maxamed Welcome oo ah agaasimaha Daljir Boosaaso. Qaar ka mid ah wariyaashan oo aan la xiriiray waxay sheegeen inaysan xitaa maqlin liiska iskaba daaye inay war ka hayaan marka magacyadooda iyo saxiixooda laga sameysanayey. Arinta la yaabka leh ayaa ah in liiska lagu soo darsaday wariye C/naasir Mire Aadam oo mudo sanad ka badan ku xanuunsan wadanka Holland isla markaana aan waxba kala socon dhacdadan. Fiiro Gaar ah: Liiskan sida hay’adaha loo gudbiyey xaqiijiyeen waxaa uu ka yimid nin lagu magacaabo Cumar Faaruuq Cismaan oo hore u ahaan jiray Xoghayihii Nusoj balse bishii Febraayo 2011 xilka laga qaaday. Waxaana diyaarinta liiska kala shaqeeyey xubno ku sugan Puntland iyo Muqdisho oo u soo diyaariyey magacyda dadkaan aan ka warheyn. Waxaa kaloo la ogeyn in magacyada wariyaashan laga been abuurtay lagu qaatay dhaqaale iyo in kale, maadaama aan ognahay in Cumar Faaruuq hore u qaatay dhaqaale hay’adaha caalamka ugu deeqeen wariyaashii lagu laayey Muqdisho iyo kuwii dhaawacmay oo qaarkood markii dambe cadeeyeen inaa waxba soo gaarin.
-
Portrait of the Begging Dervish 17th century. http://www.superluminal.com/cookbook/gallery_dervish.html
-
Naxar Nugaaleed;796480 wrote: , the Siyad and his followers (darwiish or disciple) were Sufis. When people speak today of darwiish, they are referring to a historical movement whose capital was the city of Taleex. Which Dervish? the begging Dervish or whirling Dervish? or perhap Iran. The matter remains the name is not Somali and originates from Persia, Turkey.
-
Muhammad Ahmad of the Samaniyya order Sudan was not a suufi thus refused his followers to be described as the name Dervish, whirling Dervish or the begging Dervish. ;796471 wrote: Muhammad Ahmad in order to distinguish his followers from adherents of other Sufi sects, he forbid the use of the word darwish (commonly known as "dervish" in English) to describe his followers, replacing it with the title Ansar, the term the Prophet Muhammad used for the people of Medina who welcomed him and his followers after their flight from Mecca.
-
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;796466 wrote: Soomaalis back then followed certain Suufi dariiqooyin, including Saalixiya, Axmediya iyo Qaadariya (Sheekh Awey's dariiq). Suufinimo wax laga cararo ma'aha. You are just presenting one extreme version of it, which Soomaalida didn't follow. Soomaalida waxa diinta soo wada baray 'Suufi' ayee wada ahaayeen. The matter, is not about sufism as there is already suufis at large in modern day central Somalia but the historical background of the Dervish name which some ill-informed Somalis run around with it thinking it belongs to them when it's a Persian originated name.
-
;796451 wrote: While commonly the term dervish is used to describe beggars, a differentiation between mendicant Dervishes and common beggars can be made: "While they walk around praising the Lord, anyone according to his own desire may voluntarily drop some coins in it (a kashkul)... a real dervish who wears the proper robe and carries the kashkul does not beg, nor does he make any demands." . .
-
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;796429 wrote: Ereyga Daraawiish yaanan ogeyn meesha uu kasoo jeeday. Weren't Sayidka's fighters followers of Saalixiya Suufi dariiqo? Now, soo baar ereyga Saalixiya iyo meesha uu kasoo jeedo. Are you saying all of the soldiers of Mad Mullah were suufis? obvisiouly some weren't suufis. Even to this day some of the ill-informed SSC folks call themselfs Dervish without knowing the actual meaning of it (Suufi).
-
The Hermet;796412 wrote: wa iska islam qaldan saxib...what sort of a muslim believes that they can reach God by spinning around in circles...magacana kama xishodan...way ku fanan...acudubillah..:cool: ;796410 wrote: The whirling dance or Sufi whirling that is proverbially associated with Dervishes is best known in the West by the practices (performances) of the Mevlevi order in Turkey, and is part of a formal ceremony known as the Sama. It is, however, also practiced by other orders. The Sama is only one of the many Sufi ceremonies performed to try to reach religious ecstasy (majdhb, fana). The name Mevlevi comes from the Persian poet, Rumi who was a Dervish himself. This practice, though not intended as entertainment, has become a tourist attraction in Turkey.
-
Che -Guevara;796411 wrote: Saalax....You might be the only one that didn't know that. What? i knew it long ago. It was a response to this topic. Somalis saying to other Somalis the name Dervish belongs to us when Dervish is not even a Somali word but a Persian origin... http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/62691-Puntland-(SSDF)-Using-quot-Darwiish-quot-Name