-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Boqollaal Reer Banaadiri ah oo Maanta Bannaanbax ka Dhan Madaxweyne Shariif ka Dhigay Muqdisho Muqdisho (RBC) Boqollaal ruux oo ka tirsan beelaha reer Banaadiriga ayaa maanta bannaanbax cabasho ah ka dhigay degmooyinka Xamarweyne, Cabdicasiis iyo Shangaani ee magaalada Muqdisho iyagoo socod ku maray waddooyinka degmooyinkaasi. Bannaanbaxa oo ay ka soo qeybgaleen dad kor u dhaafaya 600 ruux oo reer Banaadiri ah ayaa ku bilawday socod ay ku mareen degmooyinka saddexda ah iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ku muujinayaan caddaalad daro ay sheegeen in DKMG ah iyo maamulka gobolka Banaadir ku hayaan shacabka reer Banaadiriga ee ku nool Muqdisho. Dibadbaxayaasha oo aad u qeylinayey ayaa ku dhawaaqayey “Caddaalad darrada ha dhamaato.., Madaxweyne Shariif caddaaladii wuu ka tegey iyo …… Away xaqii aan ku lahayn Gobolka Banaadir”. Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale sitay boorar marooyin ah oo ay ku sawirnaayeen madaxweynaha Turkiga Cabdalla Goul iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon. Dadka bannanbaxayey ayaa dalbanayey in laga dulqaado caddaalad darro ay ku heyso dawlada Sheekh Shariif iyagoo si gaar ah u tilmaamay in shaqaalaha iyo maamulka dalka lagu xaqiray. Gudoomiyaha dhalinyarada Banaadiriga Cumar Shariif Jeeg oo markii dambe la hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay in cabasho ay u gudbiyeen madaxda DKMG ah hase yeeshee wax jawaab ah loo soo celin waayey. Wuxuuna ka codsaday caalamka gaar ahaan dawlada Turkiga iyo Qaramada Midoobay inay indho wax arka ku soo eegaan dulmiga lagu hayo dadka reer Banaadiriga. “Awalba waxaa nala yiri waa bar (4.5) oo sidaasaa naloo xaqiray, haddana waxaa noo sii dheer inaan hay’adaha dawlada wax qadarin ah aysan siin cabashadeena” ayuu yiri Cumar Shariif Jeeg. “Dalkaan wuxuu la hagaagi waayey oo uu labaatan sano dhibaatada uga socoto waa dulmiga lagu hayo dadka aan hubka heysanin” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Shariif. Cumar wuxuu aad ugu dheeraaday in madaxweyne Shariif gobolka Banaadir oo ah meeshii ay u dhasheen iyo dekeda Muqdisho uu ku safay dad reerkiisa ah iyo saaxiibadiisa isagoo iska ilaaway dadka kale. Ma jirin cid ka tirsan dawlada oo la hadashay dibadbaxayaasha oo socodkooda si nabadgelyo ah ku dhameystay. Cabashada beelaha Banaadiriga ayaa ahayd arin maalmahanba ka taagneyd magaalada Muqdisho walow masuuliyiinta DKMG ah aysan ka hadlin. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho
-
Aaliyyah;802083 wrote: Salax, the so called Somaliland is in war with their neighbors (Awdal state and Khaatumo State) so how do you expect recognition? There is no war with Awdal.Khaatumo Seeg's grievances can be sorted out.
-
Unity with Somalia is not negotiable either, Somaliland's over 3 million people and president made it clear our way or the highway.
-
Aaliyah if Djibouti with much less land and resources can be a recognized country why not Somaliland with bigger land, population and resources.
-
Puntland has no control in SSC.Khaatumo Seeg claims not to be part of Puntland but under Sheikh Dalxiis, so what is there to discuss with Puntland?
-
Muqdisho (RBC Radio) Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowlada KMg Soomaaliya Bashiir Maxamed Goobe oo maanta Suxufiyiinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu si cad kaga soo horjeestay maamul dhowaan lagu dhawaaqay oo lagu magacaabo Banaadir Sate. Agaasimaha ayaa sheegay in dowlada KMG Soomaaliya aysan raali ka noqon Karin in leesaga dhawaaqo maalmul gobaleedyo aanan soo marin sharcigii loo baahnaa. Wuxuu sheegay Maamulka Banaadir State inuu yahay maamul sharci daro ah isla markaana aanan wakiil ka ahayn gabalada uu sheegay in uu matalayo ee Banaadir Shabeelaha Dhaexe iyo waliba Shabeelaha Hoose. Sidoo kale wuxuu sheegay in maamul gobaleed ay noqon karaan labo gobal iyo wixii ka badan laakiin aysan maamul noqon Karin wax intaasi kayar waxaa sida uu sheegaye. Bashiir Maxamed Agaasimaga guud ee wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa wuxuu hadalkiis intaa uu ku sii daray maamul uusan waxba ka ogayn dowlada in aanan xiligaan wixii ka danbeeya lagu dhawaaqi Karin. Hadalkaan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili dhowaan lagu dhawaaqay maamul la magic baxay Banaadir State kaasi oo sidoo kale doortay madaxweyne iyo waliba Madaxweyner ku xigeen sidoo kalana waxaa maamulkaasi uu dhameestiray xubnaha baarlamaanka. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho
-
Hargaysa Somalia: Food Aid Taken To A Commercial Warehouse In Hargeisa
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Qandalawi;801708 wrote: . Waar wax kaqabta arintaan . Somaliland: cracks down on corruption three officials jailed and fired Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta Degreeto madaxweyne Xilkii Kaga qaaday masuuliyiintii Saaka Loo xidhxidhay Musuqmaasuqa March 10, 2012 - Written by Admin 10/03/2012 War-saxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday. 1. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji) 2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre 3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey. Waxa uu go’aan saday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul, Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona 1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex. 2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta. ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. -
Somaliland: The fight against corruption continues three officials fired Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta Degreeto madaxweyne Xilkii Kaga qaaday masuuliyiintii Saaka Loo xidhxidhay Musuqmaasuqa March 10, 2012 - Written by Admin 10/03/2012 War-saxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday. 1. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji) 2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre 3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey. Waxa uu go’aan saday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul, Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona 1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex. 2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta. ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
-
http://toggaherernews.com/madaxweynaha-jamhuuriyadda-somaliland-mudane-axmed-maxamed-maxamuud-siilaanyo-oo-maanta-degreeto-madaxweyne-xilkii-kaga-qaaday-masuuliyiintii-saaka-loo-xidhxidhay-musuqmaasuqa/
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta Degreeto madaxweyne Xilkii Kaga qaaday masuuliyiintii Saaka Loo xidhxidhay Musuqmaasuqa March 10, 2012 - Written by Admin 10/03/2012 War-saxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday. 1. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji) 2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre 3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey. Waxa uu go’aan saday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul, Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona 1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex. 2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta. ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
-
Boqor Buurmadow oo Si Kulul Uweeraray Madaxweyne Seekh Shariif Si adag Utaageeray Qadiyada iyo Madaxbanaanida Somaliland R.hadhwanaag Dhageyso Boqor Buurmadow oo Si Kulul Uweeraray Madaxweyne Seekh Shariif Si adag Utaageeray Qadiyada iyo Madaxbanaanida Somaliland Kana hadlay Wada Hadalka Somalilnd iyo Somalia (Hadhwanaagnews) Saturday, March 10, 2012 Madaxweyne Shariif Waa Nin Talada Dalkii Lumiyay , Talada Shariifna Waa Mid Faraha Ka baxday Dhageyso R.hadhwanaag Dhageyso Boqor Buurmadow oo Si Kulul Uweeraray Madaxweyne Seekh Shariif Si adag Utaageeray Qadiyada iyo Madaxbanaanida Somaliland Kana hadlay Wada Hadalka Somaliland iyo Somalia Madaxweyne Shariif Waa Nin Talada Dalkii Lumiyay , Talada Shariifna Waa Mid Faraha Ka baxday Dhageyso Halkaan Guji oo Mobile-kaada Ku dhageyso Hadalka Boqur Buurmadow.mp3 Submitted By: Hassan Kuriya
-
Cabdi Cawar tries to speak but is shutted down by the audience.
-
Waxaa sunnaha Rabbaaniga ah, in haddii ummad lagu ammaanaystay dhul, xoolo ama hanti kale, ay u maamuli waayaan ama u hanan waayaan sidii Rabbi ugu amaanaystay, inuu ka qaado, isla markaana ku wareejiyo cid kale oo ka faa’iidaysata fursadaas qaaliga ah, iyo khayraadkaa ilaahiga ah! Magaala madaxda gobolka waqooyi bari ee kenya ama Garissa, ayaa waxa ku socday ood riixid lagu sameeyey ummaddii Soomaaliyeed ee degaanka u lahayd asalkii hore waqti hadda ku siman 11 sannadood, waa marka laga soo bilaabo 2001kii! Ood riixaddan oo ka timid qabaa’il kale oo dega Bartamaha dalka Kenya lana yiraahdo Akamba. wax waliba Rabbi sabab ayuu u yeelaaye, arrinkani wuxuu sababsadey ka dib markii qabaa’ilka degi jirey Garissa, ee u badan haanta weyn ee ****** ay is indha buuxin kari wayeen, ama ay is colleysteen; sabab kalena waa dadka degaankaas oo ka haajiray waxa loo yaqaan barashada sancada ama fuundinnimada. Iyagoo ka faanaya sancadii noocay u tahayba jahli dartii. Tusaale ahaan guri karti ay ku dhistaan iyo aqoon midna ma leh, waxaa la mida wixii ku saabsan koronto ama mechanical work. Arrimaha aynnu kor kaga soo hadalnay dhammaan waa dhab, waxayna sababtay, in maalin walba shan bus soo daabulaan shaqaale ku degaamooba garissa balse aan u dhalan, waxa is bedelay hab dhaqankii meeshu lahayd,luqadii iyo weliba akhlaaqdii fiicnayd. dhanka kalena, dadkii u dhashay magaalada Garissa, waxay u sii dahriibayaan south Africa iyo weliba waddamada reer galbeedka oo aan ceeb iyo yaxyax maahee wax kale u ool, maxaa yeelay dal nabada oo dihin intay ka tagaan, ayey door bideen inay gacanta hoorsadaan Ahmedey Mussa. Garissa, Kenya.
-
Burco: Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimahha Bina aadamnimada ee Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Mark Bowden oo saaka soo Gaadhay Burco. (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 06, 2012 Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimahha Bina aadamnimada ee Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Mark Bowden iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka soo degey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Burco. Burco: Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimahha Bina aadamnimada ee Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Mark Bowden oo saaka soo Gaadhay Burco. Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimahha Bina aadamnimada ee Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Mark Bowden iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka soo degey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Burco. Mr. Mark Bowden iyo weftigiisan Waxa madaarka magaalada Burco kusoo Dhoweeyey Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Ahmed Aayir,Maayarka Burco Maxmud Axmed Xasan (Dhegolab) , Maareyaha Hay´adda Quality Control Siciid Saleban Mire, Iyo masuliyiin kale oo ka kala socday Hay´adaha Caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah, xubno ka mid ah isuduwayaasha wasaaradaha ee Gobolka Togdher iyo masuliyiin kale, Weftigan ayaa isla markiiba u gudbay dhinaca Gudaha magaalada ,waxaana ay ka qaybgaleen Munasibad xadhiga lagaga jarayey waddo cusub oo hayadda wadaniga ah ee Havoyoco ka hirgelisay Gudaha Magaalada Burco, iyadoo dhinaca kalena uu kormeer dhowr saacadood qaattay ku maray Xarumo waxbarasho oo ay gacanta ku hayaan ururada waddaniga ah ee SOYVO, SOYDAVO, iyo HAVOYOCO. Mr. Mark Bowden ayaa kormeerkiisana ku maray Goobo kale oo ay ka mid tahay Dugsiga Tababarka Kalkaaliyaasha Caafimaadka ee Burco, isagoo kormeerkiisan uu ku marayey goobahaasi uu warbixino kaga dhegaysanayey Maamulayaasha, macaliminta iyo Masuliyiintii Xarumahasi oo dhan. Socdaalkan uu Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimaha Bina aadamnimada Somaliland Soomaaliya Mr. Mark Bowden ku yimi Burco oo ah kii labaad ee uu ku yimaado Gobolkani ayuu ku sheegay inu la xidhiidho socdaalo uu ku marayey Gobolada Somaliland iyo Somaaliya isla markaasna uu ugu kuurgelayo xaalada nololeed iyo Biniaadanimo ee ka jirta deegaanadaasi. Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimaha Bina aadamnimada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Mark Bowden oo warbaahinta warbixin kooban ku siiyey Hotel Palaza ee Magaalada Burco kadib kormeerkiisii saacadaha qaatayayuu sheegay inu ugu horeyn aad ugu faraxsan yahay inu burco ku soo laabto mar kale isagoo xusay in sannadkii hore bishan bisheedii ay ahayd markii uu Gobolkani yimi, Mr. MarkBowden wuxu sheegay inu aad ugu farxay goobihii iyo xarumihii uu bookhday isla markaasna Bulshada Gobolkani ay tahay bulsho wax qabsanaysa oo iyadu is dhiirigelinaysa, sidoo kale wuxu xusay inu ka mabsuuday markii la dul geeyey Togga weyn ee Dhex mara Magaalada Burco oo ay ka shaqaynayeen dhalinyaro Muruq maal ah oo markii hore ahaa darbijiifka Magaalada islamarkaasna ururada waddaniga ah ee gobolku u sameeyeen xarumo lagu daryeelo laguna tababaro. Ugu danbayntii Socdaalkan Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimaha Bina aadamnimada Somaliland iy Soomaaliya Mr. Mark Bowden uu saaka ku yimi Burco ayaa Noqonaya mid ka duwana socdaalkiisii hore ee uu ku bookhday Deegaanada iyo Kaamamka Qaxootiga iyo dadka danyarta ah, waxaanu ballanqaaday in mar walba uu gobolkan iman doono isla markaasna ka war hayn doono xaaladda nololed ee Qaxootiga iyo xaaladda Bini aadanimo ee dadka jilicsan. WARKAN OO VIDEO AH KALA SOCO GOOR DHOW HADHWANAAGNEWS Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher) Hadhwanaagnews Burco / Office
-
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=Sc_MhQRzE8c" frameborder="0" allowfullscreen>
-
Xukuumada Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Furtay Mashruuc Biyaha Loogu Balaadhinayo Afar Magaalo Oo Ay Ku Baxayso 28 Malyan Oo Dollar. (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 06, 2012 (HWN):-Wefti Wefti ka socday Midowga Yurub oo ay Hoggaaminaysay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida iyo saraakiil kale ayaa maanta Hargeysa(HWN):-Wefti Wefti ka socday Midowga Yurub oo ay Hoggaaminaysay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida iyo saraakiil kale ayaa maanta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, isla markaana waxay ka qeybgaleen munaasibad oo la xidhiidha biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Wajaalle, Burco iyo Ceerigaabo oo ay maal-gelinayso midowga yurub kaasi oo ay ku baxayso 28 Malyan oo Dollar. Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey furitaanka mshruucan lagu qabtey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,waxaana ka soo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wefti ka socday Midowga Yurub oo ay Hoggaaminaysay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida iyo saraakiil kale oo ka socday xafiiska Midowga Yurub ee Kenya, Wasiirro, Duqa Caasimadda Hargeysa, Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maareeyeyaal,Agaasimaha guud ee qorshaynta, Gudoomiyaha degmada Wajaalle, Xildhibaano iyo marti-sharaf kale. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin inay maal-gelin u helaan biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale, waxaanu yidhiWaxaan maanta farxad weyn ii ah in mashruucan qiimaha weyn leh oo wax ka taraya nolasha biniaadam faro badan oo reer Somaliland ah oo runtii aniga iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah raggii loo doortay qarankan sanad iyo badh ka hor, waxa farxad aad ah noo ah inaanu maal-gelin u helay biyo balaadhintii caasimadda Somaliland iyo sadex magaalo oo kale oo aan runtii odhan karo farxaddaasi iyo mahadaasi ILAAHAY kasakow waxa leh midowga Yurub ee ku deeqay mashruucan, si nolasha dad badan oo runtii nolasha ugu adag biyo ku caba inay biyo nadiif ah helaan ayuu mashruucani ku saabsan yahay.Waxa mashruucani faaiidaynayaa in Magaaladda Hargeysa oo ay ku nool yihiin dad hal malyan ku dhowi inay biyo nadiif ah helaan iyo sadexdaasi magaalo ee kale oo iyagana ay ku nool yihiin dad aan aad u yarayni, waxaanu leenahay midowga Yurub aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, Cabdiraxmaan Saylici waxa uu ku dooday in mashruucan ay ku baxayso dhaqaalaha badani uu ka turjumayo sida Somaliland uga gudubtay xiligii heerka gar-gaarka biniaadminimo una gudubtay heerka horumarinta, waxaanu yidhi Mashruucani wuxuu cadaynayaa inay Somaliland ka gudubtay heerkii gar-gaarka oo ay u gudubtay heerkii horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, biyaha iyo wixii la mid ah.Anagana waxa noo yaala xukuumad ahaan oo aanu ka shaqeynaynaa shuruucdii maal-gelinta intaasi leegi siday u jiri lahayd oo ay u shaqayn lahayd, taasna diyaar ayaanu u nahay. Haddii maalgelintii la helay oo aan la lexjeclaysan wixii sidiisii ayuu ku noqonayaa. Waxaan rajaynaynaa inuu noqdo mashruucani mid aynu kaga baxno baryo dambe.waxaanu u balan qaadaynaa in nidaamka biyaha afartaasi magaalo la hagaajiyo markuu hirgalo mashruucani. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiMashruucani waa mashruucii ugu balaadhnaa ee ka hirgala dalka waayo wuxuu taabanayaa nolasha biniaadamka waxaanu wax ka bedelayaa Kumanaan qof oo reer Somaliland ah. Waxaan leeyahay midowga Yurub walaalayaal noo hirgaliya waxa la yidhaahdaa oo Soomaalidu ku maah-maahdaa dhicisku inta birta loo soo sido ayuu ka bakhtiyaaye. 60% ayaan qabnaa inaanay biyo ku filan helin magaalooyinkan. Waxaan idinku dardaarayaa waad na siiseen hantidii ee waa inay hawshu hore u qabsoonto, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo ka hadlay xafladaasi ayaa hadlay dhibaatooyinka ka taan biyo yaraanta caasimadda Hargeysa waxa uu yidhi Nidaamka Biyaha ee aynu xiligan ka cabto biyaha Hargeysa oo Todobaatameeyadii ay dawladii Shiinuhu ku caawisay dawladii markaa ka jirtay Somalia waxa xiligaasi dadkii loogu tallo galay waxay ahaayeen ugu badnaan 160 kun oo qof inay ka cabaan, maanta waad qiyaasi karaysaan tiradda dadka ku nool Hargeysi intay leeg yihiin. Waxaanu xil weyn iska saarnaa oo hadh iyo habeen aanu ka shaqaynaa intaas imika jirta oo aanu ognahay inay aad u yar tahay marka loo eego baahida biyaha ee adduunka, intaasi si fiican ayaanu u daryeelaa una ilaalinaa, laakiin wax kasta oo aanu samayno imika biyo umaanaan kordhin karayn magaaladda. Ceel aad dayac-tirto ama mid cusub oo la qodaa waxba kordhin maayo. Waayo magaaladda waxa biyaha u keena laba beeb oo yar yar oo 12inj ah 23 saacadood ayaanu biyaha soo daynaa haddana baahida Hargeysa waanu *****li kari weynay. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiQorshuhu siduu yahay haddii ILAAHAY inagu guuleeyo mashruucan loo fadhiyo waxaynu rajaynaynaa in biyaha caasimadda Hargeysa xiligan yimaada in leegi inay ku korodho.xiligan biyaha Hargeysa yimaadaa waa 10 kun oo mitir kuyuub, haddii si kale loo dhigana waa konton kun oo foosto. Waxaan filaynaa inay intaasi in leegi timaado oo dadka aanay biyuhu gaadhini ay heli doonaan inshaalaahu,ayuu yidhi Maareeyaha wakaalada Biyuhu. Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay uguna bogaadiyay midowga Yurub maal-gelinta biyo balaadhinta afarta magaalo waxaanu tilmaamay inay Somaliland abaal weyn ugu hayso EU-da mashruucan. Wasiirku waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qaabka loo fulin doono mashruucan oo uu xusay inuu yarayn doono xadiga biyo laaaneed ee ka taagan magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood,waxaanu yidhiMashruucan biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco Ceerigaabo iyo Wajaale waa kii u weynaa ee abid laga sameeyo Somaliland, waxaanan abaal ugu haynaa midowga yurub mashruucan qiimaha leh, Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego markii aanu sanad ka hor Nairobi kula shiray qaadhaan-bixiyeyaasha sida Maraykanka, Midowga Yurub, wadamada Asia iyo wadamadda carabta ee aanu u soo bandhignay kana dalbanay biyo balaadhinta Hargeysa, waxa kale oo ka jawaabay dalabkayagii midowga Yurub waxaanan taasi ugu haynaa xushmad aad u weyn. Wasiirku wuxuu balan qaaday inay xukuumad ahaan ka shaqayn doonaan sidii nidaam hufan loogu fulin lahaa mashruucan maal-gashi oo uu ku sifeeyay mid waxtar weyn leh. Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadashay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida, waxaanay ka warantay marxaladihii uu soo maray mashruucaasi. Waxa isna halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Agaasimaha guud ee wasaaradd qorshaynta qaranka kuwaas oo dhamaantood Midowga Yurub ku ku hambalyey hirgelinta mashruucan oo ay sheegeen inay wax weyn ka tarayso baahidii biyood ee magaalooyinka laga fulin doono. Si kastaba ha ahaate, Mashruucan oo uu ku baxayo lacag dhan 28 Malyan oo Dollar, waxa ugu weyn mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo loo qoondeeyay 21 Malyan iyo 300 oo kun oo Dollar oo loogu tallo galay in lagu fuliyo wajiga koowaad. Waxana lagu qaban doonaa Ceelashii geedeeble oo la hagaajiyo, ceelal kale oo la qodo, kuwa xuna la hagaajyo iyo in beebkan weyn ee wakaalada biyaha dhibaataddu ka haysato oo la bedelo. Waxa kale oo ku jira in kaydad waaweyn la sameeyo magaaladda Hargeysa. Dhinaca kale 2 Malyan iyo 600 oo kun oo dollar, waxa loogu tallo galay wakalada biyaha Burco, waxaana ugu jira in sare loo qaado oo dhuumaha biyaha qaada laga bedelo, in kaydad loo sameeyo iyo ceelal biyood loo qodo. Halka Magaaladda Ceerigaabo biyo balaadhinteeda loo asteeyay 1 malyan iyo 600 oo kun Dollar oo loogu tallo galay biyo balaadhinta. Sidoo kale 2 Malyan oo Dollar loo qoondeeyay magaalada wajaale oo dhibaato aad iyo aad u weyn oo dhinaca biyaha ahi ka jiraan. Talaabadani waxay wax weyn ka tari doonta biyo yaraanti ay ka caban jireen magaalooyinkaasi, isla markaana waa talaabo horumar leh. Mustafe-Jannaale Hadhwanaagnews.com/Office Hargeysa/Somaliland
-
Hargeysa (Somaliland.Org)- M adaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) ayaa maanta furay mashruuc balaadhan oo la xidhiidha biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Wajaalle, Burco iyo Ceerigaabo oo ay maal-gelinayso midowga yurub kaasi oo ay ku baxayso 28 Malyan oo Dollar. Waxa xaflad balaadhan oo Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa loo sameeyay furitaanka mashruucan, waxa kale oo ka soo qeyb galay Wefti ka socday Midowga Yurub oo ay Hoggaaminaysay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida iyo saraakiil kale oo ka socday xafiiska Midowga Yurub ee Kenya, Wasiirro, Duqa Caasimadda Hargeysa, Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maareeyeyaal,Agaasimaha guud ee qorshaynta, Gudoomiyaha degmada Wajaalle, Xildhibaano iyo marti-sharaf kale. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin inay maal-gelin u helaan biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale. Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu si weyn ugu mahad naqay Midowga Yurub waxaanu yidhi “Waxaan maanta farxad weyn ii ah in mashruucan qiimaha weyn leh oo wax ka taraya nolasha bini’aadam faro badan oo reer Somaliland ah oo runtii aniga iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah raggii loo doortay qarankan sanad iyo badh ka hor, waxa farxad aad ah noo ah inaanu maal-gelin u helay biyo balaadhintii caasimadda Somaliland iyo sadex magaalo oo kale oo aan runtii odhan karo farxaddaasi iyo mahadaasi ILAAHAY kasakow waxa leh midowga Yurub ee ku deeqay mashruucan, si nolasha dad badan oo runtii nolasha ugu adag biyo ku caba inay biyo nadiif ah helaan ayuu mashruucani ku saabsan yahay.” < “Waxa mashruucani faa’iidaynayaa in Magaaladda Hargeysa oo ay ku nool yihiin dad hal malyan ku dhowi inay biyo nadiif ah helaan iyo sadexdaasi magaalo ee kale oo iyagana ay ku nool yihiin dad aan aad u yarayni, waxaanu leenahay midowga Yurub aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland. Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay mashruucan ay ku baxayso dhaqaalaha badani uu ka turjumayo sida Somaliland uga gudubtay xiligii heerka gar-gaarka bini’aadminimo una gudubtay heerka horumarinta. “Mashruucani wuxuu cadaynayaa inay Somaliland ka gudubtay heerkii gar-gaarka oo ay u gudubtay heerkii horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, biyaha iyo wixii la mid ah,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu ku baaqay in hirgelinta mashruucan ay si wada jir ah hareeraha uga wada joogaan Somaliland iyo midowga Yurub-ba. Md. C/Raxmaan Saylici oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anagana waxa noo yaala xukuumad ahaan oo aanu ka shaqeynaynaa shuruucdii maal-gelinta intaasi leegi siday u jiri lahayd oo ay u shaqayn lahayd, taasna diyaar ayaanu u nahay. Haddii maalgelintii la helay oo aan la lexjeclaysan wixii sidiisii ayuu ku noqonayaa. Waxaan rajaynaynaa inuu noqdo mashruucani mid aynu kaga baxno baryo dambe.waxaanu u balan qaadaynaa in nidaamka biyaha afartaasi magaalo la hagaajiyo markuu hirgalo mashruucani.” “Mashruucani waa mashruucii ugu balaadhnaa ee ka hirgala dalka waayo wuxuu taabanayaa nolasha bini’aadamka waxaanu wax ka bedelayaa Kumanaan qof oo reer Somaliland ah. Waxaan leeyahay midowga Yurub walaalayaal noo hirgaliya waxa la yidhaahdaa oo Soomaalidu ku maah-maahdaa dhicisku inta birta loo soo sido ayuu ka bakhtiyaaye. 60% ayaan qabnaa inaanay biyo ku filan helin magaalooyinkan. Waxaan idinku dardaarayaa waad na siiseen hantidii ee waa inay hawshu hore u qabsoonto,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo ka hadlay xafladaasi ayaa hadlay dhibaatooyinka ka taan biyo yaraanta caasimadda Hargeysa waxa uu yidhi “Nidaamka Biyaha ee aynu xiligan ka cabto biyaha Hargeysa oo Todobaatameeyadii ay dawladii Shiinuhu ku caawisay dawladii markaa ka jirtay Somalia waxa xiligaasi dadkii loogu tallo galay waxay ahaayeen ugu badnaan 160 kun oo qof inay ka cabaan, maanta waad qiyaasi karaysaan tiradda dadka ku nool Hargeysi intay leeg yihiin. Waxaanu xil weyn iska saarnaa oo hadh iyo habeen aanu ka shaqaynaa intaas imika jirta oo aanu ognahay inay aad u yar tahay marka loo eego baahida biyaha ee adduunka, intaasi si fiican ayaanu u daryeelaa una ilaalinaa, laakiin wax kasta oo aanu samayno imika biyo umaanaan kordhin karayn magaaladda. Ceel aad dayac-tirto ama mid cusub oo la qodaa waxba kordhin maayo. Waayo magaaladda waxa biyaha u keena laba beeb oo yar yar oo 12inj ah 23 saacadood ayaanu biyaha soo daynaa haddana baahida Hargeysa waanu *****li kari weynay.” Maareeyuhu wuxuu si weyn ugu mahad celiyay Wasiirka macdanta iyo biyaha oo uu ku tilmaamay masuul xil weyn iska saaray sidii mashruuc biyo balaadhin ah loogu heli lahaa caasimadda Hargeysa. Ibraahim Siyaad waxa kale oo uu mahad celiyay midowga Yurub oo uu xusay inay noqdeen qaadhaan bixiyeyaasha qudha ee ku dhiiraday inay maal-geliyaan biyo balaadhinta Hargeysa iyo sadex magaalo ee kale. “Qorshuhu siduu yahay haddii ILAAHAY inagu guuleeyo mashruucan loo fadhiyo waxaynu rajaynaynaa in biyaha caasimadda Hargeysa xiligan yimaada in leegi inay ku korodho.xiligan biyaha Hargeysa yimaadaa waa 10 kun oo mitir kuyuub, haddii si kale loo dhigana waa konton kun oo foosto. Waxaan filaynaa inay intaasi in leegi timaado oo dadka aanay biyuhu gaadhini ay heli doonaan inshaalaahu,”ayuu yidhi Maareeyaha wakaalada Biyuhu. Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay uguna bogaadiyay midowga Yurub maal-gelinta biyo balaadhinta afarta magaalo waxaanu tilmaamay inay Somaliland abaal weyn ugu hayso EU-da mashruucan. Wasiirku waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qaabka loo fulin doono mashruucan oo uu xusay inuu yarayn doono xadiga biyo la’aaneed ee ka taagan magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood. “Mashruucan biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco Ceerigaabo iyo Wajaale waa kii u weynaa ee abid laga sameeyo Somaliland, waxaanan abaal ugu haynaa midowga yurub mashruucan qiimaha leh,” ayuu yidhi Md. Xuseen Guray. Wasiirka macdanta oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego markii aanu sanad ka hor Nairobi kula shiray qaadhaan-bixiyeyaasha sida Maraykanka, Midowga Yurub, wadamada Asia iyo wadamadda carabta ee aanu u soo bandhignay kana dalbanay biyo balaadhinta Hargeysa, waxa kale oo ka jawaabay dalabkayagii midowga Yurub waxaanan taasi ugu haynaa xushmad aad u weyn.” Wasiirku wuxuu balan qaaday inay xukuumad ahaan ka shaqayn doonaan sidii nidaam hufan loogu fulin lahaa mashruucan maal-gashi oo uu ku sifeeyay mid waxtar weyn leh. Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadashay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida, waxaanay ka warantay marxaladihii uu soo maray mashruucaasi. Mrs. Isbel Faria De Almeida waxay xustay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa,Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale. Waxa kale oo ay sheegay in midowg Yurub uu sii wadayo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan ee uu la yeehay Somaliland,waxaanay carabka ku dhufatay in EU-du ay gacan ka geysato horumarinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland. Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Agaasimaha guud ee wasaaradd qorshaynta qaranka kuwaasi oo Midowga Yurub ku bogaadiyay hirgelinta mashruucan oo ay tilmaameen inuu wax weyn ka tarayo baahidii biyood ee magaalooyinka laga fulin doono. Waxa kale oo ay labadaasi masuul si weyn u ammaaneen Wasiirka macdanta iyo biyaha oo ay sheegeen inuu isku hawlay sidii uu maal-gelin ugu heli lahaa biyo yaraanta ka taagan magaaladda Hargeysa iyo kuwa kaleba. Mashruucan oo uu ku baxayo adduun dhan 28 Malyan oo Dollar, waxa ugu weyn mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo loo qoondeeyay 21 Malyan iyo 300 oo kun oo Dollar oo loogu tallo galay in lagu fuliyo wajiga koowaad. Waxana lagu qaban doonaa Ceelashii geedeeble oo la hagaajiyo, ceelal kale oo la qodo, kuwa xuna la hagaajyo iyo in beebkan weyn ee wakaalada biyaha dhibaataddu ka haysato oo la bedelo. Waxa kale oo ku jira in kaydad waaweyn la sameeyo magaaladda Hargeysa. Geesta kale 2 Malyan iyo 600 oo kun oo dollar, waxa loogu tallo galay wakalada biyaha Burco, waxaana ugu jira in sare loo qaado oo dhuumaha biyaha qaada laga bedelo, in kaydad loo sameeyo iyo ceelal biyood loo qodo. Halka Magaaladda Ceerigaabo biyo balaadhinteeda loo asteeyay 1 malyan iyo 600 oo kun Dollar oo loogu tallo galay biyo balaadhinta. Waxa kale oo 2 Malyan oo Dollar loo qoondeeyay magaalada wajaale oo dhibaato aad iyo aad u weyn oo dhinaca biyaha ahi ka jiraan. Weriye Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org/Hargeysa
-
Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Oo Markii U Horeysay Ballanqaaday In Xukuumaddu Dhismaha Garoonka Burco Bilaabidoonto Bisha April Iyo Dadka Rer Burco Oo Tirindoona Wakhtiga Ka Hadhay Muddadaas. (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 06, 2012 (London-HNW) Wasiirka Duulista iyo Hawada Jamhuuriyadda Somaliland Mud: Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ballanqaaday in Wasaaraddiisa oo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo uga wakiil ah Garoomada Diyaaradaha (London-HNW) Wasiirka Duulista iyo Hawada Jamhuuriyadda Somaliland Mud: Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ballanqaaday in Wasaaraddiisa oo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo uga wakiil ah Garoomada Diyaaradaha Somaliland ay bilaabayso Garoonka Caasimadda Gobolka Togdheer ee Magaaladda Burco. Ballanqaadka Wasiirka ayaa yimi maruu ku sugnaa Magaaladda Birmingham oo uu dhawaan Safar shakhsi ah ku joogay, halkaas oo ay su´aal ku waydiiyeen qaar kamid ah Jaaliyadda rer Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda Birmingham. Wasiirka oo la waydiiyay maadaama oo ay Wasaaradiisu wakhti badan galisay labada Garoon ee Hargaysa Iyo Berbera waxaa uga meel yaala Garoonka Magaaladda Burco oo ku yaala Caasimadda Labaad ee Waddanka Somaliland. Wuxuuna Wasiirku ku ja waabay. "Runtii Garoonka Burco wuxuu nooyahay qorshaha koobaad waxaanu bilaabaynaa bilowga bisha April haddii alle idmo sidaas ayaad ogaanaysaan." Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdo Oo Ballanqaaday Inuu April Dhisdoonaan Xukuumad ahaan Garoonka Burco Markale ayaa Wasiirka la waydiiyay Su´aal kale oo ahayd. Mudane Wasiir Waxaanu sugnaa hadda bisha April oo ay wakhti bil kayari inaga xigaan miyaa? Wuxuuna Wasiir Maxamuud Xaashi si ballanqaad kalsooni leh ugu jawaabay. "Haa bishaas Afraad ayaanu bilaabaynaa qorshuhuna waa in dayr weyn lagu soo wareejiyaa dhisme dadku ka soo dagaana loo dhisaa, dadka ka agdhwna laga raraa yadoo aan ogahay in dadku diyaar yihiin oo ka guuri doonaan maca kuwa Daaraha ka agdhistay Garoonka, si uu u noqdo Garoon bulshada u adeega. Waxaanu idinka Qurbajoog ahaan idin sheegaynaa annagu waanu billaabaynaa Xukuumad ahaan bisha Afraad wixii aad ku darsanaysaan yaan laydinka waayin." Hadalkaas oo markii uu Wasiirku yidhi ay si nayaayir leh xubnihii su´aasha weydiiyay ugu soo qadimeen Wasiirka inay diraar u yihiin wixii ay kaga qayb qaadanayaan, isla markaana Gobolka Togdheer uu leeyahay Sherkado waaweyn oo wax weyn ku darsan doona haddii Xukuumaddu bilowdo Garoonka oo dhismihiisana gacanta saarto. Si kastaba ha ahaate Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Burco ayaa noqday su´aal aanay jawaab u hayn Wasaaradda Duulista Iyo Hawadu. Yadoo Qurbajooga ugu badan ee rer Somaliland lagu tilmaamo inay ka soo jeedaan Gobolka Togdheer. Waxaana hadda xaalad dayac oo ishu ka naxayso ku sugan Garoonka Magaaladda Burco oo haduu shaqayn lahaa Gobolka iyo Qaranka Somalilandba dakhli soo galinlahaa. Waxayse bulshada rer Togdheer tirin doonaan ayaamaha Labatanka iyo dhawrka casho ah ee ka hadhay muddada uu bilaabistiisa ku ballanqaaday Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi. Tasoo ama baal dahaba Wasiirka tariikhdiisa u yeeli doonta ama noqon doonta Dhedo Roob noqon wayday. Muniir Axmed Cigaal