Akash

Nomads
  • Content Count

    272
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Akash

  1. Calanyahow wacani waligaa dhisnow.
  2. Tan iyo maalintii maamul goboleedka SomaliLand calankeeda la taagay, dad badan bay ku cuslayd arintaasi oo garanaayay inay awr ku kacsi tahay, arin balaayo lagu qarinaayo oon marnaba daacadnimo dhuuxeeda ku jirin. Dadkaasi dacwadoodu waxay saldhigaysay inaanay SNM aaminaad waxeegu laheyn islamarkaana meel dheer wax ka arkaayay oo ogaa inay ujeedo ka dambayso. Maanta waxa hubaal ah inaan wada garaneyno waxay ku dambaysay dowlad goboleedkii Borama lagu abuurey ee lagu magacaabey Somaliland. Somaliland manta waxay ku sifeysan tahay; Damiir xumo, cadaalad la’aan, musuqmaasuq, kali cun, qabiil takoor, kibir ku salaysan wax ismood, wixii Afwayne riday ku dayasho iyo maamul xumo u dhow iney beelaha iska hor keento. Inta aanan sii dheeraan aan idin xasuusiyo maqaal aan qoray May 2007 oon kaga hadlayay wakhtigaa waxa u qarsoonaa dowlada goboleedka qabiilaysan ee Somaliland. Inyar oo ka mid ah qoraalkaasina waakan: Sunday, May 13, 2007 (Ruthless betrayel of Awdal) Somaliland Gangs it is becoming apparent day after day that the agreed upon policy of the foundation of Somaliland is being hijacked by elements whose doctrine is embarked upon an ideology adventure which threatens the future of the Republic. These ego-centric gangs are slowly and dangerously moving the republic towards a clan state where selfishness, greed, injustice and dominance are becoming the state norm. Elements whose doctrine states to wield control onto others and whose motto are to establish a clan (*****) empire to bend the will of others. .. Akhristow bal u fiirso taariikhda qoraalkaa. Waa sanado ka hor (2007). Bal hadana u fiirso waxa maanta ka socda maamul goboleedka Siiraanyo. Hadana xasuuso maahmaahdii qaaliga aheyd ee odhaneysay; “qofka garan waaya wixii maanta jiraa waxa soo socdana ma garto…”Walee waa run. Garan waynay barigaa ololaha la bilaabay iyo wixii lagu tala jiray ee la qorshaynayay. Maantana wataa dhacday oo awrkii la kici reer Adalna (Awdal iyo Salal) loogama baahna dowlada SNM-ta. Akhristow bal xisaabtan oo qiyaas waxa ay ku qabto Awdal iyo Salal maamul goboleedka Somaliland. Anigu mid qudha garan waayey ee hadii aad garaneyso wax ay reer Adal ku qabaan maamul goboleedka Siiraanyo oon aheyn sharaf xumo iyo magac daro dadka u sheeg. Waxay manta reer Adal (Awdal iyo Salal) oo ahaa tiirka dhexe ee gurigii lagu magacaabey Somaliland ee Borama dhidibada loogu aasey marayaani waa wax lala yaabo. Akhristow waxay reer Adal marayaan in shirka beelaha ******** lagu tilmaamo shirqool halka ay beelaha Isaaqna hadh iyo habeen shirayaan oo waliba la inoo balbalaadsho oo la inooga dhigo sharfaan shireysa. Runtii waa wax cajiib ah oo lala yaabo. Shirka beelweynta HabarCafaan ee ***** ku tilmaamay shirqool waa aflagaado iyo cay loola badheedhay ********** dhamaantii ee ha la ogaado. Cabar-cafaan way shiri, shirina doonaan ee hadii ay taasi ku hayso dhibaato beelaha diidan iyo dowladooda yagay jirtaa halkay dawo u doonan mushkiladna kuma hayso ******** cadhadoodu. Waa arin kale oon la yaabee akhristow bal u fiirso halka aan mareyno. Wadaadka ********** ee dar Ilaahey diintiisa u adkeeya ma xaqbaa in maamul goboleedka Siiraanyo u sareeyo ku tilmaamo Al-shabaab halka kooga gadhka dheerle ee runtii u adeega Al-shabaabna la yidhaahdo waa shariif suldaan ah oo aan ri gees ka rideyn. Waa halkoodiiye waar bal nasladan eega!!!! Ankusoo halqabsado ninkii reer Xamar ee laga sheegay inuu yidhi; Cimrigaaga oo raagaa Geel dhalayna wuu ku tusaaye bal akhristow ma xaqbaa in dhagar qabayaashii dadka masaakiinta ah ee reer Awdal laayay Siiraanyo mushahar u qoro oo la naas nuujiyo kuwii ay agoomaha ka dhigeena dugsiyada loogu dhigo iney yihiin geesiyaal xoreeyay Awdal. Bal qalabaa gadiskan u fiirso!!! Badin maayee mid qudha oo kale oo ah meesha aan mareyno hadii aanahay reer Adal an sheego akhristow ee bal u fiirso ma xaqbaa maalin oo dhan hadh iyo habeen dhageyso sheekadii beenta aheyd ee SNM hadii aad wax ka sheegto oo damiirkaagu diidana jeelka Borama bustahaagu u qaado. Waar bal nasladan kaalaya eega sootan reer Adal SNM ku huftay maaha!!! Akhristow wax kale qori maayo ku aadan meesha aan mareyno iyo dhibta aan ku qabno maamul goboleedka Hargeysa waxana hubaal ah hadii aan qodob qodob u bayaansho dad iska daayoo daayeerta Afrika gunteeda ku nool ayaa ilmeyni ee reer Adalow mid qudha aan idhaahdo; Runta aan isku sheegno reer Adalow. Nin mishaaro ka qaata Siiraanyo danaheena guud yaynaan ku seegin. Magaca inaga dhaxeeya iyo sharaftiisa ma ka badbaadin karnaa Siiraanyo? Mustaqbalka caruurteena maku qabsan karnaa gamcaheena? Ma diidi karnaa dulmiga Siiraanyo dowladiisa? Khayraadka dhulkeena ee uu Siiraanyo shisheeyaha ka gadaayo ma u diidi karnaa? Wada jir ma u ugu dadaali karnaa wanaaga dadkeena iyo dalkeenaba? Hadii aan rabno reer Adalow wanaageena, Awdal State oon taageeradeena iskugu gayno weeyi dawadeenu. Iskusoo wada xoori; Reer Adalow – )Awdal, Salal iyo Gabiley) Maanta hadii aan caqligeena la kaashano ma jirto wax inoo dhaama Awdal State oon wada jir u taageerno, hagrasho la’aana u dhisano ee damiirkiina iyo qalbigiina dhageysta oo sameeya waxay rabaan. Reer Adalow iska dhaafa wareerka dowlad goboleedka Siiraanyo oo sidan ha la yeelo: •Diida oo u dhameeya dowlad goboleedka Siiraanyo oo kiina sameysta •Danahiina garta oo arintiina mideeya si ay Cibaado waa guul ugu heesto •Udaaya waxooga oo ogaada waxeenu waa Awdal State •Taageera Awdal State si ay dhalintiinu dhoosha uga qoslaan •Calankiina Awdal State dhulkiina ka taaga oo qashimeeya ka Siiraanyo •U dhameeya dowlada SNM oo dhagahiinu haka raystaan maqalka sheekadooda Salaamu calaykum hana la ogaado ineyna jirin wax inoo dhaama Awdal State. Suleiman A. Dugsiye
  3. Heesta calanka Awdal State and the somali flag " frameborder="0" allowfullscreen>
  4. freedome. we are going to reunite the rest of somali republic the same thing that we have done in the 60s, this time the people of awdalland are ready to clean the mess that created the gang militia of so called sland and in the ground no one support the SNM clan lead silaanyo and hid group, the elders, business community, intellectuals all they have shown their support awdal state.
  5. Aqligii wanaagsanii itaal inuu ka roon yahay bal eegoo uu fiirsadaa,
  6. Aaliyyah, heestani waxay ka turjumaysaa dareenka ka dhabta ah ee reer Awdal State
  7. Xaaji Xunjuf;721942 wrote: Akash why is sultan dhawal celebrating Somaliland day watch 1:15 " frameborder="0" allowfullscreen> Cajalkani waa cheap propangada meeshani halkii ay dadka ku rasaaseeyay SNM,tu markey la soo baxeen calanka Awdal State iyo ka Somalia
  8. AfricaOwn;721944 wrote: I hope they choose to answer this. Kuwani ma Xaji Xunjuf ayaa quraan waabe ku akhiryay..
  9. *Ibtisam;721840 wrote: Soon I will also claim my home town is part of Somalia and start collect funds from the diaspora to fund mujahiids. Now I just need a flag and two elderly looking guys then I'm good to go to my first party. We are not claimning inaabti but we are part of Somalia
  10. G.O.E.T.I.A;721831 wrote: good pics and celebration but it's time to walk the walk, Personaly I wouldn't mind funding a mujahidin group. We need our own Myrmidons. God bless Awdal State of Somalia. yes indeed, good idea
  11. Daawo Sawiradii Xafladii Awdal State ee Malaysia
  12. Halkudhaga Xaflada Awdal State ee Ottawa: Awdal State Huunoy Wa Ayo??? Awdal State Huunoy waa inaga ... May 20 - (alnuur) - Huunoy salaamu calaykum dhamaantiin. Waa caawa iyo xafladii Awdal State ee Ottawa. Wax walba hortii aan idiin sheego halkudhaga caawa iyo xaflada oo ah ereyo qaali ah oo lasoo xulay. Waxa uu yahay halkudhaga xaflada lagusoo gali doono laguna dhamayn doono laguna ciyaari doono sidan: Awdal State Huunoy wa ayo? Awdal State Huunoy waa inaga... Marka xiga aan idiinsoo gudbiyo fariin aan ka sido gudida qabanqaabada xaflada Awdal State. Gudida qabanqaabada xaflada Awdal State waxay si huuno-nimo leh usoo dhawaynaysaa dhamaan xubnaha dagan Ottawa iyo hareeraheega ee muujiyay dareenkooda iyo damqashadooda iyo rabitaankooda ee kusoo qulqulaya magaalada Ottawa si ay uga soo qayb galaan xafladan caawa ka dhacaysa Ottawa ee reer Awdal State isku arkayaan een loo kala hadhin. Waxayna leeyihiin waa siday hadalka u dhigeene; Huunoy tani waa teeniiye soo dhawoow. Cidhifkaaga qabso calankaaga oo isku sawir quruxdiisa. Muuji dareenkaaga oo dhunko calankaaga. Waa keeniiye dhinacaad doonto u jeedi oo rux quruxdiisa. Cadee rabitaankaaga oo diid dhiigmiiradka Hargeysa. Ku dhawaaq damiirkaaga oo walaalkaa/walaashaa ku salaan markaad soo gasho fagaarada caweyska; Huunoy waa Ilaah mahadiiye, Awdal State huunoy waa inaga. Xaflada oo albaabadu u furmi doonaan lixda galabnimo ayaa waxa laga codsanayaa ka qaybgalayaasha inay wakhtiga ilaaliyaan. Aniga oo xooga tafaasiil ah kasoo helay siday xafladu u dhici doonto, ayaa waxa I farxad galiyay sida hufan ee loosoo bandhigi doono taariikhda runta ah ee reer Adal ee qarniyada jirtay. Waa mid aan ka mabsuuday sida la iskugu duba riday ciyaaraha dabaaldaga, Gabayada, iyo buraanburka. Waxaan aad uga mabsuudey majaajilo loogu talagalay in lagu muujiyo mustaqbalka reer Adal dhankay ku haboontahay in loo jeediyo. Waxaad moodaa in xooga la saaray sidii loo muujin lahaa ciyaaraha dhaqanka ee reer Adal tii oo ay ciyaari doonaan ciyaar yaqaanadii ku korey ciyaarta. Kuweena inta yar ka taqaana waa u fasax iney ku dhacaan oon dhididka iska tirno. Dabcan caruurteena xiiseysa dhaqankeena gamcahaan qabsan doonaa oon ciyaarta kuwada dhici doonaa. Han idiin sheego intaanan ka gudbin ereyada aansoo maqley ee ciyaartii dumarkeenu caamka ku ahaayeen oo caawa aan ka maqli doono caweyska; Somaliland Huunoy wa ayo? Somaliland Huunoy waa iyaga. Awdal State Huunoy wa ayo? Awdal State Huunoy waa inaga. Maashaa Allaa, Ideeq Hadalkuye, Huunoy iigu celi. Awdal Sate Huunoy waa inaga. Maashaa Allaa, Huunoy iigu celi. Huunoy waa inaga. Huunoy waa inaga. Huunoy waa inaga.Waa intaan kasoo maqley ee sii ogow si aad ula heesto dumarkeena. Xaga Sayliciga, xoogaa yadana aan idiin sheego; Sargaalkii SNM-tow, Sayid Siilaanyow Tawakal Calla laa.... owayoohooow Awdal baan dhisanee, Sayid Siilaanyow Tawakal Calla laa... owayoohooow Ninba waa wixiisee Sayid Siilaanyow Awdal waa waxeygii owayoohooow[/b]
  13. Xaaji Xunjuf;720748 wrote: Akash guusha ya leeh dee awdal ba leh yaa diidan Haa, maamul goboleedkeedka Awdal State ee Somalia.
  14. Maanta iyo Borama, Xataa Qalooc mudahaarad ayaa ka dhacay.
  15. Waa qisee qasab ku tun !!! Wararka ka imanaya Borama (Awdal) May 18 - (alnuur)-Wararka ka imanaya Borama caasimada Awdal ayaa waxey sheegayaan in dowlad goboleedka SNM-ta kula kacday shicibka reer Borama waxay SNM-tu ka diiday dowladii kali taliska Mahamed Siyad barre. Waa qisee qasab ku tun ... cajab... waa himilada qarsoon ee dowlad goboleedka SNM-ta ee uu Siilaanyo hogaaminayo... www.alnuur.com
  16. Xaaji Xunjuf;720705 wrote: ilahoow yana xanuunkina dawo lo helin Xaji Xunjuf, dawo hadey bukaato maxaa lagu daweeyaa...:D:D:D
  17. Video:Xuskii 18may Oo Borama oo isku bedelay Awdal State :D:D:DBorama(saylac.com )- Xuskii 18may ee magaalada Borama oo markaliya isku bedelay Awdal State ka dib markii dadweynaha borama ee khayriyada iskugu yimid ay lasoo baxeen Calanka Awdal State ka dibna ay suuqyada mareen iyagoo lulaya calanka Awdal State . Boliska Borama ayaa rasaas ku furay dadweyne kumanaan sarey u dhaafay oo suuqyada Borama lulaya calanka Awdal State. Dhalinyarada Borama ayaa saxaafada u sheegay inayna cidna uga baqayn gooni iskutaaga Awdal State waxaanay sheegeen inay sii wadi doonaan waxa ay ugu yeedheen xoreynta Awdal State. Sarkaal ka tirsan Booliska Borama oo dalbaday inaan magaciisa la shaacin ayaa saylac.com u sheegay in Booliska Borama awood u waayey hakinta dadweynaha Awdal State hadalkiisana waxa ka mid ahaa “Dadweynuhu aad ayey u tiro badnaayeen sidaa awgeed rasaastii aan cirka u ridaynay rabshadihii ayuunbay sii badisay markaa ciidanka Booliska waxa lagu amray inay faraha ka qaadaan dadka suuqyada maraya waayo waxaan ka baqnay inay dhaawac iyo dhimsho timaado” Kacdoonka reer Borama ayaa yimid qadar yar ka dib markii la gudo galay xafladii 18may ee loogu dabaaldegayey sanadguuradii 20 aad ee kasoo wareegtey gooni isku taaga Jamuuriyada Somaliland oo ka dhacday khayriyada Borama. Dhinaca kale haweenka reer Borama ayaa mashxarado iyo sacab la taagnaa guryaha hortooda iyagoo gacmaha u lulayey dadweynaha calanka Awdal State lulaya ee suuqa Borama marayey. Waa markii ugu horeysay ee xaflada 18May ee Borama ay ukala jabto laba xafladood oo kala taageersan Somaliland iyo Awdal State. Hadaba qadar yar oo video ah kana mid ah dadweynaha Borama ee tageersan Awdal State isla markaana si xor ah u maraya suuqyada Borama nala daawada .
  18. the majority of awdal people inside the country and the abroad support the cause of Awdal State and Somali weyn adeer,,, dadku ma rabaan gooni goosad, dhowr kani qof ee calanka Iraq loo soo dhiibay saaka waa waxooga faro ku tiris ah
  19. Khadar, Maamulka Hargeisa Waji gabax ayuu kala kulmey rabitaanka shacabka ayaa wax walba ka weyn...
  20. Daawo Sawirada Tageerayaasha Awdal State oo Magaalada Borama Mudaharaad Balaadhan ka Sameeyay Maanta [imghttp://awdalstate.boonnews.net/wp-content/uploads/2011/05/Snapshot-20-500x281.jpg[/img] www.awdalradio.com