Akash

Nomads
  • Content Count

    272
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Akash

  1. Xaaji Xunjuf;708668 wrote: SNM does not exist any more but it's still an Example for Many People SNM was one of the greatest Rebel movements africa has ever seen.. Awdal is in the heart of Somaliland and they are great citizens of Somaliland keep hallucating, the map of the Awdalstate is from Arabsiyo to lowyacado. infact Hargeisa and Burco its middle of the inclave between Awdalstate and SSC regions,
  2. already its started in Awdal people are celebrating birth of the AwdalState.
  3. Xaaji Xunjuf;708487 wrote: Kani waa ducuf Hindi ah oo Maamulka snm u shaqeeya... Mana matalikaro mowqifka Shacbi weynaha AwdalState
  4. Awdalstate Ceremony in Texas USA gayi ninkii Lahaa gooni ka yahay Go'aankeenu waa Ama geeri Aakhiro ama Guusha Nololeed,,, AwdalState qudhmista waa laga Xoraynayaa... qaranimda Somaliya waa muqadis.
  5. Daawo Xafladii Awdal State ee Edmonton + New Clear Video Part 4
  6. Canbarayn ku socota jabhada Snm oo ku xidhay Arday iyo dad rayid ah Borama April3,20011(Awdalstate)Guddiga Dhexe ee Qabanqaabada AWDAL STATE wuxuu warar lagu kalsoon yahay ku helay in taariikhdu markay ahayd Abril 02, 2011 magaalada weyn ee Borama si sharci darro ah loogu xidhxidhay weriyayaal u warrama website-yada u adeega bulshada caalamka ee ku hadasha Afka Soomaliga, arday iyo qaar ka mid ah dadweynaha Awdal State. Suxufiyiintaas, ardaydaas iyo xubnahaas bulshadu ma garanayaan sababta loo xidhay ee sharaftoodii gaar ahaaneed meel loogaga dhacay. Guddiga Dhexe ee Qabanqaabada Awdal State wuxuu halkan uga caddaynayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Aduunweynahaba in Guddigu ka xun yahay xadhiga weriyayaashaas, ardaydaas iyo xubnahaas bulshada. Guddiga Dhexe ee Qabanqaabada Awdal State wuxuu cambaarayn laxaad leh dusha uga tuurayaa xubnaha ka tirsan maamulka naafada ah ee haatan ka jira Awdal State, daba-******kana u ah maamul isku-sheega cunsuriga ah ee jabhada SNM ee Burco. Guddiga Dhexe ee Qabanqaabada Awdal State wuxuu aad uga xun yahay cabudhinta, cadaadiska iyo cagajugleynta hadh iyo habeen lagu hayo bulsho weynta Awdal State. Xeerka xuquuqul-islaamka caalamiga ah ayaa si cad u qeexaya in qof walba xaq u leeyahay: 1. fikirkiisa gaarka ah, kuna dhawaaqi karo, qorina karo. 2. la xidhiidhka, la shirida iyo la socoshada qofka iyo kooxduu doono. 3. tegida iyo u safridda meeshuu doono ee wadankiisa. 4. degida, ku noolaanshaha iyo ka shaqaysiga meel kasta ee wadankiisa. 5. in aan sabab la aan looga qadi karin xoriyadiisa. Waxaan ogsoonahay in bulsho weynta Awdal state deganaan lu laayiin dhulkoodii iyo ciidoodii, kana shaqaysan laayiin dad yar oo u adeegaya xukunka fadhiidka ah ee SNM ee Burco. Hadaba, Guddiga Dhexe ee qabanbaabada Awdal State wuxuu digniin siinayaa dadkaas yar ee aan kor ku soo sheegay, wuxuunu Guddigu leeyahay Awdal State waabaa u beryey, geedi-socodkeeda xalaasha ahna cid joojin kartaa ma jirto. Sidaa awgeed, wuxuu Guddigu la socodsiinayaa shakhsiyaadkaas xaaraanta u adeegayain la idinla socdo, talaabadaad qaadaana berri qof walba si gaar ah loola xisaabtami doono. Xoogaga Awdal Stateway ku sugan yihiin gudaha iyo dibedda Awdal State. Gebogebo ahaan, wuxuu Guddiga Dhexe ee Qabanqaabada Awdal State ku talinayaa: 1. In si degdeg ah oo shuruud la aan ah loo sii daayo dhammaan dadka Borama lagu xidhxidhay shalay. 2. In laga waantooboku tacadiga bulshada Awdal State. Col. Xasan Rirash Guggiga Dhexe ee Qabanqaabada Awdal State Canada.
  7. 02/04/11-Borama-(Bnn) Waxaa Saaka Arootii Hore ay dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Borama ku soo baraarugeen Waraaqo iyo Calamo ka Turjumaya Maamul Goboleedka Awdal State ee Laga hadal hayo ku dhawaaqistiisi wadanka Dibadiisa. Waraaqahan ayaa waxaa Ku qornaa Ereyo ay ka mid yihiin Hanbalyo waxaan hanbalyo u diraynaa ku dhawaaqista Maamul Goboleedka Awdal State oo lagaga dhawaaqayo maanta Dalka Maraykanka, waxa kale oo ay dadwaynaha Reer Borama ugu baaqayeen in ay iskugu soo baxaan Banaanbaxa lagu taageerayo Maamul Goboleedkan ay sheegeen Maanta in lagaga dhawaaqayo wadanka Maraykanka. Dhanka kale waxaa isna ku jiray Calanka Awdal/State ay Astaanta uga dhigeen oo lagu daadiyay Meelaha Muhiimka ah , Sida meelaha la iskugu yimaado ee maqaaxiyaha, Dugsiyada iyo Xaafada Hortooda, taas oo in badan oo Reer Borama ah ay ku noqotay mid ku soo boodo ah, oo ay kala garan waayeen waxa xiligan soo dhigay dariiqyada iyo Xaafadaha hortooda. Si kastaba ha ahaatee Arimahan dhacaya ayaa waxa ay daba socdaan maalmihii u danbeeyay oo laga dareemayay Magaalooyinka waawayn ee Gobolada Awdal/Salal hadalhaynta ku dhawaaqista Maamul Goboleed la magacbaxay Awdal State , kaas oo lagu sheegay in uu yeelan doono Gobolkani awdal, Su'aashu se waxa ay tahay Reer Awdal Gude iyo Dibad Raali ma ka wada Yihiin Maamulkan?Waa Su'aal inta badan dadka ka dhex guuxaysa oo Jawaabteedu wali Laalan tahay.
  8. Breaking News | Wadanka Swizerland oo Lagaga Dhawaaqay Maamul Gobaleedka Awdalstate, Waxaana Xafladasi ku dhawaaqista maamul Goboleedka AwdalState Goob Joog ka ahaa oo lagu marti qaaday Xubo ka tirsan maamulka SSC ee waqooqiyga Somalia.... .. Guul iyo Gobonimo! Qaybaha kale ee sawirada iyo waliba videos naga filo sacaadaha soo socda insha allah ha ka tagin shabakada Awdalstate.com
  9. Declaration of Awdal State In Edmonton Canada. Xaflad balaadhan oo loo sameeyay gooni isutaaga awdalstate ayaa maanta oo bishu ahayd 25 march 2011 ka dhacday magaalada Edmonton ee dalka Canada, xafladaasi oo lagu qabtay hotel Chateau Louis hoolkisa shirarka ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan bulshada reer awdal qaybaheeda kala duwan, waxana halkaasi lagaga dhawaaqay ismaamul goboleedka AWDALSTATE Hadaba waxa ka mid ahaa dadkii ka hadlay xafladaasi Col Xasan Riiraash oo qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay halkasi. waxa ka mid ahaa waxyaabhihii uu ka hadlay col xasan sababaha keenay wakhtigan in lagu dhawaaqo awdalstate iyo in la gaadhay wakhtigii ay ugu munaasib sanayd in ay dad wayna reer awdal salal iyo gabilay ay ka tashan lahaayeen danahooga una madax banaanaan lahaayeen danahooda gaarka ah iyo horumarka gobaladooda. waxana uu halkaasi kaga dhawaaqay col xasan gooni isu taaga AWDALSTATE . waxa kaloo halkaasi ka hadlay prof Idiris Madar oo isaguna aad uga hadlay waxbarashada iyo qiimaheda, iyo dhaliyarada reer awdal ay waxbarasha ku dadaalaan laguna dhiiri galiyo waxna lataro dhalinta dalkii ee waxa barashada kaga jirta dugsiyada iyo jaamacadaha dadka awdal , waxa kale oo uu intaas ku daray qalinku in uu yahay power lamida awoodaha ka jira dunida iyo in laga faaiidaysto xooga dhaliyarada waxa kale oo uu sheegay in hawshan gooni isu taaga awdalstate ay bilaabeen bari hore isaga iyo rag dhalin yaro ah hase yeeshee ay barigaasi u suuro gali wayday oo uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta kasoo qayb galo xafladan ku dhawaaqitaanka awdal state aadna uu u taageersan yahay waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay maxamed daahir oo isagu ka mid ahaa aqoonyahanka reer awdal state ee ku nool magaaladan edmonton isla mar ahaantaana sheegay aadna uga hadlay arimaha dhaqaalaha ee gobolka iyo dhibaatooyinka xaga dhaqaalaha ka haysta dadka, iyo sida looga bixi karo . waxana uu intaa ku daray in ay awdalstate tahay meel isku filan dhaqaale ahaan, ayna leedahay khayraad dabiici ah oo ku filaan kara dadwaynaha reer awdalstate hadii si fiican looga faa’iidaysto. Sidoo kale waxa iyaguna xafladaasi ka hadlay marti sharafta reer SSC maakhir oo hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyaya shacabka reer awdal state waxan ay carabka ku dhufteen in uu jiro xidhiidh soo jireen ah oo ka dhaxeeyay iyaga iyo dadka reer awdalstate, aadna ay ugu faraxsan yihiin inay maanta kala soo qaybgalaan xafladan bulshada reer awdalstate ay ku hananayaan gooni isu taagooda. Kadib iskugana wax halkaasi ka hadlay Maxamad Cismaan Dhiirane oo aad u qaadaa dhigay taariikhda dheer iyo doorkii ay reer awdal kulahaayeen dunida iyo gobolkaba wuxu sheegay inaan cidnaba loo daba fadhiisan dooni gooni isu taaga awdalstate iyo danaha umada reer awdal , waxa kale oo uu intasi ku daray in caalamku uu u diyaariyay somaaliya nidaam cusub , cidwalbaana ay isu diyaarinayso buu yidhi mr dhiirane sidii ay uga qayb gali lahayd nidaamkaasi cusub reer awdalna ay ka mid yihiin uun goboladaasi iyo dadkaasi soomaaliyeed ee walaalahooda waxna la qaybi doonaan iyagoo u madax banaan cidkalena aanay wakiil ka noqon doonin. Waxa kale oo halkaasi lagu soo bandhigay sugaanta noocyadeeda kala duwan sida gabayo, buraanbur iyo cayaaraha hidaha iyo dhaqanka gaar ahaan cayaarta sayliciga ee ay reer awdal caanka ku yihiin. Ugu danbayntii xafladaasi oo ku dhamaatay jawi farxadeed dhamaana ay ka muuqatay wajiyada dadkii kaso qayb galay farxad iyo damaashaad aan laso koobi karin , iyagoo watayna ama warfinayay calanka quruxda badan ee astaanta u ah AWDALSTATE. ayaa waxa lagu soo gunaanaday wacdi diini ah oo uu soo jeediyay sheekh mustafe. xafladaasi oo video ama daawasho ahna waan idiin soo gudbin doona sida ugu dhakhsaha badan insha allah . www.awdalstate.com
  10. Xaflada Dabaaldega Munaasibada Awdal State oo si xamaasad leh uga dhacday wadanka Kanada Edmonton(Saylac.com)- Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayna iskugu yimaadeen dadweyne lagu qiyaasay inay tiradoodu gaadhaysay dhawr boqol oo qof ayaa maalintii shalay ka dhacday magaalada Edmonton ee cariga Kanada. Munaasibadan oo dadweynuhu in badan sugayeen waxa ka hadlay xubno iskugu jira gudiga qabanqaabada Xaflada Awdal State, Aqoonyahano, Ururka Bulshadu ka kooban tahay sida Haweenka, Dhalinyaro iyo waliba waxgarad kale oo xafladda kasoo jeediyey hadalo kala duwan oo ka turjumahayey xamaasada iyo soo dhaweynta ismaamulka Awdal State. Xaflada waxa kale oo kasoo qayb galay Cidaacadaha Caalamiga ah laamahooda afsoomaaliga sida BBC, VOA, Radio Canada International Wakiilka Cidaacada Caalamiga ah ee aadka loo daawado Aljasiira iyo Shabakada Caalamiga ah ee Saylac.com. Hadaba anagoo idiinsoo gudbin doona habsamada ay u dhacday Xafladu waxaad nagula sugtaan qadarkan sawirada ah ee aanu halkan idiinku soo bandhignay oo ka turjumaya jawiga xamaasadu weheliso ee Awdal State Edmonton. Wararka Intooda kale waqtiyada inagu soo dhaw kala soco Saylac.com Saylac.com Edmonton, Canada
  11. Yes they must be convicted of war crimes Siilaanyo and Abu maqlse Saylici . they are knowingly invaded the people of SSC on false pretenses. The action resulted and over civilian casualties.
  12. Xaflada u Diyaar Garawga Maamul Gobaleed Awdal State ee ka Dhici Doonta Magaalada London Daawo Xaflada u Diyaar Garawga Maamul Gobaleed Awdal State ee ka Dhici Doonta Magaalada London Daawohttp://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=OJAnkPrk2Hs" frameborder="0" allowfullscreen> Awdalland wey dhaqaqdey.....
  13. Qaraabo gumaysi, Andrew Mitchell tolow ma ku riyoodaan!
  14. Silanyo qudhmis leader of terrorist SNM!
  15. Libya recruited hundreds of mercenaries from Sub-Saharan Africa to help quell a popular uprising that is threatening to unseat veteran leader Muammar Gaddafi after more than 41 years in office. http://www.alarabiya.net/articles/2011/02/19/138351.html