wacdaraha_aduunka

Nomads
  • Content Count

    681
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by wacdaraha_aduunka

  1. Yaa Bixiyey Amarkii Joojinta Xuska 18 May ee Jabuuti? Xukuumadda Somaliland oo afka ka xidhatay guuldarrada siyaasadeed ee soo wajahday Jabuuti (Jam)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la xaqiijiyey in ay si cad u horjoogsatay xaflad lagu maamuusayey xuska sannad-guurada 18aad ee ka soo wareegtay madaxbannaanida Somaliland oo 18 May 2009 lagu qaban lahaa caasimadda dalkaas ee Jabuuti. Xafladdaas oo ahayd tii ugu horreysay nooceeda ee ay soo qabanqaabiyaan jaaliyadda reer Somaliland eek u nool dalka Jabuuti, ayaa waxa si badheedha ah oo aan gabbasho lahayn qabashadeeda u diiday Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kadib markii uu amar ku bixiyey in la rafaco goobtii xafladda loo diyaariyey isagoo ku andacooday in aanay habayaraatee oggoleyn in waddankooda loogu dabbaaldego dal aan jirin oon dunidu aqoonsanayn. Tallaabadda dawladda Jabuuti ku horjoogsaday xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May, waxa ay weji-gabax siyaasadeed oo weyn ku tahay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee albaabada u ballaqday taageerada iyo soo dhoweynta maamulka Ismaaciil Cumar Geelle oo rumaysan yahay inuu calanka u sido madaxda Afrikaanka ee calooshu ka xannuunto marka la soo qaado madaxbannaanida Somaliland. Xafladda saqiirtay ayaa sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa qabanqaabada iyo maalgelinteedaba gacan ka geysteen ganacsatada waaweyn ee reer Jabuuti ee u dhashay Somaliland iyo xataa xaaska Madaxweyne Geelle oo ballanqaaday bixinta kharashka sharaabka iyo fannaaniinta ka heesaya munaasibadda dabbaaldegga 18 May. Haseyeeshee, sida ilahaasi tibaaxeen waxa qorshahaas dhicisoobay, kadib markii habeennimadii 19 May oo qabashada xafladdu qorshaynayd si lama filaan ah madasha loo diyaariyey xuska u tegay Wasiirka Daakhiliga Jabuuti Mr.Yaasiin Cilmi Buux oo waqtigaas ka soo laabtay shir golaha xukuumadda Madaxweyne Geelle dhawr casho uga socday magaalo ku yaal dhulka qaboobaha ee dalkaas, amarna ku bixiyey in la joojiyo xafladda oo uu sheegay in aan dawladdiisu oggoleyn qabashadeeda, arrintaas oo dhalisay buuq iyo gadood jaaliyadda Somaliland ee madasha joogay kala hortageen wasiirka, balse ku adkaystay go’aankiisa, sidaana lagu kala dareeriyey ka qaybgalayaasha oo wejiyadooda ka muuqdeen cadho iyo yaxyax aanay filayn. Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal oo afka ka xidhatay tallaabada dawladda Jabuuti ku horjoogsatay xuskii 18 May ee maalinta qarannimada Somaliland, isagoo Madaxweyne Rayaale mar walba ku celceliyo in dawladda Jabuuti tahay saaxiibka koowaad ee Somaliland , isla markaana labada xukuumadood kaa saxeexdeen heshiis diblomaasiyadeed oo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, ammaanka iyo ganacsiga, waxaanay dhacdadani daaha ka fayday colaadda iyo naxliga huursan ee maamulka Ismaaciil Cumar Geelle u hayo himilada masiirka ummadda Somaliland. Arrintan oo maalmihii u dambeeyey si weyn loo hadal hayey, ayaa abuurtay dareenno shaki weyn xambaarsan oo la xidhiidha inuu jiro shirqool siyaasadeed Madaxweyne Geelle gadh-wadeen ka yahay oo ka dhan ah qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, laguna damacsan yahay in ummadda Somaliland lagu sandulleeyo midnimadii halaagga ee Soomaaliweyn, sidoo kalena Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumaddiisu ka run sheegayn heshiiskii uu dhowaan ku soo galay dalka Jabuuti, kaas oo axsaabta mucaaradku wiswis ka muujiyeen ujeeddadiisa dhabta ah, waxana tuhunnadaas sii xoojiyey sababta xukuumaddu dhegaha uga furaysatay ka hadalka fashilka siyaasadeed ee ka mudan. Waxa kale oo tallaabadani u muuqataa mid si cad u fashilisay kalsoonidii shacbiga Somaliland ku qabeen heshiiskii diblomaasiyasadeed ee Madaxweynuhu sheegay inuu la soo saxeexday hoggaamiyaha iyo madaxda dawladda Jabuuti, kuna muujinayeen halka ay ka taagan yihiin goonni-isu-taagga dalka Somaliland. Dhinaca kale, dadweynaha Somaliland ayaa la dhakafaarsan macnaha iyo siraha qarsoon eek u duugan go’aanka dawladda Jabuuti ku mamnuucday xuska 18 May iyo xafladaha loogu dammaashaadayo toban-guuradii ka soo wareegtay markii xilka loo cummaamaday Madaxweyne Geelle ee sida isdaba-jooga ah looga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Gabiley, kuwaas oo ay hormood ka ahaayeen qabanqaabadooda ka qaybgalkooda wasiirro iyo masuuliyiinta sare oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Rayaale, iyadoo ujeeddada dabbaaldegyadaas yihiin qaar caad saaran yahay oo aan xaqiiqdooda la ogeyn. Si kastaba ha ahaatee, guuldarrada siyaasadeed ee soo foodsaartay xukuumadda Somaliland waa foolxumo iyo fallaadh feedhaha kaga mudan maamulka Madaxweyne Rayaale oo shabcigu uga fadhiyo caddaynta dhabta ah ee falaggii siyaasaddiisa Jabuuti ka qalloocday. Jamhuuriya Online Printable version Email this to a friend
  2. Togdheer: S/Land oo Ku 18 Jirsatay Safar Bilaa Sahan ah (Tahriib) May 24th, 2009 “Reer Burco Somaliland waxay la 18 Jirsadeen Safarkaas bilaa Sahayda ah ee bilaa sahanka ah(Tahriibta), si marka loo eegana Somaliland kaa Tahriibaa ugu rajo wacan waayo dee Madaxtooyadii waad aragtaa Jaasbaa ka socda Iyo Heeso” Burco(Somaliland.org )-Warar laga helaayo Xeebaha dalka Liibiya ayaa shaacinaaya in ay halkaasi ku gedoontay dooni ay saarnaayeen tahriibayaal ka soo jeeda gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco. 38 dhalinyaro reer Burco ah oo dhamaantood ka mid ah ardayda wax-kabaranjirtay dugsiyada sare ee magaalada Burco ayaa ka mid ahaa rakaabka saarnaa doonidan macmalka ah ee degtay, sidaasina waxa Somaliland.org u xaqiijiyay dad ku sugan magaalada Caasimada ah ee dalka Liibiya Tahriibiyaasha qaar ayaa geeridooda la waayay qaar ka mid ah halka qaar kalena ay ku xidhan yihiin mid ka mid ah jeelasha magaalada Triboli sida ay sheegayaan qaar ka mid ah tahriibayaasha oo warbaahinta Somaliland u waramay Sidoo kale afar cisho ka hor ayaa magaalada Burco ay soo gaadheen warar sheegayaa in ay xeebaha talyaaniga ku qalibantay dooni siday 58 tahriibayaal reer Burco u badan, kuwaasi oo qaar ka mid ah la soo xaqiijiyay geeridooda halka qaar kalena ay badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaanigu Ilaa Bilowgii Bishii April ee la soo dhaafay ayaa ah wakhtiyadii ugu badnayd ee ay tahriibaan dhalinyaradii ugu badnayd ee reer Burco iyada oo ay waliba sii kordhayaan kuwa dadoodu u dhaxayso 16 Jirka ilaa iyo 18 jirka ee doonaaya inay ka hayaamaan Jamhuuriyadan rajo la.aanta la 18 Jirsatay xiliga ayaa gobolka Togdheer ku soo badanayaan wararka saluuga xun ee suudal-dhaqaaqa tahriibayaashu ayaa ku soo beegmaysa xili Guud ahaanba Somaliland looga debaaldegaayo 18 guuradii ka soo wareegtay markii ay ka go,day Somaali inteeda kale Hasa yeeshee sida ay hoosta ka xariiqayaan dadka indheergaradka ah qaarkood Somaliland waxay u muuqataa mid ku 18 Jirsatay Laba safar oo bilaa Sahan ah, waa safarka koowaad,e waxay ku sheegeen inuu yahay Suuda-dhaqaaqa Bilaa sahanka ah *Tahriibta” Iyo Sidoo kale muransiyaasadeed oo u muuqada mid ilaa iyo hada aan la hayn xal lagu meel mariyo mawjadihiisa culus, sidaasi awgeed munaasibadii 18 May ee Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer waxa saamayn weyn ku yeeshay Hadal haynta iyo Saluuga walbahaar ee laga soo sheegaaya dhalinyarada reer Togdheer ee ku dhamaatay Xeebaha Liibiya Iyo Lama degaanka Suudaan Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa ah goobtii lagaga dhawaaqay magaca Jamhuuriyada loo dabaad degaayo wanqasheedii 18 aan ee 18 May, taasina waxay ceeb aan la qarin karin ku tahay Qoyska ku raaxaysanaa dhaxalka gurigii looga ariminaayo 18 sano ka dib “Waxa walba waxaa ka daran oo aan anigu la yaabanahay, ba eeg Tv gii dawlada waxa ka socdaa uun waxa weeye Muusig Iyo Heeso loogu madadaalinaayo Gabadhan(Marwada Madaxweynaha) Iyo Ninkan(Madaxweynaha) Wadanaka Haysta, bal mar qudha hayna tusaan war ku saabsan ama arin ka hadlaysa Mushkiladan Iyo Caruurtan dalka ka yaacaysa ileel way kla wacdiyi kari lahaayeen e” Sidaasi waxa si niyad ah ugu tiiraabay mid kamid ah dad goob lagu caweeyo ku daawanaayay Telfiishanka Afka dawlada ku hadla ee Somaliland National Tv oo ay xiligaasi ka soconaysay Barnaamij qoob ka ciyaar ah oo la sheegay in lagu qabtay qasriga Madaxtooyada, xili uu magaalada Burco laga dhex dareemaayo baroorta ka dhalatay warka dhiilada siday ee tahriibayaasha reer Togdheer “Reer Burco Somaliland waxay la 18 Jirsadeen Safarkaas bilaa Sahayda ah ee bilaa sahanka ah(Tahriibta), si marka loo eegana Somaliland kaa Tahriibaa ugu rajo wacan waayo dee Madaxtooyadii waad aragtaa Jaasbaa ka socda Iyo Heeso” Sidaasi waxa tidhi Sahra Axmed Suurad oo iyada lafteedu daawanaysay Tv ga Dawladu maamusho oo muusig Macaan uun ka soconaayay, iyada oo laga dhex arkaayay muuqaalka Madaxweyne Rayaale Iyo Marwadiisa koowaad Si kastooy ahaataba Somaliland waxay u muuqataa mid ku 18 Jirsatay Safar aan Sahay lahayn , isla markaasina sida ay sahriba sheegtay bilaa Sahan ah Foosi Saleebaan Aw-Bindhe Somaliland.org Burco E-Mail-foosi36@hotma il.com Rabbi haka qabto reer Burco Riyaale
  3. You know what I meant sxb triple buufiska inaga daa, I was lookin for maybe some insider info Why did Waraabe say no invitations was given to us?
  4. One of many more incidents coming to delay the elctions indefinetly.. The only thing left is for Riyaale to declare an indefinite state of emergency
  5. Wasnt he invited for the official party though? Where was Waraabe?
  6. JB ninyow Siilanyo Hargeysa muxuu kaga qeybgali waayey?
  7. Ninyow JB war buufiska aduunka ka dilaacey baa ku haya If you told him he cant talk about your dreams of elections which are evoparating quickly maxaa ka galay nin caasimadiisa
  8. I'm for the one we have today and it will never change?
  9. War ileen laba waalan baa meesha isku yimid looool
  10. He means Muqdishu loool JB beryahaan waad ka dartey ma is tidhi
  11. Meiji dont take it personally bro as you invented the above mentioned term
  12. MIght explain the reason why spy planes been flying low over evry city in Somalia during the last months. Something is cooking i guess
  13. Mid naftiisa isu huruy ayaa lagu tilmaamaya nacala iyo wixii la mid ah , naarta ayeey ku dambeynayaan
  14. It just shows he doesnt give **** about the clan mongoring of Sharif and co's. Weliginaba qabiil isku gubaabiya ayuu taaganyahay belo
  15. Moryaan is always a moryaan and shabaab is no different
  16. This topic has already been dealt with here so it makes a bit unnecessary
  17. RR why do you need to waste your ime arguing with people who so clearly enjoys their freedoms in the west but wishes the worst for the folks back home.. Look at what the NY Times reporter who went to Galgaduud wrote about them... watch the video and see what the local folks thought about Shabaab when they ruled last yr.... Read and Watch Killing of local elders for not complying with their views. Beheading two innocent ladies selling tea in the market. Where can you see in the clip of any modern weapons and organised moryaan. All i see is devote wadaado withtheir koran and nothing else
  18. Che you dont need to seek it but accept it. Emperor meeshu waxaa jooga waa Axmaq walle
  19. Your nightly wet dreams of Shangoole bringing Hip Hip Jihad to Garoowe sums up an old somali saying that goes......Waxaadan heyn uu hanqaltaaga(Garoowe) waxaad haysidna yuu kaa habsaamin (NW of Burtinle). I word of advice brother.
  20. This is even better looool http://www.youtube.c om/watch?v=20NK_Wshr yU&feature=related
  21. Meiji iyo Duke maxaa kala haysta? War Meiji sxb I agree with you on many points but remember that those who you call M Society will never bring peace to that city alone until that society becomes Somali society. Until all Somali clans are involved in bringing peace to that city and no single clans put a sole claim to it will the guns finally be silenced.
  22. This is the situation in which TFG is in except the fuusto is in Villa Somalia
  23. Hannibal ninyow waabad igu timid halkaana. Iska daa Cadde sxb waa madaxweyne sharaf ku leh dadkiisa ee bal isku mashquuli heesti Maryan