Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Ergooyinkii Khaatumo II iyo ShacabWayne Ka Socda Gobolada SSC oo Taleex Lagu Soo Dhoweeyey+Sawiro Realtaleex.com Waxaa Maanta Degmada Taleex Soo gaadhay Ergadii Shirka Khaatumo2 ee Boocame Ergadan waxaa Safarkooda ku Weheliyey Xubno kamid ah G15 oo Deegaanbkaas u dhashay sidoo kale waxaa Ergooyinka ku wehelinayey Ururadda Haweenka,kuwa dhalinta iyo Dhalinyaro Yagu markaasi ku labisna Dharka hidaha iyo dhaqanka , waxaa xaflad balaadhan loogu sameeyey Hoolka Shirirka e degmada Taleex iyado markaasna ay halkaas kusoo bandhigeen ciyaaraha Somaliga ee Nugaashu Caanka ku tahay waxa ayna Qaar kamid ah ergadani ay gudaha Taleex kula Hadleen Shacabka reer Talex iyago markaasina si wayn ugu mahad celiyey soo dhawaynta ay shacabka reer taleex u sameeyeen. Ma aha Markii u Horeysey ee Soo dhawayn sidan oo kale ah loo sameeyo Ergooyinka ka qayb qaadanaya Shirka Khaatumo 2.
  2. Waxaa Wali Ku Soo Qulqulaya Magaalada Taariikhiga Ah ee Taleex, Gobolka Sool Wufuud Balaadhan oo ka imaanasaa Gobolada SSC , Somalia, iyo Dhamaan Wadamada iyo Qaaradaha Caalamka Oo Ka Kala Imanaysa degaanadda SSC Iyo qurbaha iyadoo ergooyin tiro ay maanta kala yimaadeen Degaanadda Boocame iyo laascaanood kuwaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmadda taleex Dadwaynaha ku dhaqan degmada Taleex,ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey ergayda ka socota deegaanka Boocame iyagoo kaga hortagay meel ka baxsan magalada, Hasan Food oo ah xubin ka tirsan gudida qaban qaabada shirka Khaatumo ayaa ka mahad celiyey sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen ____ Ergooyin ka socday Degmada Boocame oo Taleex Lagu Soo dhaweeyey+Sawiro Ceegaag Online Waxaaa Maanta Gelinkii Hore si diiran loogu soo dhaweeyey Halka ay taal Gogosha wada tashiga beelaha *********** ee Khaatumo2 ee taala Taleex wafti heer sare ah oo kaasoo kicintintay degmada boocame gobolka sool,waftidan ayaa iskugu jiray ururadda haweenka,kuwa dhalinyaradda iyo ergadda shirka uga qayb geli doonta beelaha daga degmada boocame. soo dhawayn balaadhan ayaa waftidan loo sameeyey waxa ayna hoolka loogu talo galay in uu ka dhoco shirka khaatumo 2 ay kusoo bandhigeen ciyaaraha hidiyo dhaqanka ah ,buraanburo iyo gabayo kuwaaasi oo dhamaantood ay ku muujinayeen taageeradda ay u hayaan shirka khaatumo-2,sidoo kale waxaa degmada taleex haatan ku sugan dadkii abid ugu tiradda badnaa ee taleex iskugu yimada marka laga reebo xiligii daraawiishi daganayd oo qarni haatan laga joogo. waxa taleex si badan ugu soo qulqulaya waftiyo kala gedisan oo kasoo kala kicitimaya daafaha caalamka iyo goboladda ssc, Qaar kamid ah Wufiidii soo gaadhay taleex ayaa mahad naq balaadhan usoo jeediyey shacabka reer taleex sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen waxa ayna ilaahay ka baryeen in shirka wada tashiga beelaha *********** uu ka yeelo mid guul ku dhamaado. sidoo kale waxaa taleex haatan ku sugan G6-Kuwaasi oo dhawaanahanba Degmada Taleex laga sugayey inay soo gaadhan isla markaana maalintii shalay ahayd si diiran loogu soo dhaweeyey ,isku soo wada duubo shirka wada tashiga beelaha *********** ayaa la filayaa in uu la 1-sado Sanadda Cusub ee 2012 Hadii Rabi Raalo ka Noqdo. Maxamed Cismaan C.nuur Xaruunta Wada Tashiga Beelaha SSC, Taleex Sool Somalia Daawo Sawirada
  3. " frameborder="0" allowfullscreen> Taariikhdii Maamulkii Daraawiishta/SSC, The History of Darwish State/ SSC
  4. Madaxda SSC ee G6 iyo Gudida Qaban Qanqaabada G15 oo shir Xaas Xaasi ah uga socda Magalaada Taleex XuddunNews.com Gudiga G6 ayaa waxay saaka la kulmeen labadii beelood oo xurgufu ku dhex martay Taaleex waxayna u tacsiyeeyeen geeridi ku timid reer Cali shire… Beesha Samakaab Cali ayaa aqbashay gebi ahaanba codsigii Gudida iyo sidii ay u dhameeyeen gudidii loo saaray xalinta labada ardaa. Gudida G6 ayaa waxay kaloo la kulmeen qaybaha Bulshada Taleex, Ergooyinka, Suxufiyiinta iyo Ciidanka Amniga. Gudida ayaa waxay soo indha indheeyeen Ansaartii hore ee xarumihii Daraawiishta iyo Qalcadii Sayidka ee Taaleex iyo meelo kale oo badan. Ugu dambayntii waxaa hada shir albaabadu ay u xidhan yihiin ku jira Gudida G30 iyo G6 oo qorshaynaya sidii ay u samayn lahaayeen gudiyada shirka daadihin lahaa,waxaana la sheegay in ay ilaa caawa soo dhisi doonaan Gudiyo kala duwan oo sida Gudida Dhaqaalaha,Farsamada,Turxaan Bixinta, Saxafadda iyo qaybo kale . kala soco Wararka Taleex www.xuddunnews.com ________________ R/wasaarihii Hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh oo yimid Taleex, Kulamana la Qaatay Odoyaasha Dhaqanka iyo Guddiga Qabanqaabada Shirka Khaatumo II Radio Daljir Taleex, Dec 31 – Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo horay mar u ahaan jiray raysal-wasaarihii Soomaaliya xilligii dawladii Carta ayaa maalintii shalay ahayd si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Taleex, waxaana ay kulamo gaar gaar ah la qaateen waxgaradka deegaanka iyo sidoo kale guddiga qaban-qaabada shirka khaatumo 2. Afhayeenka guddiga qaban-qaabada shirka khaatumo 2 C/fitaax Cismaan ‘Dhalac’ oo u warramay radio Daljir ayaa shaaca ka qaaday in 2 maal-mood kaddib uu si toos ah u furmi doono shirka looga arrinsanayo aayaha gobollada SSC, waxaana uu intaasi ku daray inay soo dhamaystirmeen dhammaan ergooyinkii la sugaayay ee shirka lagu casumay. Md. Dhalac, ayaa shaaca ka qaaday in ajandayaasha looga hadli doono shirkaasi iyo go’aamada kasoo baxa looga danbayn doono siyaasiyiinta beesha, isla markaana Isimada dhaqanku ay yeelan doonaan ducada iyo ka warhaynta go’aamadaasi. Diiwaanka Wararka Daljir Garowe. _____________ Waftdigii ugu cuslaa Khaatumo 2 ayaa manta si heersare ah loogo Soo dhaweeyay degmada Taariikhiga ah ee Taleex‏ Hadhwanaag News Taleex(W) Wefti balaadhan oo uu ka mid yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh oo horey u ahaan jirey raiisal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo gaadhey degmada Taleex ee gobolka Sool ka dib markii ay maalinimadii shalay soo gaadheen dalka iyagoo ka soo kicitimay dalka Itoobiya. Waftdigii ugu cuslaa Khaatumo 2 ayaa manta si heersare ah loogo Soo dhaweeyay degmada Taariikhiga ah ee Taleex‏ Wefti balaadhan oo uu ka mid yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh oo horey u ahaan jirey raiisal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo gaadhey degmada Taleex ee gobolka Sool ka dib markii ay maalinimadii shalay soo gaadheen dalka iyagoo ka soo kicitimay dalka Itoobiya. Weftigan oo ka koobnaa Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Taleex oo shir beeleed dad degaano kala duwan ka imaanayaa uga ka furmi doono maalmaha soo socda. Masuuliyiintani oo uu ka mid yahay C/kariin Xasan Jaamac oo dhowaan ahaan jirey wasiirka warfaafinta Dawlada Federaalka ee xukuumadii Farmaajo, mana jirto wax hadal ah oo ay imaanshahooda ka yidhaahdeen. Masuuliyiintan ayaa ka soo kicitimay wadanka Itoobiya kana soo galay gobolka Sool tuuladda Saaxdheer oo 70Km dhinaca koonfureed kaga beegan laascaanood, taas oo lagu macneeyey inaanay labada mamaul ee Puntland iyo Somaliland aanay midina raali ka ahayn soo maridooda. Degmada Taleex ayaanay jirin wax maamul ah oo ka arimiya balse haatan waxaa hawsha amaanka loo xilsaaray ciidamo dhowaan la`isaga keenay degaano kala duwan kuwaas oo loogu yeedho ciidamada Khaatumo2. Shirkan oo wadatashi lagu macneeyey ayaa dad badani waxa ay saadaalinayaan maamul ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland in laga yagleelo kulankan la filayo degmada Taleex inuu ka furmo. Ciise Cabdisamed axmed Dabayl __________________________ Prof. Cali Khaliif Galaydh Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Degaanka Taleex Ee Shirka Beelaha SSC Ka Socdo+Sawiro Boorama Online.com Taleex-(BNO) Waxaaa maalinimadii shalay ahayd Si diiran loogu soo dhaweeyey Xaruunta Taariiklhiga ah ee Taleex Ragii Hidisay Shirka Khaatumo 1-2 ee Loo yaqaano G6,Soo dhaweyn Balaadhan ayay kala kulmeen waftigani Xarunta Taariikhigaha ah taleex. Dadwayne aad u tiro badan ayaa waftidan kaga horbaxay meel qiyaastii 10 u jirta taleex oo dhanka koonfureed ka xigta magaaladda Taleex. Soo dhawayn Diiran kadib waxa ay waftigani soo gaadheen afaafka hore ee Taleex halkaasi ay ku sugnaayeen baabuur fardo iyo dadwayne aad u tiro badan kuwaasi oo diyaar u ahaa sooo dhawaynta waftidan. Waxaa sidoo kale soo dhawaynta waftidan ka qayb qaadanayey Isimadda Deeganadda gobolka Sool kuwaasi oo su wayn ugu faraxsanaa soo dhawaynta Masuuliyiintan, waftigan soo gaadhay Taleex waxaa kamid ahaa 3Xubnood oo qayb ka ah G6 oo ay kamid ahaayeen Cali Khaliif Galaydh,Cali Ciise Cabdi iyo Dr Maxamed Buraale Faarax waxaa kale oo waftigan kamid ahaa Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Xukuumadii Farmaajo Mudane C.kariix Xasan jaamac. Waxaa isaguna wafigan kasoo Raacay Tuuladda Saaxdheer Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad jaamac, Soo dhawayn Diiran oo ay Shacabka Reer taleex kala Kulmeen Waftigani ayaa la Geeyey Qasrigii Loogu Talo Galay inay waftidiani ka dagaan Degmada Taleex. Qaban Qaabada Soo dhawaynta Waftidan Ayaa si balaadhan maalmihii la soo dhaafay looga Dareemayey Xaruunta Taarikhiga ah ee Taleex, haatana waxaa Degmada Taleex ku sugan Dadwayne aad faro badan oo ka kala yimi Daafaha Dunida Haba u badnaadeen Gobolka Sool.” ____________________________ Prof. Cali Galayr oo Gaaray Taleex, Sool "Dhageyso" GAROWEONLINE Wafdi uu hogaaminayo Dr.Cali Khaliif Galayr raysal wasaarihii hore ee Somalia kana kooban aqoonyahano kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafeyna ku sugnaa dalka Ethiopia ayaa shalay 29,12,2011 gaaray tuulada Saaxdheer oo 70-KM dhanka koofureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Xubnahan oo kasoo jeeda gobolka Sool uuna hogaaminayo dr,galayr oo raysal wasaare ka soo noqday mid ka mid ah dawladihii Somalia burburkii ka dib, ayaa waxaa ka mid ah xubnaha socdaalkiisa ku wehliyay ee la xusi karo Dr.Cali Ciise Cabdi oo 30-sanno ka badan u soo shaqaynayey hay'adda lacagta aduunka ee IMF. Ujeedada safarka xubnahan oo la sheegayo maanta oo Jimce ah in ay ku wajahan yihiin degmada Taleex ay la xiriirto furitaanka shir loogu magac darey Khaatumo 2 oo labadii bilood ee ugu danbeyey qaban qaabadiisa ay ku howlanaayeen,iyadoona la filayo marka ay soo gaaraan Taleex in ay shaaciyaan ajandayaasha shirka iyo ujeedada qabashadiisu la xiriirto. Ragan oo abaabuley shirkan mid kasii horeeyey oo lagu qabtey magaalada London ayaan horey looga baran ka qeyb galka shirarka ay qabsadaan beelaha *********** & dhexgalka maamulada Puntland iyo Somaliland oo siyaasiinta beeshan u dhashey badankoodu isaga talaabaan labada dhinac. Halkan ka Dhageyso Warbixin Abshir C/lahi ka diyaariyey wafdiga tagey Sool http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Galayr_oo_gaarey_Sool.shtml
  5. Madaxda SSC ee G6 oo Shirar Kala Gedisan Laqaatay G15 iyo Bulshawaynta Reer Taleex Maanta.{Daawo Sawiro:} Horafadhi.com Waxaa maanta magaalada Taleex ka soconayey shirar kala gedisan oo ay xubnaha G6 laqaadanayaan Bulsha waynta Ku Dhaqan Magaalada Taleex, Dhinaca kale G6 ayaa Maanta Usoo tacsiyeeyay Eheladii iyo Qaraabadaii ay dhawaan shaqaaqooyinkii halkaasi ka dhacay Ay dhibtu kasoo Gaadhay. Sidoo kale G15 ayaa maanta waxay uga warameen xubnaha G 6 waxyaabihii uqabsoo may Mudadii ay wadeen Qaban qaabada Shirka Khaatumo2, iyo weliba waxyaabaha uqorshaysan Hada, G6 ayaa si wayn ubooriyey shaqada hagar la,aanta ah ee ay qabteen Xubnaha G15 oo mudooyinkii danbaba waday ololaha qaban qaabinta shirkaasi. Isku soo wada duuboo magaalada Taleex ayaa si wayn looga dareemaya farxad aad usaraysa, waxaana la adkeeyay amaanka magaaladan iyadoo ay weli halkaasi kusoo qul qulayaan wufuud kala gedisani. Dhanka kale shirkadda Telefoonada ee Golis ayaa si weyn ugu fududeysay warbaahinta iyo weliba Macaamiisheeda , khadka Internertka, kaasoo hada asagoo Xadhig la’aan ah la isticmaalyo, Golis ayaa hada majaraha u haysa adeeg horumarsan oo ay la dhacsan yihiin bulshada Taleex. Horufadhi News Online
  6. Dr. Cali Khaliif Galaydh, Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Wafti Balaadhan Oo Soo Gaadhay Taleex LASANOD.COM Taleex,(Lasanod Online)- Wefti balaadhan oo uu ka mid yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo dr. Cali Ciise Cabdi.. ayaa soo gaadhey degmada Taleex ee gobolka Sool ka dib markii ay maalinimadii shalay soo gaadheen dalka iyagoo ka soo kicitimay dalka Itoobiya. weftigan oo ka koobnaa Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Taleex oo shir beeleed dad degaano kala duwan ka imaanayaa uga ka furmi doono maalmaha soo socda. Masuuliyiintani oo uu ka mid yahay C/kariin Xasan Jaamac oo dhowaan ahaan jirey wasiirka warfaafinta Dawlada Federaalka ee xukuumadii Farmaajo, mana jirto wax hadal ah oo ay imaanshahooda ka yidhaahdeen. Masuuliyiintan ayaa ka soo kicitimay wadanka Itoobiya kana soo galay gobolka Sool tuuladda Saaxdheer oo 70Km dhinaca koonfureed kaga beegan laascaanood, taas oo lagu macneeyey inaanay labada mamaul ee Puntland iyo Somaliland aanay midina raali ka ahayn soo maridooda. Degmada Taleex ayaanay jirin wax maamul ah oo ka arimiya balse haatan waxaa hawsha amaanka loo xilsaaray ciidamo dhowaan la`isaga keenay degaano kala duwan kuwaas oo loogu yeedho ciidamada Khaatumo2. Shirkan oo wadatashi lagu macneeyey ayaa dad badani waxa ay saadaalinayaan maamul ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland in laga yagleelo kulankan la filayo degmada Taleex inuu ka furmo. Xafiiska Wararka Laascaanood Laascaanood Somalia
  7. Wafdigii G-6 oo maanta soo gaadhay Madashii TALEEX XARGAGA ONLINE xargaga.net Halkan K a Dhageyso http://xargaga.net/images/file/A2011/Live_from_Boocame_Xargaga_Online.rm Guddigii G-6 oo si habsami ah loogu soo dhaweeyay Magaalada TALEEX. daawo muuqaalka habkii loo soo dhaweeyay Guddida iyo Ergooyinkii la socday. (Daawo) (dhagayso). Guddigiiqabanqaabada shirka Khaatumo 2 oo soo si habsami ah loogu soo dhaweeyay Magaalada TALEEX. daawo muuqaalka habkii loo soo dhaweeyay Guddida iyo Ergooyinkii la socday. (Daawo). Wariyaha Xargaga Online Cadnaan Saalax ayaa si habsami ah usoo tabiyay Warbixintan:
  8. Waftigii G6, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Issimo, Cuqaal, iyo Waxgarad Reer SSC ah oo Taleex SiWeyn Lagu Soo Dhaweeyey. Waxaaa Maanta Si diiran loogu soo dhaweeyey Xaruunta Taariiklhiga ah ee Taleex Ragii Hidisay Shirka Khaatumo 1-2 ee Loo yaqaano G6,Soo dhaweyn Balaadhan ayay kala kulmeen waftigani Xarunta Taariikhigaha ah taleex. Dadwayne aad u tiro badan ayaa waftidan kaga horbaxay meel qiyaastii 10 u jirta taleex oo dhanka koonfureed ka xigta magaaladda Taleex. Soo dhawayn Diiran kadib waxa ay waftifani soo gaadheen afaafka hore ee Taleex halkaasi ay ku sugnaayeen baabuur fardo iyo dadwayne aad u tiro badan kuwaasi oo diyaar u ahaa sooo dhawaynta waftidan. Waxaa sidoo kale soo dhawaynta waftidan ka qayb qaadanayey Isimadda Deeganadda SSC kuwaasi oo su wayn ugu faraxsanaa soo dhawaynta Masuuliyiintan, waftidan soo gaadhay Taleex waxaa kamid ahaa 3Xubnood oo qayb ka ah G6 oo ay kamid ahaayeen Cali Khaliif Galaydh,Cali Ciise Cabdi iyo Dr Maxamed Buraale Faarax waxaa kale oo waftidan kamid ahaa Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Xukuumadii Farmaajo Mudane C.kariix Xasan jaamac. Waxaa isaguna wafidan kasoo Raacay Tuuladda Saaxdheer Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad jaamac, Soo dhawayn Diiran oo ay Shacabka Reer taleex kala Kulmeen Waftigani ayaa la Geeyey Qasrigii Loogu Talo Galay inay waftidiani ka dagaan Degmada Taleex. Qaban Qaabada Soo dhawaynta Waftidan Ayaa si balaadhan maalmihii la soo dhaafay looga Dareemayey Xaruunta Taarikhiga ah ee Taleex, haatana waxaa Degmada Taleex ku sugan Dadwayne aad faro badan oo ka kala yimi Daafaha Dunida Haba u badnaadeen Goboladda SSC. DAAWO SAWIRADA
  9. Garaad Abshir Saalax Oo Gaadhay Taleex Nugaal media Wararka naga soo gadhaya magaalada Taleex ee xarunta shirka Khaatumo labo ayaa waxay sheegayaan in saaka si diiran loogu soo dhaweeyey wefti uu horkacayo Garaad Abshir Saalax ….. Garaadka iyo weftidiisa ayaa ka soo kicitimay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana garaadka weheliya wax garad iyo xubno kale oo rayid ah oo ka qayb galka shirka u yimid Taleex. Garaadka iyo weftidiisa ayaa waxaa soo dhaweeyey gudida soo dhawaynta waxaana la dejiyey Guriga isimada ee xarunta Taalex Short URL: http://nugaalmedia.com/?p=8
  10. Horafadhi.com : Wafdi Miisaan Culusleh Oo uu Hogaaminayo Garaad C/laahi Garaad Soofe Maanta Kasoo Anbaxay Magaalada Buuhoodle Kuna Sii Wajahan Magaalada Taleex Buuhoodle, SSC-Somalia Waxaa saaka aroor nimadii kasoo anbaxay magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka cayn Wafdi miisaan culus kuleh Guud ahaan Gobolka cayn kuwaasi oo kusii wajahan magaalada Taleex Ee uu kasocdo Shirka Khaatumo 2. Wafdigan ayaaa waxaa hogaaminya Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo kamida Isimada Magaca wayn kuleh Deegaanada Sool Sanaag Iyo Cayn aya waxay isugu jireen Cuqaal, Culimaa’udiin , Waxgarad , Dhalinyaro , Qaarkamida saxafiyiinta shabakada Horufadhi.com Waxaana Ay wateen Ilaa 10 Gaadhi . Waxaana kamida ahaa Wafdigaasi Garaad Saleebaan Buraale Sheekh Cumar Sheekh Cismaan Caaqil Hindi Maxamed Aadan Caaqil Cali (Dahable) Sheekh Cumar Suudaani Iyo wufuud aad ubadan oo aan Halkan lagu soo koobi karin, Waxaana lagu sii sagoontiyey meelka baxsan magaalada Buuhoodle markii ay kasoo anbaxayeen Halkaasi iyadoo ay ahayd Saacadu 8: Subaxnimo. Goor dhawayd Oo aan khadka Taleefanka kula xidhiidhay wafdigaasi oo imika maraya Magaalada Widh widh ayaa waxa ay Sheegeen Inay wax dhibaata ah lakulmin intay kusii guda jireen Safarkaasi ayna rajaynayaan Hadii alle idmo Inay Galabta gaadhaan Magaalada Taleex. Marka la iskusoo wadaduubo shirka Khaatumo2 ayaa la filayaa in dhowaan si rasmi ah loo guda galo ajandayaashiisa waxaana waftiga Buuhoodle ka tagey kusoo beegmayaan xili maalintii shalay ay degmada Taleex gaadheen waftigii gudiga sare ee G6 ee iyagu lahaa abaabulka guud ee shirkani Khaatumo2. Sawirada wufuudaasi markay gaadhaam Magaalada Taleex waxaad Kaga bogon doontaan shabakada Caalamiga ah ee Horufadhi.com Horufadhi News Online _______________________________________ SSCNEWS.COM Cuqaal, Isimo, Culimo, Waxgarad, iyo Ciidamo Miisaan Culus leh Oo Kusii Wajahan Taleex Kana Kicitimay Magaalada Buuhoodle. Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa saaka waxaa ka anba baxay wafti aad u balaadhan oo isugu jira, isimo cuqaal, aqoon yahano, culima awdiin iyo dhalinyaro kamid ah qaybaha bulshada ee gobolka Cayn , waftigan oo ay hogaaminayaan isimada deegaanka Buuhoodle gaar ahaana garaad C/laahi Garaad Soofe & garaad Saleebaan Buraalle Aw Aadan ayaa ku sii jeeda degmada Taleex ee gobolka Sool halkaasi oo uu ka socdo shiweynaha beelaha SSC ee Khaatumo||. Watigani ayaa ah kuwo aad u miisaan culus islamarkaana ay kujiraan madax dhaqameed iyo waxgarad kale oo miisaan culus kuleh gobolka Cayn waxaana kamid ah waftigaasi. Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe Garaad Saleebaan Buraale Aadan Sh Cumar Sh Cismaan Sh Cumar Soodaani Caaqil Hindi Maxamed Aadan Caaqil Cali Cabdi Cali ( Cali Dahable) wafdigan ayaa waxa ay ka kooban yihiin tobaneeyo gaadhi oo ay saaran isimo, cuqaal, culimo iyo dhalinyaro deeganka ah, “Saaka ayaanu ka anba baxnay magaalada Buuhoodle abaaro 8:00 subaxnimo waxaanuna ku wajahanahay degmada Taleex oo aanu filayno inaan galo ilaa galabta” ayuu yiri Garaad Saleebaan Buraale Aadan. Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya degmada Taleex ee gobolka Sool oo xiligani ay ku qulqulayaan ergooyinka ka qaybgelaya shirka Khaatumo2 ayaa si weyn looga diyaar garoobayaa soo dhoweynta waftiga shirka Khaatumo2 ee ka tegey gobolka Cayn waxaana socda abaabul badan oo lagu soo dhoweynayo waftiga. Marka la iskusoo wadaduubo shirka Khaatumo2 ayaa la filayaa in dhowaan si rasmi ah loo guda galo ajandayaashiisa waxaana waftiga Buuhoodle ka tagey kusoo beegmayaan xili maalintii shalay ay degmada Taleex gaadheen waftigii gudiga sare ee G6 ee iyagu lahaa abaabulka guud ee shirkani Khaatumo2. Axmed C/qaadir Jabaan
  11. Laanta Afsomaliga ah ee V O A oo Warkeeda ku Bilawday Saaka Shirwaynaha Khaatumo ee Magaalada Taleex Idaa Cada V O A oo Warkeeda ku Bilawday Saaka Shirwaynaha Khaatumo ee Magaalada Taleex ayaa saaka Kulowday Warkeeda iyado sheegtay in G6 ay gaareen Magaalda Taleex iyadoo ay Hogaaminayaa Raysal Waraaihii Hore ee Somalia Ali Khaliif Galaydh iyo Wasiirka Warfaafinta ee Dawlada TFG. Khaatumo oo ah shirwayanha Beesha SSC oo lagu qaban doono magaaalda Taleex si loga Tashado Kala Qaybsanaanta ku Habsatay Beeshaasi hada wixi ka soo Kordha kala soco Shabakada Caalamiga ah ee www.xuddunnews.com
  12. Taleexi;768971 wrote: Reer SSC inay dantooda gartaan sida aan beelaha kaleba u rabo aad iyo aad baan u taageersanahay. Waxaan ka wadaa qabiilku waa sida onion layers where should we stop yaa good Aaliyah? Taleeexi, Maamul-Goboleedka SSC/Darwiishland waxa uu taageersanyahay Midnimada Qaranka Somalia, shacabka SSC waa lagu khasbay inay sameestaan Maamul-Goboleed ayaga gaar u ah, kadib markii jabhada snm ee qabsatay deegaano SSC ka mid ah, kadib 20 sano ayee ku qaatay shacabka SSC inay u soo jeestaan oo gartaan inay Maamul-Goboleedka SSC.
  13. Deg Deg: Madaxda SSC ee G6 iyo Wufuud Balaadhan Oo Soo Gaadhay Magaalada Taleex, oo Si Aad Weyn Loosoo Dhoweeyey (Sawiro) Horafadhi.com Waxaa Magaalada taariikhiga ah Ee Taleex soo gaadhay gudigii sare Ee Khaatumo oo loo yaqaano G6 iyo wafdi ay hogaaminayaan ,wafdigan balaadhan ee ka soo kicitimay Ethiopia ayaa waxaa dadweyne aad u farabadani oo saarnaa baabuur iyo fardo kaga hor tageen meel u jirta magaalada qiyaastii 20km loona soo gelbiyay xaga magaalada Taleex oo la filaayo inay kaga qayb galaan shirweynaha Khaatumo2 oo ka soconaaya isla magaaladaasi. Wafdigan oo ay hogaaminayeen G6 ayaa waxay xalay soo gabagaba fadhiisteen magaalada Saaxdheer Ee gobolka sool. Waftigan balaadhan oo ay ka mid ahaayeen DrCali Ciisse cabdi,Dr Cali Khaliif Galaydh, Dr Maxammed Buraale faarax,Dr C/Kariim xassan Jamac, Xassan ciise, Garaad Jaamac Garaad Cali ,ayaa waxay soo gaadheen Taleex abaara 2:00 duhurnimo ee saacada bariga Africa,markay soo gaadheen magaalada ayay ugu horayntii madal aad loogu soo uruuray hadala kooban ka jeediyeen ka dibna socod indha indhay ah ayay ku soo mareen meelaha loodiyaariyay ergooyinka madasha shirku ka socdo markaas kadib ayaa loogelbiyay gurigii loogu talagalay inay ka degaan magaalada Taleex. Magaalada taleex ayaa waxaa caawa si aada looga dareemayaa damaashaad kii usareeyey iyadoo ay camiran yihiin shaaracyaada waawayn ee magaaladu. dadkuna ay isla dhex qaadayaan hadalo ay kamida yihiin
  14. Daawo Sawirada Soodhawaynta Madaxda SSC ee G6 ee Taleex, SSC-Somalia FRIDAY, DECEMBER 30, 2011 Waxaa magaalada taariikhiga ah Ee Taleex soo gaadhay gudigii sare Ee Khaatumo oo looyaqaano G6 iyo wafdi ay hogaaminayaan oo ilaa 4qof ka kooban,wafdigan balaadhan Ee ka soo kicitimay Ethiopia ayaa waxaa dadweyne aad u farabadani oo saarnaa baabuur iyo fardo kaga hor tageen meel u jirta magaalada hilaadii 20kilo mitir loona soo gelbiyay xaga magaalada Taleex oo la filaayo inay kaga qayb galaan Khirweynaha Khaatumo2 oo ka soconaaya isla magaaladaasi. Wafdigan oo ay hogaaminayeen G6 ayaa waxay xalay soo gabagaba fadhiisteen magaalada Saaxdheer Ee gobolka sool. Waftigan balaadhan oo ay ka mid ahaayeen DrCali Ciisse cabdi,Dr Cali Khaliif Galaydh, Maxammed Buraale faarax,Dr C/Kariim xassan Jamac, Xassan ciise, Garaad Jaamac Garaad Cali ,ayaa waxay soo gaadheen Taleex abaara 2:00 duhurnimo ee saacada bariga Africa,markay soo gaadheen magaalada ayay ugu horayntii madal aad loogu soo uruuray hadala kooban ka jeediyeen dabeedna socod indha indhayn ah ayay ku soo mareen meelaha loodiyaariyay ergooyinka madasha shirku ka socdo markaas kadib ayaa loogelbiyay gurigii loogu talagalay inay ka degaan magaalada Taleex. Ugu danbayntii jawiga magaalada ayaa wuxuu yahay mid aad u degan dadkana farxad tira badani ayaa wajiyadooda ka muuqata .
  15. Dr. Cali Khaliif Iyo Dr. Cali Ciise Wafti Ay Hogaaminayaan Oo Soo Gaadhay Magaalada Taariikhiga ee Taleex, SSC-Somalia Kismaayo24.com Wefti balaadhan oo uu ka mid yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh oo horey u ahaan jirey raiisal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo gaadhey degmada Taleex ee gobolka Sool ka dib markii ay maalinimadii shalay soo gaadheen dalka iyagoo ka soo kicitimay dalka Itoobiya. weftigan oo ka koobnaa Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Taleex oo shir beeleed dad degaano kala duwan ka imaanayaa uga ka furmi doono maalmaha soo socda. Masuuliyiintani oo uu ka mid yahay C/kariin Xasan Jaamac oo dhowaan ahaan jirey wasiirka warfaafinta Dawlada Federaalka ee xukuumadii Farmaajo, mana jirto wax hadal ah oo ay imaanshahooda ka yidhaahdeen. Halkan Ka Daawo Sawiradda Masuuliyiintan ayaa ka soo kicitimay wadanka Itoobiya kana soo galay gobolka Sool tuuladda Saaxdheer oo 70Km dhinaca koonfureed kaga beegan laascaanood, taas oo lagu macneeyey inaanay labada mamaul ee Puntland iyo Somaliland aanay midina raali ka ahayn soo maridooda. Degmada Taleex ayaanay jirin wax maamul ah oo ka arimiya balse haatan waxaa hawsha amaanka loo xilsaaray ciidamo dhowaan la`isaga keenay degaano kala duwan kuwaas oo loogu yeedho ciidamada Khaatumo2. Shirkan oo wadatashi lagu macneeyey ayaa dad badani waxa ay saadaalinayaan maamul ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland in laga yagleelo kulankan la filayo degmada Taleex inuu ka furmo. si kastaba ha ahaatee qabsoonka shirkan oo dabada ku haya shir loogu magac daray khaatumo 1 oo lagu qabtay cariga Ingiriiska ayaa caqabado badan oo uu lahaa qabsoonkiisu laga soo gudbay, waxaana loo gudbay wajigiisii labaad oo loogu magac daray Khaatumo 2 isla markaana ay xanbaarsan yihiin wafdigani ajandihii iyo dhamaanba nuxurka lagu gorfaynayo kaasoo mudo ay baxnaaninayeen qaban qaabayaashu Ismaaciil Aftaag Taleex Somalia SSC
  16. War Culus: Madaxda SSC ee G6 Iyo Wafdi Balaadhan Oo ay Hogaaminayaan Oo Soogaadhay Magaalada Taleex, Iyo Damaashaad Halkaasi Ka Socda! Hambalyo... Hambalyo....Hambalyo Dhamaan Shacabka SSC Waxaa Soogaadhay magaalada Taleex wafdi culus oo ay hogaaminyaan Xubnaha G6, Kuwaasi oo Safar dheer ku soomaray Deegaano Aad u tirabadan oo si kala gedisan halkaasi loogu soo kala dhawaynayey. Waxaana Wafdigan lagaga hortegay Meel aad uga baxsan Magaalada Taleex, Halkaasi Oo dadkii soo dhawaynayey ay wateen gawaadhi aad u tirabadan iyo dhanka kale ay soo dhawaynta ka qayb qaadanayeen Kooxo Fardoolay ah. Dhanka Kale waxaa iyagu soo dhawaynta qaran ka qayb qaadanayey Ciidamada sida gaarka utababaran ee sugaya amaanka magaaladaasi iyagoo halkaasina kusoo bandhigay Dhoolatus aad Usareeya. Wafdigan oo ay Kamid ahaayeen DrCali Ciisse cabdi, Dr Cali Khaliif Galaydh, Dr Maxammed Buraale faarax, Dr C/Kariim xassan Jamac, Xassan ciise, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo wufuudkale oo aad utirabadan ayaa waxay dadwaynaha reer taleex kula hadleen Goob fagaaara halkaasi kana xogwaramay safarkooda ugana mahad celiyey Reer Taleex Sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen. Ugu danbayn ayaa wafdigan waxay kormeer ku tageen goobaha kala gedisan ee loogu talagalay in lagu qabto shirwaynaha khaatumo2. Magaalada taleex ayaa waxaa caawa si aada looga dareemayaa damaashaad kii usareeyey iyadoo ay camiran yihiin shaaracyaada waawayn ee magaaladu. dadkuna ay isla dhex qaadayaan hadalo ay kamida yihiin Hanbalyo — Hanbalyo — Hanbalyo — Khaatum2 — Guuuuuuuuul Goordhow Naga Filo Sawiradii Soo dhawayn Taas. Sulaymaan Xaashi Dheere – Taleex – Soomaaliya
  17. Weftiga Madaxda SSC ee G6 oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Degmada Taariikhiga ah ee Taleex December 30, 2011 Gelinkii danbe ee Maanta ayaa waxa si yaab leh loogu soo dhoweeyey Degmada Taleex Wefti ka kooban Xubnaha Kooxda G6 oo ah maskaxdii ka danbaysay Shirweynayaasha Khaatumo 1 iyo Khaatumo 2. soo dhweynta Weftigan oo ay kasoo qayb galeen guud ahaanba Shacabka ku dhaqan Degmada Taleex iyo weliba dadweyne aad u tiro badan oo kakala yimid Deegaano Balaadhan oo hoos yimaada Sool Sanaag Sanaag iyo Cayn, Issimada iyo waxgaradka Deegaanada SSC, iyo qaybaha Bulshada. Weftiga ayaa lagaga hortegay Meel hilaadii 10 km dhanka Koonfureed ka xigta Degmada Taleex waxana soo dhweynta ka qayb qaatay Gamaanka Fardaha ee Degmada Taleex caanka ku tahay iyo gaadiid aad utiro badan oo Boqolaal gaadhaya, kumanaan shacabka Deegaanada SSc oo maalmihii ugu danbayey ku soo qulqulayay Degmada Taleex ayaa iyaguna Hareero tubnaa wadada ay ku soo beegnaayeen Weftiga Kooxda Aqoonyahanada Sool ,Sanaag iyo Cayn ee G6,ka loo yaqaano. Weftiga ayaa waxa isaguna kasoo raacay Degmada Saaxdheer Garaa
  18. War Deg Deg ah: Madaxdii SSC ee G6 iyo Wafdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan oo Taleex Soo Gaadhay waxaa magaalada taariikhiga ah Ee Taleex soo gaadhay gudigii sare Ee Khaatumo oo looyaqaano G6 iyo wafdi ay hogaaminayaan oo ilaa 4qof ka kooban,wafdigan balaadhan Ee ka soo kicitimay Ethiopia ayaa waxaa dadweyne aad u farabadani oo saarnaa baabuur iyo fardo kaga hor tageen meel u jirta magaalada hilaadii 20kilo mitir loona soo gelbiyay xaga magaalada Taleex oo la filaayo inay kaga qayb galaan Khirweynaha Khaatumo2 oo ka soconaaya isla magaaladaasi. Wafdigan oo ay hogaaminayeen G6 ayaa waxay xalay soo gabagaba fadhiisteen magaalada Saaxdheer Ee gobolka sool. Waftigan balaadhan oo ay ka mid ahaayeen DrCali Ciisse cabdi,Dr Cali Khaliif Galaydh, Maxammed Buraale faarax,Dr C/Kariim xassan Jamac,dr Xassan ciise (qase) Garaad Jaamac Garaad Cali ,ayaa waxay soo gaadheen Taleex abaara 2:00 duhurnimo ee saacada bariga Africa,markay soo gaadheen magaalada ayay ugu horayntii madal aad loogu soo uruuray hadala kooban ka jeediyeen dabeedna socod indha indhayn ah ayay ku soo mareen meelaha loodiyaariyay ergooyinka madasha shirku ka socdo markaas kadib ayaa loogelbiyay gurigii loogu talagalay inay ka degaan magaalada Taleex. Ugu danbayntii jawiga magaalada ayaa wuxuu yahay mid aad u degan dadkana farxad tira badani ayaa wajiyadooda ka muuqata . waxaan dhowaan idin soo gaadhsiin doonaa Sawiro iyo Video hadii ilaahay idmo.
  19. Madaxdii SSC ee G6 Oo Soo Gaadhay Taleex/ Xaruuntii Daraawiishta Iyo Si Diiran Oo Halkaasi Loogu Soodhaweeyay. Waxaa Magaalada taariikhiga ah Ee Taleex soo gaadhay gudigii sare Ee Khaatumo oo loo yaqaano G6 iyo wafdi ay hogaaminayaan ,wafdigan balaadhan ee ka soo kicitimay Ethiopia ayaa waxaa dadweyne aad u farabadani oo saarnaa baabuur iyo fardo kaga hor tageen meel u jirta magaalada qiyaastii 20km loona soo gelbiyay xaga magaalada Taleex oo la filaayo inay kaga qayb galaan shirweynaha Khaatumo2 oo ka soconaaya isla magaaladaasi. Wafdigan oo ay hogaaminayeen G6 ayaa waxay xalay soo gabagaba fadhiisteen magaalada Saaxdheer Ee gobolka sool. Waftigan balaadhan oo ay ka mid ahaayeen DrCali Ciisse cabdi,Dr Cali Khaliif Galaydh, Dr Maxammed Buraale faarax,Dr C/Kariim xassan Jamac, Xassan ciise, Garaad Jaamac Garaad Cali ,ayaa waxay soo gaadheen Taleex abaara 2:00 duhurnimo ee saacada bariga Africa,markay soo gaadheen magaalada ayay ugu horayntii madal aad loogu soo uruuray hadala kooban ka jeediyeen ka dibna socod indha indhay ah ayay ku soo mareen meelaha loodiyaariyay ergooyinka madasha shirku ka socdo markaas kadib ayaa loogelbiyay gurigii loogu talagalay inay ka degaan magaalada Taleex. Ugu danbayntii jawiga magaalada ayaa wuxuu yahay mid aad u degan dadkana farxad iyo reyn reyn aad u tira badan ayaa wajiyadooda ka muuqata . Waxaaa la filayaa in ay guda galaan howlahii shirka iyadoo wali ay ku soo qulqulayaan dadweyne aad u badan oo ka kala imaanaya dhamaan aduunka dacaladiisa.
  20. Wafdi Balaadhan oo uu Hogaaminayo Garaad Jaamac G. Cali iyo Madaxdii SSC ee G6 oo Booqanaya Magaalooyinka iyo Deegaamada SSC, sida Boocame LIVE from Boocame Wftigii G6 oo maanta booqday magaalada Boocame Friday, December 30, 2011 - 02:28 PM Send this story to someone Printer-friendly page Listen Wefti balaadhan oo ka kooban aqoonyahanka G6 Ergooyin iyo Garaad Jama garaad Ali oo maanta soo gaadhey magaalada Boocame.(Daawo sawirada &Dhegeysi). Weftigan oo mudo saacado ah ku sugnaa magaalada Boocame ayaa la kulmay masuuliyiinya degmada iyo dhamaan shacabka reer Boocame. Live from Boocame Halkan Ka dhegeyso http://www.xargaga.net/images/file/A2011/Live_from_Boocame_Xargaga_Online.rm
  21. Somaliland Website "Maamul-Goboleedka SSC iyo Shirka Khaatumo Khatar ayee kuyihiin Ictiraafka iyo Jiritaanka snm/Somaliland" 3 -3 GEBAGEBO. Ka dib markii baaqyadii xukuumadda ee gogosha loogu fidinayay beelaha sool ay fashil ku dhammaadeen, waxa dawladda la gudboon inay bilowdo qaab kale oo lagu badbaadinayo laguna dardargelinayo gogosha nabadda loona diyaariyo straatiijiyad ka sal ballaadhan tii hore loo adeegsaday. Isimada Buuhoodleh oo ku gacansaydhay gogosha baaqa isimada bariga Burco. Halkaa waxa innooga cad laba arrimood oo kala ah 1. in isimada ay meeli u caddahay meelina ay ka madowdahay oo meelo kale sida kooxaha beesha iyo TFG oo ay aad ugu xidhan yihin ay ka mid yihiin. 2. In diidmadu ay ka marag kacayso fashil siyaasadeed oo ku aaddan gogoshii nabadeed ee ay xukuumadda Somaliland ugu baaqday Isimada beeshaa kaasoo u madaxweynuhu dhowr jeer kolba dib u soo cusboonaysiiyay marba marka baaqii hore shaqyn waayo. Sababta keentay sidaa ama waxa ay diidmu salka ku hayso halkan ka eeg. http://www.lasanod.com/details.php?num=6738 Waa in sidoo kale dib loogu noqdo tayayna maamul iyo fidinta adeegyada asaasiga ee deegaannada, islamrkaana kor loo qaado qaybta kaga aaddan miisaaniyadda si waxqabadka maamul u noqdo mid lagu kalsoonaan karo oo keena horumar la taaban karo dhinacyada baahiyaha asaasiga ah iyo xoojinta nabad gelyada. Waxan xukuumadda la gudboon inay tallaabo mileteri ka qaaddo shirkan qaran dumiska ah oo ka qayb galayaashiisana la soo qab-qabto oo khiyaamo qaran lagu soo oogo, lana baajiyo in maamul goboleed halkaa lagaga dhawaaqo. Haddii ay xukuumaddu ka gaabsato wax ka qabashada dhiillada bari ka soo socota, waxay taasi ka dhiigan tahay iyadoo cadowgii Somaliland u guulaystay iyo qarankan oo guuldarraystay oo kale, eeddeedana waxa dusha u ridan doona ciddii talada dalka loo igmady ee ahayd inay ilaaliyaan midnimada dhulkeeda, waxaana hubaal ah in xukuumaddu ku sifoobi doonto mid aad u taag daran oo aan masuuliyadda dalka lagu hallayn karin iyo inay sidanba raalli ka tahay mar haddii ay qidheeduba u sii socotay dhankaa iyo Muqdisho oo aan shariifka ka taliyaaba u xilqarin markii ay sida wada wacan uga wada shaqeeyeen qabyo qoraalka distoorka Somalia ee kooxdii diyaarinaysay ee gobollada oo dhan marmaraysay ay Hargeisa yimaaddeen bishii april ee sannadkan warkaa oo ahaa mid xukuumaddan Xamar u sii jeeddaa ay ka qarisay ummadda (halkan ka eeg, wefdiga distuurka ee dalka yimi http://www.dastuur.org/images/stories/docs/IFCC%20Progress%20Report%20%2811%29%20FINAL%2015%20July%20ENG.pdf ) Xukuumaddani caynkii ay awel horeba u abuurtay ismaandhaafka siyaasadda arrimaha debedda ka taaggan ee ay ugu guulaystay inay bulshada ku kala qaybiso iyadoo ka faaìidaysnaysa taageeryaasheeda aan mayada aqoon kalsooni buuxda ku qabta kuwaasi ay u doodi doonaan halkii ay ka diidi lahaayeen, balse ay xaqiiqadyu tahay in saacadda ay buuxinyaan ay tahay time-bomb aanay iyaba ka badbaadi doonin qaraxiisa. Waxa wax lala yaabo ah inaan dawladdu kaba hadal ilaa hadda wararka shirka taleex, waxaana iweyddiin leh tolow ma waxay odhon doonaan kama war qabno mana ogin, ma waxay odhon mukhabaraadkaa naga jilicsan, Ma khattaraha amniga ee ka soo fool leh bay wax kale ku sheegi doonaan, ma waxay odhon masùul kama nihin oo waa beel shiraysa, mise wuxuun bay qarqarin weligeed wada muuqda sida wufuudda shuftada qaarkood ee shirka u socday kana soo degay Berbera aanay u sheegin, sida tan oo kale, ee halkan : http://allboocame.com/?p=10020 EAST AND WEST SOMALILAND IS BEST Ali Mohamoud Noor Ali-Eid ali-mnuur@hotmail.com Oslo, Norway Warar intaa ka sii badan oo kaabaya maqaalka sare fadlan hoos ka sii eeg. silsiladda shirarka: Boocame, Buuro-Wadal, London K2 urur beeled kale o la yidhaahdo isna KAAFI Imanaashaha Ali Khalif iyo wefidiga g6 27dec http://www.buhodle.net/component/content/article/1-latest-news/1338-gudiddii-g6-oo-dalka-soo-galay.html first perss rel. http://www.xargaga.net/index.php?name=News&file=article&sid=4933 muuqaalkii u horreyay ee shirka laga baahiyo adal state taageero xoog leh http://www.buhodle.net/component/content/article/1-latest-news/1332-awdal-state-oo-taageero-ballaadhan-heshay-dadka-soomaaliyeed.html baraarujin shirka http://www.buhodle.net/index.php/component/content/article/841-gabay-tanna-qaata-naadaba-ragbay-bay.html baraarujin gabay cusub kicin ******* cabdi qoor gaab http://www.buhodle.net/component/content/article/1204-kicindaarood.html Shirweynihii Xisbiga Hiil Qaran oo muqd. lagu soo gabagbeeyay http://somalitalk.com/2011/12/27/shirweynhii-xisbiga-hiil-qaran-oo-muqdisho-lagu-soo-gabagabeeyey/
  22. Somaliland Website "Maamul-Goboleedka SSC iyo Shirka Khaatumo Khatar ayee kuyihiin Ictiraafka iyo Jiritaanka snm/Somaliland" 2 -3 Shirkan oo ah kii uu cadowga Somaliland kuddaba ka taamayay ee qaadhaan ururintiisa ay fannaanadda Sado Ali Warsame u dhigaysay bandhig faneedyada lagu qabtay in ka badan 30 waddan si loogu maal geliyo kharbudaadda nabadda gelyada Somaliland laguna maalgelinayo qayb ahaan qabsoomidda shirka qaybta kalana dagaalka ay SSC waddo. Shirkan ayaa la ogyahay in aanu cadowga Somaliland u kala hadhin hirgekiddiisa oo wax toos ugu jira hawsha iyo wax si dadban hoosta uga riixayaba ay leeyihiin, waxaan qarsoonayn dhaqdhaqaaqyada xooggan ee la isu waywaydaaranayo Garowe iyo dad ku kala sugan meelo kala gedgeddisan oo dalka gudihiisa iyo debddiisaba ah si hoos hoosn ahna loogu kala dabqaadayo maamulka faroole iyo nufuudda u ku leeyahay beesha dhexdeeda, waxa xitta laga yimi gobollo fog fog sida jubbooyinka ama ilaa inta ka dhexaysa min Boosaaso ilaa Ras kamboni iyo sidoo kale inta iyana ka dhexysa min Nairobi ilaa New York. Waa shirkii dadka isha ku hayaa ay sida fiican ula socdeen dhaqdhaqaayada ay wadeen kuwa loo xilsaaray agaasinkiisa iyo hadba meelaha ay safarda ku gaala bixinayeen oo aynu ku ogaannay in dawladda TFG ay tahay ta ka dambaysa, halkaas oo ay si isdaba joog ah ugu boqolaan hoggamiyayaasha argagixisada SSC, NSUM, qurbojoog iyo isimo wada socda looguna qaabilo sifo halyayaalnimo, waxaynu ka daawnnaa TVyada iyadoo ay la shirayaan Madaxweyne Sh.Shariif, Raìisal Wasaraayaal kala dambeeyay, Raìisul Baarlamaan, iyo weliba sidoo kale ururada bulshada ee reer Muqdisho,madaxdhaqmeedyada halkaasi jooga, wasiirro, xildhibaanno iyo dad kale oo badan, waxaynu dhagaysannaa hadallada bogaadinta ah iyo taageerda balladhadan ee loo muujiyo mar walba iyadoo lagu ammaan dusha looga huwiyo inay yihiin hormuudka midnimada Somalia. Shirkan ayaa abaabulkiisii hore loo dhigay muddahaardyo faro badan oo ka kala dhacay meelo kala duwan oo caalamka ah, sida kii lala hortagay aqalka Westminister ee Downing Street ama kuwii iyana lala hor istaagay guriga Whitehouse iyo weliba xarunta Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee New York, iyo meelo kale oo ay xarunta EU ee Brussels ka mid tahay, marka lagu daro hugunkii gudaha ee gilgilay min Kalshaale iyo Buuhoodle ilaa Taleex iyo Ceeri ee hore u gilgilay aminga caamka ah. Shirkan oo ah mid mid saadaaladiisu aanay sidaadaba u sii murugsnayn ayay la yaab ku riday dad badan oo sidayda dhagaysnayay waraysi u dhowaan BBC Somali Service u siiyay Ali Khalif Galaydh ayuu si aan gabbasho lahayn u caddeeyay in ay marar dhowr ah la xidhiidh ay kooxda u ka midka yahay ee loo yaqaanno G6 ay la sameeyeen madaxweynaha Somaliland mudane Silanyo kalana hadleen arrimo badan oo ku saabsan shirka Khaatumo 2, wuxu intaa ku daray in si la mid ay isagana dhankiisa kala xaajoodeen hirgalka shirkan Mr. Faroole, Galaydh wuxu intaa ku daray waxannu kala tashannay madaxda TFG dhammantood oo ay Sh. Sharif iyo R.W-hiisu ugu horreeyaan waana ku war gelinnay , waxaanay intooduba nagu waafaqeen inaan wax faro gelin ah lagu samyn habsami u socodka shirka Khatumo 2. Dhanka kale maxay tahay sababta shirka loola aaday magaalada Taleex? Maxayse tahay sirta ku duugan magalaadsi ee ka dhigaysa mid ahmiyad weyn oo taariikhi ah ku fadhida ? Suàalahani waa qaar aad loogu baahan yahay in la is weydiiyo si ay inta fahmaysanina ugu noqoto dareen gelin inta aan waxba ka soconna barasho uga siyaaddo. Taleex waa xaruntii halgankii daraawiishta ee Ina Abdulle Hassan. Si loo curyaamiyo Somaliland waxay SSC isugu yeedhay inay yihiin Daraawiish oo ah bay ku doodaan tii dhalisay xornimadii Somalia, sidaa daraadeedna ay iyagu yihiin astaanta xornimada iyo midnimada Somalia. waxay sheegaan in xuduudaha caalamiga ah ee sameeyay isticmaarku aanay ahayn qaar markaaba ka raalli ahaayeen lana dagaallameen welina aanay aqoonsanyn wax ka yar midnimo Somaliyeed, iyagoo mar walba isku ladhaya taariikhdaa Daraawiishta iyo ta maanta taagan ayay taleex u adeegsanayaan inay tahay hoygii markii horeba halganka hubaysan ugu horraysay. Sida laga warqabo kooxda argagixisada ah ee SSC ayaa muddaba waxay ciyaaraaysay siyaasad ka dhan ah Somaliland oo barbar socota jabhadaynta ay ka wadday bariga dalka siyaasaddan ayaa ahayd mid laba geesood ah oo dhan ay ugu talagaleen inay tiqad iyo taageeraba kaga helaan dhammaan Somalweyn oo runtii ay xodxodasho dheer ka dib ku guulaysteen inay kasbadaan quluubta Somalida kale guud ahaanteed, taasi waxay u sahashay in siyaasan is muujiyaan codkooduna noqday mid la qaddariyo, waxa kale oo ay u sahashay inay hub iyo maalba ka helaan meelo badan sida ONLF oo kale. Geesta kale ee siyaasadda waxay ku wajahnayd beesha caalamka si dunida looga dhaadhiciyo in Somalidu qabaaìl tahay oo aan qabiilna ka kale xukumi karin, marka ay Somalida beerlaxawsanayaan waxay ku yidhaahdaan waxannu nahay beeshii gobannimada u soo halgantay halka u Isaaquna ka ahaa gaalo raac. Waxa ay sameeyeen dedaal weyn oo ay saaxadda adduunka isugu eeb gaynayaan, innagoo wax badan aragnay wakiiladooda oo la kulmaya masùuliyiinta dalal faro badan, waxay dhigeen muddahaaraddo, qoraallo aan hakad lahayn iyo war saxaafadeedyo ay dawladaha iyo mediahaba u qabiyaan. Dhanka kale waqti sannad ka yar ayaa ka hadhay xilligii loo qoondeeyay inay Somalia ka baxdo waxa loo yaqaanno ku-meel-gaadhka ee loo gudbi lahaa dawlad rasmi ah, iyagoo taa duulaya si aanay uga qadin ayay isu diyaarinayaan maamul goboleed cadkiisa goosan kara. Maxay tahay halista ka iman karta shirka noocan oo kale ah? adduunka korkiisa kama dhacdo in koox dal kala gooynaysa gobollana gaar u sheeganysaa ay dawladdii waddanka xukumaysay u oggolaato in shirweynihii lagu gawrici lahaa qarannimadeeda lagu dalkeeda. dawladaha oo dhammi taa dagaal bay ka xigaan halka aynu taa beddelkeeda ka aragno maanta in calankii Somalia ka babbanayo Taleex, oo xittaa propogandaha ugu weyn ee ka socdaa u yahay cayda iyo aflagaadada Somaliland oo si is daba joog ah loogu cabbirayo qaab faneed heeso iyo masrixiyad ahaan, gabayo, khudbado iyo shucaar kaleba. Halisaha ka iman doona shaki laàan waxay yihiin qaar amni oo kicinta abaabulan ka dhalan doona, waxa kaloo ay saamayn ku yeelan doonaan gobollo kale oo hor leh iyadoo awelba aynu maqlaynay Adal State, tan cusub ee Darwish State iyana noqoto mid soo korodhay oo aan la dhayalsan karin.