Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Wafuudyo kala duwan oo wali ku soo qulqulaya Taleex iyo shirka oo la filayo in uu dhawaan furmo+sawiro waxaa wali magaalada Taleex ku soo qulqulaya Ergoyinka iyo wafuudyo kala duwan iyada oo saacad kastaba ay magaaladda soo galayso wafuud cusub oo hore kuwaas oo si weyn loogu so dhaweeyo magaaladda xubnaha G6 ayaa wada kulamo ay la leeyihiin dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda sida Isimadda, Culimadda, Haweenka, Dhalinyaradda, Cuqaasha waxana la shegay in dhamaatood ay ku dhamaadeen guul iyo is afgarasho waxana jira kulamo kala oo Isimada iyo Cuqaashuba ay dhexdooda ka lee yihiin inta bada Ergooyinkii ayaa ku sugan madashadda shirka ee Taleex waxana ilo lagu kalsoon yahay ay allssc u xaqiijiyeen in Barito uu si rasmi ah u furmayo shirka Khaatumo2, dhamanba dalalka daneeya Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Soomaaliya iyo Beesha Dhulbahateba waxa ay eegaysaa waxa ka soo baxa shirkan Khatumo2 waxana jiro Taageero iyo Talooyin ka imanaya beelaha Soomaaliyeed
  2. Hon. President Sayid Sulieman Essa Ahmed XagloToosiye, the Founding Father of the Modern Daraawiish Movement, and 21st century Darwiish State. President Xaglotoosiye And SSC Leadership Are Expected to Arrive in Taleex SSC-Somalia in Few Hours Wafti Aaad u Balaadhan oo uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka-Goboleedka Mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglotoosiye) Ayaa Kasoo Anbabaxay Magaalada Buuhooodle. waftidii ugu balaadhnayd ee ka anbabaxda buuhoodle oo galabta u dhaqaaqay dhinaca deg.taleex(sowiro) Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo hogaanka ssc dr saleebaan ciise axmed kaar (xaglotoosiye) ayaa casar liiqii galabta ka anbabaxay magaalada buuhooodle. waftidan oo ka koobnayd cuqaal isimo waxgarad ganacsato siyaasiyiin iyo haweenka g/cayn dhalinyaro,waxaana ka mida ahaa suldaan siciid cismaan cali oday maxamuud x cumar camey. waxaana ugu horeyn saxaafada kula hadlay goobta ay waftidu ka anbabaxaysay hogaanka ssc dr saleeban xaglotoosiye waxana uu sheegay in ay ku faraxsanyihiin anbabaxoda sidoo kalena waxaa uu wax lagu qoslo ku tilmaamay ninkii u hadlayay mamulka lamagac baxay s/land. dhanka kale waxaa isna goobtasi ka hadlay suldaan siciid cismaan cali oo ah isinka kaliya ee lasocday waftidaasi waxaana uu sheegay inay yihiin waftida kaliya ee ka maqan goobta shirka waftiduna badan tahay ayna gaadhayan illaa bari taleex. ugu danbaytii ayaa waxaa isaguna goobta ay wafuudan ka anbabaxaysay ka hadlay oday xaaji maxamud xaaji cumar oo ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay ninka ugu magacaaban s/land wasiirka arimaha gudaha waxana uu yidhi “umalayn maayo inay hada weerar damacsanyihiin haday damacsan yihiina way helayaan jawaabta tii ay heli jireen uun bay helayaan”. sikastaba ha’ahaatee waxaa goobta ay ka anbabaxayeen ergooyinkani soo buux dhaafiyay dhamaan shacab waynaha g/cayn oo sagootinayay waftidan miisaanka ku leh buuhoodle waana waftidii ugu badnayd ee ka anbabaxda magaalada buuhoodle. goor dhaw hamoogaanin full vedio darwiishtv wararka radiossc waaca kuwa ugu doorka roon xamse xasan geelle buuhoodle soomaaliya
  3. GaadhHaye;769614 wrote: af noolna wuu hadlaa ayna wuu ciyaa, living mouths at their homes can say anything; likewise nobody can stop dogs from barking when they intend to, Mrrrrs Soomaalidiidka, check videos coming out from Taleex. the blue, beautiful Somali flag, the symbol of Somali unity, is clearly flying in the conference hall, on all street intersections of the city, on the T-shirts of the young and as outfit for the old especially for women. Doctor Ali Khalif Galaydh the former Prime Minister of Somalia is openly, in public, and on the loudspeakers in Taleex is reminding you, the SNM gang, that the Somali unity is untouchable . Hence you child-brained secessionists, let the world see what you can do about it as your so called minister minister threatened the conference yesterday. If you can not do anything about Khatumo II within the next 48 hours, it will be simply reconfirmation to the world that you are not serious about your claim that you can dismember Somali Republic. Do something Mrrrrs do..ggg..gies..... Well said Brother GaadhHaye
  4. Carafaat;769566 wrote: maanshallah. Goo news. Maxaa war ah shirkii? Spill the beans, give us the latest news. Is it true that other clan leaders will be invited. I hope my Suldaan attends thi historic gathering. He never misses any clan meeting, he likes attending other ppls shirs and sticking his nose everywhere. As Prof. Cali Khaliif Galaydh said clearly today in Taleex, Khaatumo I I Conference is Pan-Somalia/Somaliweyn Conference, and every Somali is more than welcome to join SSC Delegates to find solutions for SSC Region and all SOMALIA. Cali Khaliif ayaa ku Dhawaaqay ”Dee Ninkii Ba Naayoow Lagu Fasax, Ninkii Talo SSC/*********** Hayoow Ama Talo Somaliyeed oo Lagu Hirto Hayoow Dee Kaalay Yaynaan Is Haaraamin”
  5. " frameborder="0" allowfullscreen> LIVE FROM: Taleex, SSC-SOMALIA Burbur xoogan oo ka Muuqda Dhismayaashii Daraawiishta ee Degmada Taleex
  6. Carafaat;769557 wrote: War sual ayaan ku weydiiyay, ma lasoo daayay weftiyadiii lagu xiray Garowe iyo Bosasoo? Xaalkoodu waa sidee? War ma haysid, markiiba waa lasii daayey weftiyadii SSC, in few hours. They are present in Taleex now
  7. Carafaat;769548 wrote: Liban, ma adiga qashinkan qoray? Somaliland supports the Khatuuma Conference, Minister only emphasized he will protect Somaliland if the meeting is abused for actions against the peace in Somaliland. Most delegations came through Berbera and Hargeysa airports while many in Garowe and Bosasaso have been arrested. Why not write an article about the jailed delegates. Xaji Xunjuf Carafaat, orodoo akhri website yada snm/somaliland sida ee uga soo horjeedaan iyo sida ee u cayayaan Shirweynaha Khaatumo. Qashinka iyo ku daafada waxaa qora waa layaan waa snm/somaliland. Khaatumo Conference only concerns the people of SSC Region of Somalia, the conference has nothing to do with snm/somaliland. From Day 1, the purpose of SSC Khaatumo 1& 2 Conferences was to liberate Las Anod, the capital of SSC-Darwishland of SOMALIA, very simple and clear. Everyone knows SSC people want their land back.
  8. " frameborder="0" allowfullscreen> " frameborder="0" allowfullscreen> " frameborder="0" allowfullscreen> Shirweynaha SSC Khaatumo I I ee Magaalada TaleeX
  9. Madaxda SSC ee G6 iyo Soo Dhoweyntii Boocame Wafuudii Boocame oo Siweyn oo Loogu Dhoweeyey Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex
  10. Taariikhdii Maamulkii Daraawiishta/SSC, The History of Darwiish State/SSC
  11. Somalia: SSC Khaatumo Grand Conference Unsettles snm/Somalidiid Clan Militia Somaliland Minister for Interior, Mohamed Nur Arale, told the London-based Universal TV that Somaliland administration supported the Khaatumo conference currently being held in the historic town of Taleex but that it will not allow anti-Somaliland politicians to manipulate the meeting. “We will not accept any anti-Somaliland declaration because malcontents with Somali flags are now attending the meeting,” Arale said. Nearly one year ago a meeting for diaspora groups of Sool and Sanaag and Cayn Diaspora (Consultative Conference of Beesha *********** ) was held . A 14-point declaration based on six principles was issued. Three of the principles are: Unity and territorial integrity of Somalia Democratic self-governance and the abiding rights to resistance against aggression Peaceful political dialogue in managing conflicts The first principle is in line with UN Security Council Resolution 1863 (2009) while the second and third principles emphasise peaceful resolution of conflict rather than clan warfare. Somalilad Minister for Interior called some participants in Taleex conference qaran-dumis ( elements bent on destroying the nation). Somaliland administration prides itself on being a good example of governance while many parts of Somali were affected by civil war but the language of its Interior Minister shows that Somaliland feels unsettled by a conference for people who don’t subscribe to secession. Nearly 14 months ago Somaliland administration of president Ahmed Siilaanyo mishandled Kalshaale incident (Somaliland Government Erred on Kalshaale Decree) by ordering his troops, known to him as national army, to be on the side of his clansmen , a decision to which Declaration of the Consultative Conference referred as “war campaigns waged against our people.” Somalia’s political turmoil is partly fuelled by reluctance and refusal to candidly discuss political problems in a non-dogmatic and bigoted approach. Somaliland administration will be undermining its achievements if it continues poking its nose into meeting for leaders of clan that supports peaceful coexistence and political unity of Somalia. Liban Ahmad
  12. Warlord Siilaanyo iyo Jabhadiisa SNM ee Somalidiidka ah, Oo U Hanjabay Shacabka SSC iyo Shirweynaha Khaatumo 2 hargeysa,(Lasanod Online)-Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa idaacada BBC galabta waraysi uu siiyey ku sheegay in shirka Khaatumo ee ka socda Degmada Taleex uu lidi ku yahay jiritaanka Somaliland isla markaana ay joojinayaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa shir jaraa’id oo uu galabta Saxaafadda u qabtay ku sheegay Maamulka Somaliland inay Difaacayso Qaranimadeeda isla markaana sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan siyaasiyiinta ku qul qulaysa shirka Taleex isagoo sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan siyaasiyiinta majarahabaabinaysa shirkaas oo uu sheegay inay u arkaan shir beeli qabsatay. Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay Somaliland inay tixgaalinayso shirarka Beelaha isagoo sheegay in Nidaamkaas Somaliland ka guurtay hadana waxa uu sheegay Somaliland inay ku caano maashay isu tanaasul iyo inay ku wada noolaato nabadgelyo sidaasi daraadeed ay isku huwan yihiin arrinta Beesha iyo mabda’a Siyaasiyiinta sidaasi daraadeed ay u tudhayaan isla markaana la soconayaan xaalada shirkaasi kolba halka uu marayo. Wasiir Duur waxa uu sheegay wali inay Tudhaale u hayaan Beesha Shirka qabsanaysa isla markaana ay wali Somaliland ahaan soo dhaweynayaan gogoshii Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay si tabashadooda loo qadariyo hase yeeshee waxa uu sheegay khatarta uga muuqata shirkaasi inaanay sugayn si ay ugu soo fido, waxaanu sheegay Digniin inay u dirayaan Beeshaasi kana fogaadaan wax kasta oo dhib u keeni kara Beelaha walaalaha ah. Wasiirka ayaa sheegay in ay markii hore soo dhaweeyeen shirkaasi balse markii dambe xubno siyaasiyiin ah oo ka dhan ah jiritaanka Somaliland ay soo gacan geliyeen isla markaana ay shirkii beelaha duwadeen, sidaas darteedna ay ka hortegeyaan shirkaasi. Isku soo wada duubo hadalkan Wasiirka ayaa ka dambeeya kadib markii kooxaha Mucaaradka iyo Shacabka reer Somaliland ay ku kaceen xukumada Siilaanyo mowqifkeeda in ay cadaysi kaga aadanaa shirka Taleex. Dhinaca kale Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa ayaa la sheegay in Dacwado la yeegey ay ku doonayaan in loo cadeeyo taakulada ay siinayso Itoobiya xubnaha G6 iyo Shirkah Taleex, sidoo kale Ciidamada xadku ay sheeg taan soo galay. Xafiiska Wararka Laascaanood Laascaanood Somalia
  13. Walaalaha Awdal State oo Taageeray Shirka SSC Khaatumo I I Awdal Online & Awdal State " SHIRKA KHAATUMO TALEEX ee Beelaha SSC waa Guul usoo hoyatay SSC, AWDAL STATE iyo Dhaman INTA JECEL MIDNIMDA iyo QARANIMDA UMADDA SOOMALIYEED. " http://awdalstate.com/?p=8141 shirka taleex oo in badan la sugayey lana saadalinayey aya ka furmay magalada tariikhiga ah ee Taleex bishan Dec 25 keedii.Waxa uu shirku dabasocda shirki Khaatumo 2 oo hore uga dhacay London kaasoo ku baaqay in shir weyne isugu yimaaden beelahas SSC oo lagu qabto dhulka ay beesahu degto.Tabaabulsho dheer oo la galay ka dib waxa nasiib wanaag noqotay in shirkii qabsoomo sidii logu talagalay iyadoo dhaman ay ka so qayb galeen bulshadii SSC wufuud ka kala socda oo ka kala yimid dalka dibaddiisa iyo gudihiisa intaba.xubnaha dibadda ka yimid waxa ugu caansan Siyaasiga ruug cadaga ah Cali khalif Galayr iyo aqoonyahano kale oo magac ku leh bulshada SSC .Waxa kalo ka mid ah madaxdhaqmeedyo sida garaaddo caan ku ah bulshada iyo waxgarad, culimo ,cuqaal ,haween iyo dhalinyaro ka kala socday qaybaha bulshada.Waxa kalo madasha an si buuxda uga so qayb galay madax iyo saraakil ka tirsan ururka SSC. Shirku waxa uu ku furmay jawi aad u qurux badan iyadoo la rajaynayo inay ka soo baxan go,aano tarriiikhda gala isla markana bulshadan SSC ka sabata bixiya hagardaamooyinka iyo dulmiga ku habsaday bulshadan 20 kii sano ee u dambnaysay ee uu burburay qarankii Somaliyeed. Shirka tariikhiga ee TALEEX waxa isha ku haya dhamaan umadda Somaliyeed ee jecel midnimada iyo inan qarankii somaliyeed ee buburay markale dhidibada u taagno iyadoo la ogyahay in bulshada SSC ay hormood u ahaayeen Halganki dheeraa ee Daraawiishata ee uu hogaaminyey Geesiyigii Weyna Sayid Mohamed Cabdille Xasan bilowgi qarnigii hore marki gumaystuhu carigeena cagaha soo dhigay.Xarunta TALEEX ee shirku ka furmay waa xaruntii halgankii Darawiishta ee gumaysigii Ingiriisku ku weerayay Diyaarahadaha 1920 marki ugu horaysay tariikhda Afrika ka dib marki uu jabankari waayey halganki Darawiihsta oo socday muddo 20 sano ah 1900-1921. Waxa kalo shirka si qoto dheer ula socda dhaman bulshada iyo beelaha dega goboolada woqooyi iyagoo runtii ku kala aragti duwan guusha iyo go,aanada shirku qadan doono dhamadkiisa. Hadii an Tussalean idiinku soo qaado bulshada AWADAL STATE ee ku dhaqan gobolada galbeedku waxay shirka u rajaynayaan GUUL iyo MIDNIMO Tarriikhda gala sidi hore u dhacday. HALKA BEESHA DHEXE Maamulkeeda Hargaysa uu ku dadalayo inuu shirka inuu fashilyo intii awoodiisa ah .Qoraalo hordhac oo ku saabsan shirka TALEEX ayaa muujinaya WAR WAR IYO WALAAC aan abid soo marin Maamulka Hargaysa 20 kii sano ee udambaysay.Taso si cad u sheegaysa in awooddi ay adeegsanjiren ay farahooda ka baxday waa xukumadda Ethopia. Qoraalkan oo ku soo baxay saaka warbahinta Hargaysa ayaa ka hadlayaa guuldarooyinka soo wajahay HARGAYSA ee ku sabsan shirka TALEEX.
  14. The Zack;769504 wrote: The clan with the best history in the entire Somali Peninsula have finally decided to come together and claim their land. The forefathers of these people keep the Somaliness and the Muslimhood alive since the 1800's. They have every right to create their own mini state until a strong central government is built. VIVA SSC! P.s. I see Abdikarim (The brain behind everything the TFG have accomplished since Shariif Canbe came to power) in the pictures. Good stuff! Inaadeer Zack, thank you for your support VIVA SSC, VIVA ONLF/Western Somalia, and VIVA United Somalia
  15. Thousands of SSC Delegates From All Over The World Participating in the SSC Khaatumo II Grand Conference, Taleex, SSC-Somalia -Waxaa Wali Ku Soo Qulqulaya Degmadda Taleex Ee Gobolka Sool Wufuud Balaadhan Saturday, December 31st, 2011 | Posted by xuddun Taleex,(xuddunnews)-Waxaa Wali Ku Soo Qulqulaya Degmadda Taleex Ee Gobolka Sool Wufuud Badan Oo Ka Kala Imanaysa degaanadda SSC Iyo qurbaha iyadoo ergooyin tiro ay maanta kala yimaadeen Degaanadda Boocame iyo laascaanood kuwaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmadda taleex Dadwaynaha ku dhaqan degmada Taleex,ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey ergayda ka socota deegaanka Boocame iyagoo kaga hortagay meel ka baxsan magalada, Hasan Food oo ah xubin ka tirsan gudida qaban qaabada shirka Khaatumo ayaa ka mahad celiyey sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen
  16. Daaw+Sawiro+Video:Gudida Golaha Fulinta Ee G6 Oo Maanta Kormeer Ku Tagey Goobta Lagu Qabanayo Shirka Khaatumo2 Gudida sare ee golaha fulinta G6 iyo dhamaanba isimada ayaa gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa saaka kormeer indha indhayn ah ku tagay hoolka lagu qabanayo shirwaynaha kHaatumo iyo goobaha loogu talo galay inay degaan ergayda iyo marti sharafta ka qayb galaysa shirkaas. Gudidan ayaa waxa mid mid arkeen hoyga loo qorsheeyey inay degaan ergayda iyo martisharfta,ka dib booqashadaas waxay gudida iyo qaar ka mid ah isimada ay booqdeen hoolka way nee loo asteeyey inuu ku qabsoomo shirwaynaha,waxayna halkaas warbixin kaga dhagaysteen qaar ka mid ah xubnaha qaban qaabada ee qaabilsan degjinta ergayda,iyo madax ciidamada amaanka goobta ilaalinaya. Furitaanka shirwaynaha khaatumo oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo degmada talex ayaa waxa si wayn magalada ugu soo qulqulaya ergooyin aad u tiro badan oo ka kala imaanaya gobolada Sool Sanaag iyo Cayn.
  17. Prof. Cali Khaliif Galaydh oo Ku Dhawaaqay in Shirweynaha Khaatumo yahay Shir Somaliweyn, Qof kasta oo Danta iyo Midnimada Somalia Ka Shaqeenaya Waanu Soo Dhoweenanaa Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Prof Cali Khaliif Galayr oo kamid ah gudiga sare ee qaban qaabiyey shirka Khaatumo2 oo hada ka socda degmada Taleex ayaa maanta ka hadlay shirka wada tashiga beelaha *********** ee Khaatumo2 oo kasocoda degmada Taleex ee gobolka Sool. Prof Cali Khaliif Galayr oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu soo dhoweynayey wafti reer Buuhoodle ah oo maanta gaarey degmada Taleex ayaa shaaca ka qaaday in shirka wada tashiga ah ee Khaatumo2 aan cidna laga lahayn beelweynta SSC, islamarkaana madasha looga doodayo danta bulshaweynta Sool, Sanaag iyo Cayn.”dee ninkii ba naayoow lagu fasax ” ayuu ku maahmaahay dr Galayr, “ninkii talo SSC/*********** hayoow ama talo Somaliyeed oo lagu hirto hayoow dee kaalay yaynaan is haaraamin” ayuu hadalkiisa raaciyey Prof Galayr. Kudbadihii ay Dr. Cali Khaliif, Garaad Jaamac, iyo Garaad Soofe ka jeediyeen Xafladii lagu soo dhaweenayay Ergada reer Buuhoodle oo gaadhay Taleex http://www.ceegaag.com/2012/Jan%202012/Cali%20Khalif%20iyo%20Qudbadii%20Taleex.wma
  18. Ergooyin ka socdey Reer Buuhoodle oo Si diiran Loogu Soo dhaweeyey Taleex ayna kamid ahaayeen Garaado iyo Cuqaal +Sawiro Wafti Balaadhan oo kasoo kicitimay xaruunta Gobolka Cayn ee Buhoodle ayaa Taleex soo gaadhay, waftidan waxaa Hogaaminayey Garaaad C/lahi Garaad Soofe iyo Garaad Saleebaan Buraale waxaana weftigan safarkooda ku weheliyey cuqaasha iyo ergooyinka shirka Khaatumo uga qayb galaya Gobolka Cayn siiba magaalada Buuhoodle. Dhamaanba Isimadda, Cuqaasha iyo Ergooyinka Shirka ee jooga Taleex ayaa waftidan si heer sare ah ugu soo dhaweeyey magaaladda iyada oo meel magaaladda ka baxsan looga hortagay, waxana waftidan loo galbiyey Hoolka Shirka lagu qabanayo oo dhamanba Isimadda, G6 iyo waxgaradka kaleba ay kormeer ku soo mareen Teendhooyinka loogu talo galay inay u hoydan ergoyinka Shirka wada tashiga Beelaha SSC. Xaflad Kooban oo ujeedkeedu ahaa soo dhawaynta Isimada iyo Ergooyinka ka soo kcitimay Buuhoodle ayaa kadhacday Hoolka shirka waxaana xafladaasi ka hadlay Pro. Cali Khaliif Galaydh, Garaad Jaamc Garaad Ismciil iyo Garaad Cabdilahi Garaad Soofe oo dhamaatod shacabka reer taleex u mahad celiyey. Cabdifataax Dhalac oo ah Afhayeenka Gudidda qaban qaabadda shirka ee Gudaha Taleex ayaa ka xog waramay qaabka ay u diyaariyeen Kaamka loogu talo galay ergooyinka shirka Khaatumo2 oo uu shirku ka dhacayo, waxa uu C/fataax Dhalac sheegay in dhamaanba howlahoodii shaqo ay diyaar u yihiin ergooyinkana ku soo dhaweynayaan magaaladda Taleex isla markasna aysan Taleex cid gaar aysan lahan oo tahay magaalo loo wada siman yahay, islamarkaana ay dhamaaba ergooyinka iyo dadka beelaha *********** ku soo wada dhawaynayaan. Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey goobtaas u mahadceliyey Gudiyadda qaban qaabadda shirka sida habsamidda leh ee ay u soo abaabuleen iyo qaban qaabadooda wanaagsan waxana uu sheegay Dr Cali in Shirka Khatumo ee Beelweynta *********** uusan noqon mid garnaqsi ee uu yahay mid umadan Aayaheeda kaga tashanayso dhamaan umadda Soomaaliyeedna ay soo Eegayso waxa ka soo baxa Shirka Khaatumo2 isla markaana ay san meesha jirin cid la waydiinayo wixii hore u xumaada hayeeshe shirkani uu yahay mid beel waynta *********** ay kaga tashanayso masiirkeeda danbe cidkasta oo u dhalatayna u shirkana ay ka soo qayb galayaan maskaxdoodana la dhagaysanayo waxa ka soo baxa. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa u mahadceliyey dhamanba Gudiyadda qaban qaabadda shirka Khaatumo2 iyo ergooyinka kale duwan ee ku sugan madasha Shirka ee Taleex, waxana uu Garaad Jaamac sheegay in uu ka mid ahaa Isimadii u yimi shaqaaqadii ka dhacay Taleex ayna hawshaas wax weyn ka qabteen isla markaasna inta yar ee u dhiman dhawaan la soo afjari doono, sidoo kale waxa uu garaadku sheegay in ay dhamaanba soo dhawaynayaan cidii kasta ee dantabeelwaynta *********** wada. Intaas kadib Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ayaa shacabka iyo isimada reer *********** uga mahad celiyey sida diran ee loo soo dhaweyey waxa uuna shegay in aanay Taleex ahayn magaalo reer balse ay tahay magaalo *********** isagoo markaasna tusaale u soo qadanayey hadaladii iyo gabaygii Abwaan, Haalyey Ismaaciil Mire ee ahaa **Anaagoo Taleex naal jihaad taladii Qaadnay* taasina ay ahayd in kumanaan Daraawiish ah oo Dhulbahate wayne ahi inay markaas Taleex joogen hadana ay nasiib wanaag tahay in Hal Qarni kadib ay beelwaynta *********** ku wada shiraan. Waxa Munaasabada shirweynaha khaatumo oo maalmahan ugu danbeeyeba si an caaadi ahayn uga socday degmada Taleex, iyaguna dhankooda Kaalin muuqda kaga jiray Haween weynaha Deegaanada SSC iyo weliba dhalintaa suugaan yahanka ee SSC ,oo maanso iyo maaweelaba ku tageerayay shirka...codkii abwaanka yar....... Aqal Soomaali weyn oo laba deryale ah ayaa laga dhisay Duleedka Kaamka Khaatumo kaasi oo ay ku dhanyihiin dhamaanba agabka hidaha iyo dhaqanka ee hoyga reer guraaga Soomaalida.
  19. Daawo Sawirada sida looga soo dhoweeyey Taleex ergooyinka Buuhoodle. Magaalada Taleex ayaa maanta si weyn looga soo dhoweeyey waftiga ergooyinka Buuhoodle oo saaka halkaasi gaadhey, waxaana soo dhoweynta ka qayb qaaatay qayba kala duwan ee bulshada Taleex iyo ergooyinkii hore halkaasi u tegey.
  20. BEESHA GERI KOOMBE OO TAAGEERTAY SHIRKA TALEEX KA SOCDA EE KHAATUMA_2 Marka hore Anigoo ah Daahir Maxamed Sheekh ( Dahir Washington ) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuna hadlaya Magaca Beesha Geri koombe ee meel kaste ha jooggaan , waxaan Sallaan Qaali ah u direenaa Walaalaheena ku nool Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ee Shirka ku leh Degmadda Taleex waxaan leenahay Hambalyo, isla markaana waxan halkaan ka cadeeynayaa in Beesha Geri koombe ay si buuxda ay u taageersan tahay Shirka ka socda Degmadda Taleex. Beesha Geri koombe waxay mar walba taageersan tahay Midnimadda Beesha *********** meel kasta ha jooggaan waxayna la diyaar tahay Beesha Geri in ay ka Qeyb Qaadato Nabadeeynt iyo isku keenida Walaalahooda ku nool Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn. Waxaan mar labaad halkaan ka cadeeynaya in Beesha Geri koombe ay tageersan tahay Shirka Taleex , waxaan rajeeyneyna in Shirka Taleex ay ka soo baxaan Go,aano muhiim ah oo ay ka mid tahay Midnimadda Beesha *********** , Nabadeeynta Sool, Sanaag iyo Cayn. Iyo maamaul ay leeyihiin *********** Ha guuleeysto Shirka Taleex, Mahad sanadiin, Dahir Mohammed Sheikh ( Dahir Washington) Nairobi Kenya
  21. JANUARY 1, 2012 G6 oo Maanta Si Rasmi ah u Furtay ShirWeynihii Khaatumo II ee Magaalada Taleex, SSC-Somlia Buhodle.net Bishaaro, Bishaaro Dhamaan Shacabka SSC, 2012 Sanad Farxad, Khayr iyo Baraka Qaba Allow Ka Yeel Sanad Wanaagsan oo Wacan, Insha Allah waxaa noo dhalan doona Sanad Khayr qaba, iyo Maamul-Goboleedka SSC/ Darwiishland. Waxaa balan noo ah Midnimo, Xornimo, Madaxbanaani, iyo Horumar. Maanta oo ah maalin sabti ah, ahna maalintii ugu danbaysay ee sanadk 2011 ayaa waxaa si rasmi ah uga bilowday magaaladda Taariikhigga ah ee Taleex shirkii inta badan laga soo shaqaynayey ee Khaatumo II. Shirka oo maalmahanba ku jiray wadda tashi iyo tallo gorfayn ayaa maanta waxa uu kaga duwanyahay maalmahii hore waxaa si toos ah uga qayb qaadanaya gudiddii la magaca baxday G6 oo ahaa ragii shirkan hindiskiisa iyo abaabulkiisaba loo tirinayay isla markaana xabaarsanaa qorshahii iyo ajandayaashii shirkan lagu hagi lahaa. Wararka aanu sida tooska ah uga helayno magaalada Taleex ayaa waxay noo cadaynayaan in maanta magaaladaa subaxnimadii uu ka bilowday shir warbixin kooxdda G6 ay ku bixindoonto isla markaana ergooyinkii goobtaa isugu yimid ay ugu sharaxi doonaan habsami u socodka shirkan iyo maalin walba qodobadda laga hadli doono ama la lafoguri doona. Shirkan ayaa sida la qorshaynayo socon doona shanta maalmood ee soo socda, iyadda oo maalin walba laga dooddi doona qorshe gaar ah , lana gudoonsan doono qodobadda gunaanadka ah ee ka soo baxay hawlmaalmeedkaa ay ergooyinku gorfaynayeen. Shirkan ayaa ah mid ka duwan kuwii hore ee bulshadda ku dhaqan goboladda Sool, Sanaag iyo Cayni hore u qabsan jireen maadaba qorshaha shirkan hore loo sii diyaariyey, bulshadda goboladana gacanta laga saari doono tallo u gaar ah oo ay kala dooran doonaan wadooyinkii ay u mari lahayeen qaabkii loo dhisi lahaa maamul u gaar ah oo aan taladiisa cid kale la wadaagin. Xaaladu si kastaba ha ahaatee, shirkan ayaa dadka ku dhaqan gobolada SSC u arkaan in uu yahay kii ugu danbeeyey ee qaabkan oo kale loo soo abaabulay ee beeshani isugu timid, lagana filayo in uu noqdo ama kii lagu dheefi lahaa oo bulshadda degaankani isku raaci lahayd ama kii lagu kala tashan lahaa oo gobol waliba waxa u danta ah raadsan lahaa. Waxaase hubaal ah in shirkan maanta ka socoda magaalada Taleex uu yahay mid dhamaan bulshoweynta ku dhaqan goboladani dhinacyada ka taagantahay, sidaa awgeedna aan berito cid la eersadaa oo maanta maqani jirin (cidina uma maqna ceelna uma qodna). Buhodle.net