Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. " frameborder="0" allowfullscreen> Xuskii Sanad Guuradii Kowaad ee Khaatumo State , Australia 2013
  2. Xafladii sanadguurada Khaatumo Ee Seattle(Sawiro) Waxaa caawa ka dhacay magaalada Seattle ee gobolka Washington xaflad aad u quxur badan oo lagu maamuusayay sanad guurada 1aad ee maamul goboleedka Khaatumo. Xafladan ka dhacaday hoolka xaflada ee lagu magacaabo Jumbo oo ku yaala magaaladaasi Seattle ayaa waxaa si mugweyn uga soo qaybgalay dhamaan bulshada Somaliyeed ee ku nool magaalada Seattle iyo nawaaxigeeda. Dadyowgii kala duwanaa ee ka hadlay xafladani ayaa dhamaantood soo jeediyay soo dhoweyn duco iyo guubaabooyin iyo waliba taageero aad u baaxadweyn oo ay u hayaan maamulka Khaatumo iyo shacabkiisaba. Ugu danbayntii munaasabadani ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Somaliya noocyadooda kala duwan dhinaca kale waxaa iyana yihi kooxda Seattle oo ah fanaaniin aad u cod macaan. Isku soo wada duuboo xafladani ka dhacday Seattle ayaa qayb ka noqonaysa munaasabado lagu xusayay sanad guurada 1aad ee Khaatumo oo ka dhacaysay caawa iyo xalay aduunka dacaladiisa. Sawiradii oo dhamaystiran iyo Video dhowaan ayaan idiin soo dayn doonaa hadii ilaahay idmo. Realtaleex News Desk.
  3. Xafladii Sanad Guurada Khaatumo State Oo Siwayn Looga Xusay Dalka Holland fanaaniinta khaatumoWaxaa caawa Lagu qabtay xaflad ballaadhan oo loogu dabaaldegayey sanadguurada koowaaad.. ee kasoo wareegtay aasaaskii maamul goboleedka Khaatumo State of Somalia. Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee jaaliyaddaha soomaalida ku nool wadankan holland. Waxaa kaloo kasoo qaybgalay dhamaan jaaliyadaha khaatumo ee ku nool wadamada Beijemka iyo Nederland, Xafladanayaa ugu horayn waxaa lagu furay Aaayadaha qur aanka kariimka ah, intaas kadaib ayaa waxaa qudbado kasoo jeediyey lagaga waramayo maamul goboleedka khaatumo iyo waxa hadafkiisu yahayba qaar kamida gudida iyo odayaasha reer khaatumo ee xafladaas joogay, waxaa iyana ka hadlay wakiilo ka socdaymaamul goboleedyada kajira wadanka somalia sida ,Galmudug state , awdal state iyo wax garad kale oo ku hadlayey afka deegaamada ay ka soo jeedaan kuwaas oo dhamaantood si buuxda u taageeray islama markaana sheegay in ay hiil iyo hooba la garab taaganyihiin maamul goboleedka khaatumo State Of Somali. Sidoo kale waxaa xaflada heeso wadani iyo khaatumo lagu amaanayo ka qaaday fanaaniin aad u badnaa oo ay ka mid ahaayeen Jaylaani Shariif,Maxamed Deeq,Matoote,Sidiiq Iidle iyo Ubax Nacfi . faanaaniintan ayaa waxay caawa siweyn u ruxeen madashii loogu dabaal degayey sanad guuradii koowaad ee maamul goboleedka khaatumo iyagoo si aada uraali gelyey dhamaan dadkii kasoo qayb galay xafladaan ugu danbayntii ayaa waxaa lagu soo gunaanaday xafladaan ciyaaraha hidaha iyo daqanka ah ee ay caanka ku yihiin reer khaatumo kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Ciyaarta looyaqaano Jaandheerta iyo dhaantada. Abdirashiid galbeedi
  4. HIIRAAN ONLINE Munaasabado lagu xusayay Aasaaskii Maamulka Khaatumo oo lagu qabtay deegaannada uu maamulkaas ka taliyo Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Munaasibado is-barbar socda oo lagu xusayo sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtey aasaaskii maamul-goboleedka Khaatumo State of Somalia ayaa ka socda degaano kala duwan oo ka mid ah degaanada uu maamulkaasi ka taliyo. Magaalooyinka Taleex, Buuhoodle, Boocame, Awr-boogays iyo degaanno kale ayaa shalay ka billowdeen dabaal-degyo lagu maamuusayo 12-ka Janaayo oo ku beegnayd maalintii degmada Taleex ee gobolka Sool lagaga dhawaaqay maamulka Khaatumo oo haatan sanad jirsadey. Degmada Taleex oo maamulku u aqoonsaday caasimadda KMG ah ayaa waxaa maanta meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha masuuliyiin uu hurmuud u yahay madaxweyne ku xigeenka labaad ahaana madaxweynihii xiligaa talada maamulka hoggaanka u qabtay, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash). Madaxdii halkaasi ka hadashay waxay si aad ah dib ugu eegayeen aasaaskii Maamulkan sannad jirsaday iyo dadaalkii ay dadka degmadda Taleex ku lahaayeen iyo sida looga baahan yahay inaanu marna dib ugu dhicin ee ay horay u sii socdaan. Sidoo kale Magaalada Buuhoodle oo ah magaalada ugu baaxadda iyo dadka badan ee maamulkaas hoos-timaada walow maamulka Putlandna awood ku leeyahay ayaa xaflad balaaran lagu qabtay xalay xarunta madaxtooyada oo uu ku sugnaa madaxweynaha haatan xilka wareejinaya, Maxamed Yuusuf jaamac (Indha-sheel). Dhammaan degaannada ay ka dhaceen munaasibadaha lagu xusayay Khaatumo ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii maamulka mudadii sanadka ahayd oo ay masuuliyiintani ku ladhayeen dagaalo meelo kala duwan ka dhacay una dhexeeyey maamulkooda iyo Somaliland oo ay sabab u ga dhigeen inuu caqabad ku ahaa horumarkii ay higsanayeen. Maamulka Khaatumo ayaa ka duwan qaab-dhismeedkiisa maamulada kale ee ka jira Soomaaliya iyadoo uu leeyahay sadex madaxweyne oo meerto sanad iyo bar ah xilka wadaagaya midkiibana uu mudo lix bilood ah talada haynayo maantana la galay lixdii bilood ee u danbeeyey in kasta oo Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe) oo ahayd in uu shalay la wareego xilka ayaan la ogeyn xilliga uu la wareegi doono maadaama uu u sugan yahay Muqdisho. Yagleelkan sannad-jirsadey wuxuu soo horyeelay qur-bajoog kumanaan gaaraysa oo dalka qaarkood aanay weligood arag qaarna degaankan aanay arag, halka qaarna ay sanado badan ka maqnaayeen, waxaana soo baxday oo laga faa`iidey inay sameeyaan maalgashi haba u badnaadaan magaaladda Buuhoodle. Mudadaa sannadka ah waxaa wax la taaban karo oo la qabtay la odhan karaa laba garoon diyaaradeed oo mid haatan hawlgalay waa ka degmada Taleex iyo ka Buuhoodle oo la sheego inuu dhammaan doono sannadka horaantiisa. Maamulka Khaatumo State waxa uu afkiisa cid kasta oo ka mid ah saaran midnimada ummadda Soomaaliyeed waa muqadas taasoo colaad balaaran oo xoog badan kaga keentay dhinaca Somaliland, dagaalkii u horeeyeyna waxa 17-kii Janaayo uu ka qarxay magaalada Buuhoodle waxaanu gaadhey in dhimashadii iyo dhaawicii uu kumanyaal gaadho. Colaadaas oo soo gaadhey badhtamihii sanadkan waxaa joojiyey hogaamiyihii ururkii hubaysnaa ee SSC oo Somaliland la dagalami jirey mudo dheer Saleebaan Ciise (Xagla-toosiye) oo si lama filaan ah ku tegey Hargeysa heshiisna kula qaatay madaxweyne Axmed maxamed Siilaanyo, walow ay jirtay raalli ahaansho uu xilkii beesha uu u hayey ku wareejiyey ergadii shirbeeleedkii Taleex laba maalmood ka hor ku dhawaaqidii maamulka Khaatumo, waxaase dadbadani dib u xusuusteen cadhadii uu Putland kaga tegey markii uu ku guuldaraystay tartankii madaxwene ku xigeenka waqti afar sano laga joogo sideed maalmood sanad bilawgii. Dagaalkii Somaliland iyo maamulka Khaatumo wuxuu u soo wareegay dhinaca dhulka bannaan ee dooxada Nugaaleed khaasatan degmada Xuddun oo Laascaanood waqooyi kaga beegan laga soo bilaabo 28/11/12kii illaa maalinimadii shalay ee 10-kii bishan dagaalo goos-goos ah ayaa ka dhacaayay. Dhinaca kale; maamulka Puntland ayaa isaguna dagaal aan yarayn la galay maamulka Khaatumo oo ku doodayay inay wada-dhisteen beelaha degaanka maamulka Puntland 1998-kii, madax-dhaqameedkuna heshiiskaas saxeexeen waxba kama jiraana ku tilmaamay ka noqoshadii qodobka afraad ee xeer-dhismeedka Khaatumo lagu cadeeyey inay bureen dhammaan heshiisyadii halka maamulka Somalilandna 1991-kii ay heshiiskaasi la mid ah ku doodaan. Madax-dhaqameedka beesha degaankaa ugu badan iyo beelaha la degaa dhamaan way ku sugnaayeen madasha Taleex oo qodobkaasi ma durin mana diidin walow ay xusuus mudan tahay in la bidhaamiyo qaar madaxdhaqameedka ka mid ahaa oo jeclaa inaan marna Putland laga Goosan, waxase ay goobta uga hadli waayeen cabsi laga qabey kooxda loogu yeedho "Guuto Koowaad" oo ah dumarka iyo caruurta, kuwaas oo dad badan oo laga shakisanaa gacansaar u geystey waana ta keentay inaan maya ama sikale iyo wax dhibaa ka hor imaan hadafkii Laba Cali. Si kastaba ha ahaatee; sannadkan bishiisa lixaad ayaa waxaa ku soo dhamaanay maamulkii kumeelgaadhka ahaa ilaa hadana ma jiraan dhismihii haykal dawladeed oo weli Baarlamaankii iyo garsoorkii midna ma dhisna waxase la leeyahay C/nuur Cilmi Qaaje oo maanta madxweyne nimadiisu u bilaabantay ayaa dhamaystiri doona, shacabkuna waa u heelan yahay balse waxaa lays weydiinayaa u saamixi doonaa waqtigu mise!. Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
  5. Buuhoodle: MadaxWeyne Maxamed IndhoSheel oo Ka Qeybgalay Sanad Guuradii Kowaad ee Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia ee Magaalada Buhoodle
  6. Buuhoodle: MadaxWeyne Maxamed IndhoSheel oo Ka Qeybgalay Sanad Guuradii Kowaad ee Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia ee Magaalada Buhoodle
  7. Buuhoodle: MadaxWeyne Maxamed IndhoSheel oo Ka Qeybgalay Sanad Guuradii Kowaad ee Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia ee Magaalada Buhoodle Waxaa caawa hotelka weyn ee Abdi Guray plaza ee magaalada buuhoodle kadhacday xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay xafladan ayaa lagu maamuusayey sanad guuradii koowaad ee maamul gobaleedka khaatumo state waxaana goob joog kahaa madaxweynaha maamulka khaatumo maxamed yuusuf jaamac (indho sheel) agaasimaha wasaarada arimaha gudaha Maxamuud shiikh Cumar qaar kamida golaha sare ee maamul gobaleedka khaatumo oo ay kamid ahaayeen Garaad jaamac garaad Ismaaciil Ducaale oo isagu kasoo kicitimay dhanaca magaalada dandan si uu ugaqayb qaato xaflada sanad guurada 1aad ee maamulka suuban ee khaatumo Gagaraad C/ laahi Garaad Soofe, Garaad saleebaan Buraale, Iyo suldaan siciid Cismaan Cali Iyo Waliba Isimo Kale oo aan halkan lagu soo koobi karayn sidoo kale waxaa madasha goob joog ka ahaa dr.xabeeb oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunka dadka dhimrka , qaar kamida ururada haweenka culimo awdiin iyo martisharaf kale waxaana dhamaan dadkaasi wajiyadooda kamuu qanaysay farxad aan lasoo koobi karin waxayna siweyn usoo dhaweeyeen sanad guurada 1aad ee maamulka khaatumo madaxweynaha maamulka khaatumo oo goobta kahadlay ayaa waxa uu umada reer khaatumo meelkasta oo ay joogaan udaray hanbalyo isaga ugu baaqay inay marwalba garab taagnaadaan maamulkooda halkan hoose kadaawao sawirada MAHAD GAAR AH SAWIR QAADAYAASHA By C/casiis Aadan Jaamac iyo Maxamed Cali bile
  8. Taleexi;907695 wrote: Sannad guuro wacan. Taleexi, Sanad Guuro Wacan oo Wanaagsn, Insha Allah waxaan Illaahay ka rejeenanaa inuu Khaatumo State Iyo Dhamaan Soomaaliya ka dhigo Nabad iyo Barwaaqo.
  9. BOOCAME: Sidee Maanta Boocame looga Xusay Maalintii la Aasaasay Khaatumo State of Somalia
  10. TORONTO’s 1st Anniversary of Khatumo State Celebrated in Style On a favourably winter evening on January 11th, 2012 a large crowd gathered in the Grand Ballroom of Woodbine Hotel, Toronto, Canada for a historic day. Folks from Toroto’s diverse Somali Community filled the majestically beautiful venue expressing their support of the Somali Union; giving speeches, poetry, modern and folk dance were also displayed. Over a Thousand guests were on hand to celebrate Katumo State’s1st anniversary, along with representatives from the Canadian Government and Members of Parliament and other business leaders. Watch the Video Watch More Photos Khatumo Community in Toronto hosted the event, which was organized in conjunction with Khatumo Relief Network which is dedicated to supporting folks in Khatumo State. The formal part of the event featured several keynote speakers. Each contributed a great deal of history and insight as to how Khatumo has evolved and appreciated by all Somalis around the world. Additionally, Khatumo Youth groups spoke about the need for Somali Youth to get involved and support positive developments in Somalia; importance of education among Khatumo youth as a mechanism to alleviate poverty and hopelessness. The event finished with the unveiling new songs dedicated to Khatumo State; specially the new one for Taleh’s Airport. Faduma A . Nakruuma, Omar Bongo, Kooshin, A. Boqol, Mohamed Manka, and more participated in the festivities.
  11. " frameborder="0" allowfullscreen> " frameborder="0" allowfullscreen> Wacdarihii Taariikhiga ahaa ee TORONTO iyo Xuskii Sanadguuradii Khatumo State Xafladii Sanadguurada Khaatumo State Ee Magaalada Toronto ee Dalka Canada Waxaa xalay magaalada Toronto Lagu qabtay xaflad ballaadhan oo loogu dabaaldegayey sanadguurada koowaaad ee kasoo wareegtay aasaaskii maamul goboleedka Khaatumo State. Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay waxaa goobjoog ka ahaa qaybaha kala duwan ee jaaliyaddaha soomaalida ku nool magaalada Toronto iyo gobolka Ontario. Waxaa kaloo kasoo qaybgalay siyaasiin ka socota dawlada Canada oo ay hogaaminayso MP Kristy Duncan oo laga doortay xaafada Etobicoke North iyo kuwo ka socda dawladda hoose ee Toronto, oo xaflada khudbado kasoo jeediyey. Xafladan waxaa lagasoo bandhigay maqal iyo muuqaal ka hadlaya waxa u qabsoomay maamulka Khaatumo State mudadii sanadka uu jiray. Sidoo kale waxaa xaflada heeso wadani iyo khaatumo lagu amaanayo ka qaaday fanaaniin ay hogaaminayso fanaanada weyn ee Fadumo Cali Nakruum
  12. Xaflada Khaatumo State ee Seattle + Ogaysiis Dhaman umada Somaliyed Boocame Online- Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee kunool magaalada Seattle Ee gobolka Washington iyo nawaaxigeeda gaar ahaan kuwa jecel midnimada Somaliya inay jirto xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay oo ku saabsan sanad guurada 1aad ee maamulka Khaatumo State Of Somalia. Xafladaan waxaa soo agaasimay jaaliyadda Khaatumo State Ee ku dhaqan magaaladaasi iyo nawaaxigeeda,sidoo kale xafladan waxaa lagu casuumay dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee ku dhaqan Seattle iyo aagagaarkeeda . Xafladan oo ah mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxa ay ka dhici doontaa “Jumbo Hall”oo ku yaala Seattle,xuskani wuxuu dhici doonaa Sabtida January 12,2013, Ugu danbayntii ayaa xafladani waxaa inagala soo qayb gelidoona Xildhibaano,Aqoonyahano,madax ka tirsan Khaatumo iyo guud ahaan bulshaweynta Somaliyeed eeSeattle, sidoo kale waxaan iyana ka maqnayn meesha fanaaniinta Somalida kuwa loogu jecelyahay Seattle oo iyana ka qaadan doona qayb libaax, waxaa kale oo halkaasi lagu soo bandhigi doonaa ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka somaliyeed oo ay idiin soo bandhigu doonaan koox ku takhasusay ciyaaraha sida Jaandheer, Celcelis, batar, Dhaanto IWM. isku soo wada duuboo xafladan lagu maamuusayo sanad guurada 1aad ee maamul goboleedka Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale laga xusi doonaa meela kala duwan oo daafaha caalamka ah. Ha moogaanin hana ka maqnaanin. Where 4208 Rainier Ave.S. Seattle WA.98118 When Sabti,January,12,2013 4Pm-2Pm
  13. Ogaysiis Jaaliyada Swedan Oo U Dabaal Dagaysa Sanad Guuradii Koowaad Maamulka Khaatumo State
  14. Xaaji Xunjuf;906377 wrote: Khatumo State na waan tageersanahay waxay isla jecelyihin waan la jecelahay. Halkaa line ayaa ku dhantahay xikmadii oo dhan, waxa aad sheegtay in aad taageersantahay Khaatumo State lana jeceshay waxa ee isla jecelyihiin , sidoo kale ogow Reer Khaatumo na waa taageersanyihiin walaalahood Somaliland waxa ee isla jecelyihiina waa la jecelyihiin. Khasab iyo dagaal waxba laguma helayo, markaa waa in laga wada shaqeeyaa sidii loo joojin lahaa dagaalada nabadana loogu wada noolado.
  15. X Xunjuf, hadal badan looma baahna, shacabka Somaliland iyo shacabka Khaatumo waa dad walaala ah oo wax badan ka dhaxeeyo. Dhibaatada waxa keenaya waa dagaalada iyo in khasab wax lagu raadiyo. Hadalkii oo kooban, Shacabka Somaliland waa diideen inay Somalia ka mid noqdaan oo Somaliweyn wax la qeybsadaan, Shacabka Somaliland waxa ee rabaan inay Go'aan oo Jamhuuriyada Somaliland loo aqqonsado. Sidoo kale, Shacabka Khaatumo/Maakhir waa diideen inay Somaliland ka mid noqdaan oo ka go'aan Somalia. Shacabka Khaatumo/Maakhir waxa ee rabaan inay Somaliweyn wax la qeybsadaan, oo ka mid noqdaan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleed Khaatumo/Maakhir. Waxa waajib ah in lagawada shaqeeyo sidii ummada soomaaliyeed ee Geeska Africa nabad ugu wada noolaadaan, waana in la ogaada in dagaal iyo khasab ma shaqeenayo, dadkuna ma aqbalyaan in la cabudhiyo oo la xoogo.
  16. Xaaji Xunjuf;906213 wrote: map isticmaar hadu diidayo Itoobiya hayadisa ma geyeen ileen dhul Somali bay haystaan eeh. Halganka Barakeesan ee Shacabka Soomaali Galbeed ugu jiraan inay Dhulkooda Xoreestaan waa muqadas, sidoo kale Shacabka KHaatumo State waa diideen in lagu khasbo magaca isticmaarka Iyo Mapka isticmaarka. Marna aqbalimayaan khasab iyo dagaal in lagu qabsado.
  17. Dr. Cali Ciise Cabdi: "Magacyo Isticmaar bixiyey iyo calaamado ama Map Isticmaar laguma Khasbi karo Shacabka Khaatumo "{DHAGAYSI HABOON}. Dr. Cali Ciise Cabdi gudoomiyaha gudida sare ee fulinta Khaatumo State oo qaybgalay xuskii iyo dabaaldegii koobaad ee Jaaliyadda Khaatumo ee Alberta Canada ayaa ka hadlay amuuro badan. http://horufadhi.com/dr-ali-ciise-oo-hadlay/
  18. " frameborder="0" allowfullscreen> Xuska Sanad Guuradii Khaatumo State Magaalada Birmingham UK
  19. " frameborder="0" allowfullscreen> Booqashadii MadaxWeyneha Khaatumo State ee Horufadhi
  20. Xaflad lagu maamuusayo Sanad Guurada 1aad ee Khaatumo State oo ka dhacaysa Magaalada Seattle Waxaa dhamaan la ogaysiinayaa dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee ku dhaqan magaalada Seattle ee gobolka Washington iyo nawaaxigeeda inay dhici doonoto xaflad aad u balaadhan si heer sare ahna loosoo agaasimay,xafladaasi oo looga goleeyahay sanad guurada 1aad ee Khaatumo State Of Somalia. Xafladan oo ah ti ugu horeysay ee lagu xuso sanad guurada maamul goboleedka Khaatumo oo dhidibada loogu taagatay magaalada taariikhiga ah eeTaleex oo caasimada u ah maamulkaasi Khaatumo,xaflada ayaa ka dhacaysa guud ahaan caalamka iyo gudaha dalkaba sida ay noosheegeen hawl wadaeenada Khaatumo. Xafladan ka dhicidoonta Seattle aya waxa ka soo qayb geli doona qaar kamid ah golaha fulinta Khaatumo (G11)Xildhibaano,aqoonyahan,wax garad iyo dhamaan bulshaweynta Somaliyeed ee ku dhaqan Seattle Washington iyo nawaaxigeeda,sido kale ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigi doonaa ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka noocyadooda kala duwan,Gabayo iyo Buraanburo, sidoo kale ha moogaan kooxda Yaas oo halkaasi ku soo bandhigi doona Fan gaar ah oo ay ugu talagaleen xaflada n sanad guurada Khaatumo.