Koora-Tuunshe

Nomads
  • Content Count

    1,078
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Koora-Tuunshe

  1. Kooxda Soccerka ku guuleysatey Ardayda Fasalka 7aad-B- iyo mujaladooda MUQDISHO.
  2. Badhan : Saaka subaxnimadii ayaa xarunta dugsiga Alfurqaan ee magaalada Badhan waxa lagu qabtay xaflad ballaadhan oo ay kasoo qayb galeen ardayda dugsiga heerarkooda kala duwan Hoose , Dhexe iyo sare , iyo waalidiinta ardayda , gudida dugsiga iyo bareyaashooda. Xafladan ayaa lagu abaalmarinayey ardayda ama kooxaha ku guuleystey tartanka kala duwan ee ardayda loo qabto maalin walba oo Khamiis ah, tartamadaas oo isugu jira kedis, doodo , khudbado, cilmi baadhis, jariidado gidaareed ( المجلة الحائطية ), cayaaro ay ka mid yihiin : booddo, orod, kubadda kolayga, kubadda volley - da , iyo kubadda cagta . Cayaarahaas ayaa cidda ku guulaysata waxa lagu abaal mariyaa xaflad tan oo kale ah : ardaydii halkaas lagu abaalmariyey ayaa waxa ka mid ahaa : Maxamed Xasan Cabdi , Maxamed Saalax Cali iyo C/xakiim Cali Bel-bel oo boodada ku guulaystey , sidoo kale : Maxamed Axmed Cali (Nugaal) ayaa noqday ardaygii ugu khudbadda wanaagsanaa . waxa iyaduna mucjiso ahayd wiil yar oo lagu magcaabo Axmed Maxamed Axmed ( timo-cadde) oo noqday ardayga saxaafadda u qaaday, waxana uu isla xafladda dhexdeeda kusoo bandhigay sida la yaabka leh oo barnaamijka warka usii daayo , waxana aad loola dhacay wiilkaas oo aan warka ka akhriyin waraaq una soo xifdiya sida uu idaacadaha uga soo dhegeysto ama loogu dul akhriyo, isagoo da’diisu yar tahay. Dhanka gabadhaha ayaa xagga firfircoonida waxa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Imaan Siciid Faarax iyo Samiiro Aadan Jaamac, . Iyadoo aan halkan lagu soo koobi karayn shahaado sharafyadii ardayda halkaas lagu guddoonsiiyey iyo jaa’isadihii qiimaha lahaa ee halkaas ay ardaydii dadaashey kala galbadeen ayaan kusoo gaabsanaynaa intaasi. Maamulaha iskuulkaas C/casiis Axmed Dhahar oo furitaankii khudbad ka jeediyey halkaas ayaa ardayda ku boorriyey iney waxbarashada ku dadaalaan , sidoo kalena waxyaalaha lasocda ( Extra Curriculum activities ) ee cayaaraha iyo tartamada kaleba ay si fir-fircoon uga qayb qaataan , waxana uu ku tilmaamay iney mustaqbalkooda anfacayso dhamaan waxyaalahaasi , ayna yihiin waxyaalo aan waxbarashadu ka maarmi Karin , dugsiga qiime weyn ugu fadhiya , dhaqaale , hawl iyo maskax badanna la geliyo . Waxa iyaguna halkaas ka hadlay waalidiin uu ka mid yahay Xaaji Xuseen Cismaan iyo Caasho Cumar Cawl oo ardayda waanooyin iyo taloba halkaas uga soo jeediyey , bareyaashana uga mahad naqay hawsha ay hayaan. Sawirada:
  3. ^ Redsea: Ina adeer hays martiyeynin, hana kala geynin oo kala reebin caagada yarta ah.
  4. Kenya-Xildhibaan 2aad oo ka tirsan Garabka Xisbiga Mucaaradka ee ODM oo Maanta la dilay Source
  5. Hay’ada u adeega aadmiga ee “Lift Kids” ayaa waxaa lagu hamiweynyahay in ay dhawaan ka bilowdo barnaamij kusaabsan hormarinta shacabka Soomaaliyeed, dib u dhiska iyo gaarsiinta isku filaansho la taaban karo. Hadaba Aalada shabakada internetka ee Unifersal.com ayaa waxay ugu deeqaysaa barnaamijkan lacag dhan $.10 (Tobon Cents) qof walboo ka noqdo xubin shaashadooda, isla markaana waxay si toos ah ula shaqeynayaan hay’ada samafalka ah ee “Lift Kids” oo u balanqaadey iyadana xageeda in ay wax ka geysaneysan doonto, samafalka ama samabixinta umada Soomaaliyeed hadii ay shabakada UniFersal.com xoojiso ama soo bandhigto ilaa iyo 1,000,000 (hal milyan) oo xubnood. Xubin ka noqoshada UniFersal.com ayaa ah mid bilaash ah (free), taasoo u baahan oo kaliya daqiiqad waqtigaaga ah inaad u hurto, iyadoo wax badan ka qaban karta dib u dhiska dalkaaga hooyo. HALKAAN RIIX OO KA NOQO XUBIN
  6. Xiinfaniin: Ma brother, remember rumours are rumours. Dont bleive them all. Lakin el lugha el carabiah hiia gadiida la kum antum.... fa laqed aat cabatna haadheey el lughaa...naxno nofadhiloo el lugha el Maakhir
  7. Saaxiibayaal Shariifka wuu ku ceeboobey arintaas. Waayo wuxuu yiri inta aan hubno raga lagu dilay itoobiya ayuu ka midyahay Afayeenka. Arintaas oo runtii loo fasirankaro mid uu ii shariiska ku raadinaayay laab kicinta umada Soomaaliyeed.
  8. Gal-Mudug congratulations on this wonderful job. War howsha halkaa ka wada, waa waqtigii ugu mudnaa ay GalMudug wax qabsanlahayd shacbi weynahana wax u qabanlahayd. Good job.
  9. Badhan: Waxaanu wareysi xiisabadan la sameynay Nabadoon Xuseen Axmed Maxamed oo ah Nabadoonka ka mid ah nabadoonada Magaalada Jubada Hoose ayaa wuxuu ka waramey waxyaabaha uu kala kulmay deegaanada Maakhir. Shir uu ku qabtey Nabadoonku ayuu sheegay in ay imaandoonaan Salaadiinta jubada Hoose sida Suldaan Xuseen Hafow iyo waliba ay ku casumi doonaan Salaadiinta Maakhir gobolkooda Jubada Hoose. Shirkii uu nabadoonku ku qabtey Xarunta madaxtooyada Badhan ayaa wuxuu sheegay in ay magaalada Kismaayo ay hada degantahay, maamulka Jubada hoosena lasameyndoono dhawaan ee Jubaland. HALKAAN KA DHAGAYSO
  10. Galbeyte from Mai TV is not against violence, he is only against some clans.
  11. Galbeyte: 1999 ayaa waxaa dhacday badanbaa waxay ka dhigteen headline news geerida Cabdulaahi Yuusuf. Laakiin waqtigaas waxaa kasoo wareegtey 9 sano, Odayga ilaa iyo hadana waa noolyahay. Qofka bini aadanka ah waa xanuunsan karaa. laakiin waxaa ka liita kuwa ku duceysta xanuunka ruux kale....Signs of weakness iga dheh.
  12. Galbeyte: 1999 ayaa waxaa dhacday badanbaa waxay ka dhigteen headline news geerida Cabdulaahi Yuusuf. Laakiin waqtigaas waxaa kasoo wareegtey 9 sano, Odayga ilaa iyo hadana waa noolyahay. Qofka bini aadanka ah waa xanuunsan karaa. laakiin waxaa ka liita kuwa ku duceysta xanuunka ruux kale....Signs of weakness iga dheh.
  13. Jaceyl Baro: aadbaan uga helay gabaygaas. Hadaba kan bal ila fiiri: isna waa sheeg hadaad garato... Ga’da gabayga Shaafici adaa, gaaddo ku lahaaye Naxwihiisa gaarka ah adaa, goobay oo helaye Adigaa garaaddiyo ku helay, Goonni sharaftiise! Bayd gaabka oo idil markuu, gacan togaaleeyay Gurbood iyo indhow-garad markii, laysku wada giijay Gablay-shimbir sidiisii markii, dumar ku geeraaray! Isagoo guluulaca markii, lagu guraabaasay Geddii lagu aqoon jiray markii, laga gawaan-raacshay Gurgurshaaga Adigow noqdiyo, laaxin gure weyne! Galoof ololka niman baa yaqaan, gooddi iyo faane Adigoon ardaa guurinayn, gobo’na sheegaaya Gool-dhalinta waataad taqiin, Guulle mahaddiise! Hiiradkuba ha gaa-gaawiyee, kaagu waa godole Hibo aan gurayn iyo adaa, gaawe buuxsadaye Ila guri haddeeroo kalaan, gole ka sheegaaye! Saddexdaas isnow ays gogladay, dibirta gooheed dheh (Snow, Ice) Dhego-gooye qabawgeer Galbeed, geyro kuu naban dheh Dhahar guurtideedoo galbiyin, gabay aqoontood dheh! Gufaacooyin rooboo Sanaag, gootay duhurkii dheh Guguc iyo hillaac galalacliyo, galangal duufaan dheh Dhul gariiray badahoo gilgilan, gabikayeerkood dheh! Saddex kalana googaale iyo, gob iyo xaalkeed dheh Halxiraale Gabayaysan iyo, gal iyo toorreey dheh Intii gaaf ka maansoon taqaan, gaar u hadlkood dheh! Giraamaha adduunyada haddaad, galabba meel joogto Hadba waxa ku soo gelin waxaan, garasho yeelayne Wax qabaw la-guban baan arkee, sheeg haddaad garato? Hal horraadku uu godal yahoo, giigsan yahay caano Oo ganacsi loo sii raroo, galabba meel daaqin Oo ka guran dambeedkaan arkee, sheeg haddaad garato? Geel habeedda jeenyaha kuloo, hore ka giirgiiran Oo gamboorka raamsanahayiyo, geedka ciinka ahba Oon giriirixayn baan arkee, sheeg haddaad garato? Maska goodka ee Bari hadduu, madax garaac diiday Asuu godalla dheerow arlada, gees walbaba joogo Kala goyn siduu uga bed galo, sheeg haddaad garato? Garangoor dagaallamahayoo, guuto bixinaaya Jirac reerka uu galo judhii, gabagabaynaaya Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Gabxo iyo gabaaddiir habeen, gabbal madoobaaday Gogol iyo nimaan haysan guri, iyo gabbaad toona Oo gama’ ladaayaan arkee, sheeg haddaad garato? Garas gawso daal buu taraa, gaajo beel malehe Gasiin kale nimaan siisanayn, hilibka geedaysan Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Guxushaa cirrooboo caqliga, gaban la boodaaya Iyo doob garraar soo xirtoo, gacan ka laafyooni Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Gaas dumara oo goor walbaba, guluf u soo taagan Gaalleefta gabar qaadatoo, tobon nin Qoor goynin Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Guunyiyo nin gini haysta iyo, googo’ lacageedba Gabarradana aan bixin karayn, dhawr gambiyo taano Oo qabiil u go’ay baan arkee, sheeg haddaad garato? Nin Gurboodki uu dhalay intuu, gawrac ugu jiiday Gabannada cadaawana sidii, gacal xanaaneeya Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Nin gelgelin cidlaa hooyadiis, maalin uga guuray Oo aan garawshiyo naxdini, taaban ganaciisa Aayana gargaaraan arkee, sheeg haddaad garato? Garbiduu ku tiirsaday nimaan, loogu geli doonin Oo gabanta foodda leh hub iyo, gamas u soo qaata Giiryaale diricaan arkee, sheeg haddaad garato? Geed adayg ninkii loo bartiyo, geesi lagu dhaato Markay dumar guhaadana judhii, gorodda laadlaadin Waxa loogu maag galay ninkii, garanayow sheeg bal? Maskax guun ah maan gaabanoo, gaar is oranaaya Midaan gabanno dhalin oo nin kale, gablan ku maagaaya Gaasirnimo midkoodii geyoon, sheeg haddaad garato? Mid guhaadda goor iyo ayaan, gayrtu hurinayso Mid kaloo gunuunacahayoo, abid guraabaasin Gidaar hoos ka muuqdaa mid uu, didiyo giirkiisa Gardarrada midkeer qaayiboo, ganacu weynaaday Garabgoroyo aan muuqanoo, laysku garabsiini Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Deeq Aadam Diiriye Xigasho: Dhahar.com
  14. kkkkk....Jacbur baa la yiraahdaa Aaadbaan uga helay. Saaxiib halkaa ka sii way macaantahay.
  15. Sheekadan aqri. Nin lagu xirey waxaad ka timid deegaanka Degmada Galgala. Only to have come from few km away from Boosaaso has become a crime.... Cabdi Daahir Qodax, Maxamuud Mayrakale, iyo Axmed Saalax Ceynab oo lagu soo xirey magaalada Boosaaso? Maxay tahay sababta loo xirey? Boosaaso: Magaalada Boosaaso ayaa maalmahan maamulka Puntland wuxuu caadaystey qab qabashada shacabka, muwaadiniinta dalka u dhashay kuwaasoo lagu soo xukumaayay falal aan ku jirin xeerka u dhigan Puntland in ay yihiin xad gudub ama dambi. Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa lasoo xirey wariyeyaal iyagoo ay maxkamada derajada koowaad tilmaami weyday dambiga lagu soo xirey iyo wuxuu yahay dambigaa. Maanta ayaa waxaa irida magaalada Boosaaso lagu xirey 3 dhalinyara ah oo lagu kala magacaabo Cabdi Daahir Qodax, Maxamuud Mayrakale, iyo Axmed Saalax Ceynab iyo gaari ay wateen. Reerkii iyo ehelkii ay ka dhasheen ayaa waxay ku noqotey arin layaable, maadaama ay dhalinyaradaan ku ogayaan kuwa dhibka ka madaxbanaan, markii ay maqleen xariga xariga dhalinyaradaas, durbadiina waxay ku ordeen saldhiga magaalada Boosaaso. Taliyaha saldhiga magaalada Boosaaso ayay waxay weydiiyeen sababta ay ku soo xireen dhalinyaradaa, taliyihii ayaa wuxuu ugu jawaabay “Waxay ka yimaadeen dhanka magaalada Galgala weyna xirnaan doonaan ilaa iyo aan ka cadeyno meeshaas waxay u tageen iyo inay ku lugleeyihiin dhibaatooyin ka dhacay magaalada Boosaaso todobaadyadii lasoo dhaafay”. Booliiska magaalada Boosaaso ma aha markii ugu horeysay todobaadkan in ay xiraan dadka reer Laag iyo Galgala, maalintii talaadada ayaa waxay soo xireen laba dhalinyaro oo kasoo jeeda isla deegaankaas. Iyagoo dambi uga dhigay inay kasoo jeedaan Galgala. Maanta ayaa sidoo kale ciidanka Booliisku wuxuu hareereeyey guri ay ku jiraan dhalinyaro kasoo Jeeda Waaciya, kuwaasoo ay ku eedeeyeen waxay ka dambeeyeen falal ka dhacay magaalada Boosaaso. Arintan ayaa waxay dad badan ku fasireen Booliiska oo aan mishahar la siinin waqti dheer ayaa ku doonaaya inay khalkhal galiyaan shacabka reer Boosaaso, iyadoo haatan amaanka magaalada Boosaaso uu kasii darayo. Maxamed Faarax Boosaaso Dhahar.com
  16. Kadib markii la doortey Col. Yuusuf, waa ninkii dhisay dowlad goboleedka Puntland isla markaana xasiloonida dhex dhigay... kadibna markii la doortey iyadoo dowladnimo laga quustey waa ninkii rajada iyo saxansaxada udgoon geeska ka hilaaciyey........Waad u qalntaa.. you go Yeey
  17. Yuusuf is great leader indeed. Ninbaa hada ka hor isagoo dadkiisa guubaabinaaya tusaale ugu soo qaatey, markaasi waliba villa Somalia ma tegin, wuxuu yiri.... Dadku waa hanaan iyo inay, talo hagaysaaye Hindisaha bulshadu waa inuu, horumar yeeshaaye ------------------ ------------ ------------------ ------------ -------------------------- ------------------------ Hanna-qaadyey ina Yuusufkii, haystey reer Bariye Waakaa hogaan maamul iyo, jooga heer sara e Hirdi-faagi waa kaa tan iyo, haysta Baydhabo Soomaali waa kaa hor kacay, hagina dooneeye Hankaaguu ku siiyaa Ilaah, heerka uu yahaye
  18. Jaceyl Baro: Rageedii... Sirta inoo haay, hanaga sheeginee.
  19. War UMUSHAAN sheeganaysa Bariga Sanaag bal eega. War meesha intaan ka maqneyn bay na xanteen. Somaliland iyo Maakhir baa le'eg, Sideen idiinkugu biirnaa. Ma idinkaa nagu soo biiraaya mise anagaa idinku soo biireyno. Markaad Badhan ka hadlaysaana waa eastern Bari, marka ceel afweyna oo ah intaad ka degtaan dhulka waxaad tiraahdaan Sanaag. lol Mapka dib ugu noqo miskiin yahow dhulbaa la sheegtaa baad maqashay. Xuduud iyo xiniinyaba ragbaa ku dheer. Ragaad taqaaneybaa ku dheer...... hadaad garanweydeyna Waqaf weydii.......
  20. Foreheadka soomaalida oo 10 km socda miyaa xiisa loo qabaa!
  21. Peace action and Naxar: I can see that you have been obviously misinformed. Arinta Boosaaso waxay ka bilaabatey nin la yiraahdo Cabdi Jamaal oo ah ninkii bilaabay “dhuxul joojinta” deegaanka loo yaqaano Soolasha ee Dhahar, Ceelbuh, Xingalool, ilaa iyo taleex iyo aaga qardho. Guriga la dumiyey waxaa iska leh waa isaga. Waa runtaa waxay Puntland qabatey hub ganacsi ah oo uu lahaa nin ay isku beelyihiin ninka gurigiisa la dhacay laakiin ay kala jifa yihiin ilma adeerna ma aha ee waa uun isku qabiil. Cabdi Jamaal markuu yimaaday magaalada Boosaaso waxaa u digay oo digniin siiyey rag ganacsata ah oo ka ganacsan jirey dhuxusha oo aan qabiil lahayn, kadibna wuu yimid waxaa ku wehelinaayay 7 wiil oo hubeysan, kuwaasoo ka difaacay ciidanka Puntland mudo ah 24 saacadood ah kana saarey gurigii halkaasoo loo gudbiyey tuulada Laag habeenimadii. Maalintii sedexaad ayaa waxaa la ogaaday in gurigii uu yimid ee Boosaaso uusan mudo imaanin. Halkaas ayaa waxaa ku weerarey ciidan si qaldan loo abaabuley oo weerar ku qaaday gurigii isagoo aan ilbaabka la garaacin.(Halkaan ka dhagayso wasiirka xanaanada xoolaha iyo beeraha oo sheegay in maamulka qaldamay) Puntland miyey sii deyn lahayd rag argagixiso ah? Haduu ay jawaabtaadu tahay haa (lol) miyey u celin lahayd hubkii iyo ragii la qabtey. Gaariga hubka ah waa rasaasta qoryaha fudud iyo kuwa culus. Hadii ay shufto yihiin miyaa hubkoodii loo celin lahaa iyagana la fasixi lahaa? Taasi haday dhacdo waa waxaan dunida ka dhici jirin aana dhici doonin. Hubka wuxuu ahaa hub ganacsi ah….. Odayaal dhaqameedka Sool, Nuugaal, Bari, Mudug markii ay waydiiyeen Pooliiska Puntland aaway miinooyinkii aadsheegeyseen, ayaa loo cadeyn waayey waxay yihiin. Ma ogtahay in taliyaha Pooliisku yiri ragaasi waa Argagixiso markii hubka lagu qabtey, Markii la qabtey rag iyaga ka dambeeyey ay isku beel yihiin taliyaha pooliiska puntland ma ogtahay inuu BBC da kayiri raga maanta iyagana hubka aan ku qabaney ma aha argagixiso, waayo sharciga Punland wuxuu dhigayaa in hubka laga ganacsan karo, miinooyinkana lagu shaqeysto oo dhagxaanta iyo buuraha lagu jabsado... yaabka yaabkiise.... Nin jecleysiga waa la iskala xisaabtamaa.. shirka dhacayna wuxuu ahaa mid la iskala xisaabtamay, si ay arimaha iyo hadalada gafka ah mar dambe u soo noqon. Arintii ayaa waxaa laga soo direy Muqdisho wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano sidii lagu qaboojin lahaa. Iyadoo la rabo ceebtii in lagu qariyo. Dowlada federaalka iyadu ma shuftadey taageertaa, waa hadii ay wiilashaasi yihiin shufto? Ciidanka wax garaacay ayaa shufto iyo tuugo ah, kuwaasoo raba in ay wadanka dhuxul ka dhigaan, markii ay xagaas wax ku waayeen ayaa shaadh dowlad loo soo xirtey. Waxaa mahad ah, in shacbiga Puntland ku yar yahay maangaabka, taas oo dhalisay in caanihii daatey dabada laga qabto, iyadoo haduu dagaal dhaco ku salaysan qadiyadii lagu weerarey wiilashaas ay cidina guul ka daadihin doonin ay ku faanto.