Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland oo xalay howlgallo ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan taageeridda Daacish. Saddexda nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Macallin Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad (Cabdiqaadir Dheere), Caamir Cabdi Muuse Cabdi iyo Fahad Maxamed Abshir, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Booliska Puntland. Dhammaan raggan ayaa waxaa Booliska uu kusoo eedeeyay inay taageero siinayeen kooxda Daaacish, haddana ay ku jiraan gacanta hay’adaha amniga Puntland. “Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta kooxaha khawaarijta ah. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray taliska Ciidanka Booliska maamulka Puntland. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in eedeysanayaasha haatan ay ku socoto baaris, isla markaana la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag. Booliska ayaa sidoo kale bulshada uga digay faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahan yahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh. “Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh” ayuu sii raaciyay Taliska Boolisku. Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Daacish oo laga xoreeyay dhul ballaaran uu ku yaalla buuraha gobolka Bari oo ah halka la’isku hayo. The post Puntland oo rag loo haysto kiis xasaasi ah ku xirtay Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  2. Mogadishu (HOL) — With Gaza facing one of the worst humanitarian crises in decades, Somalia's Prime Minister Hamza Abdi Barre joined Arab leaders in Cairo to reinforce his nation's unwavering support for Palestine. The summit, convened amid mounting international pressure, focused on rebuilding Gaza and countering proposals that could displace millions of Palestinians. Source: Hiiraan Online
  3. Dadka degaannada Tasjiic iyo Xabley ee gobolka Bari oo is xilqaamay ayaa taageero xooggan u muujiyay ciidamada difaaca Puntland ee firxadka Argagixisada ISIL ku baacsanaya buuraha Calmiskaad. Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka Xable iyo Tasjiic, oo ay weheliyaan xildhibaanada laga soo doorto degaannadaasi ayaa booqday ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan jiidda Dhaban-qooxle, halkaasi oo ciidamadu weli ku baacsanayaan firxadka Argagixisada ISIL ee ka fiigay jabkii mileeshiyaadkooda ka raacay hawlgalkii togga Jeceel. Odayaasha iyo mas’uuliyiinta ka soo jeeda Xabley iyo Tasjiic, oo kaashanaya shacabka degaannadaasi ayaa sidoo kale ciidamada gaarsiisay taakulo nooc walba leh, oo ay ciidamada ku garab istaageen, waxaana Taakulada kala wareegay saraakiisha ciidamada oo uu hoggaaminayo Taliye Dhakuul Beyre. “Wax walba oo aad nooga baahan tihiin diyaar baan idiinla nahay, xitaa hadda dhehdaan furimaha nala jooga oo nagu hoggaamiya goobaha dagaalka waa joogaynaa”, ayay odayaasha iyo mas’uuliyiinta ka soo jeeda degaannadaasi u sheegeen saraakiisha ciidamada difaaca dowladda. Sidoo kale, saraakiisha oo Warbaahinta la hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay isgarab taagga ay u muujiyeen bulshada iyo waxgaradka degaannada Xabley iyo Tasjiic, waxaana ay uga mahadceliyeen Taakulada kala duwan ee ay soo gaarsiiyeen ciidamada hawlgalka ku jira. PUNTLAND POST The post Bulshada degaannada Xabley iyo Tasjiic ee gobolka Bari oo si weyn u garab istaagay ciidamada difaaca Puntland appeared first on Puntland Post.
  4. Mogadishu (HOL) — Social media commentator and political blogger Ali Adan Mumin has been released after spending two nights in police custody following his arrest on accusations of threatening national security and defaming government officials. His detention sparked widespread criticism from lawmakers and press freedom advocates. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Somalia and Ethiopia are negotiating over Ethiopia’s push for sea access. This issue has fueled regional tensions and drawn opposition from neighbouring countries, including Egypt and Eritrea. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa mar kale dib isku soo abaabushay, waxayna soo gashay deegaanno horay looga xoreeyay oo dhaca dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus iyo dagaallo la’isaga caabinayo maleeshiyaadka argagixisada. Xoogaga Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanno ku yaalla gobolkan oo horay looga xoreeyay, taas oo dhalisay walaac xoogan oo ku aadan howlgallada xoreynta ee dalka. Haddaba Maxaa sababay dib ugu soo rogaal celinta kooxda Al-Shabaab? Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay arrintan, isaga oo sidoo kale taageero wayn iyo garab istaag u muujiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in argagixisada ay ka dhex faa’iideysatay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana taasi ay keentay in Al-Shabaab ay dib ugu soo rogaal celiyaan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. “Dhaqdhaqaaqyada argagixisada Alshabaab ay ka sameeyeen deegaannada ka tirsan Shabeellaha Dhexe waxa ay muujinayaan sida argagixisadu ay uga faa’iideysanayaan khilaafaadka dhexdeenna ah iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee dalka” ayuu yiri Farmaajo oo ku taliyay in si midnimo loo wajaho dagaalka adag ee lagula jiryo Shabaab. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:- Waajib ayey inagu tahay dhammaanteen in aynu garab istaagno Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah, kuwaas oo kula dagaalamaya cadowga dhammaan furimaha dagaalka iyo goobaha ay soo weerareen ee Shabeellaha Dhexe. Arrintani malahan muxaafidnimo iyo mucaarad ee waa waajib qaran iyo masuuliyad taariikhi ah. Dhaqdhaqaaqyada argagixisada Alshabaab ay ka sameeyeen deegaannada ka tirsan Shabeellaha Dhexe waxa ay muujinayaan sida argagixisadu ay uga faa’iideysanayaan khilaafaadka dhexdeenna ah iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, xalna loo helo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka si loo sii labo jibaaro howlgallada sifeynta dalka ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo Daacish oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sifeynayaan deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan buuraha Cal-Miskaad. Waxaa muhiim ah in la xoojiyo dhiirri-gelinta ciidamada iyo abaabulka dadweynaha ee dagaalkan masiiriga ah, anigoo ugu baaqaya shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidanka, kana feejignaadaan marin-habaabinta iyo beenta ay faafinayaan argagixisadu. Ugu dambeyn, waxaan mar kale adkaynayaa sida ay muhiimka u tahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ah, si Soomaaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qarannimo buuxda. DHAMMAAD The post Sidee Al‐Shabaab uga faa’iideysatay khilaafka XASAN iyo mucaaradka? appeared first on Caasimada Online.
  7. LONDON, UK (HOL) — Issa Mohamed Omar, one of only two survivors of the deadliest migrant boat disaster in the English Channel, told an inquiry that lives could have been saved had rescuers acted swiftly. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — Puntland authorities have arrested three men in Garowe on charges of supporting the ISIS-affiliated militant group, security officials said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  9. (ERGO) – Since receiving fishing equipment last December, Buuho Mohamed Muse, 50, has been running a thriving business selling fish and managing her own fishing boat in northern Somalia’s Bari region. She earns enough to support her family’s needs and save for the future. Source: Hiiraan Online
  10. Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaiya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Masar ayaa magaalada Qaahira uga qayb-galay shirweyne ay isugu yimaadeen madaxda Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso qadiyadda shacabka reer Falastiin. Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay madasha shirka oo inta badan diiradda lagu saaray arrimaha Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda adag ee ka jirta Gaza iyo guud ahaan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Falastiin. Xamza Cabdi Barre oo mar kale caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee qadiyadda Falastiin ayaa xusay sida xooggan ee ay dowladda federaalka u uga soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo xad-gudub cad ku ah qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isaga oo shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan. Dhinaca kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa khudbaddiisa uga hadlay xaaladaha dalalka Suudaan iyo Suuriya, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaasi Carbeed iyo in aan la soo fara gelin arrimhooda gudaha. Gabagabadii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dalalka Carbeed ee taageerada ka siiya Soomaaliya dhinacyada amniga iyo bini’aaninada, wxuuna baaqay in ay maalgashadaan dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah ee ka jira Soomaaliya sida beeraha, xoolaha iyo tamarta, si loo xoojiyo horumarka waara, aanna u abuurno fursado. The post Xamza oo mowqifka Somalia ee Falastiin iyo laba dal oo kale u caddeeyay Carabta appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) – Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has reiterated that the fight against Al-Shabaab and ISIS is a national obligation, not a matter of political ideology or partisanship. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (PP News Desk) — The US State Department has issued travel warnings about Somalia following reports that Al-shabaab attacked parts of the Middle Shabelle region. “The U.S. Embassy in Mogadishu is tracking credible information related to potential imminent attacks against multiple locations in Somalia including Mogadishu’s Aden Adde International Airport. All movements of U.S. Embassy Mogadishu personnel have been cancelled until further notice” reads the statement from the US State Department. The embassy urged U.S. citizens to remain aware of terrorism threats, warning of potential “kidnappings, bombings and other attacks in Somalia”. The resurgence of Al-shabaab in parts of territories that were liberated two years ago poses a threat to Somalia’s capital. Last week, Al-shabaab briefly seized control of Balcad and Ceelbaraf, two districts in the Middle Shabelle region. A senior Hirshabelle officer said that “failures in the political leadership have led to setbacks in the Ma’awislsy campaigns, which had driven Al-shabaab out of the Hirshabelle countryside two years ago”. © Puntland Post, 2025 The post US Embassy Warns of Imminent Terror Threats in Mogadishu appeared first on Puntland Post.
  13. Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka qarxay deegaanka Buqalooc oo u dhow degmada Afbarwaaqo. Dagaalkan ayaa u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo horey halkaas ugu dagaalamay. Sida ay Goobjoog xaqiijiyeen dadka deegaanka labada dhinac waxa ay adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan weli lama xaqiijin, balse warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, iyagoo ugu baaqay dhinacyada isku haya inay nabadda qaataan oo ay ka fogaadaan dhiig daadinta. Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka ayaa wada dadaallo lagu xallinayo colaadda, iyagoo ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda una istaagay dhex-dhexaadinta beelaha walaalaha ah. Gobolka Mudug ayaa marar badan waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo soo noqnoqday, kuwaas oo salka ku haya muranno la xiriira dhul daaqsimeed iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil. Source: goobjoog.com
  14. Ethiopia’s ability to plug into African Continental Free Trade Area (AfCFTA) positions it a gateway for Kenya to the broader North Africa, Kenya Association of Manufacturers (KAM) CEO Tobias Alando said. Source: Hiiraan Online
  15. English clubs Aston Villa and Arsenal took significant steps toward the Champions League quarterfinals on Wednesday with convincing victories in the first legs of their last-16 ties. Source: Hiiraan Online
  16. One million more people in Somalia could face crisis levels of hunger in coming months due to a forecast drought during the next crop cycle, the World Food Programme said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  17. NAIROBI, Kenya — At least four people sustained gunshot wounds as police clashed with protesters in Kenya's Kakuma refugee camp, in the country's north. Source: Hiiraan Online
  18. Arsenal delivered a historic performance on Tuesday, defeating PSV 7-1 in Eindhoven in the first leg of their UEFA Champions League last-16 tie, becoming the first team to score seven goals away from home in a knockout stage match of the competition. Source: Hiiraan Online
  19. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Aadan Yabaal, Al-Kowsar iyo deegaanada ku xeeran Daarunicma. Duqeynta oo bilaabatay fiidkii hore ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab ee soo galay gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana magaalada laga dareemay duqeynta oo ahayd mid xoogan oo bartilmaameed ah. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo holac iyo uuro is qabsatay hawada sare, kadib weerarka cirka ah oo ay diyaaraduhu la beegsadeen argagixsada ku sugan Daarunimca oo maalmo kahor la wareegay deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalamayaal badan iyo horjoogayaal ku sugnaa halkaasi, balse ma cadda tirada rasmiga ah. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan howlgalka xalay ka dhacay aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid cakiran iyada oo la dareemayo saameynta duqeyntaas. Waxaa sidoo kale duqeymo kuwaan lamid ah ay xalay ka dhaceen aagga degmada Ceelbaraf oo ay dib u gurasho uga soo baxeen ciidamadii shalay gudaha u galay degmadaasi, waxaana halkaasi lasoo wariyay in khasaare culus lagu gaarsiiyay Shabaab. Khasaaraha ugu badan ee duqeymaha ayaa lagu gaarsiiyey kooxda. Saddex gaari oo kuwa dagaalka ah iyo maleeshiyaadkii saarnaa ayaa la xaqiijiyey in looga gubay inta u dhaxeysa Biyacadde iyo Ceelbaraf, halkaas oo ay ku dhinteen maleeshiyaad tiro badan. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan guluf dagaal ka wadda deegaannada HirShabelle, iyada oo kaashaneyso dadka deegaanka, si looga hortego abaabulka kooxda Shabaab. Qorshaha dowladda ayaa sidoo kale ah in maalmo kooban lagu soo afjaro Al-Shabaab-ka soo galay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isticmaalayo taatiko dagaal oo yareynayo ama laga baaqsanayo khasaare soo gaara shacabka iyo ciidamada qaranka, sida ay noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka. The post Xogta duqeymo culus oo xalay ka dhacay Daarunicma appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” gudaha dalka. Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin ku saabsan weerarrada la filan karo, balse safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay la socoto khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo ay ku jirto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda. Digniinta lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa xustay in dhammaan shaqaalaha safaaradda lagu amray inay joojiyaan dhammaan dhaq-dhaqaaqyadooda. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xusuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka in kooxaha argagixisada ay weli qorsheynayaan afduubyo, qaraxyo, iyo weerarro kale oo ka dhaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri digniinta safaaradda. “Weerarradu waxay dhici karaan si lama filaan ah ama iyagoo leh digniin aad u yar, waxaana la beegsan karaa garoomada diyaaradaha, dekedaha, baraha kontaroolka, dhismooyinka dowladda, hoteellada, maqaayadaha, suuqyada waaweyn iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa ay joogaan dadka reer Galbeedka. Sidoo kale, weerarro ayaa lagu beegsan karaa kolonyo ciidan oo ay la socdaan ciidamada dowladda, kuwa milateriga iyo saraakiisha reer Galbeedka.” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa tan iyo bishii Luulyo 2024 ku haysay Soomaaliya heegan safar oo heer afaraad ah, kaasoo ka digaya in aan loo safro dalka sababo la xiriira khataraha argagixisada, dambiyada, iyo xasillooni darrada. Safaaraddu waxay sheegtay in digniintaasi weli sii jirto. Toddobaadyadii la soo dhaafay, kadib markii Madaxweyne Donald Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, Mareykanka ayaa kordhiyey duqeymihiisa militari ee Soomaaliya si uu u beegsado kooxaha argagixisada. Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in duqeymihii dhacay 1-dii Febraayo – oo ahaa howlgalkii militari ee ugu horreeyay ee xukunkiisa labaad – ay dileen dagaalyahanno badan oo ISIS ah, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo rayid ah. Tan iyo markaas, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuu fuliyey duqeymo kale oo dhowr ah isaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya, si loo beegsado dagaalyahannada ISIS iyo Al-Shabaab, iyadoo la weeraray deegaannada Al-Kowsar, Ceel Baraf, Dadar iyo Boulo-Burte. Warbixin ay soo saartay kooxda caalamiga ah ee Crisis Group ayaa lagu qiyaasay in dagaalyahanada ISIS ee Soomaaliya ay gaaraan boqolaal, badankoodna ay ku sugan yihiin buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari ee Puntland. The post Safaaradda Mareykanka oo ka digtay weeraro dhowaan ka dhici kara Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  21. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto inay ku dhaqaaqdo waddo kasta oo nabadeed si ay u hesho marin ay ku gaarto badda. Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiis gaaray, waxaana weli socda wadahadallo, kadib heshiis ay la galeen Somaliland sannad ka hor kaas oo ruxay Geeska Afrika. Wareeg kale oo wadahadallo ah ayaa la filayaa, mas’uul dhanka Soomaalida ah ayaa dhawaan sidaasi u sheegay warbaahinta. Saraakiisha Itoobiya ayaan ka hadlin arrintan. Masar oo doonaysa inay xoojiso awooddeeda Geeska Afrika ayaa marar badan ka hor timid qorshahan. Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Itoobiya? Toddobaadkii hore madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Masar Dr. Badri Abdellati oo ay ka wada hadleen arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas. Sida laga soo xigtay warbaahinta Masar ee Ahram Online, mas’uulka Masaarida ah ayaa sidoo kale fariin uu ka siday madaxweyne Abdel-Fattah al-Sisi u gudbiyay madaxweyne Isaias Afwerki. Intii ay socdeen qalalaasaha u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Soomaaliya waxay sameysteen isbahaysi wadajir ah. Itoobiya ayaa tan iyo heshiiskii Turkiga waxa ay sii xoojisay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya. Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii ay heshiiska gaareen u socdaalay Muqdisho, wuxuuna la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Inkasta oo aan la ogeyn waxyaabaha ay ku heshiiyeen, haddana waxaa la isku afgartay in laga wada shaqeeyo arrimo kala duwan. Waxaa la isku afgartay in ciidamada Itoobiya ay sidoo kale ku sii sugnaadaan Soomaaliya iyagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika iyo sidoo kale heshiis labo geesood ah, inkasta oo aan la shaacin tirada. Inkasta oo Itoobiya ay xallineysay xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya, ayaa haddana waxaa la soo sheegayaa in xiriirka ay la leedahay Eritrea uu sii wiiqmayo. Taa beddelkeeda, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in labada dal ay isku dhici karaan duruufaha jira awgood. Mid ka mid ah qodobada laga yaabo inay sababaan colaaddu waxa ka mid ah arrinta badda. Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhowr jeer hore u sheegay in Itoobiya “aysan doonayn inay waddan la dagaallanto haddii aan iyada la taaban”. Field Marshal Birhanu Juula oo ah taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda 129-aad ee Adwa. “Waqti yar ayaa naga xiga in aan ka mid noqono bulshada Badda Cas. Waxa aan rajeyneynaa in danta qarankeena lagu gaaro si nabad ah,” ayuu yiri. Soomaaliya maxay ka tiri? Heshiis ay Itoobiya sanad ka hor la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanideeda ee Somaliland ayaa khilaaf xooggan ka abuuray Geeska Afrika. Tan iyo markii ay Itoobiya iyo Soomaaliya heshiis gaareen, arrinta badda ayaan aad loo maqlin. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in aysan ka hari doonin raadinta badda. “Itoobiya kama aysan tegin raadinta iyo dalabka marin badeed,” ayuu yiri Nabiyat Getachew. “Dadaalka lagu doonayo in lagu helo saldhig badeed la isku halleyn karo oo waara waxay ku salaysan yihiin hab diblomaasiyadeed iyo hab nabadeed iyo sidoo kale wax-kala beddelasho,” ayaa laga soo weriyay dhawaan. “Waxa aan ku heshiinay inaan ka wada shaqeyno mashaariic istiraatiijiyadeed oo dadka Itoobiya iyo Soomaaliya si isku mid ah uga faa’iideysanayaan,” ayuu yiri. Inkastoo saraakiisha Itoobiya aysan si cad u sheegin, haddana arrinta ku saabsan badda ayaa ah mid ay madaxda Soomaalida kala hadli karaan. Qodobada ay Itoobiya iyo Soomaaliya ku heshiiyeen wadahadalladii ay Turkigu garwadeenka ka ahaayeen ayaa waxaa ka mid ah: “Labada dal waxay aqoonsan yihiin faa’iidooyinka kala duwan ee ay leedahay helitaanka Itoobiya ee deked lagu kalsoonaan karo taas oo waafaqsan in la ixtiraamo midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya.” Itoobiya oo ah dal ay dad badan ku nool yihiin oo aan lahayn dekad ayaa haddana waxa ay isticmaashaa in ka badan 90% dekedaha Djibouti. In Jabuuti oo kaliya xoogga la saaro ma aha wax lagu qanci karo. Taas beddelkeeda, wuxuu sheegay in arrinta marinka badda ay tahay “arrin nolol iyo geeri ah.” Masar ayaa ka mid ah dalalka aan ku faraxsanayn qorshaha Itoobiya. Waxay sharaxday in kaliya qadiyadda amniga ee Badda Cas ay ka hadli karaan dalalka xuduudda la leh biyaha Badda Cas. Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay Itoobiya siiso adeeg dekadeed ee xeebaha Badweynta Hindiya, Bloomberg ayaa sidaasi sheegay, isagoo soo xiganaya sarkaal. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in labada dal ay ka shaqeynayaan sidii loo sii wadi lahaa wadahadallada, isla markaana heshiis loo gaari lahaa bisha Oktoobar. “Heshiisku wuxuu qeexayaa dekadda la bixinayo, goobta ay kaga taal Badweynta Hindiya iyo dhammaan kharashyada,” ayuu yiri sarkaalku. Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu booqasho ku yimid Muqdisho toddobaadkii hore oo uu wadahadallo la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Itoobiya. Maxay taasi Itoobiya uga dhigan tahay? Markii Itoobiya ay heshiiska la gashay Somaliland, arrinta ugu weyn ee ay ku heshiiyeen ayaa ahayd in la dhiso deked ku teedsan Badda Cas iyo sidoo kale saldhig ciidamada badda. Inkasta oo nuxurka heshiisku aan si rasmi ah loo soo bandhigin, haddana Itoobiya ayaa heli lahayd bad dhan 20 km. Taas beddelkeeda waxaa la sheegay in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland. Waxa ay ahayd in lagu fuliyo bil gudaheed balse wali lama hirgelin. Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi oo heshiiska la saxiixday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa waxaa doorashadii cusbeyd kaga guuleystay musharraxii mucaaradka. Tan iyo markii Itoobiya iyo Soomaaliya ay gaareen heshiis uu garwadeen ka yahay Turkiga, lama oga halka uu ku dambeyn doono heshiiskaasi dhinaca badda. Dalalka Geeska Afrika, wadamada awoodda leh ee adduunka ayaa saldhigyo ciidan ka sameystay dalalka Djibouti, Soomaaliya iyo Kenya. Itoobiya waxa ay tababaraysay ciidan badeed oo la kala diray sanado badan ka hor si ay u daboolaan baahideeda gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Jabuuti midkoodna horay uma soo bandhigin inay rabaan inay Itoobiya siiyaan saldhig badeed marka laga reebo dekedaha. Markii heshiiska lala gaaray Eritrea, saldhigga Casab ayaa ujeedooyinkaasi in uu buuxiyo loogu talagalay, hase ahaatee, laguma guulaysan. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in tani ay tahay sababta ugu weyn ee saraakiisha Itoobiya ay u tageen Soomaaliya. Isha: BBC Somali The post Maxay Soomaaliya sameyn doontaa kadib hadalkii kasoo baxay dowladda Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
  22. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynihii uu xilka kala wareegay Joe Biden uu ahaa hoggaamiyihii ugu xumaa ee soo maray taariikhda dalkaas. Trump wuxuu Biden ku eedeeyay inuu oggolaaday inay Mareykanka soo galaan kumannaan muhaajiriin ah oo dambiilayaali ay ku jiraan, kuwaas oo ka soo gudbay xadka Koonfureed ee dalkaas. Maamulka Trump ayaa wada howlgallo lagu tarxiilay soo galootiga sharci-darrada ku jooga Maraykanka, wuxuuna dalalka soohdinta la leh ku caddaalinayaa inay ka hortagaan in muhaajiriintu ay ka soo gudbaan. Source: goobjoog.com
  23. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aaddan khataro la xiriira weeraro iyo qaraxyo laga fulin karo goobo kala duwan oo ku yaal Muqdisho. Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa lagu sheegay in la helay xog sheegaysa in bartilmaameedyo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo meelo kale la damacsan yahay in lagu beegsado weeraro. Digniinta ayaa sidoo kale xustay in la adkeeyay amniga safaaradda, iyadoo shaqaalaha loo soo jeediyay inay xaddidaan dhaqdhaqaaqooda si ay uga fogaadaan khataraha suurtagalka ah. Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladda, iyadoo shacabka uga digtay inay feejignaadaan oo ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan. Source: goobjoog.com
  24. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira. Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda adag ee ka jirta Gaza iyo guud ahaan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Falastiin. Mudane Xamsa waxa uu xusay sida xooggan ee ay dowladda Soomaaliya u uga soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo xad-gudub cad ku ah qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan. Waxaa kale oo khudbaddiisa uu uga hadlay xaaladaha dalalka Suudaan iyo Suuriya, oo uu sheegay in Soomaaliya ay taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaasi Carbeed iyo in aan la soo fara gelin arrimhooda gudaha. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu uga mahadceliyay dalalka Carbeed ee walaalaha aan nahay taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo bini’aaninada, isagoo ugu baaqay in ay maalgashadaan dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah ee ka jira Soomaaliya sida beeraha, xoolaha iyo tamarta, si loo xoojiyo horumarka waara, aanna u abuurno fursado. Source: goobjoog.com
  25. Ankara (Caasimada Online) – Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Turkiga iyo Iran ayaa “u yeeray” safiiradooda maalmo kadib markii hadallo uu jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, oo la xiriiray siyaasadda gobolka ee Tehran ay dhalisay hadal-hayn badan iyo caro ka timid Iran. Wareysi uu 26-kii Febraayo siiyay Al-Jazeera Arabic, Fidan wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Iran, oo ku tiirsan kooxaha hubeysan ee gobolka, ay keentay in Tehran ay wax badan lumiso halkii ay faa’iido ka heli lahayd. Markii la weydiiyay haddii Iran ay taageeri karto kooxaha Kurdiyiinta Suuriya, oo Turkiga u arko urur argagixiso ah, Fidan wuxuu si cad u sheegay: “Haddii aad isku daydo in aad xasillooni darro ka abuurto dal kale adiga oo taageeraya koox ka hawlgasha halkaas, dal kale ayaa isna taageeri kara koox gudaha dalkaaga ka hawlgasha si ay dhibaato kugu abuurto.” “Adduunyada maanta, waxba lama qarin karo. Awoodaha aad leedahay, kuwa kalena way hayaan. Sidaas darteed, haddii aadan rabin in dhagxaan lagu soo tuuro daaqaddaada, adiguna yaadan dhagax ku tuurin daaqadaha kuwa kale.” Iran oo si kulul uga jawaabtay Hadalka Fidan ayaa si weyn looga falceliyay gudaha Turkiga, waxaana dad badan u fasirteen inuu u jeeday in Ankara ay sidoo kale taageeri karto kooxo gaar ah oo ka dhex jira Iran, gaar ahaan bulshada weyn ee Azerbaijan-ta Iran, oo xiriir luqadeed iyo dhaqan la leh Turkiga. Iran ayaa si degdeg ah uga jawaabtay hadallada Fidan. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa barta X (horey u ahaan jirtay Twitter) ku qoray in Iran aysan raadineynin ballaarinta awooddeeda gobol ahaan muddo 50 sano ah. “Waxaan noqonnay dalkii ugu horreeyay ee diiday afgambigii laga soo horjeeday dowladda Turkiga,” ayuu yiri Baghaei. “Waxaan sidoo kale ka mid ahayn dalalkii ugu horreeyay ee soo dhaweynayay dhigaagta PKK [Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan] una arkayay inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ammaanka dalka deriska nala ah, Turkiga.” Xiisadda diblomaasiyadeed ayaa sii xoogeysatay markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ay “u yeertay” Safiirka Turkiga ee Tehran, Hicabi Kirlangic, si ay kula yeeshaan kulan Talaadadii. Mas’uuliyiinta Iran ayaa u sheegay safiirka in “xaaladaha xasaasiga ah ee gobolka ay dalbanayaan in laga fogaado hadallo aan habbooneyn iyo falanqeyn aan sax ahayn oo sababi kara khilaaf iyo xiisad diblomaasiyadeed.” Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa u yeertay sii hayaha xilka Safaaradda Iran ee Ankara, iyada oo xustay in mas’uuliyiinta Iran ay dhawaan si dadweyne ah u dhaliilayeen Turkiga. Waxaa sidoo kale la sheegay in fayl arrintan la xiriira horey loo gudbiyay dowladda Iran. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Oncu Keceli, ayaa carrabka ku adkeeyay in Ankara ay doorbidayso in arrimaha noocan ah si toos ah loo xalliyo. “Waxaan aaminsanahay in arrimaha siyaasadda dibadda aan loo adeegsan in lagu kasbado taageerada gudaha. Sidaas darteed, waxaan door bidnay in farriimaha muhiimka ah ee loo baahdo in lala wadaago dal kale si toos ah loogu gudbiyo,” ayuu yiri Keceli Talaadadii. Inkasta oo xiisadani sii kordheysay, Turkiga iyo Iran ma aysan isticmaalin ereyga “u yeerid” ee rasmiga ah, waxayna labaduba adeegsadeen “casuumad”, taasoo muujineysa inay doonayaan in ay xajistaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee ku dhisan danaha wadajirka ah. Loollanka xooggan ee gobolka Turkiga iyo Iran ayaa muddo dheer lahaa loollan siyaasadeed, iyada oo Suuriya ay tahay goobta ugu weyn ee ay isku hayaan. Bishii December, afgambigii xilka looga tuuray Madaxweyne Bashar al-Assad wuxuu si weyn u beddelay awoodda Suuriya, isagoo xoojiyay maqaamka Ankara, halka Tehran ay lumisay saamigeedii. Tan iyo markaas, mas’uuliyiinta Turkiga waxay dadaal ugu jireen sidii xal loogu heli lahaa Ciidanka Dimoqraadiga Suuriya (SDF), oo Turkiga u aqoonsan yahay urur argagixiso, iyo sidoo kale dowladda dowladda Dimishiq. Heshiiska la soo jeediyay wuxuu dhigayaa in la isku daro ciidamada Kurdiyiinta iyo ciidamada qaranka Suuriya, halka hoggaamiyeyaasha PKK laga musaafurin lahaa Iraq. Serhan Afacan, guddoomiyaha Xarunta Cilmi-baarista Iran ee fadhigeedu yahay Turkiga (IRAM), ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay aad uga walaacsan tahay in Iran ay taageerto SDF ama PKK. “Way caddahay in Iran ay xiriir la leedahay PKK iyo kooxaha la xiriira,” ayuu yiri Afacan. “Laakiin weli waxaa la isla dhexmarayaa in Tehran ay si toos ah u taageerto PKK ama ay iska indho-tireyso dhaqdhaqaaqyadooda oo ay gobolka ka wadaan.” “Bishii May 2024, Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Yasar Guler, wuxuu caddeeyay in Iran aysan si weyn u danaynayn halista ay PKK ku hayso gobolka,” ayuu sii raaciyay. “Wuxuu sheegay in marka Turkiga ay u gudbiyaan Iran xogta la xiriirta dhaqdhaqaaqa PKK ee xuduudahooda, aysan helin jawaab ku filan.” Dhanka kale, Iran waxay si isdaba joog ah u cambaareysay howlgallada milatari ee Turkiga ee ka socda Iraq iyo Suuriya, iyada oo ku tilmaantay “xadgudub su sovereignty.” Inkasta oo Iran ay si rasmi ah ugu aqoonsantahay PKK urur argagixiso, ma aysan marin heerkaas kooxaha la xiriira sida SDF iyo YPG, taasoo la jaanqaadaysa mowqifka waddamada reer Galbeedka. “Iran si fudud kuma beddeli karto mowqifkeeda,” ayuu yiri Afacan. “Maadaama ay weli la tacaalayso xiriirka xun ee ay la leedahay maamulka cusub ee Dimishiq iyo dareenka Tehran ee ah in Turkiga uu ‘la wareegay’ Suuriya.” Fereshteh Sadeghi, saxafiyad reer Iran ah iyo khabiir arrimaha gobolka, ayaa sheegtay in inkasta oo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed, Iran ay weli u aragto Turkiga dal muhiim u ah xiriirkeeda goboleed. “Iran maaha in si toos ah loogu eedeeyo in ay SDF u adeegsanayso waxyeelleynta Turkiga,” ayay tiri. “Balse waxay u badan tahay in ay u adeegsanayso sidii ay u xoojin lahayd danaha ay ka leedahay Suuriya.” “Sidoo kale, maadaama Iran ay lumisay marin ay ugu gudubto Lubnaan, waxaa laga yaabaa in ay SDF u aragto albaab kale oo ay u adeegsato sidii ay halkaas saameyn ugu yeelan lahayd.” The post Maxay salka ku haysaa xiisadda culus ee ka dhex-qaraxday Turkey iyo Iran? appeared first on Caasimada Online.