-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The East African country faced famine in 2022, but a scale-up in humanitarian assistance helped to avert catastrophe. Today, food insecurity on the increase once again, with 3.4 million people already acutely food insecure. That number is projected to rise by a full million, to 4.4 million between April and June – nearly a quarter of the population. According to the international food security classification system IPC, acute hunger is level three on a scale of one to five, with level five denoting famine and level four, severe acute malnutrition. High risk of mortality WFP believes that about 1.26 million children under the age of five need immediate support. Of that number, 466,000 will likely be severely acutely malnourished this year and at risk of death. “We have learned in Somalia from past experience that that delays can be deadly, and we need resources to provide support to these very vulnerable groups,” said WFP spokesperson Jean-Martin Bauer, speaking from Rome. He called on donors and partners to increase funding to the country of 19 million people. Poor harvest Two consecutive failed crop seasons last year resulted in harvests 45 per cent below-average yields, Mr. Bauer said. This is linked to consecutive climate shocks in Somalia, where poor rainfall depleted water sources and led to livestock losses. Weather forecasters predict another drought from April to June, while humanitarians warn that malnutrition is likely to worsen due to disease outbreaks and reduced food access. WFP has yet to factor in the impact of any funding cuts from the United States but chronic underfunding has forced it to cut back assistance to 820,000 people, down from 2.2 million in 2022. The agency has also had to downsize its school feeding programme, which was suspended in some states including the South West and Somaliland. Funding shortfalls Just 12 per cent of the $1.4 billion overall appeal for Somalia has been funded so far, Mr. Bauer said. The WFP provides up to 90 per cent of food assistance in Somalia, making it an essential lifeline for thousands of people, including many internally displaced by conflict. A combination of in-kind food assistance and cash-based transfers is needed to mitigate the worst effects of the crisis, Mr. Bauer stressed, referring to aid coming in the form of goods or services like food packages, shelter and blankets. “When you are facing a crisis like the one we are worried about in Somalia, we need all types of resources to be put at play to avert the worst,” he said. Soundcloud Qaran News
-
Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga digtay bulshada reer Puntland in aysan ka hordhicin natiijada baaritaannada socda, isla markaana ay ka fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin oo la xiriira kiisaska Argagixisada. “Waxaan faraynaa Bulshada Sharafta badan ee reer Puntland in aysan ka hordhicin natiijada baaritaanada socda, isla markaana ay ka fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin oo la xiriira kiisaska Argagixisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland. “Eedeysanayaasha la qabto waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto. Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo habraacyada sharciga iyo cadaaladda inta uu socdo baaritaanka iyo maxkamadeyta” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka wasaaradda. Dowladda Puntland waxay sidoo kale uga mahadcelisay shacabka Puntland taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga, waxaana ay ugu baaqday in ay sii laba-jibbaaraan wada shaqeynta iyo feejignaanta, si loo xaqiijiyo ammaanka guud. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo bulshada uga digtay in aysan ka hordhicin baaritaannada kiisaska ku saabsan Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Fadhigii 11-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, ajendaha maanta waxa ka mid ahaa arrimaha soo socda: * War bixin la xidhiidha Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegay in guud ahaannba amniga dalku uu sugan yahay. * War bixin guud oo la xidhiidha muuqaalka Maaliyadeed ee dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo sheegay in dar-dar gelinta ururinta ashuuraha GST iyo Cashuuraha Berriga ay si fiican u socdaan. * War bixin faah-faahsan oo la xidhiidha xaaladaha guud ee caafimaadka dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. * War bixin dheer oo la xidhiidha xaaladaha Barakacayaasha iyo gargaarka bini’aadanninimo, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada JSL. * War bixin la xidhiidha xaaladihii ugu dambeeyey ee dhoofka xoolaha, u diyaargarowga iyo gurmadka abaaraha, xal u helidda Iskuulka Xannaanada Xoolaha Sheekh oo weli xidhan: waxa ka war bixiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha. * Hab-raaca ururinta iyo Isku-dubbaridka xogaha hawl-gallada Wasaaradaha 100-ka maalmood ee wax-qabadka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: waxa ka war bixiyey Wasiirrada Warfaafinta iyo Madaxtooyada. * Soo ban-dhigidda Siyaasadda Beeraha iyo Siyaasadda Abuurka Beeraha iyo war-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii heer Qaran ee Beeralayda Somaliland: waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. * Ansixinta talo soo jeedinta Guddidii loo xil saaray maaraynta Shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah: Golaha Wasiirrada ayaa talo soo jeedinta ku ansixiyey cod aqlabadiyad ah. * Qaybinta Siyaasadda Baadhista Macdanta Qaranka (Akhriska 1-aad): waxana Golaha si guud ugaga xog warramay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta JSL. * Qaybinta Xeerka Kaalmo-Sharci (Akhriska 1-aad): waxana Golaha si guud ugaga xog warramay Wasiirka Caddaalada JSL. * Hab-sami u socodka hawlaha Diwaangelinta Ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada. * Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee nabadaynta Degmada Ceerigaabo iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah kuwaasi oo meel wacan maraya. Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay Xubnaha Xukuumadda JSL ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL isaga oo ku ammaanay hawlaha nabadaynta ee ay Ceerigaabo ka wadaan. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markale ku celisay inay sii wadi doonto inay ku dhaqaaqdo waddo kasta oo nabadeed si ay u hesho marin ay ku gaarto badda. Tan ayaa imanaysa xilli uu khilaaf kala dhexeeyo qaar kamid ah waddamada ay deriska yihiin. Intii uu socday khilaafkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya waxay sameysteen isbahaysi wadajir ah. Hase yeeshee, Eritrea iyo Masar oo doonaya inay xoojiyaan awooddooda Geeska Afrika ayaa marar badan ka hor yimid qorshahan. Haddaba, rabitaanka Itoobiya ee Badda Cas, saameyn intee le’eg ayuu ku yeelan karaa siyaasadda Geeska Afrika? Xiisaddan ayaa gobolka u wanaagsaneyn, kana ridi karta xasarado horleh haddii Itoobiya kusii adkeysato damacan guracan, ayuu sheegay Cabdiraxmaan Cismaan Gaas oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika. “Halista ii muuqata waa in la wada-hadli waayo, oo gobolku wada fariisan waayo, kadibna isku dayaan in xoog isku maquuniyaan oo mid walba damaca uu leeyahay muruqiisa ku gaaro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cismaan oo la hadlay BBC. Deked mise bad ay yeelato ayey rabtaa Itoobiya? Itoobiya ayuu sheegay inay rabto marin biyeed wax ka weyn, oo waxay isku arkaan in baddaas maamulkeeda qeyb ka noqdaan, “Sida keliya ee qeyb uga noqon karaan maamulka badda waa inay helaan meel ay maamulaan oo badda ku taalla,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Gass. Itoobiya ayaa rabta inay hesho dhul badeed ay maamulkeeda u madax-banaan tahay, taas oo sida muuqata aysan ka heli doonin dalalka deriskeeda, oo iyagu keliya ula diyaar ah ‘deked ganacsiyeed’ aan macno badan ka goyn rabitaankan. Inkasta oo Itoobiya ay haatan naf bideyso wada-hadalladda Ankara, haddana uma muuqato inay wax weyn u goyn doonaan, maadaama ay xasaasiyad gaar ah ka qabaan dadka Soomaaliyeed. Ajnedaha Ankara qeyb ma ka tahay doodda Itoobiya? Sida aya sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya marnaba miiska ma saarna in Itoobiya la siiyo bad ama xitaa laga dooddo, taas beddelkeedana ay tahay in laga wada xaajoonayo sidii ay Itoobiya sida dalalka deriska ah u adeegsan laheyd dekedaha Soomaaliya. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo dhawaan wareysi bixiyay, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba gorgortan ka galeyn in dhul Soomaaliyeed la siiyo dal kale. “Annaga waxaan mas’uul ka nahay Soomaaliya, in aan danaheeda ilaalinona waa waajib naga saaran. Marnaba wax ogolaanaya in dhul Soomaaliyeed cid kale yeelato kama shaqeynayno, miiskana ma saarno,” ayuu yiri Wasiir Balcad. Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan jirin wax ka duwan isticmaalka dekedaha oo ay ka wada hadlayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya ogolaan doonin wax ka baxsan arrintan. The post ITOOBIYA ma waxay rabtaa wax ka baxsan deked? – Wax badan ogow appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray caasimaadda KMG ah,ee Maamul Gobolleedka Koonfur-galbeed, ee Baydhabo. Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo boqolaal shacab ah ayaa si diirran usoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran. Wasiiradda ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, iyo Xanaanada Xoolaha. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka iyo wafdigiisa oo xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa diiradda lagu saaray qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo dhinacyada amniga iyo dib-u-xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed ay kaga sugan yihiin kooxda Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay eedeymaha ay Puntland kula xiriirisay kooxda Daacish ee dhuumaaleysanaysa buuraha Cal Miskaad ayaa ku tilmaantay “hadal meel waayay.” Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay eedeymaha kasoo yeeray Puntland, kuwaas oo uu ku tilmaamay eedo ay cuqdad ka muuqato, oo aanay marnaba ka suurtoobaynin Somaliland. “Waxa wax lala yaabo ah eedaha deel-qaafka iyo cuqdada ah ee ay ka muuqato nafla-caarinimada la qarsan waayay, oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhayay mas’uuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaas oo ku eedaynayay Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtoobi karin, oo aan ku sifayn karno ‘hadal meel waayay,'” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Somaliland ayaa ku dooday in ay taariikh dheer u leedahay la-dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda, oo ay ka fogaysay deegaanadeeda, iyadoo sheegtay in juhdigii ay ka samaysay ka hortagga argagixisadu uu noqday mid deyr u ah mandaqadda oo dhan. “Qodobka 10-aad, fiqradiisa 7-aad, ee Dastuurka JSL waxa uu jideynayaa: ‘Dawladda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxisnimada, ujeeddo kasta ha lahaadee. Somaliland waa dalka keliya ee mandaqadda ku yaalla ee dastuurkiisu waajibiyay la-dagaallanka argagixisada,’” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa kale oo intaas lagu sii daray: “Xukuumadda Somaliland waxa mar walba ka go’an la-dagaallanka argagixisada, waxaanay iskaashi wax ku ool ah kala leedahay arrintaas dalalka jaarka ah.” Puntland ayaa marar dhowr ah ku eedaysay Somaliland inay xiriir la leedahay argagixisada Daacish, taas oo ay ugu dambeysay “in ay heshay dukumentiyo muujinaya in dhaawacyada kooxda lagu soo dabiibo Hargeysa.” Hase yeeshee, cadeymaha ay sheegtay Puntland lama wadaagin warbaahinta, waana kuwa ilaa hadda ku kooban afka baarkiisa. The post Maxay Somaliland ka tiri eedeymihii Puntland kula xiriirisay Daacish? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ku taageeray ciidanka geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada. Saddexdan masuul ayaa dalbaday in si degdeg ah wax looga qabto sababaha keenay in maanta ay duulaan yihiin argagixisadii ay sanad ka hor baacsanayeen ciidankeenna iyo halgamayaashii deegaanka, dibna u qabsadeen qaar kamid ah deegaannadii horey looga xoreeyay. “Waxaan si buuxda u garab-taagannahay ciidamada qalabka-sida oo ay ugu horreeyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo halgamayaasha deegaanka ee Macawiisleyda ee argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab kula diriraya gobollada Bari iyo Shabeellaha Dhexe ee dowlad-goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxay xaqiijiyeen in hoggaanka dalka ay mar walba ku garab taagan yihiin la-dagaallanka argagixisada, iyagoo ka digay in khilaafka siyaasadeed uu wiiqayo dagaalka lagula jiro argagixisada. “La-dagaalanka argagixisada waa ajande qaran waxaana lagu xaqiijin karaa wadajir, midnimo qaran iyo siyaasad loo dhan yahay. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqeynaa inuu la yimaado istiraatiijiyad iyo qorshe lagu sameynayo abaabul qaran oo dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, dhexdana dhigo tallada dalka, xalna laga gaaro khilaafka siyaasadeed.” Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Waxaan si buuxda u garab-taagannahay ciidamada qalabka-sida oo ay ugu horreeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo halgamyayaasha deegaanka ee Macawiisleyda ee Argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab kula diriraya gobollada Bari iyo Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle. Argagaxisadu waxa ay duullaan ku yihiin dalkeenna, dadkeenna, diinteena iyo dowladnimadeenna, in la iska difaacana waa waajib diini, damiiri, iyo mid waddani ah, waxaana bogaadinaynaa guud ahaan naftood-hurayaasha xaq-u-dirirka ah ee kula diriraya furimaha dagaalka. Waxaan mar walba hoggaanka dalka ku garab taagnayn la dagaallanka argagaxisada, innagoo dhowr jeer oo hore si hoose iyo si hoosba ugu dignay in khilaafa siyaasadeed uu wiiqayo dagaalka lagula jiro argagaxisada. Laakiin, taa beddelkeeda wuxuu Madaxweynaha dagaal la galay dowlad-goboleedyada qaarkood, wuxuu beddelay dastuurkii dalka ee heshiiska lagu ahaa, wuxuu samaystay shuruuc iyo guddi doorasho oo ku jaango’an damaciisa siyaasadeed, wuxuuna hakiyay hawlgalladii dalka looga ciribtirayay khawaarijta, taas oo sababtay in ay soo laba kacleeyaan weerarradii argagaxisada oo sii naf baxaysa, niyadjabna ku riday shacabka, ciidanka qaranka, iyo halgamyayaasha deegaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegis lagu sameeyo dagaalka lagula jiro khawaarijta, degdegna wax looga qabto sababaha keenay in ay maanta duulaan yihiin argagaxisadii ay sanad ka hor baacsanayeen ciidankeenna iyo halgamyayaasha deegaanka, dibna u qabsadeen qaar ka mid ah deegaannadii horay looga xoreeyay. La dagaallanka iyo ciribtirka argagaxisadu waa ajande qaran, waxaana lagu xaqiijin karaa wadajir, midnimo qaran, iyo siyaasad loo dhan yahay. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqaynaa in uu la yimaado istiraatiijiyad iyo qorshe lagu sameynayo abaabul qaran oo dalka looga ciribtirayo khawaarijta, dibna loogu dhiso talada dalka, xalna laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay dastuurka, doorashooyinka, talo-is-keliyeynta iyo xaraashka dhulka danta guud, si loogu midoobo, meeshana looga soo wada jeesto argagaxisada arxanka daran ee duullaanka ku ah noloshayena iyo qarannimadeenna. The post Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo dalbaday in deg-deg wax looga qabto arrin… appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, former Prime Minister Hassan Ali Khaire, and opposition leader Abdirahman Abdishakur Warsame have voiced their full support for Somalia's ongoing military campaign against Al-Shabaab and ISIS while urging a comprehensive strategic review to prevent militant groups from regaining ground. Source: Hiiraan Online
-
Security fears ground Turkish Airlines flights to Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu, Somalia – Turkish Airlines has announced the suspension of its direct flights to Mogadishu, the capital of Somalia, citing escalating security concerns. The airline informed passengers that all flights to the city would be halted from March 5th to March 12th, 2025. The company has not released a detailed explanation for the abrupt suspension. However, it coincides with a recent surge in security warnings. U.S. Embassy warning The decision follows a stark warning issued by the U.S. Embassy in Somalia on Tuesday, which alerted American citizens to “credible information regarding potential imminent attacks” within the country. The embassy’s statement, released on its official website, indicated that they were aware of potential threats targeting various locations, including Mogadishu’s Aden Adde International Airport. “The U.S. Embassy in Somalia reminds U.S. citizens that terrorist groups continue to plot possible kidnappings, bombings, and other attacks in Somalia,” the embassy warning stated. “Attacks may occur with little or no warning, targeting airports, seaports, checkpoints, government buildings, hotels, restaurants, markets, and other high-traffic locations, especially those frequented by Westerners. Military and government convoys and Western military and government personnel may also be targeted.” All embassy personnel have been instructed to limit their movements in response to the heightened threats. The U.S. State Department has maintained a Level 4 travel advisory for Somalia since July 2024, warning against all travel to the country due to the risks of terrorism, crime, and civil unrest. U.S. Military activity The timing of the Turkish Airlines suspension and the U.S. Embassy warning comes amidst an intensified U.S. military campaign in Somalia. Since President Donald Trump’s return to the White House, the U.S. has ramped up its airstrikes targeting terrorist organizations operating within the country. Defense Secretary Pete Hegseth confirmed that airstrikes conducted on February 1st, the first military operation of the new administration, resulted in the deaths of numerous ISIS fighters, with no reported civilian casualties. U.S. Africa Command (AFRICOM) has since reported conducting multiple airstrikes in collaboration with the Somali government, targeting ISIS and Al-Shabaab militants in areas including Al-Kowsar, Ceel Baraf, Dadar, and Bulo-Burte. These recent military actions reflect the ongoing struggle against terrorist groups in Somalia. A report by the International Crisis Group estimates that ISIS fighters in Somalia number in the hundreds, with the majority concentrated in the Cal Miskaat Mountains in the Bari region of Puntland. The suspension of Turkish Airlines flights is a significant blow to Mogadishu’s connectivity, as the airline has been a vital link to the outside world. The economic and social repercussions of the flight cancellations are also expected to be substantial, impacting both business and personal travel. The post Security fears ground Turkish Airlines flights to Mogadishu appeared first on Caasimada Online. -
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheetay inay dabagal ku sameyneysa xogo ay sheegtay in lagu kalsoonaan karo, oo la xiriira weeraro ka dhici kara meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxay sheegtay in la joojiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ilaa amar dambe. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusineysaa muwaadiniinta Mareykanka in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarada kale ee ay ka geysato gudaha Soomaaliya”, ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. “Waxaa dhici karta inay fuliyaan weeraro iyadoo aysan digniin jirin, isla markaana beegsanaya garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, koontaroolada, xarumaha dowladda, hoteelada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan dadka reer Galbeedka ah, kolonyada ciidamada dowladda, kuwa militariga iyo kuwa reer galbeedka”, ayaa intaas lagu daray. Qoraalka safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay aad u xaddiday awoodda ay adeegyo degdeg ah ugu fidin karto muwaadiniinta Mareykanka eek u sugan Soomaaliya, sababo ay ku sheegtay inaysan dalka ku lahayn qunsuliyad joogto ah Qaran News
-
Mogadishu (HOL) – United States has cut funding for Somalia’s elite Danab special forces unit, along with billions of dollars in grants previously provided through the U.S. Agency for International Development (USAID), Somali Finance Minister Bihi Imaan Egeh told Parliament on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) – The Somali government must take greater financial responsibility for national priorities, including security, after a shift in the global aid landscape, Finance Minister Bihi Imaan Egeh told lawmakers on Wednesday. He urged Somali citizens to pay their taxes to help offset funding shortfalls and support economic growth. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo muddo lix todobaad ah haya xilka, ayaa khudbad ka jeediyay Congress-ka Mareykanka. Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynuhu halkaas ka jeediyay oo ay kamid yihiin dhaqaalaha dalka, gaar ahaanna dagaalka ganacsi, arrinta dagaalka Ukraine, socdaalka iyo waxyaabo kale. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheehay inuu “farriin muhiim ah kahelay” hogaamiyaha Ukraine, subaxnimadii hore ee manta, taas oo u muuqata inay tahay qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Volodymyr Zelensky. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Talaadadii sheegay, in uu doonayo in uu “wada xaliyaan” khilaafka ka dhex jiray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, isla markaana wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhacda Ukraine. Waxa uu sidoo kale ku celiyay in Ukraine ay diyaar u tahay inay heshiis macdan ah la saxiixato Mareykanka, heshiiskaas oo uu diiday kulankii Washington. Trump ayaa la soo warinayaa inu rajeynayay inuu aqalka Congress-ka ka shaaciyo heshiiska macdanta, balse heshiiska yaanan ahayn mid la isku af-gartay. Dhanka kale, mar uu ka hadlayay arrimaha la xirriira dagaalka ganacsi, waxaa uu sheegay in canshuurta lagu soo rogay badeecadaha dalalka sida Shiinaha, Mexico iyo Canada ay lahaan doonaan saameyn aan xooganayn, balse ay sare ugu qaadi doonaan dhaqaalaha Mareykanka. Qaran News
-
Qorshe dib u dhis oo ku kacaya qarash dhan 53 bilyan oo doollar oo lagula dagaallamayo fikradda madaxweyne Donald Trump ee ah in Maraykanku “la wareego Qasa” oo uu ka saaro in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah ayaa waxaa ansixiyay hoggaamiyeyaasha Carabta shir kadib degdeg ah oo ka dhacay caasimadda Masar ee Qaahira. “Qorshaha Masar hadda waa qorshe Carbeed,” ayuu kyiri Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuul Qayd oo gunaanadkii shirkan oo saacado qaatay ka hadlay. Isaga oo aan si gaar ah carabka ugu dhufan fikradaha madaxweyne Trump, waxa uu hoosta ka xarriiqay in “mawqifka Carabta uu yahay in la diido barakicin kasta, ha ahaato mid ikhtiyaari ah ama mid Khasab ah”. Masar waxay soo saartay hannaan faahfaahsan, oo leh dukumeenti ka kooban 91 bog oo ay ku jiraan sawirrada xaafadaha iyo dhismayaasha waaweyn oo ah kuwa dadweyne, si ay uga hortagaan qorshaha Maraykanka ee Falastiiniyiinta looga rarayo Qasa, kaas oo ka yaabiyay dunida Carabta iyo dalal kale. Khudbadiisii furitaanka, madaxweynaha Masar Cabdul Fatax al-Sisi wuxuu ku baaqay qorshe barbar socda kan dib u dhiska Qasa oo ah in lagu dhaqaaqo xalinta dhibaatada Bariga dhexe, isagoo muujiyay in xalku ku jiro laba dowladood oo micnaheedu yahay in la helo dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin oo la siman Israa’iil. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Dib u dhiska Qasa ayaa lagu bixinayaa balaayiin doollar Dowladaha ka qayb galaya shirka waxaa ka mid ah Soomaaliya waxaana Qaahira ku sugan wafdi uu hoggamainayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre. Ra’iisal wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo “xad-gudub cad ku ah” sida uu sheegay qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha. Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan. Arintan ayaa ah mid ay dowladaha Carabta iyo qaar kale oo badan u arkaan in ay tahay xalka kaliya ee lagu xalin karo khilaafkan joogtada ah, balse waxaa arrintaan diiddan ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo xulafadiisa. Qorshahan cusub wuxuu soo jeedinayaa in Qasa si ku meel gaar ah uu u maamulo, “Guddiga Maareynta Qasa guddi la yiraahdo oo hoos taga dowlad Falastiin leedahay,” kaasoo ka koobnaan doona khubaro aqoonyahanno ah. Arrintaan waxay keenaysa in wax la iska waydiiyo doorka Xamaas haddiiba uu jiro, iyadoo uu muuqanayo madmadow ku saabsan caqabadda ka imaan karta kooxdaan hubeysan. Dawladaha Carabta qaarkood ayaa la og yahay inay ku baaqayaan in gebi ahaanba la burburiyo Xamaas; kuwo kale ayaa aaminsan in go’aamadaas loo daayo Falastiiniyiinta. Xamaas ayaa la sheegay in ay aqbashay in aysan door ku yeelan doonin maamulka Qasa balse waxa ay cadeeyeen in hub ka dhigista ay tahay khad cas. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo ku tilmaamay qorshaha madaxweyne Trump inuu yahay “aragti cad”, ayaa marar badan meesha ka saaray in wax door ah Xamaas ku yeelato mustaqbalka arrintaan ama maamulka Falastiiniyiinta. Arrinka kale ee xasaasiga ah waa tan amniga oo sidoo kale laga hadlay iyadoo loogu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah oo caalami ah. Waxaana bisha soo socota la qaban doonaa shirweyne caalami ah oo lagu uruurinayo dhaqaalaha faraha badan ee lagama maarmaanka u ah mashruucan dib u dhiska ah. Dowladaha Khaliijka ee hodonka ah ayaa u muuqda inay diyaar u yihiin inay qaataan qayb ka mid ah kharashka aadka u badab. Laakiin qofna cidna diyaar uma ah inuu maalgeliyo ilaa si buuxda loogu qanciyo in dhismayaasha aysan ku burburi doonin dagaal kale. Xabbad-joojin jilicsan ayaa hadda u muuqata mid qarka u saaran inay burburto waxayna taasi sii kordhinaysaa laba-labaynta dalalka qaar. Qorshahan cusub ee dalalka Carabta ee dib u dhiska Qasa waxa uu u soo bixi doonaa saddex waji oo ay ku jiraan muddo bilow ah oo ku dhow lix bilood, oo loo yaqaan marxaladda soo kabashada hore, si loo bilaabo nadiifinta xadiga weyn ee burburka iyo sidoo kale qaynuunka aan qarxin. Labada marxaladood oo kale waxay socon doonaan dhowr sano. . Qoraalka sawirka,Dhamaan kaabayaasha adeegyada muhiimka ah ee Qasa ayaa burburay Qorshahan cusub ee Carabta ee dib-u-dhiska Qasa ayaa ka koobnaan doona saddex waji, oo ay ku jirto muddada hore oo qiyaastii lix bilood ah oo loo yaqaan marxaladda soo kabashada hore, si loo bilaabo nadiifinta burburka badan iyo walxaha qarxa ee weli waxyeellada gaysan kara. Laba waji oo kale aya ajira kuwaas oo socon doona dhowr sano. Falastiiniyiinta barakacay, oo la sheegay in ay gaarayaan 1.5 milyan, ayaa la’ dajin doonaa aagag ku meel gaar ah. Sawirrada dib u dejinta ayaa muujinaya inay yihiin guryo si wanaagsan loo dhisay oo laga heli karo adeegyada aasaasiga ah Madaxweyne Trump ayaa u muuqda mid ku adkeysanaya qorshihiisa Qasa, inkastoo uu sheegay in aan cidna la qasbi doonin haddana waxaa uu la yaabbanyahay sababta Falastiiniyiintu uga horyimaadeen arrintaan, “Maxay u diidayaan inay guuraan?” Waxa uu ku sifeeyay Qasa in ay tahay “goob la dumin karo”. Qaramada Midoobey. Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhawaan barihiisa bulshada ku baahiyay muuqaal lagu sameeyay garaadka amacmalka ah ee AI kaas oo muujinaya Qasa qurux badan oo taallo looga dhex taagay Trump isla markaana ay ku raaxaysanayaan isaga iyo saaxiibkii Elon Musk iyo ra’iiusl wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, arrintaas oo siyaabo kala duwan looga falceliyay. Qorshaha Qaahira ayaa soo jiitay khubarro ka socday Bangiga Adduunka, iyo aqoonyahanno ka shaqeeya dhanka horumarinta hoteellada Dubai. Waxaa kale oo la soo min-guuri doonaa khibrado ku saabsan magaalooyin burburay oo ka soo kabtay sida Hiroshima, Bayruut, iyo Berlin. Nashqadaha la soo jeediyay waxaa sidoo kale saameyn ku leh Masar oo horumarin ku sameysay “Qaahira Cusub”,. Hadda arrintu waxay ku xidhan tahay dowladaha Carabta iyo xulafadooda inay caddeeyaan sida qorshahoodu uu hirgalayo. Bbcsomali Qaran News
-
Istanbul (Caasimada Online) – Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sababo la xiriira digniinaha amni ee soo baxay. Shirkadda Turkish Airlines ayaa rakaabkeeda ku wargelisay in aysan jirin wax duulimaad ah oo ay sameyn doonaan laga bilaabo 5-ta illaa 12-ka bishaan Maarso ee sanadka 2025-ka. Ma bixin maamulka shirkadda faah-faahin dheeri ah oo ay ku sharraxaan go’aankan. Hakinta duulimaadyada ee Turkish Airlines ayaa lala xiriirinaya digniinaha amni ee haatan soo baxay. Arrintan ayaa daba socota warkii kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” gudaha dalka. Mareykanka ayaa sheegay inuu la socdo khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo uu ku jiro garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, taas oo soo dadajisay go’aanka ay Turkish Airlines maanta ku hakisay duulimaadyadeeda tooska ah ee Muqdisho. Digniinta lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa xustay in dhammaan shaqaalaha safaaradda lagu amray inay joojiyaan dhammaan dhaq-dhaqaaqyadooda. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xusuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka in kooxaha argagixisada ay weli qorsheynayaan afduubyo, qaraxyo, iyo weerarro kale oo ka dhaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri digniinta safaaradda. “Weerarradu waxay dhici karaan si lama filaan ah ama iyagoo leh digniin aad u yar, waxaana la beegsan karaa garoomada diyaaradaha, dekedaha, baraha kontaroolka, dhismooyinka dowladda, hoteellada, maqaayadaha, suuqyada waaweyn iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa ay joogaan dadka reer Galbeedka. Sidoo kale, weerarro ayaa lagu beegsan karaa kolonyo ciidan oo ay la socdaan ciidamada dowladda, kuwa milateriga iyo saraakiisha reer Galbeedka.” Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka ayaa tan iyo bishii Luulyo ee sanadkii 2024 ku haysay Soomaaliya heegan safar oo heer afaraad ah, kaasoo ka digaya in aan loo safro dalka sababo la xiriira khataraha argagixisada, dambiyada, iyo xasillooni darrada. Safaaraddu waxay sheegtay in digniintaasi weli sii jirto. The post Turkish Airlines oo hakisay duulimaadyadii Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa si lama filaan ah uga hadashay tallaabadii ugu dambeysay ee ay qaaday dowladda Soomaaliya ee la xiriirta dagaalka adag ee ay ku qaaday Al-Shabaab-ka soo galay gobolka Shabeellaha Dhexe. Ugu horreyn Jubbaland ayaa boggaadisay dagaalka ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee looga hortagayo Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulka HirShabelle. Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay saaran tahay mus’uuliyad wadareed taabaneysa mustaqbalka dalka, loona baahan yahay midnimo iyo wadajir. “Haddii aan si wadajir ah ugu midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waa hubaal in aynu gaari doono guullo waa wayn oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale waxa ay ku baaqday in meel la dhigo khilaafka siyaaasiga ah, loona soo jeesto sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah. Dowladda Federaalka ayaa haatan wadda gulufkii ugu xoogganaa ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo dib isugu soo abaabushau, soona gashay gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana haatan soconayo dagaallo iyo duqeymo lagu beegsaday argagixisada. Qorshaha dowladda ayaa sidoo kale ah in maalmo kooban lagu soo afjaro Al-Shabaab-ka soo galay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isticmaalayo taatiko dagaal oo yareynayo ama laga baaqsanayo khasaare soo gaara shacabka iyo ciidamada qaranka, sida ay noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka. The post Jubbaland oo bogaadisay tallaabo ay qaaday DF, soo saartayna baaq cajiib ah appeared first on Caasimada Online.
-
Jubbaland calls for unity in fight against extremist groups
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kismayo (HOL) - Jubbaland’s regional administration has praised federal military forces and local clan militias for their ongoing offensive against extremist groups in the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online -
War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa lagu sheegay in nabadgelyadu ay ra’sumaal u tahay, sidoo kale ay caan ku tahay xasillooni, islamarkaana Soomaaliland ay u taagan tahay ka hortagga argagixisada. waa dal nabadgelyaddu ay u tahay raasamaalka rasmiga ah ee ay soo ku caano-maashay. Sidoo kale, dunida oo dhammi u aqoonsatay bogcada ugu xasiloonida badan geeska #Afrika, dalalka jaarkeeda ahna waxa ay la jeceshahay inay ku naalloodaan nabadgelyo iyo xasilooni. Sidoo kale Soomaaliland waxay sheegtay inay deriskeeda nabad la jeceshahay, islamarkaana dastuurkeedu uu waajid ka dhigayo la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah. War saxaafadeedka ka soo baxay Soomaaliland oo u muuqda inuu jawaab u yahay eedaymo maalmihii la soo dhaafay ay jeedinayeen masuuliin ka tirsan Puntland ayaa lagu yiri “waxaa wax lala yaabo ah eedaha deel-qaafka iyo cuqdada ah ee ay ka muuqato nafla-caarinimada la qarsan waayay oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeerayay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasi oo ku eedaynayay Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtogeli karin oo aan ku sifayn karno Hadal meel waayay” Xubno ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhowaan Soomaaliland ku eedeyay inay taageerto kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal cusub oo Midowga Afrika (AU) oo taageeraya nabadda ayaa si rasmi ah uga howlgalay Soomaaliya 1-dii Janaayo 2025. Waa howlgalkii saddexaad ee xiriir ah ee dalka laga hirgeliyo, balse sidii kuwii hore, maalgelintiisa weli ma cadda. Howlgalka cusub, oo lagu magacaabo Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), wuxuu beddelay Howlgalka Ku-meelgaarka ee AU ee Soomaaliya (ATMIS). Waajibaadkiisu wuxuu yahay inuu gacan ka geysto dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo xakameynta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah. Si loo xalliyo caqabadaha dhaqaale ee howlgaladii hore wajahaan, waxaa la dejiyey nidaam cusub oo ogolaanaya in Qaramada Midoobay (QM) ay ka qaaddo wadamada xubnaha ka ah dhaqaalaha daboolaya 75% kharashka sannadlaha ah ee howlgalka, halka 25%-ka kale ay AU bixinayso. Heshiiskan waxaa lagu gaaray Qaraarka Golaha Ammaanka ee UN (UNSC) 2719. Go’aanka Golaha Ammaanka ee bishii December 2024 ee lagu aasaasay AUSSOM (Qaraarka 2767) wuxuu xusay in nidaamka maalgelinta wadaagga ah la adeegsan karo, balse waxaa la dhigay farqi lix bilood ah oo u dhexeeya bilowga howlgalka iyo hirgelinta nidaamkaas. Dowladda Mareykanka waxay ku dooday in aan weli la gaarin xilliga ku habboon ee Qaraarka 2719 si toos ah loogu dabaqo Soomaaliya. Waxaa la filayaa in kulan Golaha Ammaanka uu yeesho bisha May lagu go’aamin doono maalgelinta AUSSOM, iyadoo la rajeynayo in nidaamka dhaqaale ee cusub la ansixiyo. Caqabadaha siyaasadeed, howlgal iyo isku-dubarid Inkasta oo maalgelinta ay tahay caqabadda ugu weyn ee AUSSOM, haddana waxaa jira dhibaatooyin kale oo la xiriira siyaasadda, howlgallada iyo isku-dubaridka hawlaha nabad-ilaalinta. AUSSOM wuxuu ku dhex jiray xasarad siyaasadeed oo gobolka ka taagan. Itoobiya – oo ahayd dal muhiim u ahaa ATMIS – ayaa khilaaf la gashay Soomaaliya kadib markii Addis Ababa ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland, oo sheegtay inay ka go’day Soomaaliya. Dhex-dhexaadin ay Turkigu sameeyeen ayaa dejisay xiisadda, taasoo suuragelisay in Itoobiya ay qayb ka noqoto howlgalka cusub ee AUSSOM. Howlgalka wuxuu ku bilowday dhammaan dalalkii ciidanka iyo booliska ku darsaday ATMIS, marka laga reebo Burundi, oo ka baxay kadib markii ay khilaaf ka dhalatay qaabka loo kala qoondeeyay ciidamada. Waxaa sidoo kale suuragal ah in Masar ay ku biirto howlgalka, balse weli heshiis rasmi ah lagama gaarin qaab-dhismeedka ciidamada AUSSOM. Maalgelinta oo weli ah caqabadda ugu weyn Howlgalladii hore ee AMISOM iyo ATMIS waxay si weyn ugu tiirsanaayeen maalgelinta deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Midowga Yurub (EU) ayaa bixin jiray gunnooyinka ciidamada, halka Qaramada Midoobay ay ka caawin jirtay sahayda iyo qalabka ciidan ee Soomaaliya iyo howlgallada nabad-ilaalinta, iyada oo loo marayo Xafiiska Taageerada UN ee Soomaaliya (UNSOS). Hase yeeshee, habkan maalgelinta wuxuu ahaa mid aan joogto ahayn, aan la isku halleyn karin, isla markaana aan ku filnayn howlgalka baaxadda leh ee Soomaaliya. Soomaaliya waxay la tacaashay dhismaha dowladnimada, sida ansixinta dastuur cusub iyo dhisidda hay’ado amni oo shaqeyn kara. Caqabadan dhaqaale iyo midda amni waxay saameyn ku yeesheen waxtarka howlgalladii hore, keenayna dib u dhac mushaaraadka ciidamada ah iyo xakameyn la’aanta deegaanada laga saaray Al-Shabaab. AUSSOM waxay hadda wajahaysaa caqabado la mid ah. Inkasta oo la meel mariyey Qaraarka 2719 bishii December 2023, haddana waxaa jira caqabado dhanka dhaqaale ah oo ka hor taagan in lacagtii howlgalka loogu talagalay la helo. Helitaanka maalgelinta Qaraarka 2719 wuxuu ku xiran yahay in la fuliyo shuruudo horay loogu dejiyey Waddo-mareenka (Roadmap) UN iyo AU ee hirgelinta qaraarkaasi. Si arrinta loo xalliyo, Golaha Ammaanka waxaa la filayaa inay bisha May u codeeyaan ansixinta maalgelinta AUSSOM, kadib markii ay dib u eegaan laba warbixin oo waaweyn oo uu diyaariyay Xoghayaha Guud ee UN. Maalgelinta AUSSOM iyo doorka Mareykanka Isbedelka siyaasadda Mareykanka, gaar ahaan xilliga labaad ee madaxweyne Donald Trump, wuxuu halis gelin karaa maalgelinta howlgalka. Xukuumaddiisu waxay muujisay in ay dib uga gurayso ballanqaadyadii ay horey uga gashay taageerada nabad-ilaalinta caalamiga ah, taasoo saameyn ku yeelan karta maalgelinta howlgalka Soomaaliya. Horeyba, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka wuxuu 11-kii February sheegay in ‘Qaraarka 2719 aanu noqon mid lagu maalgeliyo AUSSOM, maadaama ay taasi ku qasbi doonto Mareykanka inuu si joogto ah u bixiyo lacagta howlgalka,’ taasoo su’aal gelisay doorka Mareykanka ee taageerada nabad-ilaalinta UN. Haddii Mareykanka hoos u dhigo doorkiisa maalgelinta howlgalka, waxa ay taasi keeni kartaa hoos u dhac weyn oo ku yimaada taageerada AU iyo UN ee Soomaaliya. Sidaas darteed, Guddiga Wadajirka ah ee UN iyo AU waa inuu dadajiyo fulinta shuruudaha lagu xusay Roadmap-ka si loo dhaqan geliyo Qaraarka 2719. Midowga Afrika waa in uu diyaariyo qorshe kale oo la tixgeliyo haddii maalgelinta 2719 ay dib u dhacdo ama la hakiyo, iyadoo la eegayo ikhtiyaarro yareyn kara baaxadda howlgalka. Sidoo kale, AU waa in ay xoojiso wadahadalka Golaha Ammaanka, gaar ahaan Mareykanka, si loo hubiyo in dhaqaalaha howlgalka la sii wado. Soomaaliya, oo hadda xubno ka ah Golaha Ammaanka, waxay ka faa’iidaysan kartaa fursaddan si ay u xoojiso dadaallada lagu sugayo maalgelinta AUSSOM. Hubanti la’aanta maalgelinta AUSSOM waxay muujineysaa caqabad weyn oo dhinaca maalgelinta howlgalada nabadda iyo amniga Afrika ah. Waxaa la joogaa xilligii Afrika ay yeelan lahayd istiraatiijiyad wax-ku-ool ah oo lagu yaraynayo ku-tiirsanaanta maalgelinta dibadda, isla markaana lagu xoojinayo doorka Midowga Afrika ee sugidda amniga qaaradda. Warbixintan oo ku soo baxday DefenseWeb, waxaa si wada jir ah u qoray: Tamrat Zeyede (Cilmi-baare Tababar ku jira), Dawit Yohannes (Maareeye Mashruuc iyo Cilmi-baare Sare, ISS Addis Ababa), Meressa Kahsu (Cilmi-baare Sare iyo Koordhine Wacyigelin), Tsion Belay Alene (Cilmi-baare, ISS Addis Ababa), iyo Emmaculate A Liaga (Cilmi-baare, ISS Addis Ababa). The post Dib u gurasho Mareykanka uu sameeyey oo caqabad ku noqon karta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Jubbaland ayaa ku baaqday in si wadajir ah loo wajaho dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, ayadoo si weyn u bogaadisay howlgallada ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwo Macawisleydu ka wadaan deegaanada Hirshabeelle. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri” Dowladda Jubaland waxay si weyn u bogaadinaysaa dadaalka ay wadaan Ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka is abaabulay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada kaga jira deegaanada Dowladda Hirshabeelle. Dadaalladan, haddii si mideysan loogu wada guntado, waxay horseedi karaan guulo wax ku ool ah oo lagu cirib tirayo kooxaha nabad-diidka ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladdaha xubnaha ka ah, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa saaran masuuliyad wadareed taabanaysa mustaqbalka dalkeenna. Haddii aan si wadajir ah ugu midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waa hubaal in aynu gaari doonno guulo waaweyn oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Waxaa muhiim ah in kala aragti duwanaanta siyaasadeed aanay fursad u siin kooxaha argagixisada inay dib isu abaabulaan, taas oo dhaawacaysa dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo horumarka dalkeenna. Dowladda Jubaland waxay ku baaqaysaa midnimo iyo wadajir qaran, si argagixisada looga ciribtiro dalka, taas oo lagu gaari karo nabad iyo horumar waara”. Source: goobjoog.com