Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,109
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ethiopian-Airlines-2.jpg?fit=860%2C458&s

    Hargeysa (Caasimad Online) – Somaliland oo markale ka hadashay arrimo la xiriira maamulka hawada ayaa shaaca ka qaaday in mar kale uu shil diyaaradeed ka dhici gaaray hawada, ayada oo hagayaasha diyaaradaha ee Muqdisho ku eedeysay inay sababi gaareen in ay isku dhacaan laba diyaaradood oo ay kala leeyihiin Emirates Airways iyo Ethiopian Airlines.

    Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Hay’adda Duulimaadyada Somaliland labada diyaaradood ayaa waxaa la siiyay xog sababtay in ay ku duulaan joog isku mid ah, taasi oo sababi gaartay inuu shil dhaco, waxayna falkaas ku eedeysay maamulka hawada Muqdisho.

    Dhacdadan ayaa dhacday 24-kii bishaan, waxayna Somaliland soo bandhigtay warbixin ku aadan macluumaadka diyaaradahaasi iyo sida ay wax u dhaceen.

    “Habeenimadii Axaddii  March 24 2024, abbaaro 12:43 Afrikada Bari , ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways oo duulimaadkeedu ahaa UAE722 kuna duulaysay joog 37,000ft iyo diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ETH690, kuna jirtay joog  37,000ft ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

    Sidoo kale hay’adda ayaa intaasi kusii dartay in dadaal ay sameysay kahor wakhtiga ay isku aadi lahaayeen labad diyaaradood, taasi oo sababtay in uu duuliyaha Ethiopian Airline uu si deg-deg u beddalo joogiisii, isla markaana uu koro jooga 39000ft.

    Weli waxaa la isku heystaa maamulka hawada Soomaaliya, murankan ayaa taagan muddo ka badan bil, kadib markii maamulka ay kordheen carqaladeynta maamulka hawada dalka.

    Shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ayaa horay Soomaaliya ugu dacweeyey hey’ad Qaramada Midoobey u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah, balse Soomaaliya ayaa ka jawaabtay dacwadahaas.

    Dhawaan Hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada Soomaaliya, iyadoo digniin u dirtay mamulka Somaliland.

    The post Diyaarado waaweyn oo mar kale ku sigtay inay shil ku galaan hawada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

  2. Golaha-wadatashiga.jpg?fit=2048%2C1365&s

    Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) wuxuu ahmiyaddii shaqo ee gobolka Banaadir u weeciyay inuu madaxweyne Xasan Sheekh la riixo howsha dastuurka.

    Shalay wuxuu boqolaal kamid ah dadka caasimada ku nool iskugu keenay fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana isu soo bixintaan dadweyne lagu sheegay mid lagu taageerayo shaqada dastuurka.

    Inkasta oo dadka meesha ka hadlay qaar ay ku dhawaaqeen ereyo aan munaasabad aheyn sida inuu Xasan Sheekh leeyahay dastuurka, haddana Madaale wuxuu u muuqday mid qudbadiisa kusoo jiidanaya madaxda sare ee dowladda, isaga oo weeraray mucaaradka.

    Dadka ay inta badan soo bixiyaan maamulka gobolka Banaadir ma ahan dad mowduuca la haysta, oo amar maamul ayaa lagu soo bixiya, waana yar yihiin dad akhriyay dastuurka iyo qodobada sida gaarka ah la iskugu hayo oo halkaas yimid shalay.

    Balse mida muhiimka ah waxay tahay aaway maamulladii gobollada kale ee dalka. Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxay bishii May ee sanadkii hore ka qaateen muddo kororsi, isagana waxay u ogolaadeen in qodobada uu rabo lagu daro dastuurka, ayna kala shaqeeyaan meel-marintiisa.

    Marka HirShabeelle laga reebo maamullada kale way qaateen muddo kororsigii, laakiin dhamaantood gacmaha ayay ka laabteen shaqada socota ee dastuurka.

    HirShabeelle iyada oo aan muddo kororsi la siin ayay ballanta wax ka gashay. Waxaa laga soo wariyay madaxda maamullada in aysan ku qanacsaneyn sida uu wax u wado madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin aanay rabin inay ka horyimaadan maadaama uu iyagaba toodii aqbalay.

    Ereyga ugu badan ee ay isticmaalan madaxda maamullada waa inay waxani dhaqan-geli doonin, sidaas awgeedna ayna rabin in Xasan Sheekh ku kala dhintaan wax aan berri shaqeyn doonin.

    Madaale isagu waa buddo gaar u tuman, wuxuu wajahayaa cadaadis kursi, maadaama uu magacaabis madaxweyne ku yimid.

    Muqdisho waxaa jooga dad badan oo raadinaya booskiisa, waxaana la fahamsan yahay in madaxda sare ee dowladda qaarkeed aanay ku qanacsaneyn shaqadiisa oo ay qabaan in la beddelo.

    Isku soo bixinta noocan ah ee shalay Muqdisho ka dhacday iyo weerarka joogtada ah ee uu Madaale ku hayo mucaaradka uma badna inay dabooli doonaan eedaha wax qabad xumo ee hareynaya maamulkiisa, laakiin mid waa macquul inay u dhasho taas oo ah in uusan madaxweyne Xasan Sheekh deg deg ku beddelin.

    In dhamaan madaxdii maamullada dalka ka gaabsadeen meel-marinta qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, marka laga reebo gobolka Banaadir waxay aad hoos ugu dhigtay rejada laga qabo inuu qorshahani dhaqan-gal noqdo.

    The post Sababta Madaale u riixayo qorshaha Xasan Sheekh xilli madax goboleedyada kale… appeared first on Caasimada Online.

  3. Wararka ka imaanaya deegaanka Daaru Al-Nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidanka dowladda oo iyo kuwa deegaanka.

    Dagaalka ayaa yimid kadib xubno ka tirsan Al-shabaab ay dagaal kusoo qaadeen deegaanka oo ay ku suagan yihiin ciidanka huwanta ah, dagaalka oo muddo socday ayaa la isku adeegsaday hub kale duwan.

    Deegaanka Daarul Al-Nimca ayaa dhwr jeer waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab waxaana ka dhashay khasaare soo kale garay labada dhinac.

    Dagaalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladdu maalmihii dambe ay waday abaabul xooggan oo looga golleeyahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada dalka.

    Source: goobjoog.com


  4. abc330b0-eb24-11ee-860f-4b0b053e4cd0.png

    Moscow (Caasimada Online) – Dhammaantood iyaga oo leh calaamado muujinaya dhaawacyo ku yaalla ayay ka soo hor muuqdeen maxkamad ku taala caasimadda Ruushka, waa afarta nin ee ku eedaysan in ay gaysteen weerarkii lagu dilay ugu yaraan 139-ka qof ee dhacay Moscow.

    Waxay afartuba ku eedaysan yahiin in ay gaysteen fal argagaxisonimo.

    Jimcihii tagay, ayay rag hubaysan gudaha u galeen masrax ku yaala magaalada Krasnogorsk ee oo dhacda waqooyiga magaalada Moscow, waxayna rasaas ku fureen dadweynihii masraxa daawanayay, ilaa 6,000 qof ayaana kasoo qayb galay bandhig faneed halkaa ka socday.

    Kooxda weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale waxa ay sababeen dab xoogan oo ku fiday goobtaasi, waxa ayna sababtay in saqafka uu soo dumo.

    Marka laga soo tago dadka dhintay, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in inka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen.

    Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ama ISIS, ayaana sheegatay in ay weerarkaas fulisay, halka mas’uuliyiinta Ruushka ay markii hore sheegeen in sheegashada ururka ay tahay mid “been ah”.

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horeysay qiray Isniintii in “Islaamiyiinta xagjirka ah” ay ka dambeeyeen weerarka, laakiin wuxuu soo jeediyay in weerarka uu yahay olole ballaadhan oo Ruushka ku aadan oo cabsi-gelin ah hormuudna ka tahay Ukraine.

    Waaxda Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa sheegtay inay afartan nin ku qabteen gobolka Bryansk, oo qiyaastii 400 oo kilomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Moscow, 14 saacadood kaddib markii uu weerarku dhacay.

    c5265a90-eb20-11ee-9410-0f893255c2a0.jpg
    Raggan ayaa maxkamada ka soo muuqday, waxaana masuuliyiinta Ruushka ay magacyadooda ku sheegeen Dalerdzhon Mirzoyev, Saidakrami Murodali Rachabalizoda, Shamsidin Fariduni iyo Muhammadsobir Fayzov.

    Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Ruushka ee Tass, waxay u dhasheen dalka Tajikistan oo ku yaalla waqooyiga Afgaanistaan.

    Bayaan ka soo baxay maxkamadda oo ku saabsan oo lagu baahiyay barta Telegram, ayaa lagu sheegay in Mirzoyev uu “si buuxda u qirtay dambigiisa” iyo in Rachabalizoda uu sidoo kale isna qirtay.

    Afarta qof ayaa ku sii jiri doona xabsi ka hortag ilaa ugu yaraan May 22, ayay maxkamadu ku dartay.

    Todobo qof oo kale ayaa lagu xiray dalka Ruushka, kuwaasoo looga shakisan yahay inay gacan ka geysteen weerarka.

    Calaamadaha dharbaaxada

    74bca6c0-eb22-11ee-b395-2f5efec47efe.jpg
    Muuqaal laga soo duubay, ayaa waxaa la arkaayay ciidamo booliis ah oo wajiyada xidhan, kuwaasi oo eedaysanayaasha usii wada maxkamadda degmada Basmanny ee caasimadda dalka Ruushka.

    Intii ay maxkamadda ku sugnaayeen, afartan qof waxay ku jireen muraayad gudaheeda, waxaana ilaalinayay ciidamo booliis ah oo wejiyada soo duubtay.

    Sawirada waxaad ku arki kartaa calaamado muujinaya garaaca maxaabiista.

    Markii wax laga weydiiyay jirdilka lagu eedeeyay, afhayeenka aqalka Kremlinka Dmitry Peskov wuxuu diiday inuu ka hadlo shir jaraa’id Isniintii.

    Ragga ay maxkamaddu magacyadooda ku sheegtay Mirzoyev iyo Rachabalizoda ayaa lahaa indho madoow, dhegta dambena faashad ayaa ku xidhnayd, sababta oo ah in qayb ahaan la jaray markii la soo xidhayay.

    Mirzoyev ayaa sidoo kale u muuqday inay qoorta ugu xidhan tahay bac kala jeexan.

    Wajiga ninka lagu magacaabo Fariduuni ayaa si xun u bararay, halka ninka lagu magacaabo Fayzov uu u muuqday inuu miyir beel ah, isaga oo gaariga la galiyay maxkamadda, isagoo xiran dharka isbitaalka.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, waxa uu u muuqday in ay il maqan tahay.

    Baadhitaano socda

    5448d9e0-eb22-11ee-860f-4b0b053e4cd0.jpg
    Ururka Daacish (IS) ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii Jimcihii la soo dhaafay sida ay ku baahiyeen Telegram-ka, waxayna daabaceen caddeymo muuqaal ah oo muujinaya kooxihii weerarka geystay oo tooganaya dadkii ku sugnaa hoolka bandhigga.

    BBC-da ayaa xaqiijisay in muuqaalku yahay mid sax ah.

    Peskov ayaa Isniintii sheegay in aysan habooneyn in laga hadlo dhacdada illaa baaritaanka la dhameeyo.

    Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay taageertay kuwa weerarka soo qaaday.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Axadii diiday eedeymahaas, waxaana agaasinka sirdoonka militariga uu sheegay inay tahay “wax aan macquul ahayn” in la soo jeediyo in nimanka ay isku dayayeen inay ka gudbaan xuduud aad u miinaysan, oo ay ka buuxaan boqolaal kun oo askarta Ruushka ah.

    Adrienne Watson, oo ah afhayeenka golaha ammaanka qaranka Mareykanka, ayaa sheegtay in IS ay “kaliya mas’uul ka tahay weerarka, aysana jirin wax ku lug lahaansho Yukrayniyaan ah weerarka”.

    Daacish oo beegsanaysa Ruushka

    Maraykanka ayaa uga digay Moosko horaantii bishan weerar lagu qaado Ruushka oo lagu bar tilmaameedsado isu soo baxyo waaweyn. Kadib waxay soo saartay ogeysiis guud oo ku wajahan muwaadiniinteeda ku sugan dalka.

    Digniintan waxaa meesha ka saaray Kremlinka oo ku tilmaamay dacaayad iyo isku day lagu doonayo in lagu farageliyo doorashadeeda madaxtinimo.

    Washington ayaa sheegtay weerarka kadib in aysan jirin sabab ay uga shakiyaan sheegashada IS.

    Ma noqon doonto markii ugu horeysay oo IS iyo xulafadeeda ay weeraraan Ruushka ama danahooda dibadda.

    Kooxdan ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqeyntii diyaarada Ruushka laga lahaa ee sanadkii 2015-kii lagu duqeeyay hawada dalka Masar oo ay saarnaayeen 224 qof oo u badnaa muwaadiniin Ruush ah. Waxay sidoo kale sheegteen weerarkii bam ee 2017-kii lagu qaaday tareenka dhulka hoostiisa mara ee St. Petersburg, kaas oo ay ku dhinteen 15 qof.

    Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in kooxdu ay u aragto Ruushka bartilmaameedka koowaad sababo dhowr ah oo ay ka mid tahay doorkii uu waddanku ku lahaa burburinta saldhigga awoodda IS ee Suuriya isagoo taageeraya dowladda Bashar al Assad.

    Isha: BBC

    The post Xogta afarta nin ee loo soo xiray weerarkii Moscow iyo jirdil ba’an oo loo geystay appeared first on Caasimada Online.

  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feseraalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal.

    Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba wax wayn ka bedeli doona.

    Dhankiisa Danjire Bing ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda, xilligaan oo dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo loogu jiri sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka.

    Source: goobjoog.com


  6. Diyaarado isku dhici gaadhay mar labaad

    Habeenimadii Axaddii March 24 2024, abbaaro 12:43 Afrikada Bari , ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways oo duulimaadkeedu ahaa UAE722 kuna duulaysay joog 37,000ft iyo diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ETH690, kuna jirtay joog 37,000ft ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen.

    Daqiiqado yar ka hor wakhtiga ay isku dhici lahayeen, ayaa dedaal ay sameeyeen Somaliland Air Traffic Controllers ka iyo duuliyaha diyaaradda Ethiopian Airlines, ay sababtay in uu duuliyuhu si deg-deg u baddalay joogiisii, isla markaana uu koray jooga 39000ft.

    Intaas oo kaliya maaha, waxa ay maamulayasha hawada ee Muqdisho (Mogadishu Controllors) si joogto ah u sameeyaan khaladaad kuwan la mid ah, kuwaas oo halis ku ah badqadbka diyaaradaha caalamiga ah.

    Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si xirfad sare leh u maamulaysaa diyaaradaha ku duulaya hawadeeda iyada oo ku filan adeegga ay u baahan yihiin, iyada oo mar walba saxaysa khaladaadka ay samaynayso Muqdisho, khaladaadkaas oo horseedi kara masiibooyin aad u wayn.

    Waxa aanu hay’addaha ay khususayso iyo dhammaan caaalamka la wadaagaynaa in is adkaynta iyo aqoon darrada ka muuqada Towerka Muqdisho ay khatar ku tahay badqabka hawada.

    Waxa aad halkan ka dhagaysan kartaa Controller -kii Muqdisho oo canaan iyo eedayn ku wajahan duuliyihii jeedinaya, isaga oo leh maxaad cid kale amarka uga qaadatay.

    Source


  7. Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Brazil iyo kooxda Real Madrid Vinicius Jr ayaa sheegay inuu ku dareemayo “xanuun”  inuu ciyaaro kubada cagta sababtoo ah cunsuriyada soo noqnoqda ee uu la kulmay, taas uu sheegay iney hoos u dhigi karto mustaqbalkiisa ciyaarta ee kubadda cagta.

    Xilli ciyaareedkii hore waxaa jiray 10 dhacdo oo noocan oo kale ah oo ka dhan ah 23 jirkan oo uu u gudbiyay dacwad oogayaasha La Liga, waxaana markaan dhacday xaalad adag isagoo ku jiray gudashada waajibaadka xulkiisa ciyaarta xulalka oo lagu maqan yahay todobaadyadaan socda.

    “Waan joogi doonaa sababtoo ah sidaas ayay cunsuriyiintu u sii wadi karaan inay arkaan wejigayga si aad u badan. Waxaan ahay ciyaaryahan geesi ah, waxaan u ciyaaraa Real Madrid, waxaana ku guuleysanay koobab badan, taasna uma cuntameyso dad badan” ayuu yiri.

    Hadalkiisa ayuu kusii daray ” Brazil ayaa wajaheysa Spain kulan saaxiibtinimo oo ka dhici doona garoonka Madrid ee Santiago Bernabéu, taasoo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah cunsuriyadda iyadoo halkudhiggiisu yahay “Hal Harag” xilli indhihiisa ay ka socotay ilmo badan Vinicius Jr.

    Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo qiiro leh Isniintii, Vinicius wuxuu intaas ku daray inaan lagu qasbi doonin inuu ka tago Real Madrid iyo Spain ama uu u ogolaado cunsurinimada taas oo uu ku tilmamay iney hor istaageyso inuu guuleysto, arrintaan ayaa noqotay mid isaga dhaawacday.

    “Nasiib darrose waxaa jira dad u aaday kubbadda cagta waxay u muuqataa inay iska daayaan dhammaan cadhadooda, xanaaqooda. Marka ay u muuqato in ay qof dhaawacayso, waxay sameeyaan wax badan oo waa naxariis. Dadka noocaan ah waa inaan loo ogolaanin” ayuu yiri.

    Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Brazil iyo kooxda Real Madrid Vinicius Jr ayaa kusoo aadaya xilli uu aad uga walaacsan yahay ciyaarta caawa xulkiisa uu la ciyaarayo Spain oo halka uu kasoo gaaray xanuunka uu tirsanayo, dad badan ayaa kula taliyay inuu lamid noqto Ronadinihii loowada istagay.

    Source: goobjoog.com


  8. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meelmariyey qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka hirgasha marinka Qaza, inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan, taas oo haatan maraysa kala badh, waxaana qaraarka lagu dalbaya gaarsiinta gargaar degdeg ah halkaasi.


    Qaraarkan ayaa sidoo kale dalbanaya in si degdeg ah oo bilaa shuruud ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha, lana qaado dhammaan caqabadaha la hordhigay gargaarka bini’aadanimo iyo in bedqabka dadka rayidka ah ee Qaza, kuwaas oo maraya xaaladdii ugu adkeyd sida Qaramada Midoobey laga xigtay.


    Qaraarkan ayay soo diyaariyeen 10-ka xubnood ee meertada ah ee ku jira golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana meelmariyey 14 dal, halka Maraykanku uu ka aamusay, taasoo fududaysay in qaraarkani dhaqangalo, maadaama uu sidoo kale saarin codkiisa diidmada qayaxan.


    Qaraarkaan ayaa ah markii sideedaad ee golaha ammaanku isku dayo inuu qaraar xabbad-joojineed ka soo saaro dagaalka Qaza, hase ahaatee intooda badan wuu ku guuldaraystay, kadib markii Mareykan uu saaray codkiisa diidamada qayaxan ah, taas oo mashaakilka sii kordhisay laakiin kan ayuu ka aamusay.


    Golaha ammaanka ayaa arrintaan u arka guul cadaadis lagu saari karo Israel in ay ku joojiso xasuuqa ay ka wado marinka Qaza, xilli Rafax ay ku xayioran yihiin gawaari xamuul ah oo urarnaa Waqooyiga oo sida gargaar, kaas oo ay hakiyeen ciidanka Israel, waxaana ka dhashay dhaleeceyn xooggan oo loo jeediyay.


    Dagaalka Qaza oo bilow October 2023 ayaa galaaftay nolosha in ka badan 35,000 oo Falastiiniyiin ah oo caruur iyo haween u badan, waxaana maalmihii ugu dambeeyay lasoo warinayay dhacdooyin xanuun badan oo ka dhacay Qaza oo ay ugu dambeysay dad shacab ah oo gawaarida Taangiga la dul marsiiyay.

    Source: goobjoog.com


  9. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhacday doorasho lagu soo doornayey hoggaanka cusub ee uu yeelan doono baarlamaanka guud ee dalalka Afrika, ee loo yaqaan Africa Pan African Parliement, waxaana kasoo qeyb gala oo codeeya xildhibanno iyo Senatorro ka socda Baarlamaannada dalalka.


    Golahan ayaa ka kooban xubno kala duwan oo ka kala yimaadda baarlaamaannada ay leeyihiin dalalka Qaaradda Afrika, iyada oo waddan kastaa ku yeelanayo shan xubnood, kuwaas oo ku matalaya dalkaas codbixinta lagu soo dooranayo hoogaanka cusub ee Baarlamaanka ay ku midaysan yihiin dalalka Afrika.


    Senator. Chief Fortune Charumbira oo u dhashay dalka Zimbabwe ayaa si aqlabiyad leh loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Baarlamaanka Pan-African-ka, isaga oo helay 161 cod, 32 ruux ayaa ka aamustay halka 11-na ay diiday sidaas ayuu ku noqday madaxweynaha Baarlamaanka dalalka Afrika.


    Dowladda Soomaaliya waxaa ku metelayey xubno kala duwan oo uu ka mid ahaa Professor Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, kursigaan ayaa ah meerto lixdii sano wareegta waxaana sanadkaan ku guuleystay waddamada dhaca Galbeedka, xilli sidoo kale dalalka Waqooyiga iyo Bariga iyo Bartamaha ay sugayaan.


    Professor-ka oo la hadlayay laanta BBC-da ayaa sheegay in Kursigaan u uku wareego dalalka waxaana uu caraka ku dhuftay insanadkaan Galbeedku qaateen “Walaal madaxtooyadu waa wareegto, hadda waxaa ku fadhiya waddammada Koonfurta, hadhawna waxaa xigaya waooyiga, bariga iyo galbeedka’ ayuu yiri.


    Marka laga soo tago madaxweynaha golahaan African Parliement waxaa sidoo kale goobta lagu soo doortaa Afar ku xigeen oo kala metelaya afarta jiho ee qaaradda, marka laga tago madaxweynaha golahaas ee oo ka imaan kara dhinaca kale, doorashada sanadkaan ayaa aheyd mid lagu tartamayay.

    Source: goobjoog.com


  10. golaha-wasiirada-2024.jpg?fit=2048%2C136

    Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo la dirireysa mid kamid ah argagixisada ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan adduunka, wasiirkeed gaashaandhiga waa Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

    Ninkaan dhalinyarada ah oo la sheego inuu waqtigiisa ugu badan ku bixiyo baraha bulshada sida; Facebook iyo TikTok, ayaa waxa uu cambaareyn xun kala kulmay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, xilli meydadkii ciidanka qaranka daadsanaayeen gobolka Shabeellaha Hoose.

    Argagixisada ayaa Sabtidii qabsatay xero ciidan oo ku taallay deegaanka Busleey ee gobolka Shabeellaha Hoose, askar badan oo amniga caasimada iyo daafaheeda muhiim u ahaa ayaa halkaasi ku dhimatay, waxaana kamid ahaa Taliye Liibaan Golcad.

    Wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya wax war ah, tacsi ama u dhirmin u sameyn askartii lagu laayey gobolka Shabeellaha Hoose ayuu Wasiir Jaamac soo saaray qoraal maldahan iyo qosol uu ku duraayo madaxdii mucaaradka ee ku shirsanaa magaalada Garoowe.

    Arrintan ayaa si weyn uga carreysiisay shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah ehellada askartii ku dhimatay weerarkii shalay. Waxay ku tilmaameen “masuul aan damiirku hageyn, ka macaashaya dhiigga dhalinyarada iyo xubin aan u qalmin inuu kursiga ku fadhiyo.”

    Wasiirka wax cudur daar ah kama bixin farriintiisa carrada ku riday shacabka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay in uusan haysan wasiir gaashaandhiga oo ku habboon la-dagaalanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

    Laakiin dadka dura hab fikirka madaxweyne Xassan Sheekh waxay sheegayaan inuu madaxweynuhu danno gaar aha Jaamac ugu hayo wasaaradda gaashaandhigga.

    Wasiirkani wuxuu aad iskugu mashquuliya dhaliisha dowladdii hore ee Farmaajo ee isagu xubinta ka ahaa. Laakiin taasi ma caawineyso Soomaaliyada holceysa ee u baahan caqli iyo cudud lagu samata-bixiyo.

    Xubno kamid ah dowladda hadda jirta ayaa shaqo maalmeedkoodii kahor mariyay inay baraha bulshada ku weeraraan madaxdii hore ee dalka, lamana hubo inay taasi kamid ah tahay siyaasadaha uu waayahan dambe caashaqay madaxweyne Xasan Sheekh.

    Dadweynaha waxay soo jeedinayaan in kahor wejiga labaad ee dagaalka argagixisada in loo baahan yahay wasiir gaashaandhiga oo leh khibrad, masuuliyad iyo faham uu ku akhrin karo xaaladda dalka, ahmiyaddiisuna tahay dhismaha ciidan tayo leh, xuquuq fiican haysta, niyadooda la ilaaliyo iyo soo afjarida argagixisada.

    Nooca wasiirka ay shacabka ku haminayaan inay ku arkaan wasaaradda gaashaandhigga iyo Wasiir Jaamac waa kuwo aad u kala fog.

    Qeyla-dhaanta shacabka ka muujinayaan hab dhaqanka Wasiir Jaamac iyo dhaawaca shalay maskax ahaan u gaaray ciidanka dowladda, labaduba waxay kusoo aadayaan iyada oo la hadal hayo in isku shaandheyn lagu sameyn doono xubno kamid ah golaha wasiiradda ee dowladda federaalka ah, marka ay dowladda ku guuleysato meel-marinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.

    The post Wasiir ka tirsan DF oo su’aallo laga keenay kursigiisa kadib arrin yaab leh oo uu sameeyay appeared first on Caasimada Online.

  11. Guddoomiye Xirsi oo soo Dhaweeyay Go’aan ka soo Baxay Golaha Ammaanka

    Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo dhaweeyay go’aankii golaha ammaanku ka soo saaray dagaalka Qasa.

    Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, waxaanu ku tilmaamay go’aan dan u ah ummadda falastiiniyiinta. Waxaanu yidhi

    “Waxa aan bogaadinayaa qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee maanta soo baxay. Go’aankan waxa uu mar labaad guul u yahay dadka reed Falastiin oo u muuqda in ay masraxa siyaasadda kaga adkaadeen rajiimka daalinka ah ee Netanyahu. Shacabka xaq u dirirka ah ee Falastiin oo u jilibdhigay gardarradda muddada qarniga ku dhow ay Israa’iil ku haysay bulshadaasi, oo dal ahaan iyo dad ahaanba dhibaato aad u weyni ka soo gaadhay xadgudubyadaa axmaqnimada leh ee saameeyay bulshadda reer Falastiin, nooc kasta oo ay tahayba.

    Waxa aan rejaynayaa in tallaabadan Golaha Ammaanka ee soo daahday ay meelmar noqoto, isla markaana soo afjarto xasuuqii iyo barakicintii joogtada ahayd ee lagu hayay shacabka reer Qasa iyo guud ahaan dadka reer Falastiin, aniga oo u rejaynayaa nabad, badhaadhe iyo guul waarta oo ay kula ciidaan dunida muslinka ah, waxa aanan fadliga bisha barakaysan Ilaahay uga baryayaa in uu guuleeyo oo gaadhsiiyo himladooda ah in ay cisi iyo sharaf ku noolaadaan!”

    Qaran News


  12. FB_IMG_1711437369455.jpg?resize=720%2C48

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing.

    Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudane Xamse uu Xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Xue Bing, islamarkaana ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal.

    Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, sida lagu sheegay Qoraalka uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

    Dhinaca kale, Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda.

    PUNTLAND POST

    The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.


  13. Abdullahi Jama Mohamed Waxa Hambalyayna Mo Farah oo tilmaamey inuu yahey ninka bedelaya Orodyahankii #Abdi_Bile_Abdi muddo ku dhow 40 sano ayuu saaxadda orodka caalamka ku soo celiyey Soomaalidda Abdulaahi Yare

    Waan hambalyeyna wiilkaan adeerka u ahey. Abdulaahi yare wuu dedaaley. Waxuna noqon doona xidig caalamka ka sheegan. Ciyaaro kale ayuu dhowaan ordi doona. Alle haku guuleeyo aan u duceyno.

    Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

    Qaran News


  14. DEG-DEG.png?fit=1000%2C522&ssl=1

    Daaru-Nimca (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan kooxda ay weerar ku qaadeen saaka fariisin ciidan oo ku taal deegaanka Daaru-Nimca.

    Weerarkan oo lagu sheegay mid gaadmo ah, ayna kooxda fulisay xilliga hore ee waaberigii, xilligaasi oo ay inta badan fuliyaan weerarada ay kooxda ku qaado xeryaha ciidanka dowladda.

    Fariisinta ciidan ee la wareeray ayaa waxaa deganaa ciidamo ka tirsan dowladda ee qeybta ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    Waxaa lasoo warinayaa khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkan, inkasta oo aan weli faah-faahin rasmi ah ay kasoo bixin.

    Maalmo kahor ayay aheyd markii ay kooxda weerar noocaan ah ay ku qaado fariisimo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaano dhaca dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    Al-Shabaab oo weeraradaas usoo abaabushay si qorsheysan, islamarkaana kula dheel-matay xilli hore oo ay hurdayeen inta badan ciidamada ku sugnaa goobaha la weeraray ayaa waxaa lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Golcad), kaasi oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu tala-galay sugida amniga Muqdisho iyo agagaarkeeda.

    Taliyaha ayaa markaas waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee waaberigaas weeraray.

    Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoojineysay weerarada argagixiso ee ay ku beegsaneyso ciidanka, xilli uu hoos u dhac ku yimid gulufkii dagaal ee ka dhanka ahaa, taasi oo loo aaneynayo soo rogaal celinta weerarada kooxda oo ay ku baxeen saraakiil muhiim u ahaa dagaalka socda.

    Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha kala soco Caasimada Online

    The post DEG DEG: Al-Shabaab oo saaka weerar ku ekeeyay fariisin ciidan oo ku taal Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.

  15. Firdhiye-SSC.jpg?fit=960%2C720&ssl=1

    Laascaanood (Caasimada Online) – SSC- Khaatumo ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in mashaariicda loogu tala-galay deegaanadeeda loo soo marsiiyay Somaliland, taasi oo ay sheegeen mid aysan aqbaleyn marnaba.

    Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Shiine ayaa waxa uu sheegay in tallaabadan ay qaaday dowladda dhexe ay muujinayso inay weki aaminsan tahay in deegaanada SSC-Khaatumo ay ka tirsan yihiin Somaliland, xilli ay SSC si madax banaan u maamulato deegaanadeeda.

    “Waxyaalaha la yaabka leh waxaa kamid ah, mashaariicaha la leeyahay Somailand baa la marinayaa, xaggee laga fulinayaa? soo waddankii dadkii lahaa gacanta kuma hayaan,” ayuu yiri Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC.

    Waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in dowladda federaalka mashaariicdii loo qoondeeyay in laga fuliyo SSC-Khaatumo ay geyso magaalada Hargeysa, isagoo xusay inay horey dowladda uga tabanayeen in aysan kasoo bixin kaalinta ay ka filayeen.

    “Ma waxaa la rabaa in mashaariicahaas (la geeyay Hargeysa) ay Somaliland ku gadato hub iyo saanad ay kusoo weerarto SSC- Khaatumo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Maxamed Shiine.

    Ugu dambeyntiina wuxuu dowladda federaalka ku booriyay in looga baahan yahay inay mashaariicda u qeybiso si caddaalad ah, “si gaar ahna u eegto deegaaanada nugul sida SSC- Khaatumo,” sida uu hadalka u dhigay.

    Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya 60 Milyan oo dollar u qoondaysay in lagu bixiyo arrimaha waxbarashada, ayada oo deegaanada laga fulinayo mashruucaan oo socon doona 3 sano aysan ku jirin SSC.

    The post SSC-Khaatumo oo DF u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.

  16. 15400473426_857e693c03_c.jpg?resize=799%

    Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa digniin dhanka socdaalka iyo amniga ah u dirtay dadka Mareykanka ah ee ku sugan Faransiiska iyo kuwa u socdaalaya.

    Muwaadiniinta Maraylanka ee ku sugan Faransiiska ayaa loo sheegay in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan, kana fogaadaan goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan.

    Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa maalmo kaddib weerarkii tiyaatarka Moscow oo sidan oo kale Mareykanka uu muwaadiniintiisa uga digay toddobaad ka hor ah.

    Faransiiska , waxaa laba maalmood ka hor la geliyay xaalad feejignaan iyo heerkii ugu sarreeyay ee u diyaar garow weerarro argagixiso oo dalkaa ka dhici karaa, waxaana la kordhiyay tallaabooyinka amniga.

    PUNTLAND POST

    The post Maraykanka oo digniin amni u diray muwaadiniintiisa ku sugan Faransiiska appeared first on Puntland Post.