-
Content Count
213,269 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Soddonkii sano ee ina dhaafay xiriirka Imaaraatka iyo Soomaalidu marxalado kala geddisan ayuu soo maray.
𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐢𝐢 𝟏𝐚𝐚𝐝: Daneyn la’aan ay weheliso inyar oo kaalmo bani’aadanimo ah iyo fududeynta dhaqdhaqaaqyada ganacsi. 𝟏𝟗𝟗𝟏/𝟐𝟎𝟎𝟎.
𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟐𝐚𝐚𝐝: Danayn la’aan ay la socoto in colaadda Soomalida dhexdooda fursad ay kusii dabadheeraato la siiyo. Waa niyad xumi ku dhisan in dagaalka sokeeyo sii jiitamo. 𝟐𝟎𝟎𝟏/𝟐𝟎𝟎𝟔.
𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟑𝐚𝐚𝐝: Bixinta miisaaniyada duullaankii uu soo qaaday nidaamkii Tigreega ee salka ku hayey duminta Maxkamadihii Islaamiga ahaa. 𝟐𝟎𝟎𝟕/𝟐𝟎𝟎𝟗.
𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟒𝐚𝐚𝐝: Waa bilaabashadii faragelinta tooska ah ee arrimaha siyaasadda dalka.
𝟐𝟎𝟏𝟎/𝟐𝟎𝟏𝟒.
𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟓𝐚𝐚𝐝: Kala irdhayntii umadda Soomaaliyeed iyo iska horkeenka Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe. Sidoo kale, curintii fitno ka dhex alooska madaxda ugu saraysa dalka ee heer Federaal.
𝟐𝟎𝟏𝟒/𝟐𝟎𝟏𝟔.
𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟔𝐚𝐚𝐝: Isku daygii duminta dowladnimada iyadoo Caasimadda laga abaabulayo dagaallo sokeeye, isla markaana layska horkeenayo maamullada gobolada iyo dowladda dhexe. 𝟐𝟎𝟏𝟕/𝟐𝟎𝟐𝟐.
𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟕𝐚𝐚𝐝: Dib u burburintii iyo Kala daadinta ciidanka qaranka iyo kala dhantaalida wada jirka qaranka iyadoo la adeegsanayo wakiillo idman oo dowladda ku dhex jira.
𝟐𝟎𝟐𝟐/𝟐𝟎𝟐𝟔.
𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟖𝐚𝐚𝐝: Dib usoo kabashada iyo ka dhex saarista Imaaraadka ee arrimaha dalka, iyadoo laga duulayo fahamka iyo baraaruga dadweynaha, isla markaana la kaashanayo garaad-wadareedka bulshada.
𝟐𝟎𝟐𝟔/𝟐𝟎𝟑𝟏.
𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝:
Mashruuca Imaaraatka ee Soomaaliya waa guur isku danaysi ku qotoma oo dhexmaraya qaswade doqon ah oo ka arradan garashada iyo hal abuurka, awoodna aan u lahayn inuu gaaro wax natiijo ah iyo mid nacas ah oo nacfi u leh, aanan lahayn wax sariigasho ah, una nugul shisheeyaha!
W/Q: Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee NISA.
The post Sideedda marxalad ee xiriirka Imaaraatka iyo Soomaalida – Waxaa qoray Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online. -
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa xarunta Wasaaradda Maaliyadda Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Mudane Joachim Waern.
Wasiirka Maaliyadda XFS Md. Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isaga iyo Safiirka arrimo ay ka mid yihiin, qorshaha cusub ee dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud iyo hagaajinta xiriirada dhaqaalaha.
Dowladda Sweden waxa ay ka mid tahay Dowladaha sida gaarka ah saaxiibka ula ah Dowladda Soomaaliya, waxa ayna qeyb ka tahay Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ay ka fuliyaan Saaxiibada Caalamka.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland oo xalay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka ayaa sheegtay inay yeelaneyso awoodda dowlad madax-banaan.
Hoggaanka Puntland oo meel adag iska taagay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ayaa ku doodeysa inay awood u leedahay inay u dhaqanto sidii dowlad madax-banaan illaa inta laga helayo dastuur federaal ah oo heshiis lagu yahay, oo loo qaado afti dadweyne.
“Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shir deg deg ah oo xalay ay yessheen Golaha Wasiirrada Puntland.
Maamulka ayaa sidoo kale ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheekh inuu buriyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee isaga lagu doortay laguna dhaariyey, sidaasi darteedna uu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee madaxweynanimo, sida uu sheegay hoggaanka Puntland.
“Dowladda Puntland waxay si toos ah ugala xaajoonaysaa beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda,” ayaa sidoo kale qoraalka Puntland.
Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso oo wada-shaqeyn la yeelaneyso cid kasta oo aqoonsan kuna dhaqmeyso dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la ansixiyay 1-dii August 2012-ka.
Si kastaba, Go’aannada Puntland ayaa ah kuwa ay uga jawaabeyso tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya, ee uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka dalka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.
The post Puntland oo yeelaneysa awoodda dowlad madax-banaan hal sabab darteed appeared first on Caasimada Online. -
XUBINTA KOMISHANKA EE WADANI AY MAGACAABEEN.
Siciid Maxamad X. Cismaan aniga wuu iga yaraa oo garanmaayo, laakiin waxaan garanayaa qoyskuu ka soo jeeda, waa qoys reer Burco ah oo ku sifoobay edaab, akhlaaq diimeed, dhaqan Muslim, dad nabadeed aabbihii wuxuu ahaa ganacsade ilaahay uu sharaf iyo muslinimo uu ku manaystay oo caan ku ahaa Magaalada Burco.
Waan soo dhawaynayaa anigoo Kulmiye ah waxaan leeyay duuduub hallagu asaxiyo Siciid Maxamed Xaaji Cismaan
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON. -
Puntland ayaa ku dhawaaqday go’aan siyaasi ah oo ay gaadheen golaheeda wasiirrada balse u madlan yihiin golaheeda wakiillada kaas oo ah in ay kalsoonidii ay kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, ka dib markii shalay ay barlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel mariyeen wax ka baddelka dastuurka.
“Dowladda Puntland waxay halkan ku hakisay dhammaan wadashaqeyntii iyo xidhiidhkii ay la lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo soo baxay xalay saqdii dhexe.
Xidhiidhka waxaa dib loo soo celin lahaa oo kaliya haddii Muqdisho ay “soo celiso oo ay raacdo dastuurka federaalka ah ee saxda ah ee dalka”, iyo sidoo kale wadatashiyada ku saabsan arrimaha amniga iyo xaqiijinta in si cadaalad ah loo qaybiyo deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo dhan, ayaa intaa lagu sii daray.
Sidaas oo kale waxay Puntland sheegeen inay u dhaqmayaan “sida dowlad madax bannaan inta laga helayo dowlad wax heshiis lagu yahay oo ay qayb ka yihiin” sida lagu sheegay go’aanka ka soo baxay.
Maxaa ka dhalan kara go’aanka Puntland?
Khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ayaa soo taagnaa in muddo ahba, waxaana dadka u dhuun-daloola arrimaha Soomaaliya ay sheegayaan, in saameyntiisa uu wato go’aankan ugu dambeeyay ee Puntland.Puntland oo lagu naaneyso “Hooyada Federaalka” ayaa waxaa jiray arrimo dhowr ah oo ay hore isugu khilaafeen dowladda federaalka.
Haddaba aan eegno dhowr arrimood oo go’aankan uu saameynayo.
Dhaqaalaha
Soomaaliya ayaa ah dal wali ku tiirsan kabid dhaqaale oo ay ka helaan caalamka gaar ahaan dalalka caawiya kaas ka mida halbowlayasha dhaqaalaha dalka.Puntland ayaa ka mid ah maamullada hela saamiga dhaqaale ee ay dowladda dhexe ka hesho caalamka gaar ahaan kuwa dalalka taageera iyo haya’adaha dhaqaalaha ee Bangiga Adduunka iyo IMF.
Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, inkasta oo xidhiidh koodu xumaa labada dhinac haddana ay Puntland lumin karto fursaddaas, maaddaama ay gabi ahaanba hadda jartay xiriirkii dowlada federalka.
Puntland ayaa sidoo la xasuustaa inaysan kaalin weyn ku lahayd heerkii dayn cafinta muddooyinkii danbe laga soo bilaabo muddo xilledkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxda Puntland ayaa hore u sheegay inaysan helin kaalmadii beesha caalamku siiyeen Soomaaliya qaybtii ay ku lahaayeen sida uu BBC-da horaan u sheegay wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
Waxbarashada
Tani waa qodob kale oo muhiim u ah Puntland, marka la eego kaalinta ay ku leedahay deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka hesho dalalka ka taageera waxbarashada.Inkasta oo Puntland iyo dowladda federalka isugu maandhaafeen xal u helidda arrintaas, oo ayba dowladda dhexe hakisay deeqaha waxbarasho ee Puntland ka heli jirtay dowlada federalka xilligii dowladdii madaxweyne Farmaajo, haddana tani waa caqabad ay mar kale la kulmi karaan ardayda deegaanadasi sida uu BBCda u sheegay Maxamed Mukhtaar.
Arrimaha bulshada
Khilaafka Puntland iyo dowladda federalka kaliya ma saamayn dhanka siyaasadda oo kaleiya, basle waxaa kale oo saamayn togan uu ku yeeshay arrimaha bulshada.Puntland ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah aan ka qayb galin ciyaaraha maamul-goboleedyada dalka oo ka dhacay Muqdisho, sababo ay ku tilmaameen inay kala heshiin dowladda dhexe hannaankaas sida uu horaan BBC u sheegay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid.
Waxyaabaha uu dhaawici karo khilaafka cusub ee labada dhinac
Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday xilligii xukuumaddii Cabdirixmaan Maxamed Faroole, ka dib kala aragti duwanaan ka dhalatay hannaanka wada shaqaynta ilaa xilligaas marnaba ma fiicnayn wada shaqaynta Garoowe iyo Muqdisho sida uu qabo Maxamed Mukhtaar oo arrimaha Soomaaliya ka faallooda wasiirna ka soo noqday dowladda dhexe.
Wuxuu Mukhtaar sheegay in qodobbadan yihiin kuwa dibu dhac uu ku imaan karo haddii uu sii socdo khilaafadka ragaadiyey dhinacyada.
Mideynta canshuuraha
Soomaaliya ayaa hadda maraysa heer falanqeeyasha dhaqaalahu ay ku tilmaameen mid soo kabasho fiican ah ka dib markii dalalkii daynta ku lahaa Soomaaliya ay ka cafiyeen.Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah ugu biirtay daladda bulshada bariga Afrika taas oo ah madal dhaqaale oo xoog leh. Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar tani waxaa ku imaan kara dhibaato haddii aysan dowladda dhexe la imaan midaynta canshuuraha dalka.
Puntland ayey deegaannadeeda ku yaallan ilo dhaqaale oo muhiim u ah dalka.
La dagaallanka al-Shabaab
Madaxeynaha Soomaaliya ayaa ajandayaashiisa hor tabeninta leh kaalinta hore ka galiyey in Soomaaliya laga cirrib tiro kooxda al-Shabaab oo muddo dhowr iyo toban sano ah dagaal kula jirta dowladda.“Dagaalka dowladdu kula jirto al- Shabaab waxyaabaha muhiimka u ah waxaa ka mid ah in la helo kalsooni iyo wadajir, lagana wada shaqeeyo sidii looga adkaan lahaa, marka taas qudheeda waxaa ku iman kara dibu dhac weyn” ayuu BBC u sheegay Maxamed Mukhtaar.
Xiisadda Soomaaliya kala dhaxaysa Itoobiya
Dowladda Soomaaliya ayaa la kulantay mid ka mida xiisadihii diblomaasiyadeed ee ugu weynkaa ka dib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeeya dowladda Itoobiya.Xiisadda labada dal ayaa timi ka dib markii Addis Ababa ay heshiis ku wada gaareen Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya kaas oo si weyn uga caraysiisyey Muqdisho.
Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo ah falanqeeye arrimaha gobolka ah ayaa BBCda u sheegay in khilaafka hadda ee Puntland iyo dowladda dhexe uu saamayn ku yeelanayo arrintaas maaddaama sida uu sheegay loo baahnaa midnimo gudaha oo Soomaaliya dhexdeeda ah.
“Waxaan is leeyahay arrintan iyo doorkii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh kaga jawaabtay ay ahayd mid ay ku heshay dowladda federalku kalsooni ummadeed basle taas waxaan is leeyahay waxay wax gaarsiin kartaa waxa hadda taagan” ayuu yiri Cabdiweli Maxamuud Gurey.
Xaggee laga aadaya halka la joogo?
Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar, waxaa wakiillada beesha caalamku ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo la doonayo in lagu dajiyo xiisadda.“Beesha caalamku waxay isku dayi doonaan inay culays ku saaraan labada dhinac sidii loo wada hadli lahaa oo laysu soo jiidi lahaa balse khilaafka ayaa u muuqda inuu taagan yahay meeshii u dambaysay” ayuu yiri Maxamed.
Sidaas oo kale Cabdiweli Maxamuud Guray ayaa sheegay inay muhiim tahay in xilligan laga gudbo khilaafadyada
“Soomaalinimadu in la kala tago maha, dani kuma jirto, caqli maaha, waxaan aaminsanahay in markasta laysaga soo dhawaado arrintaas” ayuu yiri Gurey.
Khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday muddo xilleedkii Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole ee Puntland kaas oo salka ku yahay wax ka mida qodobada hadda dhinacyadu ay ku kal aragti duwan yihiin.
Wadashaqaynta ayaase heerkii ugu hooseyey gaartay muddadii lixda sano ahayd ee ugu danbaysay taas oo ka soo bilaamaysa muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo.
bbcsomali
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gaba-gabeenayay tartanka Qur’aan aqriska bisha Ramadaan ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.
Tartankaan oo mid sanadle ah ayaa waxaa taaba-geliya guddoomiyaha gobolka Banaadir Md. Madaale, waxaana ku tartamay ardey ka kala socday dugsiyadda Qu’aanka Kariimka ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.
Guddoomiye Madaale ayaa abaal-marino lacag ah siiyay ardeyda kaalmaha hore ka gashay tartankaan, kuwaasi oo kaalimaha u kala galay:
1- Mujiiburaxmaan Maxamed Cabdullaahi (Kaalinta 1-aad). Waxa uu ka socday degmada Waabari.
2- Asmaa Maxamed Ibraahim (Kaalinta 2-aad) oo ka socotay degmada Wadajir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in guuleystayaasha kala galay kaalmaha 1-aad iyo 2-aad Waalidiintooda loo qaadi doono Xajka.
Waxa uuna ku amaanay ardayda xaafidul Qur’aanka iyo Waalidiintooda sida ay ugu da’daaleen xafidida Qur’aanka Kariimka oo ah daraja iyo maqaamka sare oo uu gaaro qofka muslimka ah.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta maamulka gobolka, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta iyo awqaafta, xildhibaano, culuma’udiin, agaasimeyaal, guddoomiyeyaal degmo, ururka haweenka gobolka, macalimiinta dugsiyadda, waalidiin iyo marti sharaf kale.
The post Sawirro: Madaale oo maanta bixiyay abaal-marino lacag ah iyo ballan-qaad weyn appeared first on Caasimada Online. -
Hargeisa (HOL) - Somaliland police forces in the Sahil region have arrested a driver who allegedly fled the scene after hitting a 9-year-old boy on Saturday at 11:20 PM.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.
Kadib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada maamulka, Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa beesha caalamka, sida lagu yiri qoraal goordhoweyd kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa la wadaagay Qaramada Midoobey qoraalka rasmiga ah ee go’aanka Puntland, kaasi oo ay aqoonsigii iyo kalsoonidii kagala laabteen hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.
Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo hay’adaha Puntland, iyadoo la dardar-gelinayo wada shaqeyn toos ah, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.
Kulankaan ayaa imanaya saacado kadib markii maamulka uu ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka, uuna qaadacay tallaabadi uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya.
Puntland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub.
Si kastaba, Wax ka beddelka dastuurka ee shalay meel-marka noqday ayaa la kulmaya diidmo xooggan oo dhanka madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana shaki la gelinaya dhaqan-galkiisa, xilli uu baarlamaanka ka fal-xashay afarta cutub ee u horreysay dastuurka.
The post Sawirro: Puntland oo QM la wadaagtay go’aan culus iyo ‘macaamil toos ah’ oo bilaabanaya appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.
Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Dowladda Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee Go’aanka Dowladda Puntland.
Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Dowladda Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.
Halkan ka eeg Sawirada Shirka
PUNTLAND POST
The post Puntland iyo Beesha Caalamka oo Maanta Shir ka yeeshay Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo kuwa Bini’aadanimada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubka 1–4-aad ee dastuurka Soomaaliya ayaa shalay lagu ansixiyay xarunta baarlamaanka Soomaaliya. 212 mudane oo Golaha Shacabka ah oo lagu daray 42 mudane oo Aqalka Sare ah ayaa “Haa” ugu codeysay afartaan cutub, taas oo ka dhigan inuu ku maray aqlabiyad ay wadarteeda guud tahay 254 mudane.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waqti iyo xoolaba gelisay ansixinta afartaan cutub, si gaar ah cutubka 4-aad oo ay ku jiraan qodobada ugu muhiimsan dastuurka, gaar ahaan kuwa taabanaya siyaasadda iyo hab xukunka dalka ayaa muhiim u ahaa Madaxtooyada.
Waxaa soo koobeyna lixda qodob ee ugu muhiimsan cutubyada dastuurka ee shalay uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya?
1. Kursiga ra’iisul wasaaraha
Kadib markii ay xoogeysteen dadka diidan inuu dalka yeesho hanaanka madaxweyne iyo ku-xigeen ayey madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa bedelkeeda keensadeen ra’iisul wasaare uu eryi karo madaxweynaha markii uu doono.
Markii hore baarlamaanka oo keliya ayaa eryi karay ra’iisul wasaaraha, qodobkan wuxuu shalay baarlamaanka ku maray inuu madaxweynaha xilka ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha xilligii uu doono, taasi oo daciifin doonta qiimaha kursiga.
Waxaa loo badinayaa in kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay markii horeba halkaas u socdeen oo madaxweyne ku-xigeenka dhab ka aheyn.
2. Hanaanka doorashooyinka
Hanaanka doorashooyinka ee dalka ayaa laga dhigay qof iyo cod, waa in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada labada sidaas lagu soo doorto.
Muddo sanad ah oo muddo kororsi ah ayaa horey loo siiyay madaxda maamullada, haddana haddii aan loo ogolaan doorasho dadban waxay u baahan doonaan waqti dheer, si ay u qabtaan doorasho qof iyo cod ah, halkaas muddo kororsi ama khilaaf midkood ayaa kasoo socda.
3. Xisbiyada
Tirada xisbiyada uu dalka yeelan doono ayaa waxaa laga dhigay saddex xisbi. Mucaaradka ayaa markii hore si weyn u diiday in labo xisbi lagu soo koobo dalka, laakiin waxaa shalay la ansixiyay saddex xisbi siyaasadeed, iyada oo lifaaq lagu soo saari doono sida ay kusoo baxayaan saddexda rasmiga ah.
4. Guddiga doorashooyinka
Dalka waxaa uu yeelan doona hal guddi doorasho. Tirada guddiga doorashooyinka waxaa laga dhigay 18 xubnood. Markii hore madaxda maamullada iyo dowladda dhexe waxay ku heshiiyeen 15 xubnood, laakiin hadda saddex ayaa lagu daray.
Waxaa kale oo meesha laga saaray in maamul goboleedyada xubno soo magacaaban, waxaana 18-kaba lagu mariyay in xukuumadda soo magacaabi doonto, iyada oo la tashaneyda dhinacyada ay khuseyso.
5. Magaca ragga xukuma maamullada dalka
Hoggaamiyayaasha gobollada waxaa u qorneyd muddo fog inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka shalay maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye, waxaana laga bilaabo maanta meesha ka baxday in loogu yeero madaxweyneyaal, waana mid kamid ah qodobada ay dadka Soomaalida badi isku raacsan yihiin.
6. Muddo xileedka
Marka Puntland laga reebo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waxaa muddo xileedkooda ahaan jiray afar sanno, laakiin hadda waxaa laga dhigay guud ahaan dalka oo dhan inuu muddo xileedka yahay labada heer dowladeedba shan sanno.
The post Aqriso: Lixda qodob ee ugu waaweyn wax ka beddelka dastuurka ee shalay la ansixiyay appeared first on Caasimada Online. -
Eedaysane Maxamed Farxaan Jamac oo ahaa darewalkii waday baaburkii jiidhay ilmaha yar ee 9 jirka ah ayaa laga soo qabtay Magaaada Burco kadib markii uu baxsaday isla habeen hore.
Ciidanka boolisku waxay sheegeen inay hore uxidheen baaburkii shilka gaystay.
Ciidanka booliska ayaa sheegay inay sidoo kale inay ku daba-jireen koox dhalinyaro ah oo la socotay eedaysanaha markii shilku dhacay
Hawl-gal qaatay mudo 24 saacadood ah ayaa lagu soo qabtay eedaysanaha iyo baaburkii uu watay , waxaa arinkaasi loo xidhay in ka badan 300 gaadiid ah .
-
Baidoa (HOL) - Security forces in Baidoa, the capital of the Bay region, have apprehended a man who allegedly threw a hand grenade at a mosque in a neighborhood of Baidoa town on Saturday night.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka falceliyay tallaabadii ay Sabtidii shalay ku meelmariyeen xildhibaanada labada gole wax ka beddelka dastuurka.
Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka baarlamaanka uu yahay mid geesinimo leh, isla markaana waa cusub u furay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
“Shaqo iyo howl hadda ayay bilaabatay, waa cusub ayaana Soomaaliya u baryay” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka dalka.
Isaga oo ka hadlayay arrimaha dastuurka waxa uu hoosta ka xariiqay inuu yahay mid ay Soomaali qoratay, isla markaana lagu diyaariyay hanti qaran oo Soomaaliyeed.
“Waa dastuur Soomaali qorotay, ayna ka dooday, Soomaalina ansixisay waxaana lagu diyaariyay aqoon, tabar iyo hanti Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Macallin.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in afarta cutub ee la ansixiyay inay awood siinayaan shacabka Soomaaliyeed, si ay usoo doortaan hoggaankooda.
“Maanta waa maalin wayn oo taariikhi ah waa maalin dadweynaha Soomaaliyeed loo soo celshay awoodoodii oo ay ku dooran lahaayeen madaxdooda” ayuu markale yiri.
254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh shalay u meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, mana jirin cid diiday, ama ka aamustay.
Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado muddo 55 sano ah kadib, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.Si kastaba, waxaa weli go’aankan diidan xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo iyadu ku dhawaaqday inay kalsoonidii kala laabatay dowladda federaalka Soomaaliya.
The post Daawo: Soomaaliya oo waa cusub u baryay kadib tallaabadii uu shalay qaaday BF appeared first on Caasimada Online. -
Truce talks between Israel and Hamas are expected to resume in Cairo on Sunday, Egyptian media reported, days after the United Nations Security Council issued its first demand for a ceasefire in the war on Gaza.
-
The Uganda Consulate in partnership with the tourism stakeholders at the Kenyan coast will next month hold a four-day Ugandan culture and food festival as part of ongoing efforts to enhance tourism among the two East African neighbours.
-
At least seven people were killed and thirty injured on Saturday in a car blast in a busy market place in the rebel held Syrian town Azaz near the Turkish border, residents and rescuers told Reuters.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, isaga oo sidoo kale si cajiib ah ugu jawaabay madaxweynayaashii hore ee dalka Farmaajo iyo Sharfiif.
Ugu horeyn Odowaa ayaa boggaadiyay wax ka beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, dhanka dowladnimada.
Intaas kadib xildhibaanka ayaa u jawaabay Maxamed Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo labaduba ka biyo diidan talllaabadan oo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya.
Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in labada madaxweyne hore ay hadda yihiin laba xildhibaan, loogana baahnaa inay kulanka yimaadaan oo ay ra’yigooda dhiibtaan.
Labada madaxweyne ee hore ee aniga qadarin baa u hayaa waa laba xildhibaan marka waxa ay ahayd in maanta inay yimaadaan halkan oo ay ka codeeyaan” ayuu yiri Odowaa.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaannadu ay isku fac yihiin, isla markaana ay leeyihiin cod ay wax ku diidi karaan ama ku yeeli karaan.
“Waxaan idin sheegaa xildhibaan kama cod badna xildhibaan kale marka xildhibaannadu waxaa isku facee ha’is aaminaan, hana yimaadaan” ayuu sii raaciyay.
Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah kooxda aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay waxa ay guul ka gaareen arrinta dastuurka oo ay muddo ka taagnayd dood.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xubnaha mucaaradka oo ay hoggaaminayaan Farmaajo iyo Shariif ay kasoo horjeesteen wax ka beddelka dastuurka, waxaana dhankeeda tallaabadan qaadacday Puntland oo sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dowlada dhexe.
The post Odowaa oo si cajiib ah ugu jawaabay Shariif iyo Farmaajo, “Xildhibaannada waa isku fac ee…” appeared first on Caasimada Online. -
Doorashada wadanka Turkiga ee dowladaha hoose ayaa maanta ka qabsoomeysa dalkaasi, waxaana indhaha ku haya caalamka isbedelka la saadaalinayo inuu ka dhici karo Turkiga, waxaa 81-ka gobol ee dalka Turkiga ay shacabka u dareeri doonaan codbixinta doorashooyinka dowladaha hoose ee dalkaasi.
Guddoomiyaasha gobollada, meeyarrada magaalooyinka, guddoomiyaasha degmooiyinka ilaa xaafadaha ayaa lasoo dooran doonaa, Ankara iyo Izmir ayaa lagu wadaa in ay ku guuleystaan mucaaridka oo looga badan yahay dowladda halka magaalooyin ay ku jirto Istanbul ay gacanta ku hayaan xisbiga AKP Party.
Natiijooyinka Axadda ayaa xoojin kara xukunka Erdogan ee xubinta NATO ee Turkiga, ama calaamad u ah isbeddelka dhaqaalaha weyn ee soo baxaya ee muuqaalka siyaasadeed ee kala qaybsan. Guusha Imamoglu ayaa la arkaa inay sii hurinayso rajada laga qabo inuu noqdo hoggaamiye qaran mustaqbalka.
Injineer Murat Ercan, oo 60 jir ah, ayaa sheegay in aanu raali ka ahayn in Erdogan uu door firfircoon ka qaato u ololaynta xisbigiisa ka hor doorashada, isaga oo aaminsan in madaxweynuhu uu ahaado mid dhexdhexaad ah oo uu ka fogaado waxkasta oo keeni kara inuu ku lug yeesho doorashooyinka socda.
Natiijooyinka waxay u badan tahay in ay qaabeeyaan qayb ahaan dhaqaale xumo uu keenay sicir-bararka 70% ku dhow, iyo codbixiyayaasha Kurdiyiinta iyo Islaamiyiinta oo miisaamaya waxqabadka dawladda. Qaar ka mid ah codbixiyayaasha oo sheegay in xisbiga talada haya uu sameeyay wax walba uu kusoo laaban karo.
-
Hargiesa (HOL) - Somaliland's Minister of Information, Ali Hassan Mohamed, known as Ali Marehaan, stated on Saturday that the new Constitution approved by the Parliament of Somalia does not apply to Somaliland regions.
-
The Canadian government on Saturday, March 30 announced the deployment of soldiers to train troops from the Caribbean Community (CARICOM) ahead of the peacekeeping mission to Haiti.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada, waxaana lagu qaadacay go’aankii shalay Baarlamaanka labadiisa gole ay ku ansixiyeen Dastuurka 4-tiisa cutub ee ugu horeyso, waxaana gabagabadii laga soo saaray War-murtiyeed.
-
Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud commended the bicameral federal Parliament for approving the first four chapters of the Constitution after several weeks of heated debates.
-
Arsenal are preparing for a huge trip to face Manchester City in the Premier League title race this weekend.
-
MOGADISHU — Somalia's parliament on Saturday unanimously approved proposals to overhaul the country's electoral system to reintroduce universal suffrage, a plan that has been criticized by some leading politicians.
Rejada madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka kadib tallaabadii BF
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku guuleystay inuu labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ka ansixiyo afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.
Cutubyada la meel-mariyay ayaa dano gaar ah oo badan uga dhex jireen Villa Somalia, si gaar ah doorashada, xisbiyada, awoodda ra’iisul wasaaraha iyo muddo xileedka.
Meel-marinta dastuurka ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo ayagu qaadacay ansixinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka, oo shalay si aqlabiyad loogu coddeeyay.
Haddaba, waa maxay rejada mucaaradka kadib natiijaddii shalay kasoo baxday BF?
Siyaasiyiinta mucaaradka oo habraacii hore iyo ansixintii shalay looga adkaaday ayaa hadda ku doodaya inay adkaan doonto inuu Xasan Sheekh dhaqan-geliyo qorshihiisa dastuurka.
Waxay kale oo ay sheegayaan inuu dalka u baahan doono shir dib u heshiisiin qaran, sida muuqatana waa rejada xilligaan ee madaxdii hore iyo mucaaradka.
Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo horey loogu awood sheegtay baarlamaanka, ayaa rejo ka qaba in uusan dhaqan-gal rasmi ah noqon doonin dastuurka shalay la meel-mariyay, xilli ay weli dhiman yihiin cutubyo badan oo dastuurka.
Sidoo kale, dhinacyada durba la saadaalinayo inuu culeys ka imaan doono waxaa kamid ah dhinaca maamul goboleedyada la safan madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasi oo u baahan doona in go’aan laga gaaro doorashooyinkooda.
The post Rejada madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka kadib tallaabadii BF appeared first on Caasimada Online.