Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,078
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Biixi.jpeg?fit=2048%2C1296&ssl=1

    Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay kala hadashay walaaca ay ka qabto dagaalka Laascaanood, gaar ahaan dhibaatada bini’adamtinimo ee ka dhalatay dagaalkaasi oo socda muddo ka badan saddex bilood.

    Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraa ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in madaxa USAID ee Soomaaliya uu madaxweyne Muuse Biixi la wadaagay walaaca ay dowladdiisu ka qabto arrintaasi.

    Sida lagu sheegay qoraalka Safaaradda Mareykanka Mudane Biixi ayaa waxa uu ka garaabay soo jeedinta madaxa USAID, isaga oo u ballan-qaaday inuu xabad joojin uu sameynayo iyo sidoo kalena uu diyaarinayo khariidadii doorashada, xilli uu soo laba kacleeyay khilaaf la xiriira doorashooyinka maamulka.

    “Agaasimada USAID ee Soomaaliya Lawrence ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la wadaagay walaac wayn oo ay ka qabaan saamaynta aadanninimo ee ay sababtay colaadda Laascaanood, wuxuuna ku booriyay in xal nabadeed laga gaadho,” ayaa lagu yidhi qoraalka Safaaradda Mareykanka.

    Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Muuse Biixi Cabdi waxa uu kaga jawaabay arrintaan ballan-qaad xabad-joojin, wuxuuna aqoonsaday muhiimada khariidada doorashooyinka.”

    Dagaalka Laascaanood oo qaatay muddo ka badan saddex bilood ayaa illaa hadda laga garin wax xal, ayada oo ciidamada labada dhinac ee halkaasi ku dagaalsan ee Somaliland iyo SSC ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Laascaanood.

    Colaadda Laascaanood ayaa galaafatay nolosha boqolaal qof, halka ay ku barakicisay badiba dadkii reer Laascaanood, oo ayagu xaalado bini’aadannimo ku wajahay deegaanada iyo gobollada kale ee ku dhow halkaas.

    Si kastaba, Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxay Somaliland ku cadaadineysay in ay ka dhabeyso xabad-joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana xiisadda taagan xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

    The post Mareykanka oo shaaciyay ‘arrin uu la wadaagay’ Muuse Biixi iyo ballan-qaad uu ka helay appeared first on Caasimada Online.

  2. Ciidamada-Somaliland-scaled.jpeg?fit=256

    Boorama (Caasimada Online) – Cadho dad weyne oo xooggan ayaa ka dhalatay dil askari ka tirsan ciidanka Somaliland, gaar ahaan kuwa xeebaha uu sarkaale ka tirsan ciidanka ugu geystay magaalada Lawyacaddo.

    Bulshada gobolka Awdal, qaar kamid ah ayaa ka mudaharaaday dilka sarkaalkan oo lagu magacaabo Khadar Xabeeb, oo la sheegay inuu dhacay maalintii shalay, waxayna dadweynuhu codsadeen in askarigii dilka geystay sida ugu dhaqsaha badan cadaaladda loo horgeeyo.

    Ciidamada Booliska ayaa la arkayay iyaga oo xabad ku kala cayrinayay dadweynaha dhigayay banaanbaxan looga soo horjeedo dilka sarkaalkan, kadib markii qaarkood ay xidheen isku socodka gaadiidka ee wadada xiriirisa Dilla iyo Boorama.

    “Khadar Xabeeeb Caynaanshe oo shalay gar iyo mag la’aan lagu dilay, oo gacan ka xaq darani dishay, wadada Dilla iyo Borama u dhaxaysa way xidhan tahay hadii inta aan cadceedu dhicin la raacin,” ayuu yiri mid kamid dadweynaha ka cadheysan dilkan ee mudaharaadayay.

    Sidoo kale, qof kale oo kamid ah dadweynaha dhigayay banaanbaxan ayaa yiri “Hadraawigii reer Awdal ayaa baxay, wixii ay Laascaanood ka kacday ayaa Boorama ka socda, una dulqaadan mayno, walaa Muuse Biixi ayaanaan ka baryayn Boorama Gojacadde ayay noqon doontaa.”

    Xukuumada Somaliland iyo maamulka gobolka ayaa weli faah-faahin ka bixin dilka sarkaalkan ay ka dhalatay carro dadweyne. Waxay wararka qaarna sheegayaan in askariga dilka geystay ay gacanta ku hayaan laamaha amaanka oo uu xiran yahay.

    Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay dilka sarkaalkan oo la sheegay inuu dilay askari ka tirsan ciidanka Somaliland, gaar ahaan kuwa xeebaha.

    Si kastaba ha’ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay ee ay dil dhexdooda ah isu geystaan ciidamada Somaliland ee ka howl-gala deegaanada maamulkaasi, wallow uu dilkaan dhaliyay carro xooggan.

    The post Caro xooggan oo ka dhalatay dil uu geystay askari ka tirsan ciidanka Somaliland appeared first on Caasimada Online.

  3. Anigoo ku hadlaya afka 17 Xildhibaan oo kamida golaha Wakiilada JSL Isla markaana shir dheer oo saacado badan qaatay aanu lagalnay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Kadib shir gaara aanu yeelanay xildhibaan golaha wakiilada ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin Waxaanu go’aan ku gaadhnay:

    1. In aanan gebi ahaanba ka qayb gelin shirka wasaaradda Macdantu kawado magaalada Hargaysa, qaybna ka ahayn.

    2. Waxaanu kaga wada hadli doonaa Degmooyinka ay khusayso iyo dadka deegaanka qaybihiisa kala duwan ee bulshada iyo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo Shirkada Genel Energy deegaanadaa hawsha laga qabanayo.

    Dadka Deegaanada aanu metelnaa cid kale marti uga noqon maayaan deegaankooda.

    1. Xildhibaan Abdilahi Yusuf Ahmed.
    2. Xildhibaan Abdirashiid Abdilahi Muuse Cagaweyne.
    3. Xildhibaan Saleebaan Ahmed Carab.
    4. Xildhibaan Mustafe Ahmed Abdilahi Khayreeye.
    5. Xildhibaan Maxamuud Xayir Duale.
    6. Xildhibaan Ahmed Abdikariin Duale.
    7. Xildhibaan Ahmed Muuse Jaamac.
    8. Xildhibaan Jamaal Ali Adan
    9. Xildhibaan Guuleed Maxamed Warsame
    10. Xildhibaan Maxamuud Saalax Cabdi
    11. Xildhibaan Saleebaan Diiriye Barre
    12. Xildhibaan Bile Abdi Goohe
    13. Xildhibaan Abokor Faarah Warsame
    14. Xildhibaan Saleebaan Maxamed Faarax
    15. Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax
    16. Xildhibaan Saalax Maxamed Diiriye.
    17. Xildhibaan Jaamac Ahmed Oogle Caano boodhe.

    Allaa Mahad leh.
    Xildhibaan Abdilahi Yusuf Ahmed MP

    Qaran News


  4. 339576176_765443585283351_43328671969215

    Beledweyne (Caasimada Online) – Howl-gal uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta ka dhacay deegano dhowr ah oo ku yaala Jiinka wabiga Shabeelle ee Koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Guddoomiye Jeyte oo hoggaaminayay ciidamada huwanta ayaa waxay burburiyay dooman ay isticmaalayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu xirnaa wabiga Shabeelle, oo Shabaab-ka ay si dhuumaaleysi ah ugu soo gudbi jireen.

    Howlgalka ayaa sidoo kale waxaa lagu xoreeyey deegaano dhowr ah oo ku teedsan wabiga Shabeelle, kuwaas oo ciidanku uu si nabad ah kula wareegay, iyada oo ay iskaga carareen kooxihii Al-Shabaab ee deegaanadaas ku sugnaa.

    Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlay ayaa fuley ku tilmaamay Shabaab-ka, oo uu sheegay in marwalba ay ka cararaan deegaanad aay sida dhuumaaleysiga ah ku yimaadaan.

    “Shabaabow marwalba aan idin soo aadno hasii yaacina ee iska keen dhiciya, hadaad leedihiin awood aad ku dagaalantaan. Waxaa naga go’an inta ay nafta igu jirto xabad ayaan idin ku ridaya, ha moodina inaad dadka Soomaaliyeed aad adinka kasoo hari doontaan, waxaan idin leeyahay iska baxa oo aada meelaha ka timaadeen,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

    “Waqti badan ayuu idinka lumin ee iska baxa meelihii la idinka lahaa, ma’baadida aad ku shaqeynaysaan idinka ma lihidiin, iska huleela ka qanca dadkan wey tashteen oo waa idin arkayaan, waa socon weyday beentii, ma dhaceyso in mar labaad meel mar noqdaan khuraafaadka ku jahwareerinayseen dadka.”

    Howl-galkan uu hoggaaminayay guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa uu qeyb ka yahay wejiga labaad ee dagaalka oo si hordhac ah uga billowday gobolka Hiiraan, iyada oo u socdo diyaar garowga u dambeeyay ee gulufka ay qeybta ka noqonayaan dalalka deriska ee ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

    Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan, dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, kuwaasi oo halkaasi ka bilaabaya howlgal culus oo saf-balaaran ah.

    Si kastaba, dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa wejigiisi koowaad laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda, ayada oo dowladda ay sheegtay in lagu dilay boqolaal Shabaab ah oo ku jiraan horjoogayaal.

    The post Howl-gal Cali JEYTE uu hoggaaminayo oo maanta lagu burburiyay… appeared first on Caasimada Online.

  5. Sudan is falling apart in our midst. Sudan is currently in a state of collapse, and the failure of the Union to effectively help Sudan is not a new occurrence. In the past, the African Union (AU) has similarly failed to intervene in crises in countries such as Somalia, the Democratic Republic of Congo, Mali, Ethiopia, the Central African Republic, Rwanda during the genocide in 1994, South Sudan, Cameroon, Burkina Faso, Chad, Liberia, and Libya. In each of these crises, the AU has taken a backseat approach, leaving the people of these countries to fend for themselves while providing extra time for dictators and warmongers to commit atrocities. In the case of Sudan, the international community led by the US and others are leading multinational efforts to bring the conflict to an end and have managed to bring the two sides to agree to ceasefire even though it fell apart later.

    Source: Hiiraan Online


  6. qarax-ciidan-lala-beegsaday.jpg?fit=1023

    Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Mareerey ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

    Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay shacab ku socdaalayay waddada, waxaana ku dhintay hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kale.

    Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka agdhaweyd fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi.

    Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa kadib howlgal kooban ka sameeyay duleedka degmada Afgooye, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

    Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada xiriiirisa Afgooye iyo Mareerery ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxyo iyo weerar toos ah ka fuliya gobolkan oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee howlgallada xoreynta oo ay horkaceyso dowladda federaalka Soomaaliya.

    Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal, waxaana qorshuhu yahay inay howlgallada kusoo biiraan ciidamo ka socdo waddada dariska la ah Soomaaliya.

    The post Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay SH/HOOSE + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

  7. Upcoming Africa elections: A list

    Here are the upcoming elections in list form. The exact dates are liable to change.

    May 2023

    • 13 & 27 May 2023: Mauritania – National Assembly + Regional + Local

    June 2023

    • 4 June 2023: Guinea-Bissau – People’s National Assembly + Senate
    • 24 June 2023: Sierra Leone – President + Parliamentary + Local

    July 2023

    • 16 July 2023: Central African Republic – Local
    • July/August 2023: Zimbabwe – President + Senate + House of Assembly + Local

    Unconfirmed and beyond

    • 2022: Comoros – Island assemblies
    • 2 September 2023: Côte d’Ivoire – Local + Regional
    • 10 October 2023: Liberia – President + Legislative
    • 11 October 2023: Mozambique – Local
    • 29 October 2023: Mali – House of Representatives + Senate
    • 20 December 2023: DR Congo –  Presidential + Legislative + Provincial Assemblies
    • December 2023: Togo – National Assembly
    • 2023: Comoros – Island governors
    • 2023: Egypt – Local
    • 2023: Eswatini – Senate + House of Assembly + Urban local + Tinkhundla
    • 2023: Gabon – Presidential + Legislative + Local
    • 2023: Ghana – District + Local + Unit
    • 2023: Guinea – Local
    • 2023: Libya – President + Parliamentary
    • 2023: Madagascar – President
    • February 2024: Mali – President
    • November 2024: Somaliland – Presidential
    • 2024: Chad –  President + National Assembly + Municipal Councils
    • 2024: South Sudan – President + National Assembly + Local

    Sources include: EISANDI; others.

    Qaran News


  8. 3f07a796-ba68-4b4c-9453-1c50e28fe214.jpg

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka  Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

    Shirka ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, dagaalka Al-Shabaab, ayada oo sidoo kale lagu ansixiyay heshiis dhex-maray Somalia iyo Kenya.

    Ugu horrey golaha ayaa bogaadiyey guulaha waa weyn ee ay ciidamadu ka gaareen howlgallada xorreynta ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

    Golaha wasiirada ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgallada socda ay suura-geliyeen in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay dalka oo dhan.

    Sidoo kale golaha ayaa xusay in xittaa lagu guuleystay xasillinta caasimadda, taas oo keentay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii soon.

    Dhanka kale inta uu socday shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu meel-mariyay heshiiska Iskaashi ee Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dib u cusbooneysiin ay ku sameeyeen labada dal.

    Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyey tallaabada hoos loogu dhigay qiimaha lacageed ee sannadkan ay ku tagi doonaan Xajka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka yar qiimihii sannadkii hore, taas oo ku timid tartan daah-furan oo ay galeen shirkadaha doonaya adeegga xujeyda.

    Ugu dambeyn golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga Wasiirrada ah ee loo xil saaray soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirmay dagaalka Suudaan, iyada oo lagu guuleystay in 1198 qof oo u badan arday wax ka baranaysay Suudaan lagu soo celiyo dalka, welina ay soconayaan howlaha daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

    Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

    3f07a796-ba68-4b4c-9453-1c50e28fe214.jpg a2a63ba0-adf3-4d58-8b34-e91e5c4f75be.jpg a2d31adf-2f54-41a4-8465-06201c221899.jpg 8722f735-d303-4b6a-a32c-8820a7485547.jpg ac68d6b8-7272-4f2b-b282-3b4c1b977a1f.jpg Huruuse.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 aweys.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 doodishe.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Maaliyadda.jpg?resize=696%2C511&ssl=1

     

    The post Golaha wasiirada oo sheegay in 70% ay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

  9. Suuqa Waaheen maamulidiisa iyo dib u dhiskiisaba waxa iska leh Dawlada Hoose Ee Hargaysa. Dawlada Hoose ayaana xaq u leh shirkadii u qalanta in ay u dhiibto.
    Waxii aan intaa ahayna waa xadgudub sharci iyo gacan togaalayn masuuliyadeed.
    Waaheena dadkii daganaa way joogaan.
    D.H.H waa in faraha looga qaado si aanu u dhisno suuq aan Africaba ku oolin.”
    Xil. Yaasiin Cumar Yare
    Golaha deegaanka Hargeysa .
    345030100_969376634249010_30410070755969
    345025968_630936685606560_46350433264866

    Qaran News


  10. Dekedda-Muqdisho.jpg?fit=660%2C440&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa waxa ay isbeddal weyn ku sameysay qaar kamid ah alaabaha laga soo dajiyo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho (Import Tax), ayada oo ku kordhisay canshuuraha, sida ku cad xeer ay soo saartay wasaaradda.

    Sida ay ogaatay Caasimada Online alaabaha wax laga bedelay waxaa kamid ah sigaarka, shiishada, qalabka guryaha iyo xafiisyada (Furniture) gawaarida raaxada (Luxury cars), badecadaha isqurxinta (Cosmetics), Cabitanada (Drinks), qalabka korontada iyo qalabka korontada ku shaqeeyo (Electric, Electronics), dharka iyo kabaha, iwm.

    Sidoo kale saraakiil ka tirsan Kastamka Canshuuraha ayaa innoo sheegay in tallaabadan aysan saameyn doonin cuntooyinka qutul daruuriga ah, saliida, shidaalka, daawadda, qalabka caafimaadka, agabka waxbarashadda, warshadaha, iyo gaaska cuntada lagu karsado.

    Sidoo lale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen in canshuurta ay qaado dowladdu aysan ahayn mid ku saleysan qiimaha alaabta (Value based tariff) tusaale:-

    Alaabta guryaha iyo xafiisyada (Furniture): Aqalka dhameystiran ee ka kooban sariir laba nafar ah, armaajo, tawleet iyo laba komidin waxan la canshuri jiray $43 USD iyadoo qiimaha suuqa uu u dhaxeeyo 1000 USD – 3,000 USD

    Kabaha (Shoes): Kabaha lebiska (Celcelis ahaan 6 Dersin – 72 Joog) canshuurtoodu waxa ay aheyd 3.5 USD (0.05 joogi). Qiimaha kabaha suuqa waxa uu dhaxeeya 30 USD – 120 USD.

    Dharka lebiska: lebiska caruurta ciidaha (4 Dersin – 48 joog): 9 USD (0.19 USD joogi). Qiimaha suuqa 60 USD – 90 USD. Dharka caadiga ah (6 Dersin – 72 joog): 4.5 USD (0.06 Joogi). Qiimaha suuqana 10 USD – 30 USD.

    Baaburta raxadda (Luxury Cars): Prado/Surf: 1,370 USD, Hilux pickup 1,450 USD, Toyota Premio: 920 USD.

    Qiimaha lagu kordhiyay canshuuraha ayaa ah 100%, Tusaale gaariga Bulletproofka ee jooga $80,000 waxaa la canshuuri jiray $5000, halka lagu maanta la canshuurayo $10,000.

    Waxaa dalka waxaa loo soo dhoofiya badeecoyin badan oo ka mid wax soo saarka dalka, waxaana ka mid ah Yaanyada gasaca, malaayga, digirta, galeyda, daangada, qamadiga, cabitaanada, iwm.

    Inkasta oo aanay jirin wax reeban in dalka loo soo dhoofiyo.

    Miisaaniyadda dalka in ka badan 70% waxa u ku tiirsan yahay deeqaha caalamka iyadoo dowladda Soomaaliya wax canshuur dhameystiran ah aysan ka qaadin ganacsiga dalka.

    Shurudaha deyn cafinta dalka waxaa ka mid ah in dowladdu la timaado dhaqaale kordhin iyo isku filnaasho miisaaniyadda ah si looga shaqeeyo mashaariic hormarineed dhanka kaabayaasha dhaqalaha ah. Ilaha dhaqalaha dowladda waxa ugu weyn Dekeda iyo Air Porka Muqdisho.

    The post Xogta isbedelka ay DF ku sameysay canshuuraha dekedda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

  11. Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

    Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka koonfureed ee degmada Xarardheere oo ka tirsan giobolka Mudug ee bartamaha dalka.

    Dagaalka ayaa yimid, kadibn markii ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay weerar culus ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

    Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka, General Maxamed Tahliil Biixi oo ka warbixiyay dagaalkaas ayaa shaaciyay in weerarka ay ku qaadeen deegaano hoos yimaada magaallo xeebeedka Xarardheere, halkaas oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

    Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in xubnaha la weeraray ay qorsheynayeen inay soo qaadaan weeraro, balse ay ka hortageen, kadib xog ay ka heleen dadka shacabka ah.

    Waxa kale oo uu tilmaameen iy howlgalladaasi ay khasaare culus ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ilaa 7 xubnood, ayna ka qabsadeen gaadiid iyo deegaanka lagu dagaalamay, sida uu hadalka u dhigay.

    Xaaladda ayaa haatan ah mid aad  kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska horjeedo laga dareemayaa duleedka Xarardheere, ayada oo labada dhinac ay helayaan gurmadyo.

    Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

    Maalin kahor ayay ahayd markii ay sidaan oo kale ciidamada huwanta u weerareen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Ceel Qaboobe oo 30 KM koonfur ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana halkaas lagu dilay illaa 60 xubnood.

    Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalkaas ay kusoo furatay hub fara badan, rasaas iyo gaadiid loo waday kooxda Al-Shabaab.

    Koonfurta Mudug ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa maamulka Galmudug iyo Macawiisleyda/

    The post Dagaal jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay MUDUG appeared first on Caasimada Online.

  12. Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey heshiiska Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo lagu lafa-guray guulaha ay ciidamadu ka gaareen xasillinta Caasimadda iyo xoreynta dalka.
    Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen xorreynta dalka oo suurta-gelisay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay Al-shabaab ay ka  geysan jireen dalka, waxaana lagu guuleystay xasillinta caasimadda oo sababtay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii soon.
    Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey heshiiska Iskaashi ee Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dib u cusbooneysiin ay ku sameeyeen labada dal, waxaana ku jira sidoo kale fudeynta iyo ku socdoka muwadiniita labada dal.
    Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga Wasiirrada ah ee loo xil saaray soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirmay dagaalka Suudaan, iyada oo lagu guuleystay in 1198 qof oo u badan arday wax ka baranaysay Suudaan lagu soo celiyo dalka, welina ay soconayaan howlaha daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
    Golaha ayaa soo dhaweeyey tallaabada hoos loogu dhigay qiimaha lacageed ee sannadkan ay ku tagi doonaan Xajka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka yar qiimihii sannadkii hore, taas oo ku timid tartan daah-furan oo ay galeen shirkadaha doonaya adeegga xujeyda.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  13. CALI-YARE-CADAALA.jpg?fit=1600%2C1029&ss

    Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo siyaasad ahaan kala fikir duwan ayaa mar kale ay ka dhex-tafatay, waxayna isugu jawaabeen baraha bulshada.

    Labadaan nin ayaa isku qabtay arrin la xiriirta dagaalka Al-Shabaab oo haatan si dardar leh uga socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Wasiir Al-Cadaala oo marka hore qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in been abuurka dacaayadda uu yahay adeeg argagixiso, sida uu hadalka u dhigay.

    “Isma qabato “Khawaarijta waan necbahay waxa ay jecelyihiiinna waan qabanayaa” Been-abuurka iyo dcaayaddu waa adeeg Argagixiso.” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

    Intaas kadib ayaa waxaa isna usoo jawaabay siyaasiga Cali Yare Cali, wuxuuna sheegay in aysan is qabaneyn in la qaado isbaaro Shabaab, lana dhigto mid ka daran.

    “Isma qabato isbaarada shabaab ayaa shacabka ka qaadeynaa iyo innaga ayaa isla isbaaraddii iyo mid kasii ascaar kulul shacabka tabaaleeysan u dhiganeyna, intaas waliba ugu simi meeyno ee hantidoodana waan boobeeynaa.” ayuu isna ugu jawaabay Cali Yare.

    Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Al-Shabaab laga itaal roonaaday, islamarkaana aan loo baahneyn in lacago lagu dul raadsado, sida uu hadalka u dhigay.

    “Dagaalka Eeyaha naarta laguma dhex tuugeeysan karo. Waan ka indho-dheernahay, ka hal-abuur badannahay, kana awood badannahay laamaha warbaahineed ee aad malaayiinta dollar ku bixisaan. ISKEEN-SIIYA.”  ayuu mar kale yiri siyaasiga Cali Yare Cali.

    Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab

    The post Cali Yare iyo Al-Cadaala oo ay ka dhex-tafatay iyo arrinta ay isku qabteen appeared first on Caasimada Online.

  14. Polish_20230504_134143274-1.jpg?resize=7

    Khilaaf xooggan ayaa sida wararku sheegayaan ka dhex aloosan madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa.

    Wasiir Juxaa ayaa ka horyimid qorshe uu madaxweyne Deni ku raadinayo in uu wax ka beddel ku sameeyo Dastuurka si loo kordhiyo tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod.

    Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale isu diyaarinaya in uu xilka qaadis kaga jawaabo diidmada wasiir Juxa ka muujiyay wax ka beddelka Dastuurka.

    Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni uu maalmaha soo socda xilka qaadis ku samaynayo wasiir Juxa islamarkaana booskiisa u magacaabayo Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

    PUNTLAND POST

    The post Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan madaxweyne Deni iyo wasiir Juxaa appeared first on Puntland Post.


  15. Xilli dabayaaqada sanadka soo aadan ee 2024, la qorsheeyay in ciidanka howlgalka midowga Africa ee ATIMIS ay ka baxayaan Soomaaliya ayaa waxaa bartamaha sanadkaan lagu wadaa in dalka laga daadgureeyo kumanaan ka tirsan ciidanka midowga Afrika sida uu sheegay mas’uul u hadalay howlgalka nabad ilaalinta ee EX AMISOM.

    Maj. Gen. Marius Ngendabanka  oo ah taliye ku-xigeenka howlagalka cusub ee nabad ilaalilinta ATMIS ayaa sheegay in marka la gaaro bisha June ee sanadkaan qaraarka Qaramada Midoobey uu dhigayo in Soomaaliya laga saaro 2000 oo askari, isaga oo xusay in howlo farsamo ay dib ugu dhaceyso fulinta howshaan bisha August 2023.

    Taliyaha oo ka jawaabayay su’aal aheyd howlgalka socda kama muuqataan ayaa ku jawaabay in ciidanka xoogga dalka ay ka taageeraan dhinacyada farsamada, saadka, sirdoon iyo diyaadaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa kale ciidanku istimaalaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay jiraan waqtiyo badan ay ka muuqdeen howlgallada.

    Howlagalka ciidamada midowga Afrika oo 15 sano jirsaday ayaa dib loogu ciliyay nabad ilaalinta ATMIS, sanadkii 2022, markaas oo howlgalka AMISOM laga badalay, intii lagu jiray howlgalka ayaa waxaa khasaaro badan kasoo ciidamo u dhashay Uganda iyo Burundi, kuwaas oo la kulmay weerarro kale duwan oo ka dhacay gobollada dalka.

    Ciidamada midowga Afrika ayaa Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo sanadkii 2007, xilligaan oo gudaha Muqdisho uu ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kooxda Al-shabaab, waxaana dowladaha ugu badan ee ku tabarucay ciidanka jooga Soomaaliya kamid ah dowlaha Uganda, Burundi, Itoobiya, Kenya iyo dowladda  Jabuuti.

    W/Q/Dalmar Abdulkadir Daacad

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  16. 336643967_1327503314767061_9079223448084

    London (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda UK ay qaaday tallaabo ka dhan ah madaxwenaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayay in maalmaha soo socda uu safar shaqo ku gaaro London.

    Go’aan cusub oo ay haatan soo saartay dowladda Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh laga saaray liiska madaxda lagu casuumay xafladda caleema saarka boqorka UK, isla-markaana laga joojiyay safarkii uu ku tegi lahaa waddankaasi.

    Madaxweynaha Soomaaliya oo markii hore lagu daray madaxda la casuumay, kadib warqad loo soo diray ayaa hadda isbeddal deg deg ah lagu sameeyay, ayada oo uu soo baxay go’aan kale oo liiska looga reebay, kaas oo lagu wargeliyay hoggaanka Villa Soomaaliya.

    UK ayaa si toos ah farriinteeda ula wadaagtay dowladda federaalka, waxayna u sheegtay in madaxweynaha uusan qeyb ka eheyn madaxda  rasmiga ah ee la marti qaaday, isla-markaaa la beddalay liiskii hore ee casuumaadda.

    Sababta ayaa lagu sheegay in la xiriirto dhanka socdaalka UK, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Ingiriiska uu saaray xayiraadda dhanka socdaalka, isla-markaana aysan diyaaradaha si toos ah isaga kala gooshi karin magaalooyinka Muqdisho iyo London.

    Arrintaan ayaa dhalisay dood xoogan iyo hadal xoogan oo qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka oo si weyn loogu faaqidayo, waxaana dadka ay si weydiinayaan sababta ay dowladda UK uga laabatay casuumaadii ay horay ugu fidisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haatana ay dib uga joojisay safarkii uu ku tegi lahaa dalkaasi.

    Dhanka kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka Villa Soomaaliya oo ku aadan tallaabada ay qaaday dowladda Ingiriiska ee ka dhanka ah madaxweynaha, taas oo ay haatan si aad u warineyso warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

    Ingiriiska oo kamid ah dalalka reer Yurub ayaa taageerada u fidiya Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhanka dhaqaalaha.

    Si kastaba, horay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u booqday dalka Ingiriiska, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee sanadkii hore, wuxuuna ka qeyb galay aaska boqoradii waddankaasi, Queen Elizabeth II.

    The post UK oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne XASAN, kana joojisay… appeared first on Caasimada Online.

  17. Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa bishan aynu ku jirno 23-keeda, 21 jirsanaya, ayaa u muuqata in 21 sanno oo uu ku soo qaatay Mucaaradnimo iyo muxaafidnimo inuu wajahayo ruxan siyaasaddeed oo la xidhiidha mustaqbalkiisa, ka dib markii masuul ka tirsan Xisbigaasi oo ka mid ah guddida fulinta ee Kulmiye oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, uu daboolka ka qaaday qorshe ay wadaan oo ay ku doonayaan in Xisbigaas la keeno Cabdikariim Axmed Mooge, oo ah Maayarka caasimadda Hargeysa, kana soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
    Hadalkan ka soo baxay masuulka Kulmiye, ayaa bannaanka u soo saaray warar toddobaadyadii u dambeeyey suuqa ku jiray oo la xidhiidha in Cabdikariim Axmed Mooge looga gacan haadinayo Kulmiye, taas oo taageerayaasha Kulmiye ay baraha bulshada soo dhigayeen maalmihii u dambeeyey.
    Hadalkan Cabdiraxman dheere, ayaa xaqiijinaya qorshe la weriyey in masuuliyiin Kulmiye ah oo xilal haya su’aalo ay iska weydiiyeen mustaqbalka Kulmiye in ay Mr. Mooge isu tuseen inuu noqon karo sama tabixiye siyaasaddeed oo wax ka tari kara xaaladda Kulmiye ee wakhtigan, oo ah mid ku jira hubin la’aan hoggaaneed iyo mid murrashaxba, xilli la isu diyaarinayo doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyada.
    Xisbiga Kulmiye oo muddo laba xilli oo isku xigta ku guuleystay kursiga dalka looga arrimiyo, ayaa u muuqata in qorshihiisa saddexaad ee doorashada soo socota inuu mugdi soo wajahay, taas oo loo sibirsaanayo qoddob dhawr ah oo ay ka mid yihiin, Istiraajiyad la’aan la xidhiidhay dhismaha Xisbiga ee wixii ka dambeeyey 2017-kii, rag ka mid ahaa aasaaseyaashii iyo kaadiriyiintii Kulmiye oo Xisbigaas kuwona laga saaray qaarna iska tegeen, saameynta furistii Ururrada Siyaasaddu ku yeelatay, guul daradii ka soo gaadhay doorashooyinkii isku sidkanaa ee keenay in lagaga guuleysto shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo inta badan Maayarada Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo weliba guddoomiyaha Xisbiga iyo Murrashax Xisbigaas oo aan ilaa imika la ogeyn, waxa ay keentay cadaadis siyaasaddeed oo Kulmiye saaran, waana halka ay hoggaanka xisbigaasi ku khasbaysa in ay raadinayan ama ka fikiraan habkii ay uga sama tabixi lahaayeen duruufaha ku gedaaman wakhtigan.

    Cabdikariim Axmed Mooge, ma noqon karaa sama tabixiye Kulmiye.?

    Mr. Mooge, waa mid ka mid ah siyaasiyiinta, wakhtigan ugu saameynta badan Somaliland iyo Somaalidaba, haddii aanu ahayn hormuudka jiilka cusub ee saxaadda Siyaasadda Somaliland ku jira imika, waa Xildhibaan 26000 qof Xildhibaanimo ugu codeeyeen, waana nin ku guuleystay wejigii hore ee sababihii uu u soo galay saaxadda siyaasadda Somaliland oo ah inuu noqdo Mayaarka Caasimadda, oo ah meel uu is tusay inuu ka sii kori karo kursiga dalka u sarreeya.
    Jidkan wuu hayaa, oo muddo ka yar laba sanno, waxa uu ka dhabeeyey waxyaabihii loogu codeeyey, waxaanu kasbay kumanaan kale oo aan u codeyn markii hore ama kuwo meelo kale oo aan caasimadda ahayn ku noolaa.
    Haddii aynu ku noqono su’aasha Cabdikariim Axmed Mooge ma noqon karaa sama tabixiye Kulmiye, waa jid ay qodox badan ka sokeeyaan, waa mid u baahan inta aan su’aashan laga jawaabin in la helo jawaabaha su’aalahan, Kulmiye muxuu u hayaa Mooge ma Murrashax Kulmiye oo ah doorashada soo socota?, ma in Kulmiye magac ahaan la wareego, oo shuruuda ku xidhana tahay inuu marka hore dhiso Madaxweynaha imika talada haya, su’aalahan waa kuwa furaha u noqon kara mustaqbalka Kulmiye iyo Mooge.
    Cabdikariim Axmed Mooge, inta la ogyahay ilaa imika waa masuul ku jira dhismaha Caasimadda iyo waxqabadkeeda, si ay ugu fududaato in uu si sahlan ku gaadho kursiga u sarreeya dalka, waana mid uu ilaa imika isku dayayo inuu ka shaqeeyo inuu uu diirada u saari lahaa hawlaha loo doortay iyo shaqada caasimadda.
    Haddana, tani maaha mid meesha ka saaraysa u qalab qaadashada mustaqbalkiisa siyaasaddeed, waana ta dadka siyaasadda odorosaa leeyihiin Kulmiye haddii loo soo bandhigo sabab uu ku diidaa ma jirto, madaama oo uu mustaqbal iyo han leeyahay, balse duruufaha ku xeeran qaabka uu uga dabaalan karo ay u baahan tahay xikmad iyo xeelad siyaasaddeed oo isku waafajiyo shaqada uu imika hayo, ta mustaqbalkiisa iyo weliba ta deegaankiisa ee wakhtigan.

    Source