Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,270
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Waxaa markii koobaad dalka la keenay waxbashada heerka sare (Masters programs) ay leedahay jaamcadda Kenyata oo ay ku jiraan kuwa baahi weyn loo qabay. Munaasabadda daahfurka ayaa lagu qabtay Magalaada Muqdishu. Waxaana Masterada Martigalinaysa Jaamacadda SIU ee uu saldhigeedu yahay magaalada Muqdishu.

    Bahdwada waxbarashada iyo howladeennada dowladda ayaa goobjoog ka ahaa furitaanka munaasabadda.

    Waxaa masterada kamid ah:

    1. MASTERS OF BUSINESS ADMINISTRATION oo leh labo takhusus:
    a) Entrepreneurship
    b) Procurement and Supply Chain Management

    2. MASTERS OF PUBLIC HEALTH o oleh seddex takhasus:
    a) Reproductive Health
    b) Epidemiology and Disease Control
    c) Monitoring and Evaluation

    iyo Masteradda culuumta siyasadda oo kal ah:

    3. MASTERS OF PUBLIC POLICY AND ADMINISTRATION
    4. MASTERS OF LEADERSHIP AND GOVERNANCE
    5. MASTERS OF ARTS IN INTERNATIONAL RELATIONS AND DIPLOMACY.

    Waxaa xusud mudan in ay jaamacadda kenyata kamid tahay 15 jaamacadood ee ugu horreeya tayada waxbarashada qaaradda Afrika.

    Goobjoog News

     

    Source: goobjoog.com


  2. FlidJViXkAEXOHa.jpeg?fit=1080%2C810&ssl=

    Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland ayaa si adag uga horyimid tallaabada uu qaaday Golaha Wasiirada maamulkaasi, ee uu ku ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka.

    Bayaan kasoo baxay Madashaan ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaasha isbeddel-doon ah ayaa waxaa lagu sheegay inay kasoo horjeedaan ku xad-gudubka Dastuurka Puntland ee maamulka muddada yar u harsan tahay ee uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo isagu caadeystay ku tumashada shuruucda maamulkaas, sida lagu yiri bayaankan.

    “Madasha Siyaasadda Puntland waxay si xooggan uga soo horjeeddaa ansixin ku sheega sharci-darrada ah ee Golaha Wasiiraddu ay 4-tii May 2023-ka wax uga baddaleen Dastuurka Puntland.

    Madasha ayaa waxay ugu baaqday madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xukuumaddiisa inay joojiyaan wax ka badalka Dastuurka, islamarkaana aysan kusii dhiiran ku xad-gudubka Dastuurka maamulkaasi.

    “Madasha Siyaasadda Puntland waxay Maxkamadda Dastuurka ugu baaqaysaa inay hor istaagto ku xad-gudubka Dastuurka oo ah heshiis bulsho, islamarkaana ay gudato ilaalinta dastuurka oo ah waajibaadkeeda Dastuuriga ah,” ayaa sidoo kale lagu bayaanka madasha.

    Sidoo kale waxay madasha siyaasadda ugu baaqday Baarlamaanka Puntland in uusan ku dhex milmin damaca siyaasadeed ee Saciid Deni, ayna qeyb ka noqon curyaaminta geedi socodka hanaanka dowladnimo, una horseedin Puntland hubanti la’aan siyaasadeed iyo amni.

    “Madashu waxay Isimadda Puntland ugu baaqaysaa inaynaan indhaha ka laaban burburka dowladnimo ee uu wado madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadka yahay. Sidoo kale waxay shacab weynaha reer Puntland ugu baaqaysa in si buuxda looga hor-yimaado ku takri-falka awoodda dastuurka.”

    Bayaanka kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxay ku cadeysay in xaalad kasta oo ka dhalata damaca arrintaan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

    Warkan kasoo baxay Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus maamulka Puntland ayaa waxa uu imanaya saacado kadib markii ay Golaha Wasiirada Puntland ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi.

    Golaha ayaa sheegay in go’aankan uu ku meel-mariyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi u cuskaday dalabka ururada siyaasadda ee ahaa in la badiyo tirada Ururada u gudbaya xisbiyada siyaasadda, taasi oo uu markii hore gadaal ka riixayay madaxweyne Deni.

    Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

    The post Madasha Siyaasadda P/L oo bayaan culus kasoo saaray tallaabadii golaha wasiirada appeared first on Caasimada Online.

  3. Xasan-Sheekh-3.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=

    Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay ku howlan tahay soo daabicista lacag Shilling Soomaali ah oo uu dalka uu yeesho, ayna hirgelinayaan kahor inta uusan dhamaan muddo xileedkiisa.

    Madaxweynaha ayaa ballan-qaadkan ka sameeyay kulan dadweyne oo dhawaan uga qeyb-galay magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inta uusan bixin ay ka go’an tahay in dalka uu yeesho lacag cusub, taasi oo uu sheegay in qorshaheeda iyo hanaankii looga dhameyn lahaa uu marayo meel wanaagsan.

    “Aniga markii aan horraantii 2017 dalka ka tagayay waxaan ka tagay ayada oo naqshadii lacagtii la isku raacay oo aan weynay dhaqaalihii aan kusoo daabacan laheyn, waxay u baahan tahay dhaqaale lagu soo daabaco lacagta, sidoo kale waxay u baahan tahay heshiis siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Waxa uu intaas sii raaciyay “Maanta waxay mareysaa meel sidii oo kale qaban-qaabsan oo sawirkii lacagta la hayo, dhismayaashii Bangiyada Dhexe ee dowlad-goboleedyada xataa qaarkood la dhisay, qarkoodna uu dhismahooda socda. Heshiiskeeda siyaasadeedna ee dhaqaalaha waa waxa laga hadlayo ee madalahan loo fadhiyo.”

    Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay dowladdiisu ku dadaaleyso inta uusan dhamaan muddo xileedkiisa, sidii dalka u yeelan lahaa lacag Shilling Soomaali ah oo cusub, oo bedesha midda duugta ah ee laga isticmaalo dalka.

    Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa horraantii sanadkaan ku dhowaaqay qorshe uu ku beddelayo lacagta kaliya ee dalka uu leeyahay.

    Lacag 1,000-shilling ah oo dib loo naqshadeeyey ayaa lagu beddeli doonaa lacagta hadda jirta oo markii ugu dambeysay la daabacay kahor inta aanu billaaban dagaalkii sokeeye 1991-kii, sida laga soo xigtay Bangiga Dhexe.

    Lacagtii hore ayaa qarka u saaran inay meesha ka baxdo, soo saarista cusubna waxay la-dagaalami doontaa lacagaha sharci darrada ah iyo in la-xakameeyo sicir-bararka iyadoo la baabi’inayo lacagaha xad dhaafka ah.

    Si kastaba, Lacagta shillinka ah ee weli suuqa ku jirta ayaa ah mid aad u duugowday, waxaana lagu beddelay lacago dollar ah ama lacago si gaar ah loo daabacay oo intooda badan ah lacago been abuur ah.

    Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha

    The post Daawo: Madaxweyne Xasan “Dalka waxa uu yeelanaya lacag cusub inta aan bixin” appeared first on Caasimada Online.

  4. Waxba loogama baahna SHIRKAD DHISME OO SHISHEEYE wajiga hirgalinta ( implementation phase) dibu dhiska sariibada SUUQA WAAHEEN maadaama nashqadii la fulinaayey lahayo.
    INYATASI, waxay dalkeeda ka hir-galisay wado 52 Km ah oo ay kuqaadatay R 1.1 billion oo ah lacagta dalkooda. Dhismaha mashaariic dawladeed oo intoodii badnayd fashilmay dhibtoodiina lala tacaalaayo iyagoo lacago badan lagu lunsaday.
    Shirkadaha dalka kajira ee muwaadiniinta ah ayaa xaq uleh shaqada dibu dhiska suuqa waaheen kuna filan. Shirkad shisheeye, qarashka ama qiimaha ay wax kudhisayso ( Contract Bidding Price) aadbuu uuga saraynayaa qiimaha ay kudhisayaan shirkadaha guduhu marka la eego soo guurida, abaabulka iyo rarida qalabkeeda iyo shaqaalaheeda ( Mobilization).
    Goo-goosbaynu kadhigaynaa warka BUDHCADA😎
    345157322_571587965076607_16322927091920
    345149687_247656197830752_15055535045941
    345160517_204210872390363_23978345282045

    Qaran News


  5. Axmed Muumin Seed wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland oo go’aansaday in uu ku biiro xisbiga
    Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa shallay gurigiisa casuumad gaar ah ugu sameeyay saaxiibkiisii hore ee siyaasaddu kala ka xaysay Axmed Muumin Seed, iyadoo sida Ilo-xogogaal ah Gallaydh Media u sheegeen Axmed Muumin Seed wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland go’aansaday in uu ku biiro xisbiga Waddani oo uu aasaasayaashii ka mid ahaa.

    Muumin Seed, ayaa dhawaan laga saaray xisbiga Kulmiye waana siyaasi saamayn weyn ku dhex leh siyaasadda gobollada galbeedka Somaliland isagoo hore saamayn ugu yeeshay codka gobolka Awdal doorashadii madaxweyne ee sannadkii 2017-kii markaas oo uu Kulmiye la jiray.

    Seed, oo hore guddoomiye ku-xigeen uga ahaa Waddani ayaa iskaga baxay kadib markii uu waayay jagada musharaxa madaxweyne ku-xigeen oo uu doonayay haddana lama shaacin xilka uu ka qaban doono haddii uu si rasmiya ugu biiro

    Qaran News


  6. AL-Shabaab-Al-Shabab-scaled.jpg?fit=2560

    Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan xubnood oo ka mid ahaa kooxda ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo ku eedeysan basaasnimo.

    Shanta ruux ee kooxda ay toogatay ayaa waxay sheegtay inay ahaayeen basaasiin la shaqeynaayay sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka.

    Raggaan oo da’doodu u dhaxeyso 25 illaa 41 sano ayaa waxay kooxda shalay ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib, waxayna kooxdu sheegtay in dhamaantood ay qirteen inay basaasiin u ahaayeen sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kan Mareykanka ee CIA-da.

    “Dhammaan xubnahan jawaasiista ah ee shan-ta ah waxay maxkamadda – Jubboyinka ka hor qirteen inay basaas u ahaayeen sirdoonnada (DF) iyo midka Maraykanka ee (CIA) ayna ka dambeeyeen duqaymo kala duwan oo ka dhacay wilaayaadka islaamiga ah oo loo gaystay dad muslimiin ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay baraha taabacsan ee Internet-ka.

    Sidoo kale waxay kooxdu sheegtay in mid kamid ah shanta ruux ee toogashada lagu fuliyay uu masuul ka ahaa dilka Maxamed Dulyadeyn oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka kooxda Al Shabaab.

    Dulyadeyn ayaa waxa uu ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ay taageerayeen kuwa dowladda Maraykanka, waxa la dilay bishii Juun ee sanadkii 2016-kii.

    Kooxda ayaa shaacisay magacyada shanta xubnood ee shalay lagu toogtay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Jilib, kuwaasi oo kala ah;

    1. Cabdicasiis Aadan Maxamed oo 41 sano jir ah – wuxuu ushaqaynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.
    2. Cumar Cabdi Aadan (Dhagaweyne) oo 27 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonnada DFS-ka iyo CIA-da Mareykanka.
    3. Madeey Idbow Madow oo 25 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonnada DF-ka iyo Mareykanka.
    4. Mustaf Isxaaq Xasan oo 26 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.
    5. Xuseen Cumar Yuusuf oo 35 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka.

    Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay gacanta ku hayso waxay ka fulisa toogashooyin lamid ah midda shalay, oo ah dad ay ku eedeeyaan inay basaasiin u yihiin oo la shaqeeyaan sirdoonada DF Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya.

    The post Al-Shabaab oo toogatay shan ruux ‘oo ay ku sheegtay basaasiin’ + Magacyada appeared first on Caasimada Online.

  7. Cosoble-1.jpg?fit=960%2C639&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo saaray qormo cusub oo uu cinwaan uga dhigay “Puntland waa curad caasi noqotay” taasi oo uga hadlayo doonista Puntland iyo isa-seegooda dowladda federaalka Soomaaliya.

    Cali Cosoble ayaa waxa sheegay in Puntland ay ku faa’iiday magaca Soomaaliyeed, iyada oo waxa maamulkaasi uu ka helay Soomaaliya aysan helin maamullada Galmudug, HirShabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, sida uu ku yiri qormadan.

    “Taariikhda marka dib loo raaco waxa ay Puntland (ex Migiutinia) ka heshay Soomaaliya ama ku heshay magac Soomaaliyeed ma aanay helin Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa haboon maadaama ay Puntland ilaa iyo heer horumartay iney u ololeyso sidey walaalaheed u horumari lahaayeen una soo gaari lahaayeen.”

    Hoos ka aqriso qormada oo dhameystiran:

    Puntland waa curad caasi noqday.

    Sidii loo lahaa curadka ha loo roonaado, wax walbana loogu badinaayay, ayey hadda mareysaa roonaanshihii ha naloo sharciyeeyo, haddii kalena wax walba waa bannad, gow iyo gash ma leh.

    Markaad muraayadda isku eegtay ee aad aragtay inaad ka qurux badan tahay, joog iyo jamaalna dheer tahay walaahaa ma aheyn inaad kibir iyo isla weyni la timaadid. Wexey aheyd inaad ku fekerto iney walaalahaa ayagana quruxdaada iyo joogaaga oo kale yeeshaan.

    Shalay waxaad dooneysay wexey aheyd in federaal la noqdo, intii kula dhalatay ayaad ku qasabtay fikirkaagii, ayagana wey kula qaateen, balse halkaad fikirkii aad keentay wanaagiisa bari laheyd walaalahaa, waxaad isu beddeshay keligii cune iyo keligii daneyste.

    Ratiga yar wuxuu ku deydaa ratiga weyn, wax aad wanaag moodo oo Soomaali bohol ka sii tuuraya ayaad yaryarkii kula dhashay tuseysaa. Waxaad sheegatay maamul goboleedka Puntland, tiiyoo laga wada shaqeynayo ayaad u guurtay dowlad goboleed, haddii misana lagugu deyday waad ka guurtay, maanta waxaad sii mareysaa Dowladda Puntland, saa curadkii baad tahay inta kalena wey kugu dayataa adigana waxaad mar walba muujisaa inaadan ku qanacsaneyn tallaab kasta ee ay qaaddo dowladda.

    Waxaad aad u sheegtaa inuu khilaaf soo kala dhex galay labada dowladood ee kala ah Dowladda Puntland iyo Dowladda Soomaaliya”, iney taleefan ku wada hadleen madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Soomaaliya. Federaalka markaad nagu qancineysay nooma aadan sheegin inaad dowadd dhexe faceysan doonto.

    Waxaad si weyn ugu celcelisaa oo aad inta kale tusaaleysaa qodobka ah “dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka”. Waxaa jira dowlado xubno ka ah golaha ammaanka, dowlado xubno ka ah EU, dowlado xubno ka Jamacadda Carabta. Xubin ahaanshaha wexey muujineysaa inaad ka bixi karto ama lagaa saari karo golaha, waxaana sidaa meesha uga baxaya qarankii Soomaaliya, sababtoo ah xubno qaran ma noqon karaan, gobolna xubin kama noqon karo waddan.

    Laga soo bilaabo xilligii ay Puntlanderstiniya la heshiisay Talyaniga oo ay aqbashay iney noqoto maxmiyad Talyaani ilaa iyo waqtigan la joogo ma dhicin iney shacabkaas ka qadaan deeq ku timid magaca Soomaaliya.

    Waxaa la soo maray xilli uusan Talyaniga shaqo siin jirin qof aanan ka soo jeedin degaankaas, sidoo kalana uusan waxbarasho dalkiisa ugu diri jirin reer kale. Maanta waxaa la idinka helayaa qof uu awowgii shanaad ahaa jaamici dalka talyaaniga wax ku soo bartay.

    Waxa keliya ee dhaxalgalka ah ee laga hayo dowladdii Kacaanka, marka laga reebo qoritaanka luqadda Soomaaliga adinkaa heysta, waana dekedda Boosaaso iyo waddada isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacyo, labadaas oo ah furaha horumarka ay Puntland gaartay.

    Taariikhda marka dib loo raaco waxa ay Puntland (ex Migiutinia) ka heshay Soomaaliya ama ku heshay magac Soomaaliyeed ma aanay helin Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa haboon maadaama ay Puntland ilaa iyo heer horumartay iney u ololeyso sidey walaalaheed u horumari lahaayeen una soo gaari lahaayeen.

    Waalidka waxaa laga rabaa hadduu wiilka curadka ah isku filnaado inuu ka shaqeeyo sidey kuwa kalena isugu filnaan lahaayeen. Wiilka curadka ahna waxaa laga rabaa inuu ku kaalmeeyo waalidka sidii kuwa la dhashay loo korin lahaa oo loo soo gaarsiin lahaa heerka uu joogo.

    Puntland wexey faani kartaa oo qurux badan tahay marka ay afartii kale ee la dhalatay qurux badan yihiin hareeraheedana deggan yihiin. Laakin maxaad ku faantaa, yaadse u faani kartaa markey afartii kula dhalatay sabool yihiin.

    Noqo curad baari ah oo aanan keligii cune aheyn kana billow inaad labada dekedood mid dakhligeeda ku wareejiso dowladda dhexe si ay wax ugu qabato walaalahaa.

    The post Cali Cosoble: Puntland waa curad caasi noqday appeared first on Caasimada Online.

  8. golaha-wasiirada-puntland.jpg?fit=960%2C

    Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, taasi oo ay hore uga digeen mucaaridka Puntland, oo ku macneeyay qorshahaan inuu qeyb ka yahay damaca muddo kororsi ee madaxweyne Saciid Deni.

    Shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoomooyiye madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu goluhu cod gacan taag ah ku ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka, islamarkaana xisbiyada siyaasadda maamulkaasi laga dhigo shan xisbi, halka ay awal aheyd saddex xisbi.

    Golaha ayaa go’aankan uu ku meel-mariyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, u cuskaday dalabka ururada siyaasadda ee ahaa in la badiyo tirada Ururada u gudbaya xisbiyada siyaasadda, taasi oo uu markii hore gadaal ka riixayay madaxweyne Deni.

    Dhinaca kale, Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qodobo ay ka midyihiin amniga, dib-u-dejinta ardeyda ay saameysay xaaladda Sool iyo Sudan, dardar-gelinta Doorashada goleyaasha deegaanka.

    Golaha ayaa waxa kale oo loo gudbiyay warbixinta xaaladda gaadiidka dowladda iyo curashada roobabka gu’ga, oo laga cabsi qabo in bulshada ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi.

    Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyagoo , Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo Xisbiyada Siyaasadda 5 Xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh Goluhu u ansixiyey loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

    Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

    Saciid Deni ayaa dhawaan waxa uu isugu yeeray ururada siyaasadda, isaga oo kala hadlay furitaanka dastuurka maamulka Puntland, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan, halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.

    Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

    The post Golaha Wasiirada Puntland oo qaaday tallaabo lagu xalaaleynayo damaca DENI appeared first on Caasimada Online.

  9. 1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniino hor leh, kuwaasi oo la xiriira waxyeelo xooggan oo ka dhalan karta roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

    Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay.

    Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay inay ka fogaadaan neelaha qatarta uga imaan karto, maadaama laga cabsi qabo in uu gobollada dalka qaarkood ka da’o roobab mahiigaan ah.

    Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faray shacabka inay muujiyaan feejignan dheeri ah, isaga oo xusay in dhawaan magaalada Qardho ay ku soo rogmadeen daadad, sidoo kalena ay caasimadda dalka ay ka dhaceen dhimasho sababtay roobabkaaasi

    “Shacabka Soomaaliyed ha ka fogadaan goobaha biyo mareenada ah, roob xoogan oo mahiigan ah ayaa ku soo wajahan dalka  sidoo kale shacabka waxaan rabnaa inay qaataan talooyinka hay’adda, maadaama isbuuc kasta an soo saarno xaalado aan uga hadleyno roobabka iyo webiyada buux dhaafiyay ee laga cabsi qabo inay fatahaado ka dhashaan,” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

    Sidoo kale waxa uu shaaciyay inay ka dowladd ahaan wadaan qorsheyaal looga faa’iidaysan doona biyaha, maadaama shacabku ay mar ka cabanayaan biyo yari, halka marka kalena kaga cabto fatahaadaha, sida uu sheegay.

    Agaasimaha xarunta qaran  ee howl-gallada gurmadka deg-dega (NEOC) ee hay’adda SODMA oo sidoo kale madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xarumaha kala duwan ee hay’adda ay mar walba u taagan yihiin inay bulshada Soomaaliyeed siiyaan digniino looga hortagayo dhibaatada.

    Agaasimaha oo ay hoos tagto xarunta qaran ka digista halis-wadareedka ayaa sidoo kale maalmo kahor soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobollada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.

    Qoraal kasoo baxay xilligaasi hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in roob xoogan ka di’i doonaan qaar ka mid ah gobollada dalka sida; Awdal, Waqooyi-galbeed, Sool, Sanaag, Togdheer, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada-Dhaxe, Banaadir, Shabeellada-Hoose, Jubadda-Dhexe iyo Jubadda-Hoose.

    The post DF Somalia oo soo saartay digniino hor leh appeared first on Caasimada Online.

  10. FB_IMG_1683273253696.jpg?resize=720%2C48

    Siyaasiyiin saamayn xooggan ku leh Puntland oo ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee dowladda Puntland Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole ayaa maalmaha soo socda ku wajahan Garoowe.

    Siyaasiyiinta ku wajahan Garoowe waxa sidoo kale kamid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo dagaal siyaasadeed adag kala dhexeeyo madaxweyne Siciid Deni.

    Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in siyaasiyiintan Garoowe u imaanayaan sidii looga hortegi lahaa qorshaha madaxweynaha Deni uu wax ka beddelka ugu samaynayo Dastuurka Puntland.

    Imaatinkooda ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli ay xalay golaha xukuumadda Puntland ansixiyeen soo jeedin ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka Puntland si loo kordhiyo tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya doorashooyinka qof iyo cod.

    PUNTLAND POST

    The post Faroole iyo Gaas oo hogaaminaya siyaasiyiin saamayn xoogan ku leh Puntland ayaa ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.


  11. Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

    Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saaka kooxda Al-Shabaab ku baacsanaya deegaanka Maxamed Xasan oo u dhaxeeya deegaannada Baar-dheere iyo Beerxaanno ee dhaca Koonfurta Beledweyne.

    Sida ay shaacisay wasaradda warfaafinta dowladda, ciidamada huwanta ayaa waxay weerar ku qaadeen xubno Shabaab ah oo isku dayay inay si dhuumaalaysi ah deegaankaan isugu abaabulaan.

    Howl-galkan ayaa yimid kadib markii dadka deegaankaan oo aan ogolayn in mar kale kooxda ku soo dhex ganbadaan ay si dhow ula shaqaynayaan ciidanka Qaranka, islamarkaana ay qayb ka yihiin dagaalka hadda socda.

    Inta badan dhulka gobalka Hiiraan ayaa horay looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo wajaheysa guluf dagaal oo culus, waxaana haatan socda howl-galadii ugu danbeeyay ee guud ahaan la doonayo in lagu ciribtiro Khawaarijta.

    Shalay ayay aheyd markii howl-gal uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ka dhacay deegano dhowr ah oo ku yaala Jiinka wabiga Shabeelle ee Koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Howl-galkaas ayaa waxay ciidamadu ku burburiyeen dooman ay isticmaalayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu xirnaa wabiga Shabeelle, oo Shabaab-ka ay si dhuumaaleysi ah ugu soo gudbi jireen.

    Sidoo kale waxaa lagu xoreeyey deegaano dhowr ah oo ku teedsan wabiga Shabeelle, oo ay ciidanku uu si nabad ah kula wareegay, kadib markii ay iskaga carareen kooxihii Al-Shabaab ee deegaanadaas ku sugnaa.

    Si kastaba, dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa wejigiisi koowaad laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda, ayada oo dowladda ay sheegtay in lagu dilay boqolaal Shabaab ah oo ku jiraan horjoogayaal.

    The post Ciidamada DF iyo shacabka oo saaka kooxda Al-Shabaab ku baacsanaya deegaanka… appeared first on Caasimada Online.

  12. Deni-Juxaa.jpg?fit=2240%2C1441&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Cabdi Faarax Juxa, sida ay ogaatay Caasimada Online.

    Xogta aan ka helayno khilaafkan cusub ee ka dhex aloosan labadan masuul ayaa waxay sheegaysa inuu yimid kadib markii uu wasiir Juxa uu si adag uga horyimid qorshe uu madaxweynaha Puntland uu ku rabo inuu wax ka bedel ugu sameeyo Dastuurka.

    Saciid Deni ayaa raba inuu wax ka bedel ku sameeyo qoddobo ku jira Dastuurka, gaar ahaan kordhinta tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod, sida ay ogaatay Caasimada Online.

    Xogaha aan helayno ayaa intaas kusii daraya in khilaafka Deni iyo Juxa uu gaaray heer uu madaxweyne Saciid Deni uu qaato go’aan ah inu xil ka qaadis ku sameeyo wasiir Juxa, taasi oo uga jawaabayo diidmadiisa ku aadan qorshaha uu rabo inuu wax ka bedel ugu sameeyo Dastuurka maamulkaasi.

    Madaxweyne Saciid Deni ayaa la sheegay in maalmaha soo socda xil ka qaadis uu ku sameeyn doono wasiir Juxa, ayada oo loo badinayo in booskiisa u magacaabo Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

    Arrintan ayaa imaneysa xilli uu sii xoogeysanayo damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

    Saciid Deni ayaa dhawaan waxa uu isugu yeeray ururada siyaasadda, isaga oo kala hadlay furitaanka dastuurka maamulka Puntland, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan, halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.

    Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo xataa siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

    The post Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Deni iyo Juxa + ‘halka uu salka ku hayo’ appeared first on Caasimada Online.