Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,270
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Qalalaase xooggan ayaa saaka oo Isniin ah ka taagan magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

    Muddaharaad lagu dalbanayay in toogasho lagu fuliyo askari dil u geystay sarkaal u dhashay degaankaas ayaa isu rogay qalalaase baahsan oo saameeyay Boorame oo dhan.

    Wararka ayaa sheegaya in isku dhacyo dhexmaray dadweynaha gadoodsan iyo ciidanka Booliska uu ka dhashay khasaare kala duwan oo ay ku jiraan dad dhaawacmay.

    Qalalaasaha ka socda Boorame oo markii hore ku bilowday muddaharaad ayaa saacadba saacadda ka danbaysa sii xoogaysanaya.

    PUNTLAND POST

    The post Qalalaase xooggan oo ka taagan magaalada Boorame appeared first on Puntland Post.


  2. Maamulka gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa magacaabay nin hubeysan oo siddeed qof ku dilay xarun laga dukaameysto oo ku taalla Dallas, waxaana magaciisa lagu sheegay Mauricio Garcia, oo 33 jir ah, kaasoo jeeda Dallas laftirkiisa, ayaa waxaa toogtay askari booliis ah oo ka qayb galayay taleefoon kale oo aaggaas ka dhacay.

    Sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden ninka hubaysan ayaa weerarkii Sabtidii u adeegsaday qoriga noociisu yahay AR-15, wuxuuna soo xirtay qalabka dagaalka, Baarayaal ay soo xiganeyso warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in laga yaabo in uu xiriir midigta fog lahaa, taas ay kleentay inuu ku kaco falkaan lagu dilay Rayidka.

    Toogashadaan ayaa waxaa ay ka dhacday suuq weyn oo laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Dallas gobolka Texas, falka ayaa dhacay xilli mashquul badan uu ka jiray Suuqa, maadaama dadku maalmaha fasaxa ah ay u soo dukaameysi tagaan suuqa, falkaan ayaa dowladdu ku sheegtay mid uu fuliyay wiil Da’ yar oo reer Texes .

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  3. Xasan-Sheekh-1.jpg?fit=2048%2C1296&ssl=1

    Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo uu booqasho ku tegi doono bartamaha bishan May oo ku beegan hal sano, kadib markii mar labaad loo doortay xilka madaxweynaha.

    Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka dalka Qatar, isla-markaana safarkiisa uu la xiriiro mid uu taageero dhaqaale ugu raadinayo dowladdiisa oo dagaal adag kula jirto Al-Shabaab.

    Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dalka yare ee Qatar, balse dhaqaalaha hodanka ku ah kala hadli doono iskaashiga labada dal, amniga iyo siyaasadda

    Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay iska xog wareysan doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo midda gobolka, maadaama bilihii lasoo dhaafay ay dhaceen isbeddallo waa weyn.

    Safarkan oo noqonayo kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegayo dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15 kii May ee sanadkii hore, waxaana booqadashan ku wehlin doono xubno ka tirsan Villa Soomaaliya iyo wasiiro kamid ah xukuumadda federaalka Soomaaliya.

    Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisaa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

    Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynayo dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen.

    Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana la filayaa in uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, kaas oo kusoo biiri doonaan waddamada dariska oo haatan la’isku yiraahdo dalalka safka hore.

    The post Xog: Xasan oo mar kale ku wajahan QATAR + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

  4. Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Osman Adan oo wehlinayo Agaasimaha Dib-U-heshiisiinta Mudane Mohamud Nour Hashi ayaa  ka qeeyb galay shirka dib-u-heshiisiinta Beelaha walaalaha ah ee kala daga degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud.
    Shirkaan oo heshiis hordhac ah lagu gaaray ayaa waxaa kasoo qaybgalay odayaasha labada dhinac, waxgaradka, bulshada deegaanka iyo maamulada degmooyinka Cadaado Iyo Godinlabe, waxaana lagu gaaray heshiis lagu soo afjarayo shaqaaqo dhor jeer dhexmartay laba Beelood.
    Wasiir Ahmed Osman Adan oo Khudbad ka jeediyay goobta ayaa faray odayaasha dhaqanka iney go,aamo adag ku gaaran gogoshaan si bulshadu Nabad ugu wada noolaato isagoo sidoo kale xusay in Dawlada Galmudug damaanad qaadayso inay fulin-doonto wixii lagu heshiiyo amniga goobahaana ay ayadu sugi-doonto, halkaas oo dhowr jeer dhinacyadu ay ku dagaalameen
    Odayaasha labada beelood oo goobta ka hadlay ayaa xusay sida ay diyaarka ugu yihiin inay Nabad qaataan bulshadoodana u horseedaan inay Nabad buuxda ku wada noolaadaan, iyagoo sheegay Inay Dawlada kala shaqeyn doonaan in amni buuxa laga hirgaliyo goobahaas, waxaana halkaas lagu kala sixiixday heshiis laga gaaray wixii soo dhex maray labada dhinac.
    Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo gogosha dhigay degmadiisa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aanka ay gaareen dhinacda waxaana uu sheegay in dhankooda ay adkeyn doonaan wixii lagu heshiiyay, isaga oo bulshada ugu baaqay in la qaato nabadda.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  5. Dowaldda Federalka Soomaaliya ayaa markale dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo kasoo barakacay dagaalka ka socda dalka Sudan, muwaadiniintaan oo tiro ahaan gaaraya 93, ayaa waxaa laga soo kala qaaday magaalooyinka Addis Ababa iyo Juba ee South Sudan iyo Itoobiya oo ay gaareen, kadib markii ay ka barakaceen dagaalka, muwaadiniintaan ayaa u badan Arday iyo kuwa deegaan ku ahaa magaalada Khartoum.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Abshir Cumar Huruuse oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka, wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa xalay garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay 92 ruux oo ka mid ah muwaadiniinta dowladdu ka soo celisay dalka Sudan.

    “Waxaan caawa magaalada Muqdisho ku soo dhowaynay diyaarad sidday 93 Muwaadiniin Soomaaliyeed  oo ka  soo  qaxay colaadaha dalka Sudan, kuwaasoo laga soo qaaday Caasimadda Koonfurta Suudan ee Jubba, 34 ka mid ah muwaadiniinta caawa Muqdishu ka soo degay ayaa ku wajahan gobollada dalka qaarkood, anagoo sii wadi doona caawintooda inta ay ku biirayaan   qoysaskooda” ” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

    Duulimaadkan ayaa ah kii sadexaad ee shalay dowladda ku soo celisay dalka, iyadoo labo diyaaraddood oo siday 137 muwaadin ay ka kala degeen magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, taasoo tirada guud ee dalka lagu soo celiyay ka dhigaysa 230 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo isugu jira arday iyo qoysas halkaas ku noolaa, waana markii afaad todobaad gudihiisa dowladda ay kusoo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka yimid Sudan.

    Sudan ayaa waxaa wali ka dhaqan galaysa xabadjoojin ay djinacyo isla garteen, waxaana muwaadiniinta kasoo laabanaya ay qeyb ka noqonayaan muwaadiniin badan oo dalkaas isaga baxay, kuwaas oointooda badan Arday Diblomaasiyiin iyo kuwa deegaan ah intaba ku ahaa magaalooyinka waa weyn sida caasimadda Khartoum iyo Umu Durmaan, waxaana socda wadahallo u dhaxeeya dhinacda oo ay garwadeen ka tahay dowladda Sucuudiga.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe ee weli taageersan Somaliland ayaa saaka dad shacab ah ku weeraray degaanka Tuula Samakaab ee Gobolka Sool.

    Maleeshiyaadka Mahad Cambaashe ayaa sida wararku sheegayaan rasaas aan kala sooc lahayn ku furay shacab ku sugnaa goob meherad ah oo ku taalla Tuula Samakaab.

    Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday weerarka halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.

    PUNTLAND POST

    The post Maleeshiyaadka Mahad Cambaashe oo dad rayid ah ku dilay Tuula Samakaab appeared first on Puntland Post.


  7. Upon President Hassan Sheikh Mohamud’s election on May 15, 2022, many Somalis hoped for a change in the president’s management style. It was expected that President Hassan would nominate a trusted individual for the position of prime minister, and then allow that person to execute the prime minister’s duties without interference. Hamza Abdi Barre, a long-time friend of President Hassan, became prime minister.

    However, it did not take long for President Hassan to start performing the duties of the prime minister. He traveled overseas and signed contracts before and after the prime minister was appointed. His appointment of more than half of the government ministers and an equal number of state ministers was viewed by many Somalis as a move to undermine the prime minister’s position.

    Additionally, the president began addressing the Somali people directly, which was considered to be a departure from the approach of his predecessor, the former President Farmaajo. Supporters of the president have stated that he is more open than any previous president, being willing to answer any question he is asked.

    But those who oppose the president believe that his actions raise concern about political interference, and that he cannot think clearly or make sound decisions because of his attention-seeking behavior.

    On one particular day, President Hassan spoke in the Masjid in Villa Somalia after Friday prayers. During his speech he revealed that his government had discovered cases of corruption in the government, specifically regarding absenteeism from work. He stated that over one-third of government employees had not reported to work on the previous day, and that no one knew why. The government learned of this through the use of an electronic system that required employees to log in. Many Somalis were left wondering why the president had spoken of this matter, as it was typically something the prime minister should discuss with his cabinet.

    A few days later the prime minister presented a detailed report to his cabinet and urged action against those who failed to show up for work. The report showed the prime minister reviewing the number of employees reporting for work, live on his computer. However, the report was rendered useless because President Hassan had already told the Somali people about it, before the prime minister had a chance to discuss it with his cabinet.

    It has been observed by political analysts that this was a result of the prime minister informing the president before Friday prayers. The president, who wishes to grab all the attention, could not wait for the prime minister to inform his cabinet. The president intended to take the credit for fighting corruption.

    On May 5, 2023, during Friday prayers in Villa Somalia Masjid, President Hassan told another story that was deemed inappropriate by most Somalis. He predicted that Puntland would cease to exist if its President Deni did not carry out the people’s wishes. Many people were perplexed as to why he had talked about Puntland, since he had previously stated that there were no problems between the Puntland people and the federal government, and that the only conflict was minor and could be resolved politically.

    One analysis suggests once again that the president sought attention by foretelling what would happen to Puntland. That morning, before prayers, a few individuals opposed to the Puntland government had probably told the president of their plan to disrupt the Puntland election, and he had approved of that move. However, the analyst added that President Hassan could not wait for those individuals to act. He then told the Somali people about it because he wanted to be perceived as a visionary if and when the election was disrupted, 24 days later. The President’s intention was to say, “See? I told you so.”

    The consequences of President Hassan’s actions were unfavorable to his allies, and President Deni gained much support from both Puntlanders and others. This might make it seem as if he has the mandate of the people to do as he thinks is right. But it should be noted that extending his presidency would not be successful for President Deni. It is essential to hold an election that all stakeholders agree upon in due time.

    It is worth recalling that four years ago, when President Deni was elected president of Puntland, his opponent probably wanted to stay in power. However, he relinquished the presidency so that Puntland could move forward. President Deni should remind himself of this fact and do the right thing. President Farmaajo and President Muse Bihi both attempted to extend their period of rule, and it led to chaos and a loss of credibility. President Muse Bihi’s attempt essentially rendered Somaliland non-existent after 32 years of building the government.

    By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein

    Mohabdhus@gmail.com

    Atlanta, Georgia, USA

    The post Somali President’s Actions Raise Concerns Over Political Interference appeared first on Puntland Post.


  8. Ciidamada-Somaliland-scaled.jpeg?fit=256

    Ceerigaabo (Caasimada Online) – Ciidankii u danbeeyay ee Beesha East Sanaag Clan kaga harsanaa ciidamada Somaliland ee laga xukumo Taliska Ceerigaabo ayaa shalay si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Puntland.

    Ciidankan oo ay hoggaaminayaan Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Giigi iyo Gaashaanle Maxamuud Buurmadow ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Xingalool ee gobolka Sanaad.

    Abbaan-duulaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Xuseen Dheere ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidankan, waxaana uu ballan qaaday in loo dhammaystirayo xuquuqda iyo mushaharkooda.

    Arrintan ayaa dhabar-jab weyn ku ah maamulka Somaliland, ayada oo hadda ay muuqato in dhammaan beelaha Daarood ee Sool iyo Sanaag ay ka wada baxeen maamulka Somaliland.

    Dagaalka Laascaanood oo socday tan iyo bishii Febraayo, ayaa aad u wiiqay doodda Somaliland ee madax-banaani raadinta, maadaama dhul ballaaran oo Somaliland ay sheegato ay beelihii deganaa shaaciyeen inaysan qeyb ka ahayn xukuumadda Hargeysa.

    Dhinaca kale, dagaal culus ayaa xalay ka dhacay jiidda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

    Ciidamada Somaliland oo weerarka soo qaaday iyo xoogaga degaanka ee SSC-Khaatumo oo difaac ah ayuu dagaalkaasi dhexmaray.

    Dagaalka ugu xooggan ayaa laga soo sheegay jihada galbeedka Laascaanood halkaas oo Somaliland ka soo billowday weerarka.

    Ilaa iyo hadda faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha dagaalka labada dhinac waxaana weli la maqlaya dhawaqa hubka oo goos goos ah.

    The post Beeshii ugu dambeysay oo ciidamadeeda kala baxday SOMALILAND kuna biirtay… appeared first on Caasimada Online.

  9. Climate change made both the devastating drought in the Horn of Africa and the record April temperatures in the Western Mediterranean at least 100 times more likely, according to two new scientific reports. The studies add to the growing weight of evidence about the huge socio-economic impact of heat-trapping greenhouse gases, as highlighted by WMO’s State of the Global Climate reports.

    Source: Hiiraan Online


  10. guuleed.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Finland, MR Jukka Pajrarinen.

    Kullankan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka aheyd safaaradda FINLAND ee Soomaaliya, waxaana looga wada-hadlay dib u bilaabida wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo dhawaan uu markale garwadeen ka noqday ergey Guuleed.

    Ergeyga ayaa waxa uga mahad-celiyay agaasimaha iyo safaaradda doorka dowladda Finland ay ka qaadatay dowladd dhiska Soomaaliya, isaga oo warbixin ka siiyay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista wada-hadallada Somaliland.

    Sidoo kale waxa uu la wadaagay agaasimaha iyo safaaradda-ba in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo arrimaha Somaliland, xilli ay socdaan dadaalada dib loogu bilaabayo wada-hadallada labada dhinac.

    Mr Jukka Pajrarinen ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dhankiisa u muujiyay ergeyga sida ay diyaarka ugu yihiin inay Soomaaliya kaga caawiyaan dadaalada lagu xoojinayo midnimada umadda Soomaaliyeed.

    Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday inay dowladdiisa ay gacan ka geysan doonto ka mira-dhallinta wada-hadallada Somaliland.

    Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii April u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

    Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada, si uu taageero ugu helo wada-hadallo guuleysta.

    Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabto Somaliland.

    345591383_2859810510818804_7092750759375 guuleed1-1.jpg?resize=696%2C696&ssl=1 345470193_1697812793982800_8482131171653 345449491_749752466712264_71750658119209 345442842_557018003145612_83805241928966 guuleed.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

    The post Finland oo sameysay ballan-qaad culus oo la xiriira wada-hadallada DF iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.

  11. FB_IMG_1683536940088-1.jpg?fit=716%2C881

    Boorama (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in maanta dibad-baxyo rabshada wata ay ka ka dhaceen gudaha magaaladaas oo hoostagta Somaliland.

    Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaaladaasi, waxayna kasoo horjeedeen dilkii loo geystay marxuum Khadar Maxamed Caynaanshe oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal.

    Dibadxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in tiirka la geeyo askarigii ka dambbeeyay falkaasi oo ay shalay xukun dil ah ku ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland.

    Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar, waxaan falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibadbaxyo waa weyn oo haatan ka billowday Boorama.

    Sidoo kale dadweynaha reer Boorama ayaa ku dooday in aysan joojin doonin banaan-baxooda ilaa inta laga fulinayo xukunka dilka ah ee lagu ridday Dable Axmed Cabdi.

    Xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.

    Mar la’is barbar dhigo rabshadahaan iyo kuwii horay uga dhacay Laascaanood ayaa isku mid ah waxayna ka wada bilowdeen kacdoon ka dhashay dilal ka dhacay magaalooyinkaasi, laakiin mida magaalada Laascaanood ayaa isku bedashay gacan ka hadal & dagaal toos ah.

    Ma’aha markii u horreysay ee ay dil isu gaystaan askarta Somaliland dhexdooda, waxaana marar badan maamulkaas ka dhacay dilal ay soo fara-gelisay maxkamadda ciidamada.

    Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is biirsaday, sida colaadda Laascaanood iyo muranka siyaasadeed ee weli ka taagan doorashada maamulkaasi.

    01.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 02.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 03.jpg?resize=696%2C522&ssl=1FB_IMG_1683536940088-1.jpg?resize=696%2C

    The post Sawirro: Xiisad lamid ah mida Laascaanood oo ka qaraxday BOORAMA appeared first on Caasimada Online.

  12. Jibriil.jpg?fit=696%2C522&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay muranka siyaasaddeed ee ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan qorshaha uu Deni ku rabo in wax ka bedel loogu sameeyo Dastuurka maamulka Puntland.

    Guddoomiye Jibriil ayaa fasiraad sharci ah ka bixiyay murankaasi ka taagan wax ka beddelka dastuurka, ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin wax diidaya in wax laga bedelo dastuurka, “haddii ay timaado baahi laga marmaan ah.”

    Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo la hadlay VOA ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dastuurka laftigiisa ay ku jiraan qoddobo aan wax ka bedel lagu sameyn karin oo u baahan in marka hore loo helo afti dadweyne iyo baarlamaank ku yimaadda codka shacabka.

    “Xukuumadda sida uu qabo qoddobka 139 ee Dastuurka waa leeyihiin soo jeedinta, mar hadey timaado soo jeedinta Baarlamaanka, waxa uu leeyahay waxaa la waafajinaya faqradda labaad oo u dhigan ‘marka soo jeedinta ay soo gaarto Golaha Wakiiladda waxaa fallanqeynaya guddi gaar ah, wuxuu guddiga soo jeedinaya talo bixin uu Golaha ka doodayo oo lagu ansixinayo cod hal dheeri ah in la furo Dastuurka si wax ka bedel loogu sameeyo,” ayuu yiri.

    Jibriil oo wax laga weydiiyay walaaca ay siyaasiyiinta mucaaridka ay ka qabaan arrintaan, ayaa sheegay in uusan garaneyn arrinta wal-walka ku haysa siyaasiyiintan, islamarkaana ay u furan tahay inay cabashadooda ay u maraan wadada sharciga u ogol yahay.

    “Anigu ma garan karo masuuliyiinta waxay ka wal-walsan yihiin, xaq ayay u leeyihiin in cabashadooda u soo gudbiyaan Golaha Wakiilada, oo Golahana uu 30 maalmood gudahooda kaga jawaabo cabashadooda, sidoo kale haddii ay qabaan cabasho Dastuuri ah waxaa jirta Maxkamaddii Dastuuriga ah oo Golaha ansixiyay, oo u gudbin karaan cabashadooda sharciga, kalana hadli karaan.”

    Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Golaha Baarlamaanka Puntland uu arrintaan go’aan kaga gaari doono kalfadhigga bisha June u furmayo, halkaas oo guddiga loo xil-saaray kasoo talo bixinta furista dastuurka ay warbixin golaha horkeeni doonaan, taasi oo lagu go’aan qaadan doono.

    Golaha Wasiirada ayaa maalintii Khamiistii lasoo dhaafay meel-mariyay in la furo dastuurka, si wax ka bedel loogu sameeyo qoddobka xisbiyada, si loo ballaariyo tirada xisbiyada kusoo baxa doorashada, si looga dhigo shan urur siyaasadeed, halka ay awal ka aheyd saddex xisbi.

    Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, iyada oo la sheegay in Saciid Deni uu qorshahaan ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

    The post Fasiraad sharci ah oo laga bixiyey muranka Sacii Deni iyo mucaaradka ee dastuurka appeared first on Caasimada Online.

  13. WHO.jpg?fit=1536%2C1025&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa hay’adda WHO kala wareegay Shan Gaari oo ah nooca loo yaqaano Hardtop-ka.

    Munaasabadda gawaarida lagula kala wareegayey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Drs Maryama Maxamed Xuseen, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada iyo Madaxda hay’adda WHO ee gobolka.

    Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ayaa wareejintya deeqda ka hor la qaatey kulan wafdiga ka socdey hay’adda WHO, iyada oo wafdiga ay ka warbixiyeen howlahooda Soomaaliya iyo qorshahooda hortabinta u le qeybta caafimaadka Soomaaliya.

    Gawaaridan ayaa qeyb ka ah qorshaha WHO ay kaga qeyb qaadanayso horumarinta caafimaadka Soomaaliya, waxaana ka guddoomay wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

    Wasiirka ayaa ka mahad-celiyey deeqda gawaarida ah, kuwaasi oo la filayo in ay wax badan ka caawin doonaan qeybaha loo qorsheynayo in loogu adeego.

    Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay ka go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee ka jira dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa caafimaadka Soomaaliya, si loo gaaro yoolka horumarinta caafimaadka ee dowladda

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: Wasaarad ka tirsan DF oo la wareegtay shan gaari appeared first on Caasimada Online.