Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa baarlamaanka hortiisa uga dhawaaqay inuu is casilay. Is casilaada Robert Mugabe ayaa noqotay mid la yaab leh kadib markii uu dhawr jeer oo hore ku adkeystay inuusan is casileyn. Warqad uu soo saaray Mr Mugabe ayuu ku sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid ikhtiyaari ah oo aysan cidna ku qasbin sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Iyadoo ay socotay qaban qaabo ku aadan in Madaxweynaha laga keeno mooshin xilka looga qaadayo ayaa si lama filaan ah waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka loo hor keenay waraaq kasoo baxday madaxtooyada oo uu Mugabe ku sheegay inuu is casilay. Robert Mugabe ayaa asbuucii hore diiday inuu is casilo kadib markii ay talada dalkaas ay la wareegeen Ciidamada Militariga. Madaxwyenahaan ayaa xilka hayey ilaa 1980, waxaana ku kacay ciidamada Militariga oo ku amray inuu is casilo.
  2. Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed Bin Zayed Al-Nahyan discussed on Monday with Somalia’s President Mohamed Abdullahi Farmajo means of upgrading collaboration and coordination with counterterrorism efforts. The two said that cooperation is key to upholding security and stability in Somalia. The Crown Prince also talked over with the visiting Somalian president ways to boost bilateral ties. Sheikh Mohammed, also deputy supreme commander of the United Arab Emirates (UAE) armed forces, and Farmajo affirmed the relations of “brotherhood” between the two countries, the UAE state news agency WAM reported. They reviewed issues of common concern, especially development issues, humanitarian and charitable programs and reconstruction projects carried out by the UAE to support the Somali people, it said. They also discussed ways of boosting cooperation in combating terrorism, violence and armed groups, as well as taking joint action to maintain security and stability in Somalia. Sheikh Mohammed said the UAE will continue supporting Somalia and its people in building national institutions and maintaining security and stability. For his part, the Somalian president briefed the host on his government’s efforts to implement development programs and fight terrorism. He expressed his thanks for the UAE’s continued support to Somalia and its people, which contributed to the normalization of life in many Somalian regions, “both in terms of stability and development.” On the other hand, the UAE Foreign Affairs Minister Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan met on Monday with United Nations Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs and Emergency Relief Coordinator Mark Lowcock. During the meeting, they reviewed UN humanitarian and relief efforts in emergency situations and the support provided by the UAE for the efforts of the international organization in humanitarian action. After that, FM Sheikh Abdullah met with Russian Deputy Foreign Minister Mikhail Bogdanov, who is also Russia’s presidential envoy. Both sides discussed aspects of joint cooperation and ways of enhancing bilateral relations as well as regional developments. Source: – Aawsat
  3. Somaliland’s National Election Commission (NEC) has officially declared Kulmiye’s candidate, as the winner of the presidential election in the just-concluded polls. Muse Bihi was declared winner on Tuesday afternoon at the National Tallying Centre in Hargeisa with the main opposition party Wadani led Abdirahman Mohamed Irro protesting. Bihi from the ruling party Kulmiye garnered 305,909 votes (55) defeating Wadani’s flagbear, Irro who got 226,092. The commission also said the third candidate from UCID scored 23,141 which equivalent 4.17% which equivalent to votes cast 13th this month. NEC chairman, Abdikadir Iman said that the conditions that had been set for the repeat poll were met and that the fresh election credible, free and fair. “I am satisfied that we were able to meet these conditions set for the election, and I believe it was a free, fair and credible election,” said Mr Iman. The international poll observers earlier said it had found no evidence to suggest last week’s election was manipulated or inaccurate, as the opposition had attested. Source: HOL
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Sucuudiga iyo Iiraan oo ah labo dal oo daris ah, misna xoog badan ayaa si weyn ugu hardamaya midkoodii ku ku gacan sarayn lahaa gobolka Bariga Dhexe. Loolankan oo soo jirey tobonnaan sano ayaa sababta ugu weyn ay tahay wax salka ku haya diinta, taas oo ah kala duwanaanshaha mad-habka Sunniga ah iyo kan Shiiciga ah. Iiraan waxaa u badan Shiicada, Sacuudigana Suniga. Maxaa ugu wacan xifaaltanka qaraar ee Sucuudiga iyo Iiraan? Kala duwanaanshahan u dhaxeeya labada dal waa mid sidoo kale ka jira dalalka Bariga Dhexe intooda kale, kuwa ay Shiicada ku badantahay waxa ay ku xiran yihiin Iran, halka dalalka Suniga u badanyihiina ay isu riixaan dhanka Sucuudiga. Taariikh ahaan Sucuudiga ayaa hormuud u ahaa dunida islaamka, balse markii lasoo gaaray sanadkii 1979-kii waxaa dhashay kacaankii islaamiga ahaa ee Iiraan, kaas oo xitaa ay ka go’nayd in ay faafiyaan mad-habka shiiciga ah. Wuxuuna loolan adag la galay hoggaamintii Sucuudiga. 15 kii sano ee lasoo dhaafay ayaa si gaar ah ay cirka isku shareertay xasaradda u dhaxaysa labada dal. Duulaankii Maraykanka uu ku qaaday Ciraaq oo dal sunni ahaa ee lagu dilay Saadaam Xuseen ayaa wuxuu meesha ka saaray mid ka mid ahaa caqabaddii ugu weyneyd ee Iran hortaagnayd. Waxaa sidoo kale dhacday in saamaynta Iran ay ku faafto Ciraaq. Markii lasoo gaaray sannadkii 2011-kii oo ay dhasheen kacdoonadii shacabka ee Carabta, ayay labadan dal ka faa’iideysteen xaalada qalalaasaha ah ee dalalkaas ka jirtay si ay u faafiyaan saamayntooda. Xaalka ayaa aad uga daraya sababtuna waxay tahay Iiraan oo u muuqata in ay ku guuleysanayso tartanka. Dalka Suuriya, Iiraan oo garab ka heleysa Ruushka ayaa xukuumadda Bashaar Al Asad ka caawisay in uu meesha ka saaro inta badan ciidammadii kooxaha falaagada. Sucuudiga ayaa si naf la caarinimo ah isugu dayaya in uu uga hortago qorsheyaasha Iiraan, iyada amiirka da’da yar ee Maxamed Binu Salman uu hormuud ka yahay dadaaladaas. Dalalka sida tooska ah loogu hardamayo waxaa ka mid ah dalka Yemen oo uu ka socdo dagaal labo sano jirsaday oo u dhaxeeya xulufada uu Sucuudiga hormuudka ka yahay iyo kooxda Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto. Dalka Lubnaana, dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in Sucuudiga ay ku cadaadisay Ra’isulwasaarihii dalkaas Sacad Xariiri in uu is casilo. Sucuudiga wuxuu taageero xoog badan ka haystaa xukuumadda Trump ee Maraykanka iyo waliba Israa’iil oo la sheegay in ay Sucuudiga ku taageersantahay dadaalka in Iran wax laga qabto. Israa’iil ayaa cabsi weyn ka qabta halista ay ku yeelan karto in maamullo Iiraan dabada ka riixayso sida Suuriya oo kale. Markii sannadkii 2015-kii Golaha Ammaanka u codeynayeen heshiiskii hubka Nuyuukleerka , Israa’iil iyo Sucuudiga ayaa kasoo horjeedsaday. Yaa xulafo ah? Marka si guud loo eego qariidadda Bariga Dhexe waxaa si toos ah loo arki karaa sida la’isu xulufaysanayo suniga iyo shiicada. Xulafada Sucuudiga waxaa ka mid ah dalalka gacanka Carabta sida Imaaraatka, Kuwait, Baxreyn, Masar iyo Urdun. Dhanka Iran waxaa xulufo la ah dowladda Suuriya, ururka Xisbulah ee Lubnaan, dowladda Shiicada horboodayso ee Ciraaq iyo waliba kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Sidee loo wajahayaa dagaalka? Loolanka waxa uu leeyahay dhammaan astaamihii dagaalkii qaboobaa ee Maraykanka iyo Midoowga Soviet u dhaxeeyay muddo dheer. Iran iyo Sucuudiga toos uma dagaalamayaan, balse waxa ay ku lug leeyihiin dagaalo kala duwan oo ay si dadban ugu jiraan, waxaana tusaale ah dagaalada ka socda Suuriya iyo Yemen. Dhawaan markii kooxda Xuutiyiinta ay gantaal ridada dheer ku tureen Sucuudiga, waxaa si weyn loogu eedeeyay Iiraan, waxaane sare usii kacay dagaalka afka ah ee labada dal. Maadaama horumar badan ay ka gaari waayeen Yemen, Suuriyana lagu jabiyay, Sucuudiga meesha xigta ee ay isha ku hayso ayaa ah Lubnaan. Lubnaan ayaa halis ugu jirta in ay noqoto sidii Suuriya oo kale, hase yeeshee dadka siyaasadda u dhuun duleela ayaa sheegaya in danaha Sucuudiga ay u egtahay in ay ka fulayaan Lubnaan. Haddii Lubnaan ay wax ka dhacaan waxaa aad suurtogal u ah in Israa’iil ay soo farogaliso , waxayna keeni kartaa dagaalkii saddexaad oo dhexmara Israaiil iyo Lubnaan. Ma laga yaabaa in uu dagaal toos ah dhexmaro Sucuudiga iyo Iiraan? Illaa iyo hadda dagaalka Tehran iyo Riyadh waxa uu ahaa mid dadban, midkoodna ma uusan qaadin talaabo toos ah oo uu kan kale ku weerarayo marka laga reebo hal gantaal oo Yemen laga ganay, laguna riday Sucuudiga. Meesha suurtagalka ay tahay in ay isaga hor tagaan ayaa ah badda gacanka Carabta, halkaas oo xuduud badda ah ay ka leeyihiin. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay doorashadii dhacday 13-kii bishan ayaa ku dhashay Miyiga Magaalada Hargeysa sannadkii 1948-kii, waana 69-jir. Biixxi wuxuu sheegay inuu Waxbarashadiisii Qur’aanka, Dugsiga Hoose iyo Dhexe-ba uu ku qaatay magaalada Hargeysa. Dugsiga Sare ee Cammuud oo ku yaalla Magaalada Boorama ayuu ka qalin-jabiyay Sannadkii 1970-kii, kaddibna wuxuu ku biiray ciidamada cirka ee Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa bishii May ee sannadkii 1985-kii ku biiray jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, waxaana markii ay bur-burtay Dowladdii dhexe ee Somalia, isla markaana Somaliland ay ku dhawaaqday goonni-isu-taaggeeda ayuu ka qabtay xilal kala duwan. Sannadkii 1993 ayaa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Somaliland ee Dowladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Wuxuuna Wasaaradaas hayay muddo oo uu kusoo caan-baxay. Dhanka kale, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka mid noqday guddigii fulinta, markii la aasaasay xisbiga KULMIYE bishii May ee 2002-dii, isagoo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad loo doortay sannadkii 2008-dii, Waxaana guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE loo doortay 10-kii November 2015-kii, kaddib shir-weynihii xisbiga, waxaana loo xushay inuu noqdo musharraxa xisbiga. Ugu dambeyn, Wuxuu ku hadlaa Luqdaha Ingiriiska, Carabiga, iyo Ruushka. Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay Shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka intii u dhexeysay 2008-dii illaa 2010-kii. PUNTLAND POST The post Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Kooban appeared first on Puntland Post.
  6. Bosaso-[Puntland Post]-Hooyo Raaqiyo Cabdilahi Ibraahim Cali waa hooyo soomaliyed oo ku nool Magaalada Bosaso waxa ay la dhibatoonaysaa wiil ay ay dhashay kaas oo ka tahriibay. Wiilkan ay dhashay Raaqiyo Cabdilaahi Ibraahim Cali oo ah hooyo soomaliyeed waa Agoon abihiina mar hore ayuu geeryoday sida ay iyadu noo sheegtay. Mahaysato wax ay ku caawiso wilkeeda oo ay sheegatay in ay haystaan magafayaal waxana uu hada ku suagn yahay Caasimada Libiya ee Tripoli waxana ku dhacday xabad xili uu rabay in u baxasado waana dhaawac sida hooyo Raaqiyo ay u sheegeen dadka haysata wiilkeeda. In dheheeda wax ka muuqada murugo xoogan oo ay la ilmaynaso silica haysat wiilkeeda iyo wax la aanta haysat Hooyo Raaqiyo. Hooyo Raaqiyo oo hadlkeeda sii wadata Waxa ay Umada islamaka ah ee ku sugan dalka iyo dibadiisaba ka cod sanaysaa in laga caawiyo si danta wiilkeeda oo ay markale hesho . Ilahay waxa uu yiri isku gar gaara aan idin gar gaare walal u gar gaar hooyo Raaqiyo Cabdilaahi Ibraahim Cali uguna dir wixii aad awood taleefanada Shaashada kaga muuqda. Walalo Caawi Hooyadan Dhiban oo la xirii Talefankeeda. +252906141956 Ama Puntland Post Xafiiskeeda Bosaso 0907643863 Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso The post Daawo : Hooyo Dhibaateysan Oo Muslimiinta U baaqday appeared first on Puntland Post.
  7. Waxaa magaalada Muqdisho xalay lagu qabtay madal looga hadlayey Isirka Soomaaliya, xarunta dhaqanka ee Ifiye oo soo qaban-qaabisay kulankan, waxaa marti ku ahaa Prof. Madaxmed Gandhi oo ah qoraa taariikhda iyo Isirka Soomaaliyeed. Gaandhi sidoo kale waa siyaasi horay u soo noqday wasiirka gashaandhigga(2009-2010), hadda waxaa uu ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. Prof. Madaxmed Gandhi, waxaa uu madasha uga hadlay bilowga taariikhda Soomaaliya, Isirka Soomaalida, abtirka Iyo beelaha hadda Jira, waxyaabaha ay ka siman yihiin Soomaalida, Isticmaarka iyo Soomaaliya. Bilowga Taariikhda Soomaaliya: Prof. Madaxmed Gandhi, Taariikhda Soomaalida waxaa uu ka soo bilaabay xilligii faraacinada gaar ahaan boqoraddii Xatshepshut, oo aheyd boqoradii 5aad ee Faraaciinta, taas oo xiriir soke la laheyd dhulka Soomaalida, Faraaciinta waxaa ay halkan ka qaadan jireen fooxa iyo waxyaabaha udgoon. Waxaa kale oo Soomaalida xiriir la laheyd dalka Giriigga, magacyo badan oo loo aqoon jiray Soomaaliya waxaa ka mid ahaa: Punt, Zinji iyo Azaaniya. Asal-ka Magaca Soomaal waxaa uu ku sheegay in 3 meel: Erayga carbeed ee (duu-maal) oo micnaheeda yahay mid maal leh oo ka yimid sida uu sheegay Yemen, iyaga oo-Yemen-aan ku dhawaaqi karin”D” ayey yiraahdeen Zuumaal halka Soomaalida oo aan Z laheyn u badaleen Soomaal. So-Maal oo hilib ah, waa micno kale. Erayga marti-gelinta ka tarjumaayo ee xoolaha Soomaal. Prof. Madaxmed Gandhi , Waxaa kale uu soo qaatay in qarniga 16aad markii ugu horeysay qoraallada Xabashida lagu arkey in beelo uu jabiyay boqorkii Itoobiyaan-ka ahaa uu ku yiri “Soomaaliya u sheeg”, taas oo muujineysa in xilligaasi ay Soomaalida diriri-jireen, gaar ahaan loolanka Xabashida iyo Soomaaliya. Asalka Soomaalida waxaa uu ku soo koobay 3 aragti: (1): Carab: Prof. Madaxmed Gandhi , waxaa uu sheegay in ay jirto aragti xoogan oo leh Soomaaliya waa carab, oo muujineysa in dhulkan markii hore ay Bantu deganayeen, oo Oromo in ay timid xoogtay, una soo riixday dhanka Koonfurta, Kadibna Soomaalida Jasiiradda carabta ka yimaadeen oo iyagana Oromada dhulka ka xoogeen, sidaana ay u dageen…Soomaalidana markii ay isticmaarka yimaadeen oo la doonayey in la qoro isirkooda, si diinta Islaamka u badbaadiyaan ayey abitirka geliyeen carab. (2): Aragtiga Shalotrenz ee Isirka: Xaam ama Xaamiyiinta Yaafith ama Yaafisiinta Saam ama Saamiyiinta Aragtiyadaasi waxaa ay Soomaalida gelinayaan bahda Cushitic, oo ah in Soomaalida ka soo jeedaan dad ku noolaa dhulka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya, dadkaasi oo xitaa Faraacinada ka adkaaday 800 oo sano ka hor dhalashada Nabi Ciise. Cushitic: waxaa umad ama bulsho jirta 7 kun oo sano, oo ka kooban 40 jinsiyadood oo dega bariga Afrika, waxaa ay dhammaan isaga mid yihiin luqadda xagga naxwaha iyo dhaqanka. (3): Aragti kale, oo dhigeysa in Soomaalida yihiin Afirikaan rasmi ah oo aan biyo is-marin. Abtirka Iyo Beelaha Hadda Jira: Prof. Madaxmed Gandhi, Qabiillada Iyo Abtirka Hadda Jira mar uu ka hadlayey waxaa uu meesha ka saaray abtirka iyo beelaha in ay weligood sidaasi ahaayeen, waxaa uu qabaa in intii isku dan iyo nidaam ah ay magac iskala baxeen, sidaana ay ku yimaadeen magacyadan aan naqaanno, waxaa kale uu ku doodayaa in beesha 5aad ama .5-ka lagu sameeyay shirka Carte 2000 uu beel la yaqaano oo lagu abtirsado isku badali-doono 50 sano kadib. Waxyaabaha uu qabiilka ku wanaagsan yahay waxaa uu ku sheegay iskaashiga, dhiigga oo la isla bixiyo, xoolaha oo la isla raaco iyo wanaagga oo la iskugu gargaaro, isaga oo intaasi ku daray in ay beesha sii jiri-doonto illaa laga helo nidaam dowladnimo oo adag. Waxyaabaha ay ka siman yihiin Soomaalida. (1): Deegaanka: Soomaalida waa bulsho deegaan ahaan isku mid, oo hal meel oo geeska Afrika ah ku nool, 4 dal ayey degaan sida Jamhuuriadda federaalka ah ee Soomaaliya, Djibouti, Kenya iyo Itoobiya. (2): Afka: Waxaa uu sheegay in uu qeyb ka yahay Cushitic, Teeda kale Cushitic waxaa umad ama bulsho jirta 7 kun oo sano, oo ka kooban 40 jinsiyadood oo dega bariga Afrika, waxaa ay dhammaan isaga mid yihiin luqadda xagga naxwaha iyo dhaqanka. (3): Xigto: Soomaalida waa dad xigto ay ka dhaxeyso. (4): Silsiladda Tolka: Soomaalida waxaa ay leeyihiin silsilad ka soo bilaabatad Qoys, reer, jilib, laf, qolo illaa tol oo isku tollan. (5): Dhismaha Aqalka: Waxaa uu sheegay in weli reer miyiga heystaan dhaqan ah in aqalka ay dhismahiisa iyo qalabeyntiisa iska kaashaadaan reerka wiil iyo gabadha isku guursanaya. (6): Marxaladaha Da’ada: waxaa kale uu sheegay in caruurta yar, wiilka gaashaan-ka iyo gabdha gashaantiga ah, garmadow illaa Duq ay dhammaan qaab cumri ah u sameeyaan marxaladaha ragga iyo haweenka. (7): Beel: Waxaa ay ka simman yihiin sida uu sheegay beelaha oo beel weliba leedahay rag lagu tashto dhanka xoogga, deegaan ay leedahay, magta iyo qaaraanka oo la isla bixiyo, magaca, xoolo iyo summad iyaga beel ahaan u gaar ah. (8): Qeybaha Bulshada: Waxaa uu soo qaatay in qeybaha bulshadii hore loo kala saaro waranle, waable iyo wadaad, waxaa uu intaasi ku daray in ay jiraan dad ku nool webiyada, magaalooyinka iyo jasiiradaha. (9): Xeerka: Soomaalida waxaa ay wadaagto waxaa ka mid ah xeerka, sida dhiig iyo dhaqan, waxaa qeybtan ka mid ah waxyaabaha Moodka(dhulalka, guraya….) iyo Nool oo xoolaha iyo waxa nool. (10): Dowladda: Waxa ugu casri-san ee Soomaalida wadaagaan waxaa uu ku sheegay calanka iyo dastuurka. Isticmaarka Reer Galbeedka iyo Soomaaliya: Prof. Madaxmed Gandhi, ugu dambeyntii waxaa uu soo qaatay in Isticmaarkii reer Yurub ay wax badan ka badaleen bulshada balse Soomaalida aaney is-dhiibin sida: Sharaf-beelka Odoyaasha: Isticmaarka waxaa ay odoyaasha siin-jireen Sado si dadka ugu marti-qaadaan markii dambana mushaar ayaa loo qoray, taasi oo meesha ka saartay sharaftii iyo karaamadii ay bulshada ku dhex lahaayeem Diin Jaceylka: Isticmaarka waxaa uu sii xoojiyay jaceylka ay Soomaalida u qabaan diinta Islaamka, waxaa ay badiyeen dhismaha madaarista qur’aanka, waxaa caruurta u diideen Iskuullada isticmaarka, waxaa kale oo caruurta loo bixiyay magacyo carab ah, isaga oo ku dooday in 3 ama 4 jiil aan la dhaafin karin magacyada Soomaaliyeed ee carabta, taasina la isaga celiyay oo keliya isticmaarka. Isirka Carabta: Isticmaarka waa dadkii ugu horeeyay ee raadiyey ama qoray isirka Soomaalida, dadkii ay la hadleen, waxaa ay abtirka geliyeen Carab si ay uga fogaadaan Afrikaan iyo meelo kale. Dhaqanka Oo Laga Fogaaday: Isticmaarka waxaa uu qaabab kala duwan ula dhaqmay Soomaalida, Koonfurta oo Talyaani ahaa iyo Waqooyiga oo Ingiriis gumeysan jiray waxbarashada iyo wax badan ayey ku kala duwanaayeen, tiiyoo markii dambe keentay in dalka uu soo galo hanti-wadaag oo meesha ka baxo marjicii umadda Soomaaliyeed iyo dhaqankii suubanaa. W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source
  8. Washington (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay ciidanka ka jooga Somalia ee dagaalka kula jira Kooxda Al-shabaab iyo Ururka Daacish ee ku sugan Buuraleyda gobolka Bari ee Puntland. Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in sanadihii lasoo dhaafay la kordhiyay ciidamada ka jooga Somalia, kuwaasoo la gaarsiiyay illaa 500 oo askari. Boqollaalkan Askari ee Mareyanka ee ku sugan Somalia ayaa noqonaya kuwii ugu tirada badnaa ee Mareykanka kaga sugan Soomaaliya Tan iyo Sannadkii 1993-kii, xilligaasoo Somalia lagu dilay 18 askari oo Mareykan ah. Askartan ayaa isugu jira kuwa fuliya howl-gallada gaarka ah, la-talinta, kuwa la-dagaalanka argagixiada, tababaridda ciidamada iyo taakuleynta, taasoo la sheegay inay qayb ka tahay sugida amniga iyo xoojinta Awoodda Ciidamada Soomaaliya. Maamulka sare ee Mareykanka ayaa sannadkan xoojiyay weerarada dhanka ka ah Kooxda Al-shabaab ee ay fuliyaan diyaaradaha Drones-ka iyo kuwa kale ee dagaalka, waxaana sannadkan oo kaliya la fuliyay illaa 28 weerar oo duqeymo ah, halka sannadkii hore ay ka ahaayeen 15 weerar oo keliya. Dhanka kale, Mareykanka ayaa tan iyo 09-kii bishan la fuliyay illaa Sagaal weerar oo cirka ah, kaasoo mid ka mid ah lala bartilmaameedsaday kooxda ISIS ee saldhiggeedu yahay buuraha Galgala ee gobolka Bari. Taliska ciidamada Dalka Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in Weerarradii u dambeeyay ee Somalia laga fuliyay lagu dilay 40 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida. Ugu dambeyn, Hawl-galada Qarsoodiga ah ee Mareykanka ka fuliyo Somalia ayaa isugu jira dhismaha shabkadaha Macluumaadka keena, Waxaana inta badan weerarada qaar ay sahlaan marka gacanta lagu dhigo xogo ama qalab laga qabto kooxaha argagixisada. PUNTLAND POST The post Mareyanka oo kordhiyay Ciidamada kaga sugan Somalia iyo Hawl-galada ay Fulinayaan appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada doorashada Somaliland, waxaa ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi, Sida ay xisbiyada u kala heleen cododka: Xibiga Kulmiye ayaa helay (305,909) 55.19% Xisbiga Wadani ayaa helay (226, 092) 40.73% Xisbiga UCID ayaa helay (23,141) 4.17% Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi: Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1948kii, waxbarashadiisii hoose/dhexe waxa uu kusoo qaatay magaalada Hargeysa. 1970kii illaa 1973kii waxa uu waxbarasho dhanka ciidanka ah kusoo qaatay dalka Ruushka 1981kii illaa 1982kii waxa uu tababar xagga ciidanka ah kusoo qaatay dalka Maraykanka. 1983kii illaa 1985kii waxa uu tagay tababar kale oo dhanka ciidanka ah isagoo kusoo qaatay tababarkaasna dalka Maraykanka. Bishii May 1985kii waxa uu ku biiray ururkii dhaq-dhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM. 1993kii illaa 1995kii waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland. Sanadkii 2002dii waxa uu kamid noqday golaha fulinta ee xisbiga KULMIYE. 2008dii waxa loo doortay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE. 2015kii ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga KULMIYE. Waxa uu ku hadlaa afafka; Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisida iyo Ruushka. Waxa uu leeyahay laba xaas iyo toddoba carruur ah oo ka kooban saddex wiil iyo afar gabdhood. Dadka taageersan doorashadan ayaa u badnaayeen gobollada; Maroodijeex, Awdal , Sanaag, Saaxil, iyo Togdheer. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaaciyey goor dhow natiijada doorashadii 13-kii bishan dhacday waxaana ku guuleystay xisbiga Kulmiye oo musharrax madaxweyne u ahaa Muuse Biixi. Sida ay xisbiyada u kala heleen cododka: Xibiga Kulmiye ayaa helay (305,909) 55.19% Xisbiga Wadani ayaa helay (226, 092) 40.73% Xisbiga UCID ayaa helay (23,141) 4.17% Deegaanno badan oo Somaliland ah waxaa durba ka bilowday dabaaldegyada ay sameynayaan taageerayaasha xisbiga Kulimye.
  11. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada doorashada Somaliland, waxaa ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi, Sida ay xisbiyada u kala heleen cododka: Xibiga Kulmiye ayaa helay (305,909) 55.19% Xisbiga Wadani ayaa helay (226, 092) 40.73% Xisbiga UCID ayaa helay (23,141) 4.17% Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi: Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1948kii, waxbarashadiisii hoose/dhexe waxa uu kusoo qaatay magaalada Hargeysa. 1970kii illaa 1973kii waxa uu waxbarasho dhanka ciidanka ah kusoo qaatay dalka Ruushka 1981kii illaa 1982kii waxa uu tababar xagga ciidanka ah kusoo qaatay dalka Maraykanka. 1983kii illaa 1985kii waxa uu tagay tababar kale oo dhanka ciidanka ah isagoo kusoo qaatay tababarkaasna dalka Maraykanka. Bishii May 1985kii waxa uu ku biiray ururkii dhaq-dhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM. 1993kii illaa 1995kii waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland. Sanadkii 2002dii waxa uu kamid noqday golaha fulinta ee xisbiga KULMIYE. 2008dii waxa loo doortay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE. 2015kii ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga KULMIYE. Waxa uu ku hadlaa afafka; Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisida iyo Ruushka. Waxa uu leeyahay laba xaas iyo toddoba carruur ah oo ka kooban saddex wiil iyo afar gabdhood. Dadka taageersan doorashadan ayaa u badnaayeen gobollada; Maroodijeex, Awdal , Sanaag, Saaxil, iyo Togdheer. Goobjoog News Source
  12. Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaaciyey goor dhow natiijada doorashadii 13-kii bishan dhacday waxaana ku guuleystay xisbiga Kulmiye oo musharrax madaxweyne u ahaa Muuse Biixi. Sida ay xisbiyada u kala heleen cododka: Xibiga Kulmiye ayaa helay (305,909) 55.19% Xisbiga Wadani ayaa helay (226, 092) 40.73% Xisbiga UCID ayaa helay (23,141) 4.17% Deegaanno badan oo Somaliland ah waxaa durba ka bilowday dabaaldegyada ay sameynayaan taageerayaasha xisbiga Kulimye. Goobjoog News Source
  13. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimada Somaliland ee la qabtay 13 bishaan Nov,sida uu shaaciyey guddiga doorashada Somaliland oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in maadxweyne Ku xigeenka uu ku guulaystay cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici oo horayba xilkaan u hayey. Faahfaahin dgoor dhow Puntlandpost.net The post Deg deg: Muuse Biixi Cabdi oo ku guulaystay Madaxweynaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
  14. Munaasabad ballaaran oo haatan ka socota Xarunta guddiga doorashada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa looga dhawaaqayaa natiijada rasmiga ah ee doorashadii madaxtinnimada Somaliland ee la qabtay 13 bishaan. The post Toos u daawo:, Guddiga doorashada Somaliland oo haatan shaaciyanaya Natiijada Rasmiga ah. appeared first on Puntland Post.
  15. Waxaa haatan Muqdisho ku sugan Amanda Roach oo ah qunsul ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, Hadaba, Axmedweli Xuseen oo ah tifaftiaha Radio Goobjoog oo wareysi gaar ah la yeeshay ayaa waxaa uu ka weydiiyay ujeedka safarkeeda iyo arrimaha lottery-ga. Goobjoog News: Ujeedka safarkaaga muqdisho maxuu ku saleysan yahay? Amanda Roach: Hagaag, waxaan ka shaqeeyaa qeybta soo galootiga ee safaaradda dalka Mareykanka ee saldhiggeedu yahay magaalada Nairobi halkaan Muqdishana waxaan wada joognaa asxaabteyda kuwaasoo ka shaqeeya qeybta siisa adeegyada muwaadiniinta u dhashay dalka Mareykanka sababtoo ah hadda kuma lihin qunsuliyadda adeegyada bixisa Muqdisho xataa kuweena Kenya jooga waxay mas’uul ka yihiin adeegyada looga baahan yahay Soomaaliya, marka safarka aan halkaan ku joogno waa mid aan kula kulmeyno Soomaalida oo aan kula hadleyno kuwa ku jira dowladda iyo sidoo kale ganacsiga si aan wax badan uga baranno deegaanka iyo sida aan uga caawin karno Soomaalida iyo Ameerikaanka adeegyada kala geddisan ee aan bixinno. Goobjoog News: Bal waxaad dadka Kuxiran Goobjoog u sheegtaa Fiisahan nasiibka ku salaeysan ee aad caalamka oo dhan aad ugu talagayeen macnahiisu waa maxay iyo ujeedka aad ka leedihiin? Amanda Roach: Dal ku-galkan sanadkiiba mar la codsado waxaa la billaabay 1995tii, waxaana billaabay golaha sharci dejinta dalka Mareykanka waxaana ujeedkiisu ahaa in lagu dhiirigelyo socdaalka waddamada aan taariikh ahaan dadkoodu ku badneyn dalka Mareykanka tanina waxaa cabbir looga dhigay haddii dal ay soogalootigiisu ka yaryihiin 50 kun 5tii sano ee la soo dhaafay marka barnaamijkaan wuxuu u furan yahay dhammaan waddamada marka laga reebo waddamada socotadoodu badan tahay, dhinaca Africa oo ay Soomaaliya ku jirto marka laga reebo Nigeria, halkaan xilligii codsiyada la soo gudbinayey waa furan yihiin waxayna xirmeysaa 22ka bishan November oo ah arbacada 8:00pm saacadda bariga Africa marka qof kasta waa soo codsan karaa, waxaana jirta laba ha boo fudud oo aad kusoo codsan karto, mid wuxuu yahay inad soo dhameysay waxbarasho u dhiganta dugsi sare midda kalena waxay tahay haddii aadan intaas sameyn karin inaad shanti sano ee la soo dhaafay ku guda jirtay laba sano oo aad shaqo aad ugu taqasustay shaqooyinkaas taqasuskooda la rabo waxaa tusaale ahaan ka mid ah macallinimo, kalkaalisanimo ama dhaqtarnimo, haddii aad rabto inaad ogaato shaqata ay tahay inaad ku taqasusto waxaad booqan karta pagekeena. Goobjoog News: Soomaali badan ayaa sanadkasta codsata haddana waxaan aragnaa tiro yar oo Soomaali ah oo hesha fiisahan waxaa maxay Sirta ka dambeeysa arrintan? Amanda Roach: Sida aan horey u sheegayba wuxuu u furan yahay waddamada soogalootigoodu yaryahay ee yimaada dalka Mareykanka xulashadana, waxaa si aan kala sooc lahayn u sameeya computer marka computerkaas ayaa go’aan ka gaara codsadeyaasha la aqbalay dad badan ayaana soo codsada, sanadkii tagey oo kaliya in ka badan 40 million oo qof oo adduunka oo dhan ah ayaa soo codsaday waxaana kuu sheegayaa in usbuuc kasta xaafiisyada Nairobi inaan wareysiyo ka qaado Soomaali doonaya dal ku galkan, waxaa in la isxasuusiyo in codsiga qaabka Onlineka ah loo soo gudbinayo inuu bilaash yahay waxaana soo gudbin kartaa oo kaliya hal codsi marka adiga caqabad ha isku noqon haddii aad soo gudbiso in ka badan hal codsi kuma guuleysan doontid mana lagu xulan doono. Goobjoog News: Waxaad ii sheegtay in Kumbiyuutarku uu ka la xulo dadka soo Codsada fiisahan siduu u xulaa habkeese maraa si dadka loo baahan yahay uu u doorto? Amanda Roach: Hagaag, dadka ka imaanaya waddamo gaar ah ayaa loo ogolyahay inay codsadaan marka haddii aad codsato oo aad doorato tusaale ahaan Nigeria kuuma ogolaanayo computerka inaad u gudbiso codsigaaga sababtoo ah dadka Nigeria u dhashay looma ogola inay hadda codsadaan Haa waa qodob wanaagsan, kuma lihin safaarad aan wareysiyada dal ku galka ah ku qaadno hadda Soomaaliya marka sababtaas darteed codsadeyaasha ku nool Soomaaliya waa inay aadaan safaarad kale oo aan ku leenahay gobolka si loogu wareysto tusaale ahaan anigu waxaan ka imid safaaradda Nairobi halkaas ayaan Soomaalida ku wareysannaa sidoo kale Adisababa iyo Jabuuti marka kaasi waa hal sheey oo nagu adag sababtoo ah waa inaad halkaas tagtaa adigoo qarashka iska bixinaya waxa kale ee loo baahanyahayna waa inuu qofku haystaa wax u dhigma dugsi sare ama diploma laakiin nasiib darro safaarad ahaan waa inu adag tahay inaan xaqiijinno dukumiintiyada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya marka iyadoo taasi jirto waxaan dadka weydiinaa inay noo keenaan waaya-aragnimo kale oo dhanka waxbarashada ah oo laga yaabo inay ka haystaan waddan kale laga yaabee haddii ay rabaan inay ka bilaabaan jaamacad dal kale sida Kenya ama Uganda ama haddii ay u shaqeeyeen urur ee kaabi kara waaya aragnimadooda. Goobjoog News: Kumanaan Soomaali ah ayaa sanadkasta saf u gala in ay helaan Fiisahan dalalka colaaduhu ay ka taaganyihiin sida Soomaaliya oo kale mala siiya ahmiyadda Si dad badan looga qaado? Amanda Roach: Dalku galkan gaarka ah waddamada waxaa la siiyaa kala-mudnaan, kuwa ka yimaada waddamada colaaddu ka jirto ama kuwa aadka u xasilan computerka ayaa xulashada leh marka computerkana ma kala ogaan karo laakiin dabcan xaaladdaasi waxaa jira doorasho kale oo lagu tago Mareykanka iyadoo loo marayo nidaam qaxootinnimo laakiin dal-ku-galkan ma jirto kala muhiimadsiin lagu sameynayo waddamada. Goobjoog News: Fiisaha mareykanka marka lamaqlo durbaba waxaa la soo xasuusta Madaxweyne Trump oo dhowaan Sheegay in la hakinayo fiisahan makula tahay in warka madaxweynihiinu uu arrintan saameyn weyn ku yeelan karo oo ay tahay in aan codsigiisaba Soomaalidu isku daalin? Amanda Roach: Hadda ma jirto wax isbedel ah oo lagu sameeyey barnaamijka wali 50kun oo dal ku galka nuucan ah ayaa la bixiyaa sanadkii oo adduunka oo dhan ah walina codsiyada waan qaabileynaa illaa bishan November 22keeda 8:00pm saacadda bariga Africa marka ma jirto hadda wax la joojiyey ama la bedelay hawshuna waa socotaa barnaamijkuna wuxuu billawday 1995tii illaa intaasna waxaa jiray dad su’aalosu’aalo naga weydiinaya barnaamijkan laakiin mar kale waxaa billaabay golaha sharci dejinta ee dalka Mareykanka tillaabooyinka lagu joojinayana waa inay iyaga ka yimaadaan. Goobjoog News: Dad ayaa lacag ka sameeya oo dadka u codsada fiisahan waxaad ii sheegtay in arrintan in aad ka hadasho aad rabto walaaciinu maxuu yahay? Amanda Roach: Waxaan ku guubaanineynaa qof kasta in uu isagu fiisaha codsado oo uusan cid kale u wakiilan, maxaa yeelay waa lacag la’aan sidaa darteed ma ahan in aad cid lacag ku siisid in uu kuu codsado Fiisadan, waxaan ku dhiiragalinayaa dadka in aysan cidna lacag kusiin, maxaa yeelay kuwa lacagta ku qaadanaya waa ay ogyihiin in waxani yihiin lacag la’aan Goobjoog News: Maxaa tallooyin ah oo aad u heysaa Dadka sanad kasta codsada Fiisahan? Amanda Roach: Waxaan kula talinayaa qofkasta oo codsada in uu hubiyo in isagu uusan isreebin oo aysan soo qorin wax qalad ah xiliga ay codsanayaan Tusaale ahaan waxaa lagaa rabaa in aa dhal codsi soo diratid , hadda laba jeer aad soo codsato Vissa ha isla markiiba Kumbiyuutarka ayaa ku reebaya oo ku dhahaya uma qalantid in aad fiisadan Codsato. Wadada kale oo aad ku hari karto waxa waaye in aadan qorin dhammaan qoyskaaga, tusaale haddii aad xaas leedahay waa in aad qorataa, haddii aad ilmo leedahay waa in aad ku dartaa magacyadooda liiska codsiga haddii aysan reer lahayn da’doodana ay ka yartahay 21 sano. Waxaan aragnaa dad marka ay wareysiga u yimaadan Safaaradda aysan u qorneyn xaaskooda iyo carruurtii midna, taas oo keenta in ay ku dhacaan wareysiga sidaa darteed waa in aad marka hore ubisaa in waxkasta oo arrimahaas la xiriira ay kuu diiwan gashanyihiin si aadan wareysgia ugu dhicin. Goobjoognews Source
  16. Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in 2 Milyan oo doolar ay ugu deeqday hay’adda UNICEF si loogu caawiyo caruurta Soomaaaliyeed ee ku sugan Koonfurta iyo bartamaha dalka. Qin Jian oo ah danjireaha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaasi ay UNICEF gacan ka siin doonto iney adeeg gaarsiiso 15,000 oo caruur ah kuwaasi ay hayso nafaqo darro aad u baahsan. “Annaga oo usii marineyna UNICEF, waxaan rajeeneynaa in dada ay dhibaatadu saameysay gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fogfog aan gaarsiinno adeegyo naf badbaadin ah” ayuu yiri Mr. Jian. Sidoo kale Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa naga go’an in aan taageerno howsha gargaarka bini’aadannimada ee ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya, waxaana ku faraxsannahay in aan UNICEF kala shaqeynno hubinta in la daboolo baahida kooxaha ugu nugul bulshada” Ugu Dambeyn, Qin Jian ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay iyo dadkeeda ay kaalin weyn ka qaadandoonaan badbaadinta nolosha caruurta. Goobjoog News Source
  17. Guddiga doorashada Somaliland ayaa go’aamiyey in natiijada si rasmi ah loogu dhawaaqo Galabta 3:00PM oo haatan wakhti kooban ka dhimanyahay,sida uu PUNTLAND POST u sheegay mas’uul ku sugan xarunta guddiga. Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa looga fadhiyaa in ay shaaciyaan cidda guushu ku raacday doorashadii 13 bishaan laga qabtay guud ahaan Somaliland. Xisbiga Waddani ayaa maalintii shalay qaaddacay natiijada ka soo bixi doonta doorashada,waxayna sheegeen in ku shubasho la sameeyey,inkastoo guddiga doorashada Somaliland beeniyey eedaymtaasi. Ilaa iyo haatan lama oga in dhammaan saddexda musharrax imaanayan xarunta looga dhawaaqayo natiijada. Faahfaahin goor dhow filo:Puntlandpost.net The post War deg deg ah: Natiijada rasmiga ah ee Doorashada Somaliland. appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen degaanka Maroodille oo ku yaalla duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxa ay sheegeen in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaasi kulaa saldhig in ay ku qaadeen Weerar ka dibna ay degaanka qabsadeen. Waxa ay sheegeen Al-Shabaab markii ay soo galeen degaankaasi in ciidamada dowladda Soomaaliya ay u baxeen dhanka Magaalada Baledweyne. Deegaanka Maroodille oo dhaca galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa halkaasi waxaa isbaaro u taalay ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal. Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa Shabaab waxaa ugu suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Maroodille, kadib markii halkaasi ay isaga carareen ciidamadii dowladda. Ciidankii dowladda ee deegaankaasi isaga cararay ayaa gaaray Magaalada Baledweyne sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse ciidamada Al Shabaab ayaa hadda maamulaya gacan ku haynta deegaanka Maroodile ee Gobolka Hiiraan. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamullka gobolka Hiiraan oo ku aadan hadalka Al-Shabaab ay baahiyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka KarkaarDigreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magcaabay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar ee Puntland. Guddoomiyaha gobolka Karkaar ayaa looo magacaabay Cabdulaahi Maxamed Barre (Caato), iyadoo degreetada lagu magacaabay ay ahayd xeer Madaxweyne oo nambarkeedu yahay Lr.142 ee November 20, 2017. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Karkaar ee Puntland Cabdulaahi Maxamed Barre (Caato) ayaa xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Puntland, sidoo kale waxa ahaan jiray Sarkaal ciidamada xooga Soomaaliyeed, wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay ka shaqeynayay Hay’adda calamiga ah. Hoos ka akhriso Digreetada PUNTLAND POST The post Cabdulaahi Maxamed Barre oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.
  20. Maanta waxaa Soomaaliya laga xusayaa maalinta macalinta, waxaa ay xaflado ka socdaan Xalane iyo meelo kale oo Muqdisho ah. Hadaba, Goobjoog News ayaa arrinta macalinta kala hadashay Macalin Maxamed Calasow oo ka tirsan macalimiinta Mujamac Umul-Quraa. Goobjoog News: Macalin manta 21ka November ah maxay kaaga dhigantahay? Macalin Maxamed Calasow: Runtii waa maalin aad iyo aad u weyn oo dhammaan macalimiinta adduunka gaar ahaan macalimiinta Soomaaliyeed ay wada sugayaan, waa maalin aad u qiimo badan, waa maalin loo asteeyay in macalinka lagu xasuusto qadarinta iyo sharafta uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda owgeed. Macalinka waa ninka horseeda haday umadi horumar gaareyso horumarkaasi waxaa asaas u ah macalinka dhinac walba oo uu ka yimaado haddii umadda macalinka ka dhimato oo daryeelkiisa ka dhimato umaddaasi waay dib dhacday umad haddii larabo inay horumarto waa in macalinkeeda la qiimeeyaa oo la qadariyaa. Goobjoog News: Ixtiraamka aad ka heshaan bulshada intee ayuu la egyahay? Macalin Maxamed Calasow: Runtii macalinka aad iyo aad ayey bulshooyinka u qiimeeyaan, waxyaabaha ugu qiimaha badan waxaa ka mida macalinka sidiisaba xoolo matabco waxaa uu tabcaa waa dad, dadku uu tacbo maanta marka aad muddo soo joogtid markaad muddo soo shaqeysid waxaad arkeysaa mee kastoo ka mida meelaha hay’adaha ah waxaad ugu tageysaa arday aad adigu soo saartay ama dhaqtaraa ugu tageysaa ama asigoo injineera ama asoo siyaasiya ayaad ugu tageysaa asigoo xaafiisyadii kala duwanaa ee dowladda kala hagayo ayaa ugu tageysaa oo laguu saro kacaayo oo aad laguu qiimeynaayo taasi ayaaba waxwalba ka weyn. Waxaa taas la eg inta aad adduunka ku heshay in ka bandanna aakhiro ayaad ku helee, maxaa yeelay dad ayaad toosisay toosinta aad aradeyga toosisid oo arday fiican aad soo saartid oo tarabiyo iyo akhlaaq leh sida ay wasaaraddu leedahay waxaad dareemeysaa qadarinta iyo xushmada laguu hayo adoo jidka iska socda ayaa hadii laguu joojiyo ayaa lagu leeyahay macalin soo- raac. Goobjoog News: Farqi ma u dhaxeeyaa xilligii dowladdii hore iyo xilliga maanta marka laga fiiriyo weyneynta macalinka? Macalin Maxamed Calasow: Farqi aad iyo aad u weyn ayaa u dhaxeeya markaan soo qaadano dowladdii dhexe oo dalka ka talineysay mudada dhowr iyo labaatanka sano ah macalinka waxaa uu lahaa qiimeyn aad iyo aad u weyn, macalinka waxaa uu lahaa naadi macalimiinta ay leeyihiin, macalinka waxaa uu lahaa maktabad ay macalimiinta leeyihiin, macalinka waxaa uu lahaa marka laga soo tago mushaarkiisa waxaa uu lahaa habeen dhax haddii gobol loo badalo waxaa uu lahaa ogaashaha gobolkaasi macalinka waxaa uu lahaa caafimaadkiisa ayaa la ogaa caruurtiisa ayaa la ogaa waxaa la ogaa waxbadan oo noloshiisa la xiriira. Balse maanta macalinkii isaga ayaa wax walba isku ah awood dowladeed oo hadda macalinka daryeelkiisa u soo jeeda ma jirto macalinka xitaa waxaa jirtay shalay hadduu howlgab noqdo mushaarkiisa qeyb ka mida ayuu qaadanaayey,lkin maanta maalinta uu howlgab noqdo markaasi ayaa ugu dambeysa cid sheegta. Goobjoog News : Manhajka waxbarashada maku jirtaa oo mala baraa ardeyda sharafka macalinka iyo qiimeyntiisa? Macalin Maxamed Calasow: Taasi waa asaas in macalinka la sharfo, qofka weyn la sharfo waxay ka mid tahay tarabiyada asaaska ah ee ardeyda la siiyo ardeyga haduusan sharfin macalinkiisa waalidkiisana masharfaayo taasina waxay ka muuqaneysaa ilmaha macalinkooda jidka uga horyimaado ama meel ay joogaan ugu yimaado way sare kacayaan way soo dhaweynayaan waa qadarinayaan arrintaasi waa arrin aad iyo aad u weyn manhajkana way ku jirtaa waa ka mid. Ardeyda waxaan u sheegnaa inuu waalidka yahay barbaariyaha jirka macalinkana uu yahay barbaariyaha maskaxda labadoodana aysan kala maarmin taasna ayaa keeneysa xushmeynta ay macalinka u hayaan . Goobjoog News : Ardeyda Soomaaliyeed maadaama la joogo maalinta macalinka maxay uga qeybqaadanayaan? Macalin Maxamed Calasow: Waxaan ognahay maalinta macalimintaba In ardeyda iyo macalimintaba ay si weyn agtooda qadarin uga mudantahay iskuul walba oo ka jira dalka waxay sameynayaan maanta waxay qabanayaan xaflado aad u waaweyn oo macalinka qiimahiisa iyo qadarintiisa ay ku soo bandhigayaan qaarkood waxay diyaarinayaan waxyaabo ay macalimiinta siinayaan sida shahaado sharaf. Goobjoog News Source
  21. C/raxmaan C/shakuur oo ka walaacsan mustaqbalkiisa kadib markii imaaraadku ka jareen lacag ay siin jireen. Ina C/shakuur Warsame ayey dadka Soomaaliyeed barteen isaga oo taageero u ah isbaheysigii la oran jiray dib-u-xoreynta Soomaaliya ee lagu dhisay magaalada Casmara ee caasimadda Eritrea, Xilligaas waxa fursadda uu ku helay markii Banaanbaxyo ka abaabulay London. Cabdi-Shakuur ayaa markii ugu horrreysay kasoo dhexmuuqday Golihii wasiirrada ee Xukuumaddii Cumar C/rashiid Xilligii dowladdii KMG ee Shariif Sh Axmed Madaxweynaha ka ahaa markaas oo uu noqday wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga. Maqaalkan kuma saabsan sooyaalka siyaasigaasi fashilmay laakin waxa uu si kooban u dul istaagi doonaa waayahiisa waqtiga dhow. Muddo kooban oo uu xilka wasiirnimo hayey mudane Cabdi-Shakuur waxa uu galay khiyaanooyin qaran kadib markii isaga iyo ra’iisul wasaarihiisii ay iska kaashadeen bixinta hanta-qaran oo maguurto ah. 100,000 KM oo labo jibaaran oo ka mid ah badda Soomaaliya ayuu C/raxman C/shakuur hormuud u ahaa in Kenya loo gacan galiyo taas oo soo afjartay in markale uu nidaamka Dowlanimada kasoo dhexmuuqdo ilaa iyo hadda. labo mar ayuu isu soo sharaxay Xilka Madaxweyne ee dalka waxa uuna la kulmay waji-gabax iyada oo ay u caddaatay in uusan heysan fursad uu dalka hoggaankiisa uga qeybgali karo laakiin waxa uu istusay in ay u furan tahay in uu ku sii shaqaysto dulaalnimadii uu miiska kusoo koray. Gacan haatintii Imaaraadka. C/raxmaan ayaa ka mid noqday xubno Danley ah oo u madax raariciyey Abu Dhabi oo dooneysay cid u fulisa dano gaar ah oo ay wadanka ka lahayd, Maalgellintii ugu horeysay ayey Cabdi iyo Saaxiibadiis u samaysay doorashadii 2017 dalka ka dhacday laakiin natiijadu kama farxin. Intaas kadib waxaa soo shaac baxay khilaafkii dowladaha gacanka, taas oo sababtay in Soomaaliya iyo isu-tagga imaaraadka carabtu ku kala aragti duwanaadaan qaabka ay wax usocdeen, Amiirka iyo xertiisa ayaa intaas kadib bilaabay in ay dib usoo nooleeyaan xiriirkii ay la lahaayeen Koox danley ah. Wasiirkii hore ee qorsheynta ayay imaaraadku siiyeen lacag dhan $500,000 (shan boqol oo kun oo doolar) ama haddii aan si kale aan u dhigo ‘Nus milyuun’ si uu u qabto xaflado, shirar iyo dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo, C/raxmaan ayaana Muqdisho ka sameeyey isu imaatinno aan wax saameyn ah yeelan. Haddii aad aqrisay maqaalkii kan ka horeeyey ee aan idinla wadaagay waxaan ciwaan uga dhigay “Safarka Imaaraadka: Socdaalkii dhimashada Danleyda” warkaas ayaana soo baxay markii Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tagay Abu Dhabi. Imaaraadka ayaa Labo maalin kahor Danleey uu horey ugu soo shaqeysatay oo uu C/raxmaan C/shakuur ka mid yahay waxa uu si toos ah ugu wargaliyey in uu joojiyey xiriirkii kala dhexeeyey. Arrintaas ayaa calwisay xaalka Oday Cabdi-Shakuur oo sandareertii horana ku bixiyey qaab uu saluug uga jiray, waxaa intaas uga sii daran in afar maalin kahor uu mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho u shubay qarashkii gacantiisa uga haray dakhligii damiir-iibsiga ahaa ee Imaaraatka si koox danleey ah loogu casuumo. Walaaca ku saabsan Mustaqbalkiisa. Adeegahan Xoogga furan waxaa ku adkaatay in uu kusoo laabto siyaasadda dalka, si walba ayuu ugu xusulduubtay malabsiga boolida qaranka oo xittaa Madaxweyne ayuu isu sharaxay, howl uu UN-ka u hayay waa uu Awoodi waayey in uu sii wado, mashruucii ugu dambeeyey farihiisa wuu ka baxay, dhaqaale kama keydsan sandareertii, sidaas darteed waxa uu taaganyahay talo-xumoy I taagdarreysay. Dhaqankii Adeegaha ee dullaalnimada inuu wiiqo rajada umadda waxaa ‘Riyo-maalmeed’ u bedelay siyaasadda dhaxalgalka ah ee mudanayaasha shukaanta u heysa talada wadanka ee Farmaajo iyo Kheyre. Adeege Cabdi oo u cimaamatay caadeysiga kicinta bulshada ayaa walaaciisa laga dheehan karaa bogga uu barta Faceboo ku leeyahay ee uu ku soo qoro hadallo xanaf leh oo ujeedkoodu yahay in dib loogu noqdo dagaalladii Umulo-dooxa ahaa. Maxaa la Gudboon?!!!! Qoraa ahaan marka aan jalleeco dhaqanka Cabdi-Shakuur iyo saaxiibadii waxaa igu soo dhacda xikmadda leh –‘Nin Dharbaaxo Quureed Dugsaday Dhaqayadeed Maalye!!!” Adeege idmane waxa uu hadda marayaa xaalad hubaal la’aan halbeegga aayihiisa ah, bacdamaa waagu ku baryay isagoo dheygagsan ayuu ku sugan yahay labo-daraale:- 1.Waa inuu ku sii jiro xaaladda ‘Ha dhiman hana noolaan ah’ ee u adeegidda danaha shaqsiga iyadoo la duudsanayo xaqa umadda. Iyo inuu ka ruqseysto masraxa siyaasadda ee hogaaminta bulshada taasi bedelkeedana uu ku koobnaado inuu si xalaal-quudasho ah u dhacsado nolol-maalmeedka qoyskiisa. W/Q: Mohamed Qarandoon Email: aragtidasan@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Wararka Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow lagu dhawaaqi doono Natiijada doorashada Somaliland. Wariyaasha ayaa hadda looga yeeray goob guddiga doorashada Somaliland ay ku shaacinayaan natiijada doorashada. Waxaa si hordhac ah u qaadacay natiijada doorashada Somaliand Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ahna musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in doorashada lagu shubtay. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in guddiga ay ku dhawaaqi doonaan in Muuse Biixi uu ku guuleeystay Doorashadii ka dhacayday Somaliland. Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyay waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaadyo qasaaro geeysta ay ka dhacaaan kadib markii doorashada lagu dhawaaqo deegaanada Maamulkaasi. Dad badan ayaa shaki ka qabo madaxbanaanida doorashadaan ka dhacday Maamulka Somaliand oo lagu eedeeyno in ku shubasho ay dhacday . Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Natiijada Doorashada Somaliand oo goordhow lagu dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Sacuudiga ayaa Kenya ku cadaadineysa hanashada Badda Somalia, gaar ahaan qeybta uu muranka ka taagan yahay Qoraal kooban oo boqortooyada Sacuudiga ay u dirtay Madaxweynaha Kenya ee xilka lagu heysto Uhurro Kenyatta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in kiiska Badda Somalia uu yahay mid ay fududeyneyso Sacuudiga. Qoraalka oo qarsoodi ahaa ayaa u dhexeeyay Boqor Salmaan iyo Uhurro Kenyaatta ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Sacuudiga ay faragalin ku sameysay kiiska Badda ee weli horyaal Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ). Waxaa qoraalka lagu muujiyay in Kenya laga doonaayo inay ka faa’iideysato qeybaha kala duwan ee Shidaalka ku jira Badda Somalia, iyadoo laga faa’iideysanaayo faragalinta Sacuudiga. Waxaa lagu cadeeyay qoraalka Heshiis horay u dhexmaray Sacuudiga iyo Kenya oo ku taariikheysan sanadii 2013, kaa oo ku qotomay in labada dowladood ay isla garteen in Somalia loogu awood sheegto Badda laga heysto. Sidoo kale, waxaa qoraalka cusub lagu xasuusiyay Kenya in Kheyraadka kasoo baxa Badda Somalia ee qaniga ku ah Shidaalka 20% ay lahaan doonto Sacuudiga oo iyadu dusha saaran doonta fududeynta kiiska Maxkamada iyo dhaqaalaha ku baxaaya qodista Shidaalka.Heshiiska Sacuudiga iyo Kenya ee dhacay sanadii 2013-ka ayaa waxaa kamida ahaa:- 1-In Somalia laga cuuryaamiyo kheyraadka ku jira Badda iyo Bariga. 2-Isticmaalka Shidaalka ku jira Badda Somalia qeybta ay heysato Kenya. 3-In muddo 8 sano gudahooda lagu soo afjaro muranka Badda Somalia laga bilaabo xiliga uu dhacay Heshiiska ee ah 2013, iyadoo laga faa’iideysanaayo khilaafyada ka dhex jira Soomaalida. 4-In la isticmaalo awoodo diblumaasiyadeed iyadoo la adeegsanaayo Madaxda Gobolada Soomaalida iyo Dowladaha gacanta kula jira Siyaasada Somalia. 5-In la dheereeyo mudada ay Somalia gacanteeda kusoo laaban karto Badda, iyadoo wixii intaa ka horeeya siyaabo kala duwan looga sii faa’iideysan doono Kheyraadka. Dowlada Kenya oo hadda dhex dabaalaneysa kacdoono Siyaasadeed ayaan weli ka jawaab bixin qoraalka bilowga Bishaan uga imaaday boqorka Sacuudiga ee leysku xasuusinaayay Heshiiskii dhacay 2013-kii. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Sacuudiga oo lagu sifeeyo mid aad uga soo horjeeda horumarka dowladaha Islaamka ayaa dhaqaale iyo maskax ku bixineysa sida Somalia looga cuuryaamin lahaa dhinac waliba oo ay ka heli karto kheyraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho labo cisho ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan. Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysay gurmadkii caafimaad ay u fidiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii xanuunka badnaa ee bishii Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho. Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ay kor u qaadaan xiriirka iskaashi maadama ay kawada dhaxayso taariikh iskaashi oo soo jireen ah, isaga oo ballan qaaday in ay dowladdiisu kordhineyso dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Dhaxal Sugaha ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen oo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Istiraatiijiyadda Prof. Nuur Diiriye Xirsi, Sen. Mahdi Daahir Sheekh Nuur iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane C/qaadir Sheekheey Maxamed Al Xaatimi. DHAMAAD PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Maxamed Bin Zayed oo ka wada hadlay Xiriirka Soomaaliya iyo UAE appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo dhammaaday booqashada uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ku joogay dalka isutaga Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdiga ku wehlinaayay booqashada ayaa la filayaa in maanta ay dib ugu soo laabtan dalka, waxaana soo xirmay kulamadii ay la lahaayen Madaxda Imaaraadka. Madaxweynaha Somalia iyo boqorka Imaaraadka ayaa isku afgartay inta badan qodobadii ay ka wada hadlayeen waxaana la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ballanqaadyo dhowra ka helay boqorka Imaaraadka iyo Madaxda kale ee ku dhow dhow. Qodobada ay sida gaarka ah uga wadahadleen ayaa waxaa kamid ahaa arrimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Siyaasada iyo Khilaafka Khaliijka, waxaana la sheegay in lagu heshiiyay iskaashi dhaqaalo, mid Amni iyo xasilooni siyaasadeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in Imaaraadka uu kala hadlay in laga dul qaado culees siyaasadeed oo ay dowladiisa kala kulmayso Imaaraadka, gaar ahaan arrimo ku saabsan Khilaafkii wadamada Khaliijka. Docda kale, Dowlada Imaaraadka ayaa Somalia u ballan qaaday taageero dhinac walba ah sida ay sheegen xubno ka mid wafdiga Madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com