-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa qabatay shir looga hadlayay anixinta gudbinta Istaraatiijyada lagu gaarsiinyo waxbarashada xoolo dhaqatatada. Istaraajiyadaan oo loo turjumay Af-Soomaali, ayaa wasaaraddu kusoo bandhigay shir labo maalin socday oo ay ka qeyb galeen bahda waxbarashada, si ay kaalintooda ugu darsadaan ama uga aragti dhiibtaan. Ujeedada ugu muhiimsan ee Istaraatiijiyadaan gudbinta waxbarashada xoolo dhaqatada, ayaa ah, bixinta waxbarashada ku haboon hab-nololeedka xoolo dhaqatada iyo kordhinta helitaanka waxbarasho tayo leh, gaar ahaan carruurta xoolo dhaqatada ah. Sidoo kale, yaraynta farqiga waxbarashada ee u dhexeeya bulshada miyiga ah iyo bulshada magaalada ee Puntland. Asma Cabdulqaadir Maxamed oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda waxbarashada, ayaa waxay sheegtay istaraatiijiyadaan inay waafaqsan tahay siyaasada waxbarashada ee lagu gaarayo hadafyada horumarinta. Asma waxay sheegtay istaraajiyadaan inay soo martay maraaxil kala duwan. Waxay sheegtay in horey loo meel mariyay iyadoo ku qoran luuqada Englishka, muddo kadibna lagu guulaystay in loo turjumo Af-Soomaali ugu dambayna lasoo bandhigo si loo meel mariyo loona fulinayo. Agaasimaha Waaxda Taya-dhawrka Manahijta iyo Kormeerka Guud C/qaadir Yuusuf Nuux, ayaa soo xiray shirkaan, wuxuuna ammaanay istaraatiijiyadaan oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada xoolo dhaqatada Puntland. Kormeeruhu wuxuu sheegay barnaamijkaan inuu qeyb ka yahay dadaalada wasaaradda waxbarashada ugu jirto in guul la gaaro hadafyada waxbarashada. DAAWO SAWIRRADA. PUNTLANDI.COM
-
AMISOM iyo Kenya ayaa iska fogeeyay in Soomaaliya ay ka gesyteen arrimo ka dhan ah xuquuqul aadanaha, arrintan waxaa ay timid kadib markii UNSOM iyo UN Human Rights ku eedeeyeen ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM in ay dileen 131 oo Soomaaliyeed oo rayid ah inta u dhaxeysay January 2016 illaa October 2017. Madaxa AMISOM Francisco Madeira oo ka jawaabayey eedeynta Q.M waxaa uu sheegay in aaney jirin ciidamo kuwooda ah oo geysatay dil sharci darro ah iyo xad-gudub jinsi “Waxaan aragnaa in warbixintan ay been ka buuxdo marka la fiiriyo dhacdooyin la sheegay in ay ku lug- lahaayeen AMISOM iyada oo laga tagay niyad wanaagga iyo waxqabadkii loo dan-lahaa”waa jawaab uu bixiyay December 8, 2017. Madeira waxaa uu intaasi ku daray in aaney warbixinta ku kala cadeyn ciidamada AMISOM ah iyo kuwa aan aheyn, arrintaas oo keeni karta sida uu sheegay caad soo food-saara cidda mas’uulka ka ah. Francisco Madeira, waxaa uu carabka ku adkeeyay in aanay AMISOM mas’uul ka aheyn ciidamada aan ku jirin ee jooga gudaha Soomaaliya, arrintaasina wax laga weydiinayo dowladda federaalka ah. AMISOM waxaa kale oo ay iska diiday kufsi ay ciidamadooda u geysteen gabdho 14 iyo 17 ji ah, kaas oo ka dhacay sida la sheegay Ceel-buur, iyaga oo sheegay in Ceel-buur aaney tagin AMISOM oo Al-shabaab ay heystaan, Isbitaal-ka Xalane ee gabdhaha la dhigana aanu ku oolon degmada. AMISOM, waxaa ay sidoo kale wax lagu wareeray ku sheegtay in QM aaney qaadin tillaabooyin la xiriira wareysiga dadka dhibanayasha ah. Dhinaca kale, dalka Kenya ayaa inkiray in ay jiraan ciidamo Kenyaan ah oo aan ka tirsaneen AMISOM oo ku sugan gudaha Soomaaliya sida ku qoran warbixinta UN-ka, arrintaas waxaa lagu sheegay qoraal uu QM u diray safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo , isaga oo soo jeediyay in qeybtaas warbixinta laga tirtiro. Safiirka Kenya intaasi kuma ekaanin, ee waxaa uu warbixinta QM midoobey ku sheegay mid dabada ka riixaya ajendaha iyo qorshaha Al-shabaab iyo kooxaha argigixisada ah kuwaas oo howlgalka AMISOM mar walba dadka u xumeeyo. Sida ku qoran warbixinta Qaramada Midoobey waxaa jira waxyeelo loo geystay illaa 42 qof oo Soomaali ah(36 dil, 6 dhaawac ah) halka AMISOM ay dileen 4 rayid ah iyaga oo dhaawac u geystay 5 kale. Qaramada Midoobey waxaa ay qoraalka ku sheegtay in ay baareyso in diyaaraha helicopters-ka ay duulayeen waqtiga dhibaatada dhaceysay iyo in kale. Goobjoog News, waxaa ay xiriir la sameysay UNSOM, Laakin wax jawaab ah ma helin. Warbixintan oo lagu sheegay waxyeello soo gaartay illaa 4,585 oo rayid ah ayaa la la soo bandhigay December 10, oo ku began maalinta caalamiga ee xuquuqul insaanka Goobjoog News Source
-
Fafaxdhuun (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Fafaxdhuun ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in qarax xooggan uu ka dhex dhaca hoyga uu deggan yahay guddoomiyaha deegaankaasi Aadan Shuluq Nuunow, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Wararka ay heleyso Caasimadda, ayaa waxay sheegayaan in qaraxan ay ku dhaawacmeen Labo qof oo mid kamid ah yahay wiil uu dhalay guddoomiyaha. Qaraxan ayaa ahaa miino la sheegay in guriga lagu dhex aasay, waxaana halka qaraxa uu ka dhacay gaaray ciidamo badan oo ammaanka ah, iyadoo baaritaanno ay socdaan. Ma jirto weli faah faahin intaan ka dheer oo qaraxan laga bixiyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qarax ka dhex dhacay Hoyga Guddoomiyaha Deegaanka Fafaxdhuun ee Gedo iyo khasaare ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Dhawaan ayeey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab dab ku qabadsiiyeen deegaanka Maroodile ee hoostaga degmada Beledweyne Lix gaadiid kuwa Xamuulka qaado ah iyo badeecadii saarneyd intaba. Gadiidka ayaa la sheegay ay ku sii jeedeen deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana halka ku baaba’ay dhamaanba gadiidkii la gubay iyo dhamaanba badeecadii saarneyd. Hadaba Sawirro laga soo qaaday gadiidka ayaa muujinaya sida ay u basbeelleen gaadiidka la gubay iyo dhamaanba wixii hanti ahaa ee saarnaa dushooda. Halka hoose ka Daawo Sawirrada : Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Daawo Sawirro laga helay gaadiid dhawaan Al-shabaab ay ku gubeen dulleedka Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan Duleedka Degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay Duqeeyeen Degaan u dhow Degmada Jalalaqsi,waxaana la sheegay in Diyaaraduhu ay beegsadeen Fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin halkaasi. Wararka ayaa intaas ku daraya in Dadka Degaanka ay Maqleen Dhawaqa Dhowr Gantaal oo ay rideen Diyaarado Dagaal,balse illaa hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay. Waxii Faah-faahin ah dib kala soco Insha Allah The post Deg deg: Diyaarado duqeyn ka geystay Gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Fafaxdhuun ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in qarax xooggan uu ka dhex dhaca hoyga uu deggan yahay guddoomiyaha deegaankaasi Aadan Shuluq Nuunow, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in qaraxan ay ku dhaawacmeen Labo qof oo mid kamid ah yahay wiil uu dhalay guddoomiyaha. Qaraxan ayaa ahaa miino la sheegay in guriga lagu dhex aasay, waxaana halka qaraxa uu ka dhacay gaaray ciidamo badan oo ammaanka ah, iyadoo baaritaanno ay socdaan. Ma jirto weli faah faahin intaan ka dheer oo qaraxan laga bixiyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweyne Xaaf iyo xubnaha la socda ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi. Xildhibaannada la socda madaxweynaha Galmudug waxaa kamid ah Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, iyadoo ulajeedka ay u tageen Gaalkacyo kamdi tahay ka shaqeynta nabadda iyo sidoo kale daminta dagaallada kusoo noqnoqday Gaalkacyo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sheegay in aanu marna ku qanacsaneyn qaabka Madaxweyne Farmaajo talada dalka u wado, isagoo ku dhaliilay in aanu fulin balan-qaadyo badan oo uu sameeyay ka hor inta aan la dooran. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay taladeeda meel xun ku socoto, waxaana uu xusay in dad kooban ay talada dalka gacanta u gashay. “Waa Ayaan darro in 27 sano kaddib ay taladii Soomaaliya inay dad kooban ku soo uruurto, hadii wax la sheego waa toosin, ma jirto cid hub wadata, aniga Farmaajo wasiir kama doonan, Ra’iisul wasaare kama doonan, Agaasime kama doonan, hadana kuma qanacsani qaabka uu wax u wado”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada ku kacsan dowladda Federaalka ayaa sheegay inuusan wax jago ah ka doonan Madaxweyne Farmaajo balse aanu ku qanacsaneyn qaabka uu wax u wado. Isagoo ka hadlayay furitaanka madal ay ku bahoobeen siyaasiyiin taageera dowladda ayuu caddeeyay in mucaaradnimadiisa ay tahay wax toosin isla markaana Madaxweyne Farmaajo aanu waxba ka qaban balanqaadyadii uu dadka u jeediyay. Xildhibaan Fiqi ayaa iska fogeeyay inuu Imaaraadka Lacag ka soo qaatay, wuxuuna taasi u daliishay inuu mooshin ka geeyay dowladda Imaaraadka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/25304130_1902179980095438_9112896673318699008_n.mp4 The post Daawo: Xildhibaan Fiqi: Farmaajo Wasiir kama doonan, Imaaraadkana lacag ima siinin” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/shakuur Cali Mire ayaa hadal kulul ka jeediyay furitaanka madal Soomaaliyeed oo ay ku haboobeen siyaasiyiin taabacsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. Isagoo ka hadlayay mucaaradnimada lagu hayo dowladda Farmaajo ayuu yiri: “8 Nin oo hal beel kasoo jeeda oo isku jufo ah ayaa wasiir soo doontay, mid ka mida ayaa wasiirkii helay, toddobadii kale bannaanka ayay taagan tahay dhagax ayay wataan, haddii midkood wasiirnimadii la siiyo Farmaajo Malaa’ik buu noqonayaa..” ayuu yiri C/shakuur Cali Mire oo si toos ah u weerarray siyaasiyiin beel qura kasoo jeeda. Wuxuu intaas ku daray in C/raxmaan C/shakuur uu doorasho galay, lagana adkaaday balse uu sugi la’ yahay..”, isagoo sheegay inaan la diidaneyn mucaarad, basle waxa socda ay yihiin qabyaalad iyo dumis. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muuqaal:: Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo Weerar ku qaaday siyaasiyiinta Beesha Habargidir appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda hadda socda waxaa ay ansixiyeen miisaaniyadda 2018-ka. Kulanka waxaa soo xaadiray illaa 164 Xildhibaan, codeyntii la qaaday waxaa ogolaaday 162, 1 Xildhibaan ayaa diiday halka hal kale uu ka aamusay. Miisaaniyadda 2018-ka, guud ahaan waa : US$ 274,630,191 Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan: (B) Kharash-ka joogtada ah: US$ 260,171,727 (T) Kharashka Raasumaalka: US$ 14,458,464 Wadarta Guud: US$ 274,630,191 Warkan oo Faaf-faahsan, La soco, wararka dambe The post Deg deg: Golaha Shacabka oo go’aan ka qaatay ansixinta miisaaniyadda 2018-ka appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasada Somaaliya 17 sano mucaarad iyo muxaafid waxaa isku matali jiray Golaha Shacabka, Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyada. Sanad kasta waxaa is bahaysan jiray laba oo la dagaali jiray midka kale sida; Madaxtooyada iyo Barlamaanka oo ridi jiray Xukuumada ama Madaxtooyada iyo Xukuumada oo iska difaaci jiray Barlamaanka. Siyaasiyiinta kale waxey imaan-jireen dhamaadka mudada xilka kadibna u tartami-jireen Xildhibaan, Madaxweyne ama Wasiir. Markii ugu horeysay sanad ka yar cumriga dawlada ayey soo baxeen Milkiile-yaal Cusub (Stakeholders) aan ka tirsaneyn golayaasha dawlada oo difaacaya jiritaanka Xukuumada iyo la dagaalanka Mooshinada Barlamaanka, waxaana ka mid ah; Xizbiyada cusub ee is diiwaan geliyey asbuucii hore ayaa cadeeyey in ay rabaan xasilooni siyaasadeed, kana soo horjeedaan isbedel cusub iyo Mooshin hadda lagu mashquulo. Salaad Cali Jeelle oo u hadlay Xizbiyada cusub VOA ayaa sheegay in aysan dhex-dhexaad ka noqoneyn Mooshinka ay wadaan Xildhibaanada qaar, kana hor tagi doonaan “dawladnimada Somaaliya oo ceel ku dhacday waxeyna u baahantahay in tartiib looga soo saaro, mana qaadi karto waqtigaan is bedel iyo buuq”. Hay’adda Culimada oo digniin cad u dirtay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka wada dawlada Mooshin, aysana aqbali-doonin, ugana digayaan cawaaqibta iyo saameynta uu ku yeelan doono hadii ay ka waantoobi waayaan. Mar culimadu ay la kulmeen qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta.waxey ka codsadeen in ay joojiyaan Mooshinka. Sheekh Nuur Baaruud oo ku tilmaamay in Mooshinku uu xiligaan yahay Khiyaano iyo dulmi laga gelayo Shacabka Somaaliyeed, Culimaduna aysan ka aamusi doonin. Madasha Talo-wadaag oo lagu daahfuray Muqdisho ayaa lagu xusay in Madashu dhex-dhexaad tahay, doodna ay ka fureyso waxa dawlada iyo mucaaradku ay isku haystaan, Talana ay siinayso dawlada iyo mucaaradka lkn aysan aqbali dooning Mooshin xiligaan, lagana wada shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa; Xizbiyo qaran, Doorasho iyo Dastuur dhameys-tiran, Gudoomiyaha Madasha Talo-wadaag Ridwaan Xirsi Maxamed oo ahaa Raysal-wasaare ku xigeenkii hore ayaa xusay in loo baahanyahay is faham iyo is afgarad dhexmara dawlada iyo mucaaradka, horeyna loo socdo, lana xoojiyo midnimada iyo dawlad-nimada. Hadaba Xukuumada Khayre ayaa noqoneysa tii ugu nasiibka badneed 17 sano iyo 14 Xukuumadood oo la riday iyaga oo sanad ama ka yar jira, sababtuna waa; Xukuumada iyo Madaxtooyada oo sanad kadib aan weli kala caban isna qabsan. Siyaasiyiin, Xizbiyo iyo Culimo aan ku jirin Golaha Xukuumada oo difaacaya jiritaankeeda. Xukuumada oo u muuqata mid ka bad-baaday malagii dili-jiray Xukuumadaha sanadka hore iyo kalfadhiga labaad ee Barlamaanka. Xukuumada oo heshay mashaariicdii ugu badneed ee ay Xukuumadi hesho 17 sano. Mucaaradka oo ku kala qeybsan in Mooshin laga keeno Xukuumada iyo Madaxtooyada. Shacabka oo ka daalay xasilooni darada siyaasada, dhisma iyo dumin joogta ah. Rajo laga qabo in laga guuro 4.5 oo loo guuro axzaab iyo doorasho qof iyo cod ah. Mucaaradka Mooshinka wada oo u nuuqda kuwa qaarkood horey ugu fashilmay Xukuumadihii hore, lagana aaminsanyahay in aysan wax cusub soo kordhinayn. Fara-gelin shisheeye oo la aaminsan-yahay in ay qeyb ka tahay Mooshinka. Rajo laga qabo fursadaha iyo jaaniska ay heshay Xukuumadu awgeed in ay qiimayso dibna u saxdo khaladaadkii ay gashay sanadkaan, lana heshiiso mucaaradka, albaabadana u furto. Prof. Mohamed Gacal The post Milkiile-yaal cusub oo kusoo biiray Siyaasadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda hadda socda waxaa ay ansixiyeen miisaaniyadda 2018-ka. Kulanka waxaa soo xaadiray illaa 164 Xildhibaan, codeyntii la qaaday waxaa ogolaaday 162, 1 Xildhibaan ayaa diiday halka hal kale uu ka aamusay. Miisaaniyadda 2018-ka, guud ahaan waa : US$ 274,630,191 Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan: (B) Kharash-ka joogtada ah: US$ 260,171,727 (T) Kharashka Raasumaalka: US$ 14,458,464 Wadarta Guud: US$ 274,630,191 Warkan oo Faaf-faahsan, La soco, wararka dambe Source
-
Wafti uu hogaaminayo agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa kormer ku tagay qayb ka mida degmada Dangorayo, Qardho, Haylaan, oo ah dhahar, barkadaha qol, xingalool. Iyo ceel buuh oo ah gobolka Sanaag. Agaasimaha ayaa dhaamaan la kulmay maamulada waxbarashada degaanada ka jira isagoo u guurgalay baahiyaha kajira deeganka waxbarashda iyo mashaariicda waxbarashada ka socota deeganada fog fog iyo hormarka laga sameyey. Agaasimaha guud ayaa wahelaya nuur ciiro oo ah madax manahijta wasaaarada waxbarashada iyo tacliinta sare. Wuxuu sheegay agaasimuhu guud ujeedada kormeerkan inuu yahay sidii loo ogaan lahaa baahida saxda ah ee waxbarashada ka jirta degaanada fog fog. Kormeerka degaanada fog fog ayaa ah kii ugu balaarana oo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada kormeer ku tago xilligii ka dib Wasiirkii hore ee Waxbarashada puntland Cabdi faarax siciid juxaa 2013kii. Agaasimaha ayaa Waxbarashada puntland ayaa si dhiiran lagu soo dhaweyeey Qardho, dhahar, baragaha qol, xingalool, Ceel buuh. Puntlandi.com
-
Hoggaamiyaha maamulka la magac baxay Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr ayaa ka dalbaday hoggaanka cusub ee Somaliland, iney fuliyaan heshiiskii ay la galeen maamulkiisa. Wuxuu sheegay in shacabka Khaatumo ay doonayaan oo kaliya in la helo Somaliland oo loo wada dhan yahay, dhanka kalena wuxuu sheegay in Somaliland-ta hadda jirta aysan ahayn mid dadku u siman yahay. Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in la dardargeliyo fulinta qodobadii lagu heshiiyey. “Heshiiskii waan kala saxiixannay, yoolkana wuxuu yahay in la helo Somaliland loo wada dhan yahay, kolley annaga waxaan is dhahnaa Somaliland-ta hadda laga hadlayo looma dhama, Somaliland la wada leeyahay in la dhiso, heshiiskana sidaa buu ahaa, maamulkaan cusub waxaan uga fadhinaa iney fuliyaan heshiiskan” ayuu yiri Cali Khaliif. Inkastoo Cali Khaliif Galeyr uu heshiis la galay Somaliland, hadana waxaa jira garab kale oo Khaatumo ah, kana soo horjeeda heshiiskaasi. Goobjoog News Source
-
Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha la doortay ee Somailand, Muuse Biixi Cabdi ayaa lgau wadaa in maanta loo dhaariyo, isagoo markaas kaddib xilka kala wareegi doona madaxweynaha hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo. Xafladdan dhaarinta iyo xil-wareejinta isugu jirta ayaa waxaa ka qayb-galaya wufuud kala duwan oo caalamka ka socda, waxaana wufuudda ka mid ah 38 xubnood oo ka socda dalka Jabuuti, kuwaasoo ah wafdig ugu ballaaran ee ka qaybgalaya munaasabadda, kuwaasoo uu hoggaaminaya wasiirka cadaalada, Muumin Axmed Sheekh. Sidoo kale, Munaasabadda waxaa ka qayb-galaya wafdi ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowlad-deegaanka Soomaalida itoobiya, C/raxiin Cigaale Cumar. Inkastoo Dowladda Federaalka ah iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira aanay wufuud u dirin munaasabaddan. Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale lala dhaarinayaa ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici oo horay u ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isgaoo mar labaad ku guuleystay in xilkaan loo soo doorto. Doorashadii madaxnimo ee Somailand ee dhacday 13-kii bishii Novmber ee la soo dhaafay, ayaa waxaa ku tartameen musharraxiinta saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADANI ayaa waxaa ku guuleystay Muuse Biixi oo ku tartamayay magaca xisbul-xaakimka maamulkaas ee KULMIYE, iyadoo ay ku qanceen natiijada musharraxiintii kale. Munaasabadan isugu jirta dhaarinta iyo xil-wareejin ayaa waxaa kaloo goob-joogayaal ka ah wufuud ka socda dalalka reer galbeedka, IGAD iyo xubno kale oo ka socda waddamada daneeya arrimaha Somaliland, waxaana lagu casuumay xafladdan in ka badan 1500 oo qof. Ugu dambeyn, Ciidammo fara badan oo ku ammaanka ah ayaa xiray jidadka soo gala xarunta dhaarinta iyo xil-wareejintu ay ka dhacayso waxaana baaris lagu sameynayaa dadka goobtaas galaya. Sida ay xafladdu u dhacdo waxaad kala socon doontaan Puntlandpost haddii Alle idmo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha cusub ee Somaliland Biixi oo Maanta la dharinayo xilkana la Wareegaya appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta codka u qaadayaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018. Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in miisaaniyadda 2018 ay maanta mari doonto akhrintii ugu dambeysay kadibna xildhibaannada ay go’aan ka gaari doonaan. Maalmihii ugu dambeeyay xildhibaannada golaha shacabka ayaa waday ka doodista miisaaniyadda dowladda ee 2018, waxaana jira dul duleello ay meelaha qaar ka muujiyeen, wallow wasaaradda maaliyadda iyo guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrintaasi laga doonayo iney daboolaan meelaha ay xildhibaannada daldalooda ka sheegeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhow waxaa lagu caleema saaray magaalada Haregeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed. Madaxweyne hore Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkaan wareejiyey, waxaana munaasabaddan ka qeybgalay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid yahay Daahir Riyaale Kaahin oo isna madaxweyne soo noqday. Madaxweyne Biixi ayaa la dhaariyey, waxaana weli soconeysa munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay wiil 19 sano jir ah ku fuliyeen xukun gacan goyn ah. Maxkamad la sheegay iney leeyihiin Al-shabaab, kana howlgasha deegaankaasi ayaa la horkeenay C/fitaax Cismaan Axmed, waxaana lagu eedeeyay inuu xaday lacag 5 kun oo doolar, dhar, Kumbiyuutaro iyo agab kale. Dacwadan oo Hal dhinac ahayd, ayeey maxkamaddu ammartay in C/fitaax laga jaro gacanta midig, waana laga jaray, sidoo kale waxaa lagu amray C/fitaax inuu soo celiyo hantidii la sheegay inuu xaday. Goobta wiilkaan 19 sano jirka ah gacanta looga goynayey waxaa ku sugnaa shacab badan oo laga soo bixiyey guryahooda si ay u daawadaan xukunka dhacaya. Al-shabaab ayaa marar badan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin waxay ka fuliyaan xukunno isugu jira gacan goyn, dilal iyo xabsiyo. Goobjoog News Source
-
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay hannaanka uu u shaqeynayo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxa uu tilmaamay Fiqi in madaxweyne Farmaajo aanu fulin ballanqaadyo badan oo uu sameeyay kahor inta aan xilka madaxweyne loo dooran iyo kadib. Xxildhibaan Fiqi ayaa tilmaamay in Soomaaliya taladeeda ay ku socoto meel xun, isaga dhanka kale iska fogeeyey in dowlado shisheeye lacag uga soo qaatay duminta iyo carqaladeynta dowladda Federaalka. “Runtii aniga hadallada marmarka qaarkood lama gambado marmarka qaarna waan ka xishoodaa laakiin Soomaaliya taladeeda meel xun bay ku socotaa marka caadifadda laga reebo, 27 sano kadib taladii Soomaaliya iney dad kooban ku uruursanaato ayaan darro waaye, marka wax la sheegayana wax toosin bay naga tahay, hub wax wata ma jiraan, aniga Farmaajo wasiir kama doonan, Ra’iisul wasaare kama doonan, agaasime kama doonan hadana kuma qanacsani qaabka uu wax ku wado, dowlad shisheeyana igu shaqeysan meyso, wixii uu balanqaaday dhan kama hayno ee uu dhahay waan la dirirayaa, waan keenayaa kama aanan arag, taas micnaheedu ma ahan dowlad shisheeye haddii la sheego inaad qabiil igu tuhuntid, Imaaraadna aniga lacag ima soo siin waad i taqaaniin, mooshin baan xitaa ka geeyay baarlamaanka Imaaraadka laftiisa sida uu ula dhaqmayo Soomaaliya” ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Hadalka xildhibaan Fiqi ayaa imaanaya xilli sidoo kale ay jiraan xildhibaanno iyo sidoo kale siyaasiyiin aad u dhaliilsan hannaanka shaqo ee dowladda Federaalka. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in maamulka uu darees gaara siinaayo Xoogaga daacada u ah wadaadka dhawaan kasoo goostay al-Shabaab Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’. Maamulka ayaa la xaqiijiyay inuu qorsheynaayo in Xoogaga Roobow uu si rasmi ah ula wareego kuwaa oo kor u dhaafaya 300 oo daacad u ah wadaadka. Dareeska cusub ayaa looga gol leeyahay in Xoogagaasi aysan uga soocnaan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo iyagu darees ahaan ka duwan kuwa dowlada. Maamulka ayaa sidoo kale qabanqaabinaaya Guddi heer dowladeed oo gaara magaalada Xudur kuwaa oo la kulmi doona Saraakiisha hogaamineysa Xoogaga Mukhtaar Roobow si ay guddiga ula wadaagan macluumaadka iyo Hubka ay heystaan Xoogaga si loo kabo. Sidoo kale, darees bixinta kadib waxaa Xoogagaasi lagu biirin doonaa ciidamada Maamulka iyagoo lasiin doono qoondo iyo xerooyin gaara. Sidoo kale, Mukhtaar Roobow ayaa weli ku doodaaya in dowlada Somalia aysan faragalin Xoogagiisa, balse heshiiska ay la gashay DFS ayaa dhigaaya in la qarameeyo Xoogaga Daacada u ah Roobow iyo Gaadiidkooda. Si kastaba ha ahaatee, Mukhtaar Roobow iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa wadahadal kula jiraa Horjoogayaal dhowr ah oo la doonaayo inay isku soo dhiiban dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xoogaga Abuu Mansuur & Hubkooda oo lala damacsan yahay qorsho cusub (Muxuu yahay) appeared first on Caasimada Online.
-
Agaasimaha Guud ee ciidanka PSF Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, saraakiisha ciidanka PSF iyo dhammaan ciidanka PSF ayaa ka tacsiyeeyay geerida Cismaan Abshir Cumar (Kabayare) oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo shalay ku geeriyooday qarax miino kula kacday waddada u dhexaysa Galgala iyo Karin. Waxay Illaahay uga baryeen Marxuumka in uu janatul firadowsa ka waraabiyo ehelkiisii iyo qaraabadii, ciidankii, dawladda iyo shacbiga Puntland na sabir iyo iimaan ka siiyo. Ciidamada Puntland nasan maayaan ilaa ay dadkooda iyo dalkoodu helaan nabad buuxda, waxay na ballan ku qaadayaan in ay talaabo adag ka qaadi doonaan cadowga hagardaamada ula taagan ummada Soomaaliyeed. Puntlandi.com
-
Former Zimbabwean president Robert Mugabe has left the country to Singapore. Reports indicate that the 93-year-old is taking his annual holidays. A section of the media also reports that he will have a routine medical checkup whiles away. It is the first time he has left the country since his resignation in November after being leader for 37 years. A media outfit reports that the entire Mugabe family including wife Grace and children Bona, Robert Junior and Chatunga are all part of the trip. The sons are said to have returned from South Africa to join the Singapore trip. The last public appearance of Mugabe was when the army allowed him to preside over a graduation ceremony in the capital Harare, days after the takeover. His wife has not made a public appearance since. The army took over the reigns of government in what it said was a bid to deal with criminals around Mugabe and persons who had brought economic hardship onto the citizens. Despite holding out for over a week of intense pressure to step down – a combination of mass protests supported by the army, a recall by the ruling party and parliamentary impeachment process meant Mugabe was left with the resignation option or being forced out. His resignation notice to parliament was met by cheers in the chamber as Zimbabweans at home and abroad celebrated. Mugabe during his time in office flew to Singapore to seek medical treatment for eye cataract, according to government. Opposition elements have, however, alleged that the leaders suffered from a more acute ailment. Source: – Africa News The post Mugabe flies to Singapore for annual holidays, first trip since ouster appeared first on Caasimada Online.
-
Iyadoo maalmahaan Garowe ay socotay tababar looga hadlaayey dhibaatooyinka ay gudniinku u gaysto hablaha Soomaliyeed isla markaana la isaga kaashan lahaa sidii looga cirib tiri lahaa guud ahaan Soomaliya ayaa la isla gaaray in culumada iyo warbaahintu doorkooda ka ciyaaraan baahinta iyo gaarsiinta halku dhega ah jooji gudninka iyo jar jarida lagu hayo haweenka si looga baxo aafada ay keenta in gabadh jirkeeda la jar jaro. Dood culus oo laga yeeshay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Marwada Koowaad ee Puntland, Wasiirka Wasaaradda Haweenka, gudoonka xaquuqal aadaha Puntland, dhaqaatiir culamada, Weriyaal Hay’addaha Global Media, Ifraah Foundition oo iska kaashaday ollolahan la dagaalanka gudniinka. Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Marian Ahmed Ali ayaa cod dheer ku sheegtay danta laga lee yahay doodan oo ah in la hello hal cod oo lagu midaysan yahay joojinta gudniinka Haweenka halka gudoomiyaha xaquuqal insaanka Puntland Maxamed Yuusuf uu dul istaagay qodobka fariinta u ah xaquuqda haweenka iyadoo madax hay’adda Ifrah Foundition ay fariin fartay culamada iyo warbaahinta si loo gaarsiiyo wacyigelinta joojinta gudniinka haweenka. Marwada madaxweynaha Puntland Hodan Saciid oo ah safiir u qareenta joojinta tacadiga ka dhanka haweenka Soomalida ayaa xoojisay hadalka wasiirada, iyadoo bogaadisay doorka culmada iyo warbaahinta oo haatan xooga saaraya wacyigelinta gudniinka gabi ahaantiisa in la joojiyo.
-
US President Donald Trump has lashed out at the women who have accused him of sexual harassment, denouncing their “false accusations and fabricated stories,” after several of them called for Congress to investigate him. Three women who claim they were sexually harassed by Trump before he ran for president urged lawmakers Monday to open an inquiry into his behaviour and allegations of misconduct. KISSES Rachel Crooks, who worked as a receptionist in Trump Tower in New York, says the Republican president forcibly kissed her on the mouth after she introduced herself to him in 2005. Jessica Leeds, who says she was groped and forcibly kissed by Trump on a commercial flight decades ago, said the president has not been held accountable for “what he is and who he is.” On Twitter, Trump struck back — and seemingly accused Democrats of egging on the women who addressed reporters about the alleged harassment. “Despite thousands of hours wasted and many millions of dollars spent, the Democrats have been unable to show any collusion with Russia – so now they are moving on to the false accusations and fabricated stories of women who I don’t know and/or have never met. FAKE NEWS!” he tweeted on Tuesday. SHAME A group of 54 Democratic women in Congress called for a probe on Monday, and Democratic Senator Kirsten Gillibrand called on Trump to resign. The president bashed her as a “lightweight” and said she “would come to my office ‘begging’ for campaign contributions not so long ago (and would do anything for them)” — a tweet that earned quick scorn from the senator. “You cannot silence me or the millions of women who have gotten off the sidelines to speak out about the unfitness and shame you have brought to the Oval Office,” Gillibrand fired back. Sixteen women have come forward with claims of misconduct by Trump, who boasted in a video tape that surfaced during the campaign that he could kiss and grope women with impunity, because of his celebrity. Three US lawmakers announced their resignations from Congress last week over sexual harassment allegations, including Democratic Senator Al Franken of Minnesota. Source: AFP The post Donald Trump slams ‘fabricated stories’ of his women accusers appeared first on Caasimada Online.