-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A suicide bomber disguised as a policeman blew himself up inside a police training camp in Somalia’s capital Mogadishu this morning and killed at least 15 officers, officials said. Police spokesman Major Mohamed Hussein said the attacker had explosives strapped to his body and infiltrated the General Kahiye Police Training Academy during an early morning parade. “So far 15 have died and 17 others were injured,” Abdullahi Nur, another police official, told Reuters. Earlier, the head of a local ambulance service said they had moved the bodies of 13 victims as well as 15 injured people. The militant Islamist group Al-Shabaab claimed responsibility for the attack and gave a higher death toll. “We killed 27 police [officers] and injured more,” Abdiasis Abu Musab, the group’s military operations spokesman, told Reuters. Al-Shabaab carries out frequent bombings in Mogadishu and other towns. The group, which is allied to Al-Qaeda, is waging an insurgency against the UN-backed government and its African Union allies in a bid to topple the weak administration and impose its own strict interpretation of Islam. The militants were driven out of Mogadishu in 2011 and have since been steadily losing territory to the combined forces of African Union peacekeepers and Somali security forces.
-
Weerar Ismiidamin ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababbay ayaa saaka lagu qaaday Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho. 17 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkaas, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 17 kale, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay inuu tagay goobta weerarku ka dhacay. Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa sheegay inay halkaasi ku dileen 27 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska, balse ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhacay. Dowladda Soomaaliya illaa hadda kama aysan hadlin khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan la la beegtay Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee Muqdisho, marka laga reebo qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Ciidamada weerarka la la beegsaday ayaa isu diyaarinayay xuska maalinta Booliska Soomaaliyeed ee 20 December. PUNTLAND POST The post 17 Askari oo ku dhintay weerar ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wafdiga Taliyaha ayaa socdaalkan ku weheliyaha Saraakiil sare sare oo ka tirsan Puntland kuwaas oo qayb ka ah Sagoontinta ciidamada Booliska ee dawlada Federalka Soomaaliya qayb uga noqonaya Isku dhafka ciidamada xooga dalka Soomaaliya. 2,400 Askari iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa maanta munaasibad lagu soo dhawaynayo ay ka socotaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Soo dhawaynta masuuliyiintan kadib ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan inta aysan ka bixin magaalada Gaalkacyo inay maamulada Puntland iyo Galmudug la qaataan kulamo Goos Goos ah kuwaas oo hordhac u ah Nabad Galyada gobolka Mudug. Puntlanddi.com
-
Muqdisho (Puntlandi) Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda ayaa ka dhacayMuqdisho. waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen 17 askar ah. Weerarkaan ayaa ka dhacay Akadamiyada ciidanka General Kahiye, halkaas oo uu ciidan katirsan kuwo booliiska tababar loogusoo xirayay. Afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Mohamed Hussein , ayaa sheegay ismiidaamiyuhu inay usoorto gashay inuu gudaha usoo galo xarunta tababarka ciidanka, waxaana uu sheegay dadka dhintay inay ku jiraan saraakiil ciidan. Askarta ku dhimatay falkaan ayaa la sheegayaa inay intaas kasii badan tahay, dhaawacuna wuxuuna marayaa 15 askari. Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan. Waa markii labaad oo Alshabaab isku qarxiyaan goob ciidan tababar loogu hayay. Puntlandi.com
-
Afar iyo toban qof oo is kugu jira caruur iyo dad waayeello ah ayaa 24 saac ee ugu dambeysay ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Cudurkaan ayaa sidoo kale soo ritay ku dhawaad 80 kale oo qof kuwaasi oo ku nool magaalda Baledweyne iyo deegaannada hoos yimaada sida ay sheegeen maamulka Isbitaalka Baledweyne. Dadka uu soo ritay cudurkaani ayaa qaarkood waxaa la dhigay Isbitaalka,halka qaarka kalana ay yaallaa xaafadaha. Dr Axmed Khaliif oo ah agaasimaha Isbitaalka Baledweyn ayaa sheegay tirda dadka u dhintay cudurkaani . “Waxaan ku talo galnay maanta inaan soo aragno dhibaatooyin laga sheegayo degmada Baledweyne inta aan ognahay waxaa u dhimatay toban qof waxyaabaha keenay dhibaatada waxaa ugu wacan nadaafad xumida ka jirta deegaanka, waxaa kaloo u sabab ah nafaqo darro dadka u sii dheer”. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dilaacay gobolka Hiiraan cudurka shuban biyoodka waxaa uuna soo ritay dad badan oo is kugu jira caruur iyo da’ waxaana u dheer cudurka nafaqo darro baahsan oo ay dadkaani la il daranyihiin taasi oo sii xoojineyso inay kororto dhimashada. Goobjoog News Source
-
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismidaamin ah oo saakay ka dhacay Dugsiga tababarka ciidamada Jeneraal Kaahiya ee magaalada Muqdisho. Qoraal ay soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin Internetka ayaa waxay ku sheegeen iney iyaga ka dambeeyeen weerarkaasi oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid ay muddo diyaarinayeen. Waxay sheegeen in ay dileen askar ka tirsan ciidanka Booliiska xilli ay safaf dhaadheer ku jireen barxadda Jeneraal Kaahiya. In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay qaraxii Ismiidaamin ahaa ee saakay ka dhacay dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhowaan ku dhowaaqay inuusan ka tirsaneyn Xarakada Al-shabaab. Roobow ayaa shalay gaaray Kismaayo kadib sida la sheegay casumaad uu ka helay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waxyaabaha ay ka wada hadleen Labadan mas’uul ayaa ugu badan sida loo wajihi karo dagaallada ka dhan ah Al-shabaab, maadaama Jubbaland ay qorsheyneyso iney duulaan ku qaaddo deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka iyo Gedo. Abuu Mansuur ayaa Axmed Madoobe siiyey macluumaad badan oo la xiriira sida loola dagaallami karo Al-shabaab iyo arrimo kale oo dhanka ciidanka ah. Mukhtaar Roobow ayaa dhowaan tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo uu kormeeray xeryaha ciidamada, waxaana xigay safarkiisan Kismaayo. Goobjoog News Source
-
Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, balse u abaabulan qaab beeleed ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Dagaalkan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Buulo-maaxaay, waxaana la sheegayaa in dhinacyadan isku hayaan lahaanshiyaha dhul halkaasi ku yaalla. Wararku ayaa intaasi ku daraya in dagaalkii xalay uu khasaare ka dhashay, balse lama oga inta khasaaraha la egyahay. Ciidamada xasilinta Muqdisho oo qudhooda doonayey iney xalliyaan dagaalkan soo noqnoqday ayaa la sheegay in garab kamid ah dhinacyada is haya ay rasaas kala kulmeen. Waa markii Sadexaad oo lagu dagaallamo xaafadda Buulo-maaxaay ee degmada Kaaraan, iyadoo ciidanka dagaallamaya yihiin kuwo dowladda ka wada tirsan balse qaab qabiil u kala abaabulan. Maamulka degmada Kaaraan weli wax war ah kama aanu soo saarin dagaalladan soo noqnoqday, iyadoo shacabkii deganaa xaafadda dagaalladan kusoo noqnoqdeen ay bilaabeen iney halkaasi isaga barakacaan. Degmada Kaaraan ayaa kamid ahayd degmooyinka ugu amniga badan ee magaalada Muqdisho, balse dagaalladan ayaa baqdin ku beeray dadka shacabka ah. Goobjoog News Source
-
A suicide bomber in police uniform blew himself up inside a police training camp in Somalia’s capital Mogadishu on Thursday, killing at least 13 police officers, officials said. Police spokesman Major Mohamed Hussein said the attacker, with explosives strapped to his body, infiltrated the General Kahiye Police Training Academy and struck during a police parade. Abdikadir Abdirahman, the director of Amin Ambulances, told Reuters: “We have carried 13 dead people and fifteen others who were injured from the police academy.” The militant Islamist group al Shabaab claimed responsibility for the attack. “We will give details of casualties later,” said Abdiasis Abu Musab, the group’s military operations spokesman. Al Shabaab carries out frequent bombings in Mogadishu and other towns. It is waging an insurgency against the U.N.-backed government and its African Union allies in a bid to topple the weak administration and impose its own strict interpretation of Islam. The militants were driven out of Mogadishu in 2011 and have since been steadily losing territory to the combined forces of African Union peacekeepers and Somali security forces. Source: Reuters The post Suicide bomber kills at least 13 in police academy attack in Somali capital appeared first on Caasimada Online.
-
The overall head of Al-Shabaab in Somalia has moved with his troops to Gedo, a region in the war-torn country bordering Kenya’s Mandera County. Security sources said Ahmed Diriye aka Ahmed Umar fled the Shabaab-controlled district of Jilib in Lower Jubba region after intensified aerial strikes by international forces. Somalia National Army General Ismail Sahardiid, the commander of Sector 43 in Gedo, was quoted as saying that captured Al-Shabaab militants had confessed that their leader had fled. “The displacement of the leadership is among many other strains facing the group,” reads a security dispatch to Kenyan security agencies. “The increase in precise air strikes against their hideouts is increasing fear and suspicion among the group’s top leadership. “This situation has led to some officials and militants defecting to the Federal Government of Somalia.” AFRICOM STRIKE The latest strike against the militant group was carried out on Tuesday by United States Africa Command (Africom). “In coordination with the Federal Government of Somalia, US forces conducted an airstrike against an al-Shabaab vehicle-borne improvised explosive device in the early morning hours, about 65 kilometres southwest of the capital, Mogadishu,” said Africom in a statement. It added: “US forces will continue to use all authorised and appropriate measures to disable terrorist threats. This includes partnering with Amisom and Somali National Security Forces (SNSF) in combined counter-terrorism operations and targeting terrorists, their training camps and their safe havens throughout Somalia and the region.” Kenyan troops fighting there are part of Amisom (African Union Mission in Somalia). Kenya Defence Forces (KDF) are deployed in Sector 2 of Lower Jubba. Of late, more than 100 al-Shabaab militants have been killed in US-led airstrikes. On December 11, some 23 of them surrendered to the federal government-friendly administration of Bay. The region’s internal security minister, Mr Abdikadir Abdirahman, confirmed the surrender. Reports say al-Shabaab is also faced with a power struggle between Diriye and one of his deputies called Fidow, the lieutenant in charge of finance and administration, who is thought to be plotting a coup. Source: – Daily Nation The post Shabaab head flees Jilib in Lower Jubba as US drops bombs appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee Saaka ka dhacay dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho. Maleeshiyada ayaa sheegtay in weerarkaasi ismiidaaminta ah uu fuliyay xubin iyaga ka tirsan, waxa ayna sheegyeen inay ku dileen Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska. Maleeshiyada ayaa tiri ‘’Waxaan saaka ku kalahnay xerada Booliska Jeneraal Kaahiye,waxaan ku dilnay weerarkaas Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska oo ku jiray safaf’’ Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa saaka aroortii hore fuliyay ruux xirnaa dharka ciidanka Booliska, kaa la xaqiijiyay inuu galaaftay ciidamo farabadan. Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare xoogan oo ka dhashay qaraxa, warar madax banaan ayaa sheegaya Qaraxan in ay ku dhinteen in ka badan 8 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. Geesta kale, Taliska Booliska ayaan weli xaqiijin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa, wallow uu yahay mid aad u badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yaa ka danbeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Saaka ka dhacay magaalada Muqdisho (Khasaaraha) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa si rasmi ah usoo ifbaxay khilaaf siyaasadeedka iyo midka awood qeybsi oo u dhexeeya Guddoonka Labada Gole ee Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia. Khilaafka taagan ee soo ifbaxay ayaa waxaa markii ugu horeeyay daboolka ka qaaday Guddoonka Aqalka Sare oo tilmaamay inuu jiro is fahan daro ka taagan qaabka ay u wada shaqeyn lahaayen labada gole ee Aqalka Sare iyo kan hoose. Khilaafka labada Gole ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay waxa uuna Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi si rasmi ah u joojiyay shir la filaayay inuu ka qabsoomo magaalada Baydhabo kaa oo u furmi lahaa Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejinta ee maamul goboleedyada, isla markaana uu qaban qaabinayo Guddoomiyaha Golaha shacabka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka duulaaya isku dhex yaaca awoodaha shaqo ee labada Gole ayaa qoray Warqad uu ku hakinaayay shirka ka furmaaya magaalada Baydhabo, taa oo look ala diray dhammaan Hogaamiyayaasha Maamul goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada, iyadoo la wargaliyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu Warqada ku dalbaday in la joojiyo shirka lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxa uuna shirkaasi ku sheegay mid lagu burburinaayo Nidaamka Federaalka. Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, ayaa aaminay in Baarlamanaka hadda jira uusan garaneynin shaqooyinkiisa, isagoo u shaqeynaaya qaabkii uu u shaqeynaayay baarlamaanka 9aad ee wakhtigiisa dhamaaday. The post Arrin cusub: Khilaafka Guddoonka Aqalka Sare & Aqalka Hoose oo gaaray heerkii ugu sareeyay (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Saraakiisha caafimaadka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in 13 qof ku dhinteen halka 15 kale ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye . Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qofka is-qarxiyay oo labisnaa dareeska ciidanka, xilli ay ciidamada ku jireen tababarkooda caadiga ahaa ee subaxnimo. Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda u dabaal-degi-doona maalinta la aasaasay oo ku began December 20, 1943 Hey’adaha ammaanka ayaa wado baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen, waxaana lagu wadaa in ay war ka soo saaraan. Goobjoog News Source
-
Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu doonayo in la joojiyo ka qeyb-galka shir ay yeelan lahaayeen golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada. Shirkan oo qorshuhu yahay in uu ka dhaco Baydhabo ayaa qoraal-kan ka soo baxay Aqalka sare kaas oo ku socday madaxweyneyaasha iyo guddoomiyeyaasha golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada lagu dalbaday in la joojiyo shirkaasi. Aqalka sare, waxaa qoraalkiisa ugu muhiimsanaa: Shirka waxaa uu aqalka sare ku sheegay mid bur-burinaya oo aan la jaan-qaadi karin ku dhaqanka nidaamka federaalka ah. Waxaa kale oo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada lagu wargeliyay in ay fiiri-gaar ah u yeeshaan saameynta uu shirkaasi ku yeelan karo nidaamka federaalka ah iyo xil gudashada aqalka sare. Akhriso Qoraalka: Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday ismiidaamin uu saaka aroortii ka dhacay barxada iskool buluusiya ‘’ General Kaahiye’’ ee magaalada Muqdisho. Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay ruux ku labisnaa Jaakada Qaraxa, waxa uuna is Qarxiyay xili uu dhexda kaga jiray ciidamo ka tirsan Booliska oo goobta ku sugnaa. Ciidamada uu naftii haligaha isku miidaamiyay ayaa xiligaa ku guda jiray diyaar garowga dabaaldaga 20 -ka December oo ku beegan Aas Aaska Ciidanka Boliska, waxa ayna ciidamadaasi ahaayen kuwo lasii baraayay gaada ka cayaarka ka hor inta aan la gaarin maalinta dabaaldaga. Askari kamid ah kuwa Booliska ee ku sugan goobta oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu arkay dhimashada 7 Askari oo Booliis ah iyo dhaawaca in kabadan 10 askari. Sidoo kale, waxa uu sheegay in naftii haligaha uu ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska, waxa uuna dhax galay Ciidan Boolis ah oo feesto ka dhigayay Barxadda hore ee Iskuul Buluusiya. Saraakiil iyo Ciidamo farabadan ayaa hadda ku sugan goobta waxaana sidoo kale xiran dhammaan jihooyinka laga galo barxada iskool buluusiya. Geesta kale, Saraakiisha Booliska ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerar ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Xero ciidan oo ku taal magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
sida ay ku waramayaan warar hadda soo gaaray Goobjoog News, qof ismiidaamiyay ayaa qarax ka geystay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye . Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qofka is-qarxiyay oo labisnaa dareeska ciidanka, halkaasina khasaare ka dhashay, tiradana ay ka badan karto 10 qof. Gaadiidka gargaarka ayaa hadda goobta gaaray, lamana sida qofkaasi uu meesha ku tagay. Wararka kala soco, Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Federaalka ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay laba ciidan oo la kala saftay laba qoos oo isku hayay dhul ciidankaan ayaa hore sidaan oo kale shan maalmood oo is xig xigta ku dagaalamay Xaafadda Jamhuuriya. Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu yahay Seddex, halka dhaawacana uu yahay mid kor u dhaafay afar. Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Odayaal kala matalaya labada dhinac ee is haya ayaa wada dadaalo lagu dhameynayo colaada soo laab laabatay. Maleeshiyada dagaalamaya oo ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa hada u abaabulan hab qaabiil waxayna isku heestaan dhul banaan oo halkaasi ku yaala, Dowladda soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay wax ka qabato dagaalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasiga Ciise Saciid Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ay gaareen uu ahaa mid ay ku heshiiyeen labo qolo oo siyaasadda isku heysay oo kaliya ay heshiiyeen, oo loo baahan yahay heshiis bulsho. Ciise Saciid, wuxuu ugu baaqay inay hoos u eegaan xaaladda dhabta ah ee gobolka Galgaduud oo aysan noqon sida loo malaynayo hadda oo ah inay dantooda keliya fiirsanayaan, wuxuuna soo jeediyay in xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Galmudug lagu tixgeliyo aragtidooda. Siyaasiga oo horay uga mid ahaa musharrixiintii xilka madaxtinimada u tartamay febraayo sanadkani 2017, ayaa sheegay in gobolka Galgaduud uu u baahan yahay in siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dadka maamulka Galmudug ku shaqada leh ay heshiis dhab ah gaaraan. “Heshiiska waxaa ka wnaagsan wax la arko heshiiska waxaa uu u muuqdaa inuusan qaadan mid dowladnimo waxaa la dhihi karaa heshiiskaas waxaa uu dhexmaray labo qolo siyaasadeed ee ma jirto heshiis ka dhex dhacay dadka degan galmudug oo dhan”. Hadalka Ciise Saciid ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli maamulka Galmudug iyo ahlu suuna uu heshiis ku dhexmaray maalmo ka hor magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimad Onine) – AMISOM iyo Kenya ayaa iska fogeeyay in Soomaaliya ay ka gesyteen arrimo ka dhan ah xuquuqul aadanaha, arrintan waxaa ay timid kadib markii UNSOM iyo UN Human Rights ku eedeeyeen ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM in ay dileen 131 oo Soomaaliyeed oo rayid ah inta u dhaxeysay January 2016 illaa October 2017. Madaxa AMISOM Francisco Madeira oo ka jawaabayey eedeynta Q.M waxaa uu sheegay in aaney jirin ciidamo kuwooda ah oo geysatay dil sharci darro ah iyo xad-gudub jinsi “Waxaan aragnaa in warbixintan ay been ka buuxdo marka la fiiriyo dhacdooyin la sheegay in ay ku lug- lahaayeen AMISOM iyada oo laga tagay niyad wanaagga iyo waxqabadkii loo dan-lahaa”waa jawaab uu bixiyay December 8, 2017. Madeira waxaa uu intaasi ku daray in aaney warbixinta ku kala cadeyn ciidamada AMISOM ah iyo kuwa aan aheyn, arrintaas oo keeni karta sida uu sheegay caad soo food-saara cidda mas’uulka ka ah. Francisco Madeira, waxaa uu carabka ku adkeeyay in aanay AMISOM mas’uul ka aheyn ciidamada aan ku jirin ee jooga gudaha Soomaaliya, arrintaasina wax laga weydiinayo dowladda federaalka ah. AMISOM waxaa kale oo ay iska diiday kufsi ay ciidamadooda u geysteen gabdho 14 iyo 17 ji ah, kaas oo ka dhacay sida la sheegay Ceel-buur, iyaga oo sheegay in Ceel-buur aaney tagin AMISOM oo Al-shabaab ay heystaan, Isbitaal-ka Xalane ee gabdhaha la dhigana aanu ku oolon degmada. AMISOM, waxaa ay sidoo kale wax lagu wareeray ku sheegtay in QM aaney qaadin tillaabooyin la xiriira wareysiga dadka dhibanayasha ah. Dhinaca kale, dalka Kenya ayaa inkiray in ay jiraan ciidamo Kenyaan ah oo aan ka tirsaneen AMISOM oo ku sugan gudaha Soomaaliya sida ku qoran warbixinta UN-ka, arrintaas waxaa lagu sheegay qoraal uu QM u diray safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo , isaga oo soo jeediyay in qeybtaas warbixinta laga tirtiro. Safiirka Kenya intaasi kuma ekaanin, ee waxaa uu warbixinta QM midoobey ku sheegay mid dabada ka riixaya ajendaha iyo qorshaha Al-shabaab iyo kooxaha argigixisada ah kuwaas oo howlgalka AMISOM mar walba dadka u xumeeyo. Sida ku qoran warbixinta Qaramada Midoobey waxaa jira waxyeelo loo geystay illaa 42 qof oo Soomaali ah(36 dil, 6 dhaawac ah) halka AMISOM ay dileen 4 rayid ah iyaga oo dhaawac u geystay 5 kale. Qaramada Midoobey waxaa ay qoraalka ku sheegtay in ay baareyso in diyaaraha helicopters-ka ay duulayeen waqtiga dhibaatada dhaceysay iyo in kale. Waxaa xiriir la sameysay UNSOM, Laakin wax jawaab ah ma helin. Warbixintan oo lagu sheegay waxyeello soo gaartay illaa 4,585 oo rayid ah ayaa la la soo bandhigay December 10, oo ku began maalinta caalamiga ee xuquuqul insaanka. Caasiada Online Xafiiska MUqdisho Caasimda@live.com The post Kadib markii Amisom iyo kenya iska fogeeyeen…yaa dilay 131-ka qof ee rayidka ah? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa mar kale sheegay in dowladiisa ay talaabo cad ka qaadi doonto Israel oo uu sheegay inay tahay dowlad taakuleysa kooxaha argagixisada. Recep Tayyip Erdogan, waxa uu tilmaamay haddii ay imaado xaqiiqda in dowlada Mareykanka aysan garab siin doonin Israel balse iminka la doonaayo in laga fiirsado ficilada la sameynaayo. Recep Tayyip Erdogan, waxa uu carabka ku dhuftay in qorshaha Mareykanka iyo Israel uu yahay mid lagu kicinaayo xasiloonida ka jirta adduunka. Erdogan ayaa dowlada Israel ku sheegay inay noqon doonto Seddex arrin midkood oo uu sheegay inay soo ifbixi doonto haddii ay sii taagnaato faragalinta lagu hayo Qudus kuwaa oo kala ah: 1-In Israel ay awoodeeda iyo dhulka ay ku magacaaban tahay ku weyn doonto carqaladeynta Qudus. 2-In sabab ay u noqoto colaad ay ka dhalan doonto cawaaqib oo dhexmarta dunida islaamka iyo kuwa kale ee heysta diimaha kiristaka oo garbinaaya Yahuuda. 3-In Israel ay aqoonsan doonto awoodeeda oo ay qeyb ka noqon doonto dowladaha ka shaqeynaaya Nabadda Qudus. Recep Tayyip Erdogan, ayaa Yahuuda ku sheegay kuwo aan ka sineyn in Qudus laga dhigo caasimada Israel sabab uu ku sheegay in shucuubta adduunka aysan diyaar u aheyn colaad salka ku heysa arrimo diimeed. Sidoo kale, waxa uu cod dheer ku sheegay in Israel leyska celin doono haddii ay kasoo gudubto xadkeeda, maadaama laga nabad-galay shacabka reer Falastiin. Haddalka Recep Tayyip Erdogan, ayaa imaanaya xili magaalada Istanbuul lagu qabtay shir looga soo horjeedo Go’aanka Trump uu Qudus uga dhigay caasimada Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Erdogan oo sheegay in 3 arrin midkood ay noqon doonto rabitaanka Israel ee Qudus appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku jiraan heegan ay uga feejigan yihiin weerar kaga imaada al-Shabaabka ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Gedo. Saraakiishu waxa ay sheegen in laga cabsi qabo in maleeshiyaadka ay weerar kusoo qaadan Xarumaha maamulka maadaama dagaalyahaano dhan 700 ay gudaha iyo daafaha Gobolka ku sugan yihiin. C/llahi Axmed oo kamid ah Saraakiisha ayaa sheegay in maleeshiyaadka ku sugan Gobolka Gedo ay sii kordhayaan waxa uuna tilmaamay inay ilaalinayaan Horjoogaha ugu sareeya ee al-Shabaab Axmed Diiriye ‘’Abu Cubeyda’’. Waxa uu intaa ku daray in lagu soo wargaliyay in Abu Cubeyda ay la socto Haweeneyda u dhalatay dalka Britain ee lagu magacaabo Samantha Lewthwaite “Carmaladda Cad” oo inta badan sanadkan 2016 nolosha ku qaadatay Somalia. Waxa uu C/llahi Axmed sheegay in Abu Cubeyda, Carmaladda Cad iyo Maleeshiyaadkooda ay ku dhuumaaleysanayaan duleedka dhulka howdka ah ee ku yaala duleedka Gedo. ‘’Abu Cubeyda iyo Carmaladda Cad waxa ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Gobolka, waxaan ku jirnaa difaac maadaama ay maleeshiyadu baxsad ka yihiin duqeymaha ka socda Gobolada dalka’’ Sidoo kale, Saraakiisha kale ayuu ugu baaqay inay baaraan gaadiidka shacabka iyo kuwa soo gala magaalooyinka waaweyn maadaama ay Carmaladda Cad ku dhex dhuuman karto magaalada. Dhawaan dowlada Somalia ayaa sheegtay inay baadi-goob ugu jirto Carmaladda Cad oo la sheegay inay ku sugan tahay Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Carmaladda Cad oo laga baadi-goobayo gobol ka mid h Somalia oo lagu arkay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka danbeeyay dilka Horjoogihii hore ee maleeshiyada al-Shabaab Axmed Godane waxaa sii kordhaayay xubnaha sida dhow ula shqeya Sirdoonka Mareykanka ee ku dhex jira al-Shabaab. Xubnahaan ayaa u badan kuwo xilal sar sare ka haya Hogaanka maleeshiyada al-Shabaab, waxaana la xaqiijinayaa inay ku jiraan rag caan ah oo Kooxda qeyb ka aasaasay. Dadka ugu badan ee sida dhaw ula shaqeeya ayaa waxaa ku jira maleeshiyaadka Hubka wata oo iyagu si toosa xiriir ula leh Saldhigyada Mareykanka ee Somalia iyo Jabuuti. Horjoogayaasha la tuhunsan yahay ayaa waxaa kamid ah Axmed Diiriye oo ugu sareeya maleeshiyada kaa oo saacado un ka hor xiliga duqeynta ka baxa goobaha la beegsanaayo, waxaana jira macluumaad muujinaaya in macluumaadka uu ku shubo Saldhiga Jabuuti. Ilo Sirdoon oo ka kala tirsan Faransiiska, Britain iyo Ruushka ayaa carabaabay inuu jiro wada shaqeyn dhow oo ka dhexeeya Sirdoonka Mareykanka iyo qaar kamid ah Horjoogayaasha ugu sareeya al-Shabaab. Qandaraaslihii hore ee Sirdoonka Mareykanka Edward Snowdenl, ayaa kamid ah dhinacyada sheegay inuu jiro xiriir Sirdoonka Mareykanka kala dhexeeya Hogaanka Sare ee al-Shabaab kuwaa oo macluumaadka la wadaaga Xarumaha Dhexe ee Sirdoonka Mareykanku leeyahay. Edward Snowdenl, waxa uu tilmaamay in diyaaradaha Mareykanku ay beegsadaan keliya Saldhigyada ay ka howlgalaan argagixisada aan wada shaqeynta kala dhexeen ee suuragalinkara fashil ku imaada danaha gaarka ah ee Mareykanka kala dhexeeya qaar kamid ah xubnaha Hogaanka al-Shabaab. Sawers Karake, oo kamid ah Saraakiisha Sirdoonka Britain ayaa isna sheegay in xubnaha ay Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin gudaha al-Shabaab lagu qiyaasi karo 5%, oo ay ku jiraan Horjoogayaal miisaan ku dhex leh Shabaabka. Waxa uu tilmaamay in Mareykanku uu mar waliba cadow u arko keliya cida aan isaga la shaqeyn kana tirsan qeybaha argagixisada, waxa uuna intaa raaciyay inay sii kordhayaan Sirdoonka Mareykanka ee ka dhex shaqeeya al-Shabaab. Sanadihii 2015 iyo 2016 ayuu sheegay in xubnaha Mareykanku ku dhex leeyahay al-Shabaab ay gaarayeen 3%, balse muddo sanada uu koror ku imaaday cadadka ay Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin al-Shabaab. Sidoo kale, Sirdoonka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in shaqsiyaadka la shaqeeya aysan qudhooda la wadaagin talaabooyinka horyaal sida weerarada ay qaadayaan, Goobaha iyo cida ay ku wajahan yihiin ee la doonaayo. Si kastaba ha ahaatee, weerarada ugu badan oo ay fulineyso diyaaradaha Mareykanka ayaan galaafan Horjoogaha ugu sareeya iyo shaqsiyaadka kale ee ka hoos shaqeeya kana tirsan Shabaabka, inkastoo beegsigooda uu kusoo beegmi doono xili laga maarmo shaqooyinka ay u hayaan Sirdoonka Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin Al-Shabaab oo gaaray heerkii ugu sareeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Marwada Madaxweynaha dowladda Puntland Drs. Hodan Siciid Ciise ayaa magaalada Garoowe ku soo xirtay taba-bar ku saabsan joojinta gudniinka gabdhaha oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland,sidoo kalena ay qayb ka ahaayeen hay’adaha Global Media,Ifrah Foundation,UNICEF iyo Save The children. Taba-barka oo muddo 4 cisho ah ka soconayey caasimadda Garoowe ayaa loo qabtay weriyaasha iyo culimada,waxaana lagu barayey sida ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen joojinta gudniinka gabdhaha,islamarkaana bulshada u fahamsiin lahaayeen dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta gudniinka. Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland Marwo. Maryan Axmed cali ayaa sheegtay in ay hawl weyn ka qabteen arrimaha la xiriira tacaddiyada ka dhanka ah gabdhaha iyo haweenka ,gaar ahaanna gudniinka halista ah ee FGM. Marwo. maryan ayaa caddaysay in weriyaasha iyo culimada ka qayb galay taba-barkaan ay isaga yimaadeen guud ahaan Soomaaliya ,sidaasi darteedna la oron karo Soomaali oo dhan baa ku jirtay. Marwada Madaxweynaha Drs. Hodan Siciid Ciise ayaa dhankeeda sheegtay in gudniinka Fircooniga ah dhibaatadiisu gaartay carruur da’dood 5 sano tahay“Xumaatadiisa waxaa sii fool xumaynaya weliba, carruurta yar yar ee lagu samaynayo oo shan jir ilaa sagaal jir lagu samaynayo“,ayey tiri Drs. Hodan. Sawirro. The post Taba-bar ku saabsan Joojinta gudniinka gabdhaha oo Garoowe lagu soo xiray. appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay rabshado hor leh oo ka soo cusboonaaday qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dalka Ethiopia. War qoraal ah oo Galabta ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in xukuumadda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay rabashado dhimasho iyo dhaawac sababay oo labadii maalmood tegay ka dhacay magaalada Chelenko ee gobolka Oromada. Safaaradda ayaa ku boorrisay shacabka Ethiopia in ay ilaashadaan sooyaalkooda ku dhisan is-ixtiraamka qowmiyadah,wadajirka iyo nabadda,sida ku xusan qoraalka. Mas’uuliyiinta dalka Ethiopia ayaa dhankooda sheegay in ugu yaraan 18 ruux lagu dilay rabshado todobaadkaan ka dhacay magaalada Chelenko ee gobolka Oromia. Rabshadaha ayaa u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada,waxaana dadka ku dhintay ku jira arday jaamacadeed,sida ay qortay Warbaahinta dalkaasi. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo ka hadashay rabshado ka qarxay dalka Ethiopia. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ‘’Abuu Mansuur’’, ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Mukhtaar Roobow, oo labadii asbuuc ee ugu danbeysay Safaro ku kala bixinaayay qeybo kamid ah Gobollada Bay iyo Bakool ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo. Mukhtaar Roobow, waxaa safarka ku wehlinayay Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Somalia C/rashiid C/laahi Max’ed, waxaana magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan Odayaal, Haween iyo dhalinyaro. Mas’uuliyiintan ayaan wax macluumaad ah ka bixin ujeedada safarka Mukhtaar Roobow, waxaana loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Jubaland. Warar hoose ayaa sheegaya in ujeedka Socdaalka Roobow ee Kismaayo uu yahay wadatashi uu la qaadanayo Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo xili hore ay ka wada tirsanaayen Al-Shabaab. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa hore uga tirsanaan jiray Al-shabaab, haseyeeshee horaantii bishii August ee sanadkan ayuu isu soo dhiibay dowladda, isaga oo isu soo dhiibay madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa intaa kadib loo soo gudbiyay Muqdisho. Dhinaca kale, Socdaalka Roobow ayaa qaadan doona muddo Seddex cisho ah, waxaana suuragal ah in mudada uu halkaa joogo ay Jubbaland isku dhiibaan maleeshiyaad hada dhow gaaray Gobolka Gedo. The post Sawirro: Mukhtaar Roobow oo gaaray Kismaayo & Madaxtooyada Jubbaland oo laga dajiyay appeared first on Caasimada Online.