-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka gubolka karkaar ayaa sheegay in gubolka ay ka jidho abaar daran, sida lagu shaaciyay warsaxaafadeed kasoo baxay guddoomiyaha Cabdulaahi Maxamed Barre. Maamulka ayaa codsaday in dowladda Puntland iyo hay’addaha samafalka inay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lagaa abaaraha ka jira gobolka Karkaar. Gobolka Karkaar ayaa kamid ah degaanadii Dayrtii lasoo dhaafay uusan roobku ka da’in meelo badan.
-
Muqdisho (Caasimadda Online): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, tan iyo markii Guddoomiyuhu ku dhawaaqay shir looga tashanayo aayaha Gobolka Banaadir, si dadka ku nool Gobolka ay u helaan xuquuqdooda matalaad si la mid ah gobollada kale ee dalka. Cadaadiskan oo qaab beeleed u abuubulan ayaa sii kordhay, kadib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ka qeyb galay shirarkii wadatashiga oo uu barbar fariistay madaxda maamul goboleedyada, taas oo loo fasirtay in gobolka Banaadir uu u soo jeestay xuquuqdiisa maamul, iyadoo la marayo nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya qaadatay sanadkii 2004. Shirka muddeysan 28ka bishaan ee looga tashanayo arrimaha caasimadda ayaa xiisaddan bannaanka keenay, kaddib markii uu Duqa Muqdisho ku adkeystay qabsoomidda shirkaas oo xal u noqon kara maqaamka caasimadda. Saameynta Taabid iyo dhibsashada Saaxiibadiisa Villa Soomaaliya ku dhow dhow: Dhacdooyinkii ay dowladdu wajahday muddada ay jirtay ee hoos u dhigay sumcadda xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisu wasaaraha, Thaabit waxa uu noqday siyaasi aysan saameyn oo xallinteeda sumcad ku helay, maadaama uu u muuqday siyaasi aan dhex maquuran ceebahaasi, Kasbasahda dadka dowladda dhaliila ee uu kasbaday ayaan laga jecleysan Madaxtooyada. Warbaahinta gudaha iyo dibadda ayuu si aad ah u soo jiitay, maadaama uu ka shaqeynayay arrimaha bulshada iyo samafalka, waxaana lagu tilmaamay in uu qaatay kaalintii uu Farmaajo qaatay markii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa, taasna ay keeni karto inuu xilal waaweyn ka qabto dowladda Soomaaliya. Ku dhowaanshaha Madaxweynaha oo dhan ah iyo kasbasahda bulshada oo dhan kale ah ayaa dhalisay su’aala badan oo Madaxweynaha saaxiibadiis is weydiiyeen. Maxaa keenay Cadaadiska Siyaasadeed ? Cadaadiska siyaasadeed ee soo fuulay Guddoomiyaha ayaa ka soo bilowday wixii ka dambeeyay 17-kii bishii December ee sanadkii hore markii la weeraray Hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xarigii loo geystay xilligaasoo Guddoomiye Taabid muujiyay sida uu uga xun yahay falkaas, isla markaana ka qeyb qaatay dadaaladii ay wadeen Odayaasha dhaqanka iyo Madaxda dowlad goboleedyada ee lagu sii daayay. Sidoo kale waxaa Guddoomiyaha muujiyay door iyo firfircooni ku aadan beelaha Muqdisho, taas oo culeys ku noqotay Madaxda qaar ee dowladda, iyagoo u arkayay in tani ay tahay mid saameyn ku ah ku negaanshahooda xafiiska. Dhacdadii weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa mar kale muujiyay sida uu ugu xun yahay falkii Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ku weerareen Hoyga Senator Cabdi Qeybdiid, waxaana uu ahaa Mas’uulkii u horeeyay ee taga Guriga Senator-ka, isla markaana ku dhawaaqay in falkaas lagu galay Guriga Senator-ka Xasaanadda leh mid aan la aqbali karin. Maamulka Amniga Muqdisho Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ka sokow culeysyada siyaasadeed ee uu wajahayay waxaa qeyb ka ahaa dhanka Amniga Muqdisho oo uu juhdi badan gelinayay, sidii magaalada Muqdisho u yeelan laheyd maamul amni oo ka bilowda min xaafad illaa degmo, si amniga magaalada ay u yeelato cid lagala xisaabtamo, isla markaana mas’uuliyadda amni lagu wareejiyo Maamulka. Maxaa isku soo beegay Shirka Muqdisho iyo wareegtadii Madaxweynaha ee Ilaalinta Hantida Danta Guud. Wareegtadii shalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in aan dhulka danta guud la hibeyn karin, la bixi karin, isla markaana wixii la bixiyay kaddib 8 February ay aheyd mid sharci darro ah. Inkastoo wareegtadaas aanay si toos ah ugu socon xafiis la magac dhabay, hadana waxaa loo fasiranayay mid ku socota Gobolka Banaadir oo ay u muuqatay mid sumcad ka dilid lala damacsan yahay Maamulka Gobolka Banaadir iyo in buuq lagu furo shirka dhici doona 28-ka bishan. Wareegtada Xafiiska Madaxweynaha waxay kaliya ay ka hadleysay Muqdisho, balse aanay Gobolada kale ee dalka ku socon, taasoo loo arkay culeys la saaray kaliya Muqdisho, halka gobolada kalena aan lagu soo hadal qaadin. Dad badan ayaa aaminsan wareegtada xafiiska Madaxweynaha ee soo baxday xilli uu safar ugu maqnaa Gobolada dalka iyo xaalado siyaasadeed ee ka socday Muqdisho ay aheyd kuwo la isku soo aadiyay, isla markaana koox ku dhow dhow Madaxweynaha ay ku lug lahaayeen arrintan, si ay ugu yaraan u muujiyaan cadaadiska siyaasadeed ee saaran Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post Muxuu salka ku hayaa duulanka siyaasadeed ee laggu qaaday gudoomiyaha gobalka Banaadir Taabit Cabdi ? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-ciimadama amaanka ayaa xiray qaarkamid ah wadooyinka muhiimka u ah magaalada muqdisho ayadoo laga cabsiqabo in ay dhacaan banaanbaxyo waxaan wadooyinka lagu arkayaa ciidamo farabadan. wadooyinka ilaa hada xiran waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, halkaasoo ah goobo ay inta badan ay banaan baxyada ka soo bilowdaan Ciidamo kala duwan oo ah kuwa ka hortaga rabshadaha ayaa goor dhow lagu arkay Fagaaraha Daljirka Dahsoon iyo qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in degmooyinka qaar uu ka socdo abaabulka banaan bax lagu dalbanayo xuquuqda gobolka banaadir iyo xaalada siyaasadeed ee ku soo korortay magaalada Muqdisho, kaddib markii Guddoomiye Taabid uu soo fuulay culeys. Xalay ayay ahayd markii ay Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Muqdisho aya garab istaag umuujiyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyagoo walaac ka muujiyay warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo ka hadleysay ilaalinta Hantida Qaranka, iyadoo Odayaasha ay sheegeen in hantida qaranka aanay aheyn mid ku kooban Muqdisho kaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wadooyinka Muqdisho oo xiran & Banaanbax looga careysan Arinta Tbaabit oo laga cabsiqabo in uu … appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed uu dib uga laabtay qorsho uu isaga casili lahaa xilka uu hayo. Guddoomiye Taabid ayaa go’aankiisa is casilaada dib uga laabtay saacadihii ugu danbeeyay xili uu sii wargaliyay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Go’aanka is casilaada Guddoomiye Taabid ayaa waxaa fashiliyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Somalia iyo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi. Taabid ayaa la sheegay in Is casilaada ay ku dhalatay kadib markii uu cadaadis dhanka dhulalka iyo maamulka kala kulmay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre. Sidoo kale, qorshaha is casilaada Taabid oo waayadan taagneyd ayaa xoogeysatay kadib markii Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dib dhigeen shirar lagu baadi-goobaayay maqaamka Gobolka Banaadir. Guddoomiye Taabid ayaa lagu eedeynayaa inuu ku xadgudbay dhulalka danta guud, sida ay qabaan qaar kamid ah madaxda Qaranka. Arintaan ayaa daba joogta go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in saxiixiisa oo kaliya lagu bixin doono dhulka Danta Guud ee Soomaaliya. Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shalay ka digay in hantida Qaranka sida dhulalka danta guud loo adeegsado hibo shaqsi kale ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Taabid oo dib uga laabtay qorsho uu isaga casili lahaa Xilka Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho, ayaa waxaa goor-dhaw ka dhacay shil-diyaaradeed oo aan sababin wax khasaare nafeed ah, sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan garoonka. Shilkan ayaa yimid, kaddib markii diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo dagaysay ay ku dhacday diyaarad rakaab oo horay garoonka u fadhiday, waxaana diyaaradaha soo gaaray dhaawacyo. Diyaarada shilka gashay ayaa doonaysay inay baakin gasho, iyadoo diyaarad kale ugu tagtay halkii ay fadhiday, iyadoo Sawirro laga soo qaaday shilkaan diyaaradeed ay muujinayaan in baal ka mid ah baalasha diyaarada uu si xun u bur-buray. Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaarada fadhiday garoonka Muqdisho ee lagu dhacay ay lahayd shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha dalka, xilliga uu shilku dhacayayna waxay doonaysay inay rakaab ka qaaddo garoonka. Ugu dambeyn, labada diyaaradood ee shilka galay ayaa waxaa ka daatay shidaal badan oo ku jiray, kaasoo daadsan gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Adde ee Magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post MUQDISHO: Shil diyaaradeed oo Goor-dhaw ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalo ku maraya deegaanada Gal-Mudug ayaa maanta ku wajahan Degmada Balan Bale ee Gobolka Gal-Gaduud. Madaxweynaha ayaa safarkaan ku wehlinaya Madaxda Gal-Mudug waxaana qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo wafdiga madaxweynaha laga dareemayaa magaaladaasi. Boqolaal shacabka magaalada Balan Bale ayaa hadda ku sugan Duleedka degmadaasi si ay u soo dhoweeyaan Wafdiga Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doono maamulka Degmada Balan bala iyo odoyaasha dhaqanka ee degmadaasi. Madaxweynaha ayaa booqan doono maalinta bari ah degmada Caabud Waaq ee woqooyiga Gobolka Gal-Gaduud. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Balan Bale appeared first on Puntland Post.
-
Diyaaarad ay leeyihiin Midowga Yurub ayaa ku dhacday diyaarad kale oo rakaab ahayd oo ku sugnayd garoonka dhexdiisa, waxaana jira burbur labada diyaaradood soo gaaray. Laakiin, khasaare nafeed lama soo sheegin balse sida sawirrada ka muuqata laga sooo qaaday garoonka waxaa si xun isugu dhacay labada diyaaradood. Lama garanayo cilada arrintaan ka dambeysa, inkastoo aanay ahayn markii ugu horeysay oo shil diyaaradeed uu ka dhaco garoonka diyaaradaha Muqdisho. Xilliga uu falkaan dhacayay ma jirin wax rakaab ah oo saarnaa labada diyaaradood, balse diyaarada rakaabka ahayd ee ayaa isku diyaarinaysay inay dad shacab ah qaado.
-
Odayaasha Xamar ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay kagasoo horjeedaan go’aankii madaxweyne Farmaajo ee ahaa inaanan dhulka dowladda cidina loo hibayn karin. Odayaasha Xamar waxay go’aanka madaxweynaha ku tilmaamay mid aan iyaga u qalmin oo sidoo kale loogu danleeyay in lagu magac dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
-
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa Xalay saqdii dhexe weerar qorshaysan ku ekeeyay degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose oo ay ka taliso Al-shabaab,sida laga soo xigtay saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya. Wararka halkaas laga helayo ayaa sheegaya in Ciidamada hawlgalka qaaday ay diyaarado ku yimaadeen duleedka degmada Jamaame,kadibna ay madaafiic huwiyeen saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen hareeraha magaalada,inkastoo aan weli la ogayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka ayaan weli midna si rasmi ah uga hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka,balse Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in la fashiliyay hawlgalka oo aan wax khasaare ah ka dhalan,sida ay hadalka u dhigeen. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Kumaandooska Soomaaliya iyo Maraykanka oo weerar ku qaaday degmada Jamaame. appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa cod dheer ku sheegay in ciidamada maamulkiisa ay khaarijiyeen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka hubeysan lagu dilay howlgalo saacadahii la soo dhaafay ka dhacay deegaanada maamulka Waxa uu Madoobe qiray in howlgalkaas ay ku dileen in ka badan 40 maleeshiyaad oo ay ku jiraan Horjoogayaal dhowr ah oo kala hogaaminaayay maleeshiyada. Waxa uu tilmaamay in howlgalkaas oo ay ka fuliyeen deganada Beerxaani, Kaamjaroon Araare iyo Jamaame oo xiligaan Saldhigyo u ah Shabaabka. Wuxuu sheegay in hawlgaladan ay kala dhantaalayaan damacii Shabaab ee ahaa in ay sii wadaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan, sida uu sheegay Axmed Madoobe. Sidoo kale, Afartii bil ee lasoo dhaafay maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa kusii badanaayay deegaanada uu maamulo Axmed Madoobe, waxaana iminka socda dadaal looga saarayo deegaano dhowr ah. Dhinaca kale, Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa ku goodiyay inay dhameystiri doonaan shabaabka ku harsan deegaanada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com The post Axmed Madoobe oo soo bandhigay tirada Horjoogayasha & Maleeshiyadka Hubeysan oo ay dileen appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo, Jan, 19, 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay hawlgaladii saacadahii lasoo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose. In ka badan 40 Argagixisada kamid ah ayay Ciidamadu ku dileen hawlgalo qorshaysan oo ay ka fuliyeen deeganada Beerxaani Kaamjaroon Araare iyo Jamaame. Madaxweynahu wuxuu sheegay in hawlgaladan ay kala dhantaalayaan damacii kooxda ee ahaa in ay sii wadaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan. Isagoo hoosta ka xariiqay in ay Ciidamada geesiyada ah sidii loogu tala galay hawlgaladan u fuliyeen isla markana aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka ra’yidka ah. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in hawlgaladan ay sii socon doonan isla markana meel walba lagu beegsan doono Argagixisada. Puntlamdi.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay howlgal ay fuliyeen ciidamo Mareykan ah. Ciidamadan oo adeegsanaayay Diyaarado dagaal iyo ciidamada lugta ayaa howlgalkaasi Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose ka fuliyay habeenimadii xalay. Ciidamadan ayaa waxaa sidoo kale wehlinaayay oo howlgalka kala qeybqaadanaayay ciidamo kale oo Soomaali ah kuwaa oo qeyb ka ah Kumaandooska la shaqeeya Mareykanka. Diyaaradaha dagaalka oo ay wateen ciidamadan ayaa weerarka ka hor ka degtay duleedka Jamaame waxa ayna goobaha la weeraray ku galeen qaab afantari ah, waxaana jira warar sheegaya ka hor inta aysan galin magaalada uu dagaal ku qabsaday Koontaroolka Magaalada. Dagaalkaasi oo socday muddo kooban ayaa la soo warinayaa inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka waxaase la sheegayaa inuu jiro khasaaro xoogan. Caasimada Online Xafiiska Kismayo Caasimada@live.com The post Howlgal dagaal isku rogay oo ay ka qeybqaaten Ciidamo Mareykan ah oo ka dhacay Jamaame appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo soo dhaweeyay 42 Maxaabiis Soomaali ah oo laga keenay dalka Hindiya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso siideynta kuwo kale oo weli xiran. Waxa uu sheegay in marnaba aysan nasan doonin inta qof Soomaali ah uu ku xiran yahay dalka dibadiisa,isla markaana ay qeyb ka aheyd balan qaadkii ay horay u sameeyeen. Sidoo kale waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Gacmaha isqabsadaan si ay guulo u gaaraan. Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay dalka ugu soo celisay muwaadiniin soomaaliyeed oo ku xirnaa qaar ka mid ah Wadamada Caalamka,waxana dadkaasi ugu dambeeyay 42 Ruux oo ku xirna dalka Hindiya balse haatan dalkooda Soomaaliya lagu soo celiyay. Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre. http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/01/Cod-Kheyre.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso:Ra’iisul Wasaare Kheyre” Xukuumaddu Ma Nasan Doonto Intii Qof Soomaaliyeed Uu Xiran Yahay ” appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo-(Caasimadda Online)-Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladd goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya mudane C/raxmaan Ibraahim Aadan Satte ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku howlanaa arrin ka dhan ah suxufiyiinta iyo taleefashinka Koonfur Galbeed. Xogta ayaa sheegeysa in Wasiir Satte uu wariyeyaasha kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo saxafiyiinka taleefashinka Koonfur Galbeed kala hadlay xaalado siyaasadeed oo aan xilligaan taagneyn. Wasiir C/raxmaan ayaa doonaya inuu kala jibiyo wariyeyaasha u shaqeeya taleefashinka Koonfur Galbeed si uu u keeno saxafiyiin isaga taabacsan, taas oo hadafkeedu yahay in ay olole u sameeyaan si dhawaan doorashada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ka dhici doonta uu door muhiim ah ugu galo. Wasiir Satte ayaa ujeedkiisu yahay inuu isticmaalo taleefashinka KGS oo ah talefishin danta guud ah. Shaqsi kamid ah wariyeyaasha uu la kulmay Wasiir Satte ayaa sheegay inuu doonayo Wasaaradda Warfaafinta KGS dib u habeyn lagu sameeyo si arrintaas ay u suurtowdo ayaa waxa uu wariyayaasha ka dhaadhiciyey in la eedeeyo Wasiirka Warfaafinta Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan. 17ka bisha November ee sanadkaan ayuu qorshuhu yahay in Dowladda Goboleedka ay ka dhacdo doorashada guud, iyadoo Wasiir C/raxmaan uu doonayo inuu tartan xoog leh la galo madaxweynaha hadda talada haya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Saxafiyiinta Koonfur Galbeed oo qaati ka taagan Wasiir doonaya inuu ka qeyb noqdo doorashada xigta appeared first on Caasimada Online.
-
US troops helped Somalia’s security forces rescue approximately 30 child conscript soldiers Thursday during a raid on an al-Shabaab camp, a US military official tells CNN. The team of US Special Operations Forces was advising local Somali troops during the raid on the militant camp in the Middle Shabelle region of Somalia, the official added. The US military also carried out an airstrike against al-Shabaab militants Thursday, “killing four terrorists,” approximately 50 kilometers (about 30 miles) northwest of Kismayo, according to a statement from US Africa Command, which oversees US troops in the region. “US forces will continue to use all authorized and appropriate measures to protect US citizens and to disable terrorist threats,” the statement added. Al-Shabaab is al Qaeda’s affiliate in Somalia. The US has carried out over 30 airstrikes against the terror group since President Donald Trump granted the military the authority to target al-Shabaab in 2017. The US has about 500 troops in Somalia including Special Operations Forces working as military advisers and conventional logistics personnel. US Navy SEALs are often deployed to serve as advisers to Somali security forces. Earlier this week US troops accompanied Somali forces during a patrol in Baar and Sunguuni, Somalia, as part of an effort to “further establish Somali National Security Forces presence in the region and deter al-Shabaab from conducting terrorist activities against the Somali people,” US Africa Command told CNN. The US recently suspended some aid to Somalia’s security forces over concerns about corruption, however the US continues to provide aid to those Somali units that are advised by American military personnel. Source: CNN The post US troops help Somali forces rescue 30 children from terror camp appeared first on Caasimada Online.
-
IOM, the UN Migration Agency, with support from the Government of Japan earlier this month held a training on trafficking, irregular migration and the establishment of a referral mechanism for irregular migrants and Victims of Trafficking (VoTs) in Somaliland. Thirty-two trainees were drawn from the Human Trafficking Development Agency (HAKAD), the Child Protection Working Group (CPWG), Non-Governmental Organizations and staff from the Migrant Response Centre (MRC). The training was organized with the support of HAKAD having requested IOM for capacity building for its members. HAKAD was formed to combat trafficking and irregular migration. The training was designed to create awareness and provide conceptual clarity on trafficking and irregular migration. The training also included discussions on how to counter trafficking, irregular migration and the establishment of a referral mechanism. During the training, UNICEF facilitated a session on child protection. Structures for directing or redirecting victims of trafficking and irregular migrants to appropriate and definitive service provision were also reviewed. IOM spearheaded the formation of the MRC in April 2009 to address protection issues for migrants. The referral system established will facilitate identification, referral, direct assistance, reintegration and protective services for irregular migrants and victims of trafficking based on gender, age and other specific needs. IOM has previously trained HAKAD on trafficking and irregular migration and also facilitated and supported the agency in developing an action plan to address issues of irregular migration and trafficking. HAKAD members, representatives from the Ministry of Information, IDP committees and local councillors were also trained by IOM on conducting and supporting community dialogue and conversation on trafficking and irregular migration. IOM is working closely with HAKAD on raising awareness and creating community conversation, dialogue and debate on trafficking and irregular migration. In his closing remarks, the Director of HAKAD, Saeed Abdilahi Ahmed said, “I believe that most of the participants who took part in this training did not know the difference between trafficking and smuggling. Through this training we now all know the difference and can identify cases of trafficking.” Ahmed added, “We also had the chance to get together MRC, HAKAD and CPWG members to identify various activities we can carry out together. We reviewed the referral mechanism and we now have knowledge on how to refer cases that need assistance to the appropriate agencies.” Source: IOM The post UN Migration Agency Holds Training on Trafficking and Irregular Migration in Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Xalay kooxo hubeysan ayaa Degaanka limpopa ee dalka koofur-Africa waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaliyeed kaasi oo goob ganacsi lahaa. Muwaadinkaan la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Liibaan Cali. Muwaadinka la dilay ayaa da’diida lagu qiyaasay 28-sano jir waxaana dilkiisa fuliyay burcad koonfur afrikaan ah oo markii dambe goobta ka baxsaday. Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda Booliska Koonfur afrika, waxayna ka sameeyeen baaritaano. Waa Muwaadinkii 9-aad oo Sanadkaan Cusub ee 2018-ka lagu dilo dalka Koonfur Afrika . PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Uganda could begin enforcing the death penalty again, President Yoweri Museveni has said, 13 years after the country's last execution. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka South Africa ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed kaa oo ku baxay gacanta Kooxo burcad ah. Dilka muwaadinkaan Ganacsadaha ahaa ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Johansenbeg ee dalkaasi. Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liibaan Cali , waxaana la dilay isaga oo ku sugan xaruntiisa Ganacsi. Kooxdii Burcada ahaa ee Ganacsadaha dilay ayaa sida la sheegay qaatay qaar ka mid ahaa agabkii Ganacsi ee marxuumka u yiilay dukaanka. Isla magaalada Johansenbeg ayaa waxaa maalin ka hor lagu dilay muwaadin kale oo dalkaa u joogay howlo Ganacsi, waxaana dib usoo noolaanaya xasuuqa lagu hayo Soomaalida. Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ku nool, ayaa walaac xoogan ka muujiyay falkan dilka ah ee loo gaystay muwaadinkan Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka South Afrika. The post Sawirro argagax leh: Sidee ayuu u dhacay dilka Ganacsadaha lagu dilay South Africa appeared first on Caasimada Online.
-
AFTER spending around seven years in an Indian prison, 41 Somali men returned to their country on Friday in a chartered flight from the Chhatrapati Shivaji International Airport in Mumbai. Source: Hiiraan Online