Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax ismiidaamin ah oo Galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay Wadadda Mashquulka badan ee Makka Al-Mukkarama ee Magaalada Muqdisho. Inta ilaa hadda la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday 14- ruux oo ah dad shacab halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa waxaa ay u badnaayeen dad rayid ahaa oo fadhiyay maqaaxi ku taala agagaarka Hoteelka Wehliye ee Muqdisho. Sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jiro dad shacab ahaa oo wadada marayay iyo dad saarnaa Gawaarida shacabka iyo Mootooyinka Bajaajta. Qasaaaraha ayaa intaasi ka sii badan karo waxaana wali lagu guda jiraa baadi goobka dadka qasaaraha uu ka soo gaaray. Hoos ka daawo Sawiro hordhac ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post 14 Ruux oo ku dhintay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Uguyaraan 6 qof ayaa ku dhintay Qaraxii ka dhacay goor dhawayd oo galabta ahayd irida hore ee Hotel Weheliye ee magaalada Muqdisho ,waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 14 qof oo shacab iyo Mas,uuliyiin dowladdeedba isugujira. Mas,uuliyiinta goobaha Caafimaadka ee lageeyay dhaawacyada iyo Meedadka ayaa sheegaya in dhimashada iyo dhaawaca soo garaya ay intaas ka badan karto . Qaraxan ayaa ahaa Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay wax yaabaha Qarxa kaas oo ku Qarxay irida hore ee Hotel Weheliye. laamaha Amniga ayaa fashiliyay sidookale gaari kale oo rabay in uu Qarax ka fuliyo gaabtii uu gurmadka ka socday . Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xili isala galabta dumarka ka shaqeeya Nadaafada Gobolka Banadir lagu sumeeyay goob ay ka shaqaynayeen . Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa goobta uu Qaraxa ka dhacay soo gaaray , waxaana haatan socda gurmad xoogan oo loo samaynayo dadkii ku wax yeeloobay Qaraxan. Al-shabaab ayaa sheegatay Mas,uuliyada Weerarkan oo goor dhawayd ku soo qoray Warbaahintooda.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxa oo Jugtiisa laga Maqlay qeybo badan oo Kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa si gaar ah uga dhacay Ka soo Horjeedka Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdihso, Waxaana jira Khasaare isugu jira dhiamsho iyo dhaawac oo soo gaaray dadka Shacab ah oo isugu jira Kuwo ka shaaheynayay Maqaaxi ka soo horjeeda Hoteelka, Kuwo wadada ku lugeynayay iyo dad Mootooyin Bajaaj ah watay. Qaraxa ayaa ahaa mid laga soo buuxiyay gaari,waxana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Gariga ay eryanayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse markii uu marayay kas oo horjeedka hotelka wehliya uu qarxay. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa qaraxaas ka dhashay,waxana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan kuwa Ganacsi ku leh Goobta uu qaarxa ka dhacay iyo kuwa saarnaa Gawaarida nooxa raaxada iyo kuwa dadweynaha Bii’elka loo yaqaano kuwaas oo Wadada isticmaalayay. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli wadada aheyd mid mashquul ah oo ay gaadiid kala duwan marayeen. Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance ayaa soo sheegaya inay arkeen dhimashada Sideed ruux, halka dhaawaca afar kalena ka qaadeen goobta. Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo in khasaaraha intaas ka badna, maadaama xilli hore ay tahay.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxa oo Jugtiisa laga Maqlay qeybo badan oo Kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa si gaar ah uga dhacay Ka soo Horjeedka Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdihso, Waxaana jira Khasaare isugu jira dhiamsho iyo dhaawac oo soo gaaray dadka Shacab ah oo isugu jira Kuwo ka shaaheynayay Maqaaxi ka soo horjeeda Hoteelka, Kuwo wadada ku lugeynayay iyo dad Mootooyin Bajaaj ah watay. Gawaarida Gurmadka degdega ee Ambulanceka ayaa wali ku sii qulqulaya Goobta qaraxa uu ka dhacay, Waxeyna daabulayaan dadka Dhaawacyada qaba iyo kuwa meydka ah ee Qaraxa waxyeeladiisa ay soo gaartay. Warar is Khilaafsan ayaa ka soo baxeysa qaabka qaraxa uu udhacay, Wararka qaar waxa ay Sheegayaan in qof watay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa uu isku qarxiyay Goobta, Halka warar kalena ay sheegayaan inuu qarxiyay Gaari looga tagay ka soo Horjeedka Hoteelka Wehliye. Ciidamada amaanka ee Dowladda ayaa qaraxa kadib isku gedaamay goobta, Waxeyna dadka udiidayeen iney meesha udhawaadaan, iyadoo mararka qaarna la maqlayay rasaas ay ridayeen Ciidamada amniga. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli wadada aheyd mid mashquul ah oo ay gaadiid kala duwan marayeen. Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance ayaa soo sheegaya inay arkeen dhimashada shan ruux, halka dhaawaca afar kalena ka qaadeen goobta. Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo in khasaaraha intaas ka badna, maadaama xilli hore ay tahay. Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan, waxaana ku yaalla Hotelada ugu caansan oo ay degaan siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu Qarax xoogan uu ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay irida hore ee Hotel weheliye oo saaran Wadada Maka Al-mukarama. Jugta qaxa ayaa waxaa laga marqlay dhamaan Xaafadaha ay ka koo bantahay Magalaada Muqdisho ,lamana oga ilaa iyo hada khasaarihii ka dhashay Qaraxan , waxaana goobta gaaray Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya. Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa intabadan waxaa sheegta Mas,uuliyadooda kooxda Al-shabaab oo dowladda dagaal kula jirta.
  6. Uguyaraan ilaa iyo 11l haween ah oo kamid ah dumarka ka shaqeeya Nadaafada ee Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu sumeeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Dumarkan oo kuguda jiray shaqo maalmeedkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa lagu soo waramayaa in nin watay gaari nooca raaxada ah ee ay Soomaalida utaqaano NOHA uu sun ku buufiyay dabadeedna uu goobta isaga baxsaday sida ay xaqijiiyee dad goob jooga yaal ah . Haweenkan ayaa xaaladooda Caafimad waxaa lagula tacaalayaa Isbitaalada kuyaala Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku booqdeen eheladooda . Dhaqaatiirta ayaa sheegay in Afar kamid ah haweenkan ay xaaladooda ay aad uliidato. Waa dhacdo ku cusub Soomaaliya in nin inta uu gaari soo qaato uu sun ku buufiyo dumarka ka shaqeeya goobaha nadaafada ee dowladda. Ha,adaha dambi baarista ayaa gaaray goobaha Caafimaadka ee ladhigay Haweenkaasi la sumeeyay si ay u ogaadaan suntay waxa loo isticmaalay .
  7. Goordhow Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Qaraxa Ayaa Jugtiisa si weeyn looga maqlay Guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhacay wadadda Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeeyso Wadda sayidka iyo Isgoosyka Dabka. Qaraxa ayaa geeystay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac hayeeshee si rasmi ah looma xaqiijin karo. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu qarax xooggan halkaas ka dhacay. Qaraxaan oo ahaa mid si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxayo warar hordhac ah. Sida ay goobjoogayaal sheegayaan qaraxaan oo ahaa gaari ismiidaamin ah ayaa wuxuu ka dhacay kasoo horjeedka Hotelka Wehliye oo ku yaal inta u dhaxeyso Dabka iyo Sayidka. Lama ogo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas balse waxay wararka hordhaca ah sheegayaan inuu jiro Khasaaro xoggan oo halkaas ka dhashay. Waxay dhibaato xoog leh kasoo gaartay dadweyne ku shaaheenayo agagaarka Hotelk, maadaama ay meeshaas tahay meel aad loo buuxo. Qoraal ayaa ku socdo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Garoowe (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaadanayay Golahiisa Wasiirada iyo gudiga arrimaha dibada ee Baarlamaanka Puntland si go’aan looga gaaro mowqifkooda ku aadan ka mamnuucida dalka laga Mamnuucay shirkada DP World. Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulamadaas oo aad u dheeraaday ay ugu dambeyn maanta la filayo in puntland Go’aan rasmi ah ka qaadato ka mamnuucida dalka laga mamnuucay shirkada DP World. Lama oga go`aan ay qaadan doonaan mamnuucitaankii dalka laga mamnuucay shirkada laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World, horay ayey aheed markii xubno ka tirsan maamulka Puntland ay u sheegeen in ay soo dhaweynayaan in dalka laga mamnuuco shirkadaasi oo ay ku eedeeyeen in gacan saar ay la leedahay Soomaaliland. Saacadaha soo aadan ayaa la filayaan in uu soo gaba gaboobo kulamada xasaasiga ah ee ka socda madaxtooyada Puntland ee Garowe, iyadoona Puntland ay cadeyb toonto mowqifkeeda ku aadan ka mamnuucida dalka laga Mamnuucay shirkada DP World. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Waxaan wada ognahay Bishii Agoosto 2012-kii in Baarlamaan Faderaalka soomaaliya beesha caalamku aqoon satay markii lagu soo xulay habka qabiilka ee 4.5 cabirka ku dhisan. Waxaa Guddoomiyihii ugu horeeyey noqdey Maxamed cismaan jawaari waxay doorteen Madaxweyne cusub Sebtembar 2012. Bishii Oktoobar 2012 waxaana madaxweynuhu uu soo magacaabay ra’iisul wasaare cusub. Markaa ka dib Baarlamaanka Federaalka ayaa ansaxiyay ra’iisul wasaaraha cusub iyo golaha wasiirrada bishii November 2012-kii. Waxa Golaha barlamaanka Federaalku uu helay aqoonsi caalami ah iyo taageero weyn oo ka timid beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha. Waxaa loo ogolaaday dhaqaale aan xadi lahay oo gacanta ugalay Guddoomiye jawaari. Guddoomiye jawaari waa siyaasigii ugu Fursada wanaagsanaa siyaasiyiinta soomaaliyeed waxaan taas ula jeedaa wuxuu gacanta ku hayey Rajada shacabka soomaaliyeed waa Guddoomiyihii hay’adda sharciga waxaa laga suga yey dib-u-dhiska adeegyada dawladda kadib 22sano bur bur sana in uu tusaale unoqdo bilow wanaagsen. Xaqiiqda jirta waxay tahay 5sano ee Guddoomiye jawaari xilka hayey Golaha baarlamaanka Faderaalka waxaa ka muuqata habacsanaan dhinac kasta ah oo aan xaqiiqda la qarin karin. Maxaa keenay in xarunta Golaha shabacku ahaato meel foolxun oo khilaaf siyaasadeed xarun u noqota.? Xarunta Golaha baarlamaanku malaha adeegyada caadiga ah sida gargaar caafimaad oo deg dega baabuur ugaara xildhibaanada iyo shaqo maalmeedkooda qalab lagu shaqeeyo sida miisas iyo kuraas. 1: Qolka shirarka gaarka ah Maqaayad laga heli karo adeega cuntada bilicsanaan nimaad oo muujinaysa Magaca (GURIGA UMADDA), intaa waa dhibaatada xarunta ka muuqata oo masuuliyadeed uu qaadayo Guddoomiye jawaari lacaga loogu deeqay xarunta ee deeq bixiyaashu bixiyeen way ka badan tahay. 80milyan $ 2012- 2016 mashruucii Hiigsiga. 2: Arinka labaad ee aa Falanqayn tayda aan farta ku fiiqayo waa markii galaha baarlamaanka Faderaalka ee aduunku aqoon san yahay la aasaasay 2012 -2016. Waxa uu awood u waayey la xisaabtanka madaxtooyada iyo xukumada ilaalinta sharciga. Waxaa la dilay 19 xildhibaan oo logu dilay siyaabo kala duwan, Guddoomiye jawaari intooda badan aaskoodii kama qayb galin mana muujin xilweyn oo ah xildhibaanadaa la dilay xuquuqdooda dalka ay ku leeyihiin xarunta Golaha baarlamaanka laguma muujin magac yadooda iyo Taariikhdooda, aduunk aan ku nool yahay dilka xildhibaanku Dhinta isagoo gudanaya Hawl Qaran waa in goor kasta la xasuustaa . Sababtana waa taariikhda oo loogu muujiyo wadada adag ee loo soo maray nabada iyo nolosha Waxaan kaloo tilmaamayaa in Golaha baarlamaanku yahay ilaalinta sharciga markasta Waqtigii 2012 ilaa 2016 waxaa is badal siyaasadeed oo inta badan loo maray wax aan sharciga waafaq saney lagu sameeye in 3 R.iusul wasaare. Xilka laga qaadey 130 wasiir. 4 taliye Nabad sugid. 5 taliye bolice. 3 taliyaha xooga dalk waxaa isbadal ah marna baarlamaanka guddoomiyaha jawaari ka yahay Dood kama furin maxaa keenay in waxaa oo xil ah in lisku bad badalo? Waxeey aheyd in la baaro. Markaan ka hadlo dhanka dagaalka lagula jiro Ururka Al shabaab Gudoomiye Jawaari, waxa uu aad uga gaabsadey in uu dhaleeceeyo xasuuqa alshabaab shacabka ku hayaan waxaad ka raadin kartiin khudbadaha uu jeedin jiray arinkaa wali waxba la iskama waydiin waana siyaasiga kaliya ee ka tirsan madaxda ugu saraysa dawlada Faderaalka oo aaney waligii weerarin al shabaab arinkana waa wax shaki keeni kara. Falanqayn taydu maaha wax ka fog xaqiiqda jirta ee waa mid aan fariin ugu dirayo xildhibaanada diidan mooshinka jawaari maxay ka xasuustasn hogaanka liita ee Guddoomiye jawaari maaha inay xukumada Raysal wasaare khayre khaladka la saaro Madoonayno taariikhdii madoobeed ee sanadihii 2012 ilaa 2016 waa in isbadal muuqda lagu sameeyaa golaha baarlamaanka si wax walba dhinaca sharciga looga saxo. Waxaan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabaynayaa waxa uu yahay Guddoomiye jawaari hogaankiisu waxa uu ka muuqdaa gudaha dhismaha baarlamaanka iyo dhaqanka xildhibaanada, xildhibaan si shaacsan u caayaya madaxweynaha wadanka soomaaliya uu bayka jirtaa. Dhaqabka madaxda la caayo iyo bur burinta sharciga intaa Tusaale u qaado. Xasuuso taariikhada 2012 ilaa 2016.khilaafkii jiray. W/Q:Danjire Maxamed Caalim
  11. Mogadishu (HOL) - Somali government on Wednesday extended official invitations to four African presidents, a move aimed to boost the horn Africa nation’s relations with the continent. Source: Hiiraan Online
  12. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa Rwanda ku saxiixay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan qaaradda dhexdeeda. 44 dal oo ka tirsan 55 dal oo qaaradda Afrika ah ayaa saxiixay heshiiskan la filayo in suuq xor oo badeecooyinka u kala gudbaan la abuuri-doonno sanadaha soo socda. 1.2 Bilyan oo dad oo qaaradda ku nool ayaa ka faa’ideysan doono, waxaana la sheegayaa in dhaqaalaha kor u kici-doono. Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika. Suuqan AfCFTA, waxaa uu shaqo abuur u sameyn-doonaa ilaa 1.2 billion oo Afrikaan ah, waxaa uu GDP-ga kor u qaadi-doonnaa illaa 2.5 trillion U.S.
  13. Mogadishu (HOL) - Two Al-Shabaab militant leaders have surrendered themselves to Somali government amid intensified military operations against the militants. Source: Hiiraan Online
  14. Taliska Ciidamada Booliska ee Gobolka kar kaar ayaa kawarbixiyay Howlagalo Amniga lagu Xaqiijinayo oo ay Ciidamada Booiska ay ka wadaan maalmahan Gudaha Magaalada Qardho Ciidamada ayaa Gaadiidka dadweynaha ee leh bacaha Madow ka fiiqayay ,waxaana looga digay dadweynaha in aysan Bacahaasi kuxiran Gaadiidkooda. Taliyaha Qaybta Booliska ee degmada Qardho Axmed Muuse Jaqanaf oo Warbaahinta kulahadlay Magaalada Qardho ayaa sheegay in waxa ay Ciidamada har iyo habeen ay ka shaqaynayaan ay tahay in lasugo Amaanka shacabka ,waxa uu sheegay in cidii ka dhaga adeegta Amarka Ciidamada laganaaxi doono . Taliyaha Jaqanaf ayaa ugu danbeen ka codsaday shacabka in ay Ciidamada la shaqeeyaan . Halkan ka dhaagayso . Taliyaha qaybta ee degmada Qardho Jaqanaf
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Haween ka shaqeenayay Nadaafada Dagmada Cabdicasiis ayaa lagu buufiyay wax loo maleenayo Sun waxaana ku buufiyay Rag watay Gaari Noha ah oo aan taargo la heen kaasi oo goobta ka baxsaday. Haweenka Sunta lagu buufiyay tiradooda waxa ay gaareysaa 9 waxaana liidata xaaladda Afar kamid ah Haweenkaasi oo jirkooda uu isbadalay kuwaas oo loo qaaday Spitaalka Erdugan ee Ex Digfeer. Maamulka Dagmada C/casiis ayaa KNN u xaqiijiyay dhacdadaasi, iyaga oo dhanka kale sheegay inay ku raadjoogaan cidii ka dambeysay arintaasi. Dhaqaatiirta Caafimaadka ee Spitaalka Hubaal oo haweenkaasi qaar kood la geeyay oo ku yaala Xaafada Sanca ayaa Kulmiye u sheegay inaysan ka hordhici Karin waxa lagu buufiyay Haweenkaasi,balse ay dib ka soo sheegi doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Madaxweynaha dowladada Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay markasta ka go,antahay in Al-shabaab laga saaro Gobolada ay gacanta kuhayaan. Waxa uu sheegay in Al-shabaab oo laga adkaado ay Aasaas iyo gundhig unoqon karto oo kaliya in la helo Ciidankii Qalabka siday ee Soomaaliya lana soo celiyo haybadii ay Ciidamada lahaayeen. Waxa uu sheegay in ay ku qasban yihiin in dalkan ay dib ugu soo celiyaan gacanta shacabka Soomaaliyeed . Madaxweynaha ayaa sheegay in ay balan ku qaaday Xukuumadiisa in dalkan aysan ka talin doonin Al-shabaab . Halkan ka dhagayso. Madaxweyne Farmaajo
  17. Gudoomiyaaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan ciro Oo Hada warbaahinta kula hadlay magaalada hargeisa ayaa daaha ka feyday war uusan ku farxin hogaamiyaha maamulka somaliland muuse biixi cabdi. HALKAN KA DAAWO VIDEO
  18. High level stakeholders’ consultation between the Ministries of Interior, Education and Teachers Service Commission (TSC) is ongoing over the mass transfer of non local teachers in Wajir. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU (Xinhua) -- Intelligence officers from African Union Mission in Somalia (AMISOM) and local security forces wrapped up a three-day meeting in Mogadishu on Wednesday by rooting for stronger intelligence gathering and information sharing. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo tababar u soo xiray askar ka mid noqoneysa Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka dalka looga xoreeynayo argagixisada Alshabaab. “Waxaa la idiin tababaray in aad ka mid noqotaan Ciidanka Asluubta, balse taas macnaheedu ma ahan in aad ilaalineysaan maxaabiis oo kaliya ee waxaa idin ku waajib ah, in aad hawlgallada xoreynta dalka aad ka qeyb gashaan, sababtoo ah dalku waxa uu ku jiraa dagaal adag oo loo baahan yahay in aan ka xorreyno argagixisada nagu soo duushay.”ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey askarta ka mid noqotay Ciidanka Asluubta. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay xaaladda dagaal ee dalku uu ku jiro iyo sida looga baahanyahay muwaadin kasta in kaalintiisa uu ka qaato, dowladduna ay xoog iyo dhaqaalaba ku bixineyso sidii Alshabaab looga guuleysan lahaa. “Maanta waxaa u dhaarateen in aad dhiigiina ku bixsaan dalkiinna, una hurtaan naftiinna. Dadaal ka dambeeya arrinkan ma jiro, waana waajib ina wada saaran dhammaanteen in aan dalkeenna difaacanno, markii uu nabad yahay iyo markii uu colaad ku jiro.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in maanta ay u furantahay dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka mid noqday argagixisada Alshabaab iyo horjoogayaashooda in ay dadkooda dib ugu soo laabtan, kana waan toobaan dhibta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabkooda. “Marar badan waan xaqiijinnay in aan cafis u fidinay, balse hadii aysan qaadan cafiskaas waxaa noo ballan ah in aan ka sifeyno dalka, waana aaminsannahay in aan ka adkaaneeyno, sababtoo ah waxaan difaacaneynaa sharafteenna, dalkeenna iyo diinteenaba.” Ugu dambeyn, Munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidamadan, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Xuseen Xaaji, Lataliyeha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka Cabdisaciid Muse Cali, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir, Taliyeha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliyeha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo amar culus dul-dhigay Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  21. Kaddib doorashadii 30th maarso 1964 oo aqlabiyada Baarlamaanka ee ku guuleysteen xisbigii SYL 69 xildhibaan iyo 12 xildhibaan oo doorashadii ka dib ku biiray SYL oo ka dhigtay 81 MPs, Wadarta guud ee xildhibanada waxay ahayeen 123 xildhibaan. Hal sano kaddib Febaraayo 1965, waxa mooshin laga keenay gudoomiyihii baarlamaanka Axmed sheikh Maxamed oo laga soo doortay Berbara, Somaliland. Waxa mooshin ka keenay 55 xildhibaan SYL waxa lagu eedeeyay in uu mooshinkaas kadaal ka riixayay PM Abdirizak oo ka mid ahaa SYL. Kulankaas baarlamanka waxaa xaadiray 119 xildhibaan, waxaana codka kalsoonida kala laabtay 85 mudane waxa ka aamusay 1 xildhibaan,halka 33 mudane ee kahor yimadeen. Gudoomiye Axmed Sheekh Maxamed waxa lagu eedeeyay inuu caqabad ku yahay mashaariicda SYL iyo howlaha horyaalo baarlamaanka. Ka dib Waxa gudoomiye baarlamaan loo doortay Sheekh Muqtaar oo laga soo doortay baydhabo. Doorashadii 2017 hal sano ka dib waxa mooshin laga keenay gudoomiye Jawaari, waxa lagu eedeeyay Jawaari inuu caqabad ku yahay baarlamaanka shaqadiisa iyo ku tagrifal awoodeed. Waxa gadaal ka riixayo mooshinka PM Kheyre. Khudbadii Ra’iisul wasaare Kheyre ka hor jeediyay baarlamanka inta codka loo qaadin wasiirada wuxu yiri ““Xukuumaddayda, waxaa hal-beeg u noqon doona Karti iyo Hufnaan, sidii hal-hayska u ahayd Ra’iisul Wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen. Ra’iisul wasaare Cabdirasaaq Xaaji Xuseen wuxu khudbadaan jeediyay 15 June 1964 markii uu magacaabay golihiisa wasiirada. Waxay kalo ka siman yihiin inay aad uga hadlaan “Musuqmaasuqa”. Waqtiga iyo duruufaha aad ayay ukala duwanyihiin laakin Soamaalia moashin kuma cusba iyo ra’iisul wasaare mooshimaya gudoomiye baarlamaan. W/Q: Abdinasir Gedi
  22. Shir looga arrinsanayey sidii loo samayn lahaa nidaam lagula socda shaqo gudashada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe, waxaana shirkaasi guddoominayey guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mustafa Siciid Shabac. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo metelayey dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo isugu jirey Agaasimeyaal iyo Madaxqaybeeddo isla markaana waxay shirkaan ku lafo gurayeen sidii loo heli lahaa nidaam sax ah oo lagu kor joogteeyo shaqaalaha dawladda. Nidaamkaan ayaa marka la meel mariyo waxa uu noqonayaa mid kala saara shaqaalaha dawladda kuwo ku habboon shaqada ay hayaan iyo kuwa aan ku habboonayn isla markaasna waxa uu fududaynayaa in la dallacsiiyo qofka mutaysta dallacsiin si shaqaalaha kalena ay ugu dhiirradaan shaqo wanaag. Inta shirkaani socdo waxa si dhab ah loo dersayaa sidii loo xaqiijin lahaa in nidaamkaanu uu u noqon lahaa mid marka hore isaga si dhab ah loo fahmo isla markaana dadka ku shaqaynayaa ay u ahaan lahaayeen kuwo si mugleh u fahamsan maadaama uu yahay mid masiiri u ah shaqaalaha dawladda. Habkaana ama nidaamkan ayaa kamid ah siyaasadaha ay dawladdu beryahan ku hawllan tahay hirgelin tooda waxaana dawladda ka caawinaya Baanka adduunka oo dawladda ka taageera qayb kamid ah tayaynta hay’adaha dawladda. The post Shir looga hadlayey shaqo gudashada shaqaalaha dawladda oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  23. Dowladda Puntland, ayaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay shaaciso mowqifkeeda ku aadan Go’aankii ay labada Gole ee Barlamaanka Federaalka dalka kaga mamnuuceen shirkada DP-world iyo heshiisyada ay kula wareegtay dekeda Berbera iyo Bosaso. Guddi wasiirro oo ay dowladdu 20-kii bishaan u saartay arrintaan, ayaa maanta lagu wadaa inay shirka golaha wasiiradda horgeeyeen talo bixintooda ku aadan mowqifka ay dowladdu ka qaadan karto go’aanada dowladda federalka. Xubnaha guddigaan oo muddo labo maalin ah ku shirayay xarunta madaxtooyada ayaysan warbaahintu wax faahfaahin ah ka helin qodobada horyaalay ee ay ka doodayen, waxaase maanta lagu wadaa in warbaahinta loo yeero ama war qoraal ah dowladdu soo saarto. Waqti xaadirkaan wafdi Puntland ka socda ayaa haatan ku sugan dalka Imaaraatka, iyagoo halkaas u tagay dhameystirka heshiiska dekeda Bosaso ay kula wareegtay shirkada DP World. Puntlandi.com