Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa – Senior Officers from the Army, Police and the Navy as well as cabinet ministers departed to United Arab Emirates to participate in the discussion on Berbera port on Saturday. President Muse Bihi Abdi and Senior Officials from the ruling party and Opposition politicians are already in UAE after receiving an official visit from UAE’s leadership. Among of this delegation are members from the ministry of livestock and ministry of Communication and technology as well as the General Director of Somaliland’s Central Bank. The delegation will likely add their thoughts about the Berbera port developments.
  2. LONDON (Reuters) - Qatar has asked U.S. regulators to investigate the U.S. subsidiary of the largest bank in the United Arab Emirates, accusing it of "bogus" foreign exchange deals designed to harm its economy as part of a blockade by Gulf neighbors. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) - Lower House Speaker Mohamed Osman Jawari on Sunday called redeployment of Regular Security Forces in the Parliament a day after AMISOM took over the security of the House. Source: Hiiraan Online
  4. When Eritrea gained its independence from Ethiopia in 1993, Ethiopia became landlocked and therefore dependent on its neighbours – especially Djibouti – for access to international markets. This dependency has hampered Ethiopia’s aspiration Source: Hiiraan Online
  5. Two rival Somali clans have signed up to a groundbreaking peace deal which aims to end the cycle of revenge killings. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda mareyso meel aad xasaasi u ah, waxaana loolan adag ka dhaxeeyaa Guddoomiye Jawaari iyo Ra’isulwasaare Kheyre. Marka ay sheekada halkaas mareyso waxaan soo qaadaneynaa qeyb yar oo kamid ah filimka Nayak oo u muuqdo inuu yahay mid ka turjumayo siyaasadda hadda ka jirto Soomaaliya, gaar ahaan loolanka u dhaxeeyo Ra’isulwasaare Kheyre oo Siyaasadda hal sano ku jiro iyo Jawaari oo muddo badan kusoo jiray. Marka laga cabir qaato qeybtaan yar ee ka tirsan Filimkaas, waxaa muuqato in Qiyaano weyn lagu sameeyey Jawaari oo isaga muddo badan kusoo jiray siyaasadda. Haddi ay wax kasta u socdaan sida Filimkaan oo kale, waxaa muuqato inuu Kheyre yahay nin siyaasadda ku cusub balse qiyaano weyn ku maray Jawaari. Haddaba Halkaan hoose ka daawo Muuqaalkaas kadibna saadaali sida ay sheekada u socoto. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/03/29238768_377243086018596_13926921083551744_n.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Daawo Filim yar oo ka turjumayo loolanka Kheyre iyo Jawaari iyo sida la isku qiyaanayo appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - The Mogadishu mayor held talks with AMISOM officials over Mogadishu Stadium Source: Hiiraan Online
  8. Dowladda Soomaaliya ayaa markale ku celisay mowqifkeeda ku Aadan Go,aankii dalka looga mamnuucay Shirkada DP-world oo si sharci daro ah ula wareegtay qaybo kamid ah dekedaha kuyaalada ka Soomaaliya . Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Muqtaar Mahad Daa’uud oo manta kulan ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Go,aankii dowladda Soomaliya aysan waxba iska badalin. Waxa uu Yiri Wasiirku “Markii ugu horreysay ee ay arrintani soo baxday wuxuu Wasiirka wasaaradda aaday Qaahira, jaamacatul Carab ayuu qudbad ka jeediyay fekerka Soomaaliya iyo mabaadii’da Soomaaliyana ayadoo qoraal ah ayuu u gudbiyay arrintaasi way socotaa Dublomaasiyad weeye kama hordhacayo laakiin arrinta Soomaaliya waa lama taabtaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka. Hadalkan Wasiir kuxigeenka ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan labada Aqal ee Soomaaliya ay Dalka ka mamnuucaya shirkadda DP-World oo laga leeyahay Dalka isutaga Imaaraad-ka Carabta.
  9. Garowe (Puntlandi) Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland General Dayr Xaaji Cabdi, ayaa warqadiisa iscasilaada ah ugudbiyay madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Iscasilaada taliye ku xigeenka ayaa waxaa Puntlandi u xaqiijiyay saraakiil katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland, oo ka gaabsadya gaabsaday inaan xusno magacyadooda. Madaxweyneyne Gaas weli ayaa ka guddoomay warqada iscasilaada, balse weli aqbalin go’aanka taliye uu qaatay. Lama garanayo ujeedada uu taliye ku xigeenku isku casilay, balse waxaa uu dhowr jeer kasoo muuqday warbaahinta gudaha isagoo ka cabanayay mushaar la’aan ciidan iyo Daryeel xumo ka taagan xerada ciidanka Daraawiishta ee 54-aad. Xidhiidh qadka taleefonka ah oo aan la sameynay taliye ku xigeenka, si aan wax ug weydiino go’aankiisa, ayaanan inoo suurto galin, sababtoo ah wicitaanka taleefoonkiisa ayuusan ka jawaabin. Puntlandi.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa kordhay Xildhibaanada ku biiraya Mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa xaqiijinaya in hadda ay soo baxeen Xildhibaano cusub oo ku biiray mooshinka. Waxaa sidoo kale la helay tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Sixiixay ilaa iyo hadda iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan, iyada oo laga yaabo in tiradu ay sii kororto saacadaha soosocda, hannaanka beelaha lagu qeybsaday kuraasta baarlamaanka marka loo eego ayay Xildhibaanadu uga kala yimaadaan sidan. 1) Beesha Shanaand 22 Xildhibaan. 2) Mogadishu Clan 32 Xildhibaan. 3) Digil iyo Mirifle 47 Xildhibaan. 4) Daarood 29 Xildhibaan. 5) Dir 43 Xildhibaan. Wadarta guud ee Xildhibaanada ayaana noqoneysa 173 Xildhibaan, Guddoomiye Jawaari ayaana si uu Xilkiisa u waayo u baahan 184 Xildhibaan waxaana sida ay hadda wax usocdaan u muuqataa in Mudane Jawaari oo uu weyn doono Kalsoonida Baarlamaanka. Culeyska ugu badan ee ku yimid dhinaca Guddoomiyaha ayaa soo baxay kadib markii shalay iyo habeen hore ay Saxaafadda la hadleen Xubno Golaha shacabka galangal fiican ku leh oo ay Ka mid tahay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay meesha kasaaraan Jawaari oo ay ku eedeeyeen Xil gudasho la’aan. Jawaari oo dhinaca kale ku tashanayay Xubnaha Xildhibaanada ee Qabyo iyo Daljir ee Baarlamaanka ku jira ayaa ku hungoobay in u keenaan Xildhibaano difaaci kara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan Xildhibaanada saxiixay Mooshinka Jawaari iyo tirada oo cirka isku shareertay appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo ay dhawaan mooshin ka keeneen xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale si kulul uga hadlay xiisadda taagan. Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in xeer hoosaadka Golaha shacabka uu qabo in toban maalmood gudaheed mooshin hadii la keeno la horgeeyo xubnaha waxaana uu sidaas awgeed gudiga joogtada ah ka dalbaday in ay dhowraan xeer hoosaadka mooshinkana ay horgeeyaan Golaha shacabka. Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in waqti loo baahanyahay in loo qabto mooshinka kaas oo xubnaha golaha lagu horgeeyo kulamada caadiga ah. dhinaca Prof Jawaari ayaa soo hadal qaaday ciidamada lagu biiriyay ilaalada xarunta Golaha shacabka waxaana uu dalbaday in laga dulqaado oo lagu soo celiyo kuwi marki hore ilaalin jiray. mar uu soo hadalqaaday xildhibaano shalay ugu baaqay inuu is casilo ayuu sheegay inuu ku yimid sharci islamarkaana uu ku baxayo oo kali ah wado sharci ah oo uusan iscasili doonin. “Khilaafka mooshin kalsoonida kala noqoshada waa uu dhammaaday, waa la ogolaaday in mooshinkaas uu jiro, loona baahan yahay tallaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosaadka, kaas oo sheegaya in 10 beri gudhaood lagu hor-geeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan” Guddoomiye Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay baraha bulshada, kaasoo ahaa inuu is casilayo, isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid riyo ah. “Cod ayaa ku imid oo aan xilka Guddoonka Baarlamaanka ku hayaa, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa”ayuu yiri Jawaari. Sidoo kale Jawaari ayaa mar kale sheegay in ciidamo ay heystaan xarunta Golaha shacabka, waxaana uu ku baaqay in laga baxo qaabkii maleeshiyaadka iyo jabhadeynta Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed, waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddoomiye Jawaari oo aqbalay mooshinka, kuna baaqay in muddo 10 cisho gudahood cod loogu qaado appeared first on Caasimada Online.
  12. Maal qabayn Soomaliyeed oo ku sugan dalka Qadar oo lagu magacaabo Cabdla Yuusuf ayaa Xaflad So dhawayn ah waxa uu dalkaasi Qadar ugu sameeyay Wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Booliska ee Soomaaliya Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod. Halkan ka daawo .
  13. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayaan dhaqdhaqaaqyadii ay Dowladdu ku difaacaysay damaca shirkadda DP-world ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraad-ka Carabta. Muqtaar oo u warramayay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay inay howluhu yihiin kuwo siyaasasadeed balse uusan ka hor dhacayn, isagoo xusay mar kale inaysan marnaba ka gor-gortamayn midnimada iyo wada jirka Soomaaliyeed oo uu yahay lama taabtaan. “Markii ugu horreysay ee ay arrintani soo baxday wuxuu Wasiirka wasaaradda aaday Qaahira, jaamacatul Carab ayuu qudbad ka jeediyay fekerka Soomaaliya iyo mabaadii’da Soomaaliyana ayadoo qoraal ah ayuu u gudbiyay arrintaasi way socotaa Dublomaasiyad weeye kama hordhacayo laakiin arrinta Soomaaliya waa lama taabtaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka. Wuxuu sheegay wasiirkuxigeenku inay Diblomaasiyaddu tahay siyaasad iyo deggenaasho, balse aysan adeegsan doonin laab la kacnimo, balse taa dhiggeeda ay adeegsan doonaan deggenaasho iyo ka fiirsasho, wuxuuna ku cel-celiyay inaysan Soomaaliya marna taako ka mid ah Dhulkeeda ay ka tagayn, Dowladdana ay howshaasi waddo. Wasiir ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay xurgufta soo kala dhex gashay Dowladda Federaalka iyo Shirkadda DP World inaysan wax u dhimi doonin wada hadalladii kala dhexeeyay maamulka Soomaaliland wuxuuna intaa raaciyay inay wada hadalkan ay gar wadeen ka tahay Dowladda Turkiga. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay xeerka dhowridda midnimada iyo gobannimada geyiga Soomaaliyeed, kaasoo Dalka ka mamnuucaya shirkadda DP-World ee laga leeyahay Dalka Imaaraad-ka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dowladda Soomaaliya oo mar kale ka hadashay damaca dhanka Dakadaha ee shirkadda DP World appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho-(Caasimadda Online)-wararka lagahelayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay hub kalasoo dageen kooxda alshabaab . Ilo lagu kalsoonyahay ayaasheegay in Shabaab saanad Militari ay kala soo dageen Dakadda macmalka ah ee deegaanka Faax oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug. hubkaan ayaa waxaa lagasoo dajiyay doomo ku soo xirtay Dakadda deegaanka Faax waxaana la aaminsan yahay in doomahan saanada Militari ay ka keeneen dalka Yemen oo Somaliya daris la’ah. gaadiidkii dagaalka ee saanada Militari lagu soo qaaday ayaa ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere waxayna sii mareen Degmada Jowle iyaga oo u sii gudbay dhanka Gobolka Galgaduud. shabaab ayaa saanadaan ugu talagalay deegaano ka tirsan Gobolada Mudug, Galgaduud iyo Shabellaha dhexe si ay dagaalo ugu qaadaan. Inta badan hubka ay ku dagaalamaan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegayaa inuu uga yimaado dhanka dalka Yemen halkaas oo ay ka dagaalamaan Xoogag ka tirsan Ururka Al-Qacida oo Shabaab ay ka mid yihiin. Sidoo kale Shabaab ayaa hub ka hela xeryaha ciidamada Amisom ee weerarada ay ku qaadaan iyo Saldhigyada ciidamada dowladda ee ay weeraraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kooxda shabaab oo Hub farabadan kala soo degay xeebaha Gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlayay Warbaahinta ayaa aqbalay mooshinka laga keenay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo. Jawaari ayaa waxaa uu xildhibaannada ku jira Guddiga joogtada ah ugu baaqay in ay dhowraan xeer hoosaadka Baaralamaanka islamarkaana mooshinkan inta aysan dhamaan toban maalmood oo uu xeer hoosaadka farayo la horgeeyo Golaha shacabka. waxaa jiray Xildhibaanno ay ka mid ahaayeen Aadan Maxamed Nuur Madoobe,Xildhibaan Afaraale iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu is casilo. Afhayeenka golaha shacabka oo ay ku furanyihiin mowjado siyaasadeed oo ka dhashay muranka xoogeystay ee u dhaxeeya isaga iyo Ra”iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada. “Waxaan u sheegayaa dadka faafinaya in aan iscasilayo riyo ayay ku jiraan waxaan soo maamulay Madaxweynayaal hore Ra’isulwasaarayaal marka waxaan idiin sheegayaa in uu sharcigu sareeyo isagana lagu kala baxayo” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari “Dadka Dhahaya Wuu Is Casilayaa Riyo Ayay Ku Jiraan” appeared first on Caasimada Online.
  16. Guddoomiyaha barlamaanka federalka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa maanta ogolaaday in cod loo qaado mooshinka lagasoo gudbiyay. Wuxuu sheegay Jawaari inuu cod ku yimid, codna ku baxayo, waxaa uu beeniyay warar baraha bulshada qabsaday oo sheegayay inuu is casilayo. Sidoo kale waxaa uu dalbaday in muddo 10 cisho gudahood mooshinka cod loogu qaado, isla markaana meel munaasib ah lagu qabto, waxaa uu mar kale ku celiyay in xarunta golaha shacabka ay ciidamo heystaan. Puntlandi.com
  17. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gellinkii dambe ee maanta la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inuu aqbalay mooshinka laga keenay, isgaoo sheegay inuu u u yahay diyaar in cod lagu kala baxo. Prof. Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay baraha bulshada, kaasoo ahaa inuu is-casilayo, isagoo riyo ku tilmaamay hadalkaas. “Waxaan ku imid cod, kaasoo aan ku qabtay xilka Guddoonka Baarlamaanka Somalia, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa,” ayuu yiri Prof. Jawaari ku yiri hadalkii uu siiyay warbaahinta. Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia ayaa mar kale sheegay in ciidammo ay heystaan xarunta golaha shacabka. Wuxuuna ka dalbaday Xildhibaanada in muddo toban maalmood gudahood ah in codka mooshinka loogu qaado. Dhanka kale, Hadalka kasoo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan-waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada taagan ee khatarta gelisay hawlaha Dowladda Somalia, Waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod. Ugu dambeyn, Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari ayaa u baahan si ay u ridaan Guddoomiye Jawaari 184-cod, taasoo ah arrin aan sahlaneyn oo u baahan olole la mid ah kii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Jawaari oo Aqbalay Mooshinkii laga keenay kuna baaqay in cod lagu geliyo… appeared first on Puntland Post.
  18. Ciidamada Amniga ee Magaalada Boosaaso ayaa maanta Wadooyinka Waawayn ee dhexmaray Magaalada Bosaaso waxa ay ka sameeyeen Howlgal lagu Xaqiijinayo Amaanka Magaalada Bosaaso oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen falal lidi ku ah Amniga. Ciidamo Farabadan oo isugu jira Boolis iyo Milatari ayaa la soo dhoobay Wadooyinkaaasi dhexmara Magaalada Bosaaso , waxayna Baaritaan ay ku samaynayeen dadka iyo Gaadiidka isticmaalayay Wadooyinkaasi . Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay Garawaarida ay ka fiiqayeen Bacaha Madoow , kuwaas oo sida ay Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen qab ka aha Amaan xumida Magaalada ka jirta. Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya maalin uun kadib markii kooxo hubaysan ay gudha Magaalada Bosaaso ka gaysteen weerar Ban Baano oo ay ku dhinteen labo qof oo midi uu yahay Askari Ciidamada ka tirsanaa iyo Wiilyar oo ka ag dhawaa halkii uu weerarkan ka dhacay oo ku dhawayd dekeda Magaalada Bosaaso , waxaana weerarkaasi ka horeeyay dilal qorshaysnaa oo maalmahanba ka dhacayay Magaalada Bosaaso, taas oo lala beefsaday Askar ka tirsan Ciidamada Booliska oo siyaabo kala duwan loogu dilay bartamaha Magaalada Bosaaso .
  19. Muqdisho-(Caasimadda Online)-sarkaal katirsan kooxda alshabaab ayaa ayaa isku soo dhiibay ciidamadda xoogga dalka Horjoogahaan oo Al-shabaab u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo qaraxyada waaweyn ayaa lagu magacaabaa Caddow Macalin Isxaaq. Horjoogahaan ayaa si gaar ah Alshabaab ugu qaabilsanaa gobolada Jubbada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Banaadir iyo deegaano kamid ah gobolada dhexe ee dalka sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Dowladda.. Caddow Macalin Isxaaq ayaa sheegay in isaga iyo dhalinyaro kale oo ka bar bar dagaalamaysey Al-shabaab si gaar ah ay u taabatay weerarkii 14-October ee Isgoyska Zoobe, taasina ay keentay in dhalinyaro badan ay go’aansadaan in ay isaga soo baxaan Maleeshiyaadkaasi. “Waxaan marqaati kasoo noqday in ay been abuur tahay in Al-shabaab ay diin u dagaalamayaan, si arxan daro ah ayey u laayaan dadka Soomaaliyeed, taas ayaana garanay aniga iyo dhalinyaro kale oo hadda isku dayaya iney isaga soo tagaan”ayuu yiri Caddow Macalin Isxaaq. Ismaaciil Khaliif Shire Abaanduulaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa uga baaqey dhalinta laqaldey in ay ku daydaan Caddow oo ay isoo dhiibaan . waxaana u balan qaadey in si wanaagsan loo soo dhaweyn doono. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer sheegay in dowladdu ay cafis u fidinayso dhalinyarada ay qaldeen Alshabaab,haddii ay isku soo dhiibaan Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Horjooge Al-Shabaab ahaa oo isku dhiibay Ciidanka Dowladda & Xilkii uu Shabaab u hayey oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  20. Ethiopia has accused neighbouring Eritrea of attempting to destabilise its security by supporting "destructive" groups while the country continues to be under a state of emergency. Source: Hiiraan Online
  21. DOHA: Qatar Charity has opened a model primary school in the town of Hudur, the southwestern Bakool region of Somalia near the border with Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  22. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo has cancelled a three-day state visit to Qatar after dispute sparked between the leaders of executive and Lower House. Source: Hiiraan Online
  23. President Mohamed Abdullahi Farmajo has cancelled three day state visit to Qatar after dispute sparked betweel the leaders of executive and Lower House. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in dib u habeyn lagu sameeyay saraakiisha ciidammada milateriga Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorsha cusub ee lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay Hogaanada Ciidanka oo markii hore ahaa 23 Hogaan, balse haatan lagu soo Koobay 13 Hogaan, Waxaana lagu soo biiriyay dhalinyaro Saraakiil ah oo dibada wax lagu soo baray. Wasiir Mursal ayaa caddeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu degay xarunta Taliska Ciidanka ee Dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo Todobaadkii udanbeeyay Madaxweynaha u ehayd Hoy iyo Xarun Shaqo. Isbedelka hoggaannada taliska ciidamada xoogga dalka ayaa saameyn ku yeesay 9 sarkaal oo u badan Jeneraallo kuwasoo shaqada laga fariisiyey, kadib markii waaxyihii ay ku magacawnaayeen la baabi’iyey, taasoo ahayd tallaabadii ugu weyneyd ee isku shaandheyn lagu sameeyo taliska ciidamada Qalabka sida. Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo todobaadkii la soo dhaafay uu howl maalmeedkiisa u wareejiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan is bedelada ciidan iyo abaabulka dagaal ee ka dhaka ah Al-Shabaab. Wasiir Mursal ayaa sheegay in abaabulkan socda uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana darajo ahaan ay ka hooseeyeen, isla markaana abaabulka hada socda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo. “Ciidamo isku dhaf ah ayaa ka qeyb qaadan doona dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, Ciidamada xoogga dalka kala ma ahan, abaabulka aan hada sameyneynno wuu ka duwan yahay kii hore, darajo ahaan wey ka hooseeyeen, laakiin abaabulkan waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha Jamhuuriyada”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga. Waxaa uu sheegay in horay looga bartay in ciidamada dowladda marka ay deegaan xoreeyaan dib isaga soo baxaan, isagoo tilmaamay in tani ay ka duwan tahay, isla markaana ciidan kale loo diyaariyay, marka la qabto deegaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka oo dib u habeyn lagu sameeyay [9 Sarkaal oo xilalkoodii la baabi’iyey] appeared first on Caasimada Online.