-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa halkaan looga tacsiyeynayaa Dhamaan Qoyska Reer Cabdi GeesCade geerida ku timid Hooyo Marxuumad Sahra Daahir Warsame oo mantey oo khamiis 29/3 ku Magaalada Nairobi, waxaan Marxuumada Illaahay ugabaryeynaa Jano waarta iyo Dambi dhaaf. Aaaamiiin Aaaaamiin Waxaa si gaara loogu tacsiyeynayaa Caruurtii ay Marxuumadu ka geeriyoo Ray iyo Guud ahaan Ehelka, Qaraabada iyo Asxaabtaba. Waxaa nasoo gaarsiiyey Tacsida Nabadoon Mahdi Geescad Dubai – UAE
-
Diyaarada Duulimadaka ee Air Djibouti ayaa Maanta duulimadkeedii ugu horeyey ka bilawadaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari,. diyaaradan ayaa keenisteeda Boosaso waxa ka danbeyey Ganacsato Reer Puntland ah waxana ay isaga kala gooshi doonta qaar kamid ah dalalka soomaliya la dariska ah iyo magaalooyinka Jabuuti,Hargeysa Bosaso iyo Muqdisho. Maamulka Gobalka Bari, Ganacsato iyo qeybo ka mid ah buslahada Bosaso ayaa si balaaran ugu soo dhaweyey garoonka diyaaradaha Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo hogaaminayey waftiga diyaarada la socdaya Masuuliyiinta shirkada duulumaadka ee Air Djibouti iyo qeyb ka mid ah shaqaaleheeda oo diyaarada Air Djibouti la socday. Yuusuf Maxamed Waceysa dhedo Gudoomiyaha Gobalka Bari, ayaa sheegaya in duulimadka ay diayaradan ka bilawaday Boosaso ay faraxad galinayso Bulshada Reer Puntland waxan uu balan qaadaya in si dhaw ay ula shaqeyn doonan ka gobal ahan. Ciise Guude Xaaji oo ah Maamule ku xigeenka Guud ee shirkada Duulimaadka Ee Air Djibouti ayaa shaciyeey duulimaadyada ay diyaaradu ka sameyn doonto Boosaso Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo hogaminayey Waftiga Diyaarada la socdaya ee ka yimid dalka Jabuuti ayaa bogaadiyey imshaha Air Djibouti Puntland waxana uu shacabka ugu baaqay in ay ka faa,idaysatan Duulimadyada ay diyaardu sameynayso. Tan iyo markii xariga laga jaray garoonka Bosaso waxaa isa soo tarayey Shirkadaha dhinaca duulimaadka, kuwaasi oo xafiisyo ka furtay magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaso.
-
Qaran News
-
Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku kala direen gudigii Aqalka Sare ee loo xil saaray xalinta khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Tilaabadaan ayaa loo qaaday kadib markii uu fashilmay qorshe la doonayay in lagu qaboojiyo xiisada ka dhex aloosan barlamaanka aqalka hoose, taasoo aan waxba kasoo nasoo cadaan dadaalada kala duwanaa ee aqalka sare uu waday. Warar kale ayaa sheegaya in lagu kala diray kadib markii lagu eedeeyay inay ku dhex milmeen khilaafka golaha shacabka dhexdiisa ka jira ayna meesha ka baxday dhex dhexaadnimadii iyo kalsoonadii lagu qabay, iyagoo dhinac gaar ah la saftay. Ka hor inta aan la kala dirin guddigaan, saddex kamid ah oo uu ku jiro Cabdiqeybdiid ayaa iska casilay xubinamadii ay guddigan ka ahaayeen sida ay ku sheegeen shir jaraai’d oo ay qabteen. Puntlandi.com
-
Dozens of MPs on Tuesday night declared the controversial motion against Lower House Speaker, Mohamed Osman Jawari unconstitutional as the time set for its submission has passed. Last week, Upper House Mediating Committee set 28th March for the debate of the motion in a bid ease the escalating political row in the country. In a Joint statement, Pro-Jawari lawmakers called on the Speaker to resume the work saying he was the legitimate leader of the House as the proposition failed to meet the deadline. “In accordance with article 4 of chapter 9 of the House Standing Order, the motion against the speaker has collapsed (failed) as it was not tabled on time, therefore, the speaker, Mohamed Osman Jawari should officially resume his duties of leading the House business,” reads the statement. The MPs pointed fingers of blame at Prime Minister, Hassan Ali Kheire, accusing him of spearheading the political crisis that crippled the House business. Finally, the statement warned that PM and President Farmajo would take the responsibility, should the national institutions collapsed due to the escalating political tension. The move comes amid the ongoing political row has created a vacuum between the leadership of the House. On Sunday, the 1st deputy Speaker, Abdiweli Sheikh Mudey announced the motion against the speaker will be tabled on 31st of March. The following day, the speaker was at the podium to dismiss the announcement by Mudey, spilling out the rift between House leadership to the public. The fate of the motion is yet unclear as the House members were divided into two opposing factions. Source: Hol
-
Update: On the night of March 29, Kenyan authorities again deported Miguna, this time to Dubai. Kenyan authorities should comply with court orders to release or produce in court the opposition lawyer Miguna Miguna, Human Rights Watch said today. Miguna, a Kenyan citizen who is being held in Kenya’s main airport in Nairobi, the Jomo Kenyatta International Airport, should be allowed to enter and leave the country freely. “Kenyan authorities should urgently obey the numerous court orders to either release or produce Miguna in court,” said Otsieno Namwaya, Africa researcher at Human Rights Watch. “Holding him at the airport without any form of judicial review, in violation of court orders, is a blatant example of arbitrary detention.” In the most recent actions in the case, on March 27, 2018, one judge directed authorities to release Miguna but the authorities ignored the order. Another judge later that day directed the authorities to produce Miguna in court on March 28, but authorities again failed to comply. On March 28, opposition supporters in Kisumu, in the western region, held street protests over Miguna’s continued detention, setting bonfires and blocking roads with stones. In a statement to the media on March 28, Chief Justice David Maraga said that the “courts will have no option but to suspend proceedings countrywide until the state shows respect to the courts.” On February 2, Miguna told news media that police had violently arrested him in Nairobi and, after disregarding numerous court orders to either release him or produce him in court, deported him to Canada, where he also holds citizenship. On February 7, the interior cabinet secretary, Fred Matiang’i, said that the authorities had deported Miguna because he was not a Kenyan citizen, but a high court judge later revoked the deportation, terming it illegal. On March 26, Miguna returned to Kenya following a court order directing Kenyan authorities to unconditionally allow him to enter the country. Police and immigration officials detained Miguna at the airport, however, with the immigration demanding that Miguna, he re-apply for citizenship or for a visa before he is allowed to proceed. He remains in detention there. Miguna is among three people, including two members of parliament, who were arrested in February in a crackdown against those who participated in a parallel swearing in ceremony on January 30 for Raila Odinga. Odinga, who was the presidential candidate for the leading opposition coalition, NASA, held the swearing in after losing the presidential election, which he contended was not conducted fairly. Odinga and President Uhuru Kenyatta have since agreed to cooperate and de-escalate the political tension, including ending a government crackdown on opposition leaders. On March 16, Odinga told supporters that, as part of the agreement with Kenyatta, Miguna would be allowed back into the country unconditionally. In 1988, Miguna, then a university student activist, fled to Canada following a government crackdown on critics. Miguna acquired Canadian citizenship and after then-President Daniel arap Moi left power in 2002, travelled in and out of Kenya several times on a Canadian passport. In 2008, Miguna became an adviser to Odinga, then the prime minister, and in 2009 acquired a new Kenyan national identity card and passport. Under the 2010 constitution, Kenya cannot revoke the citizenship of anyone who acquired citizenship at birth. Source: hrw
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka, waxaana kulankaas shir gudoomiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu maalinta Sabtida ah ee soo socoto uu bilaabo howlihiisa caadiga ah,isla markaana uu furo kulanka golaha Shacabka. Kulankan waxaa xoogga lagu saaray ajendayaashii la hordhigi lahaa Xildhibaannada golaha shacabka kulan ugu soo horeeyay. Waxyaabaha la isku af-gartay in kulanka soo socda lagu daro ay ka mid yihiin, arrinta dhismaha Kenya ka waddo Balad-xaawo. Xildhibaannada golaha shacabka ee “Badbaado” la baxay ayaa xalay qoraal ay soo waareen guddoomiye Jawaari ku wargeliyay in uu maanta qabto kulankan. Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi Buux oo kulanka ka hadlay ayaa yiri “Maanta waxaa dhacay kulankii 29-aad ee Guddiga joogtada, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay ajandaha Goluhu uu ku shaqeyn doono, maadaama labadii todobaad ee u dambeysay uu galay howlo kale, kulanka Sabtida waxa looga hadlayaa xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo.” Golaha shacabka, waxaa ka jira khilaaf adag iyada oo lagu guul-dareystay dhammaan xalkii iyo isku-deygii ay sameeyeen golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa hey’adda keliya ee isku xil-qaantay dhex-dhexaadinta iyo xal u raadinta khilaafka golaha shacabka. Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya khilaafkan, waxaana ay ka dhowr sugayaan maalinta Sabtida ah, oo xildhibaanada iska horjeeda ay kala sheegeen hadalo isburinaya, welina aanan xal laga gaarin xiisadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa kala diray guddiga Aqalka sare u qaabilsanaa xalinta khilaafka soo kala dhexgalay Golaha Shacabka. Ka hor inta aan la kala dirin guddiga ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayeen is casilaad, waxaana kamid ahaa Sanatorada dalbaday casilaada Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mshruuc) oo xubno ka ahaa Gudiga Aqalka Sare u xilsaaray xalinta khilaafka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi ayaa intaa kadib maanta guddiga joogtada waxa uu kaga hor dhawaaqay in ay istaagtay oo ay dhamaatay shaqadii Guddiga Aqalka Sare ee xal u raadinta khilaafka Golaha Shacabka, sidaasina lagu kala diray Guddiga joogtada ah. HOOS KA AKHRISO LIISKA GUDDIGA LA KALA DIRAY Guddiga Aqalka Sare ee horey loogu xilsaaray xalinta khilaafaadka Golaha Shacabka ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayeen ilaa 7 xubnood, kuwaasi oo kala ahaa: 1-Cabdi Xaashi C/laahi (Guddoomiye). 2-Mowliid Xuseen Ducaale (Xubin). 3-Zamzam Ibraahim Cali (Xubin). 4-Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid (Xubin). 5-Maxamuud Axmed Mashruuc (Xubin). 6-Maxamed Amiin Sheekh Cismaan (Xubin). 7-Muxyadiin Sh. Cali Jaamac (Xubin). Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay Mooshinka Guddoomiye (Jawaari) ayaa u muuqda mid hada gaaray heer aad u kacsan, iyada oo marba marka ka dambeysa ay soo baxayaan go’aano sii hurinaya Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
WICHITA, Kan. — A militia member who tipped off law enforcement to an alleged plan by three men to bomb Somali immigrants in Kansas is expected to testify at their trial. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa kala diray xubnihii guddiga loo xilsaaray xallinta khilaafka ka aloosan mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari. Guddigan oo Sanatarada Aqalka Sare ay magacaabeen ayaa lagu eedeeyey in ay dhex dhexaad ka noqon waayeen xiisadda taagan iyadoo xubnaha 7da ah ee uu ka koobanyahay la sheegay in badankood ay la safteen garabka Guddoomiye Jawaari iyo xildhibannada Qabyo ee garabka siinaya. Ilo wareedyo u dhuun daloolay shirka arrinkan ku saabsan ee ay yeesheen Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa tilmaamaya in Guddoomiye Guddigaas ahna Guddomiyeha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi uu lahaa soo jeedinta kala dirista Guddigan, maadama ay u muuqatay in Sanataradaani aysan dadaalkii la filayey ku bixin xal u helista khilaafka Xildhibaannada. Guddiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa la qorsheynayaa in ay mar kale magacaabaan xubno dhex dhexaad ka ah arrinkan, sidoo kalena awood u leh in ay xal waara ka keenaan khilaafkan rakadiyey shaqooyinki Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Laan-qeynta Cas ee ICRC ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalahooda uu ku dhintay Muqdisho, kaddib markii gaarigiisa uu ku qarxay meel ku dhaw xarunta Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo ku taalla agagaarka Isgoyska Zope ee Muqdisho. C/xafiid Yuusuf Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha ICRC ayaa la sheegay inuu dhaawac ahaan ugu dhintay isbitaal ku yaalla Muqdisho, kaddib markii uu ku dhaawacmay qaraxa gaarigiisa lala beegsaday oo ahaa mid lagu soo xiray. “Waxaan aad uga xunnahay geerida C/xafiid oo ka mid ahaa shaqaalaheena ka hawlgala Somalia,” ayuu yiri Simon Brooks oo ah madaxa madaxa hawl-gallada hay’adda ICRC ee Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray. “Waxaan u diraynaa tacsi qoyskiisa iyo intii jeclayd oo xaalad adag ku jira.” Sidoo kale, hay’adda ayaa sheegtay in marxuum C/xafiid uu hay’addooda ku soo biiray shan bilood ka hor, isagoo ahaa madaxa isku-xirka iyo sharciga ee hay’adda ICRC. Waxayna hay’addu sheegtay in kaalin weyn uu ka qaatay sidii dadka loogu wacyi-gelin lahaa shuruucda dagaalka iyo kuwa la xiriira xuquuqda aadanaha. “C/xafiid wuxuu kaalin muuqata ka qaatay difaacidda dadka shacabka ah ee ay saameynta xooggan ku yeesheen colaadaha iyo rabshadaha xilligan jira. Dilkiisna wuxuu qayb ka noqonayaa beegsiga dadka ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimada,” ayuu hadalkiisa ku daray Brooks. Dhanka kale, C/xafiid Yuusuf Ibraahim oo ahaa wiil dhallinyaro ah, wuxuu ifka uga tagay xaad iyo laba gabdhood oo ay u dhashay, kuwaasoo da’doodu ay kala tagay laba sano jir iyo sanad jir. Ugu dambeyn, Ruux kale oo ka tirsan shaqaalaha ICRC oo gaariga la saarnaa ayaa isagana dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxii gaariga loogu xiray sarkaalka dhintay, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysa in qarax lala beegsado shaqaale ka tirsan ICRC. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adda ICRC oo lagu Dilay Qarax lagula eegtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarada Duulimadaka ee Air Djibouti ayaa Maanta duulimadkeedii ugu horeyey ka bilawadaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari. Tan iyo markii xariga laga jaray garoonka Bosaso waxaa isa soo tarayey Shirkadaha dhinaca duulimaadka, kuwaasi oo xafiisyo ka furtay magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaso.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aysan ahayn mid joojinaysa heshiisyada ay Somaliland gashay iyo kuwa ay gali doontaba. Wareysi uu siiyay BBC, ayaa wasiir arrimaha dibada ee Soomaaliland Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in aysan waxba u dhimi doonin dacwadii ka dhanka aheed Dowlada Imaaraadka iyo shirkada laga leeyahay dalkaasi DP World, waxaa kale oo uu ka hadlay arrimo kale oo la xidhiidha maamulka hawada, wuxuuna sheegay in Soomaaliland hawadeeda ay u madax banaantahay. Sacad Cali Shire wuxuu kaloo ka hadlayaa xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee deegaannadooda ka hawlgala. Wasiirku waxa uu ka jawaabayaa marka hore sida ay Somaliland u aragto dacwaddii Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee la xidhiidhay arrinta saldhigga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera, iyo maalgashiga DP World. Warka ka soo baxay Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya xili weli uu taagan yahay khilaafka ka dhashay heshiiskii Saddex geesooka ahaa ee dhex maray Soomaaliland, Itoobiya iyo Shirkada DP World,heshiiskaas oo ay sharcidarro ku tilmaamtay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
2020 Census Will Ask Black People About Their Exact Origins
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
For the 2020 census, the U.S. Census Bureau is changing how it will ask black people to designate their race. Under the check box for "Black or African American," the bureau is adding a new space on the census questionnaire for participants to write in their non-Hispanic origins, according to a recent memo from the head of the 2020 census. "African American," "Jamaican" and "Nigerian" are listed as examples of origins on a questionnaire the bureau is testing for 2020. Source: Hiiraan Online -
Update: On the night of March 29, Kenyan authorities again deported Miguna, this time to Dubai. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Puntland ayaa shaacisay in aan wax qandaraas ah la siin doonin shirkadaha iyo hay’adaha aan bixin canshuurta ku waajibtay,maalmo uun kadib markii madaxweyne Gaas amar ku siiyay dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala degaannada Puntland in ay canshuurta bixiyaan. Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta ah,ayaa lagu sheegay in shirkadaha iyo hay’adaha qandaraaska ka haysta Puntland aan laga aqbali doonin in ay la baxsadaan canshuurta,islamarkaana aan qandaraas cusub la siin doonin hay’addii ama shirkaddi canshuur lagu yeesho. Xukuumadda Puntland ayaa sheegaysa in tallaabadan looga golleeyay, sare u qaadidda dakhliga dalka iyo dardar-gelinta bixinta candhuuraha,waxaana sidoo kale hay’adaha lagu amray in ay marwalba mudnaanta siiyaan baahiyaha ay u soo gudbiyaan Wasaaradaha dowladda,marka laga hadlayo caawinta bulshada reer Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in aan wax qadaraas ah la siin doonin shirkadaha iyo hay’adaha canshuurta la baxsada. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada. Kulanka maanta ayaa diirada lagu saaray qodobo kala duwan iyadoo ugu horayn Madaxweynahu uu faah faahin ka bixiyay xaalada guud gaar ahaan Siyaasada iyo amaanka. Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu socdo dardar galinta howlaha isku dubaridka Hay’adaha amaanka gaar ahaan Ciidamada qalabka sida.Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu hoosta xariiqay in xaalada Siyaasada iyo amaanku ay yihiin kuwo caadi ah oo sidii loogu talagalay kusocda. Madaxweynahu waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay sharciga dhismaha dhulka iyo bixintiisa oo uu xalay saxiixay isla markaana dhaqan galintiisa ay iska kaashanayaan Wasaarada Howlaha guud iyo Wasaaradaha bah wadaagta la ah. Shircigan oo in mudo ah laga soo shaqaynayay ayaa noqonaya kii ugu baahida badnaa ee dhawaanahan ay golahu meel mariyaan iyadoo muranada dhulka la xiriira ay ahayeen caqabada ugu weyn afartii sano ee lasoo dhaafay. Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aaadan ayaa ka warbixiyay shirar uu kaga soo qayb galay Magaalada Nairobi kuwaas oo lagaga hadlayay arimaha hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga. Wasiirka Madaxtooyada Mudane Axmed Abdirahmaan Xasan ayaa golaha usoo gudbiyay heshiiska shirkada Milestone kaas oo la xiriira samaynta Master Planka Magaalada Kismaayo iyo Magaalooyinka kale ee Jubbaland iyo dib u dhiska Adeegyada aas aaska u ah hormarinta Magaalooyinka.Heshiiskan ayaa marka ugu horaysa ka dhaqan gali doona Magaalada Kismaayo iyadoo kadibna la gaarsiin doono Magaalooyinka kale ee Jubbaland.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Mooshinka ka geeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hor yimid go`aankii ka soo yeeray Gudiga Badbaadada Golaha shacabka ee ku aadanay in uu jabay ama buray Mooshinka ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari, kaas oo ay u cuskadeen buriddiisa in uu dhaafay waqtigii 10ka maal mood ahaa ee loo madalsanay in lagu dhameeyo muranka iyo is qab qabsiga la xariira arimaha Mooshinka, basle uu dhaafay waqtigaasi isla markaana uu yahay mid Buray. Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Deeriye oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka geeyay Jawaari ayaa sheegtay in hadalka ka soo baxay Gudiga badbaadinta Golaha Shacabka uu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaan uu halkiisii yahay Mooshinka laga geeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Maalmihii dambe ayaa waxaa soo badanayay hadalada isbeeneenta ah ee ay isu jeedinayaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadaba, lama oga qaabka uu ku dhamaan doono Khilaafka siyaadsadeed ee hareeyay hay`ada sharci fulinta iyo sharci dajinta, iyadoona xaalada ay u muuqato mid mugdi lugaha la sii galeyso. Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaannadii xalay ku shiray Muqdisho ee sheegay in uu bur buray mooshinka ka dhanka ah Jawaari ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka mid ah aqalka sare. Xildhibaan Dhalxa oo wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa isweydiiyay goorta la isku daray xildhibaannada labada aqal ee Golaha aqalka sare iyo kuwa shacabka ee xalay halmeel wada fadhiyay. Waxaa uu sheegay in Dastuurka dalka lagu xadgudbayo islamarkaana ay taas keeni karto in Booliska iyo Taraafikada oo isku milma sidaas darteedna loo baahanyahay in laga waantoobo. Aqalka sare ayuu sheegay in uu leeyahay xeerar u gaar ah waxaana uu ku tilmaamay faragelinta lagu hayo golaha shacabka gaar ahaanna xildhibaannada aqalka sare. Xildhibaanku waxaa uu Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ugu baaqay in uu xildhibaannadiisa cishto haddii ay dhici weysana ay imaneyso in marka iyaga ay is qabsadaan ay faragelin ku sameyn doonaan kuwa Golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka Ninkii isku qarxiyay weerarkii Isgoyska Sayidka ee Axaddii la soo dhaafay. Ninka weerargaas geystay ayey Al-shabaab Magaciisa ku sheegeen Cali Xasan C/Raxmaan Khaalid kaas oo ka soo jeeda Beesha Boqol Hore ee degta Gobollada Baay iyo Bakool. Idaacadda Al-shabaab ee Andalus ayaa waxaa ay baahisay wareysi ay ka qaadday Ninkaas ka hor inta uusan isqarxin,waxaana uu Wareysigaas kaga sheekeeyay sida uu u arko falka uu ku dhaqaaqayo. Al-shabaab ayaa sidan oo kale dhowr jeer soo bandhigtay Magacyada iyo Qabiillada xubnaha ka tirsan ee fuliya weerarrada isqarxinta ah ama kuwa lagu galo Hoteellada iyo Xarumaha dowladda Federaalka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman. Published time: 29 Mar, 2018 07:24 The Saudi-funded spread of Wahhabism began as a result of Western countries asking Riyadh to help counter the Soviet Union during the Cold War, Crown Prince Mohammed bin Salman told the Washington Post. Speaking to the paper, bin Salman said that Saudi Arabia’s Western allies urged the country to invest in mosques and madrassas overseas during the Cold War, in an effort to prevent encroachment in Muslim countries by the Soviet Union. He added that successive Saudi governments had lost track of that effort, saying “we have to get it all back.” Bin Salman also said that funding now comes mostly from Saudi-based “foundations,” rather than from the government. The crown prince’s 75-minute interview with the Washington Post took place on March 22, the final day of his US tour. Another topic of discussion included a previous claim by US media that bin Salman had said that he had White House senior adviser Jared Kushner “in his pocket.” Bin Salman denied reports that when he and Kushner – who is also Donald Trump’s son-in-law – met in Riyadh in October, he had sought or received a greenlight from Kushner for the massive crackdown on alleged corruption which led to widespread arrests in the kingdom shortly afterwards. According to bin Salman, the arrests were a domestic issue and had been in the works for years. He said it would be “really insane” for him to trade classified information with Kushner, or to try to use him to advance Saudi interests within the Trump administration. He stated that their relationship was within a normal governmental context, but did acknowledge that he and Kushner “work together as friends, more than partners.” He stated that he also had good relationships with Vice President Mike Pence and others within the White House. The crown prince also spoke about the war in Yemen, where a Saudi-led coalition continues to launch a bombing campaign against Houthi rebels in an attempt to reinstate ousted Abdrabbuh Mansur Hadi as president. The conflict has killed thousands, displaced many more, driven the country to the brink of famine, and led to a major cholera outbreak. Although the coalition has been accused of a large number of civilian deaths and disregard for civilian lives – an accusation which Riyadh denies – the crown prince said his country has not passed up “any opportunity” to improve the humanitarian situation in the country. “There are not good options and bad options. The options are between bad and worse,” he said. The interview with the crown prince was initially held off the record. However, the Saudi embassy later agreed to led the Washington Post publish specific portions of the meeting.
-
Ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, ayaa markii ugu horeysay sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan dhacdooyinka sida tooska ah looga tabiyo Facebook, kadib markii ay saameyn ku yeesheen xiisaha wararka iyo qaladaad badan oo xagga tifatirka ka yimaada. Guddoomiyaha Mohamed Daahir Caynsane ayaa sheegay warbaahinta laftoodu inay khasaare weyn ugu jirto inay wararkooda kusii horumariyaan baraha bulshada, taasoo uu ku tilmaamay inay ku luminayaan dhageytayaal iyo daawadayaal badan oo sugi lahaa wararkooda. “Saakay haddii aan warkaagii ka daawaday live Book-gaaga, wax macno ah iima sameynayo inaan horfariisto Tifiigaga ama idaacadaada, sababtoo ah war la qabo xiiso ma leh, weriyayaashana waan ku wacyi galinay inay joojiyan dhaqankaan, si uu wararkooda xiiso ugu yeesho,” ayuu yidhi guddoomiyaha MAP oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha. Guddoomiyaha ururka MAP. Mohamed Daahir Caynsane ayaa dhinaca kale sheegay inay bisha soo socota ee Abril qaban doonaan shir looga hadlayo saaamaynta baraha bulshada ku hayaan warbaahinta caadiga ah iyo anshaxa weriyayaasha isticmaalkooda barahaas. “Saxafigu labo qof ayuu kala yahay, marka uu xaruntiisa warbaahineed kasoo hadlayo si wanaagsan oo anshax leh ayuu dadka ugusoo warramayaa, balse marka uu soo fariisto Facebook waxa uu noqdaa qof kale oo waxa uu doono ayuu soo qoraa,” ayuu yidhi Maxamed Caynsane. Berrito waxaad Facebook-ga kusoo qortid iyo anshax darrada aad muujisid sida ay saameyn ugu yeelandoonto kalsoonida laguugu rumaysan karo, ayaa ka doodidoonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray. Abdiweli Mohamed Sheikh Puntlandi.com