Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,911
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Somalia ay arrimaha Badda Somalia kala hadashay Dowlada Kenya oo uu kala dhexeeyo muran badeed muddo soo jiitamaayay. Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo ay mala awaaleen shaqsiyaad gaara, isla markaa aanu jirin wadahadal ay Kenya kala galeen muranka Badda. Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in Dacwada badda Somalia ay weli tahay mid taagan, isla markaana ay Dowlada Somalia dooneyso inay soo celiso xuquuqda Somalia ay ku leedahay badda. Isagoo ka hadlaayay arrinta Badda iyo wararka ku jira suuq ayuu yiri ‘’Waxa ay dadka qaar meelaha wadaan waxba kama jira Somalia waxa ay dhowreysaa Jawaab laga sugaayo dowlada Kenya oo ku saabsan arrinta badda oo aan horay u gudbinay dulucdeeda’’ ‘’Dowlada Kenya waxa ay kasoo Jawaabtay 1802/2018, wixii intaa ka danbeeyay dowlada Somalia ayaa lasiiyay inay kasoo Jawaab bixiso dhankeeda waxaana ku ballansanahay inaan Jawaabta ku geyno 18/06/2018 wixii intaa ka danbeeya Dowlada Kenya ayaa qaadan doonta Jawaab kale’’ ayuu yiri mar uu u waranaayay Voa ‘’Qorshaha waxa uu yahay markii intaa leyskala soo gudbo waxaa la mudeyn doonaa dhageysiga dacwada oo weli qabyo noo ah’’ ayuu yiri isaga oo u waramaayay Idaacda Voa. Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in Mowqifka Dowlada Somalia uu yahay mid cad oo aan mugdi ku jirin, waxa uuna cadeeyay in arrintaan uu horay uga hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, isagoo wixii intaa ka danbeeya ku sheegay mid lagu qodqodaayo Dowlada Somalia. ‘’Wixii haddal ah waxaa horay u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda waxaanu dhankeeya ka xaqiijinayaa in howshu ay tahay mid socta lana filaayo inay soo afmeerto dowlada Somalia marka ay dhamaadan Jawaabaha loo xayiran yahay’’ Axmed Cali Daahir, waxa uu sidoo kale sheegay in haddalka kasoo yeeray Wasaarada arrimaha dibadda Kenya uu yahay mid ay dowlada Kenya ku muujineyso sida ay jeceshahay, hase ahaatee dowlada Somalia ay ku qanci doonto Jawaabaha kasoo bixi doona Maxkamada. ‘’Wasaarada arrimaha dibadda Kenya waxa ay ka hadashay sida ay jeceshahay taana ma khuseyso Somalia, waxaa noo cad mowqifkeena ku aadan inaan ka mirro dhalino soo celinta Badda Somalia’’ Axmed Cali Daahir, waxa uu cadeeyay in rabitaanka Dowlada Kenya uu ahaa in gabi ahaan la hakiyo dacwada Badda, hase ahaatee ay iminkana ku dadaaleyso inay faafiso warar niyad jabinaaya Umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Muhiimad nooma laha haddalka kasoo yeeray Kenya wayo waxa uu rabitaankeeda ahaa in la joojiyo dacwada marka xaq bey u leedahay inay faafiso warar muujinaaya rabitaankeeda’’ Axmed Cali Daahir, waxa uu cadeeyay in Dacwada ay iminka taalo Maxkamada isla markaana Kenya aanu halkaa waxba ka galin, Somaliyana ay u hogaansami doonto wixii kasoo baxa Maxkmada. Sidoo kale, Axmed Cali Daahir, waxa uu cadeeyay in Siyaasada Somalia ay tahay in Dacwada Badda Somalia lagu xaliyo go’aanka Maxkamada Caalamiga, wixii intaa kasoo harana aanu dhag jalaq usiin doonin Somalia. Haddalka Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir, ayaa kusoo beegmaaya xili Wasaarada arrimaha dibadda Kenya ay kiiska dacwada badda Somalia ku sheegtay mid ay si gaara u wada xaliyeen Somalia iyo Kenya, isla markaana laga gudbay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Magalada laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaa la geeyay Meydadka iyo dhaawacyada Tahriibayaal ajaaniib ah oo uu gaari kula rogmay duleedka magaalada. Tahriibayaasha ayaa lasoo sheegaya inay kasoo jeedan dalka Ethiopia, gaar ahaan qowmiyada loo yaqaan Oromada, kuwoo oo xiligaa kusii jeeday magaalada Hargeysa. Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in Gaariga rogmaday uu ku socday xawaaro aad u dheereeya sidaana uu ku qalibmay. Tahriibayaasha dhaawacmay ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 35, halka ruux kamid ahaa isla goobta uu ku naf waayay. Dhaawacyada iyo Meydka ayaa iminka yaala Isbitaalka guud ee Magalada laas-caanood sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka.
  3. Last week, Minnesota’s legislative auditor announced an investigation into allegations that some child care providers are defrauding the state’s Child Care Assistance Program, or CCAP, which subsidizes the child-care expenses of low-income children and is overseen by the Minnesota Department of Human Services. Source: Hiiraan Online
  4. A body of a Kenyan fighting for the al Shabaab was found in a camp in Jilib, Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. MOGADISHU, May 24 (Xinhua) -- Fierce fighting erupted again between Somaliland and Puntland forces on Thursday on the outskirts of Tukaraq town in Sool region, north of Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. The event will take place under a tent at a school in the camp, with an audience of refugees as well as a number of high-profile guests from Nairobi and beyond. Source: Hiiraan Online
  7. Dagaal la isku agdhacay sidii la isu dilayay muddo ka badan 5 saacadood oo xiriir ah ayaa maanta ku dhexmarey Tukaraq ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland. Si sax ah weli uma tira koobna khasaaraha labada dhinac kala gaarey maanta, waxaana warar madax banaan sheegayaan nabar culus oo saacadihii horre dagaalka bilowgiisa ku dhacay ciidamada Somaliland, halka si la mid ah nambarkii xiggay uu ku dhacay ciidanka Puntland sida laga soo xigtey ilo lagu kalsoon yahay. Jugtii horre ee dagaalkii hiirta waaberi ciidamada Somaliland waxaa laga durkiyay aagag ay horey u joogeen sida buurta laba madaxleey iyo Buundada kunjeer aniga ku jecel, waxayna xabaduna dhinaca shishe u dhaaftey Tukaraq wallow markii dambe ay dib ugu soo ruqaansadeen balse uma suurto galin inay soo dhaafaan goobahoodii horre. Ciidamada Puntland waxay Tukaraq ka fadhiyaan jihooyin kala duwan, waxayna xaaladda labada dhinac dagaalkii maanta u muuqata barbar dhac ah, wallow la hadal hayo in khasaaraha ku kala badan yihiin balse jawiga galabta ka jira jiida saaka la isku fara-saarey uu degan yahay. Inta laga war hayo Puntland waxay dagaalkii maanta ku qabsatey labo baabuur oo mid ka mid ah yahay Gaari Shilko afar dhuumood ah oo dagaalkii horre Somaliland uga qabsatey Ciidanka Puntland, halka gaarigii labaad oo Beebe ah Puntland ku qabsatey dagaalkii maanta sidey xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Aaga dagaalka Isku soo wada duubo dagaalkii maanta ayaa sida la aaminsan yahay ka cuslaa dagaalkii horre inkasta oo uu ka muddo yaraa marka la isbarbar dhigo labadii dagaal ee halkaas ku dhexmarey Puntland iyo Somaliland. Aaga Tukaraq PUNTLAND POST The post Faahfaahin dagaalkii Tukaraq ee Puntland iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  8. Jilib (Caasimadda Online) – Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray in Maydka Dagaalame Kenyaan ah laga helay meel ku dhow dhismo ay Dagaalamayaasha Ajaaniibta ka deggan yihiin Xero ku taalla magaalladda Jilib. Meydka dagaalamaha oo ahaa muwaadin u dhashay Kenyaayaa laga helay kaam ku yaala degmadda Jilib ee gobolka Jubadda hoose. waxaa magaciis waxaa lagu sheegay Abdi Kimani, waxaana laga helay dhabarka dambe ee guri ay dagan yihiin Ajaanibta dhawaan loo qoray in ay Al-shabaab u dagaalamaan, sida uu qoray Wargeeska The Star ee Kenya. Warar ayaa sheegaya in Kimani uu isagu is dilay kadib sadax todobaad oo uu ku jiray xeradda cusub. “Kimani wuxuu noqday kii sadaxaad ee Dagaalameyaal shisheeye oo shan ah oo isdilay, waxaana jira tiro aan la aqoon inta ay la egtahay oo baxsaday” ayaa laga soo xigtay ilo wareed aan magacooda la shaacin. Xaalad Adag oo nololeed ayaa la sheegay in ay wajahaan dagaalameyaasha Al-shabaab ay soo qortaan taas oo ka duwan middii ay filayeen. “kuwa hadda kusoo biiray ururka ayaa ah kuwa ugu badan ee nolosha adag saameeyso xilligaan oo Al-shabaab ay la kulmayaan caqabado ay ka mid tahay daadad iyo cuduradda biyaha ka dhasha” ayaa sidoo kale laga soo xigtay isha aan la shaacin. Dhinaca kale, aBoqolaal Dagaalyahano Kenyan ah ayaa ka tirsan Xarakadda Alshabaab, kuwaasi oo badankooda ka hawl-gala Goballadda Jubbooyinka iyo gudaha dalkaasi. Inta badan Dagaalamayaasha Kenyaanka ayaa la tilmaamay inay ka tirsan yihiin Ciiddanka Jeysh Ayman oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa soo gabagabeysay dacwad loo haysto raggii ka dambeeyay weerarkii 28-kii bishii Oktoobar ee sannadkii hore lagu qaaday Hotelka Naasahablood Laba ee Muqdisho. Dhageysiga Dacwadda Raggan ayaa muddo soo socotay, Waxaana Xafiiska Xeer-ilaalinta Ciidanka Qalabka sida ay ku soo eedeeyeen saddex eedeysane inay ka dambeeyeen weerarkaas. Eedeysanayaasha ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Farxaan Maxamed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buulle oo ay qabteen ciidamada dowladda markii lasoo gaba-gabeeyay weerarkii Hoteelka Naasahablood Laba. Sidoo kale, Xafsiika xeer-ilaalinta ciidamada ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada goobjoogga ka ahaa dhageysiga dacwaddan in raggaan lasoo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaas. Waxaa eedeysanayaasha la weydiiyay su’aalo ku aaddan dacwaddooda balse waxaa la sheegay inay qirteen inay ka dhamaatay rasaasta ay weerarkaas u isticmaalayeen, waxayna dalbadeen in la cafiyo. Garyaqaannada ifaacayay raggan ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon Al-shabaab, laakiinse ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto haddii ay qirsan yihiin inay geysteen weerarkaas dadka badani ku dhinteen. Dhanka kale, intii ay dacwadu socotay ayaa waxaa la dhageystay saraakiil ciidan iyo dad shacab ah oo markhaatliyaal ahaa, kuwaasoo xaqiijiyay inay saddexdan qof geysteen xasuuq ba’an intii uu weerarku socday. Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Soomaaliya, ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qayb-galayay Dhageysiga dacwdan inay go’aanka maxkamadda dib kasoo saari doonto. Ugu dmabeyn, Weerarkii lagu qaaday Hotel Naasahablood Laba oo dhacay laba toddobaad kaddib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Isgoyska Zope, ayaa waxaa lagu dilay 17 qof oo isugu jiro siyaasiin, saraakiil, haween iyo caruur, iyadooo ay ku dhaawameen in ka badan afartan qof. PUNTLAND POST The post Maxkamad soo Gunaanaday dhageysiga Dacwadda Rag Weerar ka Geystay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Takuraq (Caasimadda Online) – Wararka maanta kasoo baxaya deegaanka Tuka-raq ee lagu muransan yahay ayaa sheegaya in dagaal uu dib uga qarxay halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidammada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo ciidammada Puntland. Ilaa hadda lama ogo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq. Taliyaha guud ee ciidammada militariga Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa BBC-da u sheegay in dagaal u dhexeeyo ciidammada Somaliland iyo Kuwa Puntland uu subaxnimadii saaka ku dhexmaray aagga laisgu khilaafsan yahay ee Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool. Taliyaha ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland inay weerar kusoo qaadeen saldhigyada ay ciidankoodu halkaas ku lahaayeen xilli ay difaac ku jireen, waa sida uu hadalka u dhigay ee. Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri-Barwaaqo ayaa sheegay in sababta loo soo wareeray tahay inay doonayeen inay ka faa’iidaysta inta lagu mashquulsan yahay daad gureynta dadkii duufaantu ku wax-yeelaysay goboladda Galbeedka. “Saakay lixdii subaxnimo ayaa ciidamada maamulka cago jiidka ah ee dawladda fadaraalka Soomaaliya isku dayeen inay soo weerarraan ciidamdaa qaranka ee uu fadhigoodu yahay jiida hore ee Tuka-Raq, iyaga oo is leh ka faa’iidaysta xilliga ay reer Somaliland dad iyo dawladba ku hawlan yihiin sabatabixinta dadkii ku tabaaloobay dufaanadii ka dhacay Somaliland”ayuu yiri Guri Barwaaqo oo ka hadlayey dagaalkii saaka dhacay Tuka-Raq. Wasiirku kama hadal khasaaraha uu dhaliyey dagaalkaasi, hasse ahaatee waxaa uu xusay uun in ay is difaaceen oo ay dib u riixeen ciidankii soo weeraray. Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidammada Somaliland ay aroornimadii saaka dagaal ku qaadeen ciidanka Puntland ee joogay Tuka-raq islamarkaaasna mas’uuliyadda weerarkaasi ay dusha u ridanayso Somaliland. Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in duullaan uu uga imaanayo dhanka Hargeysa balse ay iska difacaayaan, waa sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland. Dagaalka Tuka-raq ayaa indhawaalaba socday, labada dhinacna midba midka kale ayuu ku eedeynayaa dagaalka. Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo lagu dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka. Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo. Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta gaarey deegaano ay duufaanta ku dhuatay ee Bariga Soomaaliland ayaa si kulul uga hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Muuse Biixi ayaa sheegay in haatan ay ku mashquulsan yihiin samatabixinta dadkiii ku waxyeeloobay roobabkii duufaanta watay ee ka da’ay bariga Soomaliland laakin weerar gardaro ah lagu soo qaaday. “Anaga oo ku jirna gurmad ayaa waxaa weerar nooga yimid Soomaaliya halka Soomaali kale ay kacaawineyso,laakin waxay ahaataba waan is difaaceynaa mana jirto cid hor istaagi karta horumarka soomaaliland,dagaalka socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa jira laakin soomaaliland marwalba weey iska difaaceysaa weerraka uga yimid Soomaaliya ayuu yiri Muuse Biixi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. The newest hope for a Democratic resurgence in the Deep South, Stacey Abrams, won her party’s nomination for governor of Georgia this week in a walk — with a 53-point margin, a massive voter turnout and a campaign victory speech that recalled the optimism of Barack Obama’s first presidential campaign. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shalay Galab Waxay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Viat is rasaaseyn ku dhex martay ciidamada Nabadsugidda ee halkaas koontaroolka ku leh iyo Ilaalada Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur. Sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, Xildhibaanka ayaa watay gaari Cabdi Bile ah oo ay saaran yihiin ciidan iyo gaari aysan karin Xabadda. Waxaa ugu horreeyey gaariga Cabdi Bilaha ah oo si xooli ah ku dhaafay Koontaroolada Ciidamada Nabadsugidda waxayna arrintaas keentay inay ciidamada halkaas joogay rasaas ku furaan, waxayna rasaasta socotay xoogaa. Markii la is rasaaseeyey kadib, Xildhibaanka oo saarnaa gaariga aysan Xabadda karin isla markaasna daba socday gaariga Cabdibilaha ah ayaa ciidamada u sheegay inuu gaarigaan yahay mid isaga la socdo isla markaasna uu yahay Xildhibaan ka tirsan dowladda. Kadibna waxaa sidaas ku istaagtay rasaastii socotay, waan waan iyo is afgarad kadib waxaa loo ogolaaday Xildhibaanka iyo ilaaladiisa inay meesha ka gudbaan. Wararka qaar ayaa sheegayo in is rasaasseyntaas ay ka dhalatay 3 dhaawac ah oo laba mid ah ay yihiin ciidamadii Nabadsugidda ee koontaroolkaas ku sugnaa halka midka kalana uu ahaa ilaalada Xildhibaanka. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ayaa sheeg in si bareer ah loo beegsaday. Sidoo kalana Weli dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin falkaas dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo taleefoonka kula hadlayey qurba Joogta Beesha Sool clan ee ku sugan debadda ayaa laga duubay cod sir ah oo ku saabsan dagaalka ka socdo Takuraq ee u dhaxeeyo Maamulada Puntland iyo Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey ayaa ugu horeyn codka laga duubay ku sheegayo inay Puntland dagaalkaan diyaarinaysay waqti ku dhow 5 bil isla markaasna lagu bixiyey qarash aad u badan. Wuxuu sheegay inay Puntland ka go’an tahay sidii ay u qabsan laheyd laascaanood muddo 7 Berri, wuxuuna sheegay in markaas ay Sool clan talada wax ku lahaan doonto. Wuxuu Beesha Sool clan ku eedeeyey inay ka jiifto dagaalkaan isla markaasna aysan ku laheyn ciidan badan iyo dhaqaale midne. Camey ayaa Sool clan u sheegay in laga fiican yahay inay tolkooda ka baxaan sida uu hadalka u dhigay isagoo u sheegay inay dad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka yar yihiin daarood intiisa kale, sidaas darteedna loo baahan yahay inay tolkooda wax la qeybsanadaan. Mar uu ka hadlayey khasaaraha Sool clan kasoo gaaray dagaalkaan ayuu ku sheegay in inta uu ogyahay ay dhinteen ilaa 2 askari oo beeshaas kasoo jeedo isla markaasna uu mid kale dhaawac culus qabo kaasoo loo qaaday Magaalada Muqdisho. Camey ayaa Beeshiisa ku calaacalay isagoo ka codsaday inay dagaalkaan uga qeyb qaataan naf iyo maal isla markaasna dadka debadda joogo ay isku soo daraan lacago xataa haddii ay ahaato Toban Dollar qofkiiba. Wuxuu tilmaamay in dagaalkaan uu noqon doono midkii Qarniga isla markaasna ciddii aan ka qeyb qaadan ay la mid tahay nin ka qaday dhaxalka aabihiis. Beesha Sool clan ayuu ka codsaday inay dagaalkaan u midoobeen rag iyo dumar, wuxuuna si gaar ah u sheegay in xaaladahaan camal loo baahan yahay Haweenka isla markaasna loo dhiibo lacagta iyo saadka. Wuxuu Somaliland ku eedeeyey inay dagaal toos ah kusoo qaaday Sool clan iyo Darood intiisa kale, midaasna ay aheyd muddo badan mid ay ka gambanayeen balse ay hadda banaanka soo dhigeen. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka laga duubay Camey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaal saakay Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Muuse Biixi oo socdaal ku maraya deegaanada ay abaaraha ku dhufteen ee bariga Somaliland ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya iyo Puntland ay weerar ku soo qaadeen sida uu hadalka u dhigay. “Anaga oo ku jirna gurmad ayaa waxaa weerar nooga yimid Soomaaliya halka Soomaali kale ay kacaawineyso, laakin waxay ahaataba waan is difaaceynaa ,dagaalka socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa jira laakiin Somaliland marwalba wey iska difaaceysaa weerarka uga yimid Soomaaliya” ayuu yiri Muuse Biixi. Dagaal xoogan ayaa markale saaka ka dhacay Tukaraq kaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan. Hoos ka dhageyso codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Muuse-biixi-Cabdi.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muuse Biixi “Weerar ayaa dhinac walba nooga socdo” appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay buuxiyay xilalkii Wasiirada ee ka banaanaa Golihiisa Wasiirada, kuwaasoo qaarkood dhowr bilood banaanaa. Wasiirada, Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada la magacaabay ayaa gaarayay illaa 13 Wasiir, waxaa la sheegayaa in 12 ka mid ah ay yihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. Waxaa ay kala yihiin 6; Wasiir,5; wasiir ku xigeen iyo labo wasiiru dowle,kuwaas oo ka mid noqonaya xukuumadda Xasan Cali Kheyre. Wasiirrada waxaa ka mid ah Xamze Siciid Xamze oo loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka,waa Xildhibaan,waxaana uu kursiga ka beddelay Maryan Qaasim oo Bishii November ee sanadkii hore iska casishay xilkaas. C/Rashiid Maxamuud Xasan,waa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musoobiiyinka,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq Cali,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya. Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya. Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga,waa Wasiirka ugu da’da yare e wasaaraddan soo mara,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya. Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta,waxaa uu ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga,waana Ninka kaliya ee aan ku jirin Golaha shacabka Wasiirrada xalay la magacaabay. C/casiis C/llaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, waxaa uu iska casilay wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,waxaa uu ahaa ninka 3aad ee ugu codka badnaa doorashadii guddoonka Golaha shacabka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka. C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya. Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya. Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga,Waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya. Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya. C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta,waxa uu ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,waana xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka. Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.. Maxaa cusub?. 13; ka Wasiir ee la magacaabay kuma jiro Qof Haween ah,waxaana ay tani saameyn taban ku leedahay saamiga Siyaasadda Haweenka ee 30%. Safaaradaha Soomaaliya ee banaan waxaa ay ahaayeen 12; Safaaradood hadda waxaa ay noqonayaan 13,waxaana ku biiraya Safaaradda Sucuudiga ee uu ka soo tagay Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka War faafinta. Wasiirradii isu casilay rididda Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaa ka soo laabtay hal wasiir oo ah C/Casiis Lafta Gareen. Wasiirkii Howlaha Guud Saadaq Cabdullahi Cabdi waa wasiirka kaliya ee la eryay,waxaa uu xilkan hayay 9; bilood oo kaliya,waxaa uu beddelay Cabaas Sheekh Siraaji oo 3dii May 2017 lagu dilay Muqdisho,waxaana hadda lagu beddelay C/Fitaax Geeyseey. Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ay yeelatay Wasiirkii saddexaad muddo sanad iyo bil ah,waxaana ay tahay Wasaaradda ugu badan ee la isu beddelay Xukuumadda Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. MOGADISHU (HOL) - Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire has nominated thirteen individuals to fill the vacant Cabinet slots on Thursday morning. Source: Hiiraan Online
  17. BUSAN, Republic of Korea -- The Government of Korea and the African Development Bank have issued a Joint Declaration following the conclusion of the Ministerial Roundtable of the Korea-Africa Economic Cooperation (KOAFEC) Source: Hiiraan Online
  18. Kulankaan oo saaka ka furmay Xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa waxaa looga hadlayey furitaanka wejiga saddexaad ee dib u casriyaynta iyo dib u qaabaynta hay’adaha dawladda iyo wasaaradaha dawladda ee aan qaybta ka ahayn labadii weji ee hore. Wasaaradaha dib u eegista lagu samaynayo ayaa waxaa kamid ah Wasaaradaha kala ah Dastuurka, Warfaafinta, Caddaaladda, Duulista Hawada, Ganacsiga iyo Wasaaradda Dib udhiska sidoo kale waxaa kamid ahaa hay’adaha kala ah Hay’adda Biyaha, Waddooyinka, Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud iyo Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda. Ujeedada laga leeyahay barnaamijkaan ayaa ah tayaynta hay’adaha dawladda ee aan markiii hore nasiibka u yeelan in dib u casriyayn lagu sameeyo si’ay uga faa’iideystaan mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland. Hore ayaa dib u qaabayn iyo dib u casriyayn waxaa loogu sameeyey dhowr iyo toban hay’adood oo kamid ah hay’adaha dawladda kuwaas oo muujiyey isbeddello mugle oo dhanka tayada shaqaalaha iyo midda shaqadaba la xiriirta ah kadib markii lagu sameeyey dib u casriyaynta. The post Qaybo kamid ah hay’adaha dawladda Puntland oo dib u casriyayn lagu samaynayo appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa waxaa kusii kordhaaya dilalka iyo Qaraxyada ay sida wada jirka ah u geysanayaan maleeshiyaadka Daacishta Somalia iyo Al-Shabaab. Dilalka ka dhaca Muqdisho ayaa u kala qeybsama kuwo xiliyada la fulinaayo laga qaado Sawirro, halka dilalka kale ay yihiin kuwo caadi ah, oo ay fuliso al-Shabaab. Al-Shabaab iyo Daacish oo kusii xoogeysaneysa Somalia ayaa u muuqanaaya kuwo ku tartamaaya daadinta dhiiga shacabka, iyadoo uu mashruuca yahay mid lagu tartamaayo shacabka. Loolanka labada maleeshiyo Kooxeed oo kusii xoogeysanaaya Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo deegaanada Puntland ayaa waxaa laga dhexli karaa qodobada kala ah: 1-Iyadoo Koox waliba ay dooneyso inay ka dheereyso Kooxda kale ayey sameyn doonaan dhagaro dhiig badan uu ku daato. 2-Qaraxyada oo kordha, iyadoo ay suuragal tahay in Koox waliba ay sameyso kuwo gaara oo lagu aqoonsan doono, Tusaale sida dilalka iminka nagu cusub oo ay Daacish-ta Somalia ka geysato Muqdisho, kuwaa oo laga qaado Sawirro. 3-In labada Maleeshiyo Kooxeed ay ku tartamaan qabsashada deegaano hor leh oo taariikhi ah iyo labaduba ay u kala hormaraan degista keymo hor leh. 4-Inay dhacaan weeraro iyo dagaalo goosgoos ah oo gudaha iyo Goboladuba ku dhexmara al-Shabaab iyo Daacishta Somalia, iyadoo ujeedku uu noqon doono in Koox waliba ay ku awood sareyso dalka. 5-Inay dhacaan dilal ay isku ugaarsan doonaan labada Maleeshiyo kooxeed, gaar ahaan labada Amniyaad, waxa ayna ku loolamayaan dhiiga shacabka ee sida sahlan ku daadanaaya. 6-In labada dhinac uu dhexmaro dagaalo taariikhi ah si Koox waliba ay uga awood sheegato Kooxda kale, waxaana suuragal ah inay kala qeybsadaan dalka oo Koox waliba looga danbeeyo jiho gaara. 7-In Qaraxyada ka dhaca Muqdisho iyo Gobolada qaar loo bedelo gaadiidka waaweyn sida kuwa xamuulka IWM, maadaama maleeshiyaadka Daacish looga bartay inay geystaan Qaraxyo ka duwan kuwa ay fuliyaan xagjiriinta kale. 8-In lagu diimo Qaraxyada loo isticmaalo gaadiidka yaryar ee raaxada sababo la xiriir is muujinta Koox waliba. Daacishta Somalia ayaa u muuqaneysa inay laba jibaarayaan falalka amni darro ee kadhaca magaalada Muqdisho, sida dilalka iyo Qaraxyada fudud. Al-Shabaab ayaa iyana geysata sida caadaduba aheyd dilal iyo Qaraxyo lala eegto dadka maatida ah si ay u muujiyaan magacooda, wallow aysan awood ku dhameen ciidamada Qaranka. Si kastaba ha ahaatee, loolanka labada Maleeshiyo Kooxeed ayaa cuuryaamin kara awoodaha dowlada Somalia maadaama dowladu ay tahay mid yareysaneysa halista labada Koox ay ku yihiin dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. War-murtiyeed ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Farmaajo weerar ku soo qaaday ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidda hore ee degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Wasiirka Warfaafinta Somaliland,Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax(Guri-barwaawo) ayaa sheegay in ciidamada Farmaajo ay weerarka u soo qaadeen,si ay uga faa’idaystaan inta Somaliland ku mashquulsantahay gurmadka dadkii ku waxyeelloobay duufaanta. “Saaka Abbaaro lixdii Aroornimo ayaa ciidamada cago-jiidka ah ee maamulka Farmaajo uu mar kale isku dayay inuu weerar ku soo qaado xuduudaha iyo ciidamada Somaliland ee fadhigiisu yahay Tukaraq, mar naba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan” ayaa War-saxaafeedka lagu yiri. Guri-barwaaqo ayaa sheegay in Farmaajo uu dagaalka ka soo qaaday saddex aag oo kala duwan sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna tilmaamay in aysan Somaliland marnaba filayn bisha barakaysan ee Ramadaan in dagaal lagu soo qaaday. PUNTLAND POST The post Somaliland oo Farmaajo ku eedaysay dagaalka Tukaraq . appeared first on Puntland Post.
  21. More than 50 people have died in Somaliland, livestock has been wiped out and hundreds of farms destroyed by heavy rains and floods caused by a tropical cyclone that hit the Horn of Africa, officials and aid agencies in the breakaway Somali region said. Somaliland broke away from Somalia in 1991 and operates as an independent state but has not won international recognition. “The death toll from the cyclone is so far over 50 people,” vice president Abdirahman Abdullahi Ismail told reporters late on Tuesday in Somaliland’s capital Hargeisa. “(The) death toll may rise because there are other people who are still missing.” Tropical cyclone Sagar made landfall on Saturday in north-western Somaliland and Djibouti, three days after it formed in the Gulf of Aden, according to the U.N. Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA). UNOCHA said 669,000 people have been affected in Somaliland, giving a toll of 25 people so far confirmed dead and 27 missing, with numbers likely to rise as information arrives from areas that are now inaccessible. Two people were confirmed dead in Puntland, a semi-autonomous northeastern region of Somalia, and another two in Djibouti, UNOCHA said. “80 per cent of livestock in affected areas were killed. Reports indicate that some 700 farms have been destroyed in Somaliland,” UNOCHA said. Conflict in the disputed regions of Sool and Sanaag was making it harder to reach some flood-hit areas, UNOCHA said earlier this week. Drought dating back to 2015 has made the regions prone to flash flooding after rain. Vice president Ismail said assistance from the United Arab Emirates had allowed authorities to reach affected areas and bring emergency food. “Using the two helicopters UAE helped us with, we have reached today Lughaya and Baki towns which were hit by the cyclone,” he said. “There are other far areas we flew over but could not land and reach because of floods.” The UAE is an important aid provider for Somaliland, where a firm owned by the gulf state has pledged up to $440 million to develop the breakaway’s region port of Berbera. Speaking separately, Somaliland’s president Musa Bihi said the region needed emergency help: “Over 600 people lost their homes, animals and farms,” he told students in Hargeisa. Since the beginning of the rainy season in Somalia in March, riverine and flash floods have caused fatalities, massive displacement and damage to infrastructure and cropland. An estimated 772,500 people have been affected by flooding and more than 229,000 are displaced, UNOCHA said. After a severe drought last year, East Africa has been hit by two months of heavy rain, affecting nearly a million people in Kenya, Somalia, Ethiopia and Uganda. Source: – Reuters
  22. Fighting between forces loyal to Puntland State and the breakaway Somaliland escalated in the disputed region of Sool in northern Somalia. The battle which broke out early Thursday morning in Tukaraq town is reported to be ongoing. Reports say both armed factions from Puntland and Somaliland are engaging in heavy artillery fire as hundreds of the residents started fleeing from their homes. Leaders from both sides have traded accusations over the conflict. The clashes come barely ten days after over 20 combatants from both sides were killed and dozens other sustained injuries in Tukaraq town following fierce fighting. Source Hol
  23. "I had my baby last night," she said after walking across the stage. "I'm so happy." Source: Hiiraan Online