Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sudan and Qatar on Monday signed a $4-billion agreement to develop the former Ottoman port city of Suakin in northeastern Sudan. “The agreement was signed in line with instructions of the leadership in both countries on the necessity to boost joint cooperation in the fields of transport and communications,” Sudanese Transport Minister Makkawi Awad told reporters. “We seek to establish twinship between the ports of Suakin and Hamad” in Qatar, he said. The cost of the project’s first phase amounts to $500 million and will be completed by 2020. On Sunday, Sudan unveiled the agreement to develop the Red Sea port, following talks with Qatari Minister of Transport Jassim bin Saif al-Sulaiti in Khartoum. According to Awad, Khartoum will get 51 percent of the project’s returns while Doha will receive 49 percent. “This project aims to get the Suakin port play its vital economic role as a gateway to Africa,” he said. The port of Suakin is Sudan’s second largest port after Port Sudan in northeastern Sudan. Al-Sulaiti, for his part, said Doha will send Qatari ships next month to Port Sudan with a view to reviving trade exchange between the two countries. The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) started restoration works on Suakin Island after President Recep Tayyip Erdoğan requested an immediate restoration of the historically-significant island during a visit to the country in December. Suakin, one of the oldest seaports in Africa, was used by African Muslims who set out for pilgrimage to the holy city of Mecca in Saudi Arabia. The Ottomans used the port city — which was under Ottoman rule between 1555 and 1865 — to secure Hejaz province — present-day western Saudi Arabia — from attackers in the Red Sea Source: – Daily Sabah
  2. Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction of a United Arab Emirates (UAE) military base in Somaliland. Speaking at the Security Council on Tuesday, Abukar Osman, Somalia’s ambassador to the UN, said the agreement between Somaliland and the UAE to establish the base in the port city of Berbera is a “clear violation of international law”. Osman also called on the Security Council to “take the necessary steps” to “put an end to these actions”. “The Federal Government of Somalia strongly condemns these blatant violations, and reaffirms that it will take the necessary measures deriving from its primary responsibility to defend the inviolability of the sovereignty and the unity of Somalia,” he added. The UAE began construction of the base last year, under an agreement with officials in Somaliland, a northern region of Somalia that self-declared independence from the latter in 1991 following a civil war. Earlier this month, the UAE said it would train Somaliland security forces, including the police and the military, as part of the deal. The UAE is simultaneously investing in developing the port itself, which is strategically located close to Yemen, where UAE troops have been fighting as part of a Saudi-led military coalition against Houthi rebels since 2015. DP World, the world’s fourth-largest port operator based in Dubai, said in 2016 it would invest as much as $442m to develop the Berbera port. The deal also includes the government of Ethiopia, which took a 19 percent stake in the port. Osman’s statements come after Somalia’s parliament voted to ban DP World from operating in the country and rejected the development venture. Somaliland, however, said the vote would not affect the agreement. DP World has been facing several problems in its contracts in the region. Last month, neighbouring Djibouti terminated its deal with the company to run a container terminal. The government of Djibouti said that the contract to run the Doraleh Container Terminal (DCT) between the two parties was damaging the sovereignty of the country. Source: AlJazeera
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax ka dhacay wado xiriirisa magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo xiliga uu Qaraxa dhacaayay kusii jeeday howlgalo. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inay aaseen maleeshiyaadka al-Shabaab. Khasaare dhaawaca ah ayaa soo gaaray Ciidamada qaraxa lala eegtay, ilaa Shan Askari ayaa dhaawacmay, halka ku dhawaad afar kalane ay ku dhinteen Qaraxa. Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili Ciidamada Dowladda Federaalka ay shalay Gobolka Hiiraan ku soo bandhigeen Saanad Millitari oo ay sheegen in ay ku qabsadeen dagaal ay la galeen ururka Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (PP) ─ Isbahaysiga xukuma Itoobiya, ayaa doortay hogaamiye cusub oo ka dhashay qoomiyadda Oromo oo ku dhawaad muddo saddex sanadooda ahaa dadka ugu badan ee waday mudaharaadyo dawladda lagaga soo horjeedo. Abiy Ahmed ayaa helay in ka badan 60% codadkii la dhiibtay, sida ay faafisay warbaahinta dawladda xidhiidhka la lihi. Doorashadaasi waxay dhabbaha u xaadhaysaa sidii uu xilka ra’isal wasaarenimo ugala wareegi lahaa Hailemariam Desalegn oo bishii hore is casilay. Waxaana dalka lagu soo rogay xaalad degdeg ah maalintii ka dambaysay markii uu is casilay. War laga sii daayay idaacadda xukuumadda ayaa sheegtay in xaaladda deg-degga ahi ahayd ma huraan lagu xakamaynayo mawjadaha mudaharaadada ah ee dawladda lagaga soo horjeedo ee dalka oo dhan ka kacsanaa ilaa 2015, kuwaas oo ay sababeen arrimo door ah oo ay shacabku tabanayeen. Waxa jirta rajo ah in isbedelka hogaanka sare suurto gelin doono in wax laga qabto tabashooyinkaa qaarkood. Haddaba waa kuma hoggaamiyahan cusub ee la doortay. Abiy oo loo arkayey inuu ahaa ka ugu cadcad ragga tartanka ugu jiray buuxinta jagada uu banneeyey ra’isal wasaarihii is casilay, waa hogaamiyaha xisbiga Oromo People’s Democratic Organization (OPDO) oo ah mid ka mida afarta xisbi qawmiyadeed ee uu ka koobanyahay isbahaysiga talada dalka haya ee Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF). Dadka falanqeeya siyaasadda waxaya ku sheegaan inuu yahay siyaasi fiiro dheer oo aqoon ciidan iyo mid tacliineed oo heer sare ah leh. Wuxuu ku dhashay magaalada Agaro ee gobolka Oromia oo waxa dhalay qoys iskugu jira Masiixiyiin iyo Muslimiin. Waa 42 jir waxaanu xisbiga OPDO ku biiray dabayaaqadii sideetameeyadii. Wuxu galay ciidanka oo waxa uu ka gaadhay darajada Kornayl, sidoo kale waxa uu ka mid noqday ciidamo nabad ilaalineed oo Ethiopian ah oo Qaramda Midoobay u dirtay Rwanda. Wuxu ahaa ninkii aasaasay isla markaana agaasimaha ka noqday wakaaladda nabad gelyada internet-ka ee dalka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2012, ka dibna waxa uu noqday wasiirka Sayniska iyo Tiknoolajiyadda. Dad badan baa waxay u arkaan in uu yahay qof hadallo cadcad oo karti leh, gaar ahaan dhinaca hogaaminta dad isku wadka leh. Waxa la rumaysanyahay in Abiy uu taageero wayn ka haysto dhalinyarada Oromada iyo sidoo kale qoomiyadaha kale. Ugu dambeyn, Dadka dhaliilaa se waxay leeyihiin maadaama oo uu xubin keliya ka yahay isbahaysiga talada haya, awood u yeelan maayo in uu is-bedellada badan ee dadka mudaharaadayaa doonayaan meel mariyo. PUNTLAND POST The post Waa kuma Hogaamiyaha cusub ee loo doortay inuu hoggaamiyo Xisbiga Xukuma Itoobiya? appeared first on Puntland Post.
  5. 34 ka mid ah Shaqaalihii maamulaayay Hawada Soomaaliya oo ku sugnaa magaalada Nayroobi ayaa maanta soo gaaray Garoonka Diyaadaha ee Magaalada Muqdisho , Shaqaalahan ayaa Hawada Soomaaliya ka maamulayay Magaalada Nayroobi Mudo ku siman 27 Sano, waxayna si toos ah wixii hada ka dambeeyay ay Hawada soomaaliya ka maamuli doonaa dlkeenay Hooyo. Daba yaaqadii sanadkii tagay ee 2017kii ayay ahayd markii Soomaaliya ay la soo wareegtay maamulka Hawada , kadib Munaasibada lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo uu ka soo qayb galay Madaxweyne Farmaajo. Halkan kadaawo.
  6. Ciidamada Amniga ee Gobolka Mudug ayaa maalmahan waxa ay wadeen Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga magaalada Gaalkacyo . Ciidamada ayaa Howlgaladan waxa ay ka sameeyeen dhamaan Xaafadaha ay magaalada ay ka koo bantahay ,waxayna ku soo qab qabteen dhalinyaro falal Amni daro kawaday magaalada Gaalkacyo. Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug Axmed Cismaan Cali ayaa sheegay in Howlgalo oo laba jibaar ah ay Ciidamada ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ayna noqon doonaa kuwo joogto ah. Waxa uu sheegay in howlgalkan looga golahaa xaqiijinta Amniga iyo ka hortaga falal Amni daro. Taliyaha ayaa fariin udiray Waalidiinta dhashay dhaliyarada Mobilada furata xiliyada habeenkiiya , wuxuna sheegay in ay jiraan Waalid marka Caruutooda lagu soo qabto fal Amnidaro Saldhiga uga daba yimaada iyagoo ku andacoonaya in uusan wax dambi ah galin . Halkan ka dhagayso. Taliyaha qaybta Gaalkacyo
  7. Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Sadax dhalinyaro ah oo saxiibo ah Qaraxa loogu Xiray Gaari yar oo nooca raaxada ah oo ay wateen xili ay marayeen laamiga Zoobe. Dad goob jooge yaal ah ayaa Puntlandi u sheegay i Qaraxan laga maqlay Xaafado ay kamid yihiin Waabari, Wadajir iyo Howlwadaag. Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah dhalinyaradii Gaariga Qaraxa loogu xiray, waxaana goobta uu Qaraxa ka dhacay soo gaaray durbadiiba Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay Qaraxyada dadka loogu dhajiyo Baabuurta ayaa mudooyinkii udambeeyay waxa ay ku soo badanayeen Magaalada Muqdisho waxaana Qaraxyo noocan ookale ah lagu dilay Mas,uuliyiin dowladda ka tirsan iyo Xildhibano. Al-shabaab ayaa intabadan Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdsho looga bartay in ay fuliyaan ,mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo dahnkooda ka soo baxay .
  8. Sudan and Qatar on Monday signed a $4-billion agreement to develop the former Ottoman port city of Suakin in northeastern Sudan Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhaco qarax . Wararka hordhaca ah oo ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu ahaa qaraxaas mid lagu xiray gaari uu lahaa qof. Gaarigaan ayaa la sheegay inuu ahaa nooca raaxada wuxuuna marayey laami yaraha Soobe ee Degmada Wadajir. Illo xog ogaal ah ayaa Caasimadda u xaqiijiyey inuu gaarigaas watay mid kamid ah Shaqaalaha Hey’adaha Samafalka. Waxaa qaraxaas ku dhaawacmay mid kamid ah Shaqaalaha ICRC oo saarnaa gaarigaas, waxaana gubtay gaariga guud ahaantiisa maadaama qaraxa lagu xiray uu ahaa mid culus. Sidoo kale wararka ayaa sheegayo inuu qarax ku dhaawacmay qof kale oo ninkaan gaariga la saarnaa, waxaana hadda dagan meesha uu qaraxa ka dhacay. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana meesha laga qaaday dadkii ku dhaawacmay Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiineynaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo maanta ka hadlay bandhig ku saabsan shaqooyinka oo Garoowe laga daah-furay, ayaa dowladda Puntland iyo shirkadaha ganacsiga ugu baaqay in ay sameeyaan qorshe cad oo lagu badbaadinayo mustaqbalka dhalinyarada waxbartay ee shaqo la’aanta. Mudane.Cali Xaaji oo soo xiganaya diraasad laga sameeyay heerka shaqo-la’aanta ka jirta degaannada Puntland,ayaa sheegay in dhalinyarada Puntland ee waxbartay 30% keliyah ay shaqeeyaan,isagoo da’yarta ku dhiirri-geliyay in aysan marnaba yasin shaqooyinka hoose ee lagu meel-gaaro. Siyaasigaan ayaa sidoo kale dhalinyarada ku boorriyay in ay hirgeliyaan hal-abuur ganacsi,si ay shaqo-la’aanta uga baxaan,taasoo uu sheegay in aanay ku xirneyn lacag badan,balse ay u baahantahay ka go’naan shakhsi. Dhinaca kale Cali Xaaji ayaa ka digay,in haddii aan dhalinyarada shaqo-abuur loo samayn ay halis weyni ka imaanayso,islamarkaana ay ka faa’idaysan doonaan dhinacyo kale ama ay badda ku dhammaanayan. “Waxaan idiin sheegaya,waxaan ku fadhinaa miino qarxaysa,miinadaas meel ay nala aadayso ma naqaan. Ma badda ayey ku dhammandoonaan? Ma cid kale ayaa ka faa’idaysan doonta?” ayuu yiri Xaaji. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Cali Xaaji Warsame”Waxaan ku fadhinaa miino qarxaysa” appeared first on Puntland Post.
  11. Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Ambaasadoor Abuukar Cismaan oo ka hor hadlay Golaha ammaanka ee QM, ayaa waxa uu ka codsaday in ay tallaabo ka qadaan dowladda Isu Taga Imaaraadka oo uu sheegay Ambaasadoorku in si qaawan ay ugu soo duushay uguna xad gudubtay madax baanida Soomaaliya, kadib markii ay heeshiis sharci darro la gashay Maamulka Soomaaliland. Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Ambaasadoor Abuukar Cismaan oo ka hor hadlay Golaha ammaanka ee QM, ayaa waxa uu ka codsaday in ay tallaabo ka qadaan dowladda Isu Taga Imaaraadka oo uu sheegay Ambaasadoorku in si qaawan ay ugu soo duushay uguna xad gudubtay madax baanida Soomaaliya, kadib markii ay heeshiis sharci darro la gashay Maamulka Soomaaliland. Waxa uu sheegay Ambaasadoorka in Imaaradka arinta lagu ciqabo maadaama ay ku soo xad gudbeen dalka Soomaliya Qawaaniintii udagsanayd . Imaaradka Carabta ayaa Caasimada Soomaaliya iyo Gobolada dalka waxa uu ka fuliyaa Mashaariic ay dowladda ku taageeraan, taas oo ay ka midyihiin Tababaro iyo maalgalin ay siiyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka. 1-dii Bishani March ayey ahayd markii dowladaha Imaaraadka, Ethiopia iyo maamulka Soomaaliland ay wada gareen Heshiis Sadax geesood ah oo lagula wareegay dhismaheeda dekeda Ber bera.
  12. Hogaamiyaha Waqooyiga kuuriya Kim Jong Un ayaa maanta waxa uu qiray in uu diyaar uyahay ama uuba meesha uu ka saaro halista hubka Nuklerka hadii kuuriyada Waqooyi iyo Maraykanka ay bixiyaan jawaab wanaagsan ,sida ay sheegeen Madaxda dalka Shiinaha. Hogaamiye yaasha ayaa balan qaaday in Gacanka kuuriya laga joojinayo halista hubka wax gumaada ee qatarta ah. Kim Jong Un Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa hadalkan ka sheegay booqasho rasmi ah oo uu kutagay dalka Shiinaha. Wakaalada Wararka ee Shiinaha ayaa sheegatay iyadoo soo xiganaysa Madaxda dalkaasi shiinaha ,hadii kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ay si saaxiib tinimo ah uga jawaabayaan dadaalka ay wado kuuriyada warooyi in lasoo Afjari karo Xiisada ka dhex alosan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi. Madaxa Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Xukuumada Shiinaha ay la soo xiriirtay ayna usheegeen Booqashada uu Kim Jong Un uu ku joogo dalkaasi shiinaha.
  13. Shir ay ku yeesheen dalka Maraykanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxa ay ku meel mariyeen waqti kor dhinta loo sameeyay Xafiiska Siyaasada ee jimciyada Qurumaha ka dhexaysa ee UNSOM. Golaha ayaa isku raacay in muddada uu Xafiiska uu shaqaynayo lagaarsiiyo ilaa iyo 31 bisha March 2019 ,siloo dar dargaliyo howlaha Xafiiskaasi uu u hayo Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Barnaamijyada hor-umarineed ee Hay,adaha Dastuuriga ah ee dalka . Soo jeedinta Qaraarkan ayaa waxaa lahayd dowladda Ingiriiska maadama Xafiskan shaqadiisa ay ku ekeed sanadakan 2018ka,balse waxaa muuqatay in ay jirto baahi looqbo in Xafiiskan mudada loo kordhiyo si loo dhamaystito howlaha harsan. kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu amaanay dowladda Soomaaliya dadaalada ay samaysay . Xafiiskan siyaasada ee Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa waxaa loogu talagalay in dowladda uu ka taageero dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha, Dibudiska iyo dib uheshiisiinta dalka , waxaana Xafiiskan la Aasaasay sanadkii 2013kii. Puntlandi.com .
  14. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray shaqaalihii ka shaqeynayay Hay’adda maamusha hawada Somaliya ee ICAO iyada oo ay maanta kaddib ku shaqeyn doonaan Magaalada Muqdisho. Wasiirka duuliska Hawada ee xukumada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar oo horkacayay mas’uuliyiin soo dhoweysay shaqaalahan oo tiradooda lagu sheegay inay gaareysay 34 ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo guul ay u tahay Dowlada Soomaaliya, isla markaana Muqdisho maanta ay keeneen 34 ka mid ahaa shaqaalihii ka shaqeynayay xafiiskii maamulayay Hawada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Wasiir Omaar waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in ugu dambeyn maamulka Hawada Soomaaliya laga maamulo Muqdisho,iyada oo dhamaadkii sanadkii hore la soo wareejiyay qalabka maamulka Hawada xariggana uu ka jaray Madaxweyne Farmaajo. Waxa uu tilmaamay wasiirka shaqaalahan ay Nairobi ku shaqeynayeen tan iyo sanadkii 1993-kii, haatanna ay Muqdisho si rasmi ah ugu shaqeyn doonaan. Maamulka Hawada ayuu sheegay in sidoo kale weli laga sii maamuli doono magaalada Nairobi inta ay xarumo kale ka dhisayaan gudaha dalka, si haddii meel ay wax ku yimaadaan meesha kale usii shaqeyso. Dhanka kale, wasiirka ayaa tilmaamay in ay jiraan arday u diiwaangishan si tababar loogu soo siiyo qalabka maamulka hawada, ka wasaarad ahaanna ay dedaal badan bixinayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. London (Caasimada Online) – Xildhibaannadii ugu dhallinta-yareyd Britain ee taariikhda lasoo doorto ayaa si lama filaan ah u geeriyoortay. Clarissa Slade, oo 21 sanno jir aheyd, lana soo doortay sannadkii 2015kii, markaasoo ay aheyd 18 sanno jir, si ay u matasho degaanka Tiverton, ayaa waxay aheyd xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Conservative-ka Britain. Si kastaba ha ahaatee, meydkeeda ayaa laga soo helay gurigeeda oo ku yaalla Winchester, degaankaasoo ay Jaamacad ka dhiganeyd, waxaana meydkeeda helay shaqsi ay isku guri deganaayeen. Aabaheed Colin Slade ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay naxdin ku noqotay geerida ku timid gabadhiisa, oo uu ku sheegay mid dooneysay inay saameyn weyn ku yeelato siyaasadda UK. Illaa haatan lama garanayo sababta ay u dhimatay Xildhibaanad deegaankii ugu dhallinta-yareyd taariikhda Britain. Dhanka kale, afhayeen u hadlay Jaamacadda University of Winchester ayaa sheegay inay naxdin qoto-dheer ku noqotay geerida ku timid Clarissa Slade. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  16. Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta shir gudoomiyay shir ku saabsanaa tubta hor-umarinta Adeegyada Bulshada iyo habka ay iskla jaanqaadi karaan shaqaalaha Wasaaradaha dawladda ,si adeeg hufan loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed. kulankan ayaa daba socday kulan ay dhawaan yeesheen gudiga farsamada ee dowladda Soomalaiya , waxaana diirada lagu saaray Barnaamijyada lagu hormarinayo arimaha Bulshada ay ubahantahay. Wasiirada ayaa mid mid loo waydiiyay in ay ku qanacsanyihiin Qorshayaasha ay soo gudbiyeen , waxana wasiirada ay farta ku fiiqeen baahiyaha jira iyo sida ay suurtagal utahay in siwada jir ah loo wajaho caqabadaha Bulsheed ee shacabka haysa , taas oo Xukuumada looga fadhiyo in ay wax ka qabato muqtaqbalka dhaw. Ra’iisulwasaare ku xigeenka mudane Guuleed ayaa sheegay in jadawal hooleedka isla xisaabtanka uu yahay geedi socodka lagu fudu deenayo lasocdka shaqada ku qeexan tuba horumarinta Arimaha bulshada oo ay wada leeyihiin Hay,adaha qaybta ka ah iyo Gudi howleedka golaha Wasiirada ee arimaha Bulshada uxilsaaran. Xafiiskan Ra’iisulwasaaraha ayaa si joogta ah ula socon doonaa xaqiijinta iyo daba galka in qorshe howleedkii bulshada ay uqabsoomeen sidii loo baah naa.
  17. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka dib ugu soo laabteen in ka badan 30 ka mid ah shaqaalihii maamulka hawada Soomaaliya oo horey saldhiggoodu u ahaa dalka Kenya. Bishii Diisambar ee aynu soo dhaafnay ayaa dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay dib ula wwareegtay maamulka hawadeeda oo ka maqnayd gacanta dawladda tan iyo sannadkii 1993-kii. Muqdisho waxaa warbixintan nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste. Read More
  18. Beijing (Caasimada Online) – North Korea iyo Shiinaha ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuu hogaamiyaha mayalka adag Kim Jong-un soo booqday caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha. Sidaas darteed, Mr Kim ayaa markii ugu horreysay safar ku tegay dal ajnabi ah tan iyo markii uu taliska Waqooyiga Korea la wareegay sannadkii 2011kii. Wakaalada wararka China ee Xinhua ayaa ku warameysa inuu Kim Jong-un wadahadallo guulo laga gaaray la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Shiinaha ayaa isbahaysi xoog leh oo dhanka dhaqaalaha ah uu kala dhexeeyaa Waqooyiga Korea, Mr Kim ayaana la filayaa inuu haatan booqasho ku tago Koofurta Korea iyo Mareykanka ka dib safarkiisii la yaabka lahaa ee uu tareenka kusoo galay ee uu ku timid Beijing. Hogaamiyahaan ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka ay deriska yihiin ee South Korea Madaxweyne Moon Jae-in goordambe oo bisha soo aadan ee April ah, halka uu bisha May kulan la yeelan doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Mr Kim waxaa safarkiisii tareenka ee Axadii ku wehliyey xaaskiisa Ri Sol-ju, wuxuuna ka tegay Beijing galabnimadii Talaadadii, sida ay wararku sheegayaan. Intii uu socday wadahadalkii ay yeesheen Mr Kim iyo dhiggiisa Shiinaha wuxuu ballan qaaday inuu diyaar u yahay wareejiyo hubka nukliyeerka, balse ay tahay in marka hore laga aqbalo shuruudaha uu miiska usoo saari doono, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka Xinhua ee dalka Shiinaha. Caasimada Online Xafiiska Beijing Caasimada@live.com
  19. Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta waxa uu Waraaqihiisa Aqoonsiga uu ka gudoomay danjiraha Murutaaniya u fadhin doona Magaalada Muqdisho. Safiirka Cusub ee ka socday dalka Murutaaniya ayaa Madaxweynaha usheegay in uu fariin uga sido Madaxweynaha dalka Murataaniya taas oo uu bogaadiyay Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne farmaajo ayaa fariin u diray Safiirka Murutaaniya isagoo uga mahadceliyay Madaxweynaha Murutaaniya Maxamed Walad Binu Cabdi Casiis iyo Safiirkaba , wuxuuna Madaxweyne farmaajo sheegay in arintan ay sal dhig unoqon doonto iskaashi buuxa oo dhexmara labada dal.
  20. Mogadishu (HOL) - The European Union Training Mission Somalia (EUTM-S), supported the European Union Capacity Building Mission Somalia (EUCAP) in a live fire training exercise to improve the skills and capabilities of the Somali Maritime Police Unit (SMU). Source: Hiiraan Online
  21. Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu xilka iska casilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Xayla Maryam Deseliin ayaa waxaa Xisbiyada Siyaasadeed ee dalkaasi ay wadeen olole ay ku soo xulanayeen Hogaamiye cusub oo Xisbiga talada haya ee dalkaasi hogaamiya. Xisbiga Talada haya ee dalkaasi Itoobiya oo Marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan EPRDF ayaa Abiy Ahmed waxa ay u doorteen in uu noqdo guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Dalka Itoobiya. Ninka ayaa ahMuslim ,balse Hooyadiis ayaa waxaa la sheegay in ay haysato diinta Kiristaanka,waxaana uu ka soo jeedaa Qoomiyada Oromada. Ninkan ayaa lo badinayaa in uu noqon doono hogaamiyaha dalkaasi , waxaana doortay 180 xubnoo oo ka kala tirsan Xisbiyada dalkaasi Itoobiya kuwaas oo kala ah Xisbiga Oromada , Amxaarada, Xisbiga koonfurta Itoobiya ,iyo Xisbiga Tigreega. Hadii uu ninkan ku guulaysto in uu talada dalkaasi qabto waxa uu noqonayaa Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee dalka Itoobiya oo Muslim ah.
  22. MOGADISHU, March 28, 2018—The World Bank and the Food and Agriculture Organization (FAO) released today a new joint report titled, Rebuilding Resilient and Sustainable Agriculture in Somalia, outlining the challenges and opportunities for Somalia’s agriculture sector. Source: Hiiraan Online
  23. The United Nations refugee agency predicts that many more Somalis in the Dadaab camps will seek repatriation to their homeland in the coming months. Source: Hiiraan Online
  24. Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction of a United Arab Emirates (UAE) military base in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  25. Jalalaqsi (Caasimadda Online) – Deegaan dhanka Koofur kaga beegan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo la yiraahdo Qoryaale oo 25 KM u jira magaalada Jalalaqsi, ayaa lagu arkay arin ugub ku ah gayiga Soomaaliyeed taas oo ah Xaafad dhan oo guureysa. Amiin Cali Marakaan oo lahadlay Idaacada Kulmiye ayaa faafaahin ka bixiyay dhacdadaan ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arkeen Muuqaal Xaafad u`eg oo hawada kor kooda ah marayay, muuqaalkaasi Xaafada ah wuxuu ka yimid Jihada Waqoy wuxuuna u soo dhaafay dhanka jihada Koofureed. Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow Waxa uu sheegay in waxyaabahaas weyn magalada ay aad ugu soo dhawaadeen ilaa iyo haddana aan la ogeyn waxa lagu tilmaamo taasina ay cabsi ku abuurtay dadka magalada maadaama ay ahaayeen waxyaabo aan dhawaaqeen ama aan wax cod ah aan laheyn. Sidoo kale waxa uu sheegay in tuulooyin hoostaga degmada Buulo Burde lagu arkay,laakin ilaa hadda aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geesteen. Dadka Degmada Jalalaqsi qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay xalay casbi soo wajahday wixii ka dambeeyey waxyaabaha aadka u weyn uu dushooda soo maray,isla markaana ay iyagu moodayeen in Magaalo dhan oo guureysay ay soo martay dushooda. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/03/wareysi-Amiin-Cali-Makaraan.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com