-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
African Union Mission In Somalia (AMISOM) on Monday said its troop killed 30 Al-Shabaab militants in Lower Shabelle region following simultaneous attacks on three of the Mission’s Forward Operating Bases. In a statement, AMISOM said its forces repulsed the attacks on its bases in Quoryole, Bulomareer, and Golwein town. “The troops fought off and successfully repulsed the terrorists who had launched simultaneous attacks on Forward Operating Bases in Quoryole, Bulomareer, and Golwein. The militants were dealt a heavy blow, with at least 30 of them put out of action, following the intense fighting. Eight vehicles which ferried the terrorists, including two Vehicle Borne Improvised Explosive Devices, were destroyed and an assortment of weapons recovered,” said AMISOM in the statement. The Mission noted that it lost four of its soldiers as six others were injured during the battle. “AMISOM pays tribute to these troops whose courage and sacrifice has frustrated Al-Shabaab’s intent. We honour our brave soldiers, who are resolute in continuing to neutralize the insurgents in order to restore peace and stability in Somalia,” the statement praised. Four rifles, two Rocket Propelled Guns, two Recoilless Guns, a Walkie Talkie and 18 Sub Machine Gun Rifles were recovered, according to the government of Uganda which its forces were involving the battle with militants. Ugandan army spokesman Brigadier Richard Karemire wrote on Twitter that 30 Shabaab militants had been killed. Uganda government was the first East African country to send its troops to Somalia in 2007 to support Somalia’s weak internationally recognized government.
-
Beesha Dhexe (Madaxweyne Biixi's subclan) 1.Wasiirka Ariimaha dibada 2.Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsinta 3.Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka 4.Wasiirka Hormarinta wadooyinka 5.Wasiir ku x Ariimaha gudaha iyo amniiga 6.Hanti dhawraha guud ee qaranka 7.Mareeyaha Hawada iyo Madaarada 8.Mareeyaha Ka hortaga Abaaraha iyo kaydka raashinka 9.Gudoomiyaha gobalka gabiley 10. Gudoomiyaha Gobalka salaal 11.Gudoomiyaha Gobalka saraar 12.Gud ku xigeenka Gobalka maroodijeex 13. Safiir ku xigeenka Ethiopia 14.Aggasimaha guud ee Madaxtooyada 15.Aggasimaha guud Ee caafimadka 16.Aggasimaha guud ee Maaliyada 17.Aggasimaha Guud Maalgashiga 18.Aggasimaha guud ee Shaqada iyo ariimaha bulshada 19.Aggasimaha guud ee qorshaynta qaranka 20.Gud ku xigeenka Haayada tayada Beesha Dhexe (East Burco Clan) 1.Wasiirka Ariimaha gudaha iyo amniiga qaranka 2.Wasiirka Dastuurka iyo Golayaasha 3.Wasiirka Macdanta 4.Wasiirka shaqada iyo ariimaha bulshada 5.Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga 6.Wasiir ku xigeenka caafimadka 7.Gudoomiyaha haayada Qaxoontiga 8.Gudoomiyaha gobalka Awdal 9.Gudoomiyaha gobalka maroodijeex 10.Gudoomiyaha Hayada Tayaada cuntada 11.Gudoomiye ku xigeenka hayada wadooyinka 12.Safiir ku xigeenka Dalka Kenya 13.Safiirka Midowga Africa 14.Aggasimaha guud Ariimaha dibada 15.Aggasimaha guud ee Cadaalada 16.Aggasimaha guud ee Hormariinta reer miga iyo deeganka 17.Aggasimaha guud hawlaha guud iyo guryaaynta 18.Aggasimaha Guud ee Ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska Beesha Dhexe (West Burco, South Hargeisa) 1.Wasiirka Maaliyada 2.Wasiirka Caafimadka 3.Wasiirka Ciyaaraha 4.Wasiirka Deganka 5.Wasiir ku xigeenka waxbarashada 6.Wasiir ku xigeenka warfaafinta 7.Gudoomiyaha Gobalka Togdheer 8.Gudoomiyaha Gobalka Hawd 9.Gudoomiye ku xigeenka Gobalka saaxil 10.Afhayeenka Madaxtooyada 11.Safiirka Ethiopia 12.Aggasimaha Boosaha 13.Aggasimaha Dastuurka iyo xidhiidhka golayasha 14.Aggasimaha Degmooyinka iyo dawlada hoose 15.Aggasimaha gadiidka More Beesha Dhexe 1.Wasiirka Diinta iyo waqaafta 2.Wasiirka maalgashiga 3.Wasiir ku xigeenka ariimaha gudaha 4.Gudoomiyaha Gobalka sanaag 5.Safiirka Qaraamada midoobay 6.Aggasimaha Ciyaaraha 7.Aggasimaha Beeraha Beesha Ayuub 1.Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga 2.Aggasimaha macdanta 3.Madaxa hormariinta Mashaaricda Dalka Beesha Toljeclo 1.Wasiir ku xigeenka Maaliyada Beelaha SSC 1.Wasiirka wasaarada biyaha 2.Wasiirka Hawlaha guud iyo guryaaynta 3.Wasiirka Waxbarashada iyo sayniska 4.Wasiirka Gaashandhiga qaranka 5.Wasiir ku xigeenka Hormarinta jidaadka iyo gadiidka 6.Gudoomiyaha gobalka Buhoodle 7.Aggasimaha diinta iyo waqaafta 8.Aggasima Amniiga 9.Aggasimaha Warfaafinta 10.Aggasimaha maamulka iyo lacagta koomishinka aydhiska 11.Mareeye ku xigeenka Ka hortaaga abaaraha iyo kaydka raashinka Beesha Awdal Clan 1.Wasiirka wasaarada beeraha 2.Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka 3.Wasiirka Wasaarada ganacsiga,warshadaha iyo dalxiiska 4.Gudoomiyaha gobalka Saaxil 5.Gudoomiye ku xigeenka Haayada qaxoontiga 6.Aggasimaha wasaarada Biyaaha 7.Aggasimaha wasaarada tacliinta sare 8.Aggasimaha wasaarada xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Beesha Djibouti 1.Wasiirka wasaarada Cadaalada 2.Aggasimaha wasaarada waxbaraashada Beesha Gabooye 1.Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta qaranka Beesha HAG 1.Lataliyaha Madaxwaynaha Ariimaha bulshada 87 Digreeto 64 Beesha Dhexe total 38 Jeeganta only 26 Other Beesha Dhexe subclans 23 All other clans from Somaliland
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa si rasmi ah u fashilmay waanwaantii laga dhex waday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaanadii doonayey inay xilka ka qaadaan Maalintii Sabti aheyd ee lasoo dhaafay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u amray in la joojiyo kulankaas wuxuuna bilaabay waanwaan lagu doonayso in xiisadda lagu dhameeyo wadahadal iyo miiska korkiisa. Haddaba Sida ay Caasimadda Online xogta ku heleyso Waanwaantaas ayaa gebi ahaanba fashilmatay, waxaana lasoo sheegayaa inuu Guddoomiye Jawaari ku gacan seyray inuu aqbalo shan qodob oo uu madaxweyne Farmaajo hordhigay inkastoo aysan noo suurtagelin inaan helno qodobadaas iyo waxa ay ahaayeen. Fashilka ku imaaday waanwaantaan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay sabab u aheyd kadib markii Xisbiyada Qabyo iyo Daljir ay jawaari ku qancinyeen inuusan aqbalin waanwaan iyadoo doonayo in ka faa’ideystaan foodada ka dhex taagan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Labadaan qeyb ee fashiliyey waanwaantaas ayaa waxay muddo ka fakarayeen sidii ay jaanis ugu heli lahaayeen inay meesha ka saaraan Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumadiisa maadaama ay magacaabistaas u arkeen inay tahay mid aan macquul aheyn marka loo fiiriyo awoodda Beelaha. Xildhibaano qiyaastii lagu sheegay inay ahaayeen ilaa 25 xildhibaan oo taageersan Guddoomiyaha mooshinka laga keenay ayaa galabta sii iclaamiyay qas iyo fowdo xilli wadahadal u socday Maaxweynaha, Xildhibaanada labada dhinac iyo Guddoomiye Jawaaro. Guddoomiye Jawaari ayaana ugu dambeyn caawa ku gacan seyray qodobadaan. Inuu iscasilo booska banneeyo In uu la heshiiyo dadka mooshinka ka keenay (sponsors) oo ayaga oo wadajira ay kusoo laabtaan Madaxweynaha muddo 3 maalmood ah Iyo in uu aqbalo sharciyadda mooshibka iyo in cod loo qaado. jawaari ayaa seddexdaas qodob diiday isaga oo leh mooshinka waa jabay, mana la igu qaadi karo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qadka Taleefonka ugu hambalyeeyay Ra’isilwasaaraha cusub ee Itoobiya Abi Ahmed. Ra’isilwasaare Abi Ayaa maanta oo isniin ah loo dhaariyay in uu noqdo Ra’isilwasaaraha dalka Itoobiya. “Waxaan u xaqiijiyay inaan ka dhabeyno xiriirkeena labada dal si kor loogu qaado Ganacsiga,maalgashiga iyo in la xoojiyo Amniga Gobolka,waxaana shaki ku jirin in Ra’iisal wasaare Aby Ahmed xoojin doono wada shaqeynteena,”ayuu yiri Farmaajo Baarlamaanka Dalka Itoobiya ayaa u doortay Dhowaan Abi Ahmed in uu Noqdo Ra’isilwasaaraha Itoobiya. Aabi uu ah 41 Sano Jir Muslim ah kana soo jeedo Qoomiyada ugu tirada badan ee Itoobiya ee la yiraahdo Oromada ayaa soo dhoweeyn kala kulmaya Madaxda Caalamka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Farmaajo oo Hambalyo u diray Ra’isilwasaaraha cusub ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 53 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, ayaa lagu dilay weerar shalay ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Buula Mareer. Sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka iyo maamulka gobolka, waxaa la sheegayaa inay saraakiishu soo ururiyeen maydka maleeshiyada la laayey. Al-Shabaab ayaa iyagu horay u qirtay inay ka dhinteen 14 maleeshiyo ah, dhinaca kalena ay ka dileen 59 askari. Milatariga Uganda ayaa iyagu sheegay inay weerarkaasi uga dhinteen 4 askari. Al-Shabaab ayaa shalay weeraray saldhigyada ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaalida ee ku yaalla Buula Mareeer, Golweyn, Qoryooley iyo Mashallaay. Xigasho: VOA
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ayaa ka soo horjeeystay Shaqo joojin maanta uu Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka uu ku sheegay in uu shaqada ku Joojiyay Xog-hayaha Baarlamaanka Cabdi Kariin Buux. Gudoomiye Jawaari ayaa soo saaray qoraal uu arintaasi kaga soo horjeeystay isaga oo sheegay in uu isaga xaq u leeyahay xil ka qaadista ama shaqo joojinta iyo magacaabistaba. Hoos ka Aqriso Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Jawaari oo ka soo Horjeeystay Shaqo Joojintii Xoghayaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shir gaara oo u dhexeeyay qaar kamid ah Xildhibaanada garabka taabacsan Guddoomiye Jawaari ee aadka uga soo horjeeda Mooshinka. Xildhibaanadan ayaa shirkooda uga hadlaayay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay inaanu weli joogsan Mooshinka laga waday Jawaari. Xildhibaanada oo aad u badnaa ayaa sheegay in weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay Mooshinkii laga gudbiyey Jawaari,waxa ayna cod dheer ku sheegen in qorshayaal kale laga damacsan yahay Mooshinka. Waxa ay Xildhibaanadu sheegen in Madaxtooyada Somalia ay sheeda ka daawaneyso xiisada weli ka taagan Mooshinka laga gudbiyay Jawaari, waxa ayna si gaara farta ugu fiiqeen in Madaxweyne Farmaajo keliya uu hakiyay kulankii qabsoomi lahaa Sabtidii ina dhaaftay, hase ahaatee uusan qaadin talaabo kale oo lagu joojinaayo Mooshinka, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay Xidhibaanadu sheegen in rajada la qabay ay aheyd in si toosa loo faragaliyo xiisada ka dhalatay Mooshinka Jawaari, balse aanu muuqan dadaal lagu doonaayo in looga gudbo xiisada. Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo kamid ahaa Xildhibaanada shirka ka hadlay ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed mudo 5 cisho ah wakhtiga laga dhumiyey laakin aan waxba ku soo kordhin. Fiqi, waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo laga doonaayo in si toosa uu u faragaliyo xiisada, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin dadaal cad oo lagu faragalinaayo Mooshinka. Axmed Fiqi waxa uu intaa raaciyay in la doonaayo in lasii wado Mooshinka isla markaana ay dalbanayaan in warka la cadeeyo oo meesha laga saaro waxyaabaha la qarinayo. Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanadan ayaa ku baaqay in Madaxtooyada Somalia ay si dhaba u faragaliso xiisada ka dhex aloosan Guddoonka baarlamaanka, Xildhibaanada iyo Xukuumada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dhismaha dumay ayaa ku dhow isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho. Shaqaalahan ayaa waxaa xiliga ay shaqada socotay kusoo dumay gurigaas taas oo sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha ku howlanaa dhismaha. Dhismahan soo dumar ayaa aad ugu dhow Shaleemadii hore ee Ecuadore oo ku taalla Isgoysks KM4 ee Magaalada Muqdisho. Shilkaan ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay ilaa Saddex ruux kuwaas oo dhammaantood ahaa Shaqaalihii dhismaha ka Shaqeynayey. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 2 qof sidda ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo tagay goobta uu shilku ka dhacay. Khasaaraha ugu badan ayaa sabab u ahaa dhismaha dumay oo ahaa Dhisme Shub ah sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha degmada Hodon Maxamed Axmed Cantoobo, waxaana uu sheegay in Hay’adda Gurmadka deg deg ah ay dadkaasi gurmad u fidiyeen.
-
Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada ee Puntland ayaa Waxa ay ka dhagax dhigtay Deeeganka libaaxo Mashruuc lagu xirayo Boholaha ka dilaacay Deegaankaasi oo 85 kmtr dhanka bari ka xiga Magaalada Garoowe . Wasaarada ayaa sheegtay in Mashuucan lagula dagaalamayo Boholaha ay tahay mid looga hortagayo waxyeelada ay boholaha ay ugaysanayaan deegaanka. Wasaarada ayaa sheegatay in bishii 8-aad ee sanadkii hore ee 2017kii ay qiimeen ku soo sameeyeen deegaankan . Maamulka iyo shacabka ku dhaqan Deegaanka libaaxo oo hoosyimaada Degmada Dan-goronyo ayaa soo dhaweeyay Mashruucan ay Wasaaradu ka bilowday halkaasi. Halkan ka dhagayso Agaasimaha Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cilimada ee Puntland iyo maamulka degmada Dan-Goronyo . Agaasimaha iyo maamulka Degmada Dangorinyo
-
Tel Aviv (PP) ─ Israa’iil ayaa baajisay oo meesha ka saartay qorshihii ay ku doonaysay in ay ku dhoofiso muhaajiriinta Afrikanka ah ee dalkaasi ku nool. Tillaabadni ayaa ka dambaysay ka dib heshiis ay gaareen xukuumadda Israa’iil iyo hay’ada qaxootiga ee Qaramada Midoobay. In ka badan 16,000 oo magangalyo doon ah ayaa dib u dajin laga siin doonaa wadamada reer Galbeedka oo aan la carab baabin , sida uu sheegay xafiiska ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu. Tirada hartay oo dhan 18,000 oo qof ayaa deganaanshiyo joogta ah laga siin doonaa Israa’iil sida ay warbaahinta Israa’iil ku warantay. Maxkamadda ugu sareysa Israa’iil ayaa joojisay musaafurinta dadkani oo dhici lahayd Axaddii aanu soo dhaafnay. Qorshaha lagu doonayay in dadkani muhaajiriinta ah dib loogu celiyo Afrika gaar ahaan Uganda iyo Ruwanda ayaa waxaa cambaareeyay kooxaha xuquuqda aadanaha Israa’iil waxaana ka dhashay dibadbaxyo. Qorshahan imika cusub waxaa lagu wadaa in lagu dhaqan galiyo muddo ka badan shan sano. Xafiiska Mr Netanyahu ayaa ku tilmaamay heshiiskan “mid aan caadi ahayn”. “is afgaradkani waxa uu waddada u xaarayaa in Israa’iil laga qaado tira badan oo soo galooti ah taasi oo Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay maalgalinayaan,” ayaa lagu yiri bayaanka. Qaxootiga Israa’iil ku sugan ayaa waxa ay intooda badan ka soo jeedaan Eritrea – oo ah dal uu hal xisbi ka taliyo islamarkana hogaamiyayaashiisa lagu eedeeyya tacadiyo ka dhan ah aadanaha. Waxay dadkan sheegeen in ay ka soo qaxeen halis ka jirta dalkooda islamarkana in dib loogu laabto ay adagtahay. Balse Israa’iil ayaa u aragta aqlabiyada Afrikanka magangalyo doonka ah in ay yihiin dad dhaqaala doon ah. Ugu dabmeyn, Qaar badan oo dadkan ka mid ah ayaa waxay Israa’iil ka soo galeen dhanka Masar dhowr sano ka hor inta aan darbiga laga dhisin xuduuda lama degaanka ah. Arrintani ayaa imika soo afjartay safar dheer oo dhanka sharciga ah. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Israa’iil oo baajisay Qorshe ay doonaysay in Dalkeeda ay uga ku Musaafuriso Afrikaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ka hor imaaday shaqo joojintii lagu sameeyey xoghayaha joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inaysan shaqo joojintaas sharci aheyn isla markaasna uu isaga kaliya xilkaas magacaabi karo kana qaadi karo isagoo la tashanayo labadiisa ku xigeen kadibna laaii marsiinayo guddiga Joogtada ah. Guddoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in tallaabada uu qaaday ku xigeenkiisa koowaad ay tahay mid ka hor imaaneyso xeer hoosaadka Golaha Shacabka. Jawaari ayaa waraaqdaan u kala diray dhammaan xafiisyadii uu Muudey u diray waraaqdii shaqo joojinta wuxuuna codsaday in sharciga la ilaaliyo. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa saaka soo saaray waraaq uu ku sheegay inuu shaqadii kaga joojiyey xoghayaha joogtada isagoo ku eedeeyey inuu faraha la galay khilaafka ka dhex jiro Baarlamaanka Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Jawaari.
-
Wararka naga soo gaaraya Gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan Deegaanka Buule-burde ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen 7 qof, oo 6 ka mid ah ay isku qoys yihiin kadib markii ay Miino kula Qaraxday halkaasi xili ay ku soo jeedeen deegaankaasi . Dadka uu Qaraxu haleelay ayaa waxaa kujiray hooyo iyo 4 caruur oo ay dhashay, Aabahood iyo macalim Dugsi Quraan , kuwaas oo dhamaantood goobta ku geeriyooday. Guddoomiyaha Buuloburte Cabdi Daahir Guure, ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay Miinadaasi goobta ugu Aaseen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ,balse nasiibdaro ay la kacday dadkaasi shacabka ahaa. Waxa uu sheegay in arintan ay qayb ka tahay dhibaatada ay Al-Shabaab shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia — Young and outspoken Abiy Ahmed has been sworn in Monday as Ethiopia’s prime minister, amid hopes he will be able to quell the sustained anti-government protests that have rocked Africa’s second most populous nation. Source: Hiiraan Online
-
inta laxaqiijiyay 3 qof ayaa ku dhintay labo qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dhismo shub ah oo uu ku soo dumay shaqaale muruq maal ahaa oo dhismahasi ka shaqaynayay. Howlwadeenada Caafimaadka ayaa sheegay in ay gobta ay ka qaadeen 2 qof oo dhaawac oo mid kamid ah ay xaaladiisu ay aad uliidato. ilaa iyo hada lama oga waxa sababay in dhismahan uu soo dumo . Gudoomiyaha Degmada Hodan oo goobta soo gaaray ayaa Warbaahinta u sheegay in shilakn iyo waxa sababay ay ku howlan yihiin dibna ay ka soo sheegi doonaan. Halkan ka dhagayso . 120315_002 - My Recording
-
South African anti-apartheid campaigner Winnie Mandela has died aged 81, her personal assistant says. Winnie Madikizela Mandela was the former wife of South Africa’s first black president, Nelson Mandela. The couple – famously pictured hand-in-hand as Mr Mandela walked free from prison after 27 years – were a symbol of the anti-apartheid struggle for nearly three decades. However, in later years her reputation became tainted legally and politically. Family spokesman Victor Dlamini said in a statement: “She died after a long illness, for which she had been in and out of hospital since the start of the year. She succumbed peacefully in the early hours of Monday afternoon surrounded by her family and loved ones.” Mrs Mandela was born in 1936 in the Eastern Cape – then known as Transkei. She was a trained social worker when she met her future husband in the 1950s. They were married for a total of 38 years, although for almost three decades of that time they were separated due to Mr Mandela’s imprisonment. It was Mrs Mandela who took his baton after he was jailed for life, becoming an international symbol of resistance to apartheid and a rallying point for poor, black township residents who demanded their freedom. Five years later, she too was jailed by the white minority government she was fighting against. But Mrs Mandela – an icon of the struggle – also found herself mired in controversy. She was heard backing the practice of “necklacing” – putting burning tyres around suspected informants’ necks – and was accused of conducting a virtual reign of terror in parts of Soweto by other members of the African National Congress (ANC) in the late 1980s. She was also found guilty of kidnapping and sentenced to six years’ imprisonment for her involvement in the death of 14-year-old township militant Stompie Seipei. She always denied the allegation, and the sentence was reduced to a fine. Mr Mandela, who stood by her throughout the accusations, was finally released from prison in February 1990. But two years later, their marriage crumbled. The couple divorced in 1996, but she kept his surname and maintained ties with him.
-
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daah-furay barnaamij cusub oo nuuc casri ah loogu adeegsan doono aruurinta qidmadaha lacageed ee laga qaado gaadiidka dadweynaha. Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo warbixin horudhac ka baxshay habkan cusub aya sheegay in uu yahay nidaam casri ah oo si adag ula soconaya bixinta iyo dabagalka qidmada laga qaado gaadiidka dadweyanah waxa uuna qayb weyn ka qaadan doonaa fududeynta adeegyada la xariira gaadiidka dadweyanaha. Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxman Cumar Cusman, ayaa munaasbadda daahfurka barnaamijkaan cusub ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo habraacyada kale ee la xiriira dakhli uruurinta, si loo xaqiijiyo in dadweynuhu helaan adeeg tayo leh loona simanyahay taasoo ugu danbenyn xaqiijin doonto in la gaaro himillada iyo hadafka fog ee Maamulka Dawladda hoose. Eng.Yarisow ayaa carabka ku adkeeyay in ka maamul ahaan hirgalinayaa siyaasadda ah (MAYA MUSUQ-MAASUQ) iyo in si khaldan loo isticmaalo hantida dadweynaha tallaaba adagna laga qaadi doono cidii lagu helo falkaaasi. Dawladda hoose ee Muqdisho ayaa xoogga saaraysa hagaajinta habka shaqada hey’adaha D/Hoose si loo xaqiijiyo gudbinta adeegyada bulshada iyo in maamulku awood u yeesho maalgalinta mashaariic horumarineed ee laga hirgaliyo magaalada Muqdisho.
-
Mogadishu (HOL) - African Union Mission In Somalia (AMISOM) on Monday said its troop killed 30 Al-Shabaab militants in Lower Shabelle region following simultaneous attacks on three of the Mission’s Forward Operating Bases. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ayaa maanta soo gaaray magaalada Mogadishu, ujeedkooduna wuxuu yahay inay u kuur-galaan howlgalka Ciidamada Nabad-Ilaalinta Midowga Africa (AMISOM) eek u sugan Soomaaliya. Ramtane Lamamra iyo Jean Marie Guehenno oo ahaa wakiilo ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo hogaaminaya Wafdigaan ayaa sidoo kale u kuur-geli doona suurtogalnimada ku aadan haddii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay masuuliyadda Amniga dalka kala wareegi karaan AMISOM. Jean Marie Guehenno oo ah Ergayga ka socda Qaramada Midoobay ayaa daaha ka qaaday inay muhiim tahay inay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed la wareegaan masuuliyadda ammaanka Soomaaliya. Labadaan masuul ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre. Dhanka kale, Ramtane Lamamra iyo Jean Marie Guehenno ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa u jooga Soomaaliya, waxayna kala hadleen sidii loo xoojin lahaa ammaanka dalka. Dhanka kale, labadaan wakiil ayaa ku nuux-nuuxsaday inay weli yar tahay taageerada ay Beesha Caalamku u fidiso Ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan iyo kuwa Soomaaliyaba. Caasimada Online Xafiiska Mogadishu Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 2 April 2018 waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha dawladda Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe, xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Bangiga dhexe Puntland, xarunta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Nugaal iyo wado laami ah oo laga hirgaliyey xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyn waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay wada laamiya oo dhex mareysa gudaha xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana uu madaxwenuhu halkaas kula kulmay qaar kamida Shaqaalihii iyo farsamayaqaanadii dhisaayey wadada, islamr ‘ahaantaana wuxuu Madaxwaynuhu ugu hambalyeyey shaqada wanaagsan ee ka wadaan xarunta madaxtooyada ay ku mahad sanyihiin sida farshaxaka leh ee ay u wadaan dhismaha wadada madaxtooyada dhexdeeda ah. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kormeer ku tagey xarunta Bangiga dhexe ee Puntland ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen maamulka Bangiga dhexe ee Puntland halkaasi oo uu kulan kula qaatey maamulka Bangiga dhexe ee Puntland iyadoona Madaxweynhu kula dardaarmay in ay shaqada ay dalka iyo dadkaba u hayaan dar-dar geliyaan. Xilgii madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Abdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku guda jiray kormeerka xarunta Bangiga dhexe ee Puntland ayaa waxaa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee Bangiga Garoowe, halkaas oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha, kuwaasi oo salaan guud iyo is xog waraysi kadib uu Madaxweynahu kula dardaarmay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo Qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda Puntland iyo shacab keeda, islamar’ahaantana loo baahan yahay in ay iska saaraan masuuliyad gaara. Dhinaca kale Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer kiisa sii wata ayaa waxaa uu booqday xarunta Wasaaradda maaliyada ee gobolka Nugaal, halkaasi uu Madaxweynu kula kulmay maamulka xaruntaasi, iyadoona uu Madaxweynhu ka xog wareestay sida ay shaqdu u socoto, kadibna kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan. Ugu danbeyn Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerkiisa waxaa uu ku soo geba-gabeeyey xarunta guud ee Wasaaradda Maaliyada ee Dawladda Puntland, waxaana uu halkaasi madaxweynuhu kulamo gaar-gaara kula qaatey qaar kamida goloyaasha Dawladda Puntland.
-
Baarlamaankii Umadda Soomaaliyeed laba ayuu u kala jabay, madaxdii dalkana iyaga ayaa isku maqan si ay isku dagaan, iyadoo siyaasadda dalku ay markale kusoo noqotay iskooxeysi. Sida aan aaminsanahay, tallaabooyinka ay qaadayaan Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ah mid aan natiijadeeda dhowr jeer horay usoo aragnay, waa mid rajo xumo ku abuureysa qalbiga Soomaali kasta, oo soo niyad-samaaday bilowgii sannadkii hore. Baarlamaan mooshin keena, iskooxeysi siyaasadeed iyo turub-siyaasadeed u dhexeeya madaxda Dowladda dhexe, ayaa socday tan iyo bishii lasoo dhaafay. Koox walba sida iska cad, waxay dooneysaa inaan qosolka guusha looga dambeyn. Si taageero loo helana, dhaqaalihii dalka ee ammaan kobaceedka adduunka ka helay, ayaa qasnadaha lagala baxayaa, si loogu qarash gareeyo hadaf siyaasadeedka koox ama shaqsi. Intii lagu jiray khilaafkaan siyaasadeed ee aan illaa haatan xalka loo helin, isku dheelli-tirnaantii ammaanka ayaa meesha ka baxday, iyadoo qaraxyo fara-badan iyo dilal qorsheysan caasimadda Mogadishu laga geystay, sidaas darteed waxaa muuqata in laga faa’iideystay khilaafka Madaxda dalka oo iyagu isku jeestay. Mana aheyn wax loo baahnaa. Aniga ahaan, ilama habboona inaan sugno cidda guusha qaadi doonta, waxaana qabaa in habka ugu wanaagsan ee aan horumarkeennii dowladnimo kusii wadan karno uu yahay isku-tanaasul iyo wada-shaqeyn dhab ah, si aan horay ugu soconno, adduunka xumaanteenna jecelna uu wanaaggeenu gaaro. Labadii is-khilaafsan waxaan qabaa in miiska wadahadalka la isugu keenno, iyadoo la isku calool-fiyoow yahay heshiis la dhex-dhigo. Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, oo aan ku ammaanayo qaabkii uu xalka ugu wanaagsan ugu helay, fadeexaddii la saadaalinayey inay ka dhici doonto haddii la qaban lahaa Kalfadhiggii BFS ee Sabtidii iyo masuul walba anigoo aan magacyadooda xuseyn waxaan si gaar ah uga codsan lahaa in aysan naga daboolin isha rajo ee inoo baxaysa. Gunaanadka maqaalkeyga yar, waxaan madaxda Umadda Soomaaliyeed ka codsanayaa, dalku dibin-daabyo wuu ka daalay, dadkuna uma baahna dandarro, sidaas darteed doorkiinna qaata oo dalka iyo dadka u daneeya, danteennana ka shaqeeya. Danta guudna halaga hormariyo danaha gaarka ah, tanaasulkuna waa tanaadka shacabka Soomaaliyeed. Qormadii: Zakarie Mahamed Axmed
-
Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Neilson Mandela Xaaskiisii Winnie Mandela ayaa maanta geeriyootay Sida uu xaqiijiyey Kaaliyeheedii khaasa ah. Winnie Madikizela-Mandela Oo jirtay 81 xiliga ay geeriyootay, Waxay caas ku ahayd xagiina ay dhalin yarada ahayd u halganida Xuquuqda Dadka Reer Koonfur Afrika, Waxay xigaas is guursadeen Neilson Mandela oo isna halgamas ahaa, Ninkredii Mandela oo xabsi ku jiray sano waxay dib u Midoobeen 1990 oo xabsiga laga sii daayay, 1996 ayay kala aeen iyada iyo Saygeedii Neilson Mandela. Puntlandi Garowe
-
Heavy rains caused havoc in Kenya in March, collapsing hospital walls, flooding entire neighborhoods, and closing off major highways. The downpour also exposed a fault line that geologists now say is evidencethat the African continent will split into two over the next tens of millions of years. Source: Hiiraan Online