Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Come the end of the 2017-18 campaign, Liverpool's 5-2 victory over Roma on Tuesday will probably be remembered as the greatest night of the club's campaign -- depending, of course, upon whether they go one better and win the final itself. Source: Hiiraan Online
  2. Rahma Mohamed's book, 'Muhiima's Quest,' follows a Somali-Muslim child on unique journey Source: Hiiraan Online
  3. As human rights’ activists and advocates of community policing, we condemn violence by police officers and the special protections, aka Police Bill of Rights, they are afforded by the state. We are also Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Soomaaliya oo lasoo dhisay 21 kii March 2017 kii, waxay hadda shaqaynaysaa muddo sanad iyo bil ah, Xukuumadda waxaa ka maqan Wasirro, Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru dowle. Wasiiradda maqan waxaa kujira kuwo muhiim ah oo qaaarkood ay bilo kooban Xafiiska joogeen, sidoo kale Wasaaraddo ayaa banaan muddo ka badan Shan bilood. Shan Wasiir, Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru dowle ayaa ka banaan Xukuumadda khayre. Wasiirkii Gaashaandhiga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan oo lasoo Magacaabay 26kii November 2017 kii ayaa Xilka iska casilay si uu ugu tartamo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waana Wasiirkii Labaad ee Gaashaandhigga iska Casila Sanad gudihiis. Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta, Iimaan cabdullahi Cali waxaa Xilkii laga qaaday 26 kii November 2017 kii, Awood qaybsiga dartiis. Wasiirkii Warfaafinta, Cabdi raxmaan Cumar Cismaaan, Waxaa loo magacaabay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho 20 kii January ee Sanadkaan, sidaasna waxaa ku banaanaaday Xilkii uu hayay ee Wasiirnimo. Wasiirka Gargaarka iyo Bini’aadanimada, Maryan Qaasim ayaa iska casishay xilkeedii 15 November 2017, kadib isku dhexyaac ay sheegtay in uu ka jiro Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirkii Tamarta iyo Biyaha, Saalim Caliyoow Ibroow ayaa todobaadkaan gudihiisa iska casilay xilkii si uu ugu tartamo Afhayeenka Golaha shacabka. Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta, Ibraahin Yaroow Isaaq, ayaa sidoo kale iscasilay si uu uga qayb qaato tartanka Golaha Shacabka. Wasiiru dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isaguna isu casilay Tartanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Khayre uu doonayo in uu isku shaandheeyn ku sameeyo Golihiisa Wasiiradda si uu usoo buuxiyo Wasaaradaha banaan. Isha: Radio Kulmiye Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Fariin uu soo duubay Sheikh Hassan Daahir oo la soo gaarsiiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si dheer uga hadlay Xaaladda amni ee Soomaaliya iyo Arimaha Siyaasadda. Fariinta Sheikh Hassan Daahir oo socatay 53 daqiiqo ayaa waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ugu weyn Dilalka Al-shabaab ay ka fuliyaan Soomaaliya ee loo geesto dadka muhiimka u ah hogaanka Bulshada iyo Waayihii Al-shaab iyo Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur. Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in wax laga xumaad ay tahay in la dilo culimada, indha garadka, Odayaasha iyo ganacsatada, wuxuuna sheegay inay marka ay arrinta halkaas mareyso ay tahay inaan wax la is dhaamin khaladaadkana uu sii badan doono. Wuxuu sheegay in Abuu Mansuur uu Al-Shabaab ka caawiyey inay qabsadaan meelo badan, wuxuuna sheegay in lagu abaal dhacay isagoo Cali Dheere ku cambaareeyey hadalkii uu ku sheegay inuu Abuu Mansuur diinka ka baxay. ” Bal Cali Dheere wuxuu meelaha la caac lahaa buu Mansuur waa ridoobay, qofkii ka hor imaado Al-Shabaab ma gaalbaa, xataa qofka haddii uu Khilaafada islaamka ka hor imaado diinta miyuu ka baxay, Abuu Mansuur waa ninkii gacanta idiin soo geliyey gobolada Bakool, Bay iyo Hiiraan, dadka isaga aad u galeysaan iyo sidii rasuulka u geli jiray isma lahan, abaal ma lihidiin” Wuxuu Al-Shabaab ugu baaqay inay wax badan ka badalaan istaraatiijiyadooda dagaal, isagoo ka digay inay Soomaaliya u hoggaamiyaan meel halkaan kasii daran. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Shiikh Mukhtaar Roobow oo ay Warbixin ka sameysay idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/04/warbixin-Xuseen-Cabdulle-iyo-Shiikh-Xasan-Daahir-Aweys-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. A De Montfort University Leicester (DMU) graduate spends her free time helping underrepresented entrepreneurs as she understands how hard it can be to progress from learning to earning. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - A conference on security expected to commence today in Garowe between the federal security ministry and its regional counterparts. Source: Hiiraan Online
  8. MINNEAPOLIS (WCCO) — Minnesota has the highest population of Somalis outside the country itself. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU, April 25 (Xinhua) -- A contingent of Sierra Leone's police officers have completed orientation course tailored to familiarize them with African Union Mission in Somalia (AMISOM) mandate and have been deployed in southern Somalia, the mission said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  10. Madrid (Caasimadda Online) – Spain ayaa indhaha ku heysa in Xarunta ugu weyn ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ah laga hirgeliyo Caasimadda dalkeeda ee Madrid, maadaama sida horey loo shaaciyay Dowladda Ingiriiska ay ku dhawaaqday in ay ka baxdo liiska wadamada Midowga Yurub ka tirsan. Dowladda Spain ayaa hardan adag waxay kala kulmeysaa Dowladda Talyaaniga oo laftirkeeda ku warjo weyn in xarunta la dagaalanka Burcad Badeeda Midowga Yurub laga dhigo Magaalada Rome. Waxaa kaloo jira wadanka Netherlands oo isaguna ka mid ah wadamada u hanqal taagaya in saldhigga ugu weyn howlgalka la dagaallanka burcad badeedda Soomaalida uu qaabilo. Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Spain, General Fernando Alejandre Martinez waxa uu sheegay inay xaqiiqdii muhiim u tahay dalkiisa inay Xarun Dhexe u noqoto Hawlgalka EU-da (Atalanta operation) ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia. Sidoo kale Spain waxay dooneysaa in xarunta Howlgalka EUNAVFOR Atalanta Operation ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ay ka dhigto magaalada Rota oo ku taalla Koofurta dalkaas. Dhinaca kale, Ciiddanka Spain waxay ka mid yihiin Ciiddamadda EUFOR ee qeybta ka ah Hawlgalka lagula dagaalamayo Burcad-baddeeda Soomaalida. “Waxay u baahan tahay xarun gaar ah oo xarunteedu tahay (Operational Office) taas oo u oggolaanaysa jihada istaraatiijiga ah iyo xakamaynta aagagga juqraafiga xiisaha weyn ee Yurub, waxaan aaminsanahay inaan awoodno xilkaas.” Ayuu yiri Wasiir Maria Dolores. Howlgalkan waxaa la sameeyay 2008-dii markaas oo Burcad badeedda Soomaalida ay weeraro badan ka geysanayeen Xeebaha Soomaaliya, Gacanka Carabta iyo Badweynta Hindiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa galabta soo xiray qabashada araajida musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana si rasmi ah shuruudaha u buuxiyey 11 musharax oo beel qura kasoo jeeda. Guddiga ayaa shaaciyey magacyada 11-ka xildhibaan ee u tartamaysa xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka oo lagu wado inay dhacdo 30-ka bishan April 2018. AKHRISO MAGACYADA MUSHARIXIINTA 1- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow 2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur 3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen 4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow 5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe 6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye 7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar 8- Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal 9- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla 10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye 11-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur Tirada u taagan xilka uu banneeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya tiradii ugu badneyd ee xilkan isu soo taaga tan iyo sanadki 2000 shirkii Carte, waxaana ku jira wasiiro xilalkoodii iska casilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay dhageysan doonaa khudbadaha waxqabadka qaar kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Guddiga qaban-qaabada doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo shalay soo xirey araaji qabashadda Musharixiinta ayaa sheegay in ay is diiwaan galiyeen 11-musharax oo isugu jira Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsanaa Xukuumadda Soomaliya. Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay si taxadar leh ay u dhagaysan doonaan Khudbadaha Murashaxiinta Islamarkaana ay ka soo xulan doonaan Xildhibaankii ay u arkaan inuu Baarlamaanka hogaamin karo. Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa iska casilay 9-kii bishaan Gudoomiyihii hore Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari,kadib cadaadis uu kala kulmay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xildhibaanada oo dhageeysanaya Qudbadaha Musharixiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay nagu soo gaarayaan wararka ka imaanaya Xafiiska R’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, waxaa baaritaan lagu hayaa warqado uu horay u saxiixay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/Rashiid Cali. Wararka aanu heleyno waxa ay tibaaxayaan inay jiraan Heshiisyo gaara oo ay gashay Xukuumadii uu hogaaminaayay Cumar C/Rashiid, balse aan keydka warqadaha Heshiisyada aan lagu xareyn. Heshiisyada sida hoose loo baarayo ayaa waxaa kamid ah Heshiiska Dekadda Berbera oo la xaqiijiyay in Cumar C/rashiid uusan xiligaa Xukuumada ka danbeysay u reebin cadeymaha Heshiiska. Waxaa jira Heshiisyo kale oo Cumar C/rashiid la galay Dowladaha Ethiopia iyo Kenya kuwaa oo xiliga dhicitaankiisa laga saaray Keydka Heshiisyada ay Xukuumadii hore la gashay dowladaha saaxiibada ah. Heshiisyada ay ku wareersan tahay Xukuumada hadda jirta ee uu Hoggaaminaayo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa kamid ah Heshiisyo dhacay bishii ugu danbeysay ee xiliga kala guurka, isla markaana ay dowlada aheyd mid isku diyaarineysay doorashada. Xukuumada Somalia ayaa baaritaanka hadda socda la kaashaneysa Wasiiro iyo Xildhibaano hore oo xiligaa aad ugu dhawaa Ex Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid. Xukuumada Somalia ayaa iminka wada qorsho ay dib ugu cusbooneysiineyso Heshiisyadii ay gashay Xukuumadii hore si loo helo Heshiisyo tixraac ah. Ma cadda in Xukuumada Somalia ay ku guuleysan doonto baaritaanka ay iminka ku heyso warqadaha maqan ee uu Heshiiska ku galay Ra’isul wasaarihii hore Cumar C/rashiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Ciidanka ku jira xerada Jen. Gordan ee ku taalla Degmada Hodan, kuwaasoo uu tababaray Imaaraadka Carabta. Ciidamadaan oo tiradoodu tahay 270-askari oo 60 ka mid ah ay ahaayeen kummaanoos ee Imaaraadka uu tababaray ayaa gaadiidka waa weyn looga daabulay Xerada, waxaana iyadoo la galbinayo xarunta Wasaaradda Difaaca Somalia loogu geeyay Madaxweyne Farmaajo. Kulanka dhinacyadan dhexmaray oo qaatay wax ka badan saddex saac ayaa wuxuu khuseeyay xiisadii maalmahan ka taagneyd xerada Jeneral Gordan, gaar ahaan is-rasaaaseyntii dhacday maalin kahor ee u dhaxeysay Ciidanka Imaaraadka uu tababaray iyo kuwa xoogga dalka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa marka hore ciidamadan u sheegay inaysan jirin wax colaad oo dhexdooda ah, loona baahneyn in dib loogu laabto wax Alla iyo dhacay horeyna looga socdo. “Waad mahadsan tihiin marka hore, waxaan idinkaga mahad-celinayaa inaad aqbasheen wicitaankeyga, wixii dhacay wayba dhaceen, mana ahan wax ku cusub ciidamada, waxaanan idin sheegayaa inaysan jirin cid wax loo heyso, khasaare waxaa inagu filan intii ku dhimatay iska-hor-imaadka, mana rabno in sidaas oo kale ay mar kale dhacdo, waxaad sameyseen wixii ciidan looga baahnaa oo ah inaad is-difaacdaan,” ayuu Farmaajo u sheegay ciidamadaan. Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Somalia ayaa ciidamadaan u sheegay inay gaarsiiyaan ciidammada kale ee maqan, in shaqadooda ay dib ugu soo laabtaan, ayna muhiim tahay xerada jawigeedana in sideeda hore lagu soo celiyo. “Aniga ayaa maanta ugu sarreeya Somalia, waxaan kaloo ahay taliyaha ugu sareeya ciidanka, waxaan idin balan qaadayaa inaad bil walba heli doontaan xuquuqdiina, Ciidamada maqan gaarsiiya fariinteyda dib ha ugu soo laabtaan xerada, arrintan saraakiishiina ayaan kala hadli doonaan oo aan kula xisaabtami doonaa,” hadalkiisa raaciyay madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyn, Xerada Jen. Gordan oo amaankeeda guud ay la wareegeen Ciidamada DANAB ee ka tirsan Kummaandooska Soomaaliya, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aanay jirin cid gudaha u galeysay ama ka baxeysay, balse hada dib ayaa looga qaaday xayiraada, waxaana soo laabanaya Ciidamadii ku kala firxaday iska hor imaadkii dhacay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay ciidankii ay tababartay Dowladda Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  15. Kooxda Liverpool ayaa xalay guul weyn ka gaartay kooxda reer Talyaaani ee Roma oo marti u ahayd, kulan ka tirsanaa lugta hore ee afar dhammaadka tartanka kooxaha horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga, kadib markii ay ugu awood sheegatay 5-2. Mahamed Salah dhaliyaha reer Masar ayaa labo kamid ah goolasha Liverbool dhaliyay halka uu labo kale caawiye ka ahaa, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa saddexda gool oo kale dhaliyay. Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qaladkii ugu waynaa sameeyay daqiiqadii 75-aad markii uu ciyaarta ka saaray Mohamed Salah oo ay ku mashquul sanayeen difaacyada Roma, waxaan markaas kadib Roma la timd labo oo ay kala dhaliyeen Edin Dzeko iyo Diego Perotti dhammaadkii ciyaarta. Roma ayaa hadda qabta rajadii wareegii hore ee tartankan oo ay Barcelona 4-1 kaga badisay lugtii hore, balse markii Talyaaniga lagu loogu yimid 3-0 ku badisay, sidaasna ugu soo baxday weraagan afar dhammadka, waxaana hadda laga rabaa hadii ay rabto in ay u soo baxdo ugu danbeynta tartankan in ay sameeyso wacdarihii oo kale. Lugta labaad ee tartankan ayaa la ciyaari doonaa labada bisha soo socota ee May, waxaana labada kooxood tii soo baxadaa ay ugu danbeynta (Final) la ciyaari doontaa Real Madrid iyo Bayer Munich midkood oo caawa lugta hore wada ciyaari doona. Mahamed Salah oo sanadkan aad u soo jiitay indhaha mucaashaqiinta kubbada cagta ayaa dhaliyay 43 gool tan iyo markii uu sanadkii hore ka soo wareegay Roma, 10 kamid goolashaas waxa uu ka dhaliyay tartankan Champions League-ga . Salah ayaa jabiyay rikoorka Afrikaanka ugu goolasha badan hal xili ciyaareed tartankan, waxaana horey u heystay Samuel Eto’o oo dhaliyay 9 gool. PUNTLAND POST. Garowe The post Liverpool oo guul ka gaartay Roma tartanka kooxaha Yurub iyo M. Salah oo wacdaro dhigay appeared first on Puntland Post.
  16. Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa ka jiray maalmihii u danbeeyey shidaal yari aad u weyn, waxayna tani sababtay inuu si aada kor ugu kaco shidaalku. Qaar kamida dadka ka ganacsada shidaalka oo la hadlay warbaahinta PUNTLAND POST waxay sheegeen in shidaal yarida iyo sare u kaca ku yimi shidaalka ay sii weheliso shidaal tayadiisu aad u liidato oo magaalada soo galay, waxayna sheegeen in qaar kamida kaalmaha iibiya shidaalka ay joojiyeen maadama aan la hubin tayadiisa, uuna khatar u keeni karo gawaarida isticmaasha. Maalma kahor halkii litir oo shidaalka batroolka ah wuxuu magaalada ka maraayey 0.75$ halka uu maanta ka maraayo hal dollar, waxaana arintan cabasho xoogan ka muujiyey gaadiidleyda siiba kuwooda nolol maalmeedka ka raadiya waxayna sheegeen inaysan is bixinayn waxay ka helaanba daaye. Gaadiidleyda ayaa sheegay in Puntland horayba shidaalka laga isticmaalo uu ahaa mid tayadiisu liidato aadna u qaali ah aysana sii xamili karin xaaladahan cusub ee soo siyaaday, waxayna ugu baaqeen ganacsatada iyo Dawladu inay arimahan wax ka qabtaan una turaan dadkooda. PUNTLAND POST The post Shidaalka oo si aada kor ugu kacay Magaalada Garowe appeared first on Puntland Post.
  17. I’m tired of saying, “Be careful, it’s speculative.” Then, “Be careful, it’s gambling.” Then, “Be careful, it’s a bubble.” Okay, I’ll say it: Bitcoin is a scam. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa kulan saacado badan qaatay xarunta Wasaarada Gaashandhiga kula yeeshay Saraakiisha iyo ciidamada ay tababareen Imaaraadka oo ay la wareegtay dowlada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha iyo ciidamada kala hadlay dhinacyo badan oo ay kamid tahay sugida amniga iyo in dalka uu yahay mid ay iyagu leeyihiin difaaciisana laga sugaayo. Madaxweynaha waxa uu Saraakiisha iyo ciidamada oo dhamaa ilaa 270 Askari oo 60 ka mid ah ay ahaayeen kuwa Kummaanooska lugta u sheegay inay ka tirsan yihiin Wasaarada Gaashandhiga Somalia, maadaama uu soo dhamaaday mashruuca Imaaraadka. Madaxweynaha ayaa hadaladiisa diirada ku saray xiisadii maalmahan ka taagneyd xerada Gen. Gordan, gaar ahaan is rasaaaseyntii dhacday maalin kahor ee u dhaxeysay Ciidanka Imaaraadka uu tababaray iyo kuwa xoogga dalka. Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in dowlada Federaalka iyo ciidamadeeda ay mas’uuliyad ka saran tahay difaaca dalka, isla markaana aanu jirin wax colaad oo dhexdooda ah, loona baahneyn in dib loogu laabto wixii dhacay, horeyna looga sii socdo. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ciidankan u sheegay in ay gaarsiiyaan Ciidamada kale ee maqan, in shaqadooda ay dib ugu soo laabtaan, ayna muhiim tahay xerada jawigeedana in sideeda hore lagu soo celiyo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Saraakiisha iyo ciidamada u cadeeyay in dowladu ay dhowreyso sharciga wixii ka baxsana aysan u dulqaadan doonin, isagoo ka digay in Hubka Qaranka loo adeegsado shacabka iyo ciidamada Qaranka. ‘’Wixii sharci ah kama xishoon doono mana aqbali doono falal amni daro iyo is rasaaseyn, waxaan dalbanayaa inaanu mar kale soo noqon wixii horay u dhacay’’ Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada u ballanqaaday bixinta xuquuqdooda, waxa uuna carab ***** in dowlada Somalia ay ku filan tahay ciidamadeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. BELEDWEYNE (HOL) - More than 9,000 people have been displaced following floods in Beledweyne town of Hiiraan region after River burst its banks. Source: Hiiraan Online
  20. More than 9,000 people have been displaced following floods in Beledweyne town of Hiiraan region after River burst its banks. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey uu dib shaqada ugu fasaxay xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux. Xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa waxaa horay shaqo joojin ugu sameeyay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdiwali Muudeey. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka ayaa shaqo ka fadhiisinta xoghayaha ku micneeyay inuu ka talaabay xadka shaqooyinkiisa, sidaana uu xiligaa ku muteystay shaqo ka joojin. Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye muudeey, isla markaana la ogeeysiiyey dhammaan hay’adaha dowladda iyo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa Shaqadii loogu fasaxay xoghaye Buux. Warqada ayaa waxaa sidoo kale Wasaarada Maaliyada iyo Bankiga dhexe ayaa waxaa looga codsaday in ay fasaxaan kharashaadkii golaha ee hakadka galay bilihii febaury, Maarso iyo Apriil. Sidoo kale, Buux, ayaa looga digay inuu ka weecdo xadka howshiisa iyo inuu ku garabnoqdo dhinacyo isku haya shaqooyinka baarlamaanka dalka. Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili baarlamaanka Somalia uu galay qalalaaso shaqo, waxaana iminka muuqaneysa in laga gudbay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. WARSAW - Ethiopia is not yet ready for foreign investments in its telecoms and banking sectors, but is interested in developing its manufacturing, Ethiopian President Mulatu Teshome Wirtu said on Tuesday. The country, which has one of the last state telecoms monopolies on the continent, has let foreign companies including fashion chain H&M set up factories in a decade-long push to change the economic focus from agriculture to manufacturing. “Ethiopia is not ready yet for accepting investments in telecoms and finance,” Mulatu said during a joint news conference with his Polish counterpart Andrzej Duda. “Our priority is manufacturing sector. Ethiopia opens door broadly for investments in manufacturing sectors such as textiles, skin products, pharmaceuticals, food processing, and agriculture,” Mulatu said.
  23. Two fighter jets took off and roared over the Djibouti-Ambouli International Airport, a sprawling complex in this tiny African nation that is quickly becoming a strategic military and shipping outpost for the world. Not far away, a massive U.S. flag waved over transport planes parked in front of America’s only permanent military base in Africa, Camp Lemonnier, home to about 4,000 personnel. Djibouti, an arid Horn of Africa nation with less than 1 million inhabitants, also has become a military outpost for China, France, Italy and Japan, with that nation’s first overseas base since World War II. Other powers including Saudi Arabia have expressed interest in the key location across the Bab el-Mandeb strait from the Arabian Peninsula and on one of the world’s busiest shipping corridors. On the chaotic streets of what has been called the “Singapore of Africa,” the jostling between the United States and China for influence is plainly seen. Before his firing by President Donald Trump, then-Secretary of State Rex Tillerson made a point of stopping in Djibouti on his Africa visit last month and noting its importance in the fight against the al-Qaida-linked al-Shabab extremist group in neighboring Somalia and the Islamic State group in the region at large. The U.S. carries out drone missions in Somalia and Yemen from Djibouti, but the military paused air operations last week after a jet crashed and a helicopter was damaged during a landing. China’s first overseas military base, which was manned last year, is just a few miles from the U.S. one. The head of the U.S. Africa Command, Gen. Thomas Waldhauser, earlier this year predicted that “there will be more.” China’s economic interest is strong as well, with Djibouti borrowing up to $957 million from the Export-Import Bank of China to finance several projects in recent years, according to the China Africa Research Initiative at Johns Hopkins University. The Chinese built a new electrified rail line that links the capital of neighboring Ethiopia, Africa’s second most populous country and one of its strongest economies, with Djibouti as the nation aims to become a global shipping power. “We sit on two of the busiest shipping lanes in the world. We are servicing the wider region, including some of the world’s fastest-growing economies,” the chairman of the Djibouti Ports and Free Zones Authority, Aboubaker Omar Hadi, said in an interview during a recent visit by The Associated Press. He called Djibouti, a largely Muslim nation, a model of stability in an otherwise volatile region. It is also one of the world’s fastest-growing economies, with the World Bank projecting 7 percent growth this year. The country made headlines earlier this year when it seized control of a container terminal run by the Dubai-based DP World, one of the world’s largest port operators, in a long-running legal dispute. If China takes over the terminal’s operations, the effects on supplying the U.S. military base could be “significant,” the U.S. Africa Command chief has warned. That will not happen, Hadi’s office said: “Djibouti has no plan to give Doraleh Container Port to China.” It is now managed by a fully state-owned company controlled by the ports authority, it added. Djibouti is currently investing $15 billion in local infrastructure projects that connect the region to global trade routes, including the expansion of ports, improved road and rail links and new airports, according to official figures provided to AP. The country’s ports now have a total handling capacity of 18 million tons per year, officials said, and the new Doraleh Multipurpose Port, a $590 million joint project between the ports authority and China Merchants Port Holdings opened in May last year, is already working at full capacity. It is a separate entity from the Doraleh Container Port. Now officials are pursuing a new project called the Djibouti International Free Trade Zone, expected to be the largest of its kind in Africa. “Once complete it will span an area of 4,800 hectares (11,860 acres), following a total investment of more than $3.5 billion,” the ports authority chairman said. The first phase is expected to be complete by the end of the year. Officials hope the ambitious infrastructure projects will not only raise Djibouti’s global image but also help it pay off significant debts. During Tillerson’s visit, Foreign Minister Mahamoud Ali Youssouf acknowledged that Djibouti’s debt totals roughly 84 percent of its GDP, most of it to China. “The burden of debt is there, we are aware of it,” he said. “But let me tell you that it is so far manageable.” One sign of investor confidence is whether China’s commercial banks begin lending to Djibouti as well, said Jyhjong Hwang, senior research assistant at the China-Africa Research Initiative. Djibouti’s officials anticipate that the demand for their ports will grow as more African nations expand their economies. They also dismissed concerns about a recent deal by DP World, Ethiopia and Somalia’s semi-autonomous region of Somaliland to develop and manage the Port of Berbera there, seen by some as another reason for Djibouti’s seizure of the container terminal from DP World. “Competition will make the region more attractive. East Africa’s economies are growing fast, and there is a clear demand for Djibouti’s infrastructure to support this growth,” the ports authority chairman said. Djibouti’s residents said local business is booming as a result of the growing international military and shipping interest, despite the country’s unemployment rate of nearly 40 percent, and construction sites and new roads dotted the city. Economic growth has attracted entrepreneurs from India, Yemen, Gulf nations and elsewhere. “Our company provides a fleet of cars for the army bases and we are really benefiting from it,” said Nour Omar, one of Djibouti’s best-known businessmen and general manager of local import and distribution business BSH Holding. “We aim to expand our services following their demand.”
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan Heshiis qarsoodi ah la gashay shirkad shisheeye, taasi oo fadhigeedu yahay islamarkaana ka diiwaangashan dalka Imaaraadka Carabta. Shirkaddan oo lagu magacaabo SKA International ayaa kula heshiisay Wasaaradda Gaashaandhigga inay ka taageerto gaarsiinta Sahayda Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan goobaha Al Shabaab laga saarey. Heshiiskan ayaa dhinac SKA ku waajibinaya inay bixiso dhamaan qalab ay ku jiraan gaadiid ku shaqeyn karo xaalad walba iyo shaqaalaha saadka gaarsiinaya goobaha loogu tala galay ee Ciidanka uu joogo. Waxaa ku jira Heshiiska qodob xambaarsan waxa loogu yeeray ujeedooyinka ganacsi, kuwaasi oo aan wali fahfaahin laga bixin. SKA ayaa sidoo kale heshiiska ku qasbayaa inay shidaal ku dhubto gaadiidka daabulaya saadka iyo inay bixiyo gunnooyinka iyo raashiinka Ciidamada ka ilaalinaya baabuurta Kolonyada weerarada Al-Shabaab. Dhinaca Wasaaradda Gaashaandhiga waxa uu Heshiiskan ku waajibinayaa qodobo ay kamid yihiin inay bixiso kaalmo toos ah oo isagu jira ilaalada hubaysan ee galbinaya Gaadiidka sahayda qaadaya ee SKA. Ciidamada ayaa sidoo kale laga doonayaa inay ilaaliyaan amaanka shaqaalaha iyo Gaadiidka SKA oo khatar ugu jira weerarada Al Shabaab xilliga ay ku safarayaan wadooyinka isku xira gobollada dalka. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen [Gorod] ayaa xaqiijiyay saxiixa heshiiskan, isagoo sheegay in wax dhaqaale ah aan Wasaaradda difaaca uga baxeynin shaqada SKA. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, oo mas’uul xafiiska iibka iyo qandaraaska dowladda, ayaa sheegay inuusan waxba kala socon heshiiskan ay wasaaradda difaaca iyo SKA kala saxiixdeen, sidaasi darteedna uu yahay waxbka kama jiraan. SKA International, oo asal ahaan laga leeyahay Mareykanka ayaa mudo sanado ah soo maamushay Garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli dalka ay ka talinaysay dowladda KMG ahayd ee Madaxweyne Sheekh Shariif.