Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Gaaroow waxaa maanta lagu soo bandhigay Cilmi baaris laga sameeyay Horumarinta iyo ka faa,iidaysiga Tamarta oo laga sameeyay Gobolo kamid ah Puntland. Barnaamijkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xarunta Wasarada Qorshaynta ee dowladda Puntland , waxaana ka soo qayb galay Hay,adaha Caalamiga ah , Madaxda Wasaarada Qorshaynta ee Puntland iyo marti sharaf kale. Magaalooyinka Cilmi baarita laga sameeyay ayaa waxaa kamid ah ,Garoowe, Bosaaso , Galdogob iyo Eyl. Cilmi baaristan ayaa waxaa ka qayb qaatay oo xogtan soo uruuriyay ilaa 800 oo qof oo ku kala sugan Magaalooyinkaasi Cilmi baarista laga sameeyay. Madaxa xafiiska Hay,ada Horumarinta Qaramada Midobay ee Puntland oo kulanka kahadlay ayaa qiray in Maamulada ka tirsan dowladda Fadaraalka Somaaliya ay tahay Puntland maamulkii ugu horeeyay ee Cilmi baarista noocan ookale ah sameeyay. Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland ayaa sheegay in ay arintan Puntland Muhiimad gaar ah ay u leedahay , wuxuuna intaasi kudray in uusan dalna horumar gaarikarin hadii uusan tamarta uu haysto uusan ka faaiidaysan . Halkan ka dhagayso . warbixinta kulanka wasaarada Qorshaynta
  2. In the next two decades, Somalis will have overtaken the top three largest communities in Kenya to be the most populous group if the current population trends remain. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu dilay Abdi Fagaase oo ahaa gudoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Xamarweyne. Guddoomiye Waaxeed Fagaase, ayaa waxaa toogasho ku dilay laba maleeshiyo oo la sheegay inay ku hubeysnaayen bastoolado kuwaa oo qeybaha sare ee jirka uga dhuftay dhowr xabadood. Dilka Fagaase, ayaa ka dhacay afaafka hore ee waaxda, waxaana dilka kadib halkaa ka baxsaday maleeshiyada dilka geysatay. Guddoomiye Marxuum Fagaase oo aad looga wada garanaayay Degmada Xamarweyne ayaa waxaa lala toogtay wiil dhalinyaro ah oo ay wada socdeen. Wiilka lala dilay Fagaase ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed, waxaana la sheegay in isna laga toogtay qeybaha sare ee jirka. Dilka gudoomiye Fagaase iyo Axmed ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay kusii kordhayaan dilalka iyo Qaraxyada loo adeegsanaaya ismiidaaminta iyo kuwa gaadiidka lagu xiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi oo maanta Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay Cunaqabateen ku hayso maamulkiisa . Muuse biixi ayaa ku cataabay in Xukuumada Soomaaliya ay hortaagan tahay Heshiiskii Shirkada DP World ee lagu wareejiyay maamulka dekada Berbera. Waxa uu sheegay in Soomaaliland ay udacwoon doonto beesha caalamka ayna yihiin dal kamadax banaan Soomaaliya waa sida uu hadlka udhigay . Halkan kadaawo.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwadii dowladda Federalka ah ee Somalia u gudbisay QM kaas oo ku aadanaa heshiiskii Shirkada DP World ay Somaliland kula gashay Dekada Magaalada Berbera. Biixi, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Somalia aysan dacweyn DP World hase ahaatee dacwada ay aheyd mid gabi ahaan kusoo uruurtay Somaliland. Muuse Biixi, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in Somaliland lagu yiraahdo maxaad heshiiskaas ula gasheyn Shirkada DP World. Madaxweyne Biixi ayaa meesha ka saaray suurta galnimada Dacwadaas, isagoona sheegay inaan waxba ka soo naasa cadaaneynin Dacwada loo gudbiyay Qaramada Midoobey. Muuse Biixi, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ka badin la’ dahay teeda isla markaana haatan yihiin kuwo u kala qeybsan Baydhabo, Garoowe, Banaadir, Dhuusamareeb, isla markaana ay shaaciyan in Somaliland ay dusha ka xukumaan. Waxaa uu sheegay in Somaliland 20 sano ee lasoo dhaafay ku jirtay horumar, islamarkaana aysan suurtagal aheyn ay hoos fadhiisato dowlada Soomaaliya oo wali burbursan. Intaa kadib Muuse Biixi, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka dhamaan la’ dahay Khilaaf iyo Mooshin aan mirro dhal laheyn waxa uuna tilmaamay in xiligaan baarlamaanka Somalia uu Khilaafka xoogan udhexeeyo, kaasoo ka dhashay Mooshinkii Jawaari laga keenay 14-Kii Bishan. Biixi ayaa sheegay in Xildhibaanada ku sigteen iney isu gacan qaadan Mooshinka maadaama uu Khilaaf soo Kala dhex galay. Sidoo kale, Wadahadaladii udhexeeyay Somaliand iyo Somaliya, ayuu sheegay iney hakad ugu jiraan weerar qaawan oo uu sheegay in dhankooda lagu soo qaaday, Isagoona talo ahaan soo jeediyay in Dowladda Dhexe ka waantowdo faragalinta ay ku heyso Somalialnd. Haddalka Biixi, ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu Xalay xili danbe ku baxay xal uhelista Khilaafka Golaha Shacabka, Wuxuuna ka dhaadhiciyo Gudoonka Baarlamaanka iney maanta Baajiyaan Kulankii Golaha Shacabka oo laba ajende kala watay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay Liiska Xildhibaanada saxiixay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pro. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari Xildhibaanadaan ayaa guud ahaan marka tiradooda la isku geeyo noqonao ilaa 193 Xildhibaan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiskooda oo dhameystiran:
  7. Muqdisho-(Caasimadda Online) – Isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Xaafad ku taala degmada deyniile ee gobalka Banaadir waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iska hor imaadkan uu yimid khilaaf ku saabsan dhul hore ay u lahayeen ciidamada xoogga dalka oo haatan ay dad deegaan ka dhigteen. Dagaalka ayaa waxa uu kadhacay halka looyaqaan Xerada 77 ee ku taala degmada Dayniile waxa uuna dagaalka uu salka ku haayaa is qab qabsi dhuleed oo ka taagan Gudaha Xerada. Iska hor imaadka ayaa la sheegay in ay ku dhintaan dad shacab iyo weliba qaar ka mid ah ciidamada dagaalamay, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad rayid ah rasaas wiifto ah ugu tagtay xaafado fog fog . Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada iyada oo ay soo noqnoqdeen iskahorimaadyada u dhexeeya ciidamada dowlada kuwaasoo sababa in ay dad rayid ah wax ku noqdaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay fara-gelin iyo weerar qaawan ku qaadday Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ku saabsanaa in aan la siyaasadayn mashaariicda horumarineed,islamarkaana ay cuna-qabatayn saartay, guud ahaan mashaariicdi caalamku ka fulinjiray Somaliland,kuwaasoo uu sheegay in loo wareejiyay magaalada Muqdisho. Biixi ayaa sidoo sheegay in heshiisyada dowladda Federaalka Soomaliya ay ka baxday uu ku jiro heshiis dhigayey”in hawada Soomaaliya laga maamulo magaalada Nairobi,dhaqaalaha ka soo baxana Somaliland barkeeda la siiyo”,isagoo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay la wareegtay hawadii labada dhinac ka dhexaysay,islamarkaana ay leexsatay dhammaan dhaqaalihii ka soo bixi jiray. Muuse Biixi ayaa hadalkiisa raaciyay in Somaliland ay Qaramada Midoobay u gudbinayso dacwad ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan maamulka hawada sare ee dalka Soomaaliya. Halkaan ka daawo Biixi oo ka jawaabaya su’aal arrintaasi laga weydiiyay. PUNTLAND POST The post Somaliland oo xukuumadda Soomaaliya ku eedaysay in ay cuna-qabatayn ku soo rogtay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Howlihii gobalka Banaadir oo labo asbuuc hakad ku jira xili Eng Yariisow uu ku dhex milmay xukuumadii uu hore uga tirsanaa, kana mid noqday xubnaha ugu horeeye ku mashquulsan yahay mooshinka laga keenay guddoomyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari). Sida ay noo sheegeen ilo ku dhow madaxda Maamulka G/Banaadir shaqadii maamulka G/banaadir ayaa noqotay mid socon oo habac weyn soo galay iyadoo qaar ka mida Shaqaalaha maamulka G/Banaadir ay iskood isu fasaxeen, halka inta badan shaqaalaha ay xafiisyada tageen xilligii ay doonaan. Guddoomiye Yariisow, ku xigeenkiisa maaliyada iyo xog-hayaha guud ee gobalka Banaadir ayaa maalmihii ugu danbeeyay degabaa Hotel-ka SYL, iyagoo saddex qol oo isku dhegan ka kireystay Hotelka oo ay ka wadeen ololaha Mooshinka Jawaari. Xogt la helay ayaa sheegsya in Lacag dhan $2.5 Milyan (Labo milyan iyo shan boqol oo kun oo Doollar) uu G/Banaadir kux bixiyey Mooshinka, lacagtaas oo la geeyay hotelka SYL, taasoo ahayd canshuurtii dadka G/Banaadir looga qaaday in adeegyo asaasiga ah loogu qabto. Lacagtaan ilaa imimka loo adeegsadya mooshinka ayaa waxaa bixiyey Maamulka gobalka Banaadir ee uu madaxda u yahay Guddoomiye Yariisow oo isu arka inuu yahay mas’uul u shaqeeya ciddii xilka u magacawday. Guddoomiye Eng. C/raxman Yariisow)ayaa la sheegay inuusan tegin xafiiskiisa tan iyo markii uu bilowday mooshinka Jawaari, marka laga reebo saacado kooban oo uu transit ku maray, waxaana la fasaxau shaqaalaha xafiiskiisa, sidoo kalena howlgab laga dhigay shaqaalaha Waaxda Maaliyada si lacagta G/Banaadir loola baxo. “Ma tagin shaqada gobalka Babaadir mudo 2 asbuuc ah sababtoo ah madaxda oo dhan ma timaado xarunta Dowlada Hoose , waxey ku shaqeeyaan Hotel SYL ayuu yiri mid ka shaqaalaha G/Banaadir oo Mudane Yariisow ku tilmaamay guddoomiyihii ugu liitay ee soo maray maamulka G/Banaadir. Waxaa laga cabsi qabnaa in mushaarka billaha soo socda ee shaqaalah G/Banaadir la bixin waayo, taasoo ay ugu wacan tahay Khasnada G/Banaadir ee Bankiga Dhexe oo lagala baxay $2.5milion (labo milyan iyo shan boqol oo kun). Durba waxaa bilaabatay dood ku saabsan mudada uu Guddoomiye Yariisow sii joogi doono xafiiska iyo cidda lagu bedeli doono, iyagoo shaqaalaha sare ee maamulka G/Banaadir ay si cad u sheegayaan inuusan xilkan sii wadi karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Proff Xuseen Axmed Maalin oo darajada PHD ka haysta cilmiga xalinta khilaafaadka oo ka faalooday go’aankii Madaxweynuhu uu ku hakiyay kulankii Baarlamaanka ee 31 Maarso ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaaday tallaabo aad u haboon oo muujinaysa sida uu ugu diyaarsan yahay in uu hormariyo dimuqraadiyadda iyo dib u heshiisiinta. “Waxaan heysannaa Madaxweyne Masuul ah ee Maskaxdu ha shaqeyso oo Baarlamaanku ha ogaadaan masuuliyadooda haddii ay jiraan is faham darro dhextaalana si aan buuq lahayn Dastuurka iyo Xeer hoosaadka ha ugu dhammaystaan dooda ayuu yiri” Proff Maalin. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda xal u raadinaya Mashaakilka ka taagan baarlamaanka waxaana dadka Soomaaliyeed ku yaqaanaan in uu yahay Madaxweyne qalbii fiican oo si daacad ay ku jirto uga shaqeeya dib u heshiisiinta marka xaaladahaan oo kale dhacaan. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa taagnaa muran badan oo ka dhashay qaabka Mooshinka loo qaadayo waxaana xaaladdu sii adkaatay markii Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ay keeneen dood ah in Mooshinkii uu jabay, iyada oo dhinaca kale Xildhibaanada mooshinka keenay iyo Guddoomiye Kuxigeenka koowaadba ku adkeysteen in Mooshinka laga doodi doono oo Golaha la gayn doono. Xaaladdu waxa ay ka sii dartay 24saac ee ugu dambeeyay oo warar badan oo is khilaafsan ay soo baxeen, dadka Soomaaliyeed ayayna arrintaasi galisay walwal badan iyaga oo aad uga cabsaday in waxa dhaawacaya qarannimada Soomaaliya ay meeshaas ka soo baxaan marka ay hal hool ku kulmaan Xildhibaano aan isku aragti ahayn oo haddana hanjabaad Warbaahinta isu mariyay, xalayna sidaas ayaa lagu seexday. Dadka Soomaaliyeed ayaa Saaka ku waabariisteen war ka duwan kii ay ku seexdeen, kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soosaaray baaq ah in maanta la hakiyo kulanka Baarlamaanka, baaqaasna waxaa aqbalay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka. Waxaa bilaawday in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u mahadceliyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyaga oo ku amaanay sida uu u maareeyay xaaladdii ka taagneed Baarlamaanka dhexdiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Balad-Xaawo (Caasimada Online) – Dadaallo lagu dhaqan-gelinayo go’aannadii Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadanaa joojinta dhismaha derbiga Balad-Xaawo ayaa socday maalmihii ugu dambeeyey. Masuuliyiin ka socda labada dhinac ayaana lagu soo waramayaa inay ka shaqeynayeen dhaqan-gelinta go’aankii ay isla meeldhigeen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya. Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo, oo ay ku jiraan Maamullada Degmooyinka Mandheera iyo Beled-Xaawo ayaa kormeeray Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna ujeedkoodu ahaa inay u kuurgalaan dhaqangelinta go’aankii lagu joojinayey dhismaha derbiga Balad-Xaawo, go’aankaas oo si wadajir ah uga soo baxay Madaxweyneyaasha labada dal ee deriska ah. Masuuliyiinta ayaa markii ay kusoo wareegeen labada dhinac ee dhismaha derbiga waxay u sheegeen bulshada degaanka iyo Warbaahinta in la dhaqan geliyey go’aannaddii madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya lana joojiyey dhismihii derbigaan muranka dhaliyey. Wararka ayaa intaas ku daraya in lagu ballansan yahay kulan fool-ka-fool ah oo ay yeelan doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya, si loo dhammeystiro heshiiskaan is-fahamka ah ee Xadka Balad-Xaawo. Caasimada Online Xafiiska Balad-Xaawo Caasimada@live.com
  12. Shilgaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxa uu ka dhacay duleed Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka kar kaar meel waxyar ujirta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Qardho. Shilkan Gaari ayaa sababay dhimashada labo qof oo kamid ahaa shacabkii saarnaa Gaarigan iyo dhaawaca 1 qof oo kale, waxaana labadii qof ee geeriyootay mid kamid ah uu aha Darawalkii Gaariga waday . Gaarigan ayaa ka yimid Magaalada Garoowe wuxuuna ku soo jeeday Magaalada Bosaaso. Shilkan ayaa yimid kadib markii Gaariga ay ku soo baxeen Xoolo Wadada hareeraheeda daaqayay . Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere ayaa faah faahinaya sida uu shirkan ku dhacay . Halkan ka dhagayso. Duqa qardho
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka maamul-goboleedka Galmudug ayaa qaadi doona howlgallo ka dhan Maleeshiyada Al-Shabaab ee haatan ku sugan degaanno ka tirsan Galmudug. Madaxwaynaha dawlad-goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay inuu xoogeystay qorshaha ay Galmudug kula dagaalameyso Al-Shabaab xilli uu ka hadlayey munaasabad lagu mideynayey Ciidamada Galmudug oo horay u kala ahaa Ahlu Sunna iyo Galmudug. Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa daaha ka qaaday in howgalka ay Galmudug dhulkeeda uga tirtireyso Al-Shabaab ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Ciidanka shalay oo Jimco aheyd la mideeyey. Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug inay ciidamada ku garab siiyaan hawlgalka, si maleeshiyada Al-Shabaab looga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan dadka degan Bariga gobolka Galgaduud iyo deegaano aan badnayn oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Horay waxaa loo mideeyey Baarlamaanka Galmudug, hadana waxaa lagu guuleystay midnimada Ciidankeeda oo horay u kala joogay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, taasoo sahli karta inay qaadaan howgallada ka dhanka ah Al-shabaab, sida uu aaminsan yahay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  14. The deadlock over the motion against the Speaker of the Federal Parliament of Somalia has prompted Somalia's partners to voice their concern about fragility of the federal institutions. This parliamentary deadlock is the second Somalis have experienced since 2010 when the current Southwest State President, Sharif Hassan, then Finance Minister, replaced Adan Madoble, who had replaced Sharif Hassan when the latter expressed support for the Union of Islamic Courts. Attempts to sack Sharif Hassan as Speaker failed in 2012. Source: Hiiraan Online
  15. A large crack, stretching several kilometres, made a sudden appearance recently in south-western Kenya. The tear, which continues to grow, caused part of the Nairobi-Narok highway to collapse and was accompanied by seismic activity in the area. Source: Hiiraan Online
  16. Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay,mid kalena dhaawac culus ayaa ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay duleedka bari degmada Qardho,sida ay xaqiijiyeen ciidanka ilaalaada Waddooyinka ee gobolka Karkaar Gaariga shilka galay oo lagu sheegay nooca Mark2, ayaa ka tegay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,wuxuuna ku sii jeeday xarunta gobolka Bari ee Boosaaso,isagoo halkaas u siday jawaanno qaad ah,sida ay sheegeen ganacsatadii soo rartay. Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in shilkaan uu yimid,kadib markii gaariga oo si xawli ah ku socda uu dhex galay adhi laamiga bartankiisa go’ynaya,islamarkaana uu dareewalku si deg deg ah bareega u qabtay. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost The post Khasaare dhimasho oo ka dhashay shil ka dhacay duleedka Qardho. appeared first on Puntland Post.
  17. The "suspicious" death of a man killed by a fire involving a motorbike on the stairwell of a block of flats is to be reviewed by police 10 years on. Source: Hiiraan Online
  18. For 25 Somali migrants who alleged Immigration and Customs Enforcement officers physically and sexually abused them while in custody, their time in the U.S. has ended. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdilweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee,Abshir Muuse Siciid oo kamid ahaa halgamayaashii Jabhadda SSDF oo xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka UK. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada dowladda Puntland,ayaa madaxweyne Gaas tacsi ugu diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaanna dadweynaha reer Puntland iyo qoyskii uu ka baxay marxuum,Abshir Muuse Siciid. Marxuun Abshir Muuse Siciid ayaa maareeye ka soo noqday,wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya ee(ENEE),sidoo kale waxaa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa hoggaamiyaashii sare ee Jabhaddii(SSDF). Dhinaca kale wuxuu kamid ahaa dadkii as’aaska u dhigay dowladda Puntland sannadkii 1998,isagoo guddoomiye ka soo noqday hay’adda biyaha Puntland ee (PASAWEN). PUNTLAND POST The post Mid kamid ah hal-doorkii as’aasay Puntland oo geeriyooday. appeared first on Puntland Post.
  20. Kismayo (HOL) - Jubbaland State has started registration of over five thousand militia of the Darwish militia in Jubbaland state who will be integrated into the state security forces. Source: Hiiraan Online
  21. NAIROBI (HOL)- The government of Kenya on Friday officially announced that it halted the Construction of the controversial Security Wall along its border with Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL ) - The Lower House sitting scheduled for Saturday has been called off the following intervention by Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo, officials said. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee Maanta uu u baaqday fariin ka timid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dareemay khatarta dalka ku socday,isla markaana khilaafka jira uu yahay mid wixii ka yimaada aan la mahdin doonin. “Waxaa muuqata in madaxweynuhu dareemay muhiimada baaqyadii kala duwanaa ee loo diray iyo inuu dareemay khatarta dalku ku socdo, khilaafka jiraana uu saldhigan doono meel aan caaqibadeeda la mahdin doonin ayuur yiri Xildhibaan” Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay si mas’uuliyad leh ay ugu soo baxeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan, ayna ka turjumeen dareenkooda sida uu hadalka u dhigay. “Xaaladda dalka ka taagan ma ahayn mid la daawan karo, mana ahan waxa socda wax laga raali noqon karo ciddii damiir leh, balse waxaa muhiim ah in la kala garto cidda dalkaan u naxaysa iyo kuwa manaxayaasha ah ee aan wax dan ah ka lahayn burbur ku yimaada hey’adaha dawladda”ayuu yiri Xildhibaanka. Xildhibaan Fiqi ayaa ka mid ah xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga gudbiyey Gudoomiye Jawaari,isla markaana waxa uu sweyn u dhaliilaa hab dhaqanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare Faarax Warsame Cabdiraxmaan, ayaa shaaciyay in lasoo qabtay gaarigii todobaadkii laga dhacay Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo katirsan culimada Puntland ahna guddoomiyaha jaamacadda bariga Afrika faraceeda Garowe. Taliyaha ayaa sheegay dableyda dhacay gaariga inay isku hayb ahaayeen Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, kuwaas oo uu sheegay inay u dhaceen sababo dhaqaale awgeed, balse markii dambe lagu guulaystay in laga dabo oo lasoo qabto Gaarigii iyo maleyshiyadi falkaas ka dambeeyay. Waxaa uu taliyuhu sheegay inaanu jirin wax dhibaato ah oo Sheikha iyo ilaaladiisa soo gaaray, isagoo intaas ku daray in isla subixii gaarigiisa loosoo celiyay, isagoo bad qaba. Halkaan ka dhegayso codka taliyaha. Taliye Faarax Puntlandi.com