Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Dalka Mareykanka ayaa sheegay in tirada Ciidamada u dagaallama Al-shabaab ay gaarayaan 4,000 ilaa 6,000 oo askari. Waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in Al-shabaab ay ka midyihiin Ururrada ugu waaweyn Caalamka ee ka farcama Al Qaacidda. Waxaa ay sheegeen in Alqaaciddada Afrika ay sii kordhayaan marka loo eego Soomaaliya iyo Gobollada Waqooyiga iyo galbeedka Afrika. Waxaa ay sheegayaan in 4,000-6,000 oo Askarta Al-shabaab ah ay aad ugu howlgalaan Soomaaliya kuwaas oo caqabad ku ah amniga meelo badan oo ka mid ah Bariga Afrika. Ururka Daacish ayey warbixintu sheegtay in ay tiro ahaan aad u yaryihiin, waxaana lagu sheegay 75 ilaa 80 Askari oo kaliya, kuwaas oo ka dagaallama Buuraleyda Maamul Goboleedka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya. Dhinaca kale Warbixinta Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Alqaacidda qeybteeda Dalka Mali ay tiradoodu gaareyso 800 oo Askari, kuwaas oo iyaguna weerarro ku haya Ciidamada Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey iyo dowladda uu caalamku taageersanyahay ee dalka Mali. Mareykanku waxaa uu warbixintiisa ku sheegay in dagaalyahannada Ururka Boko Haram ay gaarayaan 1,500 oo Askari halka Daacishta Galbeedka Afriak ay heysato Ciidan gaaraya 3,500.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay xadiday dhaqdhaqaaqa Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo iminka ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Dowlada Kenya ayaa talaabadaani qaaday kadib markii ciidamada amaanka dalkaasi ay is hortaag ku sameeyen Kulan looga hadli lahaa arrimaha Siyaasada oo loo qabtay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. Dowlada ayaa la xaqiijiyay in Siyaasiga ay ku wargalisay inaanu qabankarin wax ku saabsan kulan Siyaasadeed, isla markaana ka hadli Karin kulamada khuseeya Siyaasada mudada uu joogo Kenya. Waxa ay dowlada Kenya Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur u cadeysay inuu dusha saran doono wixii caqabad ah ee ka imaada ka weecashada talaabooyinka loo xadiday, waxaana arrintaasi soo dhaweeyay Siyaasiga, sida aan xogta ku heleyno. Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in xitaa Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur la soo koobay kulamada uu la qaadanaayo saaxiibada adduunka ku sugan Kenya, iyadoo laga fogaanayo mugdi ku imaada xiriirka Dowladaha Somalia iyo Kenya. Sidoo kale, Talaabada lagu xadidaayo Siyaasiga ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Aden Bare Ducale oo isagu horay u ballanqaaday in Kenya aysan saldhig u noqon doonin duulaanka Somalia, kadib markii magaalada Nairobi ay ku kulmeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Ugu Danbeyn Du,ale ayaa ugu Baaqay asxaabta Siyaasadeed ee somalia in Gudaha somali ay ku Qabtaan Kualamada Ceynkani oo Kale ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowlada Turkiga u fadhiya Somalia Olgan Bekar ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay kordhin doonto is garabtaaga Somalia. Danjire Olgan Bekar, waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka fogaan doonto qaadista talaabo waliba oo aan maslaxad ugu jirin Somalia, waxa uuna carab ***** in Somalia ay ka go’an tahay inay ka ambaqaado halkii hore. Waxa uu Olgan Bekar cadeeyay in Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu u taagan yahay sida Somalia looga saari lahaa dhibaatooyinka yaryar ee muuqda, waxa uuna carab ***** in muddo kooban ay Somalia uga dhigi doonaan dal isku tashtay. Olgan Bekar, ayaa ballanqaaday ka dhabeynta Seddex qodob oo uu sheegay in Somalia ay walwal xoogan ka qabto waxa ayna kala yihiin: 1-In Siyaasada Turkiga aysan noqon mid waxyeeleysa danaha Qaranka Somalia. 2-Qaadista talaabo waliba oo Turkiga uu ku dhaqan galin doono rajada iyo baahiyaha ay qabaan Soomaalida. 3-In Siyaasadooda aysan noqon mid looga macaashayo Soomaalida, isla markaana ay ka dhabeynayaan hadafka Siyaasadeed, iyagoo aan lamid noqon doonin dalalka ka dana fushta Somalia. Sidoo kale, Danjire Olgan Bekar, waxa uu ballanqaaday in dowlada Turkiga ay diyaar u tahay buuxinta dhammaan boosaska ay faarujisay dowlada Imaaraadka Carabta, taa oo muujineysa in dowlada Erdogan ay ka go’an tahay is garabtaaga Somalia. Ballanqaadka Danjire Olgan Bekar ayaa imaanaya iyadoo ay wada kulmeen Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawed oo ka shaqeynaaya sida lagu dardar galin lahaa howlaha Qaranka ee arrimaha dibadda khuseeya. Si kastaba ha ahaatee, Danjire Olgan Bekar ayaa Somalia uga digay inay kalsooni siiso dowladaha aanu danta ugu jirin Horumarka iyo xasiloonida Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si aada looga hadal hayaa doorashada la filaayo in 30-ka Bishan ka dhacdo magaalada Muqdisho. Doorashadan oo ay ku loolamayaan Xildhibaano dhowra oo doonaaya inay buuxiyaan Kursiga uu iska casilay Gudoomiyihii baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Dadka ayaa ku kala aragti duwan hanaanka uu u socdo ololaha Doorashada, waxa ayna badi qabaan in ololahaani uu yahay mid ka qabow kuwii hore. Waxa ay qabaan dadku in qabowga ololaha uu yahay mid ay sababta Xukuumada Somalia, oo iyadu dhabarka ka riixeysa inta ugu badan Musharaxiinta oo ka tirsanaa isla xukuumada. Xukuumada Somalia ayaa loo arkaa inay dhabarka saaratay dhaqaalaha ku bixi doona Musharaxiinta ay gadaal ka riixeyso, kuwaa oo qaarkood isu sharaxaaya boos buuxisa taa oo ay tusaale kaaga filan tahay mudada diiwaan galinta oo aad u yareed. Dadka qaar ayaa qaba Xildhibaanada Mucaaradka qudhooda ay kaalin weyn ku leeyihiin ololaha socda balse Siyaasad gaara laga damacsan yahay aamusnaanta badan. Waxa ay qabaan in Musharaxiinta qaar ay ku jiraan kuwo markoodii hore ka imaaday dhanka Mucaaradka, hase ahaatee isku muuqaal ekeysiinaaya muxaafid. Aragtida ugu badan oo ay qabaan dadka ayaa ah in Xukuumada Somalia ay wadato shaqsiga la saadaalinaayo inuu noqon doono Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka. Shaqsiyaadka la rumeysan yahay in Xukuumadu ay ku bixineyso dhaqaalaha ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo iska casilay Wasaarada Gaashandhiga una taagan xilka Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo kamid ahaa Xildhibaanada riday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Sidoo kale, Xukuumada Somalia ayaa iska fogeyneysa inay kaalin ku leedahay ololaha lagu soo saarayo Gudoomiyaha cusub, wallow inta badan dadku ay yihiin kuwo aan aaminsaneyn iska fogeynta Xukuumada. Si kastaba ha ahaatee, dadka oo idil ayaa qaba in sababta ay Xukuumada u riday Jawaari ay tahay inay la imaado Gudoomiye adeecsan dowlada Nabad iyo Nolol ee hadda jirta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Lamaane aroos ahaa oo ku noolaa deegaanka Ari Caddays oo 30km dhanka koonfur galbeed kaga beegan degmada Cabuudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa u dhintay biriq ku dhacday habeen hore, kuwaasi oo meydkooda laga helay hoygii ay ka deganaayeen Caabudwaaq. Masiibadaan ayaa dadka deegaanka ka war heleen subaxnimadii Tallaadadan. iyadoo la sheegay in lamaanahaan ay hal todobaad wada noolaayeen oo ay aroos ahaayeen. Aabe Subeyr oo ah aabaha dhalay Faadumo Subeer Cabdi iyo seeygeeda oo la oran jiray Raage Maxamed Aadan ayuu ku sheegay in loo maleynayo in geeridooda ay sabab u tahay biriq soo dhacday oo xoolana ay ku dhinteen. Wuxuu sheegay Subeyr in gabadhiisa iyo seygeeda allaha u naxariistee ay wada joogeen hal todobaad kaliya, inkastoo uu xusay in meherkooda uu mar hore dhacay, balse ay wada noolaayeen todobaad kaliya.
  6. Siyaasi Buubaa Oo Si Adag Uga Hadlay Buugii Uu Qoray Wasiir Guri Barwaaqo Muuse Biixina Ugu Baaqay In Uu Talaabo Ka Qaado.
  7. The African Development Bank’s Deputy Director General for East Africa, Nnenna Nwabufo, represented the institution at the launch of the Say No to Famine – Short-Term Regional Emergency Response Project (STRERP) for Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. The Spanish navy launched its assault on pirates who had seized a fishing boat called the Gavi. Source: Hiiraan Online
  9. Beledweyne (HOL) - A trader from Beledweyne has turned down his appointment to hold a post in the infant Hirshabelle administration, citing a complete lack of consultation before his appointment. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - The Parliamentary Elections committee officially concluded the registration of candidates on Tuesday ahead of the election of the Lower House Speaker slated for 30th April. Source: Hiiraan Online
  11. Dowladda Puntland ayaa marti-gelinaysa shir ku saabsan Xasilinta Amniga Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo lagu casumay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Amniga Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan Koonfurta Soomaaliya. Shirkaan ayaa sida qorshuhu yahay maalinta berri ah ka furmaya,caasimadda Puntland ee Garoowe,waxaana ka qeyb galaya Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Wasiirada Amniga maamul goboleedyada Koonfurta Soomaaliya. Wasaaradda Amniga dowladda Puntland ee shirkaan marti-gelinaysa ayaa khibraddeeda la xiriirta sugidda amniga la wadaagaysa mas’uuliyiinta ka socda Koonfurta Soomaaliya,si loo xasiliyo Amniga Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay weli ku xooggan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab,islamarkaana ay ka socdaan dagaallo iyo qaraxyo joogta ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo marti-gelinaysa shir ku saabsan xasilinta Amniga Koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa sheegay in la joojiyay kulan isaga lagu soo dhoweyn lahaa oo maanta loo balansanaa inuu ka dhaco magaaladda Nairobi. Wuxuu arintaa ku eedeyay inuu ka dambeyo madaxweyne Farmaajo. Soo dhoweyn mise isi soo dhoweyn ? Kulanka waxaa loogu yeeray soo dhoweyn, laakiin markii la aqriyo hadalka uu Cabdiraxmaan bartiisa Facebook ku qoray, waxaa kusoo baxeysa isi soo dhoweyn. Hadii ay jiraan dad xaflad abaabulay si ay isaga usoo dhoweyaan ama xisbigiisa, waxey aheyd inaan aragno qaban qaabiyaashii iyo dadkii is abaabulay oo sharaxaya qaabkii uu kulankoodu u baaqday. Mudooyinkii dambe, siyaasigu inuu isagu is casuumo wax caadi ah ayey ka aheyd Somalia. Eedeynta Farmaajo Cabdiraxmaan wuxuu Farmaajo ku eedeyay inuu arrintaan isagu fuliyay, balse wax cadeyn ah nalama wadaagin. Wuxuu yiri xiligii Xasan Shiikh uu madaxweynaha ahaa, aniga iyo Farmaajo waxaan kulamo Dowladda looga soo horjeedo ku qaban jirnay Nairobi, balse Shakuur wuxuu iloobay in Xasan iyo Farmaajo aaney isku falsafad aheyn. Hadii uu Xasan Shiikh aqbalay in Dowladiisa banaanka laga soo weeraro , Farmaajo inuu sidaas oo kale noqdo ma Dastuuriyaa, jawaabta idinkaan idiin dhaafay hana iloobin in dastuurkii la xaday. Bilo ka hor, dowlada Kenya waxey diiday iney Nairobi ku shiraan xildhibaano kasoo horjeeda madaxweyne Farmaajo oo rabay iney halkaa mooshin ka abaabulan , taas waxey cadeyn u tahay in diidmada Kenya aaney ka bilaaban is casuumida Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. Farmaajo ? Ma hubo in madaxweyne Farmaajo ka dalbaday Kenya iney joojiso shirarka looga soo horjeedo Dowladiisa, laakiin hadii ay jirto Farmaajo taa ma ku qaldan yahay ?. Dadka aadka ula socda siyaasada Somalia iyo fara galinta ajaanibta waxey aaminsan yihiin in Farmaajo uu ku saxan yahay talaabo kasta oo aan dhiig ku daadan oo uu ku difaaci karo taliskiisa. Midna waa iga su’aal, Kenya soo xaq uma lahan iney wax diido waxna ogolaato, in diidmadeeda laga dhigo amar Dal kale ka yimid soo gaf kuma ahan Kenya ? Shakuur ? Xildhibaanada marka laga tago ,Cabdiraxmaan waa musharaxa qura ee ilaa hada ku dhagan Farmaajo , dadku badi ma fahmin waxa 30-kii musharax ka takooray Shakuur isna wali daliil caafimaad qabta kama bixin arintaa. Shakuur waa siyaasi xilal soo qabtay, cilmi badan uu ka muuqdo aadna aftahan u ah, laakiin xiligaan shaqada uu wado waxey dad badan u arkaan inuu ku noqday mid ka mid ah ciwaanada ugu caansan Facebook balse uu ku lumiyay dhibco badan oo siyaasadeed. Waxaa u furan wali inuu aamusnaan ku kaluumeysto sida ay dad badan oo mucaarad ah hada sameeyaan, laakiin siyaasi walba wuxuu fahmaa inta uu la taliyihiisu fahmo. Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
  13. Rival forces from Somalia’s army shot at each other in the capital Mogadishu on Monday, with one group trying to storm a training centre the United Arab Emirates left behind after it ended a training programme there, soldiers and residents said. The clash was an indication of the difficulty in rebuilding unified security forces for a state where centralised authority collapsed in 1991 and an internationally backed government, elected last year, faces huge challenges. It was also another sign of the fallout from a crisis in the Gulf region that has spilled into the volatile Horn of Africa. The UAE has trained hundreds of troops since 2014 as part of an effort boosted by an African Union military mission to defeat an Islamist insurgency and secure the country for the government backed by Western countries, Turkey and the United Nations. The Gulf nation ended its programme in Somalia this month in response after Somali security forces seized millions of dollars and temporarily held a UAE plane. “Some Somali military forces attacked us at the base, they wanted to loot it but we repulsed them,” Ahmed Nur a soldier who was trained under the discontinued programme, told Reuters. After 90 minutes of sporadic gunfire, the training facility was secured by presidential palace guards, a Reuters journalist at the scene said. Some of the UAE-trained Somali soldiers fled, said Abdirahman Abdullahi, a second soldier who was also trained under the programme: “Most of my colleagues jumped over the wall and ran away with their guns. Others left the guns and ran away and so I had to (flee) also.” Residents in the area said they saw UAE trained forces discarding their military uniforms and fleeing the facility in three-wheeled rickshaws with their guns in their laps. Somalia’s relations with the UAE have been strained by a dispute between Qatar and Saudi Arabia. The UAE is part of a group of Arab states including Saudi Arabia that has ostracised Qatar. Countries on both sides of the dispute have influence in Somalia, and Mogadishu has refrained from taking sides. Source: – Reuters
  14. Hassan Warsame, 60, has been commuting between Galkayo city in northeastern Somalia’s Puntland region and his rural home more than 50 km away ever since he realized that he could never rebuild his life around livestock again. As soon as he has some weekly wages in his pocket from working on a construction site, he buys food for the family and travels home to the village. He has eight children depending on him. Hundreds of other pastoralists, whose livestock and livelihoods have been devastated by the drought in different parts of Mudug region, are doing something similar. Hassan mixes cement and sand on the building site, and loads heavy materials onto trucks. He said his job needs physical strength more than any particular skill, so it was easy to pick up. After working for four days, he spends Thursdays and Friday with his family, returning to work on Saturday morning. His average earnings are 550-600,000 shillings ($20) a week. As he received the cash, he always gives it to a friend working in a local shop to keep it safe for him. Once he has taken out the money he needs for his own living and transport, he is able to buy 15 kgs of flour, 20 kgs of rice, and 10 kgs sugar to keep the family going while he is away in the city. Hassan’s family remains with 15 feeble goats from their original herd of 300. They cannot make a living out of such a few pitiful animals. As he could not afford to transfer his family to the city, Hassan felt it best to separate. “I do this work to get food. There is a great disparity in this life and the previous one – the previous one was much better,” he told Radio Ergo’s local reporter. There are around 340 men doing similar casual labour in Galkayo, who have recently come in from surrounding rural areas, according to the local authorities. They work mainly in construction, quarrying, and serve as waiters in restaurants. Hassan and his co-workers sleep in local mosques on the days they are away from their homes, as they do not have relatives in the area to stay with. Sharif Abdi, 34, is another father of eight who came to Galkayo looking for employment. He goes early in the morning to a food market in Galkayo to offload and load groceries to trucks. He left his family in Afgaduudle, 170 km away, and he cannot afford to see them during the weekends. He earns 240,000 ($10) and buys them five kg of flour, rice and sugar and asks truck drivers going that way to deliver them to his family. Five years ago he owned a healthy herd of 150 goats, but only 10 survived the drought. He told Radio Ergo he decided to venture into this work in January, when his family could no longer survive the harsh living conditions they were facing. The social welfare representative at Galkayo municipal council, Muhidin Yusuf, told Radio Ergo they cannot do much to improve the lives of these new workers, but they have met local employers asking them to give employment opportunities to displaced pastoralists. Muhidin Yusuf said there were various initiatives underway with assistance from aid agencies to restock pastoralist families’ herds to enable them to rebuild their old livelihoods in the rural areas. However, he recognized that such plans might not succeed, in which case they would need to look into bringing the families to the city from the villages and organizing skills trainings to open better job prospects. Source: – Radio Ergo
  15. Top officials from key ministries of the Federal Government of Somalia, the National Independent Electoral Commission (NIEC), and the federal member states are meeting in Kenya’s capital Nairobi, to discuss electoral boundary delimitation. The meeting, organized by the Political Affairs Department of the African Union Commission and facilitated by the African Union Mission in Somalia (AMISOM), is brainstorming on the legal and institutional framework for electoral boundary delimitation, use of technology and impact of government and electoral systems, on the delimitation. “The African Union has the mandate to provide election support to election management bodies of member states. The electoral commission of Somalia is one of our priority institutions in terms of providing long term electoral assistance on the continent,” Mr. Guy Cyrille Topiko, the acting head of the Democracy and Electoral Unit at the African Union Commission said in his opening remarks to the workshop yesterday. The AU official who is representing Minata Samate Cessouma, the Commissioner for Political Affairs at the African Union Commission at the meeting, expressed the Commission’s commitment to attain free, fair and transparent elections in countries in Africa. The three-day meet is being attended by 24 participants, who will draw parallels with boundary delimitation in Kenya, Nigeria, the Democratic Republic of Congo, and Tunisia. While acknowledging the complexities of determining electoral boundaries, Topiko noted that the Nairobi meet was happening at an opportune time, when Somalis are “engaging in a process of developing their constitutional legal framework for future elections”. “For any country, the process of electoral boundary delimitation is complex and demands an inclusive participatory process in order to be successful,” he added. Ms. Halima Ismail Ibrahim, the Chairperson of Somalia’s National Independent Electoral Commission, lauded efforts by the African Union Commission to educate electoral stakeholders on the critical aspects of elections, boundaries and delimitation, which she noted were intertwined. The NIEC was central to Somalia’s choice of electoral system in the 2016/2017 electoral process. “If the Somalis are now choosing and selecting their electoral system; it is because of the training we had here,” said Ms. Halima, in reference to previous workshops organized for Somalia’s electoral body, by the African Union. She also called for cooperation from all stakeholders in preparations for Somalia’s one-person-one vote elections in 2020/2021. In an interview on the margins of the forum, Haji Ssebirumbi Kisinziggo, AMISOM’s Senior Political Affairs Officer, said the workshop was in response to a request for further training by the NIEC. “We (AMISOM) are here therefore to give that support as requested by the National Independent Electoral Commission. We are working closely with the Integrated Electoral Support Group within the UN, so that we coordinate our efforts,” Kisinziggo remarked. Source: AMISOM
  16. Prime Minister, Hassan Ali Khaire said that international partners have agreed that Somalia had made visible changes in public finance management, good governance and economic recovery. The PM’s comments came after a recent high-level roundtable in Washington attended by Somalia’s Finance Minister, Abdirahman Beileh, lauded the developments made by Somalia in the financial sector. PM Khaire mentioned that officials from the International Monetary Fund (IMF) and the World Bank finally agreed to support Somalia resume printing its currency. “One year ago, we promised to improve the country’s economic situation, a few days ago our finance minister has attended a meeting in Washington, where it was acknowledged that the Somali government had made a big achievement in the financial and economic reform agenda. Thus, participants agreed to help Somalia resume its banknotes for the first time since the government collapsed in 1991,” he said. He added that some European nations have also pledged to begin providing direct financial support to the federal government channelling the financial aid via the Central Bank. He noted that the debt clearance path is now open for the federal government. According to the IMF, Somalia’s external debt stands at about $5.2 billion. Somalia has not made a service or amortization payment on the debt since civil war broke out nearly three decades ago. As a result, the majority of the debt is interest and penalties accrued since the collapse of the central government. Much of the principal debt dates back to the Cold War when the world’s superpowers battled for supremacy in Somalia and the horn of Africa. Almost all of Somalia’s debt burden is accounted for by arrears on credit advanced in the early 1980’s, well before most of Somalia’s population – where 60% of the population is estimated to be under the age of 25 – was born. Somalia’s government has undergone an aggressive campaign to access debt relief which includes adherence to an IMF staff-monitored programme. The IMF estimates that economic growth is set to quicken to 2.5 percent in 2018 from 1.8 percent in 2017. Earlier this year it was announced by the Ministry of Finance that $42.5 million was raised in domestic revenue during the first quarter of 2018, a fiscal milestone since the collapse of the central government in 1991.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xukumada Dalka Kenya ayaa hakad galisay Madal Maanta la filayay in Siyaasiga mucaaradka ah Abdirahmaan Abdi Shakuur uu ku qabto Magaalada Nairobi.Qorshaha ayaa ahaa in kulanka uu ku qabsoomo Xarunta Sir Ali Muslim Club oo dacalka ku heysa Xaafada islii ee Magaalada Nairobi. Fashilinta kulanka kadib Dowladda Kenya ayaa Saacado un kadib waxa ay ka hadashay sababtii loo joojiyey kulanka soo dhaweynta aheyd oo Maanta loo qaban lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo ka hadlay sababta loo joojiyay kulanka ayaa sheegay in Kenya ay tahay dowlad aqoonsan dowladda Somalia. Aadan Barre, waxa uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in Kenya uu noqdo Wadan looga duulo dalka Somalia sida uu hadalka u dhigay. Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in laamaha amniga Kenya ay mas’uul ka ahaayeen in la joojiyo Xafladaas kadib amar ka soo baxay Madaxda Sare ee dowladda Kenya. Sidoo kale, Aadan Barre Ducaale ayaa laamaha amniga ugu baaqay in ay ka hortagaan kulan siyaasadeed Kasta oo Ka Dhan ah Xukuumada somalia.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland uu shaqo joojin ku sameeyay Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulka. Xildhibaankan shaqada laga joojiyay oo lagu magacaabo xildhibaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman, ayaa lagu eedeeyay inuu ka qeybgalay caleyma saarka Suldhaan Beel-daaje oo ka dhacay magaalada Carmo gobolka Bari ee Puntland. Shaqo ka joojinta Xildhibaanka ayaa waxaa ku dhawaaqay Golaha guurtida maamulka Somaliland oo raacay talo uu usoo jeediyay Gudoomiyaha Golaha guurtida. Saciid Jaamac Cali oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay iney shaqadii ka joojiyeen xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan. Saciid Jaamac Cali, waxa uu sheegay in Xildhibaanka uu ka gudbay xeendaabka, sidaana looga joojiyay shaqada uu hayay. Saciid Jaamac Cali, waxa uu intaa ku daray in Xildhibaanka uu ku xadgudbay xeerka u yaallay Golaha, hase ahaatee ay isla arkeen inay shaqada ka joojiyaan maadaama uu ka qeybgalay caleema saar ka dhacay Puntland. Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili maamulka Somaliland uu horay u xiray Boqor Buur-madow oo ka mid ahaa wax garadkii isna ka qeyb galay caleyma saarka Suldhaan Beeldaaje, inkastoo la soo daayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal, habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Qadar iyo weliba sidii labada wadan uga wada shaqayn lahaayeen dhanka maalgashiga iyo ganacsiga. Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Mahdi ayaa Dalka Qadar iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah. Safiirka Qadar ee Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, ayaa dhankiisa Ra’iisalwasaare ku xigeenka uga mahadceliyay sida uu Dawladda Qadar u qadariyo, isaga oo ballan qaaday in DOHA sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya. The post Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qadar ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ayaa saaka gaaray Dalka Kuwait isagoo ay la socdaan Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha. Wasiirka waxaa madaarka ku soo dhoweeyey dhigiisa dalka Kuwait, waxaana la geeyey Hotel Sheraton Kuwait halkaas oo ay labada dhinac ku yeesheen saacado badan qaatay . Wasiir Maareeye oo beryahaanba ku mashquulsanaa suuq geynta wax soosaarka Soomaaliya, wuxuuna halkaas kusoo bandhigay waxyaabo badan oo ka turjumayo wanaafga dhaqanka iyo Waxs oosaarka Soomaaliya sida Moos, Cambe, liin, Isbaandhays iyo Alaab dhaqan oo uu ugu talo galay in uu Soomaaliya ugu soo jiido maalqabeenada dalalka carabta oo uu doonayo in ay Soomaaliya maalgashadaan si dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo u helaan. Sida aad ka arki kartaan sawirada Wasiir Maareeye oo Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Kuwait Mr. Khaled Al Rodan gudoonsiinayo Moos, liin, Cambe iyo Alaab dhaqan. Halkaan hoose ka daawo sawirada
  21. Oraah caan baxday ayaa tiraahda ‘History repeats itself’, -Taariikhda iyada ayaa isaga soo celisa. Macnaha waxa weeye, ma aha wax ugub ah in la arko dhacdo waa hore dhacday in ay markale iyada oo dhaceysa ay marqaati ka noqdaan jiil ay taas hore buugaagta ama sheeko ku soo gaadhay. Dowladnimada Soomaaliya waa mid jirta wax ka yar 60 sano, marka laga soo tiriyo xorriyaddii kaddib; sagaal sano oo ay is bedeleen dowladdo rayyid ahaa, 21 sano oo ay dowladnimadu ahayd “Kali Talisnimo” iyo kuwo ka dhashay bur bur dalku galay oo soo gur guur guuranayey ilaa iyo maanta. Ma jirin nidaam dalka oo dhan ku baahsan ‘Central authority’, wixii ka dambeeyey markii talada laga tuuray dowladdii kalayi taliska ahayd, hase yeeshe, wax la’aanna lama ahayn! Ujeedka aan ka leeyahay maqaalkan waxa weeye in aan is bar bar dhig ku sameeyo dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), Wasiirka kowaadna ka yahay Xassan Cali Kheyre iyo dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Raisul Wasaaraha na ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahn Cigaal –Eebe Ha’uwada naxariisto. Bishii Febraayo markii ay 8-da ahayd 2017, waxaa xilka madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ay bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogeen u soo dhaweeyeen si aan abid loo arkin iyada oo iska daa dadka Soomaaliyeed ay ruxday ruuxiyaddii bulshada gudaha dadyooga dariska ah iyo madaxdooda – fantasiyo, heeso, gabayo iyo dabaaldagyo ayaa meel walba is qabsaday, taas waxa ay maalintaa iyada ay ka turjumeysay in waa cusub u dhashay Soomaaliya iyo shacabkeeda ay diloodeen Xabad, gaajo iyo hogaan xumo. Maalmo yar kaddib, waxa uu Raisul Wasaare u doortay Xassan Cali Kheyre oo aysan dad badan fileyn maadama uu ahaa nin aan aad uga dhex muuqan jilaayaasha siyaasadda ‘Political Actors’. Kheyre isna waa la soo dhaweeyey. Muddo yar kaddib, waxaa soo shaac baxay hal ku dhigga dowladda ee NABAD IYO NOLOL oo hadda noqotay sumadda qof walba oo taageersan dowladda. Hadaba weydiinta qof walba ka dhex guuxaysa waxa weeye, NABAD IYO NOLO dalka ma u horseedeen dowlad wanaag? Maadama dowladdan lagu tilmaamo mid ka timi rabitaanka shacabka ma ku taagan tahay dhabbihii ay filyeen in ay qaaddo kumanaankii jidadka caleemaha qoyan la taagaan markii la doortay Farmaajo? Marka hore waa maxay Dowlad wanaag? Dowlad wanaagu waa nidaam ay dowladdu ku xaqiijineyso dhisidda ha’ado tiirarkoodu adag yahay sida ha’yadda garsoorka, sidoo kale waa in xuquuqda qofka la ilaaliyo, dowlad dhisidda laga wada qeyb qaato, sharcigu sarreeyo, daah furnaan jirto, isla xisaabsan jiro iyo sinnaan. Haddii intaa qeyb ka mid ah maqan yihiin waxaa dhaawacan dowlad wanaagga la rabo in dal ku horumaro kaba sii darane dal sida Soomaaliya aad u nugul. Dad badan ayaa qabay aragtida ah in hal ku dhigga NABAD IYO NOLOL la mid yahay ama ugu yaraan ka ag dhawyahay hal ku dhiggii caanka ahaa ee KARTI IYO HUFNAAN oo ay lahayd mid ka mida xukumadihii ugu wanaagsanaa ee soo mara Soomaaliya ee uu Raisul Wasaaraha ka ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (AHN). Hase ahaatee, kaddib mawjado siyaasadeed oo Qatar galiyey dowladnimada Soomaaliya oo la so gudboonaday Xukumadda hadda jirta ee uu madaxda ka yahay Xassan Cali Kheyre iyo sidii ay u maareysay waxaa meesha ka baxay malahaas. Yeelkeede, waxa ay dhaqamada ay la soo baxday uga ekaatay tii ka dambeeysay Xukumaddii KARTI IYO HUFNAAN ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahm Cigaal. XAGEE AYEY ISAGA EGYIHIIN? Sharciga oo la sarreeyo Sida hadda qof walba ka dharagsan yahay Dowladda hadda jirta ee ay madaxda ka yihiin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre waxa ay ka sarreeyaan sharciga. Ma jirto cid su’aal galineysa in hay’addii garsoorka ay jeebka ugu jirto xukumadda, taas oo ay jirto ayaa waxaa hadda socda dadaal ay ku bixinayaan in ay gacanta ku dhiggaan hay’addii sharci dajinta. Waxaa su’aalo badan la’iska weydiiyey sababta iyo sidii uu ku baxay gudoomiyihii baarlamanka Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari! Ma jirto cid bulshada faafaahin ka siisay, kaliya waxaa la ogyahay in ay is qabteen Xukumadda! Soo Dimuqraadiyaddu ma ahayn in la’is dheeli tiro oo la’is xisaabiyo (Check and balance).? Xukumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo sidii ay sharciga uga sarreeysay Xukumaddii uu Cigaal ka ahaa Ra’isul Wasaaraha waxaa lagu xaman jiray in ay ka sarreeysay sharciga oo ay iyadu hay’adaha gacanta ugu wada jireen. Sharci dajinta markii horeba iyada oo ay aqlabiyadda haysteen SYL ayey hadana xilkii ka qaadeen garsoorihii maxkamaddii sare oo ahaa nin Talyaani ah balse aad u ilaalin jiray sharciga. Waxaa la oran jiray Pernagio. Pernagio oo ahaa Talyaani waxaa maxakamadda u dhiibay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Aadan Cabdulle Cismaan (Aun) ee uu Raisul Wasaaraha n aka ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen )Aun) labaduba waxa ay ahaayeen kuwo sharciga aad u ilaaliya kala saarana awoodaha hay’adaha kala madaxa banana. Markii ay keenen Pernagio waxa ay shaqada ka eryeen Babaale oo ahaa isla Talyaani balse musuq badnaa. Garsoore Pernagio waxaa lagu xusuustaa, maalin garoonka Koonis ay madaxda dowladdu barnaamij ku qabanayeen, waxa uu diiday in uu fariisto gadaasha Raisul Wasaare Cabdirisaaq iyo waliba shaqaalihiisa kale ee Maxkamadda, waxa uu dhinac fariistay Cabdrisaaqi isaga oo ku dooday in ay isku awood yihiin. Markii ay yimaadeen Cabdirishiid iyo Cigaal waxa ay shaqada ka eryeen Pernagio si ay ugu suurtagasho in awoodda oo dhan ay fulinta gacanta u gasho iyaga oo ku bedelay nin dhallinyaro ah oo ay iyaga ka amar qaata. Pernagio waxaa ay Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq magacaabeen 1964 halka shaqada laga eryry 1968. Gunaanad, Iyada oo ay jirto wali dareen ah in Madaxweyne Farmajo yahay nin ilaa iyo xad jecel in uusan faragalin hawlaha Xukumadda, sida uu xafiiiska u surtay Madaxweynihii kowaad ee dalka Aadan Cadde, oo aad ugu caan baxay aragti ah in aan la faragalin Xukumadda, haddii ay ka dhab tahay, waxaa habboon in uu xukumadda kula taliyo in aysan iyadana faragalin awoodaha hay’adaha kale ee ka madaxa banaan – waa haddii ay jirto rabitaan ah in uu ka tago dowlad wanaag iyo raad qurxuun. Haddii ay taasi dhic weyso, waxa ay dhaxal ahaan ka tegi doontaa in dalku dib uga dhaco hiigsigiisii soo kabashada laamaha ha’ayadaha dowliga ah taas oo sii horseedi karta in xassllooni daradda siyaasadeed siyaaddo oo ay nagu hoggaamineyso cawaaqib xumo hore, maanta iyo berri laga baaqsan karo. W/Q: Maxamed Muuse Maxamed Aadan EMail: Muhamedkaafi@gmail.com Facebook: https://www.facebook.com/unique.lawyer Waxaan sheekadda Garsoore Pernagio iyo hab dhaqankii Xumukaddii Cigaal (AUN), ka soo xigtay barahayga sooyaalka siyaasadda Soomaaliya Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib.
  22. Muqdisho (PP) ─ Xerada Jen. Gordan ee Muqdisho oo shalay ciidammo ka ka tirsan Dowladda Somalia ay ku dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidammo kumaandoos ah xeradaas ku sugan. Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka lagu wareejiyay Xerada Jen. Gordan ee Dowladda Imaaraadka ay ku tababbari jireen Ciidamada Somalia. “Ciidamada Danab oo laga keenay gobolka Shabeellada Hoose ayaa xerada lagu wareejiyay, wixii hadda ka dambeeyanaiyaga ayaa maamuli doona,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Warbaahinta Muqdisho. Sidoo kale, Arrintan ayaa waxay ka dambeysay markii shalay iska-hor-imaad uu ka dhacay Xeradaas, iyadoo Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay sheegeen in iska hor-imaadkaasi ay ka dambeeyeen askar rabtay inay qaataan saanad ciidan. Fiidnimadii xalay ayaa lagu wareejiyay ciidamada Danab Xeradaas, Waxaana halkaasi lagu arkaayay gaadiidka Gaashaaman ee ciidankan ay wataan, taas oo cabsi gelisay shacabka ku nool hareeraha xeradaas. Dhanka kale, Ciidamadii uu tababaray Imaaraadka ee xeradan joogay, ayaa noqday kuwo la xiray iyo kuwa kala cararay, kaddib dagaalkii shalay xeradaa ku dhexmaray iyaga iyo ciidammo ka tirsan kuwa millateriga Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Jen. C/weli Jaamac Gorod ayaa sheegay in lasoo xiray tiro askar ah oo isku dayday inay saanad millateri kala baxaan xeradaas. Ugu dmabeyn, Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si weyn uga carooday falkii shalay ka dhacay xerada Jen. Gordan oo maalmo ka hor saraakiisha dowlada imaaraadka carabta ay ku wareejiyeen taliska Ciidamada Xoogga Somalia. PUNTLAND POST The post Ciidammo la Wareegay Xeradii Imaaraadku uu ciidamada ku tababari jiray ee Jen. Gordan appeared first on Puntland Post.
  23. Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa maanta joojisay xaflad lagu soo dhaweyn lahaa C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dowladda Somalia, joojinta xafladda kaddib ayuu isagana ka hadlay. Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababta loo joojiyay xafladdan ay ahayd inaanay ogoleyn in Dowladda Somalia laga mucaarado gudaha dalka Kenya. “Innagu ma doonayno in Dowladda Somalia laga mucaarado gudaha dalkan; mana jiro codsi nooga yimid dowladda Somalia ee sharcigeenna ayaan taas ogoleyn,” ayuu yiri Aadan Barre oo ah ninka Soomaaliga ah ee ugu awoodda badan dalka Kenya. Intaas kaddib, ayaa isagana hadlay C/raxmaan C/shakuur Warsame, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay hab-dhaqanka Dowladda Farmaajo ee ah in ay bartimaameedsato siyaasiyiinta ka aragtida duwan, wuxuuna rally-gelin u diray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee xafladda kasoo qayb-geli lahaa. “Waxaan ka raalli-gelinayaa shacabka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool iyo taageerayashayda baaqashada kulankii soo dhowaynta ahaa ee Nairobi ka dhici lahaa maanta. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bar-tilmaameedsiga siyaasiyiinta ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir,” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Dhanka kale, wuxuu sheegay in isaga iyo Farmaajo ay sannad ka hor xaflad ay ku mucaaradayaan Dowladdii Xasan Sheekh ay ku qabteen Nairobi oo loo diiday maanta inuu xaflad taageero ah ku qabsado. “Waxaa xusuus mudan in aniga iyo madaxweyne Farmaajo sanad ka hor aan magaalada Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu si kooban u yiri Warsame. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan laga qaaday siyaasigan xayiraad dhanka duullimaadka ah oo lagu soo rogay, taas oo ka dhalatay weerarkii lagu qaaday gurigiisa. PUNTLAND POST The post Kenya oo Joojisay Xaflad lagu Taageerayay C/raxmaan C/shakuur iyo isagoo ka Hadlay appeared first on Puntland Post.
  24. The recent statement from the United States Africa Command (AFRICOM) that American forces had carried out an airstrike destroying an al-Shabaab truck bomb near Jana Cadalle in southern Somalia on April 11 was the third time this month that the US military is reported to have hit the terrorist group in the East African country. While AFRICOM stressed that the action—and the eight other airstrikes that it has acknowledged since the beginning of this year alone—was taken “in coordination with the Federal Government of Somalia” (FGS), the truth is that this heightened operational tempo in response to the ongoing threat from the al-Qaeda-linked al-Shabaab as well as a smaller ISIS-affiliated group only underscores the ongoing weakness of the internationally-recognized Somali regime. Source: Hiiraan Online