-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Usain Bolt (31-jir) ayaa maanta ku biiray kooxda kubadda cagta ee jarmalka ah Borussia Dortmund kadib markii uu kasoo wareegay oo uu ka soo xiiso-beelay orodka oo uu ku caan baxay. Bolt ayaa kaalimaha koowaad ka galay orodka 100- iyo 200 mitir, waxaana uu ka haystaa biladda adduunka.Orodyahankan oo marnaba qarin in uu mar uun u ciyaari doono koox caan ah kubadda, ayaa riyadiisii run ka dhigay waxaana wadahadal u socday in mudo ah kooxda Borussia Dortmund kusoo dhamaaday in uu ka mid noqdo kooxdaasi. “Waxaan doonayaa in aan ka mid noqdo 50-ka ciyaaryahan ee adduunka ugu caansan dhanka banooniga, waxaana rabaa in aan noqdo weeraryahan dhaliya 20 gool hal xilli-ciyaareed” ayuu yiri Usain Bolt.Garoonka uu ku tababaranayay ayaa waxaa soo buux-dhaafiyay taageerayaal aad u farabadan, waxaana uu siiyay qaarkood saxiixyo. Kooxda uu ugu jecelyahay banooniga ayaa waxa ay tahay kooxda Manchester United, waxaana uu mar rajeynayaa in uu iyaga ka mid noqdo. Mr. Bolt ayaa ka fariistay ciyaaraha orordka sannadkii hore, isagoona ka gaaray heer sare oo ilaa iyo iminka la hayn cid gaarta orodyada qaar.
-
After decades of war, which left Somalia languishing without a central government, Somali women are taking charge of the country’s destiny by improving the lives of hundreds of people. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa soo sheegaya in Ciidamada amaanka ee maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ay dilayn Sarkaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in xalay Xaafadda Boqoleedyda ee magaalada Baydhabo ku dilayn Sarkaalkaan oo la sheegay in uu ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab. Ciidanka Howlgalka sameeyay ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ciidamada NISA ee ka howlagala K/Galbeed waxaana Taliyaha lagu magacaabaa Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Shiikh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur”. Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay ninkaan ka tirsanaa Shabaab in lagu dilay dagaalka, xilli dagaalyahanada Shabaab ay isku dayeen inay wadada u galaan gaadiid qaad siday. Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa soo qaaday maydka ninkaan Shabaab ka tirsanaa, kaasi oo hadda yaalla Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo, sida Suxufiyiinta ay soo sheegayaan. Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen inay jiraan xubno kale oo Shabaab ka tirsanaa oo dagaalka lagu dilay, balse maydka ay qaateen xubnihii Shabaabka ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida uu qabo xeer-hoosaadka golaha shacabka, waxaa gebo-gabo maraya mudaddii ay aheyd in loo codeeyo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaa intaas dheer iyada oo golihii shacabka howl-maalmeedkii gabay ayaaney jirin wax fadhi ah oo la qorsheynayo iyo saan-saan lagu muddeynayo codeynta mooshinka. Xildhibaanno golaha shacabka ah oo tiro ahaan lagu sheegay 107 ayaa 14-kii Maarso Mooshin ka gudbiyay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyaga oo ku eedeeyay in uu hareer maray dastuurka dalka, ku kacay xadgudub ka dhan ah xeer-hoosaadka baarlamaanka iyo in uu ku fashilmay dhameystirka qaab dhismeedka guddiyada baarlamaanka, gaar ahaanna guddiga adeegga baarlamaanka. Labo maalin kadib marka mooshinka la qabtay, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrinta mooshinka ka hadlayey waxaa uu xukuumadda Kheyre ku eedeeyay in ay rabto la wareegidda hey’adda sharci-dejinta isaga oo intaasi raaciyay“Khilaafka mooshin kalsoonida kala noqoshada waa uu dhammaaday, waa la ogolaaday in mooshinkaas uu jiro, loona baahan yahay tillaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosaadka, kaasi oo sheegaya in 10 beri gudhaood lagu hor-geeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan”. Mooshinkaas marka la qabtay kadib, waxaa istaagay howlihii iyo kulllamadii golaha shacabka, sida xeer-hoosaadka qabana Jawaari inta codka kalsoonida loo qaadayo ma hoggaamin karo golaha, waxaana shaqada la wareegay ku-xigeenkiisa 1aad Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudey. Xildhibaannada golaha shacabka sida Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay Idaacadda Goobjoog waxaa ay dalbadeen in golaha fariisto sida ugu dhaqsaha badan, codka loo qaado guddoomiye Jawaari, si markaasi kadib shaqada aqalka caadi ugu soo noqoto. Aqalka sare ee baarlamaanka 10aad, guddi 7 xubnood oo uu saaray ka qeyb qaadashada xal u raadinta khilaafka golaha shacabka, uuna hoggaaminayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi, tallooyinka ay soo saareen waxaa ka mid ahaa “Guddiga waxaa ugu baaqayaa guddoonka golaha shacabka shirka guddiga joogtada ah sida ugu dhaqsaha badan si loo agaasimo hab-raaca mooshinka ka yaallo guddoomiyaha golaha shacabka”. Maxaa Mooshinka Loo Muddeyn La’yahay? Xubno ka tirsan guddoonka golaha shacabka oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in maanta aanu jirin wax kulan ah oo golaha shacabka ah isla markaana aan weli la go’aamin waqti ay fariissanayaan guddiga joogtada ah si arrinta mooshinka go’aan looga gaaro, iyaga oo ka gaabsaday sababta iyo cidda meer-meerineyso in aqalka shaqeeyo. Guddoomiye Muudeey Oo La Eedeeyay: Xubno ka tirsan guddiga joogtada ah ee golaha shacabka oo la hadlay Idaacadda Goobjoog waxaa ay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudey ku eedeeyeen in aanu daacad ka aheyn muddeynta mooshinka Jawaari, oo uu mar walbo dib dhigayo, iyaga oo intaasi raaciyay in go’aanka la sugayo uu yahay mid siyaasadeed oo xukuumadda oo ay lu lug-yeelan-doonto sida, qaabka iyo goorta la muddeynayo mooshinka guddoomiye Jawaari. Ka hadlidda siyaasadeynta mooshinka, sida uu Idaacadda Goobjoog u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, Mooshinkan waxaa wado xildhibaannada xukuumadda Kheyre ugu jira golaha shacabka, kuwaas oo sida uu sheegay is-difaacyo isaga oo yiri “Xukuumadda Mooshin ma waddo, Ra’isul wasaare Mooshin saxiixay ma arag, wasiir aan Xildhibaan aheyn oo wax saxiixay ma jiro, waxa mooshinka wado waa Xildhibaanno wasiirro ah oo iska difaaca weerar lagu soo qaaday, xaq ayey u leeyihiin taas, Jawaarina waa geystay dhammaan wax walbo oo lagu eedeeyay” 10-ka Maalin kadib, Ilaa hadda lama oga sida loo xallin-doono arrinta Muddeynta Mooshinka marka uu dhammaado 10-ka maalin ee xeer-hoosaadka, waxaa kale oo su’aalo ka taagan tahay halka codeynta ka dhici-doonto iyo qaabka loo coddeynayo. Cod-bixinta Mooshinka: Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah.\ Xigasho: Idaacadda Goobjoog
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib uga laabta xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, kadib ku dhowaad laba toddobaad oo uu ka howlgalayey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Muqdisho. Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu waanwaan ka bilaabay mooshinka Jawaari, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada hormuudka u ah labada dhinac ee isku haya mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed C/llaahi Jawaari. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu socdo qorshe lagu qanciyo guddoomiye Jawaari oo ku saabsan inuu xilka banneeyo iyadoo aan loo baahan in cod lagu kala baxo, taasoo uu weli diidan yahay Jawaari. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Wasaaradda Gaashaandhigga ay soo if baxday khilaafka Xukuumadda iyo Baarlamaanka, kaddib markii mooshin laga keenay Guddoomiye Jawaari, taasoo xiisad siyaasadeed oo qalqal dhalisay ay ka dhex abuurtay dowladda dhexdeeda. Inkastoo Madaxweynuhu aanu wali ka hadlin xiisadan, hadana waxaa uu horay intii uu ku sugnaa Wasaaradda Gaashaandhigga kulamo la qaatay dhinacyo kala duwan, sida Guddigii Aqalka Sare, Guddi ka socday Xildhibaanada Haweenka, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiye Jawaari iyo xubno kale, waxaana inta badan kulamadan looga hadlayay xal u helida khilaafka Hey’addaha Fulinta iyo Sharci dejinta. Madaxweyne Farmaajo ayaa u caddeeyay dhamaan dhinacyadii uu la kulmay in arrimaha taagan loo maro sharciga, iyadoo aan Madaxweynuhu wali meel iska taagin khilaafka, balse xubnaha qaar ee Xildhibaanada ay qabaan in Madaxweynuhu aanu dhex dhexaad ka aheyn khilaafka. Waxaa arrinta ku dhex jira xildhibaanno caan ah oo isaga dab qaadaya labada dhinac, waxaana arrintan keenay iyadoo xukuumadda iyo madaxtooyada ay garawsadeen in dhaawac siyaasadeed oo weyn iyo xaalad halis ku noqon karta ay ka dhalan karo haddii cod lagu kala bax.Dadaalka waanwaan ee socda oo uu qeyb ka yahay madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn inuu guuleysan doono, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay culeys saarayaan taageerayaal culus oo la safan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
ADDIS ABABA - Ethiopian youth are showing great interest in a Turkish studies project launched by the Yunus Emre Institute and there is huge demand for additional courses. Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
Gobalka Bakool Waxaa Uu Ka Koobanyahay 5 Degmo Waxeyna Kala Yihiin. Xudur Waajid Rabdhuure Tiyeeglow Ceelbarde 5taas Degmo Maamulka Koonfur Galbeed Wuxuu Ka Maamula 2 Degmo Kaliya Waxeyna Kalayihiin Xudur Waajid Degmada Ceelbarde Waxaa Laga Xukuma Kilirka 5aad. Degmada Rabdhuure Waxaa Gacanta ku hayan xarakada Al-Shabaab. Xaalada Guud Ee Gobalka Bakool Lama Qiyaasi Karo Lamana Saadaalinkaro Sababtuna Waa Wadooyinka Gobalka Oo Xiran. Gobalka Bakool Wadooyinkiisa Waxey Xiranyihiin Ku Dhowaad 5sano Ilaa Iyo Hada Majirto Cid Wax Ka Qabatey Wadooyinka Xiran Ee Gobalka Bakool Hadii Uu Noqan Lahaa Maamulka Koonfur Galbeed Ama Hadii Ay Noqan Laheyd Dawlada Federalka Soomaaliya. Gobalka Bakool Waxaa Ka Jira Xaalada Adag Oo Dhanka Nolasha Ah Dadka Xoola Dhaqatada Ah E Degan Gobalka Xoolahooda Waxaa Dhacey Ciidamada Lyuu Booliska Ee Laga Xukumo L Kilinka 5aad. Intii Ka Badbaadey Lyuu Booliska & Waxaa Dhameysey Abaartii Siman Ee Dhamaan Soomaalidu Saameysey. Shacabka Ku Nool Gobalka Bakool Intaasi Waxaa U Dheer Xarig & Dilalk Ay U Geysanayeen -Ciidanka Lyuu Booliska Ee Laga Xukumo Kilinka 5aad. Shacabka Xoola Dhaqatada Ah Ee Ay Xireen Ciidanka Lyuu Booliska Ayaa Wali A ysan Jirin Cid Wax Ka Qabata Iska Dhaafe Cid Magacooda Sheegta. Gobalka Bakool Siyaasiinta Kasoo Jeeda Waxaa Ay Noqdeen Kuwa Uu Ku Shaqeysto Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan. Dhibataada Kajirta Gobalka Ayaa Waxaa Masuul Ka Ah Maamulka Koonfur Galbeed Khaasatan Shariif Xassan Oo Gobalka Bakool & Shacabkiisaba Aan U Ogaleyn In Ay Horumar Gaaraan. Shariif Xassan Ayaa Hada Bilaabey Inuu Gobalka Bakool Ka Iibsado Kilinka 5aad Dhowaan Wuxuu Tuulada Yeed Ka Gatey kilinka shanat. Hada Wuxa uu Ku Mashquul sanyahay Inuu Deegaana Horleh Ka Gato Gobalka Bakool Taas Oo Uu Heshiis Kula Soo Galey Dawlada Ethiopia. Shariif Xasan Wakhtigiisa Wuu Dhamaadey Waxaana Ka Harsan 6 Bilood Kaliya Kadibna Wuxuu Doonaya Inuu Isasoo Sharxo. Su’aasha Isweydiinta Mudan Ayaa Ah Xildhibaanada Sharafta Lahoow Waxaan Lahadlayaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed Miyaad Madaxweyne U Dooran Doontaan Shariif Xasan 4ta Sano Ee Soo Socota Hadii Jawaabtaadu ”Haa” Ay Tahay Miyaadan Ku Dhaaranin Kitaabka Qur’aanka Kariimka Ah Miyaadan Dalkan Waajib Kaa Saarneyn Inaad Ilaaliso Xuduudihiisa, Miyaadan U Fikireynin Caruurtaada Mustaqbalkooda Miyaadan Jecleyn Koonfur Galbeed In Ay Horumar Gaarto, Hadii Intaas Aan Kor Kusoo Xusey Aan Waajib Kaa Saarneyn Samey Waxaad Doonto Laakiin Ogow Maalin Ayaa Lagu Xisaabin Doona Adigana. Xildhibaano: 6 Bilood Kadib Waxaa Gacantiina Kujira Ayaaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Mahadsanidiin. W/Q: Aadan Zeytuuni.
-
Nairobi (HOL) - The talks between Somalia and Kenya talks over the construction of the Security wall along the border of the two countries collapsed, officials confirmed on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
The talks between Somalia and Kenya talks over the construction of the Security wall along the border of the two countries collapsed, official confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar-(Caasimadda Online)-Wararka laga helayo Maamulka goboleedka Hirshabelle ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda Garaad Axmed Cadow ayaa sheegay in uu iska casilay xilka uu kahaayay maamulka hirshabeele. Waxa uu tilmaamay agaasimaha in Laba wasiir ay soo martay wasaaradda, islamarkaana uu la shaqeeyay, balse dhammaantood ay ahaayeen kuwo aan aqoon u lahayn shaqada loo igmaday waa sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan iscasilay markii aan waayay Wasiiro aqoon leh oo aan la Shaqeeyo,aniga waxaan u soo jeediyay talooyin dhowr ah balse weey iga qaadan waayeen,waxana go’aansaday in aan is casilo ayuu yiri Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Garaad Axmed Cadow” Sikastaba tallaaabdaan uu isku casilay Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Garaad Axmed Cadow ayaa ku soo aadeysa xili Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle uu Shaqa joojin ku sameeyey Duqii degmada Baladweyne Cali Dhuux Cabdi Mahadale. Caasimada Online Xafiiska jowhar Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan halka lagu qabanayo kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu horgeenayo mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhawaan sheegay in xarunta Golaha Shacabka ay la wareegeen ciidamo uu amray Ra’iisul Wasaare kheyre,isla markaana kulanka aan lagu qaban Karin. Xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari ayaa iyana wax ay sheegayaan in kulanka lagu qabanayo Xarunta ay baarlamanka ku shiraan ee golaha Shacabka. dhanka kale Xildhibaanada taagersan gudoomiye Jawaari ayaa iyana diidan in kulanka lagu qabto Xaunta Golaha Shacabka ilaa laga wareejiyo Ciidamada ay geysay xukumadda Soomaaliya. Muranka ka dhashay mooshinka laga gudbiyay gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa curyaamiyey howlihii Hay’addaha dowladda sida Gudiyada fulinta iyo Sharcidejinta. Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey oo hada si KMG ah Baarlamaanka u gudoomiya ayaa laga filayaa in uu shaaciyo halka lagu qaban doono kulanka mooshinka lagu horkeenayo Baarlamaanka iyo waliba xiliga la qaban doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa manta xusaysa maalinta Qaaxada dunida oo manta kale 24March caalamka oo idil laga xuso bulshadana lagu wacyi galiyo halista cudurka iyo ka hor tagiisa. Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland, Dr. Cabdinaasir Cuuke, agaasimaha guud ee wasaaradda, Dr, Cabdirisaaq Xirsi Xasan, Marwada madaxweynaha, Hodan Siciid Ciise iyo marti sharaf kala duwan oo ka socota hay’addaha caalamiga iyo dadweyne ayaa ka qeyb galay munaasabada lagu xusayay maalintaan caalamiga ah. Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii loo ciribtiri lahaa cudurkaan, iyadoo hirgalisay isbitaalo iyo xarumo caafimaad oo ay dadku si bilaash ah uga qaadankaraan dawada cudurkaan, Waxaana Daawada Tiibiida la gaarsiiyay degmooyinka fog. Mashruuca xakamaynta cudurka Qaaxada ee dowladda Puntland ayaa soo bandhigay, daraasad la sameeyey sanadkii 2016, taasoo lagu ogaaday in cururkani uu ku dhacay 10 milyan iyo 4 boqol. Halka ay u u dhinteen dad gaaraya 1milyan iyo 7 boqol kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen 4 boqol oo kun oo qabay cudurka AIDS-ka in ka badan 95%. Mashruuca xakamaynta Qaaxada wuxuu sheegay dhimashada ugu badan ee cudurka qaaxadu inay ka dhacdo wadamada soo koraya. Tiro lagu qiyaasay 1milyan oo caruur ah ayaa u bukootay cudurka Qaaxada sanadkii 2016 , waxaana u dhintay 250 kun oo caruur ah oo ay Ku jiraan kuwo qabey cudurka AIDS-ka. Sannadkii lasoo dhaafay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe ka dhagax-dhigay Shaybaar cusub oo loogu talo-galay baaritaanka ” Dadka la nool Cudurka qaaxada heerka adkaysiga u yeeshay dawooyinka. Puntlandi.com
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta la filayaa in guddi Senetaro ah in ay u magacaabaan baarista weerarkii Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii hore ku qaadeen guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Senator Cabdi Qeybdiid oo isbuucii hore ka hadlay kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Aqalka sare ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn guddigii uu Madaxweynaha Soomaaliya maxamad cabdulaahi farmaajo u saaray baaritaanka weerarkii gurigiisa lagu qaaday. Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baarista. Guddi baaritaan uu Madaxweynaha Soomaaliya u saaray baaritaanka weerarka Cabdi Qeybdiid gurigiisa lagu qaaday ayaan wax natiijo ah soo bandhigin, waxaana la filayaa in guddigan loo saarayo si deg deg ah natiijo arintan uga soo saaraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay shir ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaanada wada Mooshinka Jawaari. Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanadaan uu la kulmay waxa ay u badnaayeen Wasiiro katirsan Xukuumada Ra’isilwasaare Kheyre kana mid ah Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa dhageeystay qaabka iyo sababaha ay u soo gudbiyeen Mooshinka Gudoomiye Jawaari. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xildhibaanadaan in ay ilaaliyaan dastuurka dalka u yaala iyo xasiloonida siyaasadeed. Madaxweynaha ayaa u sheegay xildhibaanada in uu isaga dhex dhexaadinayo khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Baarlamaanka iyo Xukuumada. Qaar kamid ah xildhibaanada kulankaasi ka qeeybgalay ayaa u sheegay Puntland Post in madaxweynaha xildhibaanadaasi uu ka codsaday in la dajiyo khilaafka siyaasadeed ee ka jirta Baarlamaanka iyo Xukuumada. Mooshin wada yaasha Gudoomiye Jawaari ayaa u badan wasiiro katirsan xukuumada kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiye Jawaari ayaa aqbalay Mooshinkaasi isaga oo codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badana cod loogu qaado. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xildhibaanada wada Mooshinka Jawaari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Gudi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya kaas oo loo xilsaaray xal uraadinta khilaafka ka dhex taagan Hey,adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta ee Dowladda Soomaliya. Gudigaan oo maalmahaan ku mashquulsanaa xal uraadinta khilaafka taagan ayaa sheegay in loo baahanyahay in si deg deg ah loo furo kalfadhiga Baarlamaanka lagana qaado ciidamada dheeraadka ah ee lageeyay xarunta Golaha Shacabka islamarkaana lasoo celiyo ciidmadii hore u joogi jiray xarunta Golaha Shacbka. Sidoo kale gudigaan ayaa dalbaday in la joojiyo lacagaha xad dhaafka ah ee ku baxay mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari. Waxeyna intaasi ku dareen xildhibaanadaan ka shiraya xal uraadinta khilaafka beryahaan dambe taagan in codeynta mooshinkii laga geeyay Jawaari lagu guda galo muddo 10 cisho ah gudahooda kaasi oo ay kabilaabaneyso maalinta la gudbiyay mooshinka. Dr Cilmi oo kamid ah gudigaan ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn in la cuuryaamiyo howlaha uu qaban lahaa Golaha Shacabka Soomaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa Khilaaf uu ka taganyahay halka lagu qabanayo kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanada oo u kala qeeybsan kuwa taageersan Mooshinka Jawaari iyo kuwa ka soo horjeedo ayaa isku fahmi la halka lagu qabayo kulanka Baarlamaanka. Xildhibaanada wada mooshinka ayaa u xusul duubayo in kulanka Baarlamaanka lagu qabayo xarunta golaha shacabka Muqdisho. Xildhibaanada ka soo horjeedo Mooshinka ayaa iyana doonaya in aan fadhiga Baarlamaanka lagu qaban Xarunta Golaha shacabka. Gudoomiye Jawaari ayaa horay u codsaday in kulanka Baarlamaanka lagu qabto xaruntii lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo. Waxaana uu ku eedeeyay in xukuumada ay ciidamo dul dhigtay Xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho. si rasmi ah looma oga xiliga uu dhacayo kulanka Baarlamaanka ee codka loogu qaadayo Gudoomiye Jawaari. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Khilaaf ka Taagan halka lagu qabanayo Kulan Baarlamaanka ee Mooshinka Jawaari appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa Degmada Cabdicasiis ee Muqdisho waxa ay ku qabteen Gaari Siday Hilbo aan cunitaanka ku haboonayn ama daahay. Gaarigaan oo ah nooca Soomaalida ay u taqaano UD-ga ayaa waxaa ciidamada amniga kusoo wargaliyay dadka deegaanka Cabdi Casiis oo gaarigaan ka shakiyay. Dadka Muqdisho ayaa isla dhexmarayay saacidihii la soo dhaafay in gaarigaan uu siday Hilbo, Dad qaar kamid ahna warbaahinta ayey sidaasi u sheegayeen. Hayeeshee waxaa maamulka degmadaasi uu xaqiijiyay in gaarigaasi uu siday Hilib Xoolaad oo qurmay. Dadka Muqdisho ayaa baryihii ugu dambeeysay ka cabanayay Alaabooyinka ay isticmaalaan oo xadkii loogu talagalay ka baxay islamarkaasina la soo galiyo Suuqyada Muqdisho. Tan iyo markii ay dhacday dowladihii dhexe ee dalka Soomaaliya ma jirin dowlad awood badan oo si hufan u hubiso alaabaha iyo badeecooyinka lagu iibiyo suuqyada dalka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Gaari siday Hilbo aan cunitaanka ku haboonayn appeared first on Puntland Post.
-
Guddida xalinta khilaafka barlamaanka Soomaaliya, ayaa soo saaray go’aano lagu wajahayo lagu soo afjari karo xaaladda taagan ee sababtay in golaha shacabka Soomaaliya uu muddo xidhnaado isla markaana ciidamo ay la wareegaan ka dib markii mooshin laga keenay Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Jawaari. Guddigaan oo ka kooban xildhibaano aqalka hoose ah ayaa go’aanadooda waxaa kamid ah, inay xukuumadu faraha kala baxdo arrinta golaha shacabka isla markaana ay shaqadeeda ku ekaato xarunta golahana ka qaado ciidanka la wareegay. Halkaan hoose ka akhriso. 1.In si sharci ah oo xasiloon loogu furo golaha shacabka si uu waajibaadkiisa shaqo u gudan karo 2.In si deg deg ah loogu soo celiyo ciidamadii hore u joogay xarunta golaha lagana qaado kuwa cusub ee loo soo badalay 3.In laysla go’aamiyo goobta fadhiga lagu qabanayo iyo maalinta loo codaynayo mooshinkan si waafaqsan xeer hoosaadka baarlamaanka kaas oo dhigaya in la qabto codaynta toban cisho gudahood iyada oo laga soo bilaabayo maalintii la qabtay mooshinka. 4.In dastuurka ku meel gaadhka ah ee dalka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka loo wada hogaansamo lana ixtiraamo qodobada qeexaya hanaanka loo maaraynayo arimaha la xidhiidha mooshinka 5.Inaan la curyaamin hawlihii ay xukuumadu u haysay dalka dibna ugu noqoto hay’adda fulintu shaqadii loo igmaday, kana digtoonaadan dayacaad loo gaysto hawlihii loo igmaday. 6.In laga fogaado adeegsiga hantida iyo ku tagri falka awooda hay’addaha qaranka lana dhawro sumcada dawlada iyo hantida umada. Puntlandi.com
-
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu hambalyeyneysaa Xogheynta guud ee Ururka Jaamacadda Carabta munaasabadda sanadguurada 73,aad ee aas’aaska ururka oo ku beegneyd March 22, 1945. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Jaamacadda Carabta garabjoogga milgaha leh ee uu ay u muujisay shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddiisa intii ay jirtay masiibooyinka dabiiciga, dhibaatooyinka iyo falalka xun ee argagaxisadu geystaan. Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuna biirtay February 14, 1974 waxaa loo eegaa inay tahay ilinka istiraatiijiyadda ammaan ee dunida carbeed sababo ku aaddan bedka Juquraafi ee ay ku fadhido iyo lahaanshaheeda xeebta ugu dheer Afrika ayaa waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah ururka inay dib uga furtaan safaaradahooda iyo ergadooda diblomaasiyadeed Caasimadda Muqdisho si loo taageero dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo ammaanka iyo deganaanshaha, si wadajir ahna looga shaqeynayo ka hortagidda caqabadaha iyo culeysyada si loogu guuleysto waajibaadka, qorshayaasha iyo mashaariicda hiigsiga leh. DHAMAAD PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo Baaq u dirtay Jaamacada Carabta appeared first on Puntland Post.