-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in guul laga gaaro Wada-hadalka u dhaxeeya Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dhawaan dib loo bilaabi doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland. “Xukuumadda Soomaliya iyo tii hore ee jirtay waxa ka go’naa in shacabka Soomaliyeed ay heshiiyaan, waxaa naga go’an in Somaliland ay kamid noqoto Soomaaliya, waxaa laga shaqeyn doonaa in la xaliyo tabashooyika Somaliland, Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaa dhankooda ka go’an in la qanciyo Somaliland”, Axmed Ciise Cawad. Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Somaliland ay shaacisay in la hakiyay wada-hadalkii Somaliland iyo Somaaliya, kadib markii dowladda Soomaliya ay kasoo horjeysatay Heshiiska Dekadda magaaladda Berbera. PUNTLAND POST The post Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u bilaabeyso wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdiwali Sheekh ibraahim Muudey oo ah Ku-simaha Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in la xaday Dastuurkii saxda ahaa ee baarlamaanka Somalia. Muudey, ayaa sheegay in Dastuurka hadda lagu shaqeeyo uu yahay mid aan sax aheyn, isla markaana uu yahay mid dhan waliba ka khaldan. Muudey, waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan ku shaqeyn dastuurkii ay meelmariyeen Odayaasha dhaqanka ee loogu tala galay in dalka lagu maamulo, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Dastuurka aan hadda ku shaqeyno maaha kii ay ansixiyeen Ergada Soomaaliyeed, waxa aan ku shaqeyneyno waa mid aanba caadi aheyn’’ ‘’Dastuurkii hore waa la xaday marka waxaan dooneynaa inaan sameysano mid sax ah oo kala sifeynaaya mugdiga iyo xaqiiqda’’ Muudey, waxa uu sidoo kale sheegay in dastuurkii hore uu ahaa mid ay maalgaliyeen dalalka Shisheeye, islamarkaana ay hadda muhiim tahay in la helo dastuur ay yeelato dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Guddoomiye Muudey ayaa Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa dastuur Saxan. Haddalka Muudey, ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia saaxiib u noqotay khilaaf iyo is qabqabsi Siyaasadeed oo aan ku saleysneen waxa uu qabo Dastuurka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay mar waliba diyaar u tahay inay dhex dhexaad ka noqoto khilaafyada ka dhexeeya dowladaha Khaliijka. Wasiirku waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay mar waliba u taagan tahay dhex dhexaadnimo, bacdamaa aysan awood u laheyn inay taageerto dhinac gaar ah. Mar wax laga weydiiyay suuragalnimada in Somalia ay wadahadal la gasho dowlada Isutaga Imaaraadka carabta, ayaa waxa uu sheegay in iminkaba uu socdo dadaalka wadahadalka. Waxa uu tilmaamay in wadahadalka ay ka qeybqaadanayaan dowlado dhowr ah, waxa uuna ka carab ***** dowlada Ethiopia, Masar iyo Sacuudiga oo uu sheegay inay qaadan doonaan kaalintooda. Wasiir Cawad, waxa uu farta ku goday in dowlada Somalia ay ka feejignaan doonto wax waliba oo caqabad ku ah Horumarka, Amniga iyo Xasiloonida dalkeeda, sidaa aawgeedna ay uga hor imaadeen talaabooyinka qaar. Sidoo kale, dowlada Somalia ayuu sheegay inay aqbaleyso dowlad waliba oo dooneysa inay dhex dhexaad ka noqoneyso wadahadalka waxa uuna dhankiisa ka sheegay in Somalia ay qudheeda ka qeybqaadan doonto in la gaaro xal degdeg ah. Haddalka Wasiir Cawad ee ku aadan in wadahadalka Somalia iyo Imaaraadka ay kaalin weyn ka qaadaneyso Ethiopia iyo Sacuudiga ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada Somalia ay qarka u saran tahay inay xiriirka u jarto Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in is casilaad uu ku dhawaaqi doono Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan. Wararku waxa ay tibaxayaan in gudaha asbuucan uu is casili doono Wasiirka Gaashandhiga, si uu uga qeybqaato doorashada Kursiga uu baneeyay Jawaari. Wasiir Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xilka isaga casili doona si uu xooga u saaro doorashada kursiga uu baneeyay Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari. Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa asbuucii tagay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan jagada uu baneeyay Jawaari. Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, ayaa iminka wada dadaalada uu ku gaari lahaa Guddoomiyaha baarlamaanka, waxa uuna garab ka helayaa Madaxda ugu sareysa dowlada Somalia. Sidoo kale, Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo uu la qaadanaayo Xildhibaanada baarlamaanka si uu u ogaado suuragalnimada in xilka Guddoomiyenimo uu heli karo. Docda kale, Guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa wada xulista xubnaha qaban qaabin lahaa Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay ciidamada NISA ayaa maalin un ka hor weerar ku qaaday Hooyga uu Dekadda magaalada Muqdisho ka degan yahay Xildhibaan Caddow Cali Gees. Xildhibaanka ayaa xiliga uu dhacaayay weerarka howlgalka ah ka maqnaa dalka, waxaana la sheegay in howlgalkaasi uu qaatay saacado badan. Weerarka kadib Xildhibaanka oo lagu wargaliyay qaabka uu u dhacay weerarka ayaa sheegay inuusan garaneynin sababta loogu xadgudbay Hooygiisa, isagoo leh xasaanad. Haddaba Caddow Cali Gees ayaa qoraal kooban uu ka sameeyay weerarka lagu qaaday Hooygiisa kusoo daabacay bogga uu facebook ku leeyahay waxa uuna u qornaa sida tan:- Waqti badan waxan geliyay fal shalay oo bishu aheyd 19ki April 2018 ay ciidanka nabadsugidda ku weerareen xafiis aan ku lahaa dekedda Xamar maadaama aan waddanka ka maqanahay si aan xaqiiqda u ogaado. Waxa ogaaday in weerarkaas uu dhab ahaa, haddaba *NISA* iyo cidi soo amartayba, iyagoo ogsoon inaan ahay xildhibaan qaran oo ayna jirin meel xasaanadi xildhibaanimo la igaaga qaaday ama haddaan sikale u dhigo falka noocaas oo kale ey suurtageli karto marka ay jirto fal dembiyeed uu markaa xildhibaanka uu gacanta kula jiro ama hoygiisa iyo xafiisyadiisa ay ka dhacayaan laakinse iyadoon intaaba jirin uu falkaa ee hab dhaqanka nidaamka dawladnimo ka fog lagula kacay xarunteydaas! Inkastoo habdhaqankan uu nagu soo kordhay marki dawldan aan xildhibaanka ka ahay ay hawlgashay ayaa waxey tahay arrin aad uu welwlineyso qofkasta ay ku weyntahay sidi soomaaliya loogu soo celin lahaa nidaamka dawladnimo maadaama falalkan oo kale ay ahaayeen wixi qaranimadeeni dumiyay. Mar aan sii fogeyn bey aheyd marki siyaasi gurigiisa si sharcidarro ah loo weeraray habeen madow, askar aan wax galbsana lagu weeraray kadibna dhaawici la gestay caay loo raaciyay… waxa xigay maalin cad in senator gurigiisi la weeraray, reeekiisana la argagax geliyay, cid ka diimoon majirto weeraradi sharcidarrada ahaa ee dawlad goboleedyada qaar lagula kacay iyo qaarki sida hoose loo dibindaabyeeyayba, haddaba, soomaaliya dhaqanki shalay burbiriyay laguma dhisi karo iyadoo mid ah leysugu heynwaayay…! Dhanka dawladda wax iga soo gaaray ineysan waxba ka ogeyn falka dhacay, baarisna ay ku hayaan wixi ka dambeeyay! Waa arrin beryahan ku soo korortay siyaasadda Soomaaliya, falka dawladda ma oga, ciidankana hawlgalkoodu rag tillmaaman buu baacsadaa… Dawladnimo iyo dhaqankeed ma arko laakin dembiyadaa magaca dawladnimo lagu gelaayo mid nidaam dawli ah dhisi doonto uma eka mana leysaga daba hari doono, dadka rabana in soomaaliya kala tagto ficiladooda qaldan ma noqon doonaan mid wax u dhinta in qaran soomali oo sharciga cidkasta ka sareeyo la dhiso hakisa.. Waabilaahi Towfiiq Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The battle for Wajir governor’s seat could be headed to the Supreme Court despite the Court of Appeal verdict that could have paved way for a by-election. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qatar ayaa shaaca ka qaaday inay is garabtaageyso dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, oo ah Amiirka Qadar ayaa sheegay in dowladiisa ay Siyaasad wanaag la cayaari doonto Dowlada Somalia. Amiirka Qadar Sheekh Tamiim, ayaa tilmaamay in Somalia ay ku eegi doonaan il gaara, isla markaana ay ka caawin doonaan dhinac waliba oo si gaara ay u daneynayaan. Sheekh Tamiim ayaa yiri ‘’Wey naga go’an tahay inaan u hagar baxno Somalia, waxaan muujin doonaa dadaal waliba oo aan amni iyo hormar ku gaarsiin karno Somalia’’ Sheekh Tamiim, ayaa sidoo kale sheegay in Qatar ay dhexda u xiran doonto sida ay ku walaaleyn laheyd shacabka Qatar iyo Somalia. Sidoo kale, Sheekh Tamiim, ayaa sheegay in Somalia ay ku garabsiin doonaan la dagaalanka argagixisada iyo dhammaan dalalka cadowga ku ah Horumarka iyo Xasiloonida Somalia. Haddalka Sheekh Tamiim, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay dhabarka xijisay dowlada Imaaraadka Carabta isla markaana isku dhiibtay Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sanca (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Kacaanka ururka Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yeman Maxamed Cali Al-Xuuti kana tirsan shaqsiyaadkii aas-aasay Ururkaasi ayaa waxa uu taageero u muujiyay Dowladda Federalka Soomaaliya isagoo ka soo horjeestay siyaadda Imaaraadka Carabta ee arimaha Soomaaliya. “Waxaan ku dhawaaqeynaa taageerada aan u heyno walaalaheena Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale cambaareyneynaa ficil walbo oo Imaaradku ku hayo Soomaaliya” ayuu yiri Maxamed Al-xuuti. Maxamed Al-xuuti ayaa sidoo kale hadalo adag u isticmaalay sida uu kaga soo horjeedo gabi ahaanba siyaasadda Imaaradka Carabta waxaana uu yiri” dhamaan Imaaradku waa in doqonimadoodu ay kala tagaan dalka Soomaaliya inteey goori goor tahay, waxeey cashir lama ilaawaan ah u dhigeen dowladda Mareykanka ee ku cibri qaata” sidaas ayuu ku yiri hadal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Maxamed Cali Al-Xuuti oo kamid ah madaxda Xuutiyiinta Yeman. 7 Abriil 2015-kii Dawladdii uu Hogaaminayay Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xulufadeeda u ogolaatay in dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya loo adeegsan karo weerarrada ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yeman. 30 October 2016-kii waxaa gabi ahaanba la xiray safaaradii Soomaaliya ay ku laheyd Magaalada Sanca ee dalka Yeman kadib markii xuutiyiintu ay gacanta ku dhigeen inta badan Magaaladaasi, waxaana taageero loo muujinayay Dowladda sharciga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan oo Imaaradka iyo sacuudigu ay taageerayaan. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) abdiazizh99@gmail.com
-
Doha (Caasimada Online) – Dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in inuu xadkiisa dhanka Qatar ka dhiso saldhig milatari iyo goob lagu shubo qashinka ama haraadiga nuclear-ka, mashruucan ayaa qeyb ka ah qorshaha dalka Qatar looga dhigi rabo jaziirad ka go’an dalka Sacuudiga. Sidaasi waxaa lagu daabacay wargeyska Riyadh. Dalka Sacuudiga ayaa xadka uu la wadaago Qatar ka qodi-doonna Kanaal-ka Salwa, kaas oo dhirirkiisu lagu sheegay 60 kilometer (37.5 mile) iyo ballac ah 200 meter iyo moolka oo gaaraya 20 meter. Mashruucan oo ay ku baxeyso 2.8 billion riyal ($750 million) ayaa lagu soo gabagabeyn-doonaa 12 bil gudahood. Kanaalkan salwa waxaa fulin-doona ama qodi-doona shirkado Masaari ah, waxaa lacagta bixinaya ganacsato u dhalatay Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dhinaca kale isla Jariidadda Riyadh waxaa ay sheegeysaa inuu jiro mashruuc kale oo Imaaraadka ay goob qashinka nuclear-ka lagu shubo uga dhiseyo meel u dhow xadka Qatar. Tillaabadan Sacuudiga iyo Imaaraadka waxaa ay sii fogeyneysaa xiriirka xumaa ee Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar, waxaa kale oo ay dab u shideysaa xiisadda Khaliijka. Qatar oo ah dal yar, dadkiisana tiro ahaan lagu qiyaasay 2.57 million, waxaa go’doomiyay dalalka Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar. Go’doomintan oo bilaabatay June sanadkii tagay ayaan laga ogeyn halka ay caga-dhigan-doonto, waxaana muuqata in Sacuudiga aanu damac uga jirin heshiis.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa sheegaya in dalkaasi uu hakiyay dhammaan howlihii kala dhexeeyay Soomaalida musaafirka ah. Dowlada Imaaraadka ayaa la xaqiijiyay inay hakisay in Fiisaha dal ku galka ah ay siiso Soomaalida dooneysa inay u socdaasho dalka Imaaraadka. Dowlada Imaaraadka ayaa talaabadan qaaday kadib markii dowlada Somalia ay meel fog gaarsiisay xiriirka kala dhexeeyay Dowlada Imaaraadka Carabta. Dowladu waxa ay sidoo kale joojisay sharciga dal ku jooga ee loo yaqaan ‘’Iqaamada’’, iyadoo shaqsiga Soomaaliga ah ee uu ka dhaco dib loogu soo celin doono dalkiisa. Dowlada Imaaraadka ayaa ilaa iyo amar danbe mamnuucday adeegyada Soomaalida sida Fiisaha, Sharciga dal ku jooga, taa oo saameyn weyn ku yeelan doonta Soomaalida ku nool dalkaas. Dowlada Imaaraadka ayaa aad uga carootay go’aanada ay Dowlada Somalia ka qaadaneyso Siyaasada Imaaraadka, waxaana meesha kasii baxaaya isku soo dhawaanshiyaha labada dal. Dowlada Somalia ayaan weli ka jawaab celin talaabada ay Dowlada Imaaraadka carabta ku hakisay dhammaan howlihii sharci oo ay u sameyn tirta Soomaalida dalkaasi ku dhaqan. Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa cirka isku shareertay kadib markii Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee NISA ayaa 8-dii bishan Garoonka Diyaaradaha ku qabteen lacag dhan 9.6 Milyan oo Saddex Boorso ku jirtay, taasi oo dalka keentay Diyaarad ay leedahay Imaaraadk Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qubeyska maalin walbo ah waxa uu dadka u keeni karaa Infekshin iyo cuduro ku dhaca qofka , sida Khabiiryahada ay sheegeen, iyadoo dadku inta badan aaminsanyihiin in maalin walba oo la qubeystaa ay tahay arin fiican oo la isku nadiifiyo. Waxaa iska caadi ah iney si joogta ah u qubeystaan dadka haya shaqooyinka adag ama ku nool wadamada ay kuleyluhu ku badan yihiin, arrinku xiriir lama laha shiirka jirka ee uu keeno dhididka, sida uu sheegay Dr Elaine Larson oo ku takhasusay cudarada Infekshinka sababa waxaana uu Bare ka yahay jaamacadda Columbia University. In si joogto ah maalin kasta Shaawarka loo aado waxa ay dhibaato u keeni karto maqaarka sare ee jirka oo ay furayso duleelada Maqaarka oo jeermisku ku faafayo, jirkuna waxa uu noqonayaa mid qalalan, arrinkaas oo daciifinaya nidaamka difaaca jirka, qubeyska joogtada ahna waxa uu yareeyaa saliidaha dabiiciga ah ee jirka uu leeyahay. Waxa uu intaa ku daray in dadka qaar ay u qabeestaan si ay ugu bogsadaan xanuun hayo laakiin sida dhabta ah ayaa noqtay in kaliya jirka laga meyray wixii udug ama caraf ahaa oo aan loo baahneen. Daraasadda oo ay soo saareen Dhaqaatiirtan waxeey dadka kula talinayaan in isbuucii hal ama labo jeer oo kaliya la qubeysto si jirku u nabad galo caafimaadkaagana aad u ilaashato, waxaase ay ogolaadeen in maalin kasta biyo la isku shubi karo oo la qubeysan karo iyadoo wax shaampoo ah aan la adeegsan ama saabuun. Dr Mitchell ayaa wargeyska Dailymail ee ka soobaxa dalka Britian u sheegay “jirkaaga waxa uu leeyahay dareeri dabiici ah, waxaan u maleynaa inaadan u baahneyn qabees badan” Dadka ayuu ugu baaqay kaliya in ay qabeeska yareeyaan bale ay qabeystaan marka uu maqaarkoodu caafimaad qabo islamarkaana uu qalalanyahay. Dr Larson ayaa dhankiisa sheegay in dadka diiradda saaraan sidii ay marwalba u nadiifin lahaayeen gacmahooda iyo dharkooda si ay hoos ugu dhigaan caafimaad darro ku dhacda. Dadka reer galbeedka ayaa lagu sheegay in inta badan ay nadiif yihiin waxaana midaasi ugu wacan in dadkooda inta badan isticmaalaan maandooriyaha. Laakiin dhaqaatiirtan ma aysan ka hadlin sida dadka ay u qabeestaan hadda oo ah maalintii ugu yaraan labo jeer ah. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: dailymail.co.uk
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay haddal kasoo yeeray Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, kaa oo ahaa in Dowlada Imaaraadka ay dowladii hore ee Somalia ay Heshiis kala galeen arrimaha Dekadda Berbera. Wasiir Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaara uu maanta siiyay Horn Cable Tv, ayaa beeniyay in dowladii hore ee Somalia ay Heshiis arrimaha Berbera la gashay dowlada Imaaraadka Carabta. Waxa uu Wasiirku sheegay inaanu jirin Heshiis ku saabsan arrinta Dekadda Berbera oo dhexmaray Imaaraadka iyo Dowladii hore ee Somalia, waxa uuna cadeeyay inay far ku godan tahay hadalkii kasoo yeeray Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda isu tagga Iimaaraadka carabta. Waxa uu Wasiirku sheegay in ilaa iyo hadda aysan dowladu helin cadeyn muujineysa in Dowladii hore ee Somalia ay Heshiiska Berbera la gashay dowlada Imaaraadka, balse waxa uu tilmaamay inuu ahaa Isfahan oo kaliye. Nuqul kamid ah wareysiga uu siiyay Horn Cable Tv ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Maya maya xukuumadda Somalia ma oga heshiis imaaraadka ay dowaldihii dalka soo maray iyo dowladaan ay la galeen imaaraadka ama ay madaxda imaaradka ay natuseen laakin wasiiru dowlaha ayaan ka maqalnay in uu sheegay in Isfahan uu heshiiskaas ku dhacay” ‘’Heshiis iyo Isfahan wuu kala duwan yahay, Isfahanka waxa uu noqonkaraa laba qof oo sheekeysta oo isla arkay in arrinta laga sheekeystay ay macquul tahay’’ Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somalia Axmed Ciise Cawad, waxa uu si cad u beeniyay in dowladii hore ee Somalia ay Heshiis la gashay Dowlada Imaaraadka Carabta.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaallka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wasiir Bayle, waxa uu sheegay lacagtaasi ilaa hadda in ay gacanta ku heyso Dowladda Federaalka, lana geeyay Bankiga dhexe ee Soomaaliya, halkaasi oo lagu hayo. Wasiir Beyle ayaa yiri “Lacagtaasi Diyaarad bay la socotay, lacagtaasina meel ay ku sooctay lama garaneyn, wadankana Xiisad ayaa ka taagneyd, marka lacagtaasi waala joojiyay, waxayna taalaa Bankiga Dhexe, wada hadalkeeda ayaa lagu jiraa, waa suuragal in la celiyo.” Waxa uu Wasiir Beyle sheegay in ay jireen lacago bil waliba uu Imaaraadka Carabta dalka keeni jiray, balse lacagahaasi Dowladda lagu soo wargelin jiray, wuxuuna tilmaamay in lacagtan aanan cidna lagu soo ogeysiin, taasina ay keentay in la qabto. Waxa uu tilmaamay inuu u socdo wadahadal ay labada Dowladood ka galayaan lacagta si dhinac loogu tuuro lacagta uu muranka ka taagan yahay. Imaaraadka Carabta oo arrintan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in lacagtaasi ay mushaar ahaan u siin rabeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Puntland. Dhinaca kale, Imaaraadka oo u muuqday inuu ka jawaabayay falkan ayaa joojiyay Barnaamijkii tababarka iyo taageerada ku aadanaa ee uu siin jiray Ciidanka Soomaaliya, wuxuuna xiray xerooyinkii iyo Isbitaaladii uu ku lahaa Muqdisho.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Hoose ayaa weli ku howlan qaadista lacagaha canshuurta ee laga qaado Gaadiidleyda iyo goobaha Ganacsi ee ku yaalla Suuqyada iyo Xaafadaha magaalada Muqdisho. Dadka Ganacsatada iyo Gaadiidleyda ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, ayaa dowlada Hoose ku eedeeyay inay ku tagrifasho Canshuurta laga qaado. Waxa ay sheegen inaan Canshuurtaasi lagu dhisin waddooyinka magaalada Muqdisho oo iyagu isku darsaday Burbur iyo Leyr la’aan. Waddooyinka qaar ayaa waxaa ka qodan boholo waaweyn oo biyo dageen ah, halka qaarna ay ka go’een Gaadiidkii isticmaali lahaa. Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa Shan meelood afar meel ah kuwo burbursan, iyadoo arrintaas ay caadi u arkaan Madaxda Dowlada Hoose. Goobaha Ganacsiga ayaa iyaguna noqday biyo dageen iyo boholo uu ka qoday roobka, waxaana arrimahaasi is biirsaday qeyla dhaan ka muujiyay Ganacsatada iyo Gaadiidleyda. Waxaa gabi ahaan dansan leyrarka ku shaqeeya cadceeda ee ku yaala waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxa ayna u dansan yihiin daryeel la’aan. Dhaqaalaha ugu badan ee kasoo xarooda Gobolka Banaadir ayaa weli ku dhaca Jeebka shaqsiyaad gaara oo ka hoos macaasha sharciyada dalka, waxa ayna tani muujineysaa in meesha uu ka baxay isla xisaabtankii ay horay ugu dhawaaqday dowlada Somalia. Magaalada Muqdisho ayaa Seddexdii bil ee lasoo dhaafay aheyd mid mugdi ah xiliyada habbeenkii, waxaana is weydiin iyo isla xisaabtan mudan halka la geeyo Canshuurta Gobolka Banaadir, xili ay Dowlada Hoose u tafa xeydaneyso inay qaado Canshuurta Guryaha. HOOS KA DAAWO SAWIRADA XAALADA MUQDISHO
-
Jabuuti (Caasimada Online)- Golaha ururka caalamiga ah ee European Council on Tourism and Trade ayaa sanadkaan caasimada dalka Jabuuti u aqoonsaday caasimada dhaqanka iyo dalxiiska, iyadoo qoraal uu soo saaray ururkaasi ugu mahad celiyay madaxweynaha Jabuuti horumarka iyo dadaalada ka socda Jabuuti. Dr. Anton Caragea oo ah madaxa ururka European Council on Tourism and Trade ayaa sheegay in magaalada Jabuuti ay sanadkaan noqotay magaaladii ugu horeysay ee Afrikaan ah oo la guddoon siiyo abaalmarinta magaalada dalxiiska iyo ganacsiga. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka mahad celiyay qiimaynta ay sameeyeen European Council on Tourism and Trade iyo kaalinta uu dalkiisu kaga jiro dalxiiska dunida. “Dalxiisku dhaqaalaha waddanku meel weyn buu kaga jiraa sida la moodayo maaha wuu ka fiican yahay, wuuna ka faa’iido badan yahay, Dad idil ayuu howl iyo shaqa siiyaa, ayuu yiri Mr;Geelle. HALKAAN KA AKHRISO QORAAL MIDOWGA YURUB U DIREEN ISMAACIIL CUMAR GEELLE
-
Waxaa Magaalada Washington DC ku soo geba geboobay shirkii saddex geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda, Kalluumaysiga iyo Waxbarashada XFS oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Aduunka IMF/ Madaxda Bankiga Aduunka oo isku dhinac ah. Shirka oo socday ilaa iyo Todobaadkii tagay waxyaabaha lagu lafa guray waxaa ka mid ahaa horumarka Maaliyadda Dalka, sare u kaca Dakhliga Dowladda, Bixinta Mushaarka Joogtada ah iyo hufnaanta maamulka Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyaddu ku tilaabsatay. Miraha shirkaan ka soobaxay waxay guul horudhac ah u yihiin Dowladda Soomaaliya oo caalamka looga leeyahay Balaayiin Doolar, Madaxda IMF iyo kuwa Bankiga Aduunka ayaa hadda shaaciyay in ay ku qanceen maamulka Maaliyadeed, in si sax ah loo uruuriyo Canshuuraha iyo horumarka ay gaartay Dowladda, taasna waxay sababtay in hadaba ay bilaabato howsha cafinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay. “Waxaa si guul ah inoogu soo dhamaaday Shirkii IMF/Bankiga Aduunka, waxay ku qanceen dhamaan qodobadii aan hordhignay, taasna waxay sababaysaa in Soomaaliya laga cafiyo Deymaha lagu leeyahay, iyadoo ay haddaba bilaabatay howshii iyo qaabkii deymaha nalooga cafin lahaa” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Md Dr Bayle. Dhinaca kale Wakiilka QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay guusha uu soo hooyay Wasiirka Maaliyadda iyo dadaalka uu sanadkaan u galay sare uqaadida Dakhliga Dowladda u soo xarooda iyo qaabkii loo maamulay oo ahaa qaab hufan.
-
Just weeks before President Trump won the 2016 election, three white men in Kansas were arrested for fomenting a terror plot. Patrick Stein, 49, Curtis Allen, 50, and Gavin Wright, 50, were accused of conspiring to bomb a mosque and building that was home to many Somali Muslim refugees. They intended to strike a day after the election. Source: Hiiraan Online
-
In a large, empty-looking house on a hill in Hargeisa, Somaliland, Nejuu is preparing dinner for her “babies.” The veterinary student cuts up a kilo of red meat and places chunks of it on a plate. “Careful! They’re going to go crazy when they see it,” Nejuu says as she opens the kitchen door and walks out into the large yard. A second later, two young cheetahs emerge from the shadows and shoot towards her at breakneck speed, halting and skidding when they reach her, then quickly regaining their balance and jumping up on her, their front paws reaching for the meat. “Down, VP, down! Dobbie, down!” she shouts, laughing as she tries not to let the two animals knock her over. Large cats like cheetahs and lions are sometimes kept as pets in some parts of the world — but that’s actually what Nejuu and a small bunch of committed individuals are trying to stop. Both of Nejuu’s “babies,” as she affectionately calls them, are young male cheetahs that were rescued from people who kept them in their homes. “They don’t know how to keep these animals. They don’t give them the right food or enough water,” Nejuu says as she strokes VP’s crooked front legs. “His legs are like this because malnutrition caused metabolic bone disease, which deformed his legs.” When Nejuu’s team rescued him, he could barely walk. Now he’s able to leap and bound around the yard, chasing Dobbie. After they’re snatched from the wild in Ethiopia and Kenya, many cheetahs end up in Somaliland — and eventually in the hands of smugglers. During the journey, many cubs die; a few end up in the hands of rich businessmen and politicians in Somaliland. But countless others are smuggled to the coast, where they are loaded onto small wooden boats and taken to Yemen. Eventually, the ones that survive end up in the United Arab Emirates and Saudi Arabia, where they are sold for thousands of dollars and kept as pets. “Somaliland, to our knowledge, is one of the worst places for cheetah trafficking,” says Patricia Tricorache, who has been investigating the trade in the Horn of Africa for the Namibia-based Cheetah Conservation Fund. “We are trying to discuss a strategy to curb the trade, but it will be an uphill battle,” says Patricia. “We want a rescue centre, but before that happens we need to increase awareness among government and law enforcement people, the police, and the environmental people.” Additional species of animals — gazelles, birds of prey, and caracals, for example — are also trafficked through the country, and sometimes end up in Nejuu’s care. Somaliland’s ineffective institutions and law enforcement mean that Nejuu and her team usually have to operate on very small budgets and with little assistance. But things are looking up: The current Minister of Environment, Shukri Haji Ismail, has taken the matter to heart and has vowed to stop the wildlife trade. In the first months of 2018, she contacted leaders from the police, the judiciary, and the border patrol to announce that her Ministry was leading an anti-wildlife-trafficking campaign, and to ask for their collaboration. In February, several traffickers were arrested after being found with a car full of live tortoises headed to Mogadishu. The traffickers were handed lengthy sentences, a first in the country’s history. Minister Shukri hopes that cheetah smugglers will be next. “When you see with your own eyes that a small baby has been taken from its mother and it’s not treated well, and that so many die for no reason, just for money… that really hurts,” she says. With the Ministry on board, Nejuu’s team is hopeful. More awareness of the problem, coupled with more frequent confiscations and longer sentences for smugglers can help deter people from trading and buying cheetahs. In the meantime, the government has given them a piece of land a few hours away from Hargeisa, where they are building large enclosures for rescued animals. One is already home to dozens of gazelles, and the other will soon be Dobbie and VP’s expansive, natural new home. Source: one.org