-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
WHO concluded a special one-day seminar on enhancing universal health coverage for Somali people, with commitment from all parties to develop a roadmap in the coming months. Universal health coverage means ensuring that everyone, everywhere can access essential, quality health services, without facing financial hardship. Source: Hiiraan Online
-
WICHITA, Kan. ― Three anti-Muslim domestic terrorists who plotted to blow up a Garden City apartment complex where many Somali Muslim immigrants lived were convicted on Wednesday on federal charges that could send them to prison for life. Five weeks into the trial, jurors deliberated for less than a full day before finding Kansas militiamen Patrick Stein, Curtis Allen and Gavin Wright guilty on all charges. Source: Hiiraan Online
-
At the New York City convenience store where he works the overnight shift, Radad Alborati takes a sip of coffee and surveys his life. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia has distanced itself from remarks made by the UAE this week after the UAE insinuated that they had reached an agreement with the previous government of Somalia over the Berbera port. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia has distanced itself from remarks made by the UAE this week. The UAE insinuated that they had reached an agreement with the previous government of Somalia over the Berbera port pact. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay inay la wareegtan tababarka iyo taageerida ciidamadii ay tababari jireen dowladda Imaaraatka Carabta, kuwaasi oo ku sugnaa xerada Gen Goordon. Abaanduulaha Ciidanka xoogga Dalka Cabdullahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliska Ciidanka ay la wareegeen Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa tiro ahaan la sheegay inay gaarayaan 2000 oo askari, waxaana maanta si rasmi ah ula wareegay dowladda Soomaaliya. Abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ciidankan lagu wareejiyay looguna magacdaray Daljir , waxa uuna cadeeyay in ciidankan ka amar qaadan doonaan saraakiishooda ayna kamid yihiin ciidanka kale ee Milatariga. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay in Imaaraadka Tababaraan ciidanka Milatariga, waxaana arimahan kusoo aadayaan xili uu xumaaday Xiriirka Soomaaliya iyo Imaraaadka. Dowlada Imaaraadka ayaa shaacisay in ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siin jirtay Ciidanka Milatariga gaar ahaan kuwa ay tababareen waxaana ciidankan hada si toos ah uga amar qaadan doonaan taliska Milatariga oo markii hore saameyn badan ku laheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyaad(Caasimadda Online)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa sii deysay filimkii ugu horeeyay oo laga baahiyo goob fagaare ah ku dhawaad 40 sano, kadib isbedel weyn oo dalkaasi uu geliyay ninka leh dhaxalka Maxamed Bin Salmaan. Tikityada lagu galayo filimka Black Panther oo la daawanayo maanta ayaa laga iibsaday online ka hor dhowr daqiiqo iyadoo si degdeg ay u dhammaadeen, waxaana Sacuudiga dhowaan booqday jileyaal caan ah oo ka socda Hollywoodka. Xayiraada saarneyd shineemooyinka oo horey loo sheegay inay tahay wax diinta kasoo horjeeda ayaa laga qaaday Sucuudi Carabiya sanadkii lasoo dhaafay. Waxa ayna tallaabadan qeyb ka tahay isbadelada uu ku dhawaaqay inuu ka hirgalinayo dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed dalkaasi. Sanadkii la soo dhaafay ayaa la arkayay bilowga olole balaaran oo lagu doonayay in lagaga dhigo Sucuudiga wadan leh xeebo loo dalxiis tago, taas oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee hiigsiga 2030 ee dalkaas. Isbadeladan ayaa waxaa hoggaanka u haya dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo dhawaan u tagay Maraykanka socdaal dhaqaalaha la xiriira. . Isbaddeladan ayaana waxaa loogu talogalay inay gacan ka geystaan in dhaqaalaha Sucuudiga si uu uga gudbo ku tiirsanaanta shidaalka, iyo in shaqooyin cusub loo abuuro shacabka Sucuudiga iyo waliba inay lacagahooda ku kharash gareeyaan gudaha dalka halkii ay ugu safri lahaayeen dibaddaha si ay shineemooyin u soo daawadaan kuwooda dalxiiska u baxaa. Go’aanka ay Sacuudi Caraabiya ku gaartay in ay joojiso mamnuucista shineemooyinka ayaa qayb ka ah is beddel weyn oo ijtimaaci ah. Sida dalalka kale ee bariga dhexe, Sacuudiga waxaa ka buuxa dad dhallinyaro u badan. Badi 32-ka malyan ee qof ee ku nool, waxay da’doodu ka yar tahay 30 sano. Xigasho BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeisa-(Caasimadda Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka jawaabay eedeyntii ka soo yeertay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani iyo hadalkii Wasiiru dowlaha Imaaraadka Carabta ee ahaa in aanay aqoonsaneyn Somaliland. ‘’Waa dhab Imaaraadku si rasmi ah uma aqoosana jiritaanka Somaliland, Safaaradna kuma laha, Qunsulna kuma laha, laakiin xaqiiqdu waxaa ay tahay Somaliland wadan jira oo jiritaankiisu la aqoonsan yahay cid faro badan oo dan ka lihina ay heshiis kula gashay’’ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland. Waxaa uu meesha ka saaray wasiirka eedeyn uga timid guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ku eedeeyay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Qiyaanno Qaran. ‘’Ma jirto Qiyaanno Qaran oo aynu galnay iyo Shacab la qiyaameeyay intaba, heshiiskan markii la galayayna Soomaaliya daraf kama aysan aheyn’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa noqday mid siyaabo isku dhow ay uga wada hadleen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland kaas oo ahaa in heshiiskii dekada Berbera ay la galeen dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shalay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed ciise Cawad ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla marakana uusan jirin heshiis Xukuumaddii hore ay kula gashay Imaaraadka dekada Berbera oo loo soo bandhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimadda Onlien)Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay Magacaabaan guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,si loo doorto guddoomiye. Xildhibaannada ayaa loo qeybiyey Magacayada Guddiga oo ka kooban 15 Xubnood oo ka tirsan golaha Shacabka si ay u meel mariyaan. Kulanka saddexaad ee kalfdhiga Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka furmay Magaalada Muqdisho iyadoo Xildhibaannada loo qeybiyay magacyada 15 xubnood oo uu ka kooban yahay Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya. Hoos Ka Akhriso Magacyada 15 xubnood ee guddiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bosaso-[Puntland Post] Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacasiga Puntland isagoona ku sii jeeda Magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Gaas oo saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada ka hor inta uu san dhoofin ayaa sheegay inuu Dalka Imaaradku u aadi doono adkeynta xiriirka kala dhaxeeya, iyo sidii loo wanaajin laha. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland wuxuu ugu baaqay Xukuumada Somaliland in Xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Buurmadow oo kamid ah Isimada dhaqanka kaas oo dhawaan Puntland yimid, wuxuuna ka codsaday Somaliland in la kala saaro Dhaqanka iyo siyaasadda. Ugu danbeyntii Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu magacaabay Guddiga hormarinta iyo soo celinta Hantida Dowladda ee Magaalada Boosaaso. Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee Madaxweynah Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST- BOSASO The post Madaxweynaha Puntland oo u safray dalka Isutaga Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa in ka badan bil kadib maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa. Xildhibaanada ayaa kulamadoodii hore waxa hareeyay khilaafkii u dhaxeeyay xukuumada iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamaed Cismaan Jawaari. kulanka Maanta ayaa waxaa shir gudoomin doono ku simaha gudaha ahna Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdiwali Sh. Ibraahim Muudeey. Xildhibaanada ayaa dooran doonto xubnaha guddiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kadib iscasilaadii jawaari. Guddigaan ayaa ka koobnaan doono 15 Xubnood kuwaasi oo ka shaqeeyn doono doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka. Musharaxiin badan oo ka soo jeedo maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay dhowaan in ay yihiin musharixiin u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Guddiga Doorashooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka oo lagu dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in guul laga gaaro Wada-hadalka u dhaxeeya Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dhawaan dib loo bilaabi doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland. “Xukuumadda Soomaliya iyo tii hore ee jirtay waxa ka go’naa in shacabka Soomaliyeed ay heshiiyaan, waxaa naga go’an in Somaliland ay kamid noqoto Soomaaliya, waxaa laga shaqeyn doonaa in la xaliyo tabashooyika Somaliland, Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaa dhankooda ka go’an in la qanciyo Somaliland”, Axmed Ciise Cawad. Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Somaliland ay shaacisay in la hakiyay wada-hadalkii Somaliland iyo Somaaliya, kadib markii dowladda Soomaliya ay kasoo horjeysatay Heshiiska Dekadda magaaladda Berbera. PUNTLAND POST The post Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u bilaabeyso wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdiwali Sheekh ibraahim Muudey oo ah Ku-simaha Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in la xaday Dastuurkii saxda ahaa ee baarlamaanka Somalia. Muudey, ayaa sheegay in Dastuurka hadda lagu shaqeeyo uu yahay mid aan sax aheyn, isla markaana uu yahay mid dhan waliba ka khaldan. Muudey, waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan ku shaqeyn dastuurkii ay meelmariyeen Odayaasha dhaqanka ee loogu tala galay in dalka lagu maamulo, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Dastuurka aan hadda ku shaqeyno maaha kii ay ansixiyeen Ergada Soomaaliyeed, waxa aan ku shaqeyneyno waa mid aanba caadi aheyn’’ ‘’Dastuurkii hore waa la xaday marka waxaan dooneynaa inaan sameysano mid sax ah oo kala sifeynaaya mugdiga iyo xaqiiqda’’ Muudey, waxa uu sidoo kale sheegay in dastuurkii hore uu ahaa mid ay maalgaliyeen dalalka Shisheeye, islamarkaana ay hadda muhiim tahay in la helo dastuur ay yeelato dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Guddoomiye Muudey ayaa Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa dastuur Saxan. Haddalka Muudey, ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia saaxiib u noqotay khilaaf iyo is qabqabsi Siyaasadeed oo aan ku saleysneen waxa uu qabo Dastuurka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay mar waliba diyaar u tahay inay dhex dhexaad ka noqoto khilaafyada ka dhexeeya dowladaha Khaliijka. Wasiirku waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay mar waliba u taagan tahay dhex dhexaadnimo, bacdamaa aysan awood u laheyn inay taageerto dhinac gaar ah. Mar wax laga weydiiyay suuragalnimada in Somalia ay wadahadal la gasho dowlada Isutaga Imaaraadka carabta, ayaa waxa uu sheegay in iminkaba uu socdo dadaalka wadahadalka. Waxa uu tilmaamay in wadahadalka ay ka qeybqaadanayaan dowlado dhowr ah, waxa uuna ka carab ***** dowlada Ethiopia, Masar iyo Sacuudiga oo uu sheegay inay qaadan doonaan kaalintooda. Wasiir Cawad, waxa uu farta ku goday in dowlada Somalia ay ka feejignaan doonto wax waliba oo caqabad ku ah Horumarka, Amniga iyo Xasiloonida dalkeeda, sidaa aawgeedna ay uga hor imaadeen talaabooyinka qaar. Sidoo kale, dowlada Somalia ayuu sheegay inay aqbaleyso dowlad waliba oo dooneysa inay dhex dhexaad ka noqoneyso wadahadalka waxa uuna dhankiisa ka sheegay in Somalia ay qudheeda ka qeybqaadan doonto in la gaaro xal degdeg ah. Haddalka Wasiir Cawad ee ku aadan in wadahadalka Somalia iyo Imaaraadka ay kaalin weyn ka qaadaneyso Ethiopia iyo Sacuudiga ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada Somalia ay qarka u saran tahay inay xiriirka u jarto Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in is casilaad uu ku dhawaaqi doono Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan. Wararku waxa ay tibaxayaan in gudaha asbuucan uu is casili doono Wasiirka Gaashandhiga, si uu uga qeybqaato doorashada Kursiga uu baneeyay Jawaari. Wasiir Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xilka isaga casili doona si uu xooga u saaro doorashada kursiga uu baneeyay Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari. Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa asbuucii tagay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan jagada uu baneeyay Jawaari. Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, ayaa iminka wada dadaalada uu ku gaari lahaa Guddoomiyaha baarlamaanka, waxa uuna garab ka helayaa Madaxda ugu sareysa dowlada Somalia. Sidoo kale, Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo uu la qaadanaayo Xildhibaanada baarlamaanka si uu u ogaado suuragalnimada in xilka Guddoomiyenimo uu heli karo. Docda kale, Guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa wada xulista xubnaha qaban qaabin lahaa Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay ciidamada NISA ayaa maalin un ka hor weerar ku qaaday Hooyga uu Dekadda magaalada Muqdisho ka degan yahay Xildhibaan Caddow Cali Gees. Xildhibaanka ayaa xiliga uu dhacaayay weerarka howlgalka ah ka maqnaa dalka, waxaana la sheegay in howlgalkaasi uu qaatay saacado badan. Weerarka kadib Xildhibaanka oo lagu wargaliyay qaabka uu u dhacay weerarka ayaa sheegay inuusan garaneynin sababta loogu xadgudbay Hooygiisa, isagoo leh xasaanad. Haddaba Caddow Cali Gees ayaa qoraal kooban uu ka sameeyay weerarka lagu qaaday Hooygiisa kusoo daabacay bogga uu facebook ku leeyahay waxa uuna u qornaa sida tan:- Waqti badan waxan geliyay fal shalay oo bishu aheyd 19ki April 2018 ay ciidanka nabadsugidda ku weerareen xafiis aan ku lahaa dekedda Xamar maadaama aan waddanka ka maqanahay si aan xaqiiqda u ogaado. Waxa ogaaday in weerarkaas uu dhab ahaa, haddaba *NISA* iyo cidi soo amartayba, iyagoo ogsoon inaan ahay xildhibaan qaran oo ayna jirin meel xasaanadi xildhibaanimo la igaaga qaaday ama haddaan sikale u dhigo falka noocaas oo kale ey suurtageli karto marka ay jirto fal dembiyeed uu markaa xildhibaanka uu gacanta kula jiro ama hoygiisa iyo xafiisyadiisa ay ka dhacayaan laakinse iyadoon intaaba jirin uu falkaa ee hab dhaqanka nidaamka dawladnimo ka fog lagula kacay xarunteydaas! Inkastoo habdhaqankan uu nagu soo kordhay marki dawldan aan xildhibaanka ka ahay ay hawlgashay ayaa waxey tahay arrin aad uu welwlineyso qofkasta ay ku weyntahay sidi soomaaliya loogu soo celin lahaa nidaamka dawladnimo maadaama falalkan oo kale ay ahaayeen wixi qaranimadeeni dumiyay. Mar aan sii fogeyn bey aheyd marki siyaasi gurigiisa si sharcidarro ah loo weeraray habeen madow, askar aan wax galbsana lagu weeraray kadibna dhaawici la gestay caay loo raaciyay… waxa xigay maalin cad in senator gurigiisi la weeraray, reeekiisana la argagax geliyay, cid ka diimoon majirto weeraradi sharcidarrada ahaa ee dawlad goboleedyada qaar lagula kacay iyo qaarki sida hoose loo dibindaabyeeyayba, haddaba, soomaaliya dhaqanki shalay burbiriyay laguma dhisi karo iyadoo mid ah leysugu heynwaayay…! Dhanka dawladda wax iga soo gaaray ineysan waxba ka ogeyn falka dhacay, baarisna ay ku hayaan wixi ka dambeeyay! Waa arrin beryahan ku soo korortay siyaasadda Soomaaliya, falka dawladda ma oga, ciidankana hawlgalkoodu rag tillmaaman buu baacsadaa… Dawladnimo iyo dhaqankeed ma arko laakin dembiyadaa magaca dawladnimo lagu gelaayo mid nidaam dawli ah dhisi doonto uma eka mana leysaga daba hari doono, dadka rabana in soomaaliya kala tagto ficiladooda qaldan ma noqon doonaan mid wax u dhinta in qaran soomali oo sharciga cidkasta ka sareeyo la dhiso hakisa.. Waabilaahi Towfiiq Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The battle for Wajir governor’s seat could be headed to the Supreme Court despite the Court of Appeal verdict that could have paved way for a by-election. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qatar ayaa shaaca ka qaaday inay is garabtaageyso dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, oo ah Amiirka Qadar ayaa sheegay in dowladiisa ay Siyaasad wanaag la cayaari doonto Dowlada Somalia. Amiirka Qadar Sheekh Tamiim, ayaa tilmaamay in Somalia ay ku eegi doonaan il gaara, isla markaana ay ka caawin doonaan dhinac waliba oo si gaara ay u daneynayaan. Sheekh Tamiim ayaa yiri ‘’Wey naga go’an tahay inaan u hagar baxno Somalia, waxaan muujin doonaa dadaal waliba oo aan amni iyo hormar ku gaarsiin karno Somalia’’ Sheekh Tamiim, ayaa sidoo kale sheegay in Qatar ay dhexda u xiran doonto sida ay ku walaaleyn laheyd shacabka Qatar iyo Somalia. Sidoo kale, Sheekh Tamiim, ayaa sheegay in Somalia ay ku garabsiin doonaan la dagaalanka argagixisada iyo dhammaan dalalka cadowga ku ah Horumarka iyo Xasiloonida Somalia. Haddalka Sheekh Tamiim, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay dhabarka xijisay dowlada Imaaraadka Carabta isla markaana isku dhiibtay Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sanca (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Kacaanka ururka Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yeman Maxamed Cali Al-Xuuti kana tirsan shaqsiyaadkii aas-aasay Ururkaasi ayaa waxa uu taageero u muujiyay Dowladda Federalka Soomaaliya isagoo ka soo horjeestay siyaadda Imaaraadka Carabta ee arimaha Soomaaliya. “Waxaan ku dhawaaqeynaa taageerada aan u heyno walaalaheena Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale cambaareyneynaa ficil walbo oo Imaaradku ku hayo Soomaaliya” ayuu yiri Maxamed Al-xuuti. Maxamed Al-xuuti ayaa sidoo kale hadalo adag u isticmaalay sida uu kaga soo horjeedo gabi ahaanba siyaasadda Imaaradka Carabta waxaana uu yiri” dhamaan Imaaradku waa in doqonimadoodu ay kala tagaan dalka Soomaaliya inteey goori goor tahay, waxeey cashir lama ilaawaan ah u dhigeen dowladda Mareykanka ee ku cibri qaata” sidaas ayuu ku yiri hadal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Maxamed Cali Al-Xuuti oo kamid ah madaxda Xuutiyiinta Yeman. 7 Abriil 2015-kii Dawladdii uu Hogaaminayay Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xulufadeeda u ogolaatay in dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya loo adeegsan karo weerarrada ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yeman. 30 October 2016-kii waxaa gabi ahaanba la xiray safaaradii Soomaaliya ay ku laheyd Magaalada Sanca ee dalka Yeman kadib markii xuutiyiintu ay gacanta ku dhigeen inta badan Magaaladaasi, waxaana taageero loo muujinayay Dowladda sharciga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan oo Imaaradka iyo sacuudigu ay taageerayaan. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) abdiazizh99@gmail.com