Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ISIS now passes to the "guerrilla warfare". Having lost more than 90 percent of the territories, the Islamists today carry out terrorist attacks against civilian population and the Syrian armed forces. As the previous decades' experience in Afghanistan and Iraq shows, a terrorist organization can exist for decades in this mode, hiding in mountainous and desert areas, recruiting and training new fighters in special camps. Source: Hiiraan Online
  2. The UAE has been a busy little theocratic monarchy with regional ambitions. It has established a military foothold in northern Somalia, where Emirati firms have set up commercial ports. It has establisehed a web of bases and armed allies in Yemen and Somalia as a wedge against alleged Islamist and Iranian influence, but quietly, Emirati schemes have greater foresight. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Nabad & Nolol oo laba-sana jirsatay kana badbaaday cuduradii dili jiray kuwii ka horeeyay ayaa ku dhawaaqday isku shaandhayn Golaha oo muda dheer laga sugayay, waana is bedelkii ugu badnaa ee lagu sameeyo Xukuumad dhisan ee soo martay dalka ilaa sanadkii 2000, in 13 Wasiir lagu daro Xukuumad dhisan ama la kala bedelo. Waxaana lagu aqriyay ama lagu soo dhaweeyay aragtiyo kala duwan: A- Dad taageeray una arkay horumar iyo talaabo loo qaaday dhanka dawladnimada, joogtaynta shaqada, isla xisaabtanka iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka. B-Dad dhaliilay una arkay culays lagu daray culays iyo tiro aan tayo lahayn oo lasii kordhiyay. Dooda oo mid kasta u heli karo xujo ama cadayn hadana waxaa muuqda qodobadaan: 1-13 ka Wasiir waxa ay ka tirsanyihiin Barlamaanka markii laga reebo Safiir Geelle, taas oo tusaale u ah sida Xukuumadda iyo Barlamaanku isugu dhawaanayaan; Negative ama Posative midii loo arko! 2-Wasiirada oo dhalin yaro ah kuna cusub Wasiirnimada iyo Barlamaanka markii laga reebo Safiir Geelle, Lafta-gareen iyo Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta; Negative ama Posative kii loo qaato! 3-Waxaa la khilaafay 4.5 oo lagu dhaqmi jiray markii wax la magacaabayo ama la casilayo, lkn hadda waxaa la maray wada cusub oo ah: 9 Wasiir oo hal beel ah iyo 4 ta kale oo 3 beel kala ah iyo beel laga tegay oo aan dood qabin, taas oo ka dhalatay is bedelkii Gudoomiyaha Barlamaanka iyo tartankii loo galay Gudoomiyaha cusub; Negative ama Posative kii laga dhigto. 4-Ragii Qamaaray ee isu casilay tartankii Gudoomiyaha oo daadka siyaasadu qaaday markii laga reebo Wasiir Lafta-gareen oo is badbaadiyay wareegii labaad ee ciyaartii doorashada Gudoomiyaha; Negative ama Posative midkii loo arko! 5-Mucaaradkii Nabad & Nolol oo laga waayay liiska cusub ee Wasiirada; Negative iyo Posative tii loo akhriyo! 6-Faragelinta iyo Talada Barlamaanka iyo Madaxda Gobalada oo ku yareed Liiska cusub, taas oo horay uga muuqa jirtay talaab kasta oo la qaadayo; Negative iyo Posative middii lagu fasiro! 7-Xildhibaano taageeray Xukuumadda oo rajo ka qabay Wasiirnimo oo laga yaabo in ay biiriyaan safka Mucaaradka, halka qaarna ku daaleen Mucaaradka oo laga yaabo in ay biiriyaan safka Xukuumadda; Negative ama Posative middii loo fahmo! Qodobadaas iyo kuwa kale waa sida “Sararta labadeeda dhinac oo qof kasta dhinac ka arko” siyaasadana is bedel kasta waxa uu leeyahay Macaan iyo Qaraar. Wasiirada cusub iyo kuwii hore waxaan u rajaynayaa in xilkooda Alle la garab galo xilligaan adag ee dalku marayo. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. KAMPALA. 326 Police Officers from Uganda Police Force have sat for the Assistance to Mission Support Examinations. Source: Hiiraan Online
  5. Football is king in Africa and with one of the continent's own among the stars going into the Champions League final, Africa is united behind Liverpool against Real Madrid. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in maamulka Gobolka Banaadir uu xilka ka xayuubiyay 12 Gudoomiye waaxeed oo hoostaga Seddex Degmo oo ka tirsan Gobolkan Banaadir. Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiye waaxeedyada ay xilkooda ku waayen dayacaad lagu eedeeyay kuwaa oo ka tirsanaa degmooyinka Kaaraan, Heliwaa iyo Yaaqshiid. Xil ka qaadista Guddoomiye waaxeedyada ayaa soo degdegtay kadib dacwooyin ka dhan ahaa oo u gudbay maamulka sare ee Gobolka Banaadir, waxaana xigay xil ka xayuubintooda. Dacwadaha Guddoomiye waaxeedyada xilka laga qaaday ee dacwadooda ay u gudubtay maamulka Gobolka ayaa waxaa kamid ahaa in wada shaqeyn uusan kala dhexeen Guddoomiyayaasha Degmooyinka. Maamulka Gobolka Banaadir weli kama uusan hadal xil ka qaadista Guddoomiye waaxeedyada, inkastoo warar madaxbanaan ay sheegayaan in mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ay ka biya diidan yihiin. Dhawaan ayey aheyd markii Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka digay in wada shaqeyn ay u dhexeyn weydo maamulka Gobolka iyo Degmooyinka, isagoo sheegay in wixii amniga khuseeya lagula xisaabtami doono Guddoomiyayaasha degmooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Suspected Al-Shabaab militants invaded a mosque on the Kenya-Somalia border and preached to the residents for about five hours. Source: Hiiraan Online
  8. Dozens of refugees and migrants held captive by human traffickers in Libya were shot and wounded while escaping during the night of May 23, resulting in numerous deaths and injuries, the international medical humanitarian organization Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF) said today. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa heshiis wada-shaqeyn oo qarsoodi ah la leh shirkad sirdoon oo ka dhisan dalka Mareykanka, sida ay baaritaan ku ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in tan iyo bishii April ee sanadkan, ay shirkadda sirdoonoka SAACS Independent Intelligence Agency ay talooyin siineysay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Lama yaqaan nooca talooyinkan iyo haddii shirkaddan ay deegaanada Galmudug ka fulineyso howl-gallo sirdoon. Waxaan sidoo kale caddeyn haddii dowladda federaalka Soomaaliya ay ka war-hayso arrintan. Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency, ayaa waxa uu fadhigeedu yahay magaalada Miami ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka, waxaana madax ka ah gabar Cuban-American ah, oo lagu magacaabo Marissa Santana. Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency ayaa waxa ay sidoo kale tan iyo sanadii 2015 la shaqeyneysay shirkad Soomaali ah oo lagu magacaabo Galeyr Security Services Corps (GSS), oo Iyana dhanka ammaanka ka shaqeysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com .
  10. Qaw (Bender Ziyaadda), Boosaasana gumeysi ayaan ka dhaxalnay miyey dhihi lahaayeen? Somaliland waxay leedahay Ingiriiskii ayaan ka dhaxalnay, Puntland-na waxay leedahay anaga ayay nagu beel yihiin. Waa Tukaraq, Sool. Qoraal sir ah oo CIA keydisay 1948, 12 sanno ka hor xurriyadda ayaa sharxaya qaabka xudduud beeleedka British Somaliland iyo Italian Somaliland ay u abuuraan iyo dannaha laga lahaa. Gumeysiga asagoo qeybinaya dhulka Soomaaliyeed, dhacayana kheyraadka dalka ayuu hadda isticmaalayay luuqad uu ku muujinayo in beel gaar ah uu dannaheeda ka shaqaynayo si ay u taageerto. Qoraalkaan sirta ah waxaa ku cad in Ingiriiska markii uu ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka uu damcay in uu ku soo durko Koonfurta, uuna ka codsaday wafdigii afarta quwadood ee adduunka “Four Power Commission of Investigation” in xudduudda British Somaliland iyo Italian Somaliland laga dhigo Bender Ziyaadda oo Boosaaso u dhow. Sida dhabta ee ku qoran qoraalkaan, codsigaas wuxuu ku salaysnaa sabab muuqata (1- beelo u kala hiillin ah), iyo sabab daahsoon (2- oo dhaqaale iyo ciidan ah) : 1- Abuurridda marin toos ah oo ay sahaydu u marto. Protocolkii May 5, 1894 ee ay laba gumeysi ku kala qeybsadeen xudduudda waxay maraysay cirifka 49th dhanka waqooyi galbeed. Markii la ogaaday in Bender Ziyaadda ay xudduudda Ingiriiska martay, ayay haddana heshiis kale wada galeen laba dhinac March 19, 1907 taasoo lagu go’aansaday in Bendar Ziyaadda ay ka mid noqoto qeybta Talyaaniga kaddib markii uu beesha halkaas degganayd ka dhaadhiciyay in aan kala jarin, jufada Bender Ziyaadda degtana loogu darin British Somaliland. Talyaaniga markaas kaddib wuxuu sammeeyay dhul ballaarsi ayagoo sheegtay illaa iyo Hais oo 5KM dhanka waqooyi ka xigta Bender Qaasim. Labadoodaba heshiiskii waa ka baxeen. Talyaaniga wuxuu ku dooday in aan beesha Majeerteen la kala jarin, halka Ingiriiska uu sheegayo in baceedda uga soo degta Berbera ay si iska daba wareeg ah Hargeysa iyo Ceerigaabo ku gaarto ayadoo laga wareejinayo magaalooyin kale sidaas darteedna Bender Ziyaadda uu doonnayo si beesha East Sanaag Clan dhaqdhaaq dhaqaale loogu sahlo. CIA oo qodobadaas falanqaynaysa waxay muujisay in marmarsiiyada Britain aysan sax wada ahayn ayadoo sharxaysa inta KM ee ka jarmaysa masaafada marinka Bendar Ziyaadda iyo Ceerigaabo. 2- Boob Kheyraadka iyo dhufeys Saddex qodob oo qarsoonnaa ayay CIA-da sheegtay in dhab ahaan la isku heysto: b- CIA waxay sheegtay in galaangalka Britian uu yahay mid dagaal iyo awood ballaarsasho. Markaasi Bender Ziyaadda waxay ahayd meel diyaarado ay ka degi iyo duuli karaan ayadoo aan si rasmi ah u ahayn garoon diraayad ahayn. Sidoo kale waxaa ku yaalla saddex dhufeys iyo saldhig ciidan oo Talyaanigu dhisay. t- Bender Ziyaadda waxaa ceegaaga macdan fara badan oo ku fadhida 50 KM, oo isugu jirta, dahab, maar iyo qalin. Sidoo kale Laas Baar oo dahab. j- Kalluumaysi oo ay halkaas ka wadday shirkad Talyaani ah in lala wareego, kaddibna halkaas laga hirgeliyo warshad bacaysa kalluunka. Inkastoo waxa ay Ingiriiska iyo Talyaaniga isku heysteyn uu ahaa dhul Soomaaliyeed xadayntiisa, si ay kheyraadka u dhacaan ama danahooda u difaacdaan haddana si ay taageero uga helaan beelaha qaar, waxay u muujinayeen in ay dahanooda ka shaqaynayaan. Ingiriis oo leh East Sanaag Clan ayaan dhaqaale u abuuraynaa, halka Talyaani uu leeyahay Majeerteen lama kala jari karo. 2018, xudduuddii sidaas ku sameysantay ayay Somaliland leedahay, laba dowladood ayaan kala ahayn, Puntland-na beel ahaan ayay u sheegataa. Maryooley waa isku caqli jiilba jiil. Caqligii 1948, 70 sannadood kaddib weli waa sidiisa. W/Q: Hassan Adam Hosow
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa dalbaday in la horkeeno Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan. Xildhibaanada ayaa dalbaday in Wasiirka uu hor imaado maanta oo sabti ah, iyadoo uu ujeedku yahay in su’aalo laga weydiiyo Xaaladda Waxbarashadda Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiin doona deeqaha waxbarashadda iyo Shaqaallaha Wasaaradda oo mugdi uu ku jiro. Xildhibaanada qaar ayaa qaba in Wasiirka uu qaabab aan muuqan u maareeyo Waxbarashada iyo deeqaha ay hesho dowlada.
  12. Qudus (Caasimada Online) – Horey ayay Soomaalidu u tiri “waan baahanahay bakhti looma cuno”, waxaana sidaas sameeyey Falastiiniyiinta ku nool magaalada Qudus, oo iska diiday bahdilaadda Imaaraadka Carabta. Falastiiniyiinta ayaa iska diiday deeq Imaaraadku geeyeen masjidka barakeysan ee Al-AQSA, sababo la xiriira in Imaaraadku u muuqdaan inay markan la safan yihiin Yahuudda. Waxa ay billaabeen olole xagga twitter-ka oo loogu magac daray #we are not hungry, si dadka loo gaarsiiyo inay iska diidaan cuntad Imaraaadka ay geeyeen masjidk Al-AQSA. Tallaabadan ayaa timid markii Imaaraadka ay koox ka qeyb gasha usoo direen tartan xagga orodka baaskiilka ah oo Yahuuddu ay ku qabteen dhulka ay xoogga ku haystaan ee Qudus, taasi oo Falastiiniyiinta ay u arkeen in Imaaraadka ku aqoonsadeen jiritaanka dalka Yahuudda iyo in Qudus ay ayaga leeyihiin. Guddiga Olombikada Falastiin ayaa cambaareeyey ka qeyb-galka kooxda Imaaraadka ee tartankaas. Radio ku hadla afka Hebrew ee Yahuudda ayaa sheegay inuu soo noqday xiriirka Yahuudda iyo Imaaraadka, ayada oo Imaaraadka ay casuumad booqasho oo rasmi ah usoo direen wasiirka isgaarsiinta Yahuuda, Ayoob Kara. Horey ayaa wargeyska Washington Post ee Mareykanka wuxuu u qoray in safiirada Imaaraadka iyo Bahrain ee Washington, Yousef Al-Otaiba iyo Abdullah Bin Rashed Al-Khalifa ay maqaayad ku taalla magaaladaas kula kulmeen ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, markii uu booqashada ku joogay halkaas. Kooxdii Imaaraadka ee cuntada geeyey masjidka Al-AQSA ayaa weji-gabax kala noqday halkaas, markii cidna ay qaadan weysay deeqdooda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  13. Cadaado (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ku dhawaaqi doono xukuumad cusub. Xaaf ayaa lasoo sheegayaa inuu soo gabagabeeyay wadatashi uu la sameynaayay Xildhibaanada iyo Odayaasha Galmudug, waxaana lagu wadaa in Wasiirada cusub uu ku dhawaaqo maalmaha fooda nagu soo haya. Wasiirada cusub ee la magacaabayo ayaa waxaa ka dhex muuqan doona Wasiiro hadda ku jira Xukuumada Galmudug. Wasiirada horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ee dib usoo laaban doona ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda. Hogaamiye Xaaf oo maalmahaani ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana safarkiisa ku wehliyey Saadaq Sheekh Yuusuf wakiilka Ahlu Sunna. Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee uu yeelan doono maamulka Galmudug. Magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado ayaa waxaa shalay ilaa xalay ka socday shirar looga arinsanayo qorshaha lagu doonaayo in lagu magacaabo Golaha Wasiirada cusub ee maamulka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hanaanka loo maray qeybinta kuraasta. Sidoo kale, Xaaf ayaa la qorsheynayaa in dhanka Ahlusuna uu ka keeni doono Wasiirada Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug. Ma cadda sida Golaha Wasiirada cusub lagu marin doono baarlamaanka maamulka oo qudhooda la sheegay inay isku hayaan awood qeybsiga Wasaaradaha. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa weli ku adkeysaneysa inay ka maaranto ciidamada AMISOM ee kaalmada u ah kuwa Somalia, isla markaana amniga Somalia ay xiligaan ku filan tahay. Dowlada Somalia ayaa ku doodeysa inay heysato ciidamo ku filan amniga guud ee dalka kuwaa oo intooda badan qaatay tababaradii loogu tallo galay. Dowladaha ay ka socdaan ciidamada AMISOM ayaa iyagu diidan in la dadajiyo ciidamada AMISOM, waxa ayna doonayaan inay sii joogan Somalia, iyaga oo marmarsiyo ka dhiganaaya in Somalia aysan heysan ciidamo ku filan. Dowladaha Ugandha, Kenya, Ethiopia iyo Burundi ayaa ka mideysan in Somalia aysan heysan ciidamo u diyaarsan ka hortagida weeraro kaga imaada Al-Shabaab, sidaa aawgeedna ay muhiim tahay in ciidamada AMISOM lagu sii hayo Somalia. Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia ayaan xiligaan hayn howlihii loogu tallo galay, waxa ayna taa muujineysaa in dowlada Somalia ay ku filan tahay amnigeeda. Ciidamada AMISOM ayaa ku eg keliya Xarumaha ay ka degan yihiin Somalia, waxaana inta badan howlaha Amni gacanta ku haya ciidamada Qaranka Somalia. Haddaba waxaa halkaan idinkugu heynaa 4 qodob oo muujineysa in DFS ay xiligaan ka maaranto Ciidamada AMISOM: 1-Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka muddo laga joogo 2 sano iyo bar kama aysan qeybqaadan weerarada lagu qabsado Hoteelada iyo Xarumaha dowlada. 2-Ciidamada AMISOM banaanka ugama baxaan Xarumaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, markii laga soo tago xiliga kala gadoonka oo ay isku bedelayaan xarumaha ay ku sugan yihiin, waxaana xiligaa lagu arkaa waddooyinka Muqdisho. 3-Ciidamada AMISOM kama qeybqaatan Howlgalada lagu ugaarsanaayo Al-Shabaab ee ka dhaca Waddooyinka iyo Xaafadaha Degmooyinka, waxaana dhammaan howshaasi iska xil saaray ciidamada Qaranka. 4-Taliska AMISOM waxa uu ciidamada ka mamnuucay in kuwa dowlada Somalia ay kala qeybqaatan Hub ka dhigista iyo weerarada qorsheysan oo dowlada ay ka fuliso magaalada Muqdisho. Marka la’eego qodobada aan kor ku xusnay waxa ay ka dhigan tahay in Dowlada Somalia ay ka maarmi karto in ciidamada AMISOM ay kusii nagaadan Somalia, maadaama howsha ugu badan ay hayaan ciidamada Qaranka. Sidoo kale, Dowlada Somalia waxa ay qabtaa in ciidamada Somalia ay dhanka amniga kaga horeeyan kuwa AMISOM, maadaama ciidamada AMISOM aysan dulqaad u laheyn inay iska difaacan al-Shabaab xiliyada ay ku weeraraan Saldhigyadooda. Si kastaba ha ahaatee, QM ayaan dhawaan sheegtay in ciidamada AMISOM ay si nidaamsan uga bixi doonaan Somalia iyadoo la gaarsiin doono ilaa labada sano ee fooda nagu soo heysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Nairobi (Caasimada Online)- Dowlada Kenya ayaa wada qorsho ay al-Shabaab uga mid noqoneyso liiska argagixisada caalamiga ah, kadib Markii ay u aqoonsatay inay ka halis badan tahay Kooxaha kale. Qorshahaani ayaa waxaa horboodaya Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta oo arrintaan u kaashanaya Dowlada Ruushka oo siyaasad ahaan ay aad isugu dhowyihiin. Madaxweyne Uhurru Kenyatta ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhammaan wadamada hormarsan ay garwaaqsadaan in al-Shabaab ay ka halis badan tahay Kooxaha kale ee lidka ku ah Nabadda iyo Horumarka. Uhurru Kenyatta oo si gaara u daneynaaya in al-Shabaab loo aqoonsado Kooxda ugu halista badan dunida ayaa waxa uu arrintaasi kala hadlay dhigiisa dalka Ruushka oo uu ka codsaday in al-Shabaab lagu daro liiska argagixisada ugu halista badan. Kenyatta waxa uu cadeeyay in al-Shabaab ay iminka dunida uga diiwaan gashantahay argagixiso qatar ku heysa Bariga Afrika. Dido Rasso oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Madaxweyne Kenyatta uu xooga saarayo sida al-Shabaab loogu aqoonsan lahaa Kooxda ugu halista badan. Xildhibaan Dido Rasso oo xubin ka ah guddiga difaaca Kenya ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan talabada uu Uhurro Kenyaatta ku doonayo in indhaha caalamka ay qabtaan al-Shabaab. Waxa uu tilmaamay in ka Guddi ahaan xitaa ay dowladda Ruushka ka codsanayaan in il gaara ay ku eegto dalabka Kenyaatta ee ku aad al-Shabaab. Xildhibaan Dido Rasso waxa uu intaa raaciyay in qorshahaani ay mar hore soo jeediyeen, hase ahaatee Madaxweynaha Kenya uu hadda gartay ahmiyada ay leedahay in Shabaab lagu daro liiska argagixisada ee Caalamiga ah, halka ay hadda u diiwaangeshanyihiin argagixiso qatar ku heysa Bariga Afrika. Waxaa uu sheegay in al-Shabaab ay qatar ku yihiin Caalamka oo dhan,sidaas darteedna uu dowladda Ruushka ka codsanayo in lagu daro liiska Caalamiga ah halkii la dhihi laha waxaa ay qatar ku yihiin Bariga Afrika, Kenya ama Ethiopia. Dhinaca kale, dowladda Ruushka ayuu ka codsaday in ay Kenya ku taageerto qalab dhinaca Tignolojiyadda ah oo ay kula dagaalanto al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  16. Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa gaaray magaalada Addiss Ababa ee dalka Ethiopia. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo casuumad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo masuulyiinta la socota ayaa kulamo la leh Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madax ka tirsan midowga Afrika oo ay kawada hadlayaan arinma Muhiim u ah Gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Ra’isul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalad Muqdisho ka sagootiyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo tirro Xildhibaano ah. R’isul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa u kictamay dalka Ethiopia, waxa uuna casuumaad ka helay dhigiisa dalka Ethiopia Abiy Axmed. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kulan khaasa kula qaadan doona dhigiisa Ethiopia Abiy Axmed oo ay kawada hadli doonaan danaha labada dal. Mid kamida Xildhibaanada wehlinaaya Ra’isul wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in labada mas’uul ay kawada hadli doonaan qodobo ay kamid yihiin Amniga iyo Siyaasada, waxaana intaa dheeraan doona oo leysla soo qaadi doonaa Khilaafka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka iyo Heshiiska Dekadda Berbera oo ay qeeb ka tahay Ethiopia. Sidoo kale, waxaa halkaasi uga sii horeeya oo safar qarsoodi ah ku tegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyeen la Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin. Si kastaba ha ahaatee, booqashadan oo u muuqata mid hoos iska taabat ah, ayaa waxaa isku arki doona Ra’isul wasaarayaasha labada dal, halka ay mas’uuliyiinta kale si gaara u arki doonaan dhigooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. The East Africa bloc’s weather prediction center has issued a warning of an active tropical cyclone named Mekuku threatening the coast of Somalia’s semi-autonomous region of Puntland. The Inter-Governmental Authority on Development (IGAD)’s Center for Climate Prediction and Application Center (ICPAC) said on Friday that its closely monitoring cyclone Mekuku which comes after tropical cyclone Sagar that caused heavy rains and flooding in Puntland and killed at least 25 people in Somaliland. “The regional model prediction of the Weather Research and Forecasting (WRF) latest run at ICPAC indicates that the tropical cyclone will move progressively northward and landfall over Yemen late on May 26, 2018,” the bloc said in its alert. The bloc warned that as the cyclone progresses north, parts of the cyclone circulation and associated clouds and rains will hit along the coast of Somalia. “However, the total accumulated rainfall expected over the coast of Somalia’s Puntland between May 25-27 is less than 30 mm between May 25-27,” it said. The warning comes after a powerful tropical cyclone with winds in excess of 120 km/per hour and an entire year’s worth of rain which landed in Somalia last week left destruction and death in its wake in Somaliland, endangering the lives of thousands of children in the region. According to the charity, Cyclone Sagar tore through the coastal north of the country, destroying homes and livelihoods in its wake. According to Somaliland authorities, at least 25 people have been killed, 27 others are missing and hundreds of homes destroyed following tropical cyclone Sagar that caused heavy rains and flooding in Somaliland. Source: Xinhua
  19. Mandheera (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraray oo qabsaday masjid ku yaalla magaalada Mandheera ee dalka Kenya, halkaasi oo dhowr saac ay ka wacdinayeen. Booliiska deegaanka ayaa sheegay in rag aad u hubeysan oo Shabaab ah ay qabsadeen masjidka Komor Haile, abaare 10-kii habeenimo ee xalay, ayna joogeen illaa labadii subaxnimo ee jimcaha maanta ah. “Waxay yimaadeen ayada oo Sheekh uu noo wacdinayo, waxay ka dafeen makaroofanka, waxayna amreen inuu fariisto oo uu dhageysto” Waxaa sidaas yiri qof ku sugnaa masjidka, markii dhacdadan ay dhacday. Waxa uu sheegay in dhowr saac ay masjidka ku xannibnaayeen, oo qofna aan loo ogolaan inuu ka baxo. Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa xaqiijiyey dhacdadan, isaga oo sheegay in maleeshiyada fulisay ay ahaayeen 10 nin oo aad u hubeysan, kuwaas oo la rumeysan yahay inay kasoo gudbeen xadka Soomaaliya. Sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in maleeshiyada ay dadka weydiinayeen halka ay ku sugan yihiin guddoomiyaha degmada, taliyaha booliiska iyo xubnaha kale ee dowladda deegaanka. Waa markii labaad ee Al-Shabaab ay qabstao masjid ku yaalla Mandheera, ayada oo markii koowaad ay ahayd August, 2015, markaasi oo sidoo kale ay jeeidyeen wacdi ka dhan ah dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo. “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka. Dhanka kale, Madaxweynaha DF ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha DF Somalia oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo Dagaallada Tuka-raq appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay si faah faahsan uga hadashay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka Ciidanka NISA ku leeyihiin agagaarka KM-0 ee magaalada Muqdisho. Dhacdada ayaa waxa ay la xiriirtay in askari ka tirsan ciidanka ku sugnaa Barta Kontorool uu hal xabad ku riday gaari uu la socday Xildhibaan Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka, kadib markii uu ka gudbay barta kontorool. Wasaaradda amniga ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo maalin kahor xilli galabnimo abbaarahihii 5:30-PM ka dhacday barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM-0 ee magaalada Muqdisho, waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taas oo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool.” Sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa qoraalkeeda waxay ku sheegtay in ay bilowday baaritaanada la xiriira dhacdadaas, dibna ay ka soo saari doonto wixii go’aan ah, iyada oo sidoo kale tilmaamtay in ciidamada ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan. Wasaaradda amniga ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada ay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda, islamarkaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah. Ugu dambeyntii Wasaaradda ayaa tilmaamtay in ay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqday dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada.
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo. Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.
  23. May 25 (UPI) -- Yemeni officials have declared the southern island of Socotra a disaster zone after Cyclone Mekunu hit and trapped people in floodwaters strong enough to sink two cargo ships. Source: Hiiraan Online
  24. Suspected Al-Shabaab militants invaded a mosque on the Kenya-Somalia border and preached to the residents for about five hours. Source: Hiiraan Online
  25. COMESA Ministers of Justice and Attorneys General have passed new regional legal instruments among them, the COMESA Airspace Agreement and the Agreement on Admission of Somalia to COMESA. Source: Hiiraan Online