Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka iskood isku magacaawday madaxbanaanida ee Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maydka ruux rayid ahaa laga helay war ku taala duleedka Hargeysa. Ruuxaan Maydkiisa laga helay ayaa Wartaasi ayaa ku dabaalanayay iyada sidaasina uu ugu geeriyooday. Dadka ku dhaqan halkaasi ayaa ku wargaliyay ciidamada waxaana goobtaasi gaaray ciidamada oo Maydka qofkaasi ka soo saaray baligaasi. Roobab mahiigaan ah ayaa baryihii ugu dambeeysay waxa ay ka da ayeen Magaalooyinka Soomaaliland. Dhowaan ayeey aheyd markii 2 ruux ay ku geeriyoodeen war ku taala Magaalada Hargeysa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ruux Meyd ah oo laga soo saaray Bali ku yaala Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in kulan khaasa ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan guddiga loo xulay doorashada Guddoomiyaha golaha Shacabka ee shalay la magacaabay. Kulanka Guddiga ayaa la filayaa in lagu dajiyo qaabka ay u dhici doonto doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka. Kulanka maanta ayaa waxaa sidoo kale lagu iclaamin doonaa xiliga ay dhaceyso doorashada Gudoomiyaha, si Musharaxiinta ay u guda galaan isdiiwaan galinta. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo dhawaan Baarlamaanka ku soo biiray, ayaa sheegay inay ka fogaan doonaan dib u dhac ku imaada xiliga doorashada. Xildhibaan Nuur Iidow, oo shalay loo doortay xilka Guddoomiyenimo, ayaa intaa ku daray hadalkiisa inay dhex dhexaad u noqon doonaan Musharaxiin. Dhinaca kale, Guddigaan ayaa waxa ay Shaqadooda wadan doonaan ilaa laga doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay isku soo sharaxeyn musharixiin farabadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Saudi forces have shot down a toy drone near the royal palace in the capital, Riyadh, as videos posted online purported to show the area ringing with heavy gunfire. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa markii ugu horeysay ka jawaab celiyay hadalkii dhawaan kasoo dowladda Imaaraadka Carabta ee ahaa in ay heshiiska ku saabsan dekedda Berbera ay galeen Xukuumaddihii hore ee soo maray Somalia. Cumar Cabdirashiid waxa uu sheegay in haddalka kasoo yeeray Imaaraadka uu yahay mid aan sal iyo baar laheyn, isla markaana aanu jirin Heshiis ay Imaaraadka kula galeen Dekadda Berbera iyo Saldhiga Militery ee magaalada Berbera. Waxauu Cumar Cabdirashiid cadeeyay in Imaaraadka aysan kawada hadlin Heshiiska Dekadda ay sheegayaan inay kula Heshiiyeen Xukuumadii hore ee Somalia. Waxaa uu sheegay in uusan jiran wax heshiis ah oo ay wada gaareen Xukuumaddii hore ee uu hoggaamin jiray iyo dowladda Imaaraadka oo ku saabsan Berbera, balse waxa uu ku baaqay in laga fiirsado xaqiiqda Heshiiska. Cumar Cabdirashiid, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu aaminsan yahay in heshiiskaan uu dhacay wixii isaga ka dambeeyay. Waxaa uu sheegay in aysan qarsoomi doonin cidii gashay heshiiskaan, isla markaana dowladda Imaaraadka Carabta laga doonaayo in ay cadeyso.
  5. America has had a black president. Is the country ready for a black president who is also a woman? Source: Hiiraan Online
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Xabsiga kasii daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo maalin un ka hor lagu xiray Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland. Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow, oo lagu eedeeyay arrimo ka hor imaanaya xoriyadiisa gaarka ah ayaa waxaa Xabsiga kasii daayay ciidamada Booliska. Maamulka ayaa Boqorka ku eedeeyay Booqasho uu ku tagay degaanada maamulka Puntland, waxa uuna xarigiisa dhacay kadib soo laabashadiisa. Somaliland ayaa ku eedeysan Buurmadow in uu jeediyay hadallo kasoo horjeedda Qaranimadda Somaliland. Boqor Cismaan, ayaan weli ka hadal xarigiisa waxaana lagu wadaa in saacadaha nagu soo aadan uu la hadlo saxaafada si uu uga dhiidhiyo xarigiisa. Docda kale, waxaan si dhaba loo ogeyn asbaabaha soo dadajiyay xariga Boqor Cismaan, maadaama uu Boqorku miisaan ku dhex lahaa arrimaha maamulka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. A man is back on Canadian soil after being in an Ethiopian prison for 11 years. Tears filled the eyes of Bashir Makhtal and his family members as they embraced Saturday at Pearson Airport .... Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Bare Falastiini ah xubinna ka ahaa ururka hubaysan ee Xamaas ayaa waxaa lagu dilay rasaas laga soo furay gaari mar uu marayay mid ka mid waddooyinka caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur. Qoyska 35 jir-kan lagu magacaabo Fadi al-Batsh, ayaa waxa ay sirdoonka Israa’iil ee Mossad ku eedeeyeen inuu ka dambaysay dilka Sabtidii ninkaasi loo gaystay. Fadi al-Batash, waxaa uu ahaa Injineer u dhashay Falastiin kana tirsanaa Ururka Xamaas ee la dagaallama Israel,waxaa lagu dilay aaka Magaalada Kuala Lumpur ee xarunta dalka Malaysia. Waxaa uu ahaa Injineer dhinaca tamarta ah,waxaa uu Malaysia ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay,Bare sare ayuu ka ahaa Jaamacad Gaar loo leeyahay sidoo kale waxaa uu ahaa Imaam Masaajid. Labo Nin oo watay Baaskiil ayaa ku dhuftay 10 Xabadood isaga oo galayay Masaajidka sida ay sheegeen Booliska Malaysia. Qoyska Ninkan iyo Garabka Milatari ee Xamaas ee loo yaqaan Islamic Jihaad ayaa sheegay in dilka Fadi al-Batash ay ka dambeysay Hay’adda Sirdoonka Israel ee Musaad. Ururka Xamaas ayaa war uu soo saaray ku xaqiijiyay in uu Ninkan iyaga ka tirsanaa,waxaana uu sidoo kale ka mkd ahaa Ururro Islaami ah oo dhinaca samafalka ah oo uu ka mid yahay My Care. Qoyska Fadi al-Batash,ayaa sheegay in Maalinta Axadda ee Berri ah oo qorsheynayay in uu u dhoofo Dalka Turkiga halkaas oo uu uga qeyb geli lahaa shirka Cilmiga Tamarta oo ka dhacaya Dalka Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa si xowli ah ugu socda loolanka iyo xod-xodashada loogu jiro codadka xubnaha baarlamaanka, iyadoo la filaayo in lagu dhawaaqo goorta ay dhacayso doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Somalia. Waxaa xilkaan u taagan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somalia, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo xilal ka heyn dowladda. Murashax kasta wuxuu taageero ka haystaa garab ka mid ah dowladda ama koox siyaasadeed, hase ahaatee waxaa muuqata in murashax si weyn looga taageerayo xukuumadda iyo madaxtooyada, gaar ahaan agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin oo juhdi badan ku biixnaayo murashaxaasi. Waxaa soo shaac baxay durba sida madaxda dowladda u kala taageersan yihiin musharixiinta xilka Gudoomaamiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyaga oo dhaqaale aan caadi aheyn ku baxinaya sidii ay u soo baxi lahaayeen shaqsiyaad gaara oo ay doonayaan inuu kusoo baxo shaqsi iyaga taabacsan kuna fakir ah. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiiga xukuumadda Xasan Cali Khayre, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ololaHiisa doorashada waxaa hormuud ka ah Fahad Yaasiin iyo taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka Saadaq Joon iyo kuxigeenkiisa Jaamac. Dhanka kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA],Xuseen Cismaan Xuseen oo loo yaqaan ‘Xuseen Calool-kuus’ ayaa isagana u ololeynayaa Mushuraxa Xaaji Cali Sh. Maxamed Nuur, waxaana lagu xantamayaa in si hoose isaga warqabaan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo murashaxaan ka dhigtay plan B, si hadii Maxamed Mursal uu codkii loo baahnaa u waayo, Xaaji Cali Sheekh Maxamed codka loogu shubo. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loogu fadhiya in ay waajibaadkooda si sharaf leh ugu soo baxaan, meeshana ka saaraan dhaqamadii horay u jiray ee iibsashada cododka.
  10. Abu Dhabi(Caasimada Online)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa Sabtidii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii dhawaan uu joojiyay howlihii tababarka uu ka waday dalka Soomaaliya. Booqashada deg dega ee C/weli Gaas ayaa kusoo beegantay maalmo kadib markii uu caddeeyay mowqifkiisa ku aadan taageerada Imaaaraadka Carabta, xili xiriirka dowladda dhexe iyo Imaaraadka heerkii ugu xumaa uu gaaray. C/weli Gaas ayaa sheegay in booqashadiisa ay tahay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Imaaraadka isla markaana uu kala hadli doono arrimaha ciidamada badda, PMPF oo tan iyo 2011 ay gacanta ku hasay dowladda Imaaraadka. Gaas ayaa tilmaamay in arrimaha Ciidamada Badda [PMPF] iyo horumarinta kaabiyaasha dhaqaalaha oo horey dowladda Imaaraadka uga wadey Puntland uu kala soo hadli doono madaxda dalka Imaaraadka inta uu booqashada ku joogo dalkaasi. Warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxay ayaa sheegay in saraakiishii Imaaraatka ee ku sugnaa Puntland ay ka ka dhoofeen Boosaaso, hase ahaatee wararkaasi waxaa genafka ku dhuftay C/weli Gaas oo ku adkeystay in xiriirka Puntland iyo Imaaraadka uu yahay mid wanaagsan. Casuumaada Gaas ee Imaaraatka ayaa la sheegay inay salka ku hayso xiisada siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Imaaraatka, iyadoo loo arko booqashada Gaas mid qas iyo fowdo ay dooneyso Imaaraatka Carabta. Khilaafka xalka loo waayay ee DF Somalia iyo Imaaraatka ayaa ah mid salsa ku haaya heshiisyada shirkada DP World iyo P&O ay la gashay maamulada Somaliland iyo Berbera oo saldhig milateri u noqon doona Imaaraatka. Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi Caasimada@live.com
  11. Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka waxaa ay wadahadal kula jirtaa Maamulka Somaliland, waxaana ay dooneysaa in ay saldhig Milatari ka dhisato magaalada Saylac ee Gobolka Awdal. Magaaladaas waxa ay ku taalla Badda Cas,waxaana ay isu muuqdaan Saldhigyada Waddamo shisheeye ku leeyihiin dalka Jabuuti,waddamadaas waxaa ka mid ah Mareykanka, France, Jaban, China iyo kuwo kale. Ruushka oo ballaarinaya awooddiisa dhinaca Dibadda ah ayaa waxaa uu hadda qorsheynayaa dhismaha Saldhig Milatari oo uu ku yeesho Qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga, waxaana uu wadahadal kula jiraa Maamulka Somaliland ee sheegtay in uu ka go’ay Somalia inteeda kale hayeeshee aan aqoonsiga helin. Haddaba Wargeyska Face 2 Face, ayaa daabacay tirada Ciidanka,Gaadiidka dagaal sida Maraakiibta, Taangiyada iyo Diyaaradaha Dagaalka ee uu Ruushka geynayo Saldhigga Saylac haddiiba uu kula heshiiyo Somaliland. Ciidanka Ruushka ee saldhiggaas degaya waxaa lagu sheegay 1,500 Askari,Labo Markab oo kuwa bur buriyayaasha ah, Afar Markab oo noocaha Raadaarrada leh ah sidoo kalena leh hooy la seexan karo, Labo Markab oo nooca Gujiska loo yaqaanno ah, Labo Markab oo nooca diyaaradaha qaado ah,waxaa ay qaadi karaan lix diyaaradood oo kuwa waaweyn ah midkiiba ama 15 diyaaradood oo nooca dagaalka ah ee Miigga iyo adeegyo kale. Somaliland ayuu wargeysku sheegayaa in Saldhiggan ay kaga beddeleneyso Ruushka Aqoonsi uu siiyo maaddama aysan ahayn dal la aqoonsan yahay. Saldhigga Duleedka Saylac waxaa uu noqonayaa saldhigyada uu Ruushka ku leeyahay meel ka baxsan Dalkiisa,waxaana waddamada uu saldhigyada ciidan ku leeyahay ka mid ah; Armenia, Belarus, Georgia, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Moldova, Syria, Tajikistan iyo Vietnam. Isha: Face 2 Face
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka carabta ayaa bilowday in qaab dowladeed ay ula dhaqanto maamulka Somaliland oo qeyb ka ah maamulada xiligaan ka jira dalka Somalia. Dowlada Imaaraadka ayaa maalmihii ugu danbeeyay si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka maamulka Somaliland xili uu jiro Khilaaf ka dhashay arrimaha ceynkaani ah oo ka dhextaagan dowlada Somalia iyo Imaaraadka. Dowlada Imaaraadka ayaa maamulka Somaliland u fasaxday in dadkeedii wata Baasaboorka lasiiyo Fiiso dal ku gal ah, isla markaana loola dhaqmo sida dowladaha kale loola dhaqmo. Imaaraadka ayaa la xaqiijiyay in System-ka Socdaalka (Immigration) UAE ay ku dartay amarka Fiisooyinka lagu saarayo Baasaboorada maamulka Somaliland. Dowlada Imaaraadka oo dhawaan ku dhawaaqday in Saldhig Militery ay ka dhisaneyso magaalada Berbera, isla markaana la wareegtay Dekadda berbera ayaa talaabadaani aqoonsiga ku raali galinaaya maamulka Somaliland. Dowlada Imaaraadka ayaa dhawaan sheegtay in qunsuliyad aysan ku laheyn Somaliland, safaaradna ku laheyn gudaha Somaliland, waxa ayna intaa raacisay Imaaraadka inaanu jirin xiriir gaara oo ay la leedahay Somaliland, hase ahaatee waxaa soo baxaaya in dhammaan haddalka kasoo yeeray Imaaraadka uu yahay mid aan waxba ka jirin.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gudiga dib u eegista iyo la socoshada arimaha dastuurka ee Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), ayaa shaaca ka qaaday in Somalia aanu ka dhici doonin wax la yiraahdo midnimo. Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa sheegay in midnimada Somalia ay tahay mid ku xiran aqoonsiga Maqaamka Muqdisho oo uu sheegay inay ka meermeereyso dowlada Somalia. Qaybdiid, waxa uu tilmaamay mar hadii aan maqaamka uu Muqdisho yeelanayo aanan lagu cadeynin Dastuurka dalka, micnuhu ay ka dhigan tahay midnimada Somalia oo weli qabyo ah. Waxa uu Qaybdiid carab ***** in Muqdisho ay dooneyso maqaamka ka maqan, sidaa aawgeed dowlada hadda jirta laga doonaayo inay Dastuurka ku darto Maqaamka Muqdisho. ‘’Midnimada Somalia waxa ay ugu dhow dahay goortii Muqdisho lasiiyo maqaamka ka maqan, waxaan leeyahay dowlada ha dhowrto Muqdisho oo ha keento xuquuqdeeda’’ Qaybdiid, ayaa hadalkan ka sheegay kulan lagu sagootinayay Gudoomiyayaasha baarlamaanada maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo Gudiyada madaxa banaan iyo midka baarlamaanka Somalia u qaabilsan dastuurka qabyo tirkiisa. Waxa uuna Mr Qaybdiid ku celcelshay in laga wada shaqeeyo sida ay Muqdisho ku hana laheyd Maqaamka ka maqan, oo uu sheegay inay ku jirto gacanta Madaxda ugu sareysa dalka. Dhinaca kale, Dowladihii hore ee dalka kasoo arrimiyay ayaa horay u qaadacay Maqaamka Muqdisho, maadaama Muqdisho lagu sifeeyay magaalo u dhexeysa dhammaan Umadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Maamulka ururka ganacsiga ee dalalka bariga iyo koofurta Afrika ee COMESA ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah u soo dhaweynaya bisha June ee soo socota dalalka Soomaaliya Iyo Tunisia oo ku biiraya COMESA waxaana kordhaya tirada ku mideysan ururkan ganacsi ee qaaradda Africa oo gaari doona 21 dal. Aqbalititaanka codsiga dalalka Soomaaliya Iyo Tunisa ayaa yimid kadib markii ay saxiixeen heshiiska ganacsiga xorta ah ee qaaradda Africa oo ay ka qeyb galeen Kulanii gaarka ahaa ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ee diiradda lagu saaray Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda “African Continental Free Trade Area” kaa oo Bishii March ee sanadkan ka furmay Magaalada Kigali ee dalka Ruwan. Saraakiisha COMESA ayaa sheegay in Soomaaliya Iyo Tunisia ay ku biirayaan Ururka Ganacsiga Bariga Iyo Koonfurta Africa Ee COMESA kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa ee kamid noqoshada Ururka Ganacsiga Africa Ee Comesa. Qodobka 4-aad ee heshiisku waxa uu dhigayaa in Maamulka COMESA uu aqoonsan karo wadan waliba oo deris la ah dalalka xubnaha ka ah ururka ee soo biixiya shuruudaha looga mid noqonaya iyo xeerarka u dagsan si loo bilaabo wadashaqeynta COMESA. In la aqbalay Soomaaliya Iyo Tunisa waxa ay soo afareysaa codsigoodii taagnaa muddo sanado ah oo ay ku doonayeen xubinamada COMESA. 490 Million oo qof ayaa hadda ku mideysan suuqa waxaana ku biiritaanka Somalia iyo Tunisa uu tiradada dadka ka dhigi doonaa 516 Million oo qof, waana kala bar dadka ku nool Qaaradda Africa. Shir ay ku yeesheen xubnaha ururka Magaalada Antananarivo ee dalka Madagascar bishii Oktoobar, 2016-kii , wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Tunis ayaa soo xaadiray waxaana ay codsadeen in lagu daro COMESA iyagoo sheegay ineey diyaar u yihiin fulinta dhamaan Barnaamijyada Ururka COMESA. Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaas si gaar ah ugu dooday xaqqa ay u leedahay in loo ogolaado COMESA. Heshiiska Ganacsiga Africa waxa uu isu keenayaa ururka horumarinta ganacsiga ee koofurta Afrika (SADC), ururka bariga Afrika, (EAC) iyo suuqa wadajirka ah ee Bariga iyo koofurta Afrika ee COMESA. Heshiiska waxa uu abuurayaa shaqeeleysiinta dad lagu qiyaasay 625 milyan oo qof, oo ku nool 26 dal oo Afrika ah, si loo fududeeyo isugudbinta alaabaha iyo adeegyada ganacsiga. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: theeastafrican.co.ke
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada Somalia ay wado qorsho lagu soo deynaayo maxaabiista Soomaalida ah ee ku jira Xabsiyada Iraan. Wasiir Cawad ayaa sheegay in qorshaha hadda socda uu yahay in wafdi loo diro dalka Iraan si ay wada xaajood ula galaan dowlada Iraan oo heysa Maxaabiis badan. Waxa uu Wasiir Cawad tilmaamay inay jiraan Maxaabiis badan oo ku xiran dalka Iraan, kuwaa oo uu tilmaamay inay u xiran yihiin danbiyo kala duwan. ‘’Waxaan Iiraan u direynaa wafdi heer Qaran ah oo kala hadla arrimaha maxaabiista, waxaanu wadnaa dadaal dheeri ah, si ay dowladu u hanato maxaabiista kaga xiran Iiraan’’ Wasiirku waxaa uu sheegay inay dhawaan dalka Iran loo dirayo wakiilo danjirayaal ah oo Soomaaliya ka socda kuwaasoo qorshuhu yahay inay xukuumadda Tehran kala hadlaan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis Soomaali ah oo ku jira xabsiyadda dalkaas. Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa cadeeyay inay dib usoo celin doonaan xiriirka Diplumaasiyadeed ee Somalia kala dhexeeyay dowlada Imaaraadka Carabta. Dowladii hore ee Somalia ayaa xili sii horeysay jartay xiriirka Somalia kala dhexeeyay dalka Iiraan oo horay uga mid ahaa dowladaha garab siiya Somalia. Ma cadda sida ay dowlada Somalia dib ugu soo celin doonto Maxaabiista kaga xiran Iiraan iyo Xiriirka Diplumaasiyadeed ee go’ay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Toronto (HOL) - A Toronto man is celebrating his release from an Ethiopian prison where he languished since his extraordinary rendition from Kenya to Ethiopia in 2006. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Degmada Wardhiigley ayaa sheegaya in caawa halkaa uu ka dhacay weerar isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya. Weerarka oo ku bilowday Qaraxyo ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Xamar Jadiid, gaar ahaan halka loo yaqaano Suuqa Sar Guduuda. Wararku waxa ay sheegayaan in goobta caawa la weeraray ay ciidamada degan yihiin saacado kooban, waxa ayna ka tirsan yihiin ciidamada la weeraray kuwa NISA oo ujeedkooda uu ahaa si ay kaalin uga qaataan sugida amniga Degmada. Weerarka oo marka hore ku bilowday bambaano ayaa waxaa xigay rasaas mudo daqiiqado ah socotay oo udhexeysay Kooxdii weerarka qaaday iyo Ciidankii ku sugnaa halka la weeraray. Waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana lasoo sheegayaa in laba qof ay goobta ku geeriyootay, halka hal ruuxna uu ku dhaawacmay. Sidoo kale, Ciidamada amniga ayaa meesha ka sameeyay howlgal balaaran oo ay ka sameeyeen nawaaxiga Suuqa Bamka lagu tuuray. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Wardhiigley, waxaana iminka socda baaritaan lagu hayo xaafadaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Somalia has distanced itself from remarks made by the UAE this week after the UAE insinuated that they had reached an agreement with the previous government of Somalia over the Berbera port. UAE government on Wednesday said it had signed MoU with Somali government over the controversial Berbera deal. Speaking to BBC Somali service, Somali Minister for Foreign Affairs, Ahmed Issa Awad dismissed claims by UAE, saying the two governments had no official deal about Dubai’s port agreement with Somaliland. “If there is an understanding, then the understanding can be categorized into two, verbal discussions and written understanding like Memorandum of understanding (MoU). We were not shown documentation and if UAE could have shown us written proof, then our leaders have would probably take another decision,” Awad said. He refuted the reports claiming the government knew in advance the money seized in Mogadishu Airport was coming for the troops. The minister said the diplomatic row between the two countries worsened by UAE’s infringement on Somalia’s sovereignty and unity. “The dispute started as a result of the violation of Somalia’s sovereignty and Unity but the cash the seized came, later on, The cash brought into the country when there was political Crisis. The (seizure of) money had taken place just a day before the motion against the speaker (Jawari) was to be debated on,” Awad confirmed that Somalia will release the funds seized in Mogadishu Airport early this month. “Somali government will let go the funds after the (Security) agencies conclude the ongoing investigations,” he pledged. The minister said several ally governments were carrying out initiatives to mediate Somalia and UAE. “There are several countries trying to intervene the situation, among them, are, Egypt, Saudi Arabia, Ethiopia and others,” said the minister. Source: Hol
  19. Guddiga uu maanta Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya u magacaabay dooorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban 15 xubnood ayaa Galabta iska dhex doortay guddoomiye cusub. Guddigan ayaa Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiyahooda cusub ee hoggaamin doona muddada ay hayaan shaqada loo xil saaray,waxayna doorteen xil. Nuur Iidow Beyle. Shaqada guddigaan ayaa ah in ay ka shaqeeyaan doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo haatan ay u taagan yihiin dhowr musharrax,kadib markii uu xilkaasi banneeyay Maxammed Sheekh Cismaan(jawaari). PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashada Golaha Shacabka oo guddoomiye iska dhex doortay. appeared first on Puntland Post.
  20. The battle for Wajir governor’s seat could be headed to the Supreme Court despite the Court of Appeal verdict that could have paved way for a by-election. In their judgment on Friday, appeal judges Philip Waki, Milton Makhandia and Patrick Kiage ruled that Governor Mohamed Abdi should not have been cleared to contest for the seat for lack of a valid degree certificate. The Independent Electoral and Boundaries Commission cleared him upon presenting a masters degree certificate from Kampala University but in the statutory self-declaration indicated his highest educational qualification as a bachelor’s degree. The appeals court judges observed that Mr Abdi failed to appear before High Court judge Mabeya during the hearing of the petition to dispel claims that he did not have a valid undergraduate degree. “The cavalier attitude by the appellant in the face of serious questions about his eligibility to vie for the seat of governor was compounded and rendered tragic by his choice to stay away from the proceedings and therefore not only fail to present his side of the story but also keep himself from being cross-examined on his replying affidavit, thereby robbing it of any probative value,” said the judges. They ruled that Justice Mabaye committed no error in nullifying the election based on the questionable degree certificate from Kampala University. Source: – Daily Nation
  21. Scientists on Friday urged governments in the east African region to promote large scale growing of Gum Arabic tree as a means to reduce forest degradation. Speaking in Nairobi during a workshop on the development of a regional policy and strategy, the scientists said that governments should promote growing of this tree species by supporting communities to produce and sell the products as they protect the forests. “The growing and protection of trees with value like Gum Arabic that is a key ingredient in food and pharmaceutical industry globally is capable of making regional countries meet the United Nations Sustainable Development Goals (SDGs) and improve national forest cover as well,” Edward Kilawe, UN Food and Agricultural Organization (FAO) Forestry Officer for Eastern and Southern Africa sub-region, said in Nairobi. Kilawe observed that with the adoption of such trees that have the potential of growing mainly in the Horn of Africa, communities will be shielding forests from illegal loggers as they harvest the gum. He said that the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) member countries have the potential of growing the tree and benefit from it. A young Somali man tastes a piece of Gum Arabic to control the quality Gum arabic, also known as acacia gum – gettyimages Kilawe however called on governments to ensure that communities are not exploited by middlemen by ensuring that value addition is done at the harvesting stage as opposed to selling raw products. He said that gum Arabic is a sap from the branches of Acacia Senegal trees. He noted that gum and resins are used for medication, food, additive to soft drinks, confectionery, pharmaceutical, adhesive, for making paint and printing color and is also a natural emulsifier, which means that it can keep together substances which normally would not mix well. “Forests provide huge opportunity for fighting food insecurity and creating job opportunities for populations,” Patrick Kormawa, FAO Representative to the African Union (AU) and the UN Economic Commission for Africa (UNECA) said. Kormawa noted that alongside agriculture, forestry is capable of generating revenue as well as improving the Gross Domestic Product (GDP) for the countries in the sub-region. He noted that the sub-region is known to suffer from adverse impacts of climate change but with the massive introduction of gum Arabic tree, the effects could be managed. Mohamud Ismail, the Technical Adviser to the Somali Directorate of Environment, said that gum Arabic does not require a lot of water to thrive. He said that before the Somali government collapsed in early 1990s, gum Arabic was the second to livestock in generating GDP for the Horn of Africa State. “Our farmers sell the products to buyers from Dubai, Yemen and Oman who prefer Frankincense, Myrr and Opoponax that are harvested from Acacia,” said Ismail. According to Abdelhai Shariff, Head of Planning and Policy at the Sudanese Forest National Corporation, Gum Arabic, also known as acacia gum, is a natural gum consisting of the hardened sap of various species of the acacia tree. He said that Sudan produces over 80 percent of the product from the central region of the country due to the government’s involvement in the whole value chain. “We have organized producers into associations (GAMAS) and to date we have some 3,000 associations where members, including women play equal role,” Shariff noted. Shariff revealed that through the GAMAS, they are capable of accessing loaning facilities that have helped improve their livelihoods. He revealed that all producers have land title deeds that they use to acquire loans as collateral and are also trained on the importance of belonging to an association. “This approach has helped the country earn lots of revenue from the products as well as keep the forest cover growing,” he added. “The region has a high potential of producing Gum Arabic. Emphasis should be put in all IGAD member countries to adopt the tree due to its potential,” he added. Source: – Xinhua
  22. The partnership with the Swedish International Development Cooperation Agency (Sida) will empower citizens through entrepreneurship. The programme was launched on April 18 and includes Dahabshiil Bank International, Premier Bank and International Bank of Somalia. On its website, Sida says the purpose of the project is to “expand the provision of low collateral loans to small and medium size enterprises (SMEs) throughout the Somali region”. Speaking during the launch, Swedish Ambassador to Somalia Andreas von Uexküll said the undertaking will provide the institutions with the relevant instruments to enlarge “their lending procedures and open up new and viable markets”. REMITTANCE Further, the programme will increase access to finance for merit-worthy SMEs that lack sufficient collateral or possess other non-financial credit challenges. Somalis in Sweden continue to play an important role in the recovery of the country that was torn apart by civil war. The diasporans’ remittances facilitate access to health, education and investment. Many send funds through money transfer firm Dahabshiil. “The strong ties between our countries, not least through emerging private business initiatives, call for a deeper engagement by Sida in the development of financial services with a view to reducing poverty and rebuilding the country,” Ambassador Von Uexkull said. JOBS The ambassador emphasised that SMEs are fundamental because they help create job opportunities. Equally, Dahabshiil’s chief executive officer Abdirashid Duale embraced the initiative, saying it will benefit many Somalis. More importantly, Mr Duale said such a programme will encourage youth to remain in the country and rebuild it rather than seek opportunities elsewhere. “This kind of partnership between Somali banks and international actors like Sida will increase job creation and development across the Somali-speaking regions,” he said. Source: – Daily Nation
  23. Shirweynaha Madasha bandhigga tayada Maamul ee Hay’adaha dawladda Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe waxaan shirkaasi furay Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji cumar Camey. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socdey goleyaasha dawladda Puntland, Xubno meteleyey dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada, masuuliyiin iyo shaqaale ka hawl-gala hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland iyo guddiga xiriirka Mashruuca CIP ee tayaynta shaqaalaha ee PCU, Hay’ahadaha caalamiga ah ee Puntland ka howlgala iyo marti sharaf kale. Muddii uu shirku socdey ayaa waxa lagu soo bandhigay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay dhismaha iyo tayaynta hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland laga soo bilaabo 1998 oo ah xilligii la dhidibada loo taagey Puntland ilaa hadda iyo weliba marxaladihii ay soo maraysey. Sidoo kale markii ay dhammaadeen khudbadihii madaxdu ayaa waxaa bilowday dood ku saabsan hannaanka maaraynta shaqaalaha dawladda Puntland taas oo ay bulshadu su’aalo kuweydiinayeen Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland. Doodda ayaa waxaa qaybteeda ugu badan lagu lafo guray habka loo qaato shaqaalaha dawladda, caqabadaha lagala kulmo hannaankaasi iyo siyaabaha loo xalliyo, sidoo kale doorka musuq maasuq iyo sida ay dawladdu ula dagaallanto iyo hannaanka hufnaanta maamul wanaagga ayaa looga hadlay dooddaasi. Shirka ayaa socon doona muddo labo maamlmood ah iyadoona la doonayo geba gebada in qodobbo muhim ahi kasoo baxaan isla markaana la qorshaynayo inay noqo madal joogto ah oo hadba dalka meel lagu qabto si ay u noqoto madal looga faa’iideyso bandhigga tayada maamul ee Qaranka. The post Shirweynaha Madasha bandhigga tayada maamul ee hay’adaha Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku sheegnay wararkeeni hore Wasaarada Gaashandhiga ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay Xerada iyo ciidamadii uu tababaray Imaaraadka. Ciidamadan oo markii hore xuquuqda ka qaadan jiray dowlada Imaaraadka carabta ayaa iminka si toosa xuquuq uga qaadan doona Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya. Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal C/laahi Cali Caanood oo maanta booqday xerada, ayaa sheegay in sidoo kale ay la wareegeen Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee Imaaraadka ay gacanta ku hayeen. Generaal C/laahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegen gaadiidka dagaalka ee Imaaraadka ay ciidamada ku tababareen, Ambalaasyo iyo qalab kale oo ciidan. Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya dhamaan qalabkaan iyo ciidamadii isticmaalayay. Sidoo kale, Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah ayaa lagu diyaariyey Kuliyadda Jeneraal Goordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada ee ay gacanta ku hayeen macallimiin ka socotay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.