Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - An Emirati Cargo plane loaded with over nine million U.S. dollars was on Sunday intercepted at Adan-Adde International Airport. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) –Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabtay diyaarad Safaaradda Imaaraadka u waday lacag aad u badan. Lacagtaan oo gareyso ilaa 14 Malyan ayaa waxaa sida xogta ku helnay lagu shubay Bankiga dhexe ee Dowladda Soomaaliya. Haddaba baaritaan badan kadib oo ay Sameysay Caasimadda Online ayaa waxay ku ogaatay halka lacagtaan loo waday iyo qorshaha laga damacsanaa. Sida ay noo xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya lacagtaan ayaa waxaa la doonayey in caawa loo qeybiyo Xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Qorshaha ayaa ahaa in Caawa Xildhibaanadaas lacagta loo qeybiyo si ay uga laabtaan mooshinka isla markaasna ay u coddeyn lahaayeen kulanka Berri inuu Jawaari sii ahaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Arrintaas ayay UAE ku dooneysaa in ay madaxa isu galiso laanta fulinta iyo tan sharci dejinta dowladda Soomaaliya oo maalmihii dambe khilaaf weyn ka dhaxeeyey/ UAE ayaa dooneysa in ay ka macaashto qalalaasaha siyaadda iyada oo dooneysa in ay dhaqaale kasta ku bixiso sidii Madaxweyne Farmaajo loo fashilin lahaa isla markaasna dowladda Soomaaliya looga dhigi lahaa mid tababar daran. Ujeedada ugu weyn oo ay Imaaraadka ka leedahay Qalaalaha siyaasadeed ayaa ah inay si sharci darro ah uga faa’ideysato Kheyraadka dalka Soomaaliya oo muddo badan aan laheyn dowlad awood leh. Hore ayay UAE usoo abaabushay maamul Goboleedyada si ay uga hor yimaadaan go’aankii dhexdhexaadnimada ahaa ee ay dowladda Federalaka ka qaatay xiisadda khaliijka, wuxuuna isku daygaan ugu dambeyn kusoo dhamaaday guul darro kadib markii ay owladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedada ku heshiiyeen in go’aanada arrimaha debadda looga dambeeyo dowladda Dhexe. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Malaayiin Dollar ku bixineyso sidii loo curyaamin lahaa dalka Soomaaliya oo muddo badan kusoo jiray dagaalo sokeeyo, waxayna loolan weyn kula jirta dalka Turkiga oo isaga doonayo in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad warkeena hore ku akhrisateen waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Maanta kasoo dagtay diyaarad lacag badan u siday Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Diyaaradda siday shixnada lacageed ayaa waxaa la socday Ciidamo Imaaraadka Carabta ka tirsan oo gaarayay illaa 30 askari, waxaa wararka qaar sheegayaan in lacagta ay siday ay gaareysay illaa 14 milyan oo dollar. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, saraakiil ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya ayaa la wareegtay lacag $14 Milyan ah. Lacagtan oo laga lahaa dalka Imaaraadka ayaa Abu Dhabi waxaa ay ku doodeysaa in ay tahay mushaar ay leeyihiin ciidamada ay ku tababarto maamul goboleedka Puntland iyo Banaadir. Sida aan warar ku helnay ciidamo Soomaali ah ayaa difaacay aragtida Imaaraadka, laakin NISA ayaa ka diiday, waxaana lacagta loo qaaday Bangiga dhexe si loo sameeyo baaritaan dheeraad ah. Diyaaradda siday lacagtaan ayaa markii hore ka dagtay Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland waxaana soo baxayo warar sheegayo inay halkaas ku dajisay lacag kale. Safaaradda Imaaraadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waraaq codsi ah u dirtay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, waxayna ka codsatay inuu usoo fasaxo Diyaarad uga imaaneyso Magaalada Boosaaso oo u sido lacago mushaaraad ah iyo Raashin. Taliye Gorod ayaa waraaq fasax ah u qoray Maareeyaha Dekadda Muqdisho isagoo ka codsaday in Diyaaradda Lacagta iyo Raashinka wado loo fasaxo Safaaradda Imaaraadka Carabta. Maareeyaha oo xilligaas maqnaa ayaa waxaa joogay ku xigeenkiisa wuxuuna ku gacan seyray inuu aqbalo codsiga ka yimid Taliye Gorod, waxaana sidaas lagu hakiyey diyaaradda. Muran fara badan ayaa ka dhashay in diyaaradda la baaro iyo in kale, waxaana dood badan kadib nabadsugidda go’aan ku gaartay in diyaaradaan la baaro isla markaasna la ogaado waxa ku jiro. Waxaa si lama filaan ah loogu dhex arkay lacagtaan aadka u tiro badan, waxayna Safaaradda Imaaradka isku dayday in lacagtaas loo fasaxo balse ugu dambeyn waxaa lagu shubay Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan lacagtan oo laga war hayay inay ka soo dageyso garoonka diyaaradaha Muqdisho. Waxaan wax yar kadib idinla wadaagi doonaa cidda lacagtaas loo waday iyo shaqada lagu qaban rabay Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Dozens gathered Saturday at an Etobicoke high school to discuss how to address gun violence in Toronto’s Somali community. The Somali Canadian Forum is calling on provincial and municipal governments, police and the community to help find a solution. Mohamed Kassim of the Canadian Somali Forum helped organize the event and is hoping for change. “For so many years we’ve had young people dying, being killed by gun violence, and this is a time that the community is saying, ‘Enough is enough. We can’t live like this anymore,'” he told CBC Toronto. Saturday’s meeting comes after a six-month study following the two separate fatal shootings in the Dixon and Islington area in October. Kassim adds families are fearful but also believe they have a responsibility to enact change. “Young mothers today are very worried whenever their young boys leave the house and they are saying we cannot live in fear anymore,” he said. Ford, Tory talk solutions Mayor John Tory was at Saturday’s meeting and says the city has already started taking action to help Toronto’s Somali community, including re-establishing a body to have the police liaison better with the community and hosting a job fair. “It’s so important for us to be here as leaders of the city from all levels of government to say to them, ‘we’re in your corner. We’re going to take measures that are necessary to help you make sure these kids have every chance to be everything they want to be,'” Tory said. The findings of the six-month study led by the community resulted in four recommendations, including forming a task-force focused on youth violence in the city and the province. PC Leader Doug Ford was the only major provincial party leader at Saturday’s meeting and said as premier he would ensure that there would be a police taskforce and TAVIS, the Toronto Anti-Violence Intervention Strategy, would be involved after being cut by the Liberal government. He also threw his support behind after-school programs, focusing on youth employment and hearing from parents. “We have to make sure that we sit down with the community, the mothers, the fathers and get their opinion, because nothing breaks my heart more than when young people get shot,” Ford said. “As premier, my door is always going to be open.” Source: – CBC
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa waxaa looga hadlay isbedelka lagu sameeyay Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoysyada Muqdisho iyo kala xirnaansha Magaalada. Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu bogaadiyay Ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan oo ka hortagay in ay shacab waxyeelo ka soo gaarto laba qarax gaadiid oo maleeshiyada al-Shabaab Jimcihii ina dhaaftay ay la eegteen laba Kontorool oo ku kala yaalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Banaadir. Wasaarada Amniga Xukuumadda Somalia ayaa intaa kadib Shacabka Muqdisho la wadaagtay ineysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn oo Ciidamada ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka muwaadinka. Wasaaradda Amniga Gudaha waxay beenisay in magaalada Muqdisho ay kala xiran tahay, waxayna ku tilmaantay wararkaasi mid dacaayad been abuur ah. Beeninta Wasaarada ayaa imaaneysa xili Sabtidii shalay aheyd la qaaday Ciidanka Xasilinta ee ku sugnaa dhawr Kontorool oo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu soo bedelay Ciidamo Boolis ah oo ammaanka xaqiijinaya, baarayana gaadiidka kala duwan.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu kulan xasaasi ah ka socdo Aqalka Guddoomiye Jawaari uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Wararku waxa ay sheegayaan in kulamada caawa ka socda Aqalka Jawaari uu salka ku hayo Mooshinka Guddoomiyaha ka yaala baarlamaanka Somalia. Kulanka Caawa ka socda aqalka Jawaari oo ay goobjoog ka yihiin Xildhibaano farabadan ayaa waxaa lagu falanqeynayaa go’aanka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya C/weli Sheekh Ibraahim Muudey uu maalinta beri ah ku balamiyay Xildhibaanada. Xildhibaanada Caawa ku sugan Aqalka Guddoomiyaha ayaa u badan Xildhibaanada taabacsan Guddoomiye Jawaari, waxaana lasoo sheegayaa inay dhaliilsan yihiin go’aanka uu maanta Muudeey ku balamiyay Xildhibaanada si ay bari uga doodan Mooshinka. Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada caawa martida u ah ayaa si guud uga wada hadlaaya shirarka labadii maalin ee ugu danbeysay ay la qaadanayeen Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu xal ku raadinaayay wadahadal. Dhinacyada ku sugan Aqalka ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay kamid yihiin Xildhibaano hore oo Guddoomiyaha garab ku siinaaya sida uu uga badbaadi lahaa Mooshinka ka yaala baarlamaanka Somalia. Kulamo kan lamid ah ayaa waxa uu caawa ka socdaa Hoteelada magaalada Muqdisho, kuwaa oo u dhexeeya Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiyaha kuwaa oo iyaguna u tafaxeydanaaya ridista Gudoomiyaha. Sidoo kale, kulamada Caawa soo rogaal celiyay ayaa yimid kadib markii Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya C/weli Sheekh Ibraahim Muudey uu maanta Farriin u kala diray Xildhibaanada si maalinta berri ah ay ugu fariistan Mooshinka laga keenay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Dhinaca kale, Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in xildhibaanada Bari Saddex Saac laga rabo xarunta Golaha Shacabka si ay uga doodaan Mooshinka Gudoomiye Jawaari ka dibna ay go’aan ka gaaraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (PP) ─ Kulan gaar ah ayaa wuxuu maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad, wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Danjire Michael Keating. Kulanka ayaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ku jirto siyaasadda, amniga iyo iskaashiga, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray xiisadaha dalka ka taagan iyo sidii loo xallin lahaa. Dhinacyada kulmay ayaa waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi xiriiriya, isla markaana ka shaqeeya xoojinta iyo horumarinta wax wadaagid qoto-dheer oo istiraatiijiyad leh oo u dhexeysa Qaramada Midoobey iyo Somalia oo dhinacyo badan leh. Sidoo kale, kulan kale oo gaar ah ayaa wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad wuxuu la yeeshay danjire Keating, isagoo kala hadlay taaba-gelinta iyo horumarinta istiraatiijiyadaha wadaagga ah ee u dhexeeya hay’adaha Dowladda Somalia iyo kuwa Qaramada Midoobey ee ka hawlgala dalka si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah si uu qeyb uga noqdo dadaalka Somalia ay ugu jirto xaqiijinta horumarka iyadoo la tixraacayo hannaanka Qaranka iyo hiigsiga wadaagga ah. Ugu dambeyn, Kulankan oo qodobbadii kasoo baxay aan warbaahinta si dhab ah loogu faahfaahin, ayaa haddana wuxuu imaanayaa iyadoo xiisadda ka dhalatay Mooshinka Jawaari ay cirka isku sii shareertay, iyadoo berri oo Isniint ah loo ballansan yahay kulan xilka looga qaadayo Mudane Jawaari. PUNTLAND POST The post Danjire Keating oo maanta kulan gaar ah la qaatay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia appeared first on Puntland Post.
  8. Wadamada Caalamka ayaa intooda badan waxa ay Cambaareeyeen Weerarkii kiimikada ahaa ee lagu qaaday goob ay Mucaaradka dalkaasi Suuriya ay kaga suganaayeen Magaalada Duuma ee Dalkaasi Suuriya. Weerarkan ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay ilaa iyo 70 qof oo shacab ubadan . Beesha caalamka ayaa ku baaqday in Weerarkan baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo. Hay,adaha Caalamiga ah ee u Ololeeya Xuquuqul insaanka ayaa sheegay in la isticmaalay sunta gaaska ah. Maraykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu falkan uu ka dambeeyay . Ma aha markii ugu horaysay oo weerar noocaan oo kale ah uu ka dhaco wadankaasi Suuriya , waxa ahayd bishii August ayay ahayd markii Weerar noocaan oo kale ah uu ka dhacay dalkaasi Suuriya.
  9. Kulan miro dhal ah oo maanta ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, ayna ka qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda H.E. Dr.. Abdirahman Dualeh Beileh, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha H.E. Mr. Mohamed Abdi Hayir Mareye, Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mr. Michael Keating. Kulankan ayaa looga doodday dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda, ammaanka iyo iskaashiga. Labada dhinac ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, xoojinta iyo horumarinta wax wadaagid qotodheer oo istiraatiijiyad leh oo u dhexeysa Qaramada Midoobey iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhinacyo badan leh. Kulan kale oo gaar ah, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating taabagelinta iyo horumarinta istiraatiijiyadaha wadaagga ah ee u dhexeeya hey’adaha Dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala dalka si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah si uu qeyb uga noqdo dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta horumarka iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyadda Qaranka iyo hiigsiga wadaagga ah. Kulankan miradhalka ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Mr. Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimaha taageerada Ergada UNSOM ahna Agaasimaha UNSOS Mr. Amadu Kamara iyo Madaxa Shaqaallaha ee UNSOM Ms. Hedwig Maex. ___DHAMMAAD___ The post Wasiirada Arrimaha Dibadda,Maaliyada iyo Ganacsiga XFS oo kullan la qaatay Michael Keating appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ka dhacay xil wareejinta Taliyaha cusub ururka 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gashaanle Odowaa Yuusuf Raage iyo Abaadulaha ururka 60-aad Ilaalada Madaxtooyada Laba xidigle Dayax Abdi cabdulle. Taliyaha cusub ayaa xilka la wareegay ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday Taliyihii ciidamada Madaxtooyadda ee lagu magacaabayay Afcaddeeye. Goobta xil wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga Xukuumada Somalia. Hoggaanka cusub ee Ciidamada Madaxtooyadda ayaa ah dhalinyaro , waxaana uu xilka kala wareegay Hogaan da’ ah. Magacaabida Taliyaha cusub ayaa timid kadib markii Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ay isla garteen in dhalinyaro loo dhiibo Hoggaanka ciidamada xoogga, si uu usoo degdego isbedel. Taliyihii hore ayaa xilkiisa waayay kadib markii uu si ula kaca ula saftay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, xi lagu amray in ciidamada Villa Somalia aysan ku lugyeelan ololaha Jawaari.
  11. Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal maanta waxaa gaaray wafti uu Hogaaminayay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Abshir Ow yuusuf Ciise iyo Mas,uuliyiin kale oo safarka ku wehelisay . Wasiir Abshir ayaa waxaa safarkiisa kuweheliyay Wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabdilaahi Warsame iyo uqaabilsanaha Wasaarada Waxbarashada ee dowladda Masar . Ujeedada ay Waftigan ay utagay Degmada Burtinle ayaa ahayd sidii ay ugu kuur gali lahayeen xaalada Waxbarashada ee Degmada iyo sidii loo hormarin lahaa. Maamulka Degmada Burtinle iyo Gudoonka Waxbarashada ee Degmada ayaa Goobta ku soo dhaweeyay Waftiga Wasiirka Waxbarashada uu hogaaminayay . Halkan ka dhagayso Wasiir Abshir . Wasiirka Waxbarashada Puntland
  12. Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabtay diyaarad sidday boorsooyin lacag ah oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta. Mas’uuliyiinta garoonka ayaa laga soo xigtay in diyaaraddan lacagta sidday laga shakiyay,kadibna laga dalbaday in la baaro,balse ay diideen saraakiisha Safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho. Lacagtaan oo lagu qiyaasay in ka badan $9 malyan Dollar ayaa la sheegay in qeyb kamid ah mushahar ahaan loogu waday ciidanka badda dowladda Puntland ee PMPF,halka qaarka kalena loo siday ciidanka Imaaraadku taba-baro ee ku sugan magaalada Xamar. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa haatan wararku sheegayaan in ay la wareegtay boorsooyinkii lacagt ahaa,islamarkaana la fasaxay diyaaraddii sidday oo in mudda ah lagu hakiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Faahfaahinta: diyaarad lacag sidday oo Muqdisho lagu qabtay. appeared first on Puntland Post.
  13. Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa lacagtii Doolarka ahayd ee galabta lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho taas oo ka timid dalka Imaaradka carabta.. Wararka uu helay Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegaya in lacagtay loo qaaday dhanka xarunta Ciidamada Nabadsugida, si Baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo. Wararka ayaa sheegaya in lacagtay qayb kamid ah ay u socotay Ciidamada PMBFta Puntland oo ay tababaraan Imaaradka carabta lacagtan ayaa cadadkeeda waxaa lagu qiyaas in ay gaarayso 13 Milyan oo dollar. ilaa iyo hada wax war ah kama aysan soo saarin dowladda Soomaaliya arintan. Halkan ka daawo Sawirrada.
  14. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan cade ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen goor dhawayd Boorsooyin ay ka buuxeen lacago doolar ah. Hay,adaha Amniga ee Garoonka ayaa sheegay in lacagtan ay usocotay Safaarada Imaaradka carabta ee Magalada Muqdisho ,ayna ka dhaga adeegeen Saraakiishii Imaaradka Carabta ee la socotay Diyaaradan in labaaro Boor sooyinka, taas oo keentay in Ciidamada iyo ragii watay lacagtay ay isku qabsadaan Garoonka gudihiisa. lama sheegin ilaa iyo hada cadadka lacagtaasi inta ay la,egtay ,balse Dadbadan ayaa aaminsan in lacagtan uu Imaaradku uu kalahaa dano Siyaasadeed . Maamulka Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadd ayaa sheegay in ay horay uga warhayeen in Diyaaradan ay ku soo wajahneed Magalaada Muqdisho Ciidamaduna ay gacanta ku dhigeen lacagtan kaashka ah. lasoco wixii ku soo kordha Warkan.
  15. Hargeysa (PP) ─ Sarkaal u hadlay maamulka Somaliland ayaa sheegay in saldhigga ciidan ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayso magaalada Berbera looga duuli doono dalka Yemen, si loo jabiyo awoodda kooxda Xuutiyiinta. Wakiilka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Baashe Cawli Cumar ayaa sheegay in qorshaha saldhiggan uu yahay mid wajiyo badan oo ay ka mid yihiin tababarro lagu siin doono ciidamada amniga Somaliland, isla markaana looga duuli doono dalka Yemen. “Dalka Imaaraadka Carabta waxay saldhigaas Somaliland ugu tababarayaan ciidamadeenna amiga, sidoo kalena waxay iyagu u adeegsan doonaan inay uga duulaan dalka Yemen,” ayuu yiri Baashe Cawil oo aan bixin faahfaahino intaas ka badan. Sannadkii hore ayay ahayd markii kooxaha Xuuthiyiinta ah ee dalka Yemen ay ku hanjabeen inay duqeyn doonaan Somaliland, haddii saldhiga Berbera ay Imaaraadku ka dhisanayso looga soo duulo. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa horay u beeniyay inay jirto in saldhig looga duulo Imaaraadka laga dhisayo Barbara, balse ay taageersan yihiin dadaallada ay wadaan dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga ee lagula dagaalamayo Kooxda Xuuthiyiinta Yemen. Ugu dambeyn, Kooxaha Shiicadaha ah ee Yemen ayaa waxay awood ciidan ku qabsadeen inta badan dalka Yemen, Waxaana dagaal kula jiray xoogag ay hoggaaminayso boqortooyada Sucuudiga, si ay awoodda ugu soo celiyaan dowladda aan itaalka lahayn ee caalamku taageersan yahay. PUNTLAND POST The post SOMALILAND: Saldhiga Imaaraadku ka dhisayo Berbera oo looga Duuli doono Dalka Yemen appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad lacag fara badan u siday safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Diyaaradaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka timid Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta,isla markaana lacagta saarneyd Diyaaradaas ay leedahay Dowladda Imaaraadka Carabta. Diyaaradda ayaa siday lacag gaareyso ilaa 14 Malyan oo Dollar taasoo ku kala jirtay dhawr boorso. Ismaandhaaf ku aadan lacagtan ayaa ka taagan garoonka, iyadoo diyaaradda timid garoonka ay diiday in la baaro. Wararka qaar ayaa sheegaya in qeyb ka mid ah lacagta loo wado Puntland, kaasoo mushaar ahaan loogu tala galay Ciidamada Puntlamd ee loo yaqaano PMBF ee ay tababareen Imaaraadka Carabta, halka qeybta kalena u socoto Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho. Ilo ku sugan garoonka ayaa ii xaqiijiyay in imaatinka diyaaradda lacagta siday laga war hayay, balse inta ay la egtahay lama oga cadadkeeda. Waxaa laga cabsi qabaa in lacagtan loo adeegsado arrimo siyaasadeed, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, kaasoo ka dhashay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari. Dowladda imaaradka carabta ayaa looga shakisanyahay in ay abuurtay jahwareerka siyaasadeed ee kajirta dalka soomaaliya, waxaana macquul ah inay lacagtaan u rabtay sidii loo kala furfuri lahaa Xildhibaanada kasoo horjeedo Prof. Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan gaara goor dhoweyd la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa labaad. Kulankan Farmaajo iyo Jawaari oo looga hadlayo khilaafka golaha shacabka iyo xukuumadda ayaa lagu wadaa in la isku afgarto arrimo badan. Shirkan oo goordhow ka dhacay xarunta Villa Somalia ayaa ka dambeeyay kadib markii guddoomiye Jawaari uu ka baaqsaday kulan lagu waday inuu xalay la yeesho madaxweynaha, wuxuuna duhurnimadii maanta yimid xafiiska madaxweynaha iyadoo uu la socdo Mahad Cabdalla Cawad. Kulanka oo saacad qaatay ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaal muddo qaatay oo lagu doonayo in xal loogu helo mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana lagu warramayaa in xaalada guddoomiye Jawaari ay mareyso heerkii ugu danbeeyay, iyadoo la sugayo qaabka ay u dhaceyso tanaasulka. Laba Guddi oo ka socda guddoomiye Jawaari ayaa xalay la kulmay madaxweyne Farmaajo, waxaana wali wadahadalka ka biyo diidsan Garabka wada mooshinka iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey oo ku dhawaaqay in berri la qabanayo shirkii Baarlamaanka oo uu horyaallo ajendaha mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka. hadalka kasoo yeeray muudeey ayaa muujineya in uu khilaafka guddoonka baarlamaanka uu sii jiri-doono xataa haddii la xaliyo midka golaha kala dhaxeeyo xukuumadda uu hogaamiyo xasan cali khayre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. iyadoo maalmahan Gobolo badan oo ka mid ah Deegaanada Puntland uu ka curtay Roobkii Guga ayaa Beeralayda Puntland waxa ay isku Diyaarinayaan sidii ay uga faa,iidaysan lahaayeen Roobkaasi Guga . Waxa ay sheegen Beeralaydu in ay wax badan ay ka badali doonaan qaabkii hore oo ay wax u beeri jireen ,iyadoo haatan dadku ay soo fahmayaan isticmaalka dalagyada ka soo baxa Beeraha ku yaala dalkeena Hooyo . Axmed C/xakin Cismaan waxa uu kamidyahay Beeralayda Deegaanka Roox, oo ka tirsan Tuulada Bacaad-weyn ee Degmada Gaalkacyo ee Gobolka mudug ,waxa uu sheegay in ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay Roobka uga faa,iidaysanayaan Axmed ayaa sheegay sidookale in ay bilaabi doonaa in labeero dalagyo horleh kuwaas oo ay ka mid yihiin ,Galayda ,Digirta ,Qaraha iyo Batiiqa, Halkan ka dhagayso. Axmed beeralayda Roox
  19. Barbara-(Caasimadda Online)Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa ka dhisayso magaalada Barbara saldhiga militarey oo lagu mran sanyahay sharci ahaantiisa waxa ayna uga duuli doontaa dalka Yemen oo inta badan ay maamulaan kooxda Shiicadda ah ee Xuutiyiinta. Baashe Cawil Cumar oo ah wakiilka maamulka soomaalilanad u jooga Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan ay faa’ido badan ku qabaan saldhiga military ee dawlada Imaaraatku ka dhisay magaalada Bar Bara waxa uu sheegay in qorshaha ay ku jirto in saldhigaas looga duulo dalka Yemen. “Imaaraatka Carabtu waxay saldhigaas noogu tababari doonaan ciidamadeena amaanka sidoo kalena waxay iyagu u adeegsan doonaan inay uga duulaan dalka Yemen” ayuu yiri Baashe Cawil Cumar oo ah wakiilka Soomaaliland ee Imaaraatka Carabta. hadalkaan ayaa sheegay wakiilka maamulka Soomaaliland u jooga Imaaraatka Carabta Baashe Cawil Cumar sida maanta lagu qoray Bogga BBC da. Dawlada Imaaraatku waxay qeyb ka tahay dawlado ay ciidamadoodu ku duuleen dalka Yemen ayagoo caawinaya dawlada la aqoonsanyahay ee Yemen. Muuqaalo horey baraha bulshadda loogu baahiyay waxaa ka muuqanayay koox sheeganaysa inay Xuutiyiinta Yemen ka tirsan yihiin oo u goodinaya Soomaaliland haddii dhankooda laga soo weeraro. Caasimada Online Xafiiska Barbara Caasimada@live.com
  20. Baydhabo (Caasimadda Online) – Bangigga adduunka ayaa horaantii sanadkaan waxa uu maamulka Koonfur Galbeed ku wargeliyey in la shaqaaleysiin doono 16 Agaasime guud oo kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha Maamulka KGS, wargelintaas kadib waxaa bilowday olale ballaaran kaas oo loogu diyaar garoowayo sidii loo kala qeybsan lahaa Agaasimayaasha guud ee KGS. Madaxweynaha KGS Shariif Xasan Shekh Aadan oo ah shaqsi aan baahin awoodaha maamulka ayaa waxaa uu durba faragelin weyn ku sameeyey qaadashada agaasimayaasha kuwaas oo website yada laga shaaciyey si imtixaan furan loogu guuleysto boosaska banaanaa, arrintaas oo ah sharci u yaala Bangiga Adduunka. Madaxweyne Sharif ayaa si cad waxa uu ku wargeliyey guddiga shaqaalaha rayidka KGS taas oo uu u sheegay in aan la qori karin qof aan ahayn Beelaha waaweyn ee dega KGS sida Hadame, Leysaan, Asharaaf iyo Hariin. Qaar kamid ah dadka sida aadka loogu dulmiyey tartankii shaqaaleysiinta wasaaradaha KGS ayaa waxay kala soo kala jeedaan Beelaha Heladi, Haraw iyo Beesha yantaar. Shakhsiyaad beelahaas kasoo jeedo ayaa waxa ay shaqada ay dalbadeen ku waayeen qabiilkooda oo ah qabiilada yar yar kuwaas oo uu shariifku sheegay in aan la shaqaaleysiin karin , Dadkaas ayaa xitaa waxaa lagu casuumi waayey short list-ga taas oo ay guddiga shaqaalaha KGS ka baqeen in ay kusoo baxaan, maadaama ay aqoontooda aad u sareyso madaxweynaha KGS uusan ku amrin in la qaato amaba lagu casuumo short list ga. Xubno katirsan Bangigga Adduunka ee KGS ka howlgala ayaa shaki weyn ka muujiyey nidaamkii loo shaqaaleysiiyey 16 ka Agaasime guud ee KGS kuwaas oo booska laga reebay dad badan oo qabiil ahaan loo liiday, taas oo sabab u aheyd madaxweyne Shariif Xasan oo gudiga shaqaalaha KGS ku wargeliyey in aan la qaadan karin cid aan ka soo jeedin 4 qabiil aan kor kusoo xusnay. Wasiirada KGS xitaa awood uma aysan la hayn in ay qaataan Agaasime guud oo aqoon buuxda u leh booska wasaaradooda iyagoo arrintaas ku waayey dhanka madaxweynaha KGS oo aad u cunsuriyeeya beelaha yar yar kana baqa beelaha waaweyn. Haddaba dad badan ayaa arrintaan musuqmaasuqa ah ee uu hormuudka ka yahay madaxweynaha KGS ku micneeyey in ay suurto gelinkarto 16 ka agaasime ee loo qeybiyey 4 beel ay dhici karto in aysan kasoo bixi karin shaqadaas adag. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in 16 agaasime guud ee KGS ay dhammaantood yihiin kuwo aan ka bixin jaamacad islamarkaasna qabtay xil ka weyn kaas oo loogu talagalay dadka heerka jaamacadeed ah. Aadan Zeytuuni. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay in maalinta Berri ee Isniinta ah uu jiro kulan ay yeelanayaan xildhibaannada Baarlmaanka. Farriin uu u kala diray goor dhoweyd xildhibaannada ayuu ku sheegay in Ajendaha fadhiga uu yahay mooshinkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka laga keenay, waxaana farriintan ay soo baxeysaa iyadoo 48-kii saac ee uu danbeeyay ay socdeen waanwaan lagu doonayey in mooshinka xal loogu helo. Ilo ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in xaalada shalay illaa xalay u muuqatay mid degan, isla markaana ay yaraatay xiisadihii maalmihii la soo dhaafay jiray, hase ahaatee farriintan ka timid dhanka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ay sii xoojin karto karto is-maandhaafka u dhaxeeya Golaha Shacabka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in habeen hore uu baajiyay kulankii shalay oo sabti ahaa ay qaban qaabinayeen dhanka Guddoomiye C/wali Muudey oo qorshahooda ahaa inay qabtaan kulanka Baarlamaanka. Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka koowaad C/weli Muudey uu ka biyo diidan yahay dadaallada waanwaanta ah ee socda iyo waqtiga lagu luminayo qancinta guddoomiye Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Gudoomiyaha Gobolka Sanaag mudane Maxamuud ismaaciil Ciyoon oo Maanta Waraysi Gaar ah siiyay Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in Gobolka Sanaag uu horumar balaaran oo dhinacyo badan leh uu ka sameeyay dhanka kaaba yaasha dhaqaalaha Afartii sano ee la soo dhaafay . Gudoomiye Ciyoon ayaa sheegay in haatan ay heer gabo gabo ay marayso dhismihii Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo , Jaamacadii Maakhir , Dayactirka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baran oo tan iyo wixii ka dambeeyay 1996kii haatan bilaabay duulimaadyo rasmi ah ayna ka soo dagaan Diyaaradaha sida gaarka ah ay u isticmaalaan Hay,adaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaadka keena. Gudoomiyaha ayaa sheegay sidookale in uu socdo Mashruuc Magaalada Biyo galin loogu samaynayo. Waxa uu sheegay in dhamaan Mashaariicdaasi dhawaan xariga laga jari doono . Hadaba halkan ka dhagayso . Waraysiga Ciyoon Puntlandi
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Dalka Itoobiya ee ku sugnaa Magaaladaas ay isaga baxeen. Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa aaday dhinaca Dalka Itoobiya iyada oo aan la ogeyn sababta ay magaaladaas uga baxeen. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan u guuray Maamulka Galmudug ee ku shaqeynayay Magaalada Cadaado,waxaana hadda Dhuusamareeb oo markii horeba ahayd Caasimadda Galmudug si sax ah ugu shaqeeya Maamulka Galmudug. Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan la xiriirnay sidoo kale xaqiijiyey bixitaanka Ciidamada Itoobiya,oo Saldhigyo qaar ka guuray halka kuwo kale ay ku sugan yihiin. Masuuliyinta ayaa waxa ay sheegeen in wax saameyn ah ku yeelan doonin ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dhuusamareeb,isla markaana ay ku filan yihiin ammaanka. Ciidamada Itoobiya ayaa mudo ka badan 7 Sano waxa ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb,iyaga oo Ciidamada Ahlusunna ee la midoobay Galmudug kala qeyb qaatay dagaal ay la galeen Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Doha (Caasimada Online) – Mid ka mid ah Taageeraayaasha Amiirka dalka Qatar ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, sida aan ka soo xiganay Dhowr Wargeys oo Carbeed. Taageerahaaasi oo Twitter-ka ku leh cinwaanka Al-Adam / Afdak Tamim ayaa sheegay inay sii socon doonaan Qaraxyadda iyo Deganaansho La’aanta Somali, inta ay Imaaraadka faragelinta ku hayaan Arrimaha Gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay. “Qaraxyadda ka dhaca gudaha Somalia ma joogsan doonaan, haddii aan Safiirka Imaaraadka laga masaafurinin Somalia” ayuu yiri Taageerahaasi daacadda u ah Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani. Waxa kale oo uu ku baaqay in Albaabadda loo laabo Saldhigga Argagixisadda ee Somaliland ku leeyihiin Milliteriga Imaaraadka ee Berbera, waa sida uu hadalka u dhigay. Goobjoogayaasha ayaa rumeysan in Aragtidiisa tahay cabsi cad oo gilgili kara Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia. Hadalkaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo Xildhibaanad Ubaax Tahliil oo ka tirsan BFS sheegtay inaysan Alshabaab oo keliya ka dambeeynin silsiladaha Qaraxyadda joogtadda ee ka dhaca magaalladda Muqdisho, oo ay ugu dambeeyeen kuwii Jimcihii la soo dhaafay ka kala dhacay 2 bar oo ay Ciiddanka DFS ku leeyihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Isbitaalka Banaadir. Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Qatar oo uu Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyo Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Baxrayn waxay xiriir wanaagsan la leeyihiin DF. Radio Dalsan