-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somaliland oo shir jaraa,iid ku qabtey magaalada Boorame ayaa eedeymo kulul u jeediyay Xukuumadda Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi ka dib markey ku dhaliileen arrimo dhul boob iyo xukun cadaalad daro” “Tuka-raq iska-daaye,Awdal buu nagu haystaa Muuse Biixi” In ka badan toboneeyo Xildhibaan oo kasoo muuqday goobta shirka ayaa sheegay in lagula kacay dadka iyo deegaanka ay kasoo jeedaan falal ka dhan ah xuquuqda bini,aadamka islamarkaana ku qotomo qabyaalad,eex iyo dhac deegaan. Waxay dhambaal u direen Xildhibaanada ka hadlay Boorame Soomaalida kale iyo Beelaha degan deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland. Muddo yar oo laga joogo doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi waxaa soo wajahay Somaliland kacdoono qabaa,il,jahwareer xagga siyaasadda iyo khilaaf dagaalo ka dhex qarxay maamulka ay dariska yihiin ee Puntland. Goordhaw Daawo Shirka Xildhibaanada. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka tirsan Somaliland“Tuka-raq iska-daaye,Awdal buu nagu haystaa” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu qaabilsan arrimaha siyaasadda, Rosemary dicalro oo uu wehliyey ergeyga QM ee Soomaaliya. Farmaajo iyo Rosemary Dicalro, ayaa ka wada hadlay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ka wado dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo Siyaasadda oo uu Madaxweynaha dalka uu la wadaagay wafdiga ka socday QM. Sidoo kale, Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Rosemary Dicalro ayaa sheegtay in dawladda Somalia ay sameysay horumar muuqda, waxayna ballan-qaaday Qaramada Midoobay in ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waa booqashadeydi ugu horeysay tan iyo markii aan noqday Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha siyaasadda, Waxaan halkan u imid inaan muujiyo sida Soomaaliya ay muhiim ugu tahay Qaramada Midoobay, waxaan wada hadalo wanaagsan la yeelanay Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo aan uga hadalnay arrimaha Dastuurka, Nabadda iyo shirkii Golaha Amniga Qaranka,” ayuu tiri Rosemary Dicalro. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xoogga saartay arrimo muhiim ah oo ay ku jirto horumarinta siyaasadda, taasi oo ay ugu dambeysay shirkii Baydhabo ay ku yeesheehn Golaha amniga Qaranka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula Kulmay Ergayga QM ee Arrimaha Siyaasadda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dalkaas, Ismaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, Beeraha, Dhaqaalaha, Isgaarsiinta iyo Ciidanka Jabuuti (Hiil Walaal) ee Hawlaha nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Geelle iyo dhammaan reer Jabuuti taageerada walaaltinimo ee ay la garab taaganyihiin Dawladda iyo dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa Ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada walaaltinimo si loogu guuleesto Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta. Khayre ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Jabuuti, Abdoulkader Kamil Mohamed oo ay sidoo kale ka wada hadleen xariirka wanaagsan ee labada dowladood iyo sida loo joogteyn lahaa taageerada lagu garab istaagayo Soomaaliya. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa shalay jabuuti ku tegay booqasho laba maalin qaadaneysa iyadoo la filayo in weftiga Ra’iisul wasaaruhu kasoo Barri Dalka dib ugu soo laabtaan. Ugu dambeyn, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ah laba wadan oo walaala ah, derisna ah isla markaana leh xiriir wanaagsan oo soo jireen ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo khamiis ah magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa kulanka maanta ku wehlinayay Wasiiro ay kamid yihiin Arimaha Dibadda, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa inta uu kulanka socday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle warbixin ka siiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Somalia, Amniga, Siyaasada iyo La-dagaalanka Kooxaha argagixisada ah ee al-Shabaab. Kulanka waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday heshiis labada dal ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti, kaasi oo ay u kala saxiixeen Wasiirada Arimaha Dibadda Jabuuti iyo Soomaaliya. Kheyre ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahad celiyey garab istaaga iyo taageerada Soomaaliya. Madaxweynaha Jabuuti ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku amaanay dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan sidii Soomaaliya markale ay cagaheeda ugu istaagi laheyd. Kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maanta la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu ahaa mid aad xasaasi u ah, waxaana diirada lagu saaray cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dal. Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah Wadamada ay Ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo dowladda ku caawiya sidii ay Al-shabaab uga adkaan laheyd.
-
Muqdisho (PP) ─ Iyadoo dhawaan lagu soo gaba-gabeeya Baydhabo shirkii Amniga Qaranka oo ay ka qayb-galeen madaxda dalka iyo kuwa maamullada dalka ka jira, ayaa waxaa bogaadiyay qodobbadii shirkaas laga soo saaray Beesha Caalamka. Bayaan wadajir ah oo ay Beesha Calaamku soo saareen maanta ayaa lagu sheegya in; Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Norway, Sweden, Britain iyo Maraykanka ay si aad u weyn u soo dhaweynayaan natiijooyinka qiimaha leh ee ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee 03 illaa 05-tii bishan Juun ka dhacay Baydhabo, magaalo madaxda Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed. Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Beesha Caalamku ku bogaadinayso Madaxda Dowladda Somalia, Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah, Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha Shirka joogay heshiisyadii ay ka gaareen qorshaha kala-guurka, Wadaagga dakhliga iyo Hanaanka Doorasho ee doorashooyinka qof-iyo-cod ee 2020. “Dhinacyadaan oo dhan waxaan ku dhiirri-gelinaynaa inay dar-dar-geliyaan hirgelinta heshiisyadaas. In loo midoobo arrimahan iyo kuwo kale oo masiiri ah waxay dhidibada uu aasaysaa horumar dheeraad ah, oo uu ka mid yihiin dhamaystirka geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka Somalia iyo Qeexidda Hannaanka Federaalka Somalia, loona diyaar-garoobo Madasha Is-kaashiga Somalia oo wax-ku-ool ah, taas oo Dowladda Federaalka Somalia, Midowga Yurub iyo Sweden ay wadajir ugu martigelinayaan magaalada Brussels 25-ka iyo 26-ka Juun.” Ugu dambeyn, Qoraalka Saaxiibbda Somalia ayaa lagu xusay in Maadaama Soomaaliya ay gelayso weji cusub ee xiriirka ay la leedahay Hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah inay ku dhiiri-gelinayaan madaxda Somalia inay sii wadaan ku-shaqaynta dareen midnimo. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ka hadashay Qodobbadii laga soo saaray Shirkii Amniga ee Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu, 7 June 2018 – The United Nations Under-Secretary-General (USG) for Political Affairs, Rosemary DiCarlo, visited the Somali capital today and held a series of meetings with the country’s leadership to reiterate the UN’s support to the people and Federal Government of Somalia, as well as to discuss issues of mutual interest and priority. The Under-Secretary-General was welcomed by the President of the Federal Government, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo. During her visit, she was accompanied by the Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Michael Keating. Speaking at Villa Somalia after meeting with the President, Ms. DiCarlo said the aim of her first field visit since her appointment as Under-Secretary-General is to support the ongoing political and peace processes in the country as well as explore how best to assist Somalia to overcome some of its challenges, ranging from the humanitarian situation and security to the political agenda. The UN official commended the work undertaken by the federal constitutional bodies and the recently held National Constitutional Convention that underscored inclusivity, cooperation, and compromise for the good of the country as critical aspects for finalizing the constitutional review process within this year. “Somalia is at a critical juncture. Progress on the constitutional review could lead to a breakthrough. Unity of Somalis is essential to advance federalism, reduce violence, defeat extremism, tackle the humanitarian challenges and deliver real benefits to the population,” the Under-Secretary-General added. The Under-Secretary-General later met with the Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission, Simon Mulongo, and acknowledged the role of the African Union Mission in Somalia, commending its troops and police for their sacrifice and dedication to the security of Somalia. # # #
-
It's late on Wednesday afternoon and the Shiirkole football pitch in the Somali capital should be teeming with life. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Somalia. Weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan. Gaariga la weeraray oo noociisa lagu sheegay ‘’Noha’’ ayaa maraayay inta u dhaxeysa xaafada Suuqa Xoolaha iyo Isgoyska SOS ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan dalcada maalin Taajir. Gaariga ayaa gabi ahaan gubtay kadib markii rasaas ooda looga qaaday gaariga iyo ciidamadii la socday,waxaana gaariga iminka damiyay gurmad ka imaaday maamulka Degmada. Maleeshiyada weerartay gaariga ayaa la socday gaari nooca raaxada ah, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamadii la socday gaariga qaarkood la dhigay xarumo caafimaad oo aan meesha ka fogeyn. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in laba kamid ah ciidamadii la socday gaariga ay u geeriyooden dhaawaca kasoo garay rasaasta. Sidoo kale, weerarka kadib ayaa waxaa halkaa gaaray ciidamo ka tirsan dowlada oo halkaa ka qaaday dhaawacyada ciidamada liitay ee la socday gaariga la weeraray. Ma cadda sababta ka danbeysay weerarka gaariga, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada la weeraray ay ka tirsanaayen Nabad sugida, sida laga soo xigtay goobjoogayaal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Annagoo ah Jaaliyadda Beel-weynta Yuusuf Galmaax ee UK gaar ahaan Magaalada London, annagoo ka xun kana tiiraanyeysan waxaan tacsidan u direynaa dhamaan Ehelka, asxaabta iyo qoysaskii ay ka baxeen walaalaheen Xìldhibaan Ismacil Muumin Hilowle. Xildhibaan Shiikh Daahir Cabdulle Mukhtaar Guddoomiye kuxigeenkii Degmada Raaga Ceelle Muse Cabdulle Iyo dhamaan Saraakiishii iyo Ciidankii la socday Allaha u wada naxariistee oo taariikhdu markay ku beegneyd 05/06/2018 gacan ka gardaran ay si wuxuushnimo ah ugu dishay Waddada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Xamar iyagoo safar shaqo ugu socday magaalada Muqdisho. Waxaa iyadana tacsi taa lamid ah diraaya jaaliyadaha Yuusuf Galmaax ee Yurub inteeda kale iyo North America. gaar ahaan jaaliyadaha Switzerland, Norway, Germany, Sweden, Finland, Denmark iyo Nederlands. Innaa lillahi we innaa ileyhi raajicuun , geeridu waa xaq waase kala xanuun badan tahay.
-
We are happy to introduce you today to Mohamed Jimale, the founder of Ari.Farm, an agri / financial tech startup from Mogadishu, Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Uganda’s President Yoweri Museveni said on Wednesday the East African country would revive its defunct national carrier to share in the region’s growing aviation business and invigorate its services sector. Source: Hiiraan Online
-
Two years ago, Ilhan Omar made headlines when she became the first Somali-American elected to a U.S. state legislature. She was chosen to represent Minneapolis, a city in the upper Midwestern state of Minnesota. Now, she is running for a seat in the U.S. Congress. Source: Hiiraan Online
-
ADDIS ABABA, June 7 (Xinhua) -- The UN migration agency, International Organization for Migration (IOM), announced on Wednesday that it had repatriated 233 Ethiopian migrants over the past week from war-torn Yemen. Source: Hiiraan Online
-
Forty-six Ethiopians drowned and 16 are missing after a human smuggler's boat carrying at least 100 refugees capsized as it approached Yemen. The vessel left the port of Bossasso in Somalia on Tuesday with 83 men and 17 women on board. They were hoping to find work in Yemen and the Gulf, the International Organisation for Migration (IOM) said in a statement on Wednesday, citing information from survivors. Source: Hiiraan Online
-
Kacdoon ka dhan ah Somaliland bartama Laascaanood 28 May 2018 Dowladda Puntland ayaa mar kale ku celisay in aan la sii fiirsan Karin cabudhinta ay Somaliland ku hayso shacabka ku nool degmada Laascaanood ee gobolka Sool. Shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah oo uu guddoomiyay,madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa lagu sheegay ,in shacabka magaalada Laascaanood oo astaan u ah midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed ay haatan ka imaanayso qayla-dhaan ku aaddan in laga soo gaaro maamulka Somaliland. Shirka ayaa sidoo kale warbixin looga dhegaystay,madaxweyne Cabdiweli Gaas oo ka warramay heshiiskii maalin ka hor lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ku saabsanaa amniga dalka,waxaana madaxweynuhu sheegay in lagu heshiiyay”dhisidda ciidan astaan qaran leh oo ka fog hayb iyo gobol”. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale xusay in is-faham laga gaaray habka wadaagga khayraadka dalka,gaar ahanna macdanta iyo shidaalka oo uu sheegay in loo marayo hannaan Federaal ah. Dhinaca kale Golaha xukuumadda Puntland ayaa intii shirku socday loo qeybiyay,xeerka biyaha Puntland oo qeexaya beekhaaminta kaydka khayraadka biyaha,islamarkaana si gaar ah u xoojinaya maareynta iyo horumarinta adeegga biyaha Puntland. Halkaan ka akhriso War-muriyeedka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo ku celisay in aan la sii fiirsan karin cabudhinta shacabka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga horumarinta caasimadda Puntland ayaa maanta qabtay kulan ku saabsanaa dib u eegista qaabka loosoo xulayo xubnaha golaha degaanka ee degmada Garowe. Kulankaan oo lagu casuumay nabaddoonada gobolka Nugaal, Isimo iyo masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, ayaa lagaga tashanayay dhismaha golaha degaanka Garowe iyo sidii wax looga badeli ahaa qaabkii loosoo xuli jiray, si ay caasimaddu u yeelato gole degaan oo uqalmo, kana shaqeeya baahida shacabka iyo rabitaankooda. Guddoomiyaha guddigaan Cabdi Salaad Cali, ayaa sheegay guddigaan oo ku dhismay isxilqaan, inuu ka shaqeynayo sidii magaalada Garowe u yeelan lahayd gole degaan oo hufan islamarkaana dadka ku jira ay noqdaan kuwo aan shaqo usoo raadsan, isku filan kuna shaqeeya tabaruc. Cabdi Salaad, waxaa uu sheegay in il gaar ah lagu hayndoono odayaasha soo xulaya golaha degaanka, isaga oo cadeeyay ujeedadu inay tahay inaanu mar dambe soo laaban dhibaatadii ka taagnayd golaha degaanka iyo qaabkii looso xuli jiray. “Counil waxaa kamid noqda, dadka hantida magaalada ku leh, dadka ka shaqeysta, dadka aqoonta leh, dhaqaatiirta, Engineerada IWM, waana inay wax ka qaban karaan, amniga, muranada dhulka, wadooyinka iyo nadaafada, “ayuu ydihi Cabdi Salaad. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kulankaan ka hadlay ayaa nabadoonada u sheegay in laga rabaa inay kasoo baxaan masuuliyada saaaran iyagoo eegaya awooda bulshadu siisay iyo sida loo karaamaeeyay. ” Nabaddoonow waxaa la idinka rabaa inaad noo keentaa wax idin qanciya anagana aan ku qanacno, sababta la idinkugu yeeray oo aad magacaan u huwan tihiin waa inaad bulshada u keentaan cid uqalanto,” ayuu Islaanku kula dardaarmay nabaddoonada kulanka yimid. Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xaashi (Qoob deero), ayaa sheegay in loo baahan yahay gole degaanka oo wax ka qaban kara baahida bulshada, loomana baahna ayuu yidhi in maalin kasta la kala ceyriyo ama lakala diro. Wasiir ku xigeenku waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in gole degaan kasta oo loosoo dhiso Garowe intiisa badani isagoo aan dhameysan xilligiisa in lakala diro, taasoo uu sheegay inay muujinayso qaabka loosoo xulay inuu qalad weyn ka jiray. Inta badan, nabaddoonadii kulankaan ka hadlay, ayaa soo dhoweeyay aragtida guddiga horumarinta caasimadda, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin dadaalada loogu jiro in Garowe hanato gole degaan oo uqalma. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Sidee Garoowe ku yeelan kartaa gole degaan oo u qalma? appeared first on Puntland Post.
-
Alle ha u naxariiste, waxaa maanta magaalada London ee dalka Ingiriiska ku dhintay rugcaddaaga weyn ee dhinaca Saxaafadda Maxammed Aadan Xirsi(Teerre) oo haatan ahaa agaasimaha television-ka dowladda Puntland ee qaaraddaYurub. Geerida weriye Teerre ayaa lagu xaqiijiyay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland,waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas). Marxuum Maxamed Aadan Teerre ayaa saxaafadda ku soo biiray sannadkii 1973,isagoo agaasime ka soo noqday Radio Muqdisho,sidoo kalena xilal ka soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta dalka Soomaaliya. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka Tacsida PUNTLAND POST The post Rugcaddaa Saxaafadeed Maxamed Aadan Teerre oo ku dhintay dalka UK. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay doorashada la filaayo inay ka dhici doonto dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijiyey in dalka ay ka dhici doonto doorashada xor ah sanadka 2020, waxa uuna tilmaamay inay noqon doonto doorasho taariikh ah. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dowladihii hore looga bartay inay soo baraarugan xilliga ay doorashada soo dhowdahay kadibna qaban qaabo la bilaabo, hase yeeshee ay tani ka duwan tahay, isla markaana wixii dadaal ah ay bilaaben xili hore. Waxa uu Farmaajo sheegay in dowladiisu ay howlaha doorashada bilowday iyadoo Sanad iyo bar jirta, taasina ay daliil u tahay inay u diyaar garooben qabashada doorasho nin iyo codkii ah. Nuqul kamid ah haddalka Farmaajo ayaa ah “Waxaa caado ahaan jirtay in marka doorasho ay soo dhowdahay in markaasi la ordo oo qaban qaabo la galo, kadibna wax walbo faraha ka baxaan, laakiinse annaga oo Halsano oo Afar ama Shan Bil joogna ayaan go’aan ku qaadannay inaan ka howlgalno qaabkii iyo habkii doorashooyinka loo geli lahaa 2020, arrintani waxay ku timid midnimo iyo hoggaan sax ah oo ka yimid hanka dowlad goboleedyada”. Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dalkaan ay ka dhacdo doorasho qof walba uu ka qeybqaato, si loo helo isbedallo. Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili sanadka 2020 la filayo in dalka ay ka dhacdo doorashada qaabka xisbiyada, iyadoo ay ka qeybqaadan doonaan shacab badan oo Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The president of Somaliland H.E Musa Bihi Abdi last night hosted a Ramadan dinner for religious leaders from all regions of the country. The (Iftar) dinner was held at the presidential palace in Hargeisa. Present at the function was the second and the fourth vice presidents of Somaliland Mr.Abdirahman Aw Ali Farah and Mr.Ahmed Yusuf Yassin respectively. Also occasioning the event was opposition chief Mr.Faisal Ali Warabe and government ministers. This information was disseminated by Somaliland News Agency (Solnanews.com). The president held this dinner so that he could get to know the religious leaders and see the best way they could work together to further develop righteousness in Somaliland. Some renowned names in Somaliland religious circles such the former minister of religious endowment Sheikh Mohammud Suufi Muhumed, Sheikh Ali Jowhar and Sheikh Abdirizak Albani congratulated the president for continuing the tradition of having a good rapport with the religious establishment. Former vice president Abdirahman Aw Ali Farah stated the link between the president and the religious leaders should be strong. He warned about the civil war in El-Afweine could steer uncertainty into the future and all and sundry should work together to put out the fire. The opposition boss Mr.Faisal Ali Warabe encouraged the good relations between the religious leaders and the president. He called on the mullah to work to eradicate immoral behaviors within the populace. The minister of religious endowment Sheikh Khalil stated that this meeting would help to bring consultations and networking between the head of state and the religious leaders The president asked the religious leaders to help put out the El-Afwein conflict by preaching sense into the warring functions. “Allah willing get ready after the holy month of Ramadan, I want you to engage with the El-Afwein people to find a lasting solution to this recurring conflict.” The president said. SOLNA
-
Afghan president announces temporary ceasefire with Taliban
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Afghanistan’s President Ashraf Ghani announced on Thursday a temporary ceasefire with Taliban until June 20, though it was not immediately clear if the armed group had agreed. In a televised address, Ghani said that fighting against other armed groups such as Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL) will continue. The Afghan president told security forces to cease operations against the armed group until June 20 after fasting month ends. The ceasefire will last “from the 27th of Ramadan until the fifth day of Eid-ul-Fitr,” the president tweeted from an official account, indicating it could run from June 12-19. “This ceasefire is an opportunity for Taliban to introspect that their violent campaign is not winning them hearts and minds but further alienating,” he said in a Tweet. “With the ceasefire announcement we epitomise the strength of the Afghan government and the will of the people for a peaceful resolution to the Afghan conflict.” The surprise move comes days after a gathering of Afghanistan’s top religious leaders in the capital, Kabul, issued a fatwa – a religious edict issued by an expert in Islamic law – against suicide bombings and attacks. The religious gathering was attacked by a suicide bomber in which at least seven people were killed. Ghani in February offered recognition of the Taliban as a legitimate political group in a proposed political process that he said could lead to talks to end more than 16 years of war. Ghani proposed a ceasefire and a release of prisoners among a range of options including new elections involving the armed group, and a constitutional review in a pact with the Taliban to end a conflict that last year alone killed or wounded more than 10,000 Afghan civilians. Source: – Aljazeera -
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararka ku heleyno cabsi xooogan ayaa laga dareemayaa inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, taa oo la xiriirta falal amni darro. Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in maleeshiyaadka al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro lagu carqaladeynaayo amniga magaalada Muqdisho. Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in maleeshiyada ay ku goodisay in saacadaha soo socda ay magaalada Muqdisho ka geysan doonto weeraro lagu sheegay in lagu sii xoojinaayo dhiig dadka sooman ee bisha barakeysan la daadiyay. Gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lasoo sheegayaa inay ku jiraan gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo taargeedkooda lagu sheegay Xarumaha dowlada iyo Hoteelada waaweyn ee magaalada Muqdisho. Cabsida jirta aawgeed waxa ay dowlada Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adaha amaanka xireen dhammaan laamiyada magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka raaxada iyo kuwa BL-da laga mamnuucay inay koraan laamiga. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa jaray dhamman waddooyinka gala laamiga Makka Al-Mukarama, waxa ayna gaadiidku marayaan waddooyinka jid cadayaasha xaafadaha. Cabsida ugu badan ayaa ka jirta Garoonka Aadan cadde ilaa Madaxtooyada Somalia, waxaana xusid mudan in laamiga Makka al-Mukarama lagu daadiyay ciidamadii ugu badnaa oo hubeysan. Sidoo kale, Hay’adaha amaanka dowlada ayaa bisha barakeysa ee Ramadaan xakameysay Qaraxyadii ka dhici jiray magaalada Muqdisho, inkastoo ay kordheen dilalka. Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana jira cabsi weyn oo laga qabo in maleeshiyada ay geystaan weeraro adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
DOHA: Qatar Charity (QC) distributed food baskets to 500 families affected by the Cyclone Sagar, which hit the coasts of northern Somalia. The food aid was provided immediately after the disaster occurred. The charity is also preparing to distribute more food baskets soon. Director of the QC office in Somalia, Abdel Nour Mirsal said Qatar Charity was the first organization to respond to the relief appeal made by local authorities in Somaliland. Food baskets were distributed in the village of Bakki and surrounding villages in northern Somalia on May 26, 2018, targeting families who lost their homes, livestock and property due to the Cyclone Sagar, Mirsal said in a statement. He noted that the food baskets included basic food items such as rice, wheat, sugar, dates and dried milk to be used by affected families in the holy month of Ramadan, which coincided with the cyclone. Mirsal pointed out that Qatar Charity intends to distribute 1,150 additional food baskets to the victims of Cyclone Sagar in the coming week. The basket will be sufficient for a family for a month. Within three months, three artesian wells as well as a number of surface wells will be drilled, Mirsal added. Mirsal also said the Ramadan food aid distributed by QC office during the second half of Ramadan included those previously affected by floods and drought. He noted that the office will distribute 2000 food baskets to 2000 families affected by flood in the Hirshabelle State and to people displaced due to drought in Baidoa in addition to the families of orphans and poor families. A total of 3,650 food basket will be distributed the holy month of Ramadan. The United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA) said 669,000 people had been affected by the cyclone in Somaliland, with numbers likely to rise as information arrives from areas that are now inaccessible. “80 per cent of livestock in affected areas were killed. Reports indicate that some 700 farms have been destroyed in Somaliland,” UNOCHA said. Peninsular