-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mid ka mid ah kooxda dhanka sharciga ee madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay hadal burinaya mid uu horay u sheegay madaxweynaha oo ku saabsanaa 130,000 oo doolar oo la siiyay Stormy Daniels oo ah gabadh aflaanta galmada ah jisha. Duqii hore ee magaalada New York Rudy Giuliani ayaa sheegay in Michael Cohen oo ah qareenka madaxweynaha uu sii bixiyay lacagta gabadha la siiyay, Trump-na uu u celiyay qareenka lacagtaas intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada ee 2016kii. Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uusan waxba kala soconin lacagtaas gabadha la siiyay, laakiin dhawaan ayuu qirtay in “heshiiskaasi” dhacay. Daniels ayaa sheegtay in lacagtaas loo siiyay in aysan kasii hadlin eedaynta ay soo jeedisay ee sheegaysa in ay madaxweynaha gogol dhaaf la samaysay. “Shirkad dhanka sharciga ah ayaa la sii mariyay lacagta, madaxweynaha ayaana dib ka bixiyay” ayuu yiri Giuliani oo la hadlayay telefeshinka Fox News. Ninkan ayaa dhawaan ku soo biiray kooxda dhanka sharciga u qaabilsan madaxweynaha. Wuxuu sheegay in lacagtaas lakala bixiyay “dhawr bilood”. Giuliani wuxuu intaas ku daray in bixinta lacagtaas loo maray waddo sharci ah aysanna ka dhignayn kharash ol’ole doorasho, sababtuna ay tahay “in aysan ahayn lacag ol’ole doorasho loo adeegsanayay”. Michael Avenatti oo ah qareenka Daniels ayaa sheegay in ay tahay in dadka Maraykanku ay ka caroodaan hadalka Giuliani. “Muddo bilooyin ah ayaan saadaalinaynay in dadka Maraykanka looga been sheegay 130kun ee la bixiyay iyo waxa uu madaxweynuhu ka ogyahay arrintaas. Ayuu Twitterka ku soo qoray. Cohen oo ah qareenka madaxweyne Trump ayaa markii hore diiday in uu lacagtas bixiyay ka dibma wuxuu gadaal ka qirtay in uu si shaqsi ah u siiyay Daniels oo magaceeda rasmiga ah yahay Stephanie Clifford, wuxuu sheegay in uu lacagtaas ka bixiyay kaydkiisa bangiga ee khaaska ah bishii Oktoobar ee 2016kii iyadoo gabadha lagaga badalanayay in ay arrinta galmada ka aamusto. Wuxuu diiday in madaxweynuhu uu qayb ka ahaa bixinta lacagtaas. War qoraal ah oo uu soo saaray Cohen oo lagu daabacay wargeyska New York Times ayuu ku sheegay in arrinta lacagta aysan waxba kala soconin ol’olihii doorashada ee Trump iyo shirkadihiisa, wuxuuna intaas ku daray in loo celinin lacagta u gabadha u shubay. Lacagtan ayaa la xiriirtay eedeymo ay soo jeedisay Daniels oo ku saabsan in ay la seexatay Trump sannadkii 2006dii, balse madaxweynuhu wuu diiday eedaymahaas. Bishii Maarso ee sannadkan ayay Daniels maxkamad gaysay dacwad ka dhan ah madaxweynaha, heshiiskii ku saabsanaa in ay arrintan ka aamustana waxay ku sheegtay mid aan waxba ka jirin maadaama oo madaxweynuhu uusan sixiixin.
-
Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Benaadir ayaa munaasab casho sharaf ah u sameeyey Xulka Qaran ee da’doodu ka yar tahay 17 ka sano oo guul taariikhi ah ka keenay koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika ee lagu qabtay dalka Burundi. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxiigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar), Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta,masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Benaadir. Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka oo bogaadiyey dadaalkii ay muujiyeen da’yarta Qaranka ee ka qeyb galay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa sheegay in soo dhaweynta iyo maamuuska sare ee Guddoonka Gobolka Benaadir ay u sameeyeen dhallinyaradaas ay ka tarjumeyso lexjeclada iyo mudnaanta ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan. Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ka warbixiyey dadaalkii iyo garab istaaggii uu u sameeyey Maamulkiisu xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobka Bariga iyo Bartmaha tan iyo markii ay umba baxaayeen dalkaas Burundi, waxa uuna xaqiijiyey in ay sii dardar gelin doonaan qorshayaasha horumarineed ee la xiriira Cayaaraha, maadama ay qeyb weyn ka tahay arrimaha isu soo dhaweeya dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada. “Waxaan soo jeedinyaa in aan dhammaanteen kawada shaqeyno sidii dhallinyaradan aan u gaarsiin laheyn in ay dalka iyo dadkaba u soo hoyaan guulo kale oo heer qaarad iyo mid caalamiba ah, sababtoo ah maanta waxa ay inoo caddeeyeen in Soomaaliya ay dib u soo ceshan karto magacii iyo sumcaddi ay ku lahayd dhanka Cayaaraha.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa hadallo dhiiri gelin iyo dardaaran ah ka jeediyey qaar ka mid ah masuuliyiinta heer Federaal ee ka soo qeyb gashay, Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo marti sharafta kale ee lagu casumay munaasabadda, iyadoona dhammaan looga mahad celiyey Maamulka Gobolka Benaadir maamuska iyo soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen da’yarta Xulka Qaranka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Xulka Kubadda Cagta ee 17-jirrada Somalia oo Muqdisho loogu sameeyay Munaasabad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Kooxda kubadda cagta ee Liverpool oo ka dhisan dalka Britain ayaa iska xaadirisay cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Yurub ee loo yaqaan EUFA Champions League, kaddib markii ay xalay ay cayaar adag la yeelatay kooxda Roma eek a dhisan dalka Talyaaniga. Naadiga AS Roma ayaa qaybta hore ee cayaarta weerar xooggan ku qaaday kooxda Liverpool, sidoo kalena kooxda Talyaaniga waxay rabtay inay goolal fara badan la timaaddo qaybta hore ee cayaarta. Bale Sadio Nianglon ayaa kubad isku qalday asigoo khadka dhexe ku sugan waxaana kubaddii lugta ku dhigay Firmino oo baas qurux badan gaarsiiyay Mane, kaddibna shabaqa ku hubsaday daqiiqadii sagaalaad ee cayaarta qaybteeda hore. Sidoo kale, James Milner ayaa gool iska dhaliyay Daqiiqadii 15-aad, kaddib markii kubad uu Lovren uu iska bixin rabay ay madaxa kaga dhacday cayaartana waxay noqotay cayaartu 1-1. Kooxda Liverpool wax cabsi ah ma muujinin, waxaana hoggaanka u soo celiyay Georginio Wijnaldum oo cayaarta 2-1 ka dhigay daqiiqadii 26-aad ee qaybta hore, kaddib markii uu madaxa ku dhaliyay kubad koorno ahayd oo Dzeko madaxa ku dhuftay. Naadiga Roma dadaal dheeri ah ayay muujisay balse ma jirto wax natiijada ay ka bedeleen goolashii ay dhaliyeen, iyadoo Qaybtii hore ee cayaarta lagu kala nastay 2-1 oo ay Liverpool ku hoggaamineyso Qarkana u saaran in ay kama dambeysta koobka horyaallada Yurub u soo baxaan. Sidoo kale, markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta ayay AS Roma dadaalkeeda kordhisay, iyadoo cayaaryaan Edin Dzeko uu cayaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah. Radja Nainggolan ayaa mar kale shabaqa Liverpool ku hubsaday kubad taas oo cayaarta ka dhigtay 3-2 ay ku hoggaaminayso cayaarta Kooxda AS Roma inkastoo aysan kooxdu gaarin hadafkeedii. Dhanka kale, daqiiqaddii ugu dambeysan cayaarta ayaa cayaaryahan Radja Nainggolan wuxuu cayaarta ka dhigay 4-2, kaddib markii uu kubad qurux badan daba-mariyay goolahayaha kooxda Liverpool. Ugu dambeyn, Kooxda Liverpool ayaa 7-6 kaga soo gudubtay kooxda Roma afar dhammaadka tartanka UEFA Champions League, iyadoo kooxdan aan laga adkaan inta uu tartanka socday, waxayna ku dhici doontaa Kooxda ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid oo iyaduna habeen hore u soo baxday Final-ka koobkan. PUNTLAND POST The post Kooxda Kubadda Cagta ee LIVERPOOL oo u soo baxday Final-ka Koobka Horyaallada Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kadib loolan adag oo dhex maray musharixii mucaaradka ee Ibraahim Isaaq Yarow. Guusha Wasiir Mursal ayaa inta badan loo aaneeyay inuu taageero ka heystay Madaxtooyada iyo xukuumadii uu ka midka ahaa oo shaki la’aan xilkan u soo sharxday, gadaalna ka riixayey, laakiin waxaa jira sababo kale oo keenay inuu xilkan sida weyn loogu loolamay ku soo baxo, waxayna kala yihiin: 1- TAAGEERADA MADAXTOOYADA IYO XUKUUMADDA Waxay ahayd qodobka ugu weyn ee ay ku tiirsaneyd musharaxnimada Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo dadaal badan ay ku bixiyeen labada hay’adood inuu xilkan ku guuleysto, inkastoo aan dhaqaale loo adeegsan, haddana waxaa jiray balanqaadyo xilal iyo soo jiidashooyin kale. Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay taageerada kala noqdeen, xildhibaannadii taageersanaana kala wareegeen musharixiin kale oo uu ugu horeeyay Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali) oo la filayay inu meel fiican soo gaaro, laakiin waxaa xusid mudan in xukuumadda ay ku fashilantay inay qanciso dhammaan Musharixiintii taageerada ku lahayd oo diiday inay taageeraan Musharax Mursal. 2- SHAQASIYADDA MUSHARAX MURSAL Qodobka labaad ee Musharaxan taageeray waxaa ka mid ahaa shaqsiyadiisa iyo deganaanshihiisa siyaasadeed oo keentay inuu noqdo shaqsiga ugu degan ugu haboon xilka marka loo eego musharixiinta tartanka kula jiray. Wasiir Mursal wuxuu nasiib ku helay in musharaxiinta la tartamay kuwii ugu adkaa ay noqdeen saaxiibadiis ka midka ahaa xukuumadda, kuwaasoo marka loo eego uu kaga mudnaa xildhibaannada dhexdooda. 3- MUCAARADKA OO WAAYAY MUSHARAX CULUS Fursadda kale ee Wasiir Mursal u suuragelisay inuu xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo baxo ayaa ahayd iyadoo mucaaradka dowladda ee isugu jira kooxda Qabyo ee madaxweynihii hore iyo maamul goboleedka ay waawyeen musharax culus oo meel saari kara musharaxa Madaxtooyada iyo xukuumadda. Arrintaas waxay qasabtay in musharaxa mucaaradka uu noqdo Ibraahim Isaaq Yarow, inkastoo aanu dab yar shidin oo codad mararka qaarkood halis geliyay musharaxa dowladda uu la yimid, haddana waxay arrintani keentay in dhammaan musharixiintii kale sida C/casiis Lafta-gareen iyo Shariif Maxamed Cabdalla oo wareega labaad u soo gudbay ay taageeraan Musharaxa dowladda ee Wasiir Mursal. GABAGABO Dad badan ayaa aaminsan in doorashadii xilka guddoomiyaha Baarlamaanka loo doortay Maxamed Mursal ay dowladda Soomaaliya ka dhigtay mid dhinac u wada jeeda, ayna xilalkii sare ee dalka wada qabteen saaxiibo isku ujeedo ah, laakiin waxaa adkaan doonta in jid qura ay wada raacaan 2760ka xildhibaan ee Baarlamaanka oo haddaba ay soo shaac baxday inay 120 ka mida mucaarad ku yihiin dowladda Farmaajo iyo Kheyre, kuwasoo haddii ay helaan 20 kale awood u leh inay muddo kadib ridaan xukuumadda Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho CaasimadaQ@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hadal-qoraal oo ay Hay’adda Laanqeyrta Cas Caalamiga ee ICRC soo saartay ayaa lagu sheegay inKalkaaliso Caafimaad oo u dhalatay dalka Jarmalka ay kooxo hubeysan ka afduubteen Xarunta ICRC-da ku leedahay magaalladda Muqdisho. Ku-xigeenka Madaxa Ergadda ICRC u joogta Somalia, DANIEL 0’MALLEY ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin Ammaanka haweeneyda la afduubtay, wuxuuna xusay inay ahayd Kalkaaliso maalin kasta u shaqeyn jirtey sidii loo badbaadin lahaa Nolosha, loona xaqiijin lahaa Caafimaadka dadka Soomaalida ee aadka u nugul. Dhan kale Shaqaale Ajaanib oo u shaqeeya heey’adda laan-khayrta Cas ee ICRC ayaa maanta ka baxay Magaladda Muqdishu, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Xarunta Hey’adda ee Muqdisho. Tiradda Shaqaalaha ee laga saaray Muqdisho waa labo ruux oo aan si rasmi ah loo ogeeyn wadamadda ay u dhashen. Laakiin, kabixistoodu waxay imaaneeysaa kadib markii Xalay Koox hubeeysan ay Afduubteen Gabar ajanabi ahayd oo shaqaalaha ICRC ee Muqdisho ka mid ahayd. Laama Amaanka ee Soomaaliya ayaa wada baadi goobka gabadha la Afduubtay iyo kooxihii Afduubka geeystay. Masuuliyiinta Amaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah Ilaaladdii ICRC uu caawiyay Afduubka. Si kastaba ha ahaatee, Afduubkaasi ayaa yimid hal maalin kadib, markii Haweeney shaqaale ka ahayd Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalladda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho CaasimadaQ@live.com
-
Today marks exactly one year since my friend, Abass, Somalia’s then youngest minister was fatally killed in Mogadishu, it was one of the most excruciating news I ever heard. It was more painful when I learned the murderer was a government soldier, the very people who ought to have protected him. Source: Hiiraan Online
-
Kulan ay magaalada Garoowe ku yeesheen dhammaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda Puntland ee ka faa’iideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalaha iyo hay’adaha aan qaybta ka ahayn Mashruuca ayaa saaka ka qabsoomay Wasaaradda Qorshaynta Puntland. Kulanka ayaa dabo joogey mid isaga ka horreeyey oo looga hadlayey dejinta siyaasad lagula socon doono tayada shaqo gudashada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, taas oo maanta ay agaasimeeyaasha iyo lataliyeyaal caalami ahi ay ka samayn doonaan wada tashiyo rasmi ah si loosoo gebagebeeyo loona hirgeliyo maadaama ay agaasimeyaasha guud ee hay’adaha dawladdu yihiin cidda fulin doonta siyaasaddan marka lsoo gunaanado. Siyaasadda lagula soconayo laguna qiimayn doono tayada shaqo gudasho ee shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa muhiim u ahaan doonta shaqaalaha rayid ah, waxayna kala saari doontaa shaqaalaha ku habboon shaqada iyo midka aan ku habboonayn ee u baahan iyo tayadiisa xirfadeed iyo aqooneed kor loosoo qaado lana geeyo meel uu ku habboon yahay. Dejinta siyaasaddan iyo shirarkaan wadatashiyada ah ee looga arrinsanayo sidii loo hirgelin lahaa siyaasaddana ayaa waxaa dawladda ka caawinaya xeeldheereyaal caalami ah oo ka socoto Baanka adduunka The post Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Puntland oo Garoowe shir uga furmay appeared first on Puntland Post.
-
Haweenay u shaqeynaysay hay’ada ICRC oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa xalay laga afduubay xarunta hay’ada ee magaalada Muqdisho. Haweynaydan oo Muqdisho joogtay muddo laba isbuuc ah ayaa ahayd kalkaaliso caafimaad, waxaana la sheegayaa in ay afduubka ku lug lahaayeen ilaalo ka mid ah kuwa xarunta ICRC ee Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in haweeneydan u dhalatay dalka Jarmalka ee u shaqeynaysay ICRC lagu afduubtay magaalada Muqdisho. Afhyeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay dabagal ku sameeyeen kooxda afduubka u geystay haweeneydaas islamarkaana gaarigii lagu afduubtay laga helay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodon. Dhanka kale war ka soo baxay hay’ada ICRC xarunteeda magaalada Janeva ee dalka Swizerland ayaa lagu cambaareeyay falkan, oo ay ku xaqiijiyeen afduubka haweeneydan, waxaana ay hay’adu sheegtay in haweenaydaas ay Muqdisho u joogtay caawimaada dadka dhiban. Xarunta ICRC ee Muqdisho ayaa waxaa la wareegay laamaha amniga DowladdaSoomaaliya, waxaana xalay markuu afduubku dhacayay xarunta ku jiray shaqaale kale oo Ajaanib ah. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah shaqaalaha ICRC oo lagu afduubay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
In 1993, the United Nations General Assembly came together to declare May 3 World Press Freedom Day. The date was chosen to commemorate a UN-hosted conference held in the south African country of Namibia at which participants expressed support for “independent and pluralistic media.” Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii April 2018 marti galisay dilal kala duwan oo intooda badan loo geystay qeybaha kala duwan ee bulshada. Dilalka bishii tagtay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadka loo geystay kamid ahaa Saraakiil, Askar iyo Shaqaale ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia. Dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Dharkiinley iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir kuwaa oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab. HOOS KA AKHRISO TIRADA DILALKA KA DHACAY MUQDISHO BISHII APRIL EE 2018 1-April 1, 2018, Askari ka tirsan Ciidamada Soomaalida oo ay tababareen Imaaraadka carabta ayaa ruux shacab waday ‘’Gaari Dameer’’ ku toogtay Isgoyska Kuliyada Jaala Siyaad wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. 2-April 1, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka Shaneemo Cabdi Waayeel ku dilay Haweeney ka mid aheyd dadka degaanka, waxa ayna kamid aheyd ururka Haweenka degmada. 3-April 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Showriga ku dilay Oday dhaqmeed kamid ahaa dadka deegaanka oo lagu magcaaabi jiray Maxamed Cali Cabdullaahi. 4- April 6, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Dowlada ayaa si bareera ruux shacab ah oo watay Mooto Bajaaj ku toogtay Isgooyska tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu isku dayay inuu ka reebo Meyd la galbinaayay oo uu la socday, waxaana Marxuumkaas magaciisa lagu soo koobay Axmed Nuur Cusmaan. 5- April 15, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed qeybta Dambi barista, oo lagu magacaabi jiray Xasan Dheere. 6- April 15, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xaafada Oodweynee degmada Deyniile ku dilay Macalin wax ka dhigi jiray Jaamacadda Soomaaliya, kaa oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Caddow, waxa uuna ka mid ahaa Macalimiinta dhigta Shareecada. 7-April 16, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka ku ganacsada Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, kaa oo lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Ciise (Halooyeelo). 8-April 17, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Carbiska ku dilay Askari ka tirsanaa dowlada oo halkaa ka howlgali jiray. 9-April 17, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Militeriga dowlada ayaa waxaa Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ku dileen deegaanka Carbiska ee magaalada Muqdisho xili uu ku qayilaayay maqaaxi halkaa ku tiilay. 10- April 24, 2018, Askari ku labisnaa dareeska Ciidamada Dowladda ayaa nin darawal ah ku toogtay Isgoyska Ceel-gaab ee degmada Waabari, waxaana goobta ka baxsaday gacan ku dhiiglaha. 11- April 24, 2018, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Degmada Heliwaa ku dilay Wiil dhalinyaro oo Bajaajle ahaa, waxaana dilkaasi uu si gaara uga dhacay Xaafada Suuqa xoolaha. 12- April 25, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawada ku toogtay kaa oo kamid ahaa dadka ku ganacsada Suuqa. 13- April 25, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-shabaab ayaa Xaafada Burdheere ee Degmada Waaberi ku dilay askari katirsan Ciidanka Nabad Sugida Somaliya, waxaana laga toogtay Marxuumka Madaxa iyo Wadnaha. Askarigan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Muxudiin Buuwoo. 14- April 27, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolado ayaa degmada Dharkenley, ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya waxa uuna si gaara uga dhacay dilka agagaarka Jaamacada Gaheyr ee Degmada Dharkenley. 15- April 27, 2018, Dhalinyaro ku hubeysneyd bastoolado ayaa askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay meel u dhow Isgoyska Howl-Wadaag ee Magalada Muqdisho,iyada oo dilka kadib goobta ka baxsaday. Dilalka dhacay bishii April ee 2018 ayaa noqonaaya dilal badankiisa loo geystay dad u shaqeeya dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho CaasimadaQ@live.com
-
Mogadishu. The African Union Peace-keeping Mission in Somalia (AMISOM) has shifted operational tactic from military engagement to talking with communities in order to win hearts of Somalis. The new approach involves reaching out to clan heads and ordinary citizens to challenge the dominant al-Shabaab propaganda that AMISOM troops are infidels who must be ousted. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia and Djibouti agreed to swap stakes in strategic public enterprises including airlines, ports and telecommunications companies, as the Horn of Africa neighbors pursue deeper economic integration. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu. Armed men abducted a German nurse working for the International Committee of the Red Cross on Wednesday evening from a compound in Somalia's capital Mogadishu, the aid group said Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (EU PSC), oo ka kooban safiirro si toos ugu jawaaba Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalkooda. Intii uu socday kulanka, ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre waxa uu gudbiyey farriinta dowladda, waxa uuna u cadeeyay in hadda ay jirto rejo wanaagsan oo ku aadan soo kabadashada iyo horumarka dalka Soomaaliya ayna muhiin tahay in rajadaas laga mira dhaliyo, isaga oo xusay in dowladda oo ay ka go’antahay in ay fuliso dhamaan qorshayaasha horumarinta dalka. Safiirrada midawga Yurub ee ku sugnaa kulanka ayaa waxa ay muujiyeen inay si buuxda u taageersanyihiin qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in sida ugu fudud loo hirgeliyo, iyaga si qota dheer u fahmay caqabadaha soo wajihi kara Dowladda inta lagu gudo jiro ka miro-dhalinta qorshayaasheeda. Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka lagu falanqeeyay ayaa waxaa kamid ahaa in €100 milyan oo Yuuro oo deeq ah si toos ah loo siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, in €80 milyan oo Yuuro midawga Yurub uu ku bixiyo dadaalada xasilinta dalka iyo in taageero joogta ah la siiyo ciidanka AMISOM. Lacagta sida tooska ah loo siinayo dowladda iyo tan lagu bixinayo Barnaamika xasilinta waxaa la ansixinayaa dhamaadka Bishaan May, iyada doodaha la xariira ka baaraan degidda taageerada joogtada ah ee ciidanka AMISOM ay sii socon doonaan ilaa dhamaanta bisha June ee sanadkaa. The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub. appeared first on Puntland Post.
-
Two Androscoggin County residents accused of receiving more than $27,000 in kickbacks for medical referrals and of overbilling MaineCare for interpreter services pleaded not guilty Tuesday to health fraud charges in U.S. District Court in Portland. Abdirashid Ahmed, 38, of Lewiston and Garat Osman, 32, of Auburn, were indicted Friday on one count each of conspiracy to commit health care fraud, conspiracy to defraud the U.S. and to pay and receive health care kickbacks, and six counts each of receiving health care kickbacks. The scheme allegedly was perpetrated from May 2015 through December 2017. The duo received $200 per referral, the indictment alleged. Ahmed solicited kickbacks from a MaineCare provider, who is not named in court documents, in exchange for referring beneficiaries to the provider, according to a press release issued by the U.S. attorney’s office. Then, Ahmed and Osman allegedly brought people who received MaineCare to the provider and served as Somali interpreters during the visits. The pair allegedly submitted fraudulent bills to MaineCare. Both defendants own or are part owners of interpreting services, the indictment said. MaineCare pays interpreters $20 per 15 minutes of interpreting, according to the indictment. Both are accused of overbilling for more than an hour of interpreting per visit when the visits did not last that long. The total amount they allegedly overbilled is not included in court documents. Attorneys for the men declined to comment on the case. On Tuesday, Ahmed and Osman were ordered held temporarily without bail until a judge can determine if there are conditions under which they can be released pending the resolution of their cases. If convicted, each faces up to 10 years in prison and a $250,000 fine. They also could be ordered to pay restitution. Source: – BDN
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar afduub ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaa oo loo geystay Kalkaaliso caafimaad oo Jarmalka u dhalatay kana tirsaneyd ICRC . Afduubkan oo ay geysteen Rag hubaysan oo aan la aqoonsanin oo gudaha u galay dhismaha hay’adda ayaa gabadha kala baxay albaab ku yaalla qaybta dambe ee dhismaha. Qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Afduubka Haweeneydaasi uu yahay mid xaqiiq ah. Daniel O’malley oo ah Ku-xigeenka Madaxa Ergadda ICRC u joogta Somalia, ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin Ammaanka haweeneyda la afduubtay. Waxa uu Mr Daniel O’malley xusay in gabadhaasi ay aheyd kalkaaliso maalin kasta u shaqeyn jirtey sidii loo badbaadin lahaa Nolosha Shacabka Soomaaliyeed. Daniel O’malley, ayaa yiri ‘’wey nagu adag tahay inaan xaqiiq dhaba u helno halka ay ku sugan tahay Haweeneyda, waxaan ka qeybqaadan doonaa badbaadinteeda’’ Sidoo kale, dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay qaado talaabo lagu badbaadinaayo nolosha Haweeneyda ka maqan gacanta Hay’adda, si buu yiri loo helo xaqiiqda afduubka. Docda kale, Dowlada Somalia ayaa ku guda jirta baadi-goobka Haweeneyda la afduubtay, waxaana xusid mudan inay gacanta ku dhigtay Gaariga lagu geystay afduubka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo ku hubeysnaa hubka fudud ayaa la xaqiijiyay inay magaalada Muqdisho ku afduubteen kalkaaliso caafimaad oo kasoo jeeda dalka Jarmalka. Kooxdan afduubka geystay oo aan la aqoonsanin ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen dhismaha hay’adda ayna gabadha kala baxeen albaab ku yaalla qaybta dambe ee dhismaha. Dowladda Federaaalka oo afduubkan ka hadashay ayaa xaqiijisay in haweeneydaasi oo u dhalatay Dalka Jarmalka laga afduubtay dhisme ku yaala Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Afhyeenka Wasaaradda amniga Somalia C/Casiis Xildhibaan ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay dabagal ku sameeyeen Kooxda afduubka u geystay haweeneydaas. Waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ay Gaariga lagu afduubtay Haweeneyda ka heleen Xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodon, Waxaana Gaariga la geeeyay Xarunta danbi baarista ee C.I.D. Waxa uu Afhayeenka sheegay inay socdaan baaritaano degdeg ah oo lagu baadi-goobaayo Haweeneyda iyo cida ka danbeysay afduubka loo geystay. Waxa uu sheegay in xogta ay hayaan ay tahay in Haweeneydaasi ay magaalada Muqdisho ku sugan tahay muddo ka yar laba Isbuuc, waxaa ay u shaqeyneysay Hay’adda ICRC. Dowladu waxa ay intaa kusii dartay in baaritaanka socda uu soo afmeeri doono dhammaan kiisaska ceynkani ah iyo kan gabadha la afduubtay, si aanu u dhicin fal ceynkaani ah. Sidoo kale, waxa ay xaqiijisay dowlada in raga afduubtay Haweeneyda ay horay usii Kaxeysteen Ajaanib kale oo Haweeneydan la Joogay waqtiga uu Afduubka dhacayay, Waxaana soo baxaya Tuhuno ku aadan waxa laga damacsanyahay Afduubka Kalkaalisadaas Caafimaad. Dhinaca kale, Dowladda ayaa sheegtay in ay baaritaan ku waddo Afduubka gabadha loo geystay islamarkaana Ciidamada amaanka ay ku howllanyihiin sidii gabadhaas loo heli lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Maleeshiyaad la sheegay inay ka tirsan yihiin Daacish ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarunta guddiga doorashada Liibiya, xili Saraakiisha guddiga ay ahaayen kuwo mashquul badan. Weerarkan oo aad u xooganaa ayaa noqonaaya kii ugu cuslaa oo maleeshiyaadka ay geystaan muddo sanado gadaheeda oo ka dhaca magaalada Tripoli. Weerarka ayaa waxaa fuliyay Dad isa soo miidaamiyay oo galaaftay nolosha 12 qof oo ku sugnaa gudaha xarunta, waxaana shaqsiyaadka dhintay kamid ahaa Seddex Sarkaal oo ka tirsanaa guddiga doorashada. Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa iyaguna tiradooda lagu sheegay inkabadan 20 ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa xarunta guddiga doorashada. Maleeshiyaadka ayaa ismiidaaminta ka hor rasaas ku furay shaqaalaha guddiga doorashada , waxa ayna risaas is waydaarsadeen ilaaladii xaruntaasi, waxaana xigay Ismiidaaminta. Sidoo kale, weerarka waxa uu imaaday xili dadka codbixiyayaasha ay muddooyiinkii ugu dambeeyay wadeen in ay isu diiwaangaliyaan doorashada lagu wado in ay dalkaasi ka dhacdo dabayaaqda sanadkan. Dhinaca kale, maamulka dalka Liibya ayaan weli ka hadal weerarka iyo khasaaraha culus ee ka dhashay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Machadka Daraasaadka Amniga ee ka faalooda siyaasadda Qaaradda Africa (ISS) ayaa warbixin uu ka qoray khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaradka Carabta waxa uu ku sheegay in qorshaha AMISOM ay kaga baxeyso Soomaaliya in uu saameyn ku yeelan doono iyagoo saddex qodob tiigsaneysa kuwaa oo muhiim ay tahay in marka hore la buuxiyo waxana ay kala yihiin: 1: U Diyaargarowga Ciidamada Dowladda in AMISOM ay kala wareegaan dalka. 2: In Horumar laga sameeyo hanaanka siyaasadeed ee dalka. 3: In amaanka Soomaaliya la adkeeyo lana wiiqo awoodda Al-Shabaab. Qodobaka koowaad ayaa lagu sheegay in shuruudihiisa lagu buuxin karo maamulka dowladda Iyo Hogaanka Ciidamada dalka oo tababar iyo qalabeyn isuga dara Ciidamada, maadaama Doorkii Imaaradka uu meesha ka baxay iyadoo hoosta laga xaqriiqay in Ciidamada Imaaradku tababareen asysan adeecin awaamirta Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed., waxaana AMISOM ay la taala dhaceysa in ay buuxiso booskii Imaaradku banaayeen ka hor inta aan la gaarin waqtiga ay dalka isaga baxayaan. Qodobka Labaad oo ah hanaanka siyaasadeed ee dalka ayaa lagu sheegay in uu khatar kujiro iyadoo Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in 2020-ka la qabto doorasho qof iyo cod ah taa oo u baahan in Soomaaliya laga gacan siiyo, waxaana laga cabqsi qabaa in Imaaradku taageeraan Mucaaradka dowladda iyo Maamul Goboleedyada Dalka oo arintani saameyn ku yeelan kara. Ururka daraasadaha amniga ee loo soo gaabiyo (ISS) ayaa qodobkiisa ugu dambeeya ku sharaxay in ay wiiqmi karto awoodda ciidamada Dowladda marka loo eego taageeradii Imaaradka Carabta iyadoo la sheegay in ay dib uga guran karaan ciidamada goobihii ay horay u qabsadeen. Al shabaab iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda ayaa ka faa’ideysanaya khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaradka waxeyna u tahay fursad ay ku kobci karaan awoodooda, iyagoo sii ahaan kara caqabad siijiidanta oo Soomaaliya ka jirta. Madaxa ururu Goboleedka IGAD u qaabilsan Barnaamijka Nabadgalyada iyo dib u habeynta ninka lagu magacaabo Abebe Muluneh ayaa waxa uu sheegay in saameynta ka dhalata khilaafka ka tagaan Soomaaliya uu gabi ahaanba suurtagalin karo in AMISOM aysan ka bixin Soomaaliya xitaa 2020.. Daraasadda Macahadka ka faalooda arimaha amniga Africa ee (ISS)ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay in Khilaaf siyaasadeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta in uu keeni karo Qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee dalka, waxaana Dalka uu ahaan doonaa mid xaalado adag ku jira iyadoo intaas ay dhaartahay Khatar dhanka Amniga ah oo nabadgalayada dalka sii cuuryaamisa, waxaana Khubradda Daraasadan sameysay ay ku taliyeen in nidaam dibloomaasiyadeed lagu xaliyo khilaafka labada dal si UAE ay u siiwado taageerada aysiin jirtay dowladda iyo ciidamada. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: issafrica.org
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle), ayaa sheegay in Wasaaradu ay maalmaha soo socda laba jibaari doonto amniga magaalada Muqdisho. Wasiir Ducaalle, ayaa sheegay in Wasaarada amniga ay ahmiyad gaara siin doonto amniga magalada Muqdisho oo iminka degan. Waxa uu tilmaamay in ciidamada amaanka ay ku guda jiraan howlahooda caadiga ah, hase yeeshee ay xoojin doonaan amniga magaalada. Dadka shacabka ayuu sheegay inay si rasmi ah ula shaqeeyan ciidamada amaanka, waxa uuna cadeeyay in guulaha amniga Muqdisho, ay tahay mid ay u sabab yihiin ciidamada iyo dadka shacabka ah ee iskaashanaaya. ‘’Waxaa guul ah inuu jiro Isfahan xiligaan u dhexeeya ciidamada amaanka iyo shacabka, waxa ay si toosa isaga kaashadaan amniga, waayo waxa ay shacabku garwaaqsadeen in ciidanka la’aantooda aan la heleynin amni’’ Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle), waxa uu ciidamada amaanka ugu baaqay inay wanaajiyaan la dhaqanka shacabka ku howlan kaalmeyntooda, waxa uuna meesha ka saaray in afka laga qabsan doono Askarigii ku khaldama shacabka. ‘’Waxaan ku wargalinayaa ciidamada inay sii wanaajiyaan la dhaqanka shacabka, askarigii ku xadgudbaa qof shacab ah waxaan usii sheegeynaa ha u diyaar garoobo sharciga’’ Sidoo kale, Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle), ayaa ku celcelshay in awooda ugu badan ay isugu geyn doonaan amniga magaalada Muqdisho, waxa uuna ku taliyay in lala shaqeeyo ciidamada. Haddalka Wasiir Ducaale, ayaa imaanaya iyadoo xaalada amni ee magaalada Muqdisho ay tahay mid marba marka xigta kasii wanaagsanaaneysa halka ay taagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Casharo Siyaasadeed ayaa laga baran-karaa doorashada cusub ee Gudoomiyaha Barlamaanka taas oo ka natiija duwan wadadii Siyaasada Somaliya ee horay looga bartay. Sanadkii ay jirtay dawladda M. Farmaajo waxa ay la timid Siyaasado iyo Wadiiqooyin ka duwan kuwii lagu socon-jiray 16 sano, waxa ayna iskula dhaceen Xildhibaano, Siyaasiyiin, Madax-gobaleedyo, Dawlado Shisheeye iyo Ururo Caalami ah oo horay u hagi jiray Siyaasada Somaliya 16 sano, waxaana ka dhashay is-maandhaaf wadada lagu Hogaaminayo Siyaasada, Dhaqaalaha, Amniga, Xiriirka dibadda, Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Gobalada, Heshiisyada dibadda iyo Go’aan-qaadashada Madaxda Dalka. Doorashada Gudoomiyaha oo ka dhalatay kala maan Siyaasadeed oo soo socday ilaa 2 sano ayaa laga bara karaa casharadaan iyo kuwa kale: 1-Waxaa tartan adag galay laba Aragti oo mid guulaysatay: A)-Xildhibaanada Xukuumadda Nabad & Nolol oo ka faa’iidaysanaya xasilooni-daradii siyaasadeed ee la soo maray ayaa ku dooday aragti ah; in ay u baahan-yihiin helitaanka Aqlabiyadda Golaha Shacabka iyo Guddoonkiisa si ay u helaan kalsoonida Golaha una difaacaan jiritaankooda, una ansixiyaan shuruucda la xiriirta hawlaha Qaranka sida ka jirto Dawladaha Barlamaaniga ah, gaar ahaan kuwa deriska nala ah; Kenya, Ethoipia iyo DJibouti oo Xukuumada-hooda iyo Baarlamaana-dooda ay ka dhexayso is kaashi, wada shaqayn iyo is dhameystir. B)- Xildhibaanada Mucaaradka oo ku dooday aragti ah; in la kala ilaaliyo Xukuumadda iyo Barlamaanka si loola xisaabtamo Xukuumadda, awoodahana la kala saaro, hay’adaha Dawladana laga dhex helo Mucaarad iyo Muxaafid sidii M. Obama iyo Barlamaankii Aqlabiyadda Jamhuuriyiinta ay u wada shaqeeyeen. 2-Shacabka uu matalo Golaha Shacabka oo ka daalay is qab-qabsiga hay’adaha dawladda, culaysna ku saaray in Goluhu la shaqeeyo Xukuumadda. 3-Musharax Mursal oo lagu dhaliilay in Xukuumadu wadato taas oo loo arkay Posative halka kuwii hore lagu eedeen jiray in Dawlado Shisheeye ay wataan. 4-Mucaaradka oo looga bartay in ay la kufaan Qofkii ay qaadaan-ba sida; Xildhibaan Xidig oo ay u doorteen bilawgii sanadkii hore Gudoomiye Horu-socod, Madaxweyne Cali Cosoble, Xaaf iyo Shariif Xasan oo sigtay, Gudoomiye Thaabit iyo Jawaari oo ay galaafteen iyo Musharax Ibraahin Yarow oo ay Calankii ugu danbeeyay u qaadeen. 5-Fara-gelintii Shisheeye ee doorashada Somaaliya oo yaraatay sida ka muuqatay is casilaadii Jawaari iyo doorashadii Mursal. 6-Fikirkii iyo aragtidii Xildhibaanada Barlamaanka oo is bedeshay iyaga oo horay u jeclaa in ay mar kasta doortaan qofka cusub ee ay mucaaradku wataan lkn sanadkaan waxa ay u arkeen in dantooda iyo tan shacabka ay matalaan ku jirto doorashada Musharax ka tirsanaa Xukuumadda. 7-Xukuumadda oo 3 Culays ay horay u haysteen ayuu mid ka mid ah meesha ka baxay sida: A)-Khilaafkii Hay’adahaha Fedaraalka iyo Mucaaradkii Xamar oo u muuqda in Xukuumadu ka guleeysatay kadib markii ay ka heshay taageerada Guddoonka iyo Aqlabiyada Golaha Shacabka. B)-Khilaafkii Maamul-gobaleedyada iyo Fedaraalka oo weli qaar ka dhimanyahay una baahan xal u raadin. C)-Khilaafkii Khaliijka, Xulafaysiga Gobalka iyo fara-gelinta Shisheeye oo weli saamayn ku leh dawladda iyo dawlad-nimada Somaaliya una baahan xal iyo go’aano wada jir ah. Hadaba waxaan Talo kusoo jeedin-lahaa: 1-In Xukuumadu guusheeda baqo ku darto, lana timaado Qorshe cusub. 2-In Mucaaradku Xisaabaad-tooda Siyaasadeed dib ugu laabtaan, Qiimayn cusubna ku sameeyaan inta aysan talaab kale qaadin. 3-In Gudoomiye Mursal Cadaalad iyo Sinaan ku Hogaamiyo Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafidkaba. 4-In Xildhibaanada Mucaaradku ay aqbalaan lana shaqeeyaan Aqlabiyadda Muxaafidka inta ay Aqlabiyad ka helayaan mar danbe. 5-In loo wada jeesto difaaca Qaran-nimada, Midnimada iyo Madax-banaanida Dalka. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
-
Ayaanle Macalin Cabbeey oo ka mid ah dhalinyada firfircoon ee gobalka Gedo ayaa isoo diray farrintaan su’aasha ah ee hoos ku oqran: Masuul waxaan rabaa inaan kula wadaago dhallinyarada gobalka gedo Masiibada goonida u haysato oo naga reebtay goballada kale ama Xamarta an maanta ku suganahay aan kaga duwannahay annagoo haysanno dhul dihan oo dekad ah haddana maankeenna kuma fooraro wax la xariiro hanaqaad horumareed dhanka siyaasadana kuma jirno oo xaquuq xitaa kama helno. Adiga oo ah aqoonyahan wax badan ka qoro siyaasadda iyo arrimaha Somalia,sideen ku heli karnaa fakar mideysan oo wax baddala ama aan wax is bedal ah ku sameyn karno? Laga billaabo degmo ilaa iyo tuulo malahan wax xariir siyaasadeed ah iyo dano isku dhafan,anagoo ku dhex nool marxaladda aad marqatiga ka tahay sideen ku heli karnaa fursad an kaga gudubno meesha maanta an naalno oon ubeegsan karnaa halka nalaga doonayo inaan ka muuqanno oon ka dhallinyara ahaan ku muujin karnaa doowrka anku leenahay bulshadeena? Marka hore waxaan ka cudurdaaranaya inaanan ahayn ninki ku habboonaa su’aashaan. Maahi aqoonyahan. Takhasus gooni ah uma lihi dhibaatooyinka noocaan oo kale ah. Sidoo kale ma jirto cilmibaaris aan sameeyay oo aan ku salaynayo mushkiladda uu Ayaanle sheegay. Sidaa darteed wixii aan halkaan ku qoro waa sida ay aniga ila tahay. Maahan nas iyo arrin haysato baaris qoto dheer. Waa dood furan oo qof walba uu aragtidiisa ka dhiiban karo. Kaliya markaan ka doodno mushkilada jirto ayuu xalku noo muuqan karaa. Dhalinyadu waa halbowlaha horumarka ummadeed. Waa shaagga uu ku dhaqaaqo isbadalku, waxaa kiciyaha bulsho huruddo. Isbadal walba oo dunida soo maray waxaa suura galiyay dhalin yaro. Bal eeg sidii dhalintii ree Madiino salka ugu dhigeen dowladdii Islaamka ee Suubbanuhu NNKH dhisay. Dhawaanahaan kacdoonnadii isbadal doonka ahaa oo dhan dhalinyaro ayaa hoggaanka u haysay: Hadduu yahay dhaqdhaqaaqi bulshada rayidka ah ee dadka madow ee Maraykanka xaqooda lagu doonayay, midki xasuuqii Maraykanku ku hayay Fiitnaam looga soo horjeeday iyo kii darraad ahaa ee Gugii Carabta ee dhiigyacabyadii Xusni Mubaarak iyo Zaynul-caabiddiin kurisga looga tuuray. Sidoo kale, horumarka dhaqaale, kan aqooneed iyo kan tegnoolojiyadeedba waxaa hormuudka ah dhalin yaro. Maqli maysid oday ayaa hal abuuray aalad cusub. Laga yaabo mid dhalinyaronimo ku billaabay iqtiraaq inuu da’ weyn kale ku sameeyo. Sidaa darteed dhalinta oo madasha hormuudka nolosha laga waayo waa musiibo aan la dhayalsan karin iyo dib u dhac bulsho oo dheelinayo. Xalka arrintaan ma aan hayo oo oran mahayo sidaas iyo sidaas ha yeelo dhibka waa laga bixiye balse waxaan is leeyahay dhibka haddii la fahmo xalka waa la heli. Sida ay anigu ila tahayna muskiladdu waa hijrada. Sanad walba waxaa da’o roobab xoog badan kuwaas oo buuxiyo bololaha waaweyn ee gobalka Gedo. Sidi aan maalin aan fogayn idinla wadaagay https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/04/reer-rag-leeyahay-roob-saan-ma-u-galaa.html biyaha badan ee ay boholuhu keenaan waxay socod ku maraan dhul ballaaran iyagoo yaacayo oo ku jihaysan xaggaas iyo Wabi Jubba. Inta ay socdaan waa laga cabbaa, beero xoogaa ah ayay waraabiyaan laakiin wax kale lagama dheefo oo sidaas ayay ku dhaafaan gobalka. Biyaha boholahaas maray waxaa la mid ah dhalinyarada gobalka Gedo. Dhammaan siddeeda dagmo ee gobalku ka kooban yahay waxay ka siman yihiin inay dhalintu ka haajirto markay soo kacaan. Hadda ka hor Axmeey Xirsi Dheere oo saaxiibkeey ah ayaa igu yiri Garbahaareey waa meel aad u yar haddana qof walba oo aan barto iyadaan ka imid ayuu leeyahaye magaaladu ma god hoose oo lagu noolaado ayay leedahay xagay intaan oo dad ah ku haysay? Waxaan ku iri waa la isu banneeyaa. Halki ku koray ay magaalada ballaarin lahaayeen oo guryo cusub iyo suuqyo la dhisi lahaa, ayay ka hijroodaan. Marka booskoodi waxaa galo kuwa soo kacayo sidaas ayayna ku socotaa ilaa maanta. Warkaasu waa xaqiiq. Ilaa dowladdi dhexe, Gobalka sidaas ayaa looga haajirayay, joogidda dhalintuna waa inta ay dugsi-sare ka dhammaynayaan. Hijrada iyo dhalinta Dunida oo dhan in dhalinta daafaha ku dhalato u hijroodaan magaalooyinka waaweyn waa mid sugan. Sahan lagu sameeyay 150 dal ayaa tusay in rubac ka mid ah dhalinta ka yar 24 sano ay rabaan inay ka haajiraan deegaannadooda. Qaaradda Afrika dhalinteeda hijro ayaa kala reebtay. Lab iyo dhadig isku si ayay nolol doon u yihiin. Cilmibaarisyo koox ah oo dalal kala duwan oo Afrikaan ah lagu sameeyay waxay tuseen in 101 dhadig ah oo ka yar 20 sano ay caasimadaha u hijroodaan marki ay 100 lab ah hijrotaba. Hijradu had iyo jeer maahan mid taban ee marar badan waxay saamayn togan ku yeetaa meelihii laga haajiray. Tusaale, dhalinta hijrootay waxay yarayn culayska shaqo doonka oo inta hartay inay shaqo hesho u badi mushaar fiicanna la siiyo. Labo, kuwa baxay waxay soo diraan lacago wax u taro nolosha qoysaskooda ugu danbayna dagmada gaarto oo dhaqaalaha kobciso. Sadex, aqoon iyo xirfad ayay soo baran oo dib ugu soo celiyaan meelihii ay ka hijroodeen. Afar, ilbaxnimo iyo waayo-aragnimo ayay lasoo noqdaan. Hasayeeshee, dhalinta Gedo faaiidooyinkaan lagama helo marki laga reebo hal iyo labo aan macno weyn samayn. Garbahaareey iyo Ceelcadde waa labada dagmo ee ardayda ugu badan ee dibbadda waxbarsho u aadday ay ka yimaadeen. Intaan ogahay ma jiro mid dib ugu laabtay markuu wax soo bartay. Intaan isku dayay inaan ogaado waxaan la ii sheegay hal Garbahaareey ah oo Suudaan kasoo laabtay iyo mid Ceelcadde ah oo iskoolka sare macallin ka noqday marki uu Bakistaan wax kusoo bartay ka dib. Kumannaan ayaan labo kaliya ka haynaa. Maskaxdi iyo waayo-aragnimadi waxay la aadaan Xamar. Intooda badan shaqo kama helaan oo dhaqaale dib uguma soo celiyaan dagmooyinki ay ka yimaadeen. Sidaa darteed aqoon iyp dhaqaale toona lagama faaiido. Kuwa badan iyagaaba ka dhuro dhaqaale oo waalidkood Xamar ku biilaan. Intaas waxaa dheer in dhalinta Gedo ay iyagoo Xamar joogo rabaan inay isbadal keenaan si la mid ah sida siyaasiyiinta gobalku aysan cag usoo dhigin meelihii ay matalayeen. Waxaa jiro qaylo iyo sawaxan kasoo yeerayo dhalinta iyo siyaasiyiinta gobalka. Eedo badan ayaa loo jeedinayaa madaxda dowladda dhexe iyo midda Jubaland. Haddana cida sharqarayso ma joogto meesha ay wax u rabeen! Haddii aan usoo laabto su’aasha Ayaalne jawaabteeda. Dhalintu uma baahna in la mideeyo. Gobalku aad ayuu u ballaaran yahay waxaana ku nool dad badan oo kala duwan. Dhaqaale, xirfad, aqoon, siyaasad iyo hammi intaba waa ku kala duwan tahay dhalintu. Sidaas darteed inay mid noqoto ma dhici karto. Kala duwanaanshuhu sidiisaba dhib ma keeno ee isqabsiga iyo wada shaqayn la’aanta ayaa keento. Marka waxba waqti yaan la galin in la helo hal urur oo gobalka matalo ee ha laisu xiro ururada badan ee ka jiro dagmooyinka hal dallad oo kulmiso iyagoo kala duwanna ha loo sameeyo ayaan dhihi lahaa. Midda sideen wax ku noqonnaa waxaan ka leeyahay kaliya marki ay dhalintu ku noqto gobalki ayay wax noqon karaan, wax soo kordhin karaan waxna baddali karaan. Inta hijradu socoto dhalinta Gedo waxay la mid ahaan biyaha na maro bilo ka dibna aan ka oommannahay. Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/