-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (PP) ─ Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa Qarax is-miidaamin ah lagula beegsaday koontaroolka Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ka yimid saldhigga ciidamada ee Balli-doogle kuna socday Muqdisho. Kolonyada gaadiidka ah ayaa la sheegay inay soo gaartay khasaare aad u xooggan, inkastoo aan la ogeyn inta uu le’g yaha, waxaase dad goobta ku sugna ay sheegeen inay dhinteen askar iyo dad shacab ah oo goobta ka dhawaa. Goobjoogayaal la hadlay warbahinta aya asheegay in maydadka lix qof ay goobta ku arkeen, dhaawacyo dhawr ah ay jiraan, waxaana ciidamadan lala beegasday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Weerarka ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa durba sheegatay kooxda Al-shabaab, iyagoo warar ay baahiyeen ku sheegay inay ku dileen tobaneeyo ka mid ah askarta ciidamada dowladda Somalia. Sidoo kale, ciidankii weerarka ka badnaaday ay goobta oo dhan xireen, isla markaana aysan jirin wax iska-horimaad ah oo qaraxa kaddib dhacay, balse waxaa jirta cabsi weyn oo goobta laga dareemayo. Kooxda Al-shabaab ayaa marka la gaaro bisha Ramaaan waxay kordhiyaan weerarrada ay ka geysanayaan deegaannada ay dowladda Somalia xukunto oo ay ku jirto Muqdisho oo xalay ay dilal kala duwan ka dhaceen. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin khasaaraha qaraxaan kasoo gaartay kolonyadii ciidamada dowladda Somalia ee la weeraray, iyadoo weerarkan uu imaanayo xilli uu muran adag u dhexeeya maamullada dalka ka jira iyo dowladda federaalka ah. Wixii kasoo kordha Qaraxan waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda. PUNTLAND POST The post DEG-DEG: Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Waqti dheer ka hor Shiinuhu waxa uu ahaa dalka dunida ugu dhaqaalaha badan tan iyo qarnigii 19-aad waxaana bedalay oo kaalinta Koowaad galay dalka Mareykanka oo ka faa’iideystay fursado badan oo uu heystay, kadib Shiinuhu waxa uu billaabay siyaasad cusub oo dib loogu qaabeynayo dhaqaalahiisa, isaga oo gaaray in celcelis ahaan dhaqaalihiisu sanadkii uu kordho 9.5% isaga oo uu shiinuhu sii joogteeyey horumar dhaqaalle oo joogta ah xilli aad u dheer, sida uu horay u sheegay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping siyaasadda Shiinaha ee cusub waa in albaabada loo furo cidkasta oo Shiinaha la ganacsaneysa. Shiinaha ayaa galaangal horleh doonaya in uu Afrika ku yeesho isaga oo horay u camiray Suuqyadda waaweyn ee Qaaradda Afrika oo badeecadda Shiinahalaga laga keeno sida daadka loogu soo shubay, taas oo ay sii sahashay wax-soosaarka Shiinaha oo ka jaban dalalka kale ee tartanka kula jira Shiinaha dalalka reer galbeedku waxa ay aaminsanyihiin in Shiinuhu uu doonayo in dhaqaalaha Afrika uu gacanta ku dhigo. Magaladda Beijing oo aan dhowaan booqday waxa ay igu salaantay sida magaaladu ay tusaalle wanaagsan ugu noqon karto wadamada maagaladdu ay daneyneyso ee Afrika, waxaana halka laga qaabeyo nuuca ay noqonayaan waddooyinka nuucyadda kala duwan leh ee Shiinuhu uu ka hirgeliyey waddooyin badan oo Shiinaha iyo Yurub ku yaalla, kuwaas oo uu Shiinuhu dhisay iyo kuwo kale oo uu damacsanyahay in hadda uu dhiso. Intii aan ku sugneyn magaladda Beijing innaga oo ah koox weriyayaal ah waxaan la kulanay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Shiinaha haba ugu badnaadaan kuwa qaabilsan Qaaradda Afrika maadama aan Soomaaliya ka soconay. Dadkii aan la kulanay waxaa ka mid ahaa Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibbadda Waaxdeeda Africa, Hu Zhang Lian waxa uu inoo sheegay in ay aad u daneynayaan Afrika oo xiriir wanaagsani kala dhexeeyo, waxa uu si gooni ah u xusay dalalka barriga Afrika, waxa uu inoo sheegay in ay hadda aad u daneynayaan Soomaaliya oo ay sugi’la yihiin inta ay maalgalin toos ah ugu sameynayaan Soomaaliya, laakiin wali ay soomaliya ka taaganyihiin duruufo aan taageereyn in Soomaliya ay u fasaxaan muwaadiniintooda in ay tagaan. Siyaasadda Shiinaha ee halka cunug oo sanado badan dalkaa ka jirtay ayaa keeneysa in shacabku ay san u holadan in ay aadan goobaha xalilooni darrado ka jirto sida Soomaaliya oo kale, maadaama halkii qof ee waxyeello soo gaarto uu u dhigmo qoys dhan oo musiibo ku habsatay. maadaama amnigooda iyagu ay masuul ka jihini, balse marka ay xaaladdu isbadasho gacanacsato kadan oo Shiineys ah iyo kuwo dhisaya wadooyinka ayaad lu arki doontaan meelkasta oo Soomaliyo ka mid ah. Dhowaan Shirkad Shiineys ah ayaa heshiis la agaartay Soomaliya si dib u dhis loogu Sameeyo dekadda Hobyo ee Maamulka Galmudug, waxa ayna Shiineysku ay dhiseen dhowaan eelaboorka Boosaaso iyga oo si gooni ah u daneynaya in mashaariic horumarineyd eey ka Sameeyaan goobaha Xasillan ee Dalka Sida Somaliland iyo Putland. In ka badan 140 Milyan oo shacabkeenna ah ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2017 u safray adduunka intiisa kale iyaga oo ka jawaabay baaqa madaxweyne, Xi Jinping ee ah in dhammaan ay furanyihiin irdaha ganacsiga. Intii aan joognay Beijing dadka magaalaadda ee aan la kulanay waxa ay noo muujiyeen sida ay ugu guuleysteen dhaqankooda ku dhisan dulqaadka iyo xushmada, Beijing oo ay kunoolyihiin dad kabadan 21 milyan inkabadan 7 milyana ay u soo shaqo tagto kamana muuqato in ay tahay magaalo Buuq badan, taasna waxaa ka mahadsan wadooyinka nuucyada badan ee meelkasta maraya iyo shacabka oo qofkastaahi uu shaqo u degdegayo. Warshadaha Chongqing Magaladda Chongqing oo ay ku noolyihiin dad ka badan 30 Milyan ayaa kamid aheyd goobaha aan booqday magaladdan waa magaladda ugu weyn dal weynaha shiinaha waxa ayna ku dadaaleysa magaaladdu in ay ka hormarto dhan walba, magaaladda waxaa kunool dad soodhoweyn leh oo u diyaar ah qaabilaada dad dhaqano kala duwan leh, waxaana ka go, maamulka magaaladda in ay ku dhaqaaqaan tilaabo kasta oo u dhaweynkarta in ay hesho suuq cusub, taas oo aan ka fahmay sida masuuliyiinta shirkadaha waa weyn ee wax soosaarka Chongqing ay ugu kululaayeen in ay lakulmaan ajaanibta magaaladda booqaneysa oo ay fursad dahabi ah u arkaan in ay u shaqraxaan badeecada suuq goobka ah oo ay hayaan. Magaalada waxaa nagu soo Dhoweeyey Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Chongqing Mr Qian Zhaogang oo noo sharaxay sida ganacasatada Shiineyska ah ay u daneeynayaan in ay Soomaaliya ay maalgashtaan isaga oo xusay in bartamaha sanadkan ay carwo ku soo bandhigidoonaan dalka Jabuuti, soomaaliyana ay ilgooni ah ku eegayaan. Intii aan joognay Chongqing Waxaa nalagu casuumay in aan booqasho waqtikooban ah ku bixino warshadda baabuurta sameysa ee WANHOO oo ah shirkad tartan kulul ku wajaheysa dalka shiinaha, Wanhoo waxa ay soo saarta gawaarida looyaqaano Tricycle-ka ee sadexda taayar leh kuwaas oo isugu jira baabuur xamuulka loogu galay oo yar yar iyo kuwa bajaajta loo yaqaano, meelaha ay shirkaddani ay daneyneysay waxaa ka mid ahaa in soomaaliya ay u soo dhoofiso baabuurtaa iyo kuwo nuucyo kala duwan leh oo loo isticmaalo waraabka iyo ka shaqeynta Beeraha, taas oo ay beeraaleyda Soomaaliyeed ka faa’iideysan karaan maadama uu qalabkani abuurayo in marqura uu soo saaro wax-soor mug leh. Madaxweynaha Wanhoo oo aan la sheekeystay waxa uu ii sheegay in shirkaddiisu ay meelo badan oo caalamka ah ka shaqeyso gaar ahaan waxa uu si gaar ah u xusay in suuq fiican ay ku heystaan Barriga qaarada Afrika, sida dalalka Tanzania,Kenya iyo Itoobiya, soomaaliyana ay aad u daneynayaan waqtigaan iyaga oo kalsooni kuqaba in soomaaliya ay u tahay suuq cusub oo mustaqbalka dhow ah. Waxaan sidoo kale booqanay shirkadda gawaarida sameysa ee LIFAN innaga oo goobjoog ka noqonay gawaari ku jirta farsamadoodii gabangabada iyo kuwo markaa naqshadooda la sameynayo, Maamulaha shirkadan Frank lau oo aan kulan la yeelnay waxa uu inoo sheegay sida ay shirkadiisu ay u daneyneyso suuqa soomaaliya oo aysan ku badneyn gawaarida shiinaha lagu sameeyo, waxa uu uu sharaxaad ka bixiyey sida ay ugu howlgalaan wadamada dariska la ah Soomaaliya si fududna ay ugu soo biiri karaan suuqyada dalkeenna. Dal weynaha shiinaha oo dadkiisu ay gaarayaan 1.4 bilyan ayaa soo saaraya dad badan oo xirfadlayaal ah oo u baahan in farsamadooddu ay gaarto meelka baxsan dalkooda,waxaana ka muuqada meelkasta oo dalka shiinaha ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha oo si heersara ah loo farsameeyey, kuwaas oo soojiidashadooda gaarka ah leh. Inkastoo dad gaaraya 30 million oo shiineys ah ay ku noolyihiin faqri haddana magaalooyinka waaweyn ee aan booqanay waxa ay u muuqdeen kuwo aan ka turjumeyn dadkss faqriga ku nool. Si kastaba ha ahaatee Shiinuhu waxa u u muuqdaa wadan ay ka go’antahay in Soomaaliya uu la ganacsado. Axmed-weli Xuseen Maxamuud
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa lagu qabtay dibadbax ka dhan ah mid ka mid ah Telefishinka Fox 9, iyagoona iska fogeeyay warbixin ka baxday oo ay sheegeen in ay Maskaxdii ka dambeysay ay tahay Xisbiga Jamhuuriga ee talada haya. Warbixinta Telefishinka ayay ku tilmaameen in lagu buun buuniyay in Soomaalida Mareykanka ay lacago ku taageeraan waxa Mareykanka ugu yeeray Ururada Argagixisada. Waxay warbixintaas sheegtay in goobaha lagu xanaaneeyo caruurta ee Soomalaida lagu lunsado lacag badan oo ah tan dowadda, kadibna lacagtaas qaarkeed loo diro kooxaha argaixisada. Si kastaba, Caasimada Oe ayaa horey u daabacday inuu jiro baaritaan ku saabsan musuq lagu tuhmayo goobahaas, balse aanu jirin wax xiriir ah oo ku saabsan argagixsada. Halkan ka aqriso. Qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida oo sameeyay Dibadbax ka dhan ah warkaas ayaa meesha ka saaray jiritaanka eedaymaha loo jeediyay. Waxa ay sheegeen in arrintaan hoos loogu dhigaayo Horumarkooda islamarkaana loo jeedinaayo Indhaha Bulshada Mareykanka iyadoona looga faa’iideysanaayo Buun-buuninta Xisbiga Talada haya uu sameynayo. Waxa ay ku baaqeen in aanan lagu deg degin go’aan ka qaadashadooda, hadii ay jiraanna Shaqsiyaad Kiiskaas ku lugta lehna aanan guud ahaan Dadka lagu wada darin balse si gaar ah loola xisaabtamo. Soomaalida Mareykanka gaar ahaan Gobolka Minnesota oo ah halka ay ugu badan yihiin ayaa wajahaya Culeysyo ugu imaanaya Dowladda, waxa ayna arrintaan sheegeen in ay dhalatay markii Madaxweyne Trump uu talada la wareegay.
-
Mogadishu (HOL) - The authorities in the semi-autonomous regional state of Puntland has issued a directive to ban the civilians to travel to the frontline. Source: Hiiraan Online
-
Koox Tooreey Ku hubeeysan ayaa Magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ku dishay labo muwaadin oo Soomaaliyeed. Dilka Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Bartamaha Magaalada London ee dalka Ingiriiska. Booliska ayaa sheegay in ay baadigoobayaan burcadaasi dilka u geeystay muwadiniinta Soomaaliyeed. Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cusman Shidane oo 20-jir ah iyo Cabdiraxmaan Jaamac oo 24-jir ah. Dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ku soo badanaya gudaha dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu Dilay London appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay rag lagu qabtay ,iyagoo Baasaboorka Soomaaliga ku sameynaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxa ay sheegeen in raggaan oo gaaraya ilaa 5 iyaga iyo qalab ay wateen gacanta ku dhigeyn,isla markaana ay ku jiraan Xabsiga Hargeysa. Xogaha ay heleyso Caasimadda Online ayaa waxa ay sheegayaan in raggaan ay tahay markii labaad oo la qabto,waxana horay usii daayey masuuliyiin ka tirsan Maamulkaasi soomaaliland. Xukuumada Somaliland wali kama hadlin talaabada ay ciidamada boolisku ku soo qabteen ragaan ku eedaysan inay baasaaboorka soomaaliya ku samaynayeen gudaha magaalada Hargeysa. Degaanada Somaliland ayaa waxaa ka mamnuuc ah in lagu sameeyo Baasaboorka Soomaaliga,maadaama Somaliland ay sheegtay in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The African Union continues to play an important role in enforcing peace and security on the continent, but the political momentum is shifting toward “coalitions of the willing” and regional economic commissions, according to Africa experts interviewed in Nairobi and Addis Ababa for episode four of Peacebuilders, a nine-part series produced by Carnegie Corporation of New York for its podcast Diffusion. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa, May 22 (Prensa Latina) At least 1.613 436 people are considered internally displaced in Ethiopia, according to the report released today by the news. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in tahriibe ka soo jeeda dalka Itoobiya ay tooagsho ku dileen ciidamada Booliska Somaliland kadib markii uu isku dayey inuu ciidamada ka baxsado. Taliyaha Laanta socdaalka Gabiley ee qaabilsan Xuduudka Tgwajaale Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa sheegay in tahriibaha Itoobiyaanka ah oo kasoo jeeday Qawmiyada Oromada ee dalka Itoobiya uu ku Geeriyooday Togwajaale, kaddib markii uu ay haleeshay rasaas lagu riday xilli uu isku dayay inuu iidanka Booliska ka baxsado. Cabdirashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley,oo Warbaahinta Maamulka Somaliand la hadlay ayaa sheegay in Geerida Ninka Tahriibaha ah timid kaddib markii uu isku dayay in uu Booliska ka baxsado. Booliska ayaa ka war helay goob ay ku suganyihiin Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku sugan Tog-Wajaale,waxaana markii ay tahriibarayaasha ka war heleen in Boolis ku soo socdo isku dayeen in ay ka baxsadaan halkii ay ku sugnaayeen sidaasna rasaas loogu furay uu ku dhintay Nin u dhashay Oromada Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa hay’adaha samafalka ee ka Hawl-gala Deegaannada uu maamulkiisu ka taliyo uga digay inay ku been-abuurtaan shacabka ku nool Jubbaland. Axmed Madoobe oo ka hadlayay kulan maamulkiisa uu la yeeshay hay’adaha samaflaka ee ka hawl-gala Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo loo ogolaado inay wax ka fuliyaan mshaariicda ay hay’adaha samafalku ka fulinayaan deegaannada maamulkiisa. “Hay’adaha samafalka waxay si joogto ah uga been abuurtaan shacabka ku nool deegaanada uu ka taliyo maamuka Jubbaland, waayo waxay sheegtaan mashaariic aysan fulin inay fuliyeen, taasna ma ahan mid aan u dul-qaadan karno,” ayuu yiri madaxweyaha Jubbaland. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in hay’adaha samafalka laga doonayo inay ogolaadaan isla-xisaabtan dhab ah, si loo ogaado mashaariicda ay fuliyaan iyo faa’iidooyinka ay shacabku ka heleen. “Hadde ma wanaagsana i la isku been abuurto… marka waxaan ku talinayaa in hay’adaha sheegta mashaariic aysan fulin inay deegaannadeenna isaga baxaan, kuwa doonaya inay si dhab ah u shaqeeyaanna ay hawlahooda sii wadaan, iyadoo dusha sare lagala soconayo,” ayuu Axmed Madoobe yiri. Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ku dooday in shacabka ku nool deegaannada Jubbaland ay noqdeen kuwo magacooda dhaqaale lagu raadsado, wuxuuna sheegay inuusan wixii xilligaan ka dambeeya inaysan ogolaan doonin dhaqamada noocaas oo kale ah. “Waxaan doonaynaa inaan hay’ad walba la xisaabtanno, hadde hay’addii aan ogolayn isla xisaabtan waa inay deegaannadeena ka baxdo oo aanay dadka deegaannada Jubbaland ku nool u been abuuran,” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed Madoobe. Ugu dambeyn, Hay’ado badan oo kuwa samafalka ah ayaa Jubbooyinka ka hawl-gala, kuwaasoo intooda badan ka shaqeeya caawina shacabka ku nool deegaannadaas, inkastoo aysan wax jawaab ah ka bixin eedeynta uu u soo jeediyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Madoobe oo u Digay Hay’adaha ka Hawl-gala Deegaannada Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa xiligaan la kulmeysa caqabado Siyaasadeed oo kaga imaanaya dalalka shisheeye oo ay ugu horeyso Imaaraadka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta kuwooda ku xiran shisheeyaha. Caqabadaha ugu badan ee xiligaan heysta dowlada Federaalka ayaa ku xeeran mideynta danaha Siyaasadeed ee Somalia iyo mida Shisheeye, arbushaada dhanka Amniga iyo Siyaasada. Dowlada Somalia ayaa waxaa loo adeegsanaya Maamul Goboleedyada ka jira dalka, kuwaa oo ku doodaaya in Dowlada Somalia ay ka weecatay Siyaasada ay kula dhaqmi laheyd dowlada Shisheeye. Maamul Goboleedyada oo loo soo wakiishay sida ay Dowlada Somalia uga cadaadin lahaayen la dhaqanka Dowlada Imaaraadka ayaa ku doodaaya in Somalia aysan awood dhaqaale iyo mid Siyaasadeedba ku aadin Imaaraadka sidaa aawgeed ay muhiim tahay inay la midowdo Imaaraadka. Hogaamiyayaasha Maamulada waxa ay ku andacoonayaan inaanu xushmad ka helin Dowlada Somalia sida Latashiga iyo loo qabto shirar ay ku kala warqaadanayaan. Dhaliilaha Maamulada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa u badan in Dowlada Somalia ay dhinac isaga saareyso shaqsiyaadka ay talada kala dhexeysay. Haddaba haddii DFS laga waayo 4-taan qodob waxaa ku adkaan doonta inay ka miro dhaliso Siyaasada afarta Sano ee aan dhex maquureyno:- 1-In maamul Goboleedyada ay kala tashato waxyaaha aan khaaska aheyn sida Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasada. 2-In Dowlada Federaalka ay mudnaan gaara siiso Siyaasiyiinta Mucaaradka si qudhooda ay qeyb uga qaatan masiirka dalka oo mid guud ah. 3-In Dowlada Federaalka ay ahmiyad gaara siiso Odayaasha dhaqanka oo waayadan u muuqda kuwo aan muuqan, sababo la xiriira la-tashigooda oo meesha ka baxay. 4-In Dowlada Federaalka ay sameyso barnaamijo gaara oo ay ku uruurineyso dhaliisha loo jeedinaayo, ka hor inta mucaaradka aysan la wadaagin Saxaafada xorta ah, waana tan kaliya oo ay ku hor maraan Dowladaha hanaqaaday. Dunida tagtay waxaa laga rumeysan yahay in Dowlad waliba ay tixgalin gaara siiso qodobada aan kor kusoo qornay oo laf dhabar u noqon kara hanaqaadka Dowlad wanaagsan. Dhaliilaha ugu badan ee iminka loo jeediyo Dowlada Somalia ayaa ah la tashi la’aan iyo inaysan ahmiyad gaara siinin shaqsiyaadka miisaanka ku leh dalka. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa looga fadhiyaa inay tixgalin gaara siiso waxyaabaha ku xeeran jiritaanka Qaranka oo ay qeyb ka noqoneyso wadatashi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya inuu socdo qorsho xilka looga qaadayo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya NISA, Xuseen Cismaan Xuseen. Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in Taliyaha NISA oo ka tirsan baarlamaanka Somalia uu diiday inuu iska casilo xubinimadiisa baarlamaanka Somalia, kadib markii la hordhigay in labada dhan uu midi u go’o. Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inoo xaqiijiyay in Xuseen Cismaan Xuseen laga dalbaday inuu iska casilo xubinimada baarlamaanka hase ahaatee uu diiday, maadaama uusan kusii nagaan doonin xilka uu hadda hayo. Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen ay sidoo kale ku adag tahay inuu sii wado howsha amni maadaama uusan laheyn khibrad amni oo suura galinkarta in xiligaan wax looga qabto xoogaga xagjiriinta ah ee al-Shabaab. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in qorshaha magacaabida Xuseen Cismaan Xuseen uu ahaa mid looga gudbaayay xasarad Siyaasadeed oo markaa jirtay kadib weerarkii lagu qaaday Hooyga C/raxmaan Cabdi Shakuur iyo qeyla dhaanta Mucaaradka oo aheyd mid cirka isku shareertay. Xuseen Cismaan Xuseen, oo Siyaasad ahaan aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo iyo R’isul wasaare Kheyre, ayaa sidoo kale xilka NISA loogu magacaabay sida uu kaalin weyn uga qaadan lahaa riditaankii Ex Gudoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu kaalin mugleh ka qaatay. Taliyaha Nabadsugida ayaa iminka lasoo sheegayaa inuu ku dhagan yahay xubinimada baarlamaanka Somalia oo uu kusii shaqeyn doono inta ka harsan dowlada hadda jirta, halka xilka uu ka hayo NISA ay tahay mid ku siman keliya Qaxyo ka dhacaa magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo la kulmay Taliyaha ciidamada NISA ayaa la xaqiijiyay inuu fursad usiiyay doorashada Xubinimada BFS ama NISA. Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa lagu wadaa inuu kala xusho BFS yo NISA, iyadoo Guddiga doorashooyinka Qaranka ay yihiin kuwo u xayiran go’aan ka gaaristiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa(Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Bebera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dayactira Dekadda Berbera. Dayactirka iyo howlaha Dekadda ayaa lasoo sheegayaa inay gacanta kula jiraan Injineero ay wadato shirkada DP World oo iyadu laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta. Dekada Berbera oo murankeeda uu weli taagan yahay ayaa waxaa ka howlgalaaya inkabadan toban Injineero iyo shaqaale kor u dhaafaya todobaatan kuwaa oo gabi ahaan si xooli ah u wada howlaha ka socda Dekadda. Howlaha ka socda Dekadda oo aan fasax loo qabin ayaa waxaa si awood ah u wada maamulka Somaliland iyo Shirkada DP World oo mataleysa Dowlada Imaaraadka carabta. Gudaha Dekada ayaa waxaa ku sugan Saraakiil, Injineero iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Imaaraadka oo si dardar ah u wada howsha dhisme ee Dekadda, halka mas’uuliyiintuna ay yihiin kuwo dusha kala socda sida ay howsha u socto. Howlaha Dekada oo horay loo hakiyay ayaa waxaa dib si qarsoodi ah loogu bilaabay muddo ka yar bil, iyadoo ay kusoo xirtaan Maraakiib iyo Doonyo waaweyn. Maraakiibta nooca yaryar ee Imaaraadka ayaa kamid ah kuwa kusoo xirta waxa ayna wadaan qalab dhismo iyo adeegyo kale. Rarka Maraakiibta ka imaada dalka Imaaraadka ayaa badi sida agab Militery iyo qalab lagu dhisaayo Saldhiga uu Imaaraadka ka sameysanaayo magaalada Berbera. Dowlada Imaaraadka, Somaliland iyo Shirkada DP World ayaa si wada jira u wada qorsho lagu sii wadaayo dhismaha iyo howlaha kale maadaama ay arrinta tahay mid u muuqata in la ilaaway. Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaan ku baraarugsaneyn howlaha dib uga bilowday Dekadda Berbera oo uu khilaaf heerkiisu sareeyo ka taagan yahay. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn fal celinta Dowlada Somalia ee howlaha ay Imaaraadka dib uga bilowday Dekadda Berbera. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
At least six people are thought to have died in Mogadishu as record rainfall brought a wave of flooding and destruction to Somalia. Large storms rocked the southern and central areas of the country on Saturday, including the capital, where water eventually stood almost a metre deep in some parts of the city. Somali media reported six people had been killed by the flooding so far, while hundreds of homes were also thought to have been damaged or destroyed. The United Nation’s Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA), said the rainfall was the heaviest the country had seen in more than 30 years. It estimated more than 750,000 people had been affected by the flooding, while damage to infrastructure and cropland had also been widespread. A new $80m (£59m) appeal has been launched by the UN in a bid to provide short-term relief to the more than 200,000 people thought to have been displaced by the rainfall. “As climate change risks invariably increase, more resources are needed to address the root causes of fragility, chronic poverty and low human development that are affecting the bulk of the population,” said UN humanitarian coordinator for Somalia, Peter de Clercq. Mayor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman, said emergency meetings had been held with the army and national security advisers to coordinate a response to the floods in the city. “The administration continues to provide assistance with the impact of the rainfall,” he wrote on Twitter: “We ask citizens to take part in the rescue to help victims.” “I thank the public and the military for providing assistance to Mogadishu for the impact of rainfall.” Flooding comes against the backdrop of an on-going humanitarian effort to provide aid to millions of people in the country hit by several consecutive drought seasons. The first half of Somalia’s rainy season, which began in March, recorded unprecedented levels of rainfall only comparable with storms seen in Somalia in 1981, experts said. Heavy rains across the country and in the Ethiopian highlands have caused the Juba and Shabelle rivers to burst their banks, causing flash flooding in some areas. OCHA warned more devastation is likely to take place if heavy rains continue, although the full impact of the flooding had yet to be established. Source: Independent
-
It is nearly 10 years since the Kenya Defence Forces entered Somalia in a military operation code named, “linda nchi” First the Kenyan forces set their eyes on the strategic port of Kismayu in its march to neutralize the Al shabaab militant group before being rehatted into the African Union Mission in Somalia -Amisom. Despite loosing hundreds of our gallant soldiers, the KDF and Amisom mission has largely been successful with the former war torn country now enjoying relative peace with a new government in place. Shukri Wachu visited the front line of the war in Somalia and witnessed the changing face of Somalia and tells us the future of the horn of Africa country can never be brighter. Source: – K24 TV
-
Quarry workers in Mandera County took to streets on Monday to protest against government closure of stone mines. Source: Hiiraan Online