Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Norway u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines, ayaa kala hadlay xal-u-helidda arrimaha Barakacayaasha ku nool gudaha iyo daafaha iyo Horumarinta caasimada. Duqa Caasimadda ayaa ka warbixiyey horumarka uu dhinacyada kala duwan ka sameeyey maamulkiisu, gaar ahaan xuquuqul insaanka, dawlad wanaagga, nabadda iyo qorshihiisa ku aadan sidii horumar wax ku ool ah loo gaarsiin lahaa magaalada Muqdisho. Inj. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Norwey sida ay ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu caawinayo bulshada nugul ee gurmad u baahan. Waxuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha Barakacayaasha, gaar ahaan dajinta qorshaha mustaqbalka looga fekerayo 4ta sano ee soo socota in loo helo dib-u-dajin dhameystiran barakacayaasha. “Dalka Norway wuxuu Soomaaliya ka taageeraa arimaha horumarinta, waana waddan aan leenahay xiriir wanaagsan, waxaana safiirkooda ka wada hadalnay sidii ay gacan nooga siin lahaayeen dhanka dib-u-dhiska, gaar ahaan dhismaha Studiom Muqdisho, dib-u-casriyeynta nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda iyo sidii aan xal ugu heli lahayn dadka magaalada ku soo barakacay,” ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Ugu dambeyn, Danjiraha Norwey u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Somalia, gaar ahaan arrimaha amniga bani’adamnimada, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Safiirka Dalka Norway u fadhiya Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. HARGEISA (HOL) - Somali Poet, Naema Ahmed Ibrahim was on Monday released from Prison by Somaliland authorities. Naema was arrested in January this year for alleged facebooks... Source: Hiiraan Online
  3. HARGEISA (HOL) - Somali Poet, Naema Ahmed Ibrahim was on Monday released from Prison by Somaliland authorities. Naema was arrested in January this year for alleged facebooks... Source: Hiiraan Online
  4. Two decades have passed since two of Africa's poorest countries began the continent's deadliest border war. Source: Hiiraan Online
  5. Dhoobley (Caasimadda Online) – Ugu yaraan todobo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax miino degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose oo u dhow xuduuda Kenya. Kolonyo ciidamada Kenya la socdeen ayaa waxaa lala helay qarax xooggan, kaasoo dhaliyay khasaare aad u ballaaran uu ka soo gaaray. Goob joogayaasha ayaa sheegay in gaariga ay la kacday Miinada ay saarnaayeen Kolonyo ciidamo ah, kuwaasi oo sameynayey Roondo, waxaana burburay gaarigii ay saarnaayeen ciidamada. Ma’uuliyiin ka tirsan ciidamada Millatariga Soomaaliya oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in ay arkeen meydadka 7 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya iyo dhaawaca labo kale,kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxa. Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay qeyb ka mid ah baabuurka,arrintaasi oo soo dadjisay dhimashada ciidamada. Goob joogayaasha ayaa sheegay in qaraxa miinada uu dhaliyey qasaaro badan qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa sidoo kale ay waxyeello ka soo gaartay labo baabuur oo kale, isaga oo tilmaamay in tirada dhimashada ay dhaafeyso 10 qof, halka tiro kale oo dad ahna ay soo gaaareen dhaawacyo. Kolonyada ciidamada Kenaya ee qaraxa lala beegsaday ayaa ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna u socdeen saldhig millatari oo ku yaallo magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Todobaadkii la soo dhaafay ayaa 7 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay isla goobtaan ka dib markii lala beegsaday qarax miino oo burburiyey gaarigii ay saarnaayeen. Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika, waxaana ay ka howl galaan Gobolda Jubooyinka iyo Gedo. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa miino, waxaana ay tilmaameen inay ku dileen illaa 15 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdishxo (Caasimadda Online) – Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay dhigeen qaar ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsiyada sare ee Degmada. Rabashadaas ayaa ka dambeysay kadib markii Macalimiinta Imtixaanka qaadeysay dhowr Iskuul oo lagu galayay oo ku yaalla degmada Dharkenley ay sheegeen in qish lagu arkay imtixaanka,isla markaana uu magalada galay. Qaar ka mid ah Ardayda oo aan la hadalnay balse diideen in Magacooda iyo codkooda in Warbaahinta loo adeegsado ayaa waxa ay sheegeen in Maanta hal maado kaliya ay ku galeen Saddex iskuul oo ku yaalla Dharkenley,sidoo kalena loo sheegay in maadooyinka kale la badalayo. Ardeyda ayaa ka cabanayay Imtixaan ay Qishkiisa heleen oo la beddelay,waxaana ay bur burin kula dhaqaaqeen iskuullada ay wax ka baranayeen oo gaaraya ilaa saddex Iskuul. Mid ka mid ah Macallimiinta Ardeydaas oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in qaar ka mid ah Macallimiinta ay wax yeello soo gaartay iyada oo sidoo kale ardeyda ay bur buriyeen qalabkii iskuullada. Macallinka la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Ardey gaareysa ilaa 3,000 oo Ardey ay falkaas ku dhaqaaqeen,iyada oo uu intaas ku daray in Iskuullo kale ay damacsanyihiin. Iskuullada ilaa hadda ay waxyeellada soo gaartay ayuu ku kala sheegay Dhame Yaasiin Cartan,Maxamuud Axmed Cali iyo Dugsiga Dharkeynley lagu magacaabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyey Naciima Axmed Ibraahim, oo loo yaqaan Abwaan Naciima Qorane, oo Hargeysa ku xirneyd muddo ka badan saddex bilood. Read More
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo uu marki ugu horreysay Guddoominayo guddoomiyaha cusub Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulanka oo ah fadhigii 7aad ee kalfadhiga saddexaad ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ajendhiisu yahay ka doodista iyo ansixinta Hab-maamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika. Kulanka maanta ee Golaha shacabka waxaa soo xaadiray xildhibaanno dhan 140 iyadoo si dirqi ah loo helay Kooramnak, halka doorashadii Guddoomiyaha ee dhacday 30kii April ay fadhiyeen 266 Xildhibaan. Golaha shacabka ayaa maanta ku shirkooda loo wareejiyay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay si kumeel gaar ah ugu sii shaqeynayaan inta Xarunta Golaha shacabka oo dayactir lagu sameynayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu cafis ufidiyay Naciimo Abwaan Qorane oo ah gabar abwaanad ah oo dhawaanahan ku xireed xabsi ku yaalla magaalada Hargeeysa. Naciimo Abwaan Qorane ayaa xabsiga la dhigay xilli ey kasoo laabaneeysay magaalada Muqdisho waxaana ciidamada Booliska Somaliland ey ka qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeeysa. Maxkamad ey Somaliland leedahay ayaa gabadhan dhawaan ku xukuntay Sadax sano oo xarig, kadib eedeeymo la xiriira dhaawac ey ugeestay madaxbanaanida Somaliland oo lagu soo edeeyay Xabsiyada Somaliland waxaa ku jira xilligan dad aa tiro yareeyn oo loo heesto fal lamid midka Naciimo lagu eedeeyay oo kala ah, waxaana dadkaa ugu caansan Boqor Buurmadoow oo xilligan xiran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah, isla markaana ka mid ahaa dadkii wax ka ogaa bilow ilaa dhammaad heshiiska 6da markab ee ay dowladda federaalka ah la gashay shirkadda AMOSC, isla markaana magaciisa qariyay ayaa sheegay in heshiiskaas uu jiro, loona galay baahi jirtay, welina jirta isaga oo intaasi raaciyay in heshiiska muhiim u yahay in ay ciidamada badda helaan maraakiib, tababar iyo aqoon ay ku ilaaliyaan baddeena. Qoraallo cusub oo aan helnay waxaa ku cad in wasaaradda gashaandhigga ay casuumaad u dirtay shirkadda AMOSC June 9, 2016 si saraakiisheeda Muqdisho u yimaadaan, oo wadatashiyo u sameeyaan, laakin kulankan ma dhicin. Dhinaca kale, Kulan ay wasaaradda gashaandhigga la qaateen June 13, 2016 guddi qiimeynta oo ka kooban wasiirka maaliyadda, xubno ka socday xafiiska madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha 9 xubnood oo kale oo ay ku jiraan Bangiga adduunka, IMF iyo Bangiga horumarinta Afrika ayaa laga soo saaray qoraal. Qoraalkan oo lagu faah-faahiyay wixii kulanka ka dhacay waxaa uu so baxay August 30, 2016, wasaaradda gashaandhigga waxaa ay guddigan u sheetay in shirkadda AMOSC ay wasaaradda kusoo wargelisay in aanu heshiiska sii socon karin, isla markaana uu dhintay, balse muuqaal aan aragnay waxaa u jiray in bil kadib uu xarunta shirkadda booqday Dr. Ali Said Faqi isaga oo sheegay wladda maalgelin raadineyso. Isla arrintaas su’aal aan ka weydiinay hirkadda AMOSC , in dowladda federaalka ah ku dhaheen heshiiska waa ka baxnay iyo in kale? shirkadda arrintaas waa inkirtay, iyaga oo intaasi raaciyay in heshiiska uu dhaqan galay markii la saxiixay, isla markaana ay xaqooda waddo sharci ah ku raadsanayaan. Isha: Goobjoog
  11. Dekedda Bosaso Dekadda magaalada Boosaaso ayaa maalintii afraad xiran kadib markii ay ganacsatada wax kala soo dega ay diideen lacago dheeraad oo ay soo rogtay shirkad dhawaan la sameeyey oo loogu talagalay hubinta tayada badeecada kasoo dega dekadda. Ganacsatada ayaa sharci daro ku tilmaamay lacagaha dheeriga ah ee lagu soo rogey waxayna diideen inay maciishadooda kasoo dejiyaan dekadda, waxaana banaanka hore ee dekadda taagan dhamaan gaadiidkii dekadda u socdey. Illaa hada wax wara kama soo saarin Dawlada Puntland arintan taagan, mar ay PUNTLAND POST isku dayday inay xiriir la samaysana masuuliyiinta Wasaaradaha dekadaha iyo Maaliyada uma aysan suura gelin. Wararka kasoo baxaaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Dawlada Puntland ay dadaal ugu jirto xalinta xirnaashaha dekadda. Dekadda Bosaaso waa isha dhaqaale ee Puntland, mar kasta oo ay arintani dhacdana waxay saamayn ku yeelataa dhaqaalaha guud ahaan degaanada Puntland. Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaraya shirkada Tayo dhowrka Puntland Shirkadaha ganacsiga Soomaaliya ayaa dalka keena badeecado aan tayadooda la baarin oo qaarkood dhaceen, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed u geysta dhibaatooyin caafimaad daro. Balse Puntland ayaa markii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ku guuleystay in ay sameyso shirkad ilaalisa tayada badeecada soo gala deegaanada Puntland. PUNTLAND POST The post Dekadda Bosaso oo maalintii afraad xiran appeared first on Puntland Post.
  12. Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Amb Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir gudoominaya kulankiisii ugu horeeyay ee Baarlamaanka. Xildhibaanada ayaa mid kamid ah kulamadoodii caadiga ah ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayaa Ajande ku saabsan qaabka loo aas aasay Midowga Afrika oo Soomaaliya ay qeeyb ka tahay. Ajandahaasi waxaa kal hore loo gudbiyay Golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya islamarkaasina ay ansixiyeen. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaalo ajandayaal kala duwan oo ay soo gudbisay xukuumada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo Markii ugu horeeysay Shir Gudoominaya appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay booqashadii uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ugu tegay sarkaalkii ONLF oo dowladda Soomaaliya ayu dhiibtay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax. Siyaasiga ayaa sheegay inuu u mahad celinayo Madaxweynaha Jubbaland Sheikh Axmad Madoobe booqashada uu ugu tegey iyo dadaalka uu ugu jiro sii daynta Qalbidhagax, isagoo ku bogaadiyey tallaabada uu qaaday ee ah inuu arko Qalbi dhagax. “Waan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jubbaland Sheikh Axmad Madoobe booqashada uu ugu tegey iyo dadaalka uu ugu jiro sii daynta Qalbidhagax. Siyaasiga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hadii lagu dhaqmi lahaa qodobo ka mid ah Dastuurka dalka in Madaxweynaha Soomaaliya uusan dalkaan Madaxweyne ka ahaan laheyn. “Haddii dastuurka la dhowrayo iyo sharciyada dalka u yaala gaar ahaan qodabka 36aad ee Dastuurka iyo qodobka 11aad ee xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed, Farmaajo maanta dalka Madaxweyne kama ahaadeen..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo madaxweyne Farmaajo ku weeraray inuu jebiyay dastuurka dalka u yaalla. Labada Qodob ayaa ka hadlaya xuquuqda qofka Muwaadinka ah iyo isu celinta maxaabiista, iyadoo aanu ku jirin qodob ka hadlaya ujeedka siyaasiga u soo qaatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Jamhadda ONLF ayaa ka hadashay kulankii dhex-maray Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), iyo C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka Tirsan Saraakiisha Jamhadda. Afhayeenka Jamhadda ONLF Cabdul-Qaadir Hirmooge Cadaani oo la hadlay Mid kamid ah warbaahinta Gudaha ee Muqdisho ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan kulanka Axmed madoobe iyo Qalbi Dhagax, iyo dadaalo ku aadan sii deysmadiisa. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) uu qaaday talaabo aad u wanaagsan, islamarkaana ay dhabar jab ku tahay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhiibay markii hore. Dhanka kale Afhayeenka Jamhadda ONLF Cabdul-Qaadir Hirmooge Cadaani ayaa sheegay in xiriirkiisa ay waayeen qalbi dhagax Mudooyinkii dambe,islamarkaana sawiradda markii ay arkeen ay aad ugu farxeyn dhamaan dadka taageera Jamhadda ONLF. Shalay Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed madoobe ayaa bartiisa bulshadda ku baahiyay sawirro muuinaya kulan uu la qaatay C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka Tirsan Saraakiisha jamadda. PUNTLAND POST The post ONLF:-“Axmed Madoobe Wuxuu Saxayaa Qaladkii ay Galeen Madaxda Dowladda” appeared first on Puntland Post.
  15. Though it purports to be federalist, Puntland carries itself as a quasi-secessionist entity when it suits her. When Puntland disagrees with the Federal Government of Somalia it cuts ties with it, seeking to undermine the national government on the world stage. Source: Hiiraan Online
  16. Abwaanad Niciimo Qorone oo Dhowaanahaan ku xirneyd magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland oo goordhoweyd dib xoriyadeedii u heshay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u fidiyay Cafis sii deeyn Xabsiga Magaalada Hargeysa. Niciimo Qorone ayaa xabsi sadex sano ah lagu xukumay kadib markii eedeeymo kala duwan ay u jeedisay Maxkamadda Hargeysa. Aabaha dhalay Niciimo Qorone ayaa shalay la kulmay Madaxweyne Bixii isaga oo kala hadlay in Gabadhiisa la sii daayo. Somaliland ayaa waxaa ka jira Caburin dhanka afgaarta ah oo lagu eedeeynayo maamulkaasi. Waxaa Xabsiga Hargeysa ku xiran Boqor Buurmadoow oo Maxkamadda Hargeysa ku xukuntay 3 sano oo xarig ah kadib markii oo uu magaalada Carmo ee Puntland kaga qaybgalay caleemasaarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Niciimo Qorone oo Xabsiga laga sii daayay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in dalalka carabta uu Heshiisyo la galo isagoo ogaalkiisa qaba. Gaas, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu garanaayo wixii dani ugu jirto maamulkiisa, hase ahaatee uusan la yaabeynin dhinacyada kasoo horjeeda xiriirka Puntland iyo dowladaha kale. Waxa uu tilmaamay in Heshiisyo uu la galaa dowlado kale aysan ka turjumeynin inuu yahay ‘’dhibwade’’ balse ay muujineyso Horumar, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Anaga oo la socna xaalada jirta ayaan galnaa Heshiis, dabcan weynu garaneynaa waxa noo dawo ah, Puntland danteeda looma tilmaamaayo’’ Gaas, ayaa tilmaamay in Madaxda dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay mas’uuliyad kawada saaran tahay dalka, sidaa aawgeed ay doonayaan inay muujiyaan kaalin tooda. Sidoo kale, C/wali Gaas ayaa tilmaamay in Puntland ay horay uga fiirsatay wixii dani ugu jira, hase ahaatee iminka ay doonayaan inay ka shaqeeyan horumarkooda. Haddalka C/weli Gaas ayaa u muuqanaaya mid daba socda dhaliilo dhawaan loo jeediyay oo la xiriirta in Heshiisyo lid ku ah dowlada Somalia uu lasoo galay dowlada Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Bodies of Kenyan soldiers being transpoted by ambulances as they arrive at Wilson airport, Nairobi Kenya, Friday Jan 27, 2017. A spokesman for extremist group al-Shabab says its fighters have killed at least 51 Kenyan soldiers in an attack on an army base in Kulbiyow, a town in Lower Jubba region. Sheikh Abdiaziz Abu-Musab says the fighters also seized military vehicles during Friday’s early morning attack. But Kenyan military spokesman P.M. Njuguna in a statement says the “rumors” being spread by al-Shabab are false (AP Photo/Khalil Senosi) Dhoobley (PP) ─ Ugu yaraan todobo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax miino degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose oo u dhow xuduuda Kenya. Mid ka mid ah gaadiidka ay wateen Ciidanka Kenya ayaa waxaa lala haleelay Qarax xooggan, kaasoo dhaliyay khasaare aad u ballaaran uu ka soo gaaray. Sarkaal ka tirsan ciidamada millateriga Soomaaliya ayaa sheegay inuu arkay dhimashada todobo askari iyo dhaawaca labo askari. Ciidamada Kenya ayaa xilliga qaraxa lala eeganayay ku sii jeeday saldhig ciidan ay ku leeyihiin Dhoobley. Dhanka kale, Ciidamada Kenya ayaa Qayb ka ah hawl-galka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ee loo yaqaan AMISOM, iyagoo ka hawlgala Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo Kenyan ah lagu dilo qaraxyo ka dhacay Jubbooyinka, waxaase weerarkan uu kusoo beegmayaa iyadoo ay ku dhawaaqeen dhawaan ciidamada Kenya inay soo fuliyeen xubno Keenyaan ah oo Al-shabaab ay ku tababaraysay gudaha Somalia. Ugu dambeyn, Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxaan Miino ee waxyeellada u geystay Ciidamada Kenya, Waxayna tilmaameen in ay ku dileen illaa 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya. PUNTLAND POST The post Ciidanka Kenyan ah oo lagu dilay Qarax Miino oo lagula eegtay Deegaanka Dhoobleey appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Militeriga Ugandha ayaa qaadacay qorshaha lagu doonaayo in lagu dhimo Tirada Ciiddanka Nabad-ilaalinta AMISOM. Taliska ayaa sheegay in waxbadan uu ku dheeli doono qorshaha socda ee lagu dhimaayo ciidamada, sidaa aawgeed la doonaayo in laga laabto. Dhimista ciidamada ayey sheegen inay keeni doonto guul darro ku timaada dadaalka loogu jiro Degaanaanshaha Somalia. S/Guuto Paul Lokech oo ka mid ah Taliyayaasha Ciiddanka Uganda ee ka howlgala qeybta AMISOM ayaa sheegay in Ugandha aysan xiligaan diyaar u aheyn inuu guul dareysto Howlgalka AMISOM. Paul Lokech, waxa uu sheegay in guul daradu ay tahay mid imaankarta keliya tirro dhimis lagu sameeyo ciidamada AMISOM, xili la doonaayo in la kordhiyo ciidamada. Paul Lokech, oo laa hadlay Wargeyska new vision ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa sheegay inaysan farri ka qodnayn sidii ay Ciiddanka Somalia ugu wareejin lahaayeen Mas’uuliyadda Sugidda Ammaanka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri. Sidoo kale, Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay AMISOM sidii loo bilaabi lahaa dhimista Ciiddanka AMISOM, iyadoo ay 1,000 Askari mar hore dib loogu celiyey dalalkooda hooyo. Qorshaha Qaramada Midoobay ayaa ah in gabi ahaan amniga Somalia si buuxda loogu wareejiyo ciidamada amaanka Somalia. Dhinaca kale, AMISOM oo doobeysa inay wakhtiga sii dheyreesato ayaa ku hadaaqeysa in Somalia aysan weli gaarin heer loogu wareejin karo amniga guud ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Senatorada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatooyin kala duwan oo xiligaan ay kala kulmaan galitaanka Xarunta Villa Somalia. Senatorada qaar ayaa sheegay inay aad ugu adag tahay inay gudaha u galaan Xarunta Villa Somalia ama ay la kulmaan Madaxda ugu sareysa dalka, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa. Waxa ay tilmaameen in Villa Somalia aan laga garaneynin qiimaha Senatorada, halka laga qadariyo shaqaalaha kale ee dowlada, taasina ay tahay mid ka fajacisay. Xukuumada Somalia ayey sidoo kale sheegen inaysan aqoon Aqalka Sare isla markaana ay ula dhaqanto si aan mas’uuliyad aheyn. Sanotarada Aqalka Sare ayaa intaa ku daray in xiliyada qaar ay la kulmaan dhibaatooyin iyo bahdil cad oo ku tallo gal ah, hase ahaatee Madaxtooyada iyo Xukuumada laga doonaayo inay cadeeyaan eeda loo qabo. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayay sheegeen in ay ka hor istaageen shaqooyin dastuurku u idmaday. Cabashada Sanatorada Aqalka Sare ayaa imaaneysa xili inta badan Madaxda ugu sareysa dalka ay yihiin kuwo iska ilaaliya la kulanka Xildhibaanada labada Aqal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uu ka furmo kulan u dhexeyn doona Madaxda dalalka deriska la’ ah Somalia. Kulankaan oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan dalalka dariska la ah Somalia. Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa marti galiyay kulanka waxaana la filayaa inay ka qeybgalaan Madax dhowr ah oo uu kamid yahay Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiyi Axmed. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uuna khudbad ka jeedin doonaa kulanka. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiyi Axmed ayaa booqashadii ugu horeysay waxa uu shalay gelinkii dambe ku tegay Magalada Nairobi ee dalka Kenya. Abiyi Axmed ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Ganacsiga Caalamka Monica Juma, Wasiirka Shaqaalaha Ukur Yattani iyo Guddoomiyaha magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko. Ra’isul wasaare Abiyi Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wada kulmi doona Isniinta maanta ah sida ay xaqiijisay Madaxdtooyada dalkaasi. Kulanka waxaa uu socon doonaa Muddo labo maalmood ah, waxaana lagu waddaa gabagabadda in laga saaro qodobo ay ka mid yihiin Shaqadda Ciidamada AMISOM ay ka waddaan Soomaaliya. Dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa aad uga walaacsan xooliga ay ku socto dowlada Somalia oo iyadu aad uga soo horjeeda faragalinta kaga imaaneysa dowladaha Deriska la ah Somalia. Sidoo kale, Kenya iyo Ethiopia ayaa horay walaac uga muujiyay faragelinta arrimaha gudaha ee ay dowladda Imaaraadka ku heyso Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Kenya oo dhowr jeer arrintan ka hadlay sheegay in dalalka qaar ay dhabar jebin ku hayaan guulaha ay AMISOM ka gaartay Soomaaliya. Dhinaca kale, Kulankaan ayaa waxaa qodobada looga hadli doono waxaa kamid noqonaaya faragalinta ay Imaaraadka ku heyso arrimaha Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. When Ethi¬o¬pia’s prime minister resigned in February after more than five years in office, there was little reason to think his successor would be an improvement. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa inay u ambabaxaan magaalada Hobya ee gobolka Mudug. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa safarka ku wehlin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo Xubno kale oo ka tirsan Villa Somalia. Safarka ayaa waxaa qeyb ka noqon doona qaar kamid ah Danjirayaasha Beesha Caalamka u fadhiya Somalia, oo iyaguna qeyb ka noqon doona socdaalka Kheyre. Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro dhimsaha Wadada isku-xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo dib udhis lagu sameeyay. Waxa uu sidoo kale Ra’isul wasaare Kheyre goobjoog ka noqon doonaa mashaariic kale oo halkaasi laga hirgalinaayo, iyadoo sharaxaad laga siin doono hanaanka lagu socodsiin doono Mashaariicda. Kheyre iyo Wafdiga uu Hoggaaminaayo ayaa sidoo kale lagu waddaa inay kormeer ku tagaan Dekedda Degmada Hobyo. Sidoo kale, Guddiga Gob oo dhisay Wadada iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tagitaanka Hobyo ee Ra’iisul Wasaare Kheyre. Docda kale, Wadada isku xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa waxaa dhisay Bulshadda kunool gobolka Mudug, waxaana dhismaheeda uu socday Sanado badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ku kulmaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Kulankaan oo xiisa gaara leh ayaa markii ugu horeysay waxaa shir guddoomin doona Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan la doortay. Kulanka ayaa ka dhici doona Xarunta Golaha Shacabka waxaana dhammaan xaadiri doona Xildhibaanada baarlamaanka. Ajendaha Kulanka ayaa ah Habmaamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika. Xeerkan ayaa shalay waxaa ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana laga sugayaa in maanta uu maro Xildhibaanada. Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyay amniga Xarunta waxaana xiran dhammaan waddooyinka hareer mara Xarunta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Hundreds of people danced the night away at an Edmonton party to celebrate the 27th anniversary of Somaliland on Saturday. Source: Hiiraan Online