-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka oo maanta xilka wareejiyey Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa shaaciyey cidda hortaagan dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka dalka. Isagoo ka hadlayey munaasbadii Xil wareejinta ayuu sheegay in Dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo aan weli la dhisin ay nasiib darro ah isagoo sheegay in Guddiga oo 5 xubnood oo ka mida ay magacaabis ku imaanayaan ilaa iminka la magacaabi waayay taasoo ah dhibaato ka jira hoggaanka dalka. Guddoomiyihii hore Maxkamadda sare ayaa sheegay in dowladda hadda jirta aysan la shaqeyn isaga oo uusan wax taageero ah ka helin dowladda, isaguna uu qabtay wixii karaankiisa ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in sababta ku kaliftay inuu xilka wareejiyo ay tahay tanaasul u sameeyay markii uu eegay danta guud ee Qaranka, isla markaana uu arkay is cafintii madaxda dalka Kenya. Wuxuu si weyn ugu mahadceliyay Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay kala hadleen arrinta ismari waaga xilka isaguna uu aqbalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaw gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, halkasoo si diirran loogu soo dhaweeyay. Wafdiga Madaxweynaha oo ay ku jiraan xubno kala duwan oo dowladda ka tirsan ayaa waxay Baydhabo uga qayb-geli doonaan shirka Amniga Qaranka, kaasoo dhawrkii biloodba mar la qabto si looga hadlo amniga dalka wixii ku soo kordhay. Magaalada Baydhabo ayaa waxaa saakay gaaray Ra’iisul Wasaaraha Somlaia Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu horkacayo, kuwaasoo qayb ka ahaa xubnihii madaxweyne Farmaajo kusoo dhaweeyay magaalada Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed. Amniga guud ee Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana garoonka uga hortagay madaxweynaha iyo wafdigiisa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan maamulka uu hoggaamiyo. Dhanka kale, Waxaa lagu wadaa inay madaxda maamul-gobleedyada oo dhan ay gaaraan Baydhabo, kuwaasoo ka qayb-geli doona shirka guud ee Amniga Qaranka, kaasoo saddexdii biloodba mar la qabto. Qodobbada shirkan looga hadli doono, ayaa waxaa ka mid ah qodobbada ay madaxda Soomaalidu la hor-tegi doonaan shir caalami ah oo Somalia loogu qabanayo dalka Belgium, kaasoo ay kasoo qayb-geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda Beesha Caalamka. Ugu dambeyn, Shirkan oo kusoo beegmaya xilli uu jiro muran u dhexeeya maamul-gobleedyada iyo dowladda dhexe ee Somalia ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii wax looga qaban lahaa amniga guud ee dalka, gaar ahaan Muqdisho oo dhawaanahan uu amnigeedu faraha kasii baxayay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi la socda oo Goor-dhaw Gaaray Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle, Madaxda Xukuumadda Shiikh Maxamed Shaakir Cali iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa goor-dhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay. Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan waa kulankiisii ugu horeeyay uu kaga qeyb galo shir looga hadlayo Arimaha Soomaaliya waxa uuna garab fariisan doonaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle. Sidoo kale waxaa kaga sii horreeyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo si weyn halkaas loogu soo dhaweeyey. Waxaa isna daqiiqado ka hor Baydhabo gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir guddoomin doono shirka golaha amniga Qaranka, kaasoo sidoo kale la filayo in looga hadli doono khilaafka dowladda iyo Madaxda maamul Goboleedyada. Shirka Magaalada Baydhabo oo looga hadli doono amaanka ayaa waxaa dhiman oo la sugayaa Madaxweynayaasha Hirshabeelle, Jubbaland. Shirka ayaa la filayaa inuu Maanta gelinka dambe ka furmo Magaalada Baydhabo, waana idiin soo gudbin doonaa wixii kusoo kordha Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online)– Xaalada amni ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid faraha ka baxday, iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay dad gaaraya 10 qof si macno daro ah loogu dilay magaalada. Barqanimadii maanta ayaa kooxo ku hubeysan bastoolado ay si bareer ah ugu dhex toogteen Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan bosteejada gaadiidka laga raaco, laba wiil dhalinyaro ah oo gaadiidka bosteejada ka baxa ka qaadi jiray lacago lagu nidaamiyo gaadiidka BL. Xiligii uu dilka dhacayay ayaa goobta ka dhawaa ciidamada amniga oo ku guuldareystay in ay gacanta ku dhigaan kooxda dilka geysatay oo goobta ka baxsaday. Sidoo kale, xalay ayaa seddax dhalinyaro ah lagu dilay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, iyadoo dalka dilka koowaad uu ka dhacay xaafada Suuq Bacaad oo kooxo hubeysan ay ku dileen labo wiil dhalinyaro ah. Falka labaad ayaa ka dhacay degmada Kaaraan, waxaana halkaasi lagu dilay darawal gaari BL ah oo wararku sheegayaan inuu dilka geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo baxsaday markii uu falka geystay. Isla shalay ayaa bartamaha Suuqa Bakaaraha kooxo bastoolado watay ay ku dileen labo askari. Falalka dilalka ee kusoo kordhaya Muqdisho ayaa muujineysa wax ka qabasho la’aanta amaandarada iyo xil iska saarid la’aanta, iyadoo tan iyo markii uu dhashay Ramadaanka dadka la dilay ay kor u dhaafayaan 50 qof. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (PP) ─ Dowladda itoobiya oo aan lahayn Bad ayaa qorsheynaysa inay dhisato ciidanka Badda, kaddib markii ay dhameystirtay ciidamadeeda cirka iyo kuweedii dhulka, kuwaasoo maanta ka mid ah ciidanka ugu awooda badan Afrika. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Cali ayaa hadalkan ka sheegay shir uu la qaatay madaxda ciidamada difaaca Qaranka dalkiisa, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa qorshaha ay Itoobiya ku doonayso inay ciidamadeeda ku horumariso. “Kaddib dadaaladii aan ku dhisnay Awooeenna, ayaa waxaan doonaynaa in aan dhisno ciidamadeenna Badda, waayo waxaan horay u dhisnay ciidanka ugu xooggan dhulka iyo cirka ee Afrika,” ayuu yiri Abiy Ahmed. Sidoo kale, Itoobiya ayaa xilligan leh machad lagu barto cilmiga Badaha oo ku yaalla harada Tana, kaasoo sanadkiiba soo saaraa 500 oo ruux oo isugu jira Injineerro badda ah, farsama-yaqaanno iyo saraakiil ciidan, waxaana la qorsheynayaa in la kordhiyo, lana gaarsiiyo sanadkiiba illaa kun ruux. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa bishii May ee sannadkan Dowladda Sudan lasoo saxiixday heshiis lagu hormarinayo Dekedad Port Sudan ee badda cas, sidoo kale waxay Jabuuti ku heshiiyeen inay is weydaarsadaan Dekedaha, duulimaadyada iyo isgaarsiinta. Dhanka kale, Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa waxay badeecooyinkooda ka soo dagsataa Dekedaha Berbera iyo Jabuuti oo ay alaabaha kala soo degtaa, inkastoo uu muran ka taagan yahay saamiga ay dekedda Berbera ku yeelatay kadidb heshiis sannadkan horraantiisii la galay. Ugu dambeyn, Dadaalka Dowladda itoobiya ayaa u muuqda mid ay doonayso inay ku xoojiso awooddeeda, iyadoo dhawaan Kenya ay siisay dhul ay ka dhisato deked ay badeecooyinkooda kala soo dagto. PUNTLAND POST The post Itoobiya oo sheegtay inay dhisanayso ciidamo badda ah, iyadoo aan lahayn wax bad ah appeared first on Puntland Post.
-
A year-long political conflict between the tiny, wealthy state of Qatar and its larger neighbours - including Saudi Arabia and the United Arab Emirates - has been fought with a new arsenal of weapons: bots, fake news and hacking. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa aqbalay in uu xilka wareejiyo sidda Maanta ay shaaciyeen Ururka Qareenadda Soomaaliyeed. Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa horay uga soo horjeestay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uusan aqbali doonin in uu xilka wareejiyo. Gudoomiyaha cusub ayaa la dhaariyay, waxaana hadda socota Munaasabad uu xilka kula wareegaayo sidda ay sheegeen Ururka Qareenadda Soomaaliyeed. Kulan ay Maanta muqdisho ku yeesheen Ururuka Qareenada Soomaaliyeed ayaa wax ay ku shaaciyeen in wadahadal kadib Ibarahim Iidle Suleymaan uu ka aqbalay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Farmaajo,isla markaana uu xilka wareejin doono. War-Saxaafadeed ee soo saareen Ururka Qareenada Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in ay garwaaq sadeen in arrinatani aysan noqon sida khilaafyadii hore ee xilalka la isaga qaadi jiray,iyaga oo isku xil saaray in qaab sharci ah ku dhamaato. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho, waxaa ka socday kulamo kala duwan oo ay waddeen Garsoorayaasha Soomaaliyeed,islamarkaana lagu qancinaayay in uu xilka Wareejiyo. Gudoomiyihii ka horreeyay Ibraahim Iidle Suleymaan ee Ilka Xanaf ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay Muran badan, waxaana ugu dambeyntii lagu qanciyay in uu xilka wareejiyo. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Qareenada https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Mid-ka-mid-ah-Ururka-Qareenada-Qaranka.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa shaaciyay in dalka Itoobiya uu sameynayo Maraakiib dagaal si loo xoojiyo Ciidanka difaaca Dalka Itoobiya. Ra’isalwasaare Abiye waxaa uu shalay ka hor hadlayay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Itoobiya,waxaana uu sheegay in dowladda Itoobiya gaar ahaan xisbiga talada haya uu dhisay Ciidamada Dhulka iyo Cirka ee ugu wanaagsan Afrika,haddana ay qorsheynayaan in ay dhisayaan Ciidanka Badda iyo Maraakiib dagaal. “Kaddib dadaaladii la sameeyay oo aan ku dhisnay awoodda difaaca qarankeeda, waxaa dhisnay mid ka mid ah ciidanka ugu xooggan dhulka iyo cirka ee Afrika, waa inaan dhisnaa ciidamadeena badda mustaqbalka”ayuu yiri Mr Abiy Ahmed. Dad badan ayaa isweydiinaya halka Ciidanka Badda Itoobiya ay saldhigan doonaan maaddaama Itoobiya aysan Bad lahayn. Waxaa xusid mudan in Itoobiya uu ku yaallo machad dadka lagu baro cilmiga Badda iyo ilaalinta Xeebaha waxaana sanad waliba ka qalin jebiya 500 oo Qof. Itoobiya waxaa ay leedahay Harada Tana,taas oo ay inta badan ka howlgalaan dadka barta cilmiga Badaha ee u dhashay Dalka Itoobiya. Abiye waxaa uu sheegay in dadka ka qalin jebiya Machadkaas la gaarsiinayo 1,000 Qof Sanadkiiba,isaga oo xusay in dhameystir buuxa uu u baahanyahay difaaca Itoobiya. Dowladda Itoobiya waxaa ay heshiisyo dhinaca Dekadaha ah la gashay Dalalka Jabuuti,Suudaan,Kenya iyo Maamulka Somaliland ee Soomaaliya. Dekadaha Jabuuti iyo Maamulka Somaliland waxaa ay Itoobiya ku yeelaneysaa saami,halka kuwa Suudaan iyo Kenya ay maamulka wax ka leedahay islamarkaana ka qeyb qaadaneyso horumarintooda sida lagu shaaciyay Heshiisyada ay Itoobiya la gashay Kenya iyo Suudaan. Itoobiya oo aan Bad laheyn waxay xiliggan isticmaashaa Dekedaha Berbera iyo Jabuuti oo ay alaabaha kala soo degtaa. Horaantii sanadkan Itoobiya ayaa qeyb ka noqotay heshiis saddex geesood ah oo lagu qeybsaday saamiga Dekeda Berbera ee Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wadamad la isku yiraahdo Iskandanefiyaanka ee qaaradda Yurub hadii Muslimiinta ku dhaqan ayaa dhibaato xoogan ku qabaan fatwooyin is khilaafsan oo ku aaddan saacadaha ay soomayaan, maadaama qorraxda ay joogeyso 21 saacadood xiriir ah. Sanad Kasto marka la gaaro bisha Ramadaan ayuu khillafkani soo shaac baxaa waxaana banaanka Yimaada fatwooyin is barbar yaac ah oo ku saabsan saacadaha dadku ay soomayaan iyo saacada ay afurayaan, taas oo sabab ay u tahay Maalinka oo dheeraanaya iyo habeenkii oo waqtigiisaba oo iska noqonoyo wax ka yar 3 saacadood. Wadamada Iskandanefiyanka ayaa iyaga laftoodu kukala duwan waqtiyada, kuwa ugu hooseeyo ayaa sooma 18 saac, halka kuwa ugu waqtiga dheerna ay soomaan 21saac oo xiriir ah. Arrintan ayaa imaanaysa xili ay aad usoo badanayaan dadka Muslimnta ah ee kakala yimid dalalka caalamka islaamka ee tagaya wadamadaasi, ilaa hadana lama helin fatwa mid ah oo xadideysa waqtiyada dadku ay soomayan iyo waqtiga ay afurayaan. Waxaa jira dadaallo ay sameeyeen dad wadaada ah oo ay ku doonayaan in ay bulshada Musliminta ah ku mideeyaan, iyagoo xadidaya saacada la afurayo iyo saacada ugu dambeya ee la saxuuranayo, balse wali khilaafku wuu taagan yahay waxa uuna salka ku haya masaa’il fiqi ah. Qof ku dhaqan Magaalada Oslo ee wadanka Norway ayaa sheegaya in qorraxdu ay iska joogto 21 saacadood oo toos ah, habeenkuna uu yahay 3 saacadood oo kaliya balse ma ahan kaligii ee waxaa la qaba bulshada ku dhaqan wadama iskandaneveianka oo idil. Mararka qaar waxaa dhacda in qaar kamid ah dadka Musliminta ah ee ku dhaqan wadamadaasi in ay kasoo tagaan marka la gaaro Bisha Ramadaan si ay ugu soomaan meel kabaxsan wadamada ay qorraxdu joogeyso wax ka badan 20 saacadood. Inta badan wadamada Caalamka ayaa ku kala duwan waqtiga soonka, waxaana ugu waqti dheer wadanka Sweden oo ka tirsan wadamada la isku yiraahdo iskandanevianka ee dhaca galbeedka qaarada yurub oo saacadaha soonka ay gaarayaan 21 saac, waxaana ugu gaaban Jazeerada WAKAN oo katirsan wadanka Cumaan taas oo dadkeeda ay Soman 3saac oo kaliya. Wadamada Carabta ayay dadka ku dhaqani soomaan inta u dhexeyso 17 ilaa 13 saacadood, waxaana ugu waqti dheer wadanka Al-Jazaa’ir oo laga soomo 16:58 daqiiqo halka Somalia ay tahay wadanka ugu waqtiga gaaban oo dadkeedu ay soomaan 13 saacadood, marka lagasoo tago Jazeerada WAKAN oo aan horey aanu usoo sheegnay in dadkeedu Soman 3 saac oo kaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta inuu ka furmo magaalada Baydhabo, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku wajahan yihiin. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda dowlad goboleedyada iyo wafuud ka socota Beesha caalamka ay ku sii jeedaan. Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa goordhow agarey wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre halakas oo manta lagu wado in uu ka furmo shirka Amniga Qaranka. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Baydhabo ku soo dhaweeyey xubno uu hor kacayey Madaxweynaha dowald goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,xildhibaano iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo gaaraan Magaalada Baydhabo, waxaana shir guddoomin doono madaxweyne Farmaajo halka ay xaadir kusoo noqon doonaan dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada Dalka. Shirkaan ayaa diirada waxaa lagu saari doonaa xaaladaha amaan ee dalka iyadoona la filayo in aad loogu lafaguri doono amaanka iyo arimo kale oo ay kamid tahay doorashada 2020. Bilihii dambe ayaa waxaa jiray mad madoow u dhaxeeyay madaxda dowlada dhexe iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, kuwaas oo bishii hore ku kulmay isla magaaladaan islamarkaana dhaliilay madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya. Waxaan la filayaa si gooni ah looga hadlo mad madoowga u dhaxeeya madaxda dowlada dhexe iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee ku kulmaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo shalay gaaray Baydhabo ayaa ugu baaqay dadka reer Baydhabo inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta wafuuda imaaneysa. Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamada dheeraad ka geeyay duleedyada magaalada iyo gudaha, waxaana la baarayay gaadiidka kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Koonfur galbeed. Madaxweyne Gaas ayaa magaalada Baydhabo kaga qayb geli doona shir u dhexeeya Dawlad gobaleedyada Dalka iyo madaxda sare ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya. Waftiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee General Maxamed Abshir kusii sagootiyey qaar kamida golayaasha Dawlada. Madaxweynaha Puntland waxaa magaalada Baydhabo uga sii horeeyey qaar kamida madaxda maamulada ka jira Soomaaliya iyo raisul wasaaraha Dawlada Federaalka Mudane Xassan Cali Khayre. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo u ambabaxay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi uu hogaaminayo Ra’isilwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Ra’isilwasaare Kheyre ayaa waxa uu ka qeeybgalayaa shirka amniga Qaranka oo ka furmayo Magaalada Baydhabo. Ra’isilwasaare Kheyre ayaa si baalaran loogu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo waxaana Garoonka kaga hortay Madaxweyne Shariif Xasan. Sidoo kale Ra’isilwasaare kheyre ayaa kulan la qaadan Doono Madaxda Maamul Goboleedyada iyada oo lagawada hadli doono khilaafaadka ka dhex jira Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada. Faah Faahin intaan ka badan dib kala soco insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Gaaray Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Saudi Arabia temporarily released eight people accused of communicating with organisations opposed to the kingdom and held nine others in detention, state news agency SPA reported on Saturday. The public prosecutor said it had interrogated people arrested last month, whom human rights groups and activists identified as women’s rights activists. In a statement, the public prosecutor said the detainees had admitted to communicating and cooperating with individuals and organisations opposed to the kingdom, recruiting people to get secret information to hurt the country’s interests, and offering material and emotional support to hostile elements abroad. The statement did not identify the detainees, and Reuters was unable to immediately verify their identity. A total of 17 people have been arrested, eight of whom have been temporarily released, including five women and three men, the statement said. Nine people, five men and four women, remain in detention “after sufficient evidence was made available and for their confessions of charges attributed to them.” International rights watchdogs have reported the detention of at least 11 activists in the past few weeks, mostly women who previously campaigned for the right to drive and an end to the kingdom’s male guardianship system, which requires women to obtain the consent of a male relative for major decisions. The United Nations called on Saudi Arabia on Tuesday to provide information about the arrested activists and ensure their legal rights were guaranteed. A ban on women driving in the kingdom, set to be lifted on June 24, has been hailed as proof of a progressive trend. But the recent arrests have soured that image. The government announced two weeks ago that seven people had been arrested for suspicious contacts with foreign entities and offering financial support to “enemies overseas”, and said other suspects were being sought. It did not name the detainees. Last week, Saudi Arabia released four women’s rights activists, fellow activists and Amnesty International said. The terms of the release were unclear. Activists and diplomats have speculated that the new wave of arrests may be aimed at appeasing conservative elements opposed to social reforms pushed by Crown Prince Mohammed bin Salman. It may also be a message to activists not to push demands out of sync with the government’s own agenda, they said. State-backed media had labelled those held as “agents of embassies”, unnerving diplomats in Saudi Arabia, a key ally of the United States. Prince Mohammed has courted Western allies in a bid to open up the deeply conservative Muslim kingdom and diversify its oil-dependent economy, the region’s largest. Source: – Reuters
-
Landlocked Ethiopia is planning to build a navy, Prime Minister Abiy Ahmed said during a briefing of the heads of the country’s National Defense Force. “Following the efforts made to build capacity of our national defense, we built one of the stronger ground and air forces in Africa,” the ruling party-funded Fana Broadcasting Corp. reported Abiy as saying on Friday. “We should build our naval force capacity in the future.” Two calls to the mobile phone of Abiy’s national security adviser, Abadula Gemada, didn’t connect. Ethiopia currently has a civilian Ethiopian Maritime Training Institute on Lake Tana. It trains more than 500 marine engineers and electro-technical officers each year and plans to increase this to more than 1,000 officers annually, according to its website. Abiy’s government in May agreed to develop Port Sudan on the Red Sea and agreed with Djibouti to swap shares in state-owned ports, airlines, and telecommunications. It also agreed to acquire land at Kenya’s Lamu Port for “logistical facilitation,” according to a joint communiqué issued after a meeting between Abiy and Kenyan president Uhuru Kenyatta. Earlier this year, Ethiopia took a stake in a port in Somaliland, a semi-autonomous part of Somalia that aspires to statehood and borders Djibouti. Somaliland will host a naval base for the United Arab Emirates. Source: Bloomberg
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaab ay sirdoon ahaan ka dheereeyen ciidamada AMISOM. Ururka ayaa sheegay in Maleeshiyaadka al-Shabaab ay adeegsadaan farsamooyin dheeri ah, halka ciidamada AMISOM uu aad u hooseeyo Sirdoonkooda. Simon Mulongo oo ah Ku-xigeenka Madaxa Ururka AU-da u qaabilsan Arrimaha Somalia, ayaa sheegay in arrinkaasi ay ku ogaadeen daaraaseyn ay ku sameeyen Sirdoonka labada dhinac. Simon Mulongo, oo wareysi siinaayay Xarunta Afrika ee Daraasadka Istaraatijiyadda ee loo yaqaan “Africa Center for Stratigic Studies”, ayaa tilmaamay in hawlgalka AMISOM ay dhibaatooyin loojistiko iyo gabaabsi Saanad ay ka hortaagan tahay inay ka guuleystaan al-Shabaab. Simon Mulongo, waxa uu cadeeyay in ciidamada AMISOM ay lasoo daristay dhibaato dhinacyo badan leh, waxa uuna intaa raaciyay in Sirdoonka al-Shabaab ay mar waliba yihiin kuwo ka faa’iideysta daldaloolada. Simon Mulongo, oo sii wata warbixintiisa ayaa ka digay inaan marnaba guulaha AMISOM la xaqiijin karin, haddii ay sii socdaan inay ku tiirsanaadaan qaab-dhismeedka Dhaqanka Nabad-ilaalinta, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in hoos u dhaca ciidamada AMISOM ay sabab u yihiin ciidamada Qaranka Somalia oo aan heysan agab iyo tababar ku filan, taa oo keentay in Saanada AMISOM wax laga siiyo, sidaana ay ku idlaato saanada ciidamada AMISOM. Nuqul kamida warbixinta Simon Mulongo, ayaa waxaa kamid ahaa “Alshabaab waxay haystaan awoodo dhinaca Sirdoonka oo aad uga wanaagsan hawlgalka AMISOM” ‘’AMISOM xiligaan dhanka Sirdoonka uma babacdhigi karaan al-Shabaab, waayo waxaa jira awoodo ay Shabaabka leeyihiin kuwaa oo qarsoon’’ Waxa uu intaasi ku daray inay taasi u sabab tahay xiriirka ay Alshabaab la leeyihiin dadka ku nool Deegaanadda ay maamulaan, Dhaqanka Deegaanka, Luqadda iyo aqoontooda Xuduudaha, waa sida uu hadalka u yiri. Sidoo kale, Mr Simon Mulongo waxa uu qiray inay AMISOM awood xumo ka haysato dhinaca Diyaaradaha Qumaatiga u kaca, isagoo sheegay inay haystaan 3 Helikopter, si ay u daboolaan Deegaanadda ay ka hawl-galaan. Si kastaba ha ahaatee, Simon Mulongo ayaa taliska AMISOM ugu baaqay inay laba jibaaran kobcinta ciidamada dagaalka kula jira al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa faah faahiyay shirka amniga qaranka looga hadlayo ee maanta ka furmayo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Madaxweyne Shariif Xasan oo Maamulkiisa uu marti galinayo shirkaasi ayaa sheegay in shirka uu maanta furmayo islamarkaasina madaxda ay soo gaarayaan Baydhabo. Waxa uu sheegay in shirkaasi oo ah mid muhiim ah looga hadli doono Amaanka guud ee dalka Soomaaliya. Shariif Xasan Ayaa ugu baaqay madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada in shirkaasi is afgarad uu ku dhmaado. Wali ma cada madaxda dowlada shirkaasi ay u wakiilatay oo ka qeeybgalaya hayeeshee waxaa la shaaciyay in wakiilo ka socdo dowlada Soomaaliya in ay shirkaasi ka qeeybgali doonaan. Tan iyo markii uu soo bilaawday qilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada ma jirin madax ka socotay dowlada Soomaaliya oo ka qeeybgalay shirar ka dhacay Kismaayo iyo Baydhabo. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Shariif-Xasan-Sheekh.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Shariif Xasan oo Faah Faahiyay Shirka Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Tan iyo markii laguda galay bishaan barakeeysan ee Ramadaan ayaa waxaa sii kordhaya dilalka loo geeysanayo dadka rayidka ah iyo askarta ciidamada dowlada Soomaaliya. 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay dilal qorsheeysan oo loo geeystay askar iyo dad shacab ahaa. Koox hubeeysan ayaa suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay 2 Askari oo katirsanaa ciidamada dowlada iyo 2 Ruux oo kale oo shacab ahaa. Sidoo kale Dableey hubeeysan ayaa Suuqa Labaad ee ugu weeyn Soomaaliya Suuq Bacaad oo ku yaala Degmada Yaaqshid waxa ay ku dileen Labo ruux oo dhalinyaro ahaa. Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa xalay lagu dilay Darawal Gaari watay. Xaafada Seegaal oo katirsan Degmada Hodan ee Muqdisho ayaa qof dumar ah lagu soo waramaa in iyana lagu dilay. Waxaa xusid mudan in Ciidamo badan lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho islamarkaasina isgooysayada qaar la xiray hayeeshee waxaa si caadi ah magaalada uga dhaca dilal qorsheeysan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post in ku Dhow 10 Ruux oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Puntland, Gal-Mudug, Hir Shabelle iyo Jubbaland ayaa ku wajahan Goordhow magaaladaasi Baydhabo. Galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in magaaladaasi uu ka furmo shirka amniga qaranka. Qaban qaabada shirkaan ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray wadooyinka soo gala Xarunta uu shirka ka dhacayo. Baryihii ugu dambeeysay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeya Madaxda dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku Wajahan Baydhabo iyo Shir halkaasi ka Furmaya appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Xalay kulan Afur iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalkooda ka dib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Ergayga arrimaha qaxootiga u qaabilsan Xafiika Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u mahed celiyay cid walboo ka shaqaysay in dib loo soo celiyo dhalinyaraddan ku dhibaatay sanayd dalka dibadiisa, ayaa cadeeyay in uu aad uga xun yahay dhibka ku dhacay dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Isgaoona tilmaamay in mas’uuliyinta dalka looga baahan yahay in ay ka foogaadaan musuq maasuqa, in ay dib-u-dhisaan dalka iyo in la iska ilaaliyo waxyaabihii awoodeena daciifyay, si looga shaqeeyo mustaqbalka jiilka soo koraya. “Haddii aad tahay Soomaali oo aad la baxday Magafe, Waa inaad ogaataa in dawladda Soomaaliyeed ay tahay Madaasho oo ay kaaga daba imanayso meel kasta, caddaaladana ku horgayn doonto. Waxa la rabaa hay’adaha amniga Qaranka inay ka shaqeeyaan sidii loo soo qab-qaban lahaa dadka dhibaateeyey dhillinyaradeena.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhallinyaradda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda uga dhigi lahaayeen wadamadda ay u tahriib tageen, waxuuna u ballan-qaaday in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii horumarka, qof walbana ay muhiim tahay in uu qaybtiis ka qaato dib u dhiska dalka. PUNTLAND POST The post RW Kheyre oo La kulmay Dhalinyaradii laga soo Ciliyay Liibiya appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulahi Yuusuf ayaa shalay sheegay in weerarkii degaanka Balli-Khadar ee saldhigga Ciidamada Badda Puntland lagu soo qaaday uu hoggaaminayey Sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo uu magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdulllaahi (Bataar) kana tirsan guutada 8-aad ee ciidanka maamulka Somaliland. Si kastaba, sida la wada ogyahay ee aan akhbaaraadka saxda ah ku hayno, waxaa weerarkaas ka dambeeyey kooxd Al-Shabaab ee degaanada Puntland ka howl-gasha, gaar ahaan gobolka Bari, Somaliland-na wax shaqo ah kuma lahan. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa iyana si rasmi ah u sheegatay weerarka. Haddaba maxay Puntland ugu eedeysay Somaliland? Hadalka Puntland wuxuu u dhacayaa hal meel oo ah, in Al-Shabaab iyo Somaliland ay yihiin mid, sida ay dooneyso inay inoo sheegto, ama in Somaliland ay taageereyos kooxda Al-Shabaab, inkasta oo eedeynta noocaas ah aan loo hayn wax caddeyn ah oo lagu taageero. Waxaa xusid mudan in markan aysan ahayn markii ugu horreysay ee Puntland dagaal ay la gashay maamull kale ay ku eedeyso al-Shabaab. Markii ay Gaalkacyo ku dagaalameen Galmudug iyo Puntland, wuxuu maamulka Garoowe sheegay inay weerar kusoo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab, inkasta oo dadka dhan wada ogaayeen inay maleeshiyo beeleed reer Galmudug ah ay dagaalka kula jireen. Fuleynimo iyo Jahlinimo? Waxaan fahmi weynay waxa Puntland ku qasbaya in dadkii la dagaalamaba ay Al-Shabaab ka dhigto? Waxaa xusid mudan in Puntland ay dooneyso in beesha caalamka ay u muujiso inay la dagaalameyso argagixiso. Ma waxa ay caalamka ka dooneysaa in sidaas lagu taageero, maadaama reer galbeedku dagaal kula jiraan argagixisada, oo Puntland waxaa haysa cabsi ah in laga adkaado? Inkasta oo qeexista hore ay macquul tahay, waxaa sidoo kale macquul ah in Puntland uu hayo jahli siyaasadeed, oo aysan ka war-hayn in reer galbeedku aysan iska aamineyn hadal Puntland, oo ay leeyihiin sirdoon ayaga u shaqeeya, oo wararka ay ka qaataan. Puntland ha ogaato in wixii ayada la dagaalaba aysan ahayn Al-Shabaab, sidaasna aysan tagaeero ku haleyn. Soomaalida iyo caalamka oo idil waa ka dharagsan yihiin xaqiiqda dagaal kasta oo dhaca iyo cidda ku lugta leh. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, ayaa la xaqiijiyay in Dowlada Imaaraadka Carabta ee Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeya Dowlada Somalia uu ku qanciyay inay taageerto Siyaasiyiinta Mucaaradka Beelaha Mogadishu Clan ee aadka uga soo horjeeda Dowlada Somalia. Muuse Biixi, ayaa Dowlada Imaaraadka Carabta u sheegay in guusha Dowlada Somalia ay tahay mid hoos u dhigi karta in garab loo muujiyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Beelaha Mogadishu Clan. Sida uu qoray Wargeyska Geeska Africa ee kasoo baxa magaalada Hargeysa, Hoggaamiye Muuse Biixi, oo ka duulaaya caqabadaha maamulkiisa ka heysta dhanka Dowlada Somalia ayuu dhinacyo badan ka eegay sida looga hortagi lahaa caqabadahaasi iyadoo loo maraayo adeegsiga Siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowlada uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Wargeyska Geeska oo xiganaaya Wargeyska caanka ah ee Indian Ocean, ayaa sheegay in Muuse Biixi uu go’aankaasi qaatay ka gadaal markii uu ka warhelay in Dowlada Somalia ay si toosa isku garabtaagtay maamulka Puntland oo dagaal kula jira Somaliland, sida uu qoray Wargeyska. Waxa uu qoray in Muuse Biixi uu magaalada Nairobi u diray mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa kuwaa oo todobaadkii hore Hoteel ku yaalla magaalada kulamo qarsoodi ah kula qaatay Siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Mogadishu Clan oo kasoo horjeeda Dowlada Somalia, iyadoo halkaa lagu dajiyay qorshayaal ku aadan is hortaaga DFS. Muuse Biixi ayuu qoray Wargeeska in Dowlada Imaaraadka carabta uu ku cadaadiyay mar uu gaaray magaalada Abuu Dabai in si dhaba loo taageero Siyaasiyiinta Mogadishu Clan oo uu sheegay in xiligaan ay aad u dhaliilsan yihiin Dowlada Somalia, hase ahaatee ma cadda in Imaaraadka uu aqbalay iyo in kale. Qorshaha Biixi uu ka leeyahay in Imaaraadka uu dhaqaale ku bixiyo Mucaradka Dowlada ayaa lagu sheegay inuu ka hortago taageero la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu siiyo Maamulka Puntland iyo in Dowlada laga mashquuliyo howlaha ka socda Dekadda Berbera ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka carabta. Sidoo kale, Wargeesyadu waxa ay qoreen in Dowlada Qadar ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadisay inuu helo taageerada Hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas maadaama ay xuduud wadaagan Somaliland oo loo arko inay caqabad ku tahay Dowlada Somalia iyo Qadar. Ma cadda waxa ka hirgalay kulamada magaalada Nairobi ku dhexmaray Mucaaradka Dowlada Somalia iyo Mas’uuliyiinta ka socday Somaliland ee uu soo wakiishay Muuse Biixi iyo waxa la gudboon Dowlada Imaaraadka oo loo ifinaayo dhinacyada ay ka jilicsan tahay Dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com