Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. HARGEISA– Somaliland authority has condemned with the strongest possible terms to the torture and beating against two women who hail from Lasanod and who have been badly beaten in Garowe. The torture and barbaric beatings subjected to the duo was confirmed by Lasanod’s regional governor, Hon. Abdi Khaire Dirir. The two who sustained serious injuries were transported from Garowe, Puntland’s provincial capital to Lasanod and the regional governor received them in the city outskirts. Ms. Anab Ali Haji and Ms. Sahra Ahmed Garad have been beaten with sticks and knives by civilians in Garowe. One of the woman fainted due to the beating and Somaliland authority has provided medical intensive care. The governor has asserted that the two women have been beaten due to their ideology of Somaliland and condemned the attack with the strongest possible terms. Mr. Abdi Khaire, Lasanod’s regional governor has said that such barbaric attack indicates the deep hatred and animosity that Puntland is instigating in the region. The governor has dismissed allegations made by Puntland authority which accused the duo of espionage. He said that they have targeted due to their Somaliland and Sool’s stance. He made clear that Somaliland is to keep the norm and will protect Puntland citizens living and studying in Somaliland at the moment.
  2. LASANOD— Somaliland govt has dispatched officials to Lasanod, Sool’s provincial capital and hold meetings with regional administration officials in order to strengthen security and to work towards the preserving of national unity. The govt officials have met with Wadani opposition members in Lasanod and the essence of the gathering was to further consolidate peace and stability in the region. All sides have reached a common understanding that observing peace and stability is number one priority for all.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in shaqo ka eryin lagu sameeyay inkabadan 50 ruux oo isugu jira rag iyo dumar kana mid ahaa shaqaalaha Madaxtooyada Somalia. Shaqaalahaani ayaa la sheegay in lagu eryay tuhuno ay ka qabto Madaxtooyada Somalia, waxaana meeleentooda lagu amray Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya. Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxaa la faray in dhammaan dhalinyarada laga eryay Villa Somalia ay u wareejiso Wasaarado iyo Hay’adaha kale ee DFS. Shaqaalaha laga soo eryay Villa Somalia ayaa intooda badan kasoo shaqeeyay qeybaha Nadaafada, Raashiin kariska iyo Adeegyada hoose ee Madaxtooyada Somalia. Shaqaalaha laga eryay Villa Somalia ayaa waxaa ku jira kuwo kasoo shaqeeyay inkabadan 10 sano, hase yeeshee si rasmi ah looma shaacin sababta ka danbeysay eryintooda. Sidoo kale, warqad kasoo baxday xafiiska ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa shaqaalaha la eryay lagu amray in si deg deg ah ay ugu soo celshan aqoonsiga ay ka heysteen Villa Somalia. Eryinta shaqaalahaani kabadan 50 ruux, ayaa daba socta shaqeele kale oo horay looga eryay Villa Somalia, tan iyo markii la doortay dowlada hadda jirta.
  4. A Somali man has been sentenced to 15 years in jail for his role in the kidnapping of a Canadian journalist in Somalia, according to Canadian media. Source: Hiiraan Online
  5. ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia plans to sell a 30 to 40 percent stake in its state-run telecoms monopoly to big telecoms companies and will split the company in two to spur competition, Prime Minister Abiy Ahmed said on Monday. Source: Hiiraan Online
  6. The Ministry of Petroleum and Mineral Resources of the Federal Republic of Somalia has drafted regulations to manage the country’s petroleum and mineral resources sectors, especially in regard to ownership and revenue sharing. The agreement was made by the federal government and the federal member states of the National Security Council and facilitated and assisted by the World Bank and the Council for Inter-State Cooperation. The agreement, established in the interim capital of Baidoa on June 5, wraps up a three-year process led by the ministry to create a framework for the development of the oil industry, and it authorizes the ministry to issue permits and manage the petroleum and mining activities in Somalia. The Council for Inter-state Cooperation, a technical committee from the Federal Member States and the Federal Government led an intensive and inclusive consultation process with all industry stakeholders. The President of Somalia, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed, as well as Prime Minister H.E. Hassan Ali Khayre and the Heads of the Federal Member States and the Mayor of Mogadishu also secured high-level political agreement on the principles that will guide the management of the sectors. “The finalization of this agreement marks a new chapter in the progress and development of the Federal Republic of Somalia,” said H.E. Abdirashid Mohamed Ahmed, the Minister of Petroleum and Mineral Resources. “The Ministry will work in close collaboration with the federal member states in swiftly implementing all legislations and policies, monitoring and following up on all licenses issued prior to this agreement.” Source: – African Business
  7. Unidentified airstrike targeted suspected Al-Shabab militants in their hideouts in two locations of southern Somalia on Sunday, residents and security officials confirmed on Monday. The security officials said the airstrikes bombarded the insurgents’ hideouts in El-Adde and Goof areas on Sunday, inflicting injuries on the militants. “Unknown airstrikes hit El-Adde and Goof locations in southern Somalia. The militants suffered heavy casualties during the strikes over El-Adde though exact battle damage assessments have been not established,” said a security official who declined to be named said. Local residents said they have not established whether Kenya Defence Forces (KDF) soldiers who are part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) were behind the latest airstrikes in southern part of the Horn of Africa nation. In January 15, 2016, al-Shabab fighters attacked a KDF camp in El-Adde in southern Somalia, killing some 100 soldiers in the worst attack since the troops crossed into the Horn of Africa nation in 2011. Since the deadly attack, the Kenyan soldiers have been targeting the El-Adde area which lies near Garbaharey town in Gedo region to flush out the militants. The United States military which last year carried out about 30 airstrikes against al-Shabab has also intensified assault against the al-Qaida allied terrorist group in the recent past. Source: Xinhua net
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorshaha lagu doonaayo in maamulka Hawada loogu gacan galiyo dowlada Somalia. Qorshahan ayaa waxaa faahfaahino ka bixiyay Dowlada Somalia iyo maamulka Hey’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada. Saraakiisha Hey’adda ICAO ee QM ayaa shaaciyay in hadawada Somalia oo sanadihii danbe laga maamulayay magaalada Nairobi ay maanta soo gabagabowday maamulida hawada Somalia. Hey’adda ICAO, ayaa xaqiijisay in la filayo in Somalia ay si rasmi ah ula wareegto maamulka Hawada, isla markaana ay dhankooda uga dhamaatay. Arrintan ayaa waxaa ay imaneysaa kadib heshiis ay horey u kala saxiixdeen DFS iyo QM, iyadoo ay tababar fiican heleen shaqaalaha Soomaalida ee maamulka hawada. Dowladda Somalia ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in hay’addo kale ay ka caawin doonaan maamulka hawada illaa laga tababarayo shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda dalka. Si kastaba ha ahaatee, talaabadani ayaa imaaneysa iyadoo December 28, 2017 ay dowladda Somalia si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la soo wareegeyso maamulka hawada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Dhanka Soomaaliya waxaa muddo dheer soo jirtay fikradda mideynta shanta Soomaaliyeed oo kala ah Koonfurta, Waqooyiga, Jabuuti, Ogaden, iyo NFD. Jabuuti waxay noqotay dal gaar ah, Ogaden waxaa lagu darey Itoobiya, NFD-na Kenya, halka labadii soo hartay ay Waqooyiga noqdeen jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaani. Dagaalkii 1977-kii Balse dhanka Itoobiya laga soo bilaabo xilligii boqor Haile Selassie, waxa ay doonayeen in dhulka Soomaalida la hoos geeyo xukunka Itoobiya, iyada oo qeyb ka mid ah dhul weynihii Soomaaliya uu Ingiriiska ku wareejiyay Itoobiya sanadihii 1950-naadkii. Kadib hadalkii shalay kasoo baxay Ra’isulwasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada dal laga dhigo ‘hal dal’, ayuu Prof Maxamed Ismaaciil Samatar oo ah falanqeeye siyaasadeed yiri “Waa fiicnaan lahay in dalalka Afrika isku yimaadaan oo ay noqdaan sidii Yurub oo kale, balse Itoobiya waxa ay rabtaa dhulal maxmiyad ay ku maamusho sidii Bantustanadii Koonfur Afrika”. Muranka dhuleed ee u dhaxeeya labada dal waa uu sii xoogeystay, wuxuuna gaaray heer ay dagaal dhexmaraan horraantii 1960-naadkii. Balse marka lasoo gaaray 1977-dii ayuu labada dal dhexmaray dagaalkii ugu weynaa inta taariikhda la xusuusto, iyada oo ciidamada Soomaalida ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka, islamarkaasna qabsadeen dhulka Ogaden 90% wax ka badan. Balse xulufadii Soofiyaadka ee uu Ruushka hoggaaminayay, kana mid ahaayeen ciidamo ka socday Cuba, Yemen iyo Liibiya ayaa dhabarjabin ku sameeyay Soomaaliya, kuna qasbay in ay kasoo baxdo dhulkii ay qabsatay. Dagaalkaas waxa uu labada bulsho dhex dhigay caddaawad aad u tiro badan, taas oo illaa maanta oo 40 sano laga soo wareegay dagaalkaas. Ra’isulwasaare Abiy Axmed oo taas tusaale usoo qaadanaya ayaa yiri “Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada ayaa waxay ahayd ilaa iyo goormaan taariikh ka sheekeyneynaa oo aan leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaasi jiilal badan kaga hor istaageynaa iney hormar gaarin, oohinta soo naguma filno, korneel Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaan ka sheekeyn lahayn oo aan labadan shacab oo walaalaha ah kala geyn lahayn, labada shacab tilaabba aan ku kulmineyno, aan isugu soo dhaweyneyno oo aan isdhexgal iyo midnima dhab ahba sidi aan isugu keeni lahayn waddo noocaasi soo ma abuuri karno ayaan guud ahaan ka wada hadalnay”. Balse arrinta intaas waa ay ka xeeldheertahay, waxayna muhiimadda Itoobiya ka leedahay Soomaaliya aad usii korortay 1993-dii ay Eritrea ka go’dey Itoobiya, taas oo dalkaas gabi ahaanba ka dhigtay mid aanan lahayn bad, waxaana aad u kordhay baahida ay Itoobiya u qabto deked ay kala soo degto badeecadaha, waxna ka dhoofsato. Heshiiska Dekedaha Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta labaad ee Afrika ugu dheer, iyo dhawr dekedood oo ku teedsan laga soo bilaabo badda cas oo Berbera ah illaa ciribka koonfureed oo Kismaayo ah. Itoobiya waxa ay muddo dheer isticmaalaysay dekeda Berbera, balse sanadkii hore ayay wax kasta is badaleen kadib markii ay Itoobiya saami 19% ka heshay dekada Berbera kadib markii maamulka Somaliland ay heshiis la galeen shirkadda DP World, taas oo saamiga kasii iibisay Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsatay heshiiskaas, balse markii uu todobaadkan Muqdisho tagay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kula heshiiyay in Itoobiya ay maalgashi ku samayso 4 dekedood oo Soomaaliya ku yaala, taasna waxa ay soo afjartay hubanti la’aantii ku hareereysneyd waxyaabaha labada dal ay heshiiska ku yihiin ee la taaban karo. Ra’isulwaasaraha Itoobiya oo murti galinayay xikmadda ka dambeysa in dalkiisa uu isticmaalo xeebaha Soomaaliya ayaa yiri “Soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel hal bowla ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalinti inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maalinti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana ay ahayn kuwa la cabbo dhulki wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan dhahno dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibtoonno marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”. Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa u muuqday in uu ka garaabayo hadalka Dr Abiy ee biyaha ku saabsan, wuxuuna xusay in biyaha macaan ee Soomaaliya laga isticmaalo, gaar ahaan wabiyada ay ka yimaadaan Itoobiya, ayna tahay in labada dal ay wax badan is weeydaarsadaan. Oraahdii Xuseen Caydiid iyo Meles Zanawi Balse wasiirka waxa uu meesha ka saaray in labada dowladood ay ku wada heshiiyeen in ay noqdaan ‘hal dal’ sida uu shalay wareysi ku sheegay Ra’isulwasaare Abiy. Oraahda ah in labada dal ay noqonayaan ‘hal dal’ ma ahan mid cusub, horey ayayna caro weyn uga dhalatay markii ra’isulwasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, ahaana wasiirkii arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid uu sheegay in xudduudaha labada dal la’isku furayo, hal baasaboorna ay wadayeelanayaan. Waxay arrintan xaqiiqo u dhawaatay markii ciidamada Itoobiya ay galeen magaalada Muqdisho sanadkii 2007-dii markii ugu horeysay taariikhda, balse lagala hor yimid wax iska caabbin hubeysan, illaa markii dambe ay isaga baxaan magaalada sanado kadib. Ra’isulwasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zanawi oo Muqdisho tagay sanadkii 2008-dii, ayaa odayaal uu la kulmay u sheegay in labada dal aysan kala maarmin, wiilasha geesiyaalka ahna aysan isaga dhamaynin dagaal ujeedo la’aan ah maadaamaa ay Afrika u baahantahay, sida aan ka xigtay qof lagu kalsoonyahay oo kulankaas joogay. Safarkii xigay ee Ra’isulwasaare Itoobiya ah ku tago Muqdisho waa kan Dr abiy, isaga waxa uu madaxda ugu saraysa dowladda Soomaaliya la saxiixday heshiis dhaqaale ahaan lagu mideynayo labada dal, waxyaabo aad u bandanna lagu wadaagayo sida ku cad war murtiyeed kasoo baxay shir ay yeesheen madaxda. Balse hadalkii uu yiri Dr Abiy markii uu ku laabtay Addis Ababa ee ahaa in labada dal mustaqbalka laga dhigayo ‘ hal dal’ ayaa ahaa mid dad badan ka yaabiyay, dowladda Soomaaliyana ay ku qasbanaatay in ay ka jawaabto. Daahir Maxamuud Geelle oo ah wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa tusaale usoo qaatay warmurtiyeedkii kasoo baxay kulankii labada hoggaamiye, kaas oo ahaa in dalalka midba midka kale uu ixtiraamo qaranimada, dhulka iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee uu mid kasta leeyahay. Balse Prof Maxamed Ismaaciil Samatar oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in aysan suurtogal ahayn in labada dal ay midoobaan, xagga iskaashigana waxa uu Cabdi Ismaaciil Samatar sheegay in marka hore ay tahay in ay ka heshiiyaan waxyaabihii dhex maray, lana dhiso kalsooni. “Waxaa muuqda nin soo diyaargaroobay oo saaran faraskii Sayidka ee Xiin Finiin iyo qolo dhankeena ah oo baqalo saaran” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar oo dhaliilay heshiiskii ay gaareen labada dal, balse qirey in ay jirto baahi weyn oo loo qabo in labada dal ay sameeyaan iskaashi dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, baraha bulshada ayaa loogu faaqidayaa hadalka Dr Abiy iyo heshiiskii uu la saxiixday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Aragti ahaane aad ayaa loogu kala qeybsanyahay waxa socda. Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi
  10. Hague (PP) ─ Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir iyo ergo ka kooban Qareenno iyo diblumaasiyiin ayaa Gaaray Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague. Ergadan ayaa waxaa ka mid ah Qareenno ay garwadeen ka tahay, Dr. Muna Al-sharman iyo danjiraha Somalia ee Midowga Yurub Cali Said Faqi, iyagoo u gudbin doona maxkamadda ICJ jawaabta gal-dacwadeedka muran badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya. Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aamisay sanadkii hore inay qaadi doonto dacwadda muranka badda ee ka dhaxeeya Somalia iyo Kenya, kaas oo gaaray heer ay labada waddan si xukun iskula hadlaan. Sidoo kale, Waxaa Maxkamadda ICJ ku sugan ergo ka socota Dalka Kenya oo iyaguna gudbinaya Gal-gacwadeedkooda, inkastoo ay horay hadallo aan munaasaba uga sheegeen maxkamadda dacwada qaadaysa. Waddanka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshaha dhul-badeed lagu qiyaasay 100,000-km2 oo ku dhaw barriga Somalia, halka Somalia ay sheegayo in badda lagu muransan yahay uu ka mid yahay biyahooda. Dhanka kale, Gudbinta dacwaddaan ayaa kusoo beegantay xilli dowladaha Somalia iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin maal-gashi dhanka dekedaha ah. Ugu dambeyn, Dacwaddan ayaa lagu wadaa inay maxkamaddu go’aan kama dambeys ah ka gaarto marka ay dhageysato dacwadaha iyo jawaabaha ay bixinayaan labada waddan, iyadoo la filayo in Somalia dib loogu soo celiyo xuduud badeedeeda lagu muransan yahay. PUNTLAND POST The post Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xubno la socda oo Gaaray Xarunta Maxkamadda ICJ appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo oo ay si heer sare ah ugusoo dhaweeyeen safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Norway. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa ka qeyb gelaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo oo maalinta Barri ah ka furmaya Magaalada Oslo kaas oo ay marti gelinayso wasaaradda arimaha dibadda Norway. Shirkan oo qorshuhu yahay inuu socdo 19-ka illaa 20-ka Juun ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka. Madasha waxaa ka qeyb galaya sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania. Kulanka inta uu socdo waxa ay ka qeyb galayaashu ka doodayaan si qota dheerna uga hadlayaan caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia ayaa sidoo kale inta uu joogo Magaalada Oslo la kulmaya qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galeysa shirkaan Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arima badan oo muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka iyo Hey’adaha ay ka socdaan madaxda uu la kulmayo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdigiisii oo gaaray Magaalada Oslo ee Xarunta Norway appeared first on Puntland Post.
  12. Unidentified airstrike targeted suspected Al-Shabab militants in their hideouts in two locations of southern Somalia on Sunday, residents and security officials confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
  13. Degmadda Dongoroyo ee Gobolka Nugaal waxaa maanta ka qabsoomay banaanbax lagu taageerayo ciidamada Puntland ee ku sugan difaaca Aaga Tukaraq ee Gobolka Sool, waxaana fagaare ku yaala Dongoroyo kula hadlay boqolaal qof oo ka qeybgalaya mudaharaadkan masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmadda Dongoroyo. Shacabka banaanbaxa samaynayay ayaa sitey calanka Soomaaliya iyo kan maamul Goboleedka Puntland, waxayna ku qeylinayeen ereyo ay ka mi ahaayeen “ Ciidanka Puntland guulaysta” Jabiya Soomaali diidka iyo Ereyo kale. Sidoo kale banaanbax la mid ah midka maanta ka dhacay degmadda Dongoroyo ee Gobolka Nugaal ayaa ka qabsoomay Caasimadda Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe, halka maalmo ka hor isu soo bax lagu taageerayo ciidamada Puntland uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa weli isku horfadhiya deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool xilli labaa maamul ee dariska uu halkaas ku dhexmarey dagaalo culus oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Abshir Dhiirane. PUNTLAND POST The post Banaabax lagu taageerayo ciidanka Puntland oo maanta ka dhacay Degmada Dongoroyo. appeared first on Puntland Post.
  14. Dowladda Soomaaliya ayaa saacadda geeska Africa marka ay tahay 4:30 galabnimo waxay gudbineysaa caddeymo ku aadan kiiska dacwadda Badda Soomaaliya ee kala dhaxeyso dalka Kenya oo ah Jawaab looga fadhiyo Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dacweysay dalka Kenya kadib marankii ku saabsanaa Badda Soomaaliya, waxaana Kenya horey ay maxkamadda u geysay caddeymo iyo document ay ku sheegeyso in loogu saxiixay Badda. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa laga codsaday inay soo gudbiso Caddeymo iyo Documentiyo, wayna gudbisay mar hore, iyadoo hadda lagu ballansan yahay Jawaabaha. Maanta ayaa loo ballansan yahay inay dowladda Soomaaliya soo gudbiso jawaabta ku saabsan Documeniyada ay soo gudbisay Kenya. Wararka naga soo gaarayo Xarunta Maxkamadda Adduunka ayaa sheegayo inay halkaas xaadir ku yihiin Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Qareenada u doodayo Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Biljamka Cali Saciid Fiqi. Soomaaliya ayaa la filayaa inay makamadda horteeda kusoo bandhigto muuqaal iyo Documentiyo badan oo ay uga jawaabeyso dooda ay soo gudbisay dowladda Kenya. Waxaa xusid mudan in Kiiska Badda uu soo bilowday isla markaasna uu salka ku hayo is faham dowladda Kenya iyo dowladda ay kala saxiixdeen sanadkii 2009 kadibna uu laalay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa heshiiskaas Badda Soomaaliya lagu wareejiyey Kenya dowladda Soomaaliya waqtigaas u saxiixay Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiramaan Cabdishakuur Warsame, waxaana xilligaas Ra’isulwasaare ahaa Cumar Cabdirashiid. Markii ugu horeysay waxaa dacwadaaan maxkamadda Adduunka u gudbisay Dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana hadda howsha dhameystirkeeda wado oo qarash badan ku bixineyso dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
  15. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa si weyn loo qaadaa-dhigay hadal uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka jeediyay Telefishanka Itoobiya markii uu ku laabtay dalkiisa kadib booqasho uu ku yimid magaalada Muqdisho oo ay heshiis is-afgarad ku gaareen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya. Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ka hadlayay safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo heshiiskii uu la gaaray madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in mustaqbalka la mideynayo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Arrintan ayaa noqotay qodobka ugu weyn ee lagu hadal hayo baraha bulshada, waxayna dadku u qeybsameen koox difaaceysa madaxda dowladda iyo qolo ku doodeysa in adduunyadii gadoontay oo weerar ku ah madaxda dalka, laakiin haddii si weyn loo dhuuxo hadalka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxaan soo qaadan karaa qeybtan laga tarjumay hadalkiisii: “Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada ayaa waxay ahayd ilaa iyo goormaan taariikh ka sheekeyneynaa oo aan leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaasi jiilal badan kaga hor istaageynaa iney hormar gaarin, oohinta soo naguma filno, korneel Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaan ka sheekeyn lahayn oo aan labadan shacab oo walaalaha ah kala geyn lahayn, labada shacab tilaabba aan ku kulmineyno, aan isugu soo dhaweyneyno oo aan isdhexgal iyo midnima dhab ahba sidi aan isugu keeni lahayn waddo noocaasi soo ma abuuri karno ayaan guud ahaan ka wada hadalnay… Waxaan ku heshiinnay wadahadalladi na dhexmaray waa arrimo rajo badan na geliyey, si ku meel gaar ah inaan iskaashi dhaqaale oo dhammeystiran aan yeelanno, mustaqbalkana annaga oo shacabka mideyneyno inaa hal dal oo dhammeystiran aan iisu beddelno. In dekad la kireeyo ama inaan annaguna bun halkaa ka dirno oo keli ah iyadoo aysan ahayn kheyraadka baahsan ee gobolka ka jiro iyo kheyraadka shacab ee ka jiraba in la iisu geeyo waxaa lagu abuuri karaa gobol dakado badan leh, kheyraad badan leh, shacab tira bandanna leh oo suuq weyn noqda”. Abiy Ahmed wuu sii hadlay oo wuxuu sheegay in Itoobiya ay bad la’aan tahay, halka Soomaaliya ay bad ku wareegsan tahay, wuxuuna daba dhigay “Taas micnaheedu waa maxay? soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel halbowle ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalinti inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maalinti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana ay ahayn kuwa la cabbo dhulki wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan dhahno dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibtoonno marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo qaba feker ah in dalalka Bariga Afrika ay midoobaan dhqaale ahaan wuxuu soo qaatay usoo qaatay dalalka adduunka qaarkoodsida Imaaraatka iyo Maraykanka, wuxuuna ka yiri “waddamada geeska Africa ka jira haddii ay u suuragasho iney noqdaan hal dal oo mideysan sida Dubai, ama sida Mareykan amaba Yurub oo kale ay noqdaan, intaan ka baxno waxyaabaha yaryar oo aan kireyno inta aan ku noolaan leheyn waxaan heli karnaa faa’idooyin ballaaran ayaan heli karnaa, caalamkana waxaan ku yeelan karnaa awood aan ku gorgortanno taa ayaan ku wada hadalnay” Marka la isku soo duubo hadalka dheer ee Ra’iisal wasaaraha Abiy Ahmed iyo fekerkiisa midnimada ma ah mid ku kooban Soomaaliya iyo Itoobiya sida dadka qaarkiis ay dhinac ula cararreen, laakiin waxaa muuqata inuu ka guda-weyn yahay oo uu aamisan yahay falsafad ah in gobolka Geeska Afrika oo dhan la mideyn karo, lana gaarsiin karo barwaaqo sooran. Waxaan ugu danbeyn fekerkiisa ka arki kartaa ereyadan oo ka mid ahaa isla khudbadiisa: “Soomaliya, Kenya, Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa umad tiradoodu gaareyso kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka..” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ka kooban ilaa 16 qodob oo la filayo inay ka wada faa’ideystaan labada dal. Heshiiska labada dal dhex maray ayaa dood badan ka dhaliyey baraha Bulshada ee isticmaasho Soomaalida, taasoo badankeeda ay kiciyeen siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya. Sida laga war qabo Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wado olole uu ku doonayo inuu ganacsiyo dhanka badda kula galo dowladaha Africa, gaar ahaan kuwa darisk la ah Itoobiyda oo ay ugu horeeyaan Jabuuti, Kenya iyo Somalia. Itoobiya oo saami dhaqaale ku yeelaneyso dekadda Dooraale ee Jabuuti Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa heshiis lasoo galay dowladda Jabuuti, wuxuuna heshiiskaas si cad u sheegayey in Itoobiya wax laga siiyo Dekado ku yaalo dalkaas Heshiiskaan oo dhigaayo in dowladda Itoobiya saami ku yeelato dekadda Dooraale ee laga ceyriyay Imaaraadka Carabta in maalgashi ay ku sameeyaan shirkaddaha ganacsi ee dalka Itoobiya. Booqashadii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku tagat dhawaan Jabuuti ayaa heshiisyadii uu saxiixay qeybta ugu weyn ay tahay, waxaana dhanka Jabuuti u saxiixay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Telefishinka Itoobiya oo laga baahiyay heshiiskaan ayaa waxaa la filayaa in sida ugu dhaqsaha badan u dhaqan galo si loo bilaabo maagashiga balaran ee Itoobiya balan qaaday. Marka aad fiiriso heshiiskaas, ma waxa uu ka dhigan yahay in la isku darayo Jabuuti iyo Itoobiya? Ma madax banaanida Jabuuti ayaa gashay halis? Ma shacabka Jabuuti ayaa u arkay heshiiskaas mid Itoobiya kula wareegeyso badeeda? Jawaabta waa maya, ujeedka heshiiskaasna waa inay Jabuuti hesho maalgashi ballaaraan isla markaasna ay Itoobiya kaga faa’ideysato bad la’aanta heyso. Itoobiya iyo Kenya Oo Galay Heshiisyo Ay Ku Jiraan In Adis Ababa Dekad Ka Dhisato Lamu Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali oo dhawaan tagay dalka Kenya ayaa heshiisyo la galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Heshiisyada labada dhinac kala saxiixdeen waxaa ka mid ah waddo tareen oo isku xeri-doonta Adis ilaa Nairobi iyo waddo kale oo isku xiri-doonta Laamu ilaa Adis Ababa. Arrimaha kale ee Abiy iyo Kenyatta ka heshiisyeen waxaa ka mid ah: Dhul Dekad ah oo Itoobiya laga siiyo Lamu si ay u dhistaan iyada oo duuliimaad gaar ah oo diyaaradda itoobiya Air ah loogu sameeyay Mombasa. Arrimaha biyaha mar la soo qaaday waxaa ay ka wada hadleen sidii loo qeybsan lahaa biyaha webiga Omo, Lake Turkana iyo webiga Daua. Marka aad fiiriso heshiiskaas, ma waxa uu ka dhigan yahay in la isku darayo Kenya iyo Itoobiya? Ma madax banaanida Kenya ayaa gashay halis? Ma shacabka Kenya ayaa u arkay heshiiskaas mid Itoobiya kula wareegeyso badeeda iyo dhulkeeda? Jawaabta waa maya, ujeedka heshiiskaasna waa inay labada dowladood kala helaan faa’ido isdhaafsi iyo iskaashi dhanka dhaqaalaha ah. Soomaaliya iyo Itoobiya (Itoobiya oo maalgashaneysa Afar Dekadood) Kaddib safar qaatay saacado oo uu ku yimid magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa kulan albaabada u xirnaa ay wada qaateen Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah. Shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen ayaa waxay ku sheegeen in labada dal uu dhex marayo iskaashi dhinacyo badan, oo qeyb ka ah ganacsiga, dhaqaalaha, is dhex galka bulshada labada dal iyo sameynta suuq ganacsi oo xor ah. War murtiyeedka ka soo baxay waxaa lagu sheegay in la xoojiyo xiriirka labada dal iyo dhqan-gelinta heshiisyada horay u jiray, in la hormariyo dekadaha Soomaaliya si ay uga faa’ideystaan Itoobiya iyo dalalka kale, in la dhiso jidad Soomaaliya ku xira Itoobiya, Ganacsiga la fududeeyo, maalgeshi labada dhinac ah, isu socodka, in Itoobiya taageerto nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in mushkilada Afrika ay xaliyaan Afrikaanka dhexdooda. Labada hoggaamiye, waxaa ay isku afgarteen in la hormariyo kaabayaasha dhaqaale sida horumarinta dekadaha iyo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira labada dal, sidoo kale labada hoggaamiye waxaa isku waafaqeen in la maalgeshto adeegyada Lojistikada iyo la sameeyo adeegyo u gaar ah dekado u shaqeyn kara badweynta Hindiya iyo badda cas Maxaa Heshiiska Somalia iyo Itoobiya ka duway heshiisyadaan? Inkastoo ay jirto cadaawad soo jireen ah oo u dhaxeyso Somalia iyo Itoobiya, haddana adduunyada dhan hadda way ka gudubtay dagaal, wax kastana waxaa lagu xaliyaa heshiis iyo wada noolaansho, ma jiro wax dhib ah oo ku jiro inay heshiisyaan dowladaha Somalia iyo Itoobiya isla markaasna ay iska kaashadaan dhinac kasta amni, dhaqaale iyo siyaasad ahaanba. Haddii Ay labada dowladood heshiiyaan kama dhigno ina la isku darayo Itoobiya iyo Somalia, sababtoo ah waa laba dal oo ka wada tirsan Qaramada Midoobay wuxuuna heshiiskaan la galeyno lamid yahay midda ay dowladaha Jabuuti iyo Kenya la galeyn. Kaliya farqiga u dhaxeeyo heshiiska Somalia iyo Itoobiya iyo midda Itoobiya la gashay Kenya iyo Jabuuti waa Shacabka Soomaaliyeed oo aan weli iloobin cadaawada ka dhaxeyso labada dal iyo suuq geyn been abuur ah oo ay sameenayaan Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo dano siyaasadeed iyo kursi doon ah!. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. The Ministry of Petroleum and Mineral Resources of the Federal Republic of Somalia has drafted regulations to manage the country’s petroleum and mineral resources sectors, especially in regard to ownership and revenue sharing. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – War Murtiyeed ay si wada jirka ah u soo saareen hogaamiyaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Etiboobiya ayay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid ahaayeen maalgelinta 4 dekadood, furashada qunsuliyado iyo sii wadista heshiisyadii hore ee jiray. Hadaba maxay yihiin heshiisyada jiray oo lagu xusay war murtiyeedka, maxay ka dhigantahay maalgahsiga dekadaha iyo furashada qunsuliyado – su’aalahaas ayaa VOA weydiisay Dr Axmed Maxamed Kheyre oo shahaada PHD ka haysta Qawaaniinta Caalamiga ah. Dr. Axmed Maxamed ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiska labada dowladood qodobada uu ka koobnaa ay jiraan qodobo u baahnaa in la fasiro lana caddeeyo ujeedka laga leeyahay, isagoo sii raaciyey inay jiraan kuwa kale oo dhalinayo su’aalo badan, Sidoo kale Dr. ayaa sheegay inay isaga la tahay inay heshiiskaas ku jiraan qodobo kale oo qatar ku noqon kara Madaxbanaanida Soomaaliya isla markaasa uu mid mid u kor istaagayo. Ugu horreyntii wuxuu sheegay in heshiisyada hadda la kala saxiixday ay daba socdaan safar hore oo uu Farmaajo ku tagay Adis Ababa 3- 5 Bishii March sanadkii 2017, kulankaas waxaa laga soo saaray war murtiyeed, war murtiyeedkaas waxaa kamid ahaa inay labada dal isku raaceen in la hirgeliyo heshiisyadii hore ee la saxiixday, lana dardargeliyo nidaamyadii iskaashiga ay jiray. Dr. Axmed ayaa tilmaamay inaan la caddeyn heshiisyadaas cidda lala galay isagoo yiri “ Ma heshiisyadii dowladihii hore galeenaa, ma heshiisyo Maamul Goboleedyada galeenaa, mise waa heshiisyo ay galeen hoggaamiye kooxeedyadii lama caddeyn, marka laga hadlayo arrimaha caalamiga waxaa muhiim in la caddeyo waxa laga hadlayo iyo waxa laga heshiinayo, iyadoo aan intaas la caddeyn ayaana la sameeyey guddi heer sare ah labada dhinac ah oo heshiisyada dhameystira. Dr. Axmed oo sii hadlayey ayaa yiri “ marka aad u timaado, war muriyeedka ay labada hoggaamiye soo sareen, waxaa ku jiro qodob arrintaas xoojinayo ama daba socdo, tusaale ahaan qodobka seddedxaad ee heshiiska ku jiro ayaa ah 3 – Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay, kaasi oo ah heer wasiiro, kaasi oo ka shaqeyndoona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh. Marka midda in la caddeeyo u baahan waa heshiisyadaas waxa ay yihiin iyo cidda lala galay” Dr. Axmed ayaa dowladda iyo Baarlamaanka ugu baaqay inay dib ugu noqdaan heshiisyadaas waxa ay yihiin iyo cidda lala galay si looga fiirsado go’aanada ay qaadanayaan labadada guddii ee la sameeyey si looga fogaado in la saxiixo heshiisyo dalka wax dhimayo. Wuxuu ka digay inay soo bixi karaan heshiisyo halis ah oo ay saxiixeen hoggaamiye kooxeedyadii, Maamul Goboleedyada iyo dowladihii hore ee midaan madaxweyne Farmaajo kaga horreeyey xukunka. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso Wargeysigiisa oo dhameystiran https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/dd0ad351-60b6-4244-8701-992fbdfd64c5_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. The finds of a recently concluded survey on five development projects funded by the World Bank in Somaliland were presented today in Hargeisa. The five development projects funded by the World Bank in the include the Ministry of Finance-Public Finance Reform Office (pfm) project, the Somaliland Civil Service Reform Project, the Hargeisa local government project and two other projects currently being implemented by the ministry of national planning and ministry of environment and rural development, The recently concluded survey was jointly conducted by the Auditor-General office and BTM, an international firm confirmed that the world bank projects were efficiently being put into practice. Mr. Ahmed Yousuf Dirir, Auditor General and representatives of BTM jointly affirmed that work on these projects is going well. Hon Mohamed Dahir Ahmed Mohamed, deputy minister of finance speaking on the occasion noted the importance Of improving the nation’s financial management system and transparency.
  20. By Dr. Hussein Mohamed Nur The SNM had strong networks of cells operating inside the country. The principal goal was to facilitate operations and support networks for the movement. Those networks consisted of a diverse people of different backgrounds including business people, traders, petty street workers, students, teachers, women, employees and professionals etc. of the various departments and institutions of the government and armed forces of different ranks. The latter also included high ranking military officials within the army who acted as a linchpin in the internal operations of the SNM. Colonel Ibrahim Ismail Koodbur was a ranking military officer embedded within the 26th sector of the army in Hargeisa. Koodbur was one of the extraordinarily brave men in the history and struggle of the SNM. He was the main architect together with other SNM officers such as Colonel Abdisalam Mohamoud Jama (Turki) and others. Colonel Ibrahim Ismail Koodbur In April 1983, Abdillahi Askar, Abdisalam Mohamoud ‘Turki’ and others entered Hargeisa as a group to join an SNM inside cell including Colonel Ibrahim Kodbur (a member of the national army as a high ranking officer). The purpose of the mission was to conduct a secret operation in Hargeisa. The original mission was to headhunt high ranking government officials (the commanders of the 26th sector of the army, the NSS, the Hangash and others). Unfortunately, before any action was conducted in accordance with the plan, the unit faced a sudden unforeseen problem. The unit members switched the original plan into a rescue operation due to the unexpected change in the original plan. They had to divert mission as a colleague member, Colonel Abdillahi Barkhad Askar, was caught on 10 April 1983 by the Victory Pioneers (Guulwadayaal) and later moved to be imprisoned at Birjeex military Headquarter, a highly fortified and enforced security prison within the 26th sector of the army forces Birjeex compound. At the time there were preparations for the celebrations of the Somali armed forces day (12th of April 1983) underway. This happened after the unit had a meeting on the evening of 10th April 1983 at a house owned by Ismail Sheikh Musa Duale. As they finished meeting they left for another location to stay in the night. Abdillahi Askar was left behind. Askar left the house alone afterward and was stopped by the Guulwadayaal on the road on his way to join the rest. He was brought to their center of the so-called ‘Victory Pioneers’ (Xarunta Guulwadayaal) (today’s site of the parliament). Askar was later moved to Birjeex. General Gani, commander of the 26th Sector of the armed formed in Hargeisa planned to bring Askar to the Hargeisa National Theatre on the next evening of 11 April 1983, the night before the celebration of the Somali military day as a show to the public before his execution plan on the next day. Members of the SNM rescue unit of Birjeex operation The SNM unit immediately knew of the incident (from reports of an insider SNm cell unit) and urgently organized a small unit with Colonel Ibrahim Kodbur as the coordinator to rescue Askar. The unit consisted of 11: 1. Abdisalam Turki, 2. Said Abdi (said Birjeex), 3. Ibrahim Ismail Kodbur, 4. Bihi Haji Hassan Elmi, 5. Suleiman Said (Yare), 6. Ibrahim Arab, 7. Ahmed Hussein Warsame, 8. Said Kur-Libah, 9. Aden Maal Aqli, 10. Abdirahman Eid Farah, 11. Said Ahmed Dhigane. Kodbur was an insider link man, coordinator and the anchorman who still a high ranking officer in the Somali army. He was leading the activities. He had the rota as the duty command Officer that night. He was our anchor man. They made themselves ready the next day (11 April) late afternoon together with two rescue vehicles and went according to the plan. They enforced entry from the entrance gate of Birjeex straight to where Askar was kept. At first, they met with some resistance from a well-equipped guard and started exchanging fire with the guard. But that was surprisingly shock and awe for them. In fact, the shooting took place in close range and immediately they had the upper hand. Two of their colleagues were hit but were managed successfully to be taken out with them alive together with the prisoner. Askar was in bad state and completely immobile due to the damages he was received whilst in the hands of the enemy. He was subjected to savage torture and beaten. He was in pajamas. His skin was burnt all over with candles and cigarette butts (as they noticed later afterward). They took the wounded men and the prisoner and swiftly hit the exit gate towards two vehicles parked outside and on standby. However, they escaped in one of the cars abandoning as it had an engine failure. One of the wounded men was Bihi Haji Hassan Elmi. He was badly wounded. They brought him out into a bush of shrubs nearby. Unfortunately, it was impossible to take him with them. The circumstances got out of hand. Bihi told ordered them to leave him on the spot. There was literally no chance to save him. They suddenly sped off towards the south, the direction of the border. At the Masalaha area, the only transport vehicle they became faulty. The engine would not start. Just after dusk and after the Maghrib prayers as they were frustrated but did not lose faith and on dependence on the All-Mighty, Allah, a miracle happened (as reported by Colonel Turki who is alive today – details are available in the forthcoming book of the author ‘The Rebirth of Somaliland’). With the Grace of Allah’s and his permission, they gave the engine one last trial. Upon the first turn ignition and the engine miraculously roared like a brand new machine. They then sped off as fast as they could. They were never spotted by the enemy and therewith crossed the border at Harshin safely. Bihi who was left behind died after killing several enemy soldiers. A memorial monument today stands on the spot where Bihi died. A memorial monument has been recently erected where Bihi died. Of the 11 members of that spectacularly successful mission, as we write today only three of them are alive (Abdisalam Turki, Adan Mal Aqli, and Abdiraham Eid). The first two live in Hargeisa. Abdirahman Ciid lives in Ainabo, Sarar region. The rest of the team died (some in action during the operation, others in action during the SNM invasion in 1988 and still others in different circumstances. Ibrahim Ismail (Kodbur) died in 1987; Bihi Haji Hassan Elmi (died in action) in action in 983); Said Abdi Yasin died in 1988); Said Ahmed Dhigane (died in action in 1983); Saleban Said died in 1988; Ahmed Warsame Malosh died in 2002. In the decade of SNM liberation, thousands of civilians and SNM fighters including the top leading commanders lost their lives. The SNM lost some of its heroic and daring officers. Mohamed Ibrahim Hadrawi, one of the famous Somali cultural creator, poet, and composer, highlighted some of the SNM officers killed in battles in a series of poems known as ‘Dalalay series’: Dil-dillaaca dhiigiyo The blood-gushing cracks Inta nacabku dooxee All those massacred by the enemy Dhan baan ku dhaabtay I sweared Birjeex deedankeedi In the Birjeex vicinity Laga diday kulkeediyo Fled from its mercilessness Degsan baan ku dhaabtay O by Degsan, I swear Lixle damacyadiisii The ambitions of Lixle’(1) Diric Ina Saleebaan The son of Suleiman Duxan baan ku dhaabtay O by Duhan, I swear Ifkuu Xaamud daariyo (2) The enlightenment of Hamud Khaliif doorankiisiyo (3) The wishes of Khalif Degan baan ku dhaabtay O by Deggan I swear Hurre doonaantiisii (4) Hurre’s engagement? Gurey Ina Dawaariyo (5) Gurey, the son of Dawareh Dar kalaan ku dhaabtay And many others, I swear Islow dara-digiisii (6) Islows ? Danab Adan Shiiniyo (7) Thunderous Aden Shiine Dadban baan ku dhaabtay O by Dadban, I swear Karuur duur-xulkiisii (8) Karur, his wilderness Iyo Damalkii Koosaar (9) And Kosar’s wisdom Dedan baan ku dhaabtay O by Deggan, I swear 1 Mohamed Hashi Deria (lixle); 2. Hamud Ibrahim Yasin; 3. Khalif Sh. Ahmed; 4. Mohamed Haji Hassan (Hurre); 5. Ibrahim Farah Dawarre *Gurey); 6. Mohamed Ahmed Mohamoud (Islawayne); 7. Aden Sh Mohamoud Sh. Abdillahi (Aden Shiine); 8. Abdi Sh Jama (Karuur); 9. Abdulkadir Kosar Abdi. In 1987 the SNM launched an operation inside Hargeisa city. The purpose was the killings of top government officers in the North especially Hargeisa such as the commander of the 26th Sector of the armed forces in the North, the Commander of the Police force, the governor etc. Meanwhile, Ahmed Ade, the top ranking officer of the NSS and a colleague of his nicknamed ‘Degmo-Laqas’ were successfully slain in the process. Many at times it was not uncommon that civilians were caught in revenge for the actions and operations of the SNM. Most of the people were usually the suspects of supporting the SNM. Soon after that operation Sulub Jama Aw Osman (also known as Sulub Ugaadhyahan) and a friend of his who were both members of a clandestine SNM cell in Hargeisa were caught and imprisoned. For three months they faced an ordeal. They were badly beaten and tortured in the Hargeisa Central Prison. Sulub described the merciless ordeal they went through (described elsewhere in the author’s forthcoming book ‘The Rebirth of Somaliland). Later on, they made an extraordinary successful escape from the prison in Hargeisa. To be continued…
  21. HARGEISA— Residents in Garowe and Galkayo hold peaceful demonstartions in support of Puntland’s aggression against Somaliland today according to reports. The protesters who marched across the two townships main streets were chanting slogans expressing their support to Puntland soldiers which went war with Somaliland defense forces stationed in Tuka Raq. The peaceful demonstrators have called on the emancipation of Sool region which is under Somaliland control. The tension is running high between Somaliland and Puntland and reports further confirm that Puntland deployed militia soldiers in the frontline so as to carry attacks against Somaliland forces. The United Nations efforts in conjuction with IGAD body is failing as Puntland’s president has dismissed calls from the International community which is trying to end the hostilities between the two authorities.
  22. Saacadihii ugu dambeeyey waxaa dalka Soomaaliya ka taagan muran weyn oo ku aadan heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii uu Ra’isulwasaaraha Itoobiya imaaday Magaalada Muqdisho maalintii Axadda aheyd markaas oo la wada gaaray heshiis ku dhisan is afgarad iyo ganacsi. Haddaba waxaan maqaalkaan kooban doonayaa inaan kaga hadlo heshiiska la kala saxiixday, danta ugu jirto Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo fasiraadaha qaldan ee laga bixiyey. Akhriso 16-ka qodob ee la kala saxiixday 1 – Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal, Gobolka iyo guud ahaan caalamka, intii kulankoodi u usocday ayaa labad mas’uull waxay dib u soo cusboonaysiiyeen balanqaadyadii ahaa xoojinta xiriirka ku dhisan walaltinimo, dhaqanka, derisnimada iyo istixgelinta labada dal. 2 – Waxaa lagu heshisyay in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xiriirka ku dhisan wadasheynta guud, xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo iyadoo la dhowrayo madax banaanida labada dhinac. 3 – Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay, kaasi oo ah heer wasiiro, kaasi oo ka shaqeyndoona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh. 4 – Sidoo kale hirgelinta xafiisyo diblomaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is dhaafsi ah uga sameynayaan magaalooyinka gobolada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, fududeynta isdhexgalka bulshada sida socdaalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka. 5 – Waxaa la isla gartay muhiimadda iskaashiga horumarinta dhaqaalaha, iyadoo loo marayo maalgashi lagu sameysto labada dal, iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaari lahaa labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika ugu dambeyntii. 6 – Waxaa lagu heshiyay in meesha laga saaro aqabadaha ku horgudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal, si loo xaqiijiyo sugnaanta isdhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’idaysto awooda wax soo saar ee dadka, sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekedaha, waddooyinka. 7 – Qodobka todobaad oo la isla soo hadal qaaday ayaa waxaa kamid ah dhiirogelinta maalgaashiga, gaar ahaan ilaa 4 dekedood, waxaa ay isku raaceen in si wada jir ah loo maalgashado ilaa afardekadood oo muhiim ah oo kuyaala Soomaaliya, dhismaha waddooyinka isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la dhisidoonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qodobada lagu heshiyay. 8 – In laga faa’idaysto awooda iyo fursadaha dhaqaale ee xagga suuqa, iyadoo la sameynayo maalgelin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay, taasi oo hadafkeedi uu yahay in fursado shaqo loo abuuro bulshooyinka labada dhinac. 9 – In loo baahanyahay xoojinta nabadda iyo xasilooni waarta oo ay kunoolaadaan shacabka labada dal, la iskana kaashado la dagaalanka argagixisada, waxaana si wada jir ah loo cambaareeyey falalka argagixisanimo nooc kasta oo ay ahaadaanba. 10 – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelisay dowladda Itoobiya ciidamadeeda oo qeybta ka ah AMISOM sida ay naftoodi ugu hureen in ay shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan cadowga Alshabaab. 11 – In mudnaan gaar ah la siiyo dowrka AMISOM ee nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah looga hortago qatarkasta oo ku wajahan gudaha iyo dibadda, waxayna si wada jir ah ugu baaqeen dowladaha kale saaxiibada Soomaaliya in ay kaalintooda ka geystaan dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya. 12 – Waxay si wada jir ah oo cad u sheegeen in dhankasta oo xushmeeyo madaxbanaanida dalka kale, iyo sharafta dhuleed iyo kala madaxbanaanida siyaasadeed, iyadoo loogu baaqay dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed in si dhab ah uga wada shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka Soomaaliya. 13 – Arrimaha caalamiga ah, waxaa ay ugu baaqeen QM in ay la timaado nidaam waxtar badan oo isku-dhafan oo leh dib-u-habeyn iyo xoojin, Iyadoo sidoo kale isku raacay in loo dodo wadamada Afrika dhibaatooyinka haysat in xal waara loo helo. 14 – Raiisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku ammaanay hoggaanka dowladda Soomaaliya sida ay uga dhabeeyeen balanqaadyadodi ahaa in dalka horumar lagu soo dabaalo, waxaana uu xusay in dowladdu ay ku guuleysto in ay ka gudubto aqabado badan islamarkaana ay u jahaysatay dhanka horumarka. 15 – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey raiisul wasaaraha Itoobiya xilka cusub ee loo doortay dhawaan, wuxuuna madaxweyne farmaajo ku booriyay in uu fuliyay qorshihiisa isbedelada ah iyo hadafka dheer, uuna noqdo mid waxtar uleh Itoobiya iyo guud ahaan gobolka. 16 – Madaxweyne Farmaajo oo ku hadlayay magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay raiisul wasaare Abiy Axmed Cali, kaasi oo dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey isaga iyo wafddigiisa. Hadalkii Abiy Ahmed markii uu ku laabtay Itoobiya: Dr. Abiy Ahmed Ali ayaa markii uu dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa la hadlay Telefishinka Qaranka Itoobiya EBC, ayuu ku sheegay in Madaxda Soomaaliya isku afgarteen inay hal dal noqdaan. “Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna dekad la’anta ayaan ka baxeynaa iyaguna dakadahooda hal markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan. Weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku hadlayay afka Amxaariga. Mucaaradka Iyo fasiraadii ay ka bixiyeen Siyaasiyiin Calooshood u shaqeystayaal ah oo ujeedka ay leeyihiin ay tahay kaliya in la iska horkeeno shacabka iyo Dowladda ayaa u arkay fursad qaali ah inay si qaldan u fasiraan heshiiska dhex maray dowladda Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya. Fasiraadda ugu qaldan ee la bixiyey ayaa aheyd hadalka Ra’isulwasaaraha Itoobiya ee ahaa inay Soomaaliya iyo Itoobiya noqonayaan hal dal, taasoo ay Mucaaradka ka dhigeyn inay ka dhigan tahay in Soomaaliya ama Itoobiya midkood meesha laga saari doono oo hal dal la noqon doono. Maahan sidaas, maahan sida Mucaaradka kursi doonka ay u maran habaabinayaan shacabka Soomaaliyeed oo mar kasta la nacsiiyo dowladda u dhalato si loo niyad jabiyo. Dalka Soomaaliya waa dal madax banaan, ka tirsan Qaramada Midoobay, waxay xor u tahay inay heshiis kasta la gasho dowladaha kale haddii ay dan ugu jirto labada dhinac dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan, heshiiska hadda la kala saxiixdayna waa mid ku saleysan inay Itoobiya isticmaasho Dekadaheena isla markaasna laga qaado Canshuur. Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhex jiray colaaad iyo cadaawad muddo badan soo jirtay, marka uu Ra’isulwasaaraha Itoobiya dhahayo hal dal ayaan noqoneynaa waa hadal ujeedka laga fahmayo uu yahay aan iska ilowno wixii nasoo dhex maray, aan u dhaqano sida hal wadan oo kale, aan isku kaashano sida hal wadan oo kale, aan iska ilowno wixii nasoo dhex maray, ee maahan aan Soomaaliya meesha ka saarno Itoobiya hala noqdo, ama Itoobiya meesha halaga saaro Soomaaliya hala noqdo. Inuu sidaas ula jeedo waxaa si weyn kuugu soo caddeynayo hadalkiisa dambe ee uu raaciyey ee ahaa “ inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha” oo micnaheeda yahay colaaddii nasoo dhex martay aan iska bixino aan bilaabano buug cusub oo taariikhi ah. Maxaa ku jaban in lala heshiiyo Itoobiya, oo aan wax kasta ku dhameysano heshiis, si aan u helno dhulka naga maqan iyo ganacsi badan? Halkii aan dagaal iyo dhibaato ku jiri laheyn maadaama dalkeena uu ku jiro xaalad soo kabasho ah. Maxaa la haboon Shacabka Soomaaliyeed Dad gaar ah oo leh dano siyaasadeed iyo ujeedooyin fog fog ayaa marin habaabin ku hayo shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo danta ugu weyn ay leeyihiin tahay in la iska horkeeno dowladda iyo Shacabka isla maarkaasna lagu jiro xaalad kacsanaan ah si ay u gaaraan hadafkooda ah (Dowladda Waa fashilmatay) taasoo ay aaminsan yihiin inay ku heli doonaan guul doorashooyinka soo socdo. Aniga ahaan, qoraaga maqaalkaan kooban waxaa aaminsanahay in Soomaaliya aysan dhici doonin inay madax banaanideeda ka tanaasusho, inay is dhiibto, waa dal soo jireen ah leh taariikh fog, adduunyada dhanna way ku jiiftaa inaysan Soomaaliya sidaas u fududeyn. Sidoo kale waxaa aaminsanahay inaysan Dowladda Soomaaliya marnaba ka suurtagelin inay gasho heshiis meesha looga saarayo Jiritaanka Soomaaliya ileen iyada ayaaba ah madaxda Soomaaliya, haddii ay Soomaaliya meesha ka saaraan yey u talinayaan? halkee ku noolanayaan? Siyaasiyiinta dadka qaldayo ayaa ku jiifo inay jiraan dad Soomaali ah oo aan laheyn garasho, fakar iyo inay iska hubiyaan wax kasta oo loo sheego, sidaasna ay mar kasta ugu fakaraan in loo isticmaalo sidii loogu niyad jabin lahaa tashuusna loogu furi lahaa kuwa kale ee caqliga iyo fakarka u saaxiibka ah. Waxaa Qoray: Abdirizak Muuse Xuseen Email: abdirzak1111@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Muran ayaa ka dhashay hadal uu warbaahinta Itoobiya ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed, kadib booqasho uu sabtidii kaga soo laabtay Muqdisho. Ra’iisul wasaare Abiy oo ku hadlayay afka dalkaas ee Amxaariga ayaa ka hadlay heshiiiskii ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna sheegay inay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan dhaqaalaha, mustaqbalkana ay shacabka mideeyaan oo ay noqdaan hal wadan oo dhameystiran. “Wada hadalada na dhexmaray waxaan ku heshiinay arrimo rajo badan na geliyay sida inaan si ku meel gaar ah isaga kaashano dhaqaalaha, mustaqbalkana aan shacabkeena mideyno oo aan noqono hal wadan oo dhameystiran, waa in wadamada geeska Afrika hadii ay suuragal tahay noqdaan hal dal oo dhameystiran sida Dubai, ama Mareykanka ama Yurub, taas oo aan ka heli karno faa’iidooyin ballaaran caalamkana aan uga yeelan karno awood gorgortan, marka arimahaas ayaan kawada hadalnay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Abiy. Abiy oo dahalkiisa siiwata ayaa yiri “Habada taasi macnaheedu muxuu yahay, Soomaaliya waa dal juquraafi ahaan ku yaalla meel muhiim ah, laakiin biyaha badda ee intaas le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan waxay noqdeen kuwo maalintiiba aan lagu arkeyn hal Markab, ma ahan biyo la cabi karo ama wax lagu beeran karo, marka in aan dhahno deked la’aan ayaa nahnay dhibaato ayay nagu tahay mustaqbalka fog marka la eegana arintaasi dhibaato iyo waxyeelo weyn ayay nagu yeelanaysaa”. Dhanka kale hadalka Ra’iisul wasaare Itoobiya waxaa ka jawaabay Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, wuxuuna beeniyay in ay ku heshiiyeen in labada dal la mideeyo. Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in heshiiska ay wada galeen Itoobiya uu ku saabsanaa iskaashiga amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna intaas ku daray in heshiiskani ahaa mid muddo soo socday oo ay soo wadeen dowladihii hore. Wasiir Daahir Geelle oo wax laga weydiiyay hadalkii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada dal la mideeyo oo laga dhigo hal dal ayaa ku jawaabay in ay wada hadleen labo dal oo daris ah oo kala madaxbanaan. Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa 16-kii bishan June Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ka kooban 16 qodob oo ay ku jiraan kuwo xasaasi ah, waxaana heshiiskan labada waddan u kala saxiixay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Qodobka 7-aad ee heshiiskaas ayaa dhigayay in la isku raacay in si wadajir ah loo maal-gashado afar dekadood oo muhiim ah oo ku yaala Soomaaliya, lamana soo bandhigin magacyadda goobaha loo qorsheeyay dekedahaas. Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay in uu yahay damac Itoobiya ay in badan ku taameysay oo hirgalay, halka qaar kalena ay ku tilmaameen in ay tahay isku soo dhowaansho u dhaxeeya labada dowladood oo ay horay uga dhaxeysay xurguf. Itoobiya oo haysata shacbiyad ka badan boqol malyan ayaan la heyn bad, halka Soomaaliya oo leh bada ugu dheer Afrika aysan la heyn shacbiyad ka fa’iideysata. PUNTLAND POST The post Muran ka dhashay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  24. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo wariyaasha shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya Dhowaan ku gaareen Muqdisho. Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu horeeyn sheegay in Ra’isilwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed Ali uu Muqdisho ku yimid codsi kaga yimid Madaxweyne Farmaajo isaga oo sheegay in muhiim uu ahaa heshiiskii ay yeesheen. Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Gelle ayaa ka hadlay heshiiskii ku saabsanaa Maalgashiga Dekadaha isaga oo sheegay in heshiiskaasi Itoobiya kale aanu siineeynin in ay maalgashadaan Dekadaha hayeeshee ay fursad ka heli karaan Dowladaha Caalamka iyo Ururada caalamka si ay faa’iido uga helaan. Sabtidii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho yimid Ra’isilwasaaraha Dalka Itoobiya iyada ay heshiis wada gaareen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo waxaana xusid mudan in bulshada Soomaaliyeed ay si aad uga hadleen arintaasi qaar kamid ah Bulshada ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay in uu yahay damaca Itoobiya ay in badan ku taameeysay oo hirgalay halka qaar kalena ay ku tilmaameen in ay tahay isku soo dhowaasho u dhaxeeya Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay horay uga dhaxeeysay xurguf. Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Daahir-Maxamuud-Geele-.-PP.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DFS oo Faah Faahisay heshiiskii Dekadaha ay la gashay Dowlada Itoobiya appeared first on Puntland Post.