Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,367
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu soo dumay masrax uu ka socoday isu soo bax olole doorasho oo ka dhacayay waqooyiga gobolka Nuevo León ee dalka Mexico, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka. Burburkaan ayaa dhacay xilli uu musharraxa madaxweynaha ee xisbiga bidix-dhexe Jorge Alvarez Maynez uu khudbad ka jeedinayay magaalada San Pedro Garza Garcia, burburka waxaa sababay dabeylo lama filaan ah, Mr Maynez ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X. Barasaabka gobolka Samuel Garcia ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay guryahooda ku ekaadaan sababtoo ah onkod iyo dabaylo xooggan oo aagga ka dhacaya. Jorge Alvarez Maynez waa musharraxa xisbiga dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta, waxaana uu hadda ku jiraa kaalinta saddexaad ee doorashooyinka qaranka. PUNTLAND POST The post Dhismasho iyo dhaawac ka dhacay masrax olole doorasho ka socday dalka Mexico appeared first on Puntland Post.
  2. Mogadishu (HOL) - Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Moallim Fiqi Ahmed, met with the Deputy Special Representative of the Secretary-General at the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), Mr. Raisedon Zenenga, in Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan. Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, isaga oo ku sugnaa xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale kooxda dishay xildhibaanka oo mar qura rasaas ooda uga qaaday ayaa goobta isaga baxsatay, mana jiro tallaabo ay qaadeen ciidanka amniga, kadib dhacdadaasi. Dhinaca kale madaxweynaha Koonfur Galbeed oo war kasii saaray geerida marxuumka ayaa xaqiijiyay in uu xildhibaanka ku baxay gacanta Al-Shabaab, wuxuuna ka tacsiyeeyay geeridiisa. “Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka Tirsana Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Caawa Cadowga Khawaarijta Alshabaab ay ku dileen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Madaxweynaha ayaa sheegay in xildhibaanka uu door muuqdo kasoo qaatay nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isla markaana la dilay isaga oo u adeegayay bulshadiisa. “Inalilaahi wainna ileeyhi raajicuun. Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska Dowladnimada iyo Dib u heshiisinta Bulshada’ ayuu yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”. Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, waxaaba barbar socdo dadaal ay waddo dowladda, si looga hortago dhibaatooyinkaasi. Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uweydiiyey Xildhibaanka in Hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa Ehelka, Qarabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iiman uu Alle ka siiyo The post Lafta-gareen oo war ka soo saaray xildhibaan Shabaab ay xalay ku dileen Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. The Chinese-built Ethiopia-Djibouti railway has significantly reduced logistics time and costs, boosting Ethiopia's import and export trade, according to the Ethio-Djibouti Standard Gauge Railway Share Company (EDR). Source: Hiiraan Online
  5. A cyclone wreaked havoc in Kenya's coastal region on Tuesday evening, claiming two lives and injuring six others. Source: Hiiraan Online
  6. Riyad (Caasimada Online) – Shirkadda Saudi Group ee Boqrtooyda Sacuudiga ayaa sheegtay inay iibsan doonaan 105 diyaaradood oo Airbus ah, iyagoo ku ammaanay heshiiska inuu yahay kii ugu weynaa ee diyaaradeed ee taariikhda Boqortooyada. Shirkadda diyaaradaha ee Saudi Airlines ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay heli doonto 54 diyaaradood oo A321neo ah, halka shirkaddeeda Flyadeal ay heli doonto 12 diyaaradood oo A320neo ah iyo 39 A321neo. Qiimaha heshiiska ayaa dhan $19 bilyan, sida lagu sheegay bayaan gaar ah oo ay soo saartay Future Aviation Forum, shir ka dhacay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo heshiiska lagaga dhawaaqay. Bayaanka Sucuudiga ayaa lagu yiri, “Heshiiskan taariikhiga ah waxaa ku jira 105 diyaaradood oo la xaqiijiyey, wuxuuna u taagan yahay waqti muhiim ah oo aan ahayn warshadaha duulista hawada Sucuudiga oo keliya, laakiin sidoo kale gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee baaxadda weyn.” Iibka, oo lagu tilmaamay “heshiiska diyaaradaha ee ugu weyn taariikhda duulimaadka Sacuudiga”, ayaa ka dhigan maalgashi dheeri ah oo ay sameeyeen shirkadaha diyaaradaha Sacuudiga in ka badan hal sano ka dib markii la soo bandhigay diyaaradda cusub ee Riyad. Boqortooyda Sacuudiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay qorsheynayaan dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub oo laga hirgeliyo caasimadda Riyadh, kaasoo qaadi kara 120 milyan oo rakaab ah sannadkii. Taariikhda shirkadda diyaaradaha Saudia oo sidoo kale oo yaqaan oo sidoo kale loo yaqaan Saudi Arabian Airlines, waxay soo bilaabatay sannadkii 1945 markii ay heshay diyaaradii ugu horeysay oo aheyd hadiyad ka timid madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka Franklin Roosevelt. Dhaxalsugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman ayaa u arka waaxda duulista qeyb muhiim ah oo ka mid ah ajandihiisa dib u habeynta “Vision 2030”. The post Sacuudiga oo $19 bilyan ku iibsanaya diyaarado cusub appeared first on Caasimada Online.
  7. Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagey Jaamacadda Ummadda faraceeda degmada Caabudwaaq iyo xarunta Agoonta oo dhowaan la dilay Weriye Cabdikariin Bulxan oo gacanta ku hayey xaruntaas. Wasiirka ayaa ugu horeyn markii uu tegay degmada la kulmay odayaasha dhaqanka ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, isagoo ka wareystay xaaladda deegaanka dagaal beeleedyada ka dhaca aagga Caabudwaaq iyo sidii nabad loogu wada noolaa lahaa deegaanka. Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo ardayda Jaamacadda Ummadda, dadaallkooda ku qotoma aqoonta iyo waxbaridda bulshada deegaanka, si jahliga looga baxo. Wasiir Fartaag ayaa sheegay in aqoontu ay aasaas u tahay nabadda iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay aqoonyahanka deegaanka in ay xoojiyaan kaalintooda muhiimka ah, si ay horseed ugu noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga. Dhinaca kale wasiir Fartaag oo kormeer ku tagey xarunta Agoonta degmada Caabudwaaq, ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay maamulka xarunta gacanta ku haya ee la wareegay markii la dilay Samafale Cabdikariin Bulxan oo muddo gacanta ku hayey agoonta ku nool xaruntaas. Wasiirka ayaa masuuliyiinta xaruntaas ku ammaanay sida ay mudnaanta u siinayaan aqoonta iyo waxbaridda ubadka, taas oo sii xoojinaysa nabadda iyo horumarka deegaanka. Dhanka kale, Wasiir Fartaag ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka degmada, waxana uu kala hadlay doorkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida degmada Caabudwaaq. Wasiirka Amniga XFS ayaa kula dardaarmay odayaasha reer Caabudwaaq in ay sii xoojiyaan kaalintooda nabadeynta deegaanka, iyadoo meesha laga saarayo colaadaha beesha degta Caabudwaaq iyo beelaha kale ee deriska la ah. The post Sawirro: Muxuu Wasiirka Amniga Soomaaliya ku soo arkay Caabudwaaq? appeared first on Caasimada Online.
  8. Norway, Ireland and Spain said Wednesday they would recognize a Palestinian state, a historic but largely symbolic move that further deepens Israel's isolation more than seven months into its grinding war against Hamas in Gaza. Source: Hiiraan Online
  9. GAROWE (HOL) — Puntland President Saeed Abdullahi Deni says his state is prepared for dialogue and arbitration regarding its relationship with the Somali government, but emphasized that it cannot be forced into compliance. Source: Hiiraan Online
  10. Mo Harawe makes history this Cannes Film Festival with debut feature The Village Next To Paradise, which is world premiering in Un Certain Regard as the first Somalian title to make it into Official Selection across the festival’s 77 editions. Source: Hiiraan Online
  11. Cape Town - The Delft Community Policing Forum (CPF) said it has become difficult to police shootings at informal shops. Source: Hiiraan Online
  12. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre on Wednesday launched consultations on the new National Transformation Plan (NTP), a new strategy aimed at improving governance in the country. Source: Hiiraan Online
  13. Former Halifax Wanderers midfielder Mohamed Omar now plies his trade in the USL Championship with San Antonio, but some of his upcoming games could see him feature on the national stage in Africa. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul ayaa ka hadlay muranka ka dhashay aqoonsiga degmada Daarusalaam, saddexda degmo ee ku soo biirtay caasimadda iyo degmooyin kale oo hadda uu codsaday in lagu soo daro Muqdisho. Nabadoon Abaabul ayaa ugu horeyn bulshada caasimadda ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala qoqob bulsho, isagoo maamulka iyo hey’adaha amniga ku bogaadiyey sida ay u uga hortageen dadkii isku dayey inay xasaradda abuuraan. Nabadoonka oo aad u soo dhoweeyey aqoonsiga ay dowladdu siisay degmooyinka Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ku jirto xaalad ciriiri ah. Cabdulqaadir Abaabul oo ku hadlay afka golaha uu hoggaamiyo ee badbaado bulsho ayaa dalbaday in Muqdisho lagu soo daro degmooyinka Afgooye, Balcad, Warsheekh iyo deegaanka Jazeera. “Muqdisho way soo yaraatay, waxaana codsanaa in Jasiira, Afgooye, Balcad iyo Warsheekh lagu soo daro Muqdisho,3-da degmo ee cusubna waan soo dhaweynayaa” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Cabdulqaadir Abaabul. Wuxuu sheegay in bulshada caasimadda afkeeda uu ku hadlayo, isagoo baarlamaanka dalka ugu baaqay inay qorshe gaar ah ka yeeshaan sidii loo fidi lahaa caasimadda Muqdisho, wuxuuna ku taliyey in lagu soo daro degmooyinka daafaha ka xiga. Nabadoon Abaabul ayaa ku eedeeyey Suldaan Hooley inuu dab ku sii shidayo xiisadda ka taagan degmada Daarusalaam, isagoo sheegay in hadda xaaladu ay soo hagaageyso oo wadahadallo loo furay dhinacyada is haya, si loo kala saaro bulshada. “Hadii Hooley dhaho degmada reer Hebel ayaa leh oo ana ka daba dhaho oo waayeelkii talada goyn lahaa uu beelaha kala hoggaamiyo waxa laga faa’iidaayo oo kala qeybsanaan aheyn ma jirto,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul. Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho oo hadalkiisa sii watay ayaa raali gelin ka bixiyey hadalkii Suldaan Hooley, “Dadkaas ha fariisteen talo haka gaareen waxa dhex maray iyo sidey u wada noolaanayaan, qofkii uga dareysa xaaladda haka leexdo,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: Nabadoon Abaabul oo war ka soo saaray xiisada Daarusalaam, kuna taliyey in Muqdisho… appeared first on Caasimada Online.
  15. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay in cidna aanay uga carareyn Soomaalinimada. “Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaagga dadkeena Soomaaliyeed-na horay ayaanu u sii wadaynaa,” ayuu yiri Saciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay sida xukuumadiisu ay diyaar ugu tahay in la wadahadlo, isagoo balan qaaday inay la fariisa doonaan cid kasta oo Soomaaliuyeed oo wada xaajood diyaar u ah. “La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadalkaan ka jeediyey munaasabad ka dhacday Garowe. Saciid Dani ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka inay sharciga dhowraan, isagoo ku baaqay in la wadahadlo, si gaar ah wuxuu u duray qorshaha dowladda federaalka iyo maamullada kale ay isla qaateen ee lagu dhameystirayo dastuurka dalka. Puntland oo si adag uga soo hor jeeda qorshaha socda ee wax ka bedelka dastuurka, sidoo kale khilaaf guud uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka ayaa muujineysa adkeysi iyo inay ka maarmeyso la falgelidda dowladda dhexe, taas caqabad weyn ku ah dowlad dhiska dalkaan. Saciid Deni iyo Xasan Sheekh oo isku garab siiyey doorashadii kursiga madaxweynaha qaranka ayaa kala booday markii xasan Sheekh uu Ra’iisul wasaarihiisa u xushay Xamza Cabdi Barre oo ka soo jeeda Jubbaland. Deni ayaa rabay in kursiga Ra’iisul Wasaaraha la siiyo isaga ama siyaasi uu qato, balse ma noqon, wuxuuna arrintaas kula dagaalay saaxiibkiis Xasan Sheekh oo shalay ay Farmaajo isugu tageen, markii dib loo xusuusto loolankii doorashada ee May 2022. Hoos ka daawo The post Daawo: Deni oo sheegay in danta Puntland ay ku jirto wada-jirka iyo Soomaalinimada appeared first on Caasimada Online.
  16. Waxaa caawo Magaalada Muqdisho, Gaar ahaan Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan lagu dilay xildhibaan lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka dowlad gobolleedka koofur galbeed. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaanka, asagoo ku eedayay kooxda Alshabaab, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada koofur galbeed. War ay soo saartay dowlad gobolleedka KGS ayaa lagu “Inalilaahi wainna ileeyhi raajicuun. Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska Dowladnimada iyo Dib u heshiisinta Bulshada, Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”. Si kastaba ha ahaatee sida uu dilku u dhacay ayaan illaa hadda faahfaahin laga bixin, balse koofur galbeed waxay ku eedaysay kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
  17. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kaga qeybgalay shir looga hadlaayay Arrimaha dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha muhaajiriinta ah ee u dhexeeya wadamada Afrika iyo Carabta. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada gobol iyo xoojinta wdashaqeynta ka dhexeysa, sida xoojinta xuquuqda shaqaalaha iyo qoritaanka shaqaalaha ee dalalka Afrika. Wasiirka ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulankaan, isagoo bogaadiyay dowlada Qatar maadama ay martigelisey shirkan, sido kale wasiirka ayaa muujiyay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xaquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed Ee ka shaqeeya dalalka carabta. Ugu dameyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshey wasiiradda dhiggisa ah oo ka socday dalalka Carabta iyo wadamada Afrika inta uu socdey shirkaan. Source: goobjoog.com
  18. London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa ku dhowaaqay in waddankaas ay ka qabsoomi doonaan doorashooyinka guud 4-ta bisha July ee soo soocta, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka Associated Press iyo warbaahinta UK. Rishi Sunak ayaa hadalkan maanta kaga dhowaaqay afaafka hore ee aqalka looga taliyo dalkaasi ee 10 Downing Street. Sunak ayaa sheegay inuu go’aankan kala hadlay boqorka dalkaais, Charles, uuna ka codsaday in la kala diro baarlamaanka. Kala-dirista baarlamaanka ayaa ka dhigan in dalkaasi toos u aadiyo olole doorasho oo ku soo afjarmaya maalinta doorashadu dhacayso oo ku beegan Khamiis, 4-ta July. Ra’iisul Wasaaraha waddankaasi ayaa in muddo ah cadaadis uu uga imanayey hoggaanka xisbiga Shaqaalaha (Labour) oo ugu baaqayey inuu muddeeyo xilliga doorashada. Xisbiga bidixda xiga ee Shaqalaha oo uu hoggaamiyo Keir Starmer ayaa saadaasha laga qaaday afkaarta dadweynaha ay muujinaysaa inuu ka horreeyo xibsiga midigta ee uu Sunak hoggaamiyo ee (Conservative). Wakaaladda wararka AP ayaa qortay in xisbiga Conservative uu dalkaasi kasoo talinayey muddo 14 sano ah. Hoggaamiyahasha Conservative ee muddadaas soo maray UK ayey ka mid yihiin David Cameron, Boris Johnson, Theresa May, Liz Truss, iyo Rishi Sunak oo xilligan talada haya. Dadweynaha UK ayaa u codeeya axsaabta, iyadoo xibsiga ku guulaysta aqlabiyadda baarlamaanka uu soo dhisayo dawladda soo socota. VOA The post Ra’iisul Wasaaraha UK oo ku dhawaaqay doorasho deg deg ah oo la soo hormariyey appeared first on Caasimada Online.
  19. Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kormeer ku tagey Jaamacadda Ummadda faraceeda degmada Caabudwaaq iyo xarunta Agoonta Taakulo, isaga oo sidoo kale la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee degmadaas. Wasiirka ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo ardayda Jaamacadda Ummadda, dadaallkooda ku qotoma aqoonta iyo waxbaridda bulshada deegaanka, si jahliga looga baxo, Wasiirka Amniga, ayaa sheegay in aqoontu ay aasaas u tahay nabadda iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay aqoonyahanka in ay xoojiyaan kaalintooda muhiimka ah, si ay horseed ugu noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga. Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo kormeer ku tagey xarunta Agoonta degmada Caabudwaaq, ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay maamulka xarunta gacanta ku haya, isaga oo ku ammaanay sida ay mudnaanta u siinayaan aqoonta iyo waxbaridda ubadka, taas oo sii xoojinaysa nabadda iyo horumarka deegaanka. Dhanka kale, Wasiir Fartaag ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka degmada, waxana uu kala hadlay doorkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida degmada Caabudwaaq, waxuuna oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan kaalintooda nabadeynta. Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Saraakiil kale. Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii Al Shabaab looga sifeyn lahaa deegaanada yar ay kaga joogaan Dowaladda Hirshabeelle. Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa madaxweynaha la wadaagay sida loo soo af-jarayo iyo diyaar-garoowga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. “Ugu horreyn Wasiirka, Taliyaha iyo Saraakiisha kale waxaan uga mahadcelinayaa dhammeystirka dagaalka Khawaarijta iyo dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo soo af-jari lahaa iyagoo gacan ka helayo ciidamada deegaanka.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle. Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u rajeeyay guul naftood-hurayaasha ku howlan sidii dalka looga xorreyn lahaa Shabaab. Source: goobjoog.com
  21. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa guddoomiyay Xeritaanka Shirka heerkiisu sareeyo ee heer farsamo iyo heer Wasiir ee hindisaha wadajirka ah oo lagu Horumarinayo xiriirka ganacsiga iyo xoojinta dhaqaalaha ee xuduudaha, iyadoo la tixgalinayo hanaanka Caafimaadka Mideysan kaa soo sare loogu qaadayo amniga caafimaadka gobolka. Shirkan oo socday mudo sadex casho ah ka Socday magaalada Nairobi ayaa lasoo gebo-gabeeyay iyadoo ay goobjoog yihiin Madaxda Wasaaradaha Caafimaadka dalalka Somalia, Kenya & Ethiopia iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu. Sadexda Dal ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho sare u qaadidda amniga iyo Caafimaadka Gobolka, iyadoo la Mideynayo dadaalada wadajirka ah ee Urur Goboleedka IGAD ee ku Qotoma hirgalinta Caafimaadka Mideysan. Munaasabada Xeritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS Dr. Guuleed Abdijaliil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Maxamed Cumar Nuur iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha & Deegaanka. Madaxda sadexda dal ayaa isku raacay in si wada-jir ah looga hortago Cudurada faafa ee xuduudaha sida sahlan isaga gudba iyadoo la hirgaliyo Caafimaad Mideysan, iyadoo Dhanka Soomaaliya ay Balan-qaaday dar-dar gelinta adeegyada aasaasiga u ah hirgalinta Qodobada ku Xusan War Murtiyeedka ay sida wada jirka ah usoo saareen Dalalka Somalia, Kenya & Ethiopia. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida dadaalada lagu wajahayo Midaynta Caafimaadka Gobolka, iyo ka hortaga Dilaacidda Cudurada faafa iyadoo kaashanaysa dalalka deriska iyo Saaxibada Caafimaadka. Source: goobjoog.com
  22. Maamulka Israa’iil oo ka falcelinaya tillaabadii ay Norway, Ireland iyo Spain sida rasmiga ah ugu aqoonsadeen dowladda Falastiin ayaa degdeg ugu yeertay ergadeeda Ireland iyo Norway u fadhisay si ay la tashi degdeg ah ula yeeshaan. “Maanta waxaan fariin adag u dirayaa Ireland iyo Norway,Israa’iil kama gudbi doonto arrintan aamusnaanta,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Israel Katz, Wuxuuna ku hanjabay in sidoo kale ay kala soo bixi doonnaan safiirkooda dalka Spain. wasiirka maaliyadda ee Israa’iil Bezalel Smotrich ayaa asna sheegay in uu joojin doono u wareejinta lacagaha canshuurta maamulka Falastiiniyiinta oo ay Israa’iil ka aruursato Daanta Galbeed, taasoo sida waafaqsan sharciga caalamiga ah looga baahan yahay in ay ku wareejiso maamulka falastiiniyiinta ee Maxamuud cabaas hoggaamiyo. Norway, Spain iyo Ireland ayaa ku dhowaaqay in dalal badan oo dunida, gaar ahaan Yurub ka tirsani ay si cad uga fiirsanayaan in Falastiin loo aqoonsado dowlad. Dalalka Slovenia, Malta iyo Belgium ayaana la filayaa inay todobaadyada soo socda si rasmi ah u aqoonsan doonaan Dowladda Falastiin, waxaana hadda si buuxda u aqoonsan 9 dal oo Yurub ka tirsan Qaraar ay dhowaan golaha guud ee Qaramada Midoobay ka doodeen oo ku saabsanaa in Falastiin ay golaha xubin buuxda ka noqato ayaa waxaa oggolaaday 143 ka mid ah 193-ka xubnood ee uu Goluhu ka koobanyahay, inta badan Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya ayaana aqoonsan dawladnimada Falastiin. Dalalka sanadkan aqoonsaday Falastiin ayaa kala ah Bahamas, Trinidad iyo Tobago, Jamaica , Barbados, iyo 3-da dal ee hadda aqoonsaday. Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo maanta ka hadlay magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyey madaxda dawlad goboleedyada koonfurta in ay doonayaan waqti kororsi ay xafiiska ku sii joogaan, kaas oo ay kala shaqaynayso dawladda federaalka Soomaaliya. “State- hebel markaan doorasho ma galayee hal sano ayaan siiyey, labo sano ayaan siiyey, saan ayaan yeellayaa, waxay la micno tahay, sharciyadda oo burburtay oo dadkiina iska daawanayaan” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni ayaa mar uu ka hadlayey arimaha siyaasadda Soomaaliya waxaa uu sheegay inaan xoog laysku muquunin karin taas badalkeeda Puntland ay diyaar u tahay garnaqsi iyo in ay cadayso waxa ay diidan tahay. “La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi” Madaxweynaha ayaa ku sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu ka jeediyey xiritaankii shirka jiheynta xukuumadda fowladda Puntland. “Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeenu usii wadaynaa“ ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Puntland. Puntland ayaa ka qaybgalin shirarka golaha wadatashiga qaran, waxayna sheegtay inay diidan tahay wax ka badelka dastuurka iyo siyaasadda dawladda federaalka Soomaaliya, iyadoo madaxda dawladda federaalka ay ku celcelinayaan inaan loo joojinayn taas oo sii xoojisay khilaafka labada dhinac. Hoos ka daawo muuqaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo madaxda dawlad goboleedyada ku eedeeyey in ay wadaan waqti kororsi appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku qaabilay Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov. Kulanka wasiirka iyo danjiraha ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta dadaallada socda iyo taageerada dowladda Ruushka ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaliyeed iyo guud ahaan gobolka. Mudane Jaamac ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada saaxiibada caalamka ee ku aaddan gacan siinta arrimaha la xariira dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida isku duubnida ah ee ay u wajaheen in ay dalkooda ka cirib-tiraan kooxaha nabad diidka isaga oo sheegay in ay Ruushka ka go’antahay taageerada Soomaaliya Safiirka Ruushka ayaa maalmihii dambe kulamo ka waday magaalada Muqdisho, wuxuuna Isniintii Madaxtooyadda Qaranka ee Villa Somalia kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Safiirka ayaa markaas sharaxaad dheer madaxweynaha ka siiyey sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka argagixisada. Ruushka iyo Soomaaliya oo 40 sano ka hor ahaa saaxiibo aad isugu dhow ayaa ku kala tegay dagaal xiligii uu socday dagaalkii weynaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii, balse hadda waxaa tartiib u soo noqonaya cilaaqaadkii labada dal. The post Xogta kulan xarunta gaashaandhiga ku dhex-maray wasiirka difaaca iyo safiirka Ruushka appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) oo beddelaya qorshaha 9-aad ee horumarinta qaran (NDP). Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaasi oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah. Waxa uu xusay in isbeddelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna iyo dadkeenna, islamarkaana diiradda saaraya maal-gelinta ilaha wax soo saarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed. “Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa’iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. “Waxa uu soo saari doonaa qorshayaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale.” Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin isbeddelka, taasi oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo. Soomaaliya ayuu tilmaamay ra’iisul wasaaruhu in ay ka jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga, kuwaas oo ka abuurmay shuruucdii maalgashiga shisheeye oo la hirgeliyey, deyntii oo dalka laga cafiyey iyo Soomaaliya oo ku biirtay suuqa ganacsiga bariga Afrika. Qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) ee ra’iisul wasaaruhu maanta daah-furay oo beddelaya qorshaha 9-aad ee horumarinta qaranka (NDP) ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya. The post Sawirro: Qorshaha isbeddelka qaran ee 5-ta sano ee soo socota oo maanta la daah-furay appeared first on Caasimada Online.