-
Content Count
211,164 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland uu gaaro Siyaasi sheegtay inuu yahay Hoggaamiyaha rasmiga ah ee maamulka Somaliland. Siyaasigan oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu yahay Hoggaamiyaha Somaliland, waxa uuna Garoowe u aadi doona howlo shaqo, sida uu sheegay. Siyaasigan oo lagu magacaabo Mustafe Maartin ayaa kasoo safri doona dalka Mareykanka,waxana marti galiyay maamulka Puntland. Hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa marti galinta u sameeyay Mustafe Maartin, waxaana lagu wadaa inay kuwada kulmi doonaan Madaxtooyada Puntland. Sidoo kale, Mustafe Maartin, ayaa ku dhawaaqay in uu yahay Hoggaamiyaha rasmiga ah ee maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay in Hoggaanka hadda ka jira Somaliland uu yahay mid ay hareereysay cadaalad darro, sida uu sheegay. Dhinaca kale, sheegashada Mustafe Maartin ee hoggaanka maamulka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Hoggaamiyaha saxda ee Somaliland Muuse Biixi uu la kulmaayo mowjado mucaarad oo ay u abuureyso Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somalia, ayaa qoraal dheer uga hadlay colaada dhiiga badan ku daatay ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland, taa oo ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa qoraalkiisa diirada ku saaray colaada iyo dhibaatooyinka ka dhashay, waxa uuna baaq nabadeed u jeediyay labada maamul. Xasan Sheekh, ayaa qoraalkiisa oo uu soo dhigay bartiisa Facebook kusoo koobay 5 qodob oo uu culeyska ku saarayo dhibta dagaalka iyo dheefta ay leedahay nabadda. HOOS KA AKHRISO QORAALKA XASAN SHEEKH EE 5 QODOB KA KOOBAN Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay. Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan. Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN” Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ. In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda: 1-Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan. 2-In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto. 3-Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah oo ka dhaca TUKARRAQ lafteeda 4-Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN 5-Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada. Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban: “WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu u amba baxo magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Madaxweynaha safarkan waxaa ku wehlin doona xubno ka kala tirsan labada Gole oo Wasiiro iyo Xildhibaanaba leh, kuwaa oo qeyb ka noqon doona shirka. Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa uga qeybgalayo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan. Shirka IGAD ayaa waxaa looga doodi doonaa arrimo dhowr ah oo ka taagan Africa, gaar ahaan colaadaha kasoo cusboonaanaya South Sudan oo loo arko qatar xoog leh. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda kale ayaa shirka ka jeedin doona khudbado ay ku cabirayaan dareenkooda ku aadan colaada South Sudan. Farmaajo inta uu joogo magaalada Addis ababa waxa uu halkaa kula kulmi doonaa Madaxda kale ee qeybta ka ah Somalia, si ay uga wada hadlaan xaalada dalkiisa. Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa loo badinayaa inuu la kulmo Soomaalida ku nool magaalada Addis ababa si uu ugu booriyo inay kusoo laabtan dalkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmad ayaa soo dhaweeyay uguna hambalyeeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki aqbalaadda uu aqabalay baaqii Itoobiya ee ahaa in la dhammeeyo murankii dhanka xadka labada waddan ku saabsanaa ee mudada dher soo jiitamayay. Arrintan ayaa ka dambaysay markii madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki uu sheegay in uu wafdi u dirayo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si loo sii wado baaqii nabadda iyo Itoobiya oo ogolaatay go’aankii guddiga Qaramada Midoobey uu ka gaaray murankii xadka labada dal. Dagaal labadanmi dal dhex maray intii u dhaxeysay sanaddadii 1998 iyo 2000 ayaa la sheegayaa in Itoobiya ay uga dhinteen qiyaastii 50,000 oo qof halka Eritrea ay uga dhinteen qiyaastii 20,000 oo qof. Bishan horaanteedii ayaa isbahaysiga Itoobiya xukuma ee EPRDF wuxuu aqbalay go’aankii 2002 uu gaaray guddigii Qaramada Midoobey ay u saartay muranka xadka labadani dal oo siiyey Eritrea dhulkii la isku haystay. Madaxweynaha Eritrea Issaias Afwerki oo Tv dalkiisa ka hadlay oo ka jawaabaya baqii nabadda ethiopia wuxuu yiri. Madaxweyne Afawerki wuxuu ka hadlay wixii hore u kala qabsaday lada dal, wuxuuse yiri marka la eego sida xaalku yahay iyo wixii ay ka sheegeen baraha bulshadu ku wada xiriirto iyo warbaahinta waxaan wafdi u direynaa Addis Ababa si ay u soo fahmaan xaaladda. ISHA BBC
-
Kenya's Kakuma refugee camp is home to more than 185,000 people who've fled war in neighbouring countries like Sudan, and Somalia. Source: Hiiraan Online
-
The involvement of Middle East actors in Somalia, namely the United Arab Emirates (UAE), Qatar and Turkey, has reached fever pitch recently, underscored both by external and internal dynamics. Source: Hiiraan Online
-
At least 254,811 Somali refugees from Dadaab camp in Garissa have been voluntarily repatriated since 2013, the United Nations High Commission for Refugees (UNHCR) has said. Source: Hiiraan Online
-
Rahimo Mohamud 15, was expecting to sit this month for the high school entry examinations marking the end of her primary education. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in dhaqaalaha laga joojiyo Somaliland, sida laga soo xigtay qoraal uu Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan u qoray Deeqbixiyaasha Beesha Calaamka. Nidaamkan oo loogu magac daray (Special Arrangement) ayaa la bilaabay sanadkii 2013, xilligaasoo lagu saxiixay shirkii New Deal-ka ee ka dhacay magaalada Brussels. Qoraal ka soo baxay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga Jamaal Xasan Maxamed ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan cusbooneysin karin nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka ku taageeri jiray Somaliland. Sida laga soo xigtay qoraalka, heshiiskaas oo la saxiixay 2013-kii, dhaceyna 2017-dii, wuxuu dhigayey in Somaliland ay saami lamid ah maamulada kale ee dalka ku yeelaneyso Deeqaha caalamka laga helo. Laakiin, qoraalkaan uu Wasiir Jamaal uqoray Beesha Caalamka, waxaa si cad loogu codsaday inay joojiyaan guud ahaan taageeradda dhinac walba leh oo ay siiyaan Maamulka Hargeysa, sababo badan darteeda. Sida laga soo xigtay qoraalka, heshiiskaas oo la saxiixay 2013-kii, dhaceyna 2017-dii, wuxuu dhigayey in Somaliland ay saami lamid ah maamulada kale ee dalka ku yeelaneyso Deeqaha caalamka laga helo. Laakiin, qoraalkaan uu Wasiir Jamaal uqoray Beesha Caalamka, waxaa si cad loogu codsaday inay joojiyaan guud ahaan taageeradda dhinac walba leh oo ay siiyaan Maamulka Hargeysa, sababo badan darteeda. Sababaha ayaa waxaa qeyb ka ah: inay wiiqeyso wiiqayo in Soomaaliya laga hir-geliyo nidaamka Federaalka in waxyaabo kale oo loo adeegsado iyo Somaliland ku dhiiro gelineyso inay kasii go’ado dalka. Maamulada ka jiro dalka oo dalbaday in Somaliland ay lamid noqoto Maamul Goboleedyada, haddii kale ay iyagana Beesha caalamka la xiriir doonaan. Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xiriirka cakiran ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya Somaliland, isla markaana ay horseedi karto in Somaliland ay sii fogaato. Halkaan hoose ka akhriso waraaqaha uu diray Wasiir Jamaal Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Faarax Macallin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaa ka hadlay muhiimadda dekadaha Soomaaliya ay u leeyihiin gobolka Geeska Afrika, iyo sida dalal badan ay dhibaato ugu noqon doonaan haddii la hormariyo. Faarax Macallin waxa uu si gaar ah u sheegay in Imaaraadka uu lumin doono ganacsi badan haddii Soomaaliya ay dekadaheeda si wanaagsan u howl galiso. “Dekadda Dubai waxaa sanad kasta yimaada 64 milyan oo konteenar, islamarkaana 99% ayaga ka mid ah ayaa ah kuwa usii gudba dalal kale” ayuu yiri Faarax Macallin oo qoraal soo dhigay twitter-ka. “Marka ay Soomaaliya horumariso dekadaheeda xeebaha bari, kaliya 5% alaabta xamuulka ayaa kasoo degi doona dalalka deriska ah, inta kalena waxaa qaadan doonta Soomaaliya” ayuu yiri Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku taallo goob muhiim u ah marinada badda ee dunida oo idil, sidaas darteedna aysan u baahneyn in dal kale ay kula shirkowdo dekadaheeda. Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo dhowaan Soomaaliya iyo Ethiopia ay isla-meel dhigeen in ay si wada jir ah u maal-gashtaan afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Heshiiska ay Dowlada Somalia la gashay Dowlada Ethiopia. Aqoonyahan Prof Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay in Heshiiska uu yahay mid wanaagsan balse uu kasoo horjeedo mideynta Somalia iyo Ethiopia. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in Heshiiska uu waxbadan ka bedeli doono mandiqada Geeska, waxa uuna shaki galiyay in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu kasoo fagtay erayga mideynta Somalia iyo Ethiopia. ‘’Laba arrin mid bey noqon doontaa in Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu carabka ka dafay erayga mideynta Somalia iyo Ethiopia ama in uu ka damacsanaa inuu sii jeexo jidka leysugu dari lahaa labada dal’’ Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in haddalka Ra’isul wasaare Abiy uu wanaagsanaa balse uu ku cayaaray erayga danbe ee ah in labada dal la mideynaayo. Waxa uu tilmaamay inaanu wax dhiba uusan ka imaan doonin Heshiiska waa haddii loo wajaho qaabka lagu heshiiyay, waxa uuna shaki galiyay in Heshiiska uu kusii ekaan karo si uu u dhacay. Waxa uu Prof Cabdi Ismaaciil Samatar yiri ‘’waxaan ogahay in dowlada Muqdisho ay tiri waxaas wax kama jiraan taasina ay tahay in waxyaabo badan oo laga hadlay ay yihiin kuwo aan xidido laheyn’’ Sidoo kale, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay inay banaanka usoo bixi doonaan waxyaabo badan oo iminka qarsoon, balse ay mudan tahay in laga dhowr sugo.
-
Qiimeyn la sameeyey ayaa sheegeysa in kooxda Al-Shabaab aysan sii xoogeysan, inkasta oo ay dhowaanahan fulisay weeraro dhimasho badan, oo uu ku jiro mid lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka. Qiimeyntan oo ay sameeyeen milatariga iyo saraakiisha ka hor-tagga argagixisada Mareykanka, ayaa ka duwan fikradaha dadka arrimahan fallanqeeya, waxayna imaneysaa ayada oo al-Shabaab ay awood milatari muujineysa toddobaadyadii tagey, kuwaasi oo ay tusaale u yihiin weeraro ka dhan ah ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida. Mid ka mid ah weeraradii ugu caansanaa ayaa ah mid dhacay sideeddii June oo lagu qaaday deegaanka Sanguni ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarkaas ayaa kooxdan xiriirka la leh Al-Qacida waxa ay ku ekeysay 800 oo askari oo isugu jira Soomaali iyo Kenyan, ayna wehliyaan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, oo hal askari looga dilay. Mareykanka waxa uu sheegay in weerarkii sideeddii June uu ahaa mid nasiib ugu fulay Shabaab. Saraakiisha Mareykanka ayaa weli isku dayaya inay go’aamiyaan tirada ciidamada Al-Shabaab ee xilliga weerarka uu dhacay, hase yeeshee waxay rumeysan yihiin in kooxdan aysan helin awood dheeri ah. “Waxa uu ahaa weerar nasiib ah” Waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin. “Uma arko weerarkaas mid si wanaagsan loo qorsheeyey” ayuu yiri. Sarkaal kale ayaa sheegay in marka si kasta loo eego in weerarkaas uu lahaa astaamaha howlgallada Al-Shabaab. “Taariikh ahaan, Al-Shabaab way dooneysay inay la dagaalanto ciidamo badan, ayada oo inta badan adeegsata xeelad yaab leh, oo aan horey loo aqoon, si ay sare ugu qaado fursadaheeda guusha” waxaa sidaas yiri taliye Desiree Frame, oo ah afhayeen u hadlay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM. “Waxaan filaynaa inaynu aragno dagaallo dheeri ah oo ka dhaca koonfurta Soomaaliya, ayada oo ciidamada Somalia, Amisom iyo kuwa saaxiibada leh, ay ku siqayan dhulka Al-Shabaab ay haysato” Sidaas oo ay tahay, saraakiisha Soomaalida qaarkood ayaa tilmaamaya in ciidamada Al-Shabaab aysan wiiqin joogitaanka ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, oo adeegsanaya baabuurta aanay xabaddu karin iyo diyaaradaha drones-ka ee aan duuliyaha lahayn. “Waxay ogyihiin dhaq-dhaqaaqyadeena” Waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaalida oo ku sugan Sanguni. “Waa sir la wada ogyahay” ayuu yiri. Taliye kale oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in A-Shabaab ay ka faa’iideysatay xaaladda dhulka, ayna weerarka fulisay kadib daadad xooggan oo ciidamada Soomaalida, Kenya iyo kuwa Mareykanka ku qasbay inay dhufeysadooda ka sameystaan meelo muuqda. Saraakiisha ka hor-tagga argagixisada iyo kuwa milatariga Mareykanka ayaa sheegay in shaki uusan ku jirin in Al-Shabaab ay weli tahay halista ugu weyn ee amniga Soomaaliya. Hase yeeshee, waxay diideen in weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab ay u sababeeyaan wax ka baxsan ololahoodii ramadaanka. “Uma aragno weerarada kordhay ee Al-Shabaab inay la macno tahay inay awooddooda korodhay ama u diyaar ahaanshahooda inay la dagaalamaan cadowgooda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM. Sarkaal sare oo ka hor-tagga aragagixsiada qaabilsan oo Mareykan ah ayaa dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ku qeexay kuwo iska joogto ah, isaga oo xusay hadlakii kooxdaas ee ahaa in la qaado oo la kordhiyo waxa ay ugu yeereen jihaadka, inta lagu guda jiro bisha Ramadan. Si kastaba, qaar ka mid ah dadka taxliiliya arrimahan ayaa ka digay inay qalad tahay in la yareysto guulihii Al-Shabaab ay gaareysay tan iyo markii laga saaray magaaladii ugu dambeysay ee weyneyd oo ay haysteen ee Kismaayo, sanadii 2012. “Waa ay caddahay in waxa aan aragnaa aysan ahayn kaliya weeraro kordhay oo la xiriira ololaha ramadaanka, balse kooxda inay sii xoogeysaneyso ayaa muuqata” waxaa sidaas yiri Daveed Gartenstein-Ross, oo ah fallanqeeye sare oo ka tirsan hay’adda difaaca dimqoraadiyadda. Islamarkaana Gartenstein-Ross ayaa rumeysan in inkasta oo Al-Shabaab aysan lahayn awood ay ciidamada Mareykanka kula baranto gobolka, haddana ay muujisay inay u babac dhigi karto ciidamada Somalia iyo kuwa Amisom. “Waxay awoodeen inay dilaan tiro badan, taasna ma ahan wax dhici jiray shan sano ka hor. Mararka qaar waxayba awoodeen inay dar-daraan saldhigyo dhan. Halista ayaa ah in ayada oo lasii dhimayo ciidamada Amisom, ay suurto-gal tahay in Al-Shabaab ay qabsato magaalooyin waa weyn. Waxaan u maleynaa waxaa jirta fursad wanaagsan oo ay taas ku dhici karto” ayuu yiri. Isha: VOA
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa ka warbixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ee dalka loo soo daabacayo iyo hawlaha lagu horumarinayo Bankiga dhexe ee dalka. Ugu horeyn guddoomiyaha, ayaa sheegay in Lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan, isaggoo tilmaamay in lacacagtaasi ay tahay mid ay adag tahay in Copy laga sameeyo oo lagu been abuurto. “Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kale ah 1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee lasoo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe. Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa dhanka kale sheegay in muddadii dib loo howl galiyey Bankiga dhexe ay kasoo wareegtay Toban sano, ayna muddaasi u qabsoontay waxyaabo badan oo horumar ah, isaggoo carabaabay in hadda ay ku guda jiraan Casriyeenta habka shaqo ee Bankiga, si shaqada loo sii dardar geliyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaza (Caasimada Online) – Dhalinyaro kasoo jeeda Falastiin ayaa weerar loo adeegsaday ‘’Aabiteey’’ ku qaaday Askar Yahuud ah, kadib markii ay ku rakibeen madfac gacan ku sameys ah. Dhalinyaradan oo inta badan noloshooda Yahuuda kula dagaalameysat dhagxaan, ayaa iminka u gudbay inay ku dagaalaman madaafiic. Xeeladan cusub oo ay ku dagaalamayaan dhalinyarada cusub ayaa ka danbeysay kadib markii ay cadaadis xoog leh kala kulmeen askarta Yahuuda oo toogasho ku raadisa. Xeeladn cusub oo ka hirgashay Falastiin ayaa waxaa lagu qarxiyay tirro Askar ah, kuwaa oo aabiteey ku rakibay madfac fudud kadibna ku qarxiyay askarta. Dhalinyarada ayaa Abiteyda ku xiraan dhalooyin ololaya, suuf iyo isbuunyo iyo dhalooyin ay Baasiin ka buuxiyeen, kadibna ay u sii daayaan dhinaca dhulka Yuhuudda. Saraakiisha ciidamada Yahuuda ayaa sheegay in madfaca gacan ku sameyska ah xitaa lagu weeraray xerooyin ciidan kuwaa oo geystay khasaaro. Qaraxyada madfaca ayaa xitaa sameyn ku yeeshay beeraaleyda Yahuud waxaana dhacdadaasi la kulmay Oday Yuhuudi ah oo ka mid ah Beeraleyda deggan Deegaanka Kibbutz Nir Am. Oday Itzik Ebbo,waxa uu Suxufiyiinta u sheegay inay waxyeello soo gaareen Abuurki ku beernaa beerahooda, isla markaana ay jiraan dhul-kaymeed badaan oo lala beegsaday Abiteyda ololaysa ee ay dadka Falastiin ugu dagaalamaan sidii Diyaaradaha Dagaalka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa bilowday dadaalo lagu dhex dhexaadinaayo Madaxda maamulka Galmudug ee isku khilaafsan hanaanka kuraas qeybsiga iyo hoggaanka. Xukuumada ayaa la xaqiijiyay inay xiriiro kala duwan la sameysay Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo saldhigtay magalada dhuusamareeb iyo Ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha baarlamaanka oo iyaguna ku sugan magaalada Cadaado. Mas’uuliyiinta uu khilaafka u dhexeeyo ayaa waxaa iminka magaalada Muqdisho ugu yeeray Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia oo labada garab u kala diray warqado. Wasiirka ayaa warqadihiisa labada dhinac ku codsaday in ay Muqdisho isugu yimaadan shir lagu xalinaayo khilaafka. Mas’uuliyiinta uu Khilaafka u dhexeeyo ayaa la sheegay inay aqbaleen codsiga Wasiirka Arrimaha gudaha, waxaana lagu wadaa inay soo gaaran magaalada Muqdisho. Shirka lagu dhex dhexaadinaayo ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, iyadoo Mdaxweyne Farmaajo uu labada garab la qaadan doono kulamo caadi ah. Geesta kale, waxan la ogeyn natiijada kasoo bixi doonta shirka la doonayo in lagu heshiisiiyo Madaxda labada garab ee kawada tirsan maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa daboolka ka qaaday inay Maxkamadda Caalamiga ICJ u gudbineyso gal dacwadeed ku saleysan cadaymaha lahaanshaha xuduud badeedka kala dhexeeya Somalia. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Maxkamada ICJ ay sugeyso Jawaabta dacwada, hayeeshee ay ku gudbin doonto sida ugu dhaqsiyaha badan. Githu Muigai, oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Kenya, ayaa sheegay in qoraal cusub u gudbin doonaan Maxkamadda ICJ bisha December 18-da ee sannadkan 2018-ka. Waxa uu Mr Githu Muigai sheegay in Kenya aysan ka dib dhici doonin mudada loo qabtay, waxa uuna cadeeyay inay kaamileen dhammaan qoraalkooda khuseeya kiiska. Githu Muigai,waxa uu sheegay in Kenya ay cariirsan doonto lahaanshiyaha xadkeeda waxa uuna carab ***** inay doonayaan in dib loo calaamadeeyo Xuduud-baddeedka, iyadoo la waafijinayo Xuduudka dhulka ee ay Somalia la leeyihiin. Sidoo kale, Dowlada Somalia waxay horey u sheegtay inay sharci darro tahay Dhaqdhaqaaqa Kenya ee ay ku sahminayso Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay. Dhinaca kale, murankaan ayaa soo taagnaa tan iyo sannadkii 1964-kii, hal sanno kadib, markii ay Kenya xorriyadda heshay bishii December ee sannadkii 1963-kii. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Odoyaal iyo waalidiin kasoo jeeda Gobolka Sool oo heyb qoys la wadaaga labo gabdhood oo maalmo ka hor gacan ka hadal ku dhexmarey magaalada Garoowe ayaa shir saxaafadeed ay ku qabteen magaalada Laascaano waxay ku beeniyeen war kasoo yeeray masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo ku eedeeyay Puntland dhaawac mindi/toori oo loo geystey Gabadh lagu magacaabo Canab Cali Xaaji Aadan oo iminka lagu daaweynayo Hospital ku yaala magaalada Hargeysa. Aabaha dhalay Canab Cali Xaaji Aadan oo kasoo dhex muuqday Odoyaasha la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo Somaliland u jeedisay maamulka Puntland, wuxuuna sheegay dhaawaca gabadhiisa Canab inay u geysatey Gabadh kale oo ay ehel wadaag yihiin ka dib dagaal labada gabdhood iskood u dhexmarey. “Gabadheydu Garoowe ayay deganayd, waxayna isku dhaceen Gabdh kale oo ay xaafad ku wada jireen,ma ahayn dhacdadaasi wax maamulo iyo siyaasad kasoo jeeda, Sidaas darteed waxba kama jiraan waa been wararka ay buunbuuniyeen masuuliyiin xilal ka haya maamulka Somaliland” Ayuu yiri Cali Xaaji Aadan oo ah Aabaha dhalay Canab Cali Xaaji Aadan. Sidoo kale waxaa ka hadlay shir saxaafadeedka qaar ka mid ah waalidiinta gabadha nabarka u geysatey Canab Cali Xaaji Aadan oo iminka dhaawaceeda lagu dabiibayo isbitaal ku yaala Hargeysa, waxayna sheegeen in si ka duwan sidey wax u dhaceen uu uga warbixiyay maamulka Gobolka Sool ee Somaliland iyo masuuliyiin xilal sarre ka haya Somaliland,islamarkaana ay siyaasadeeyeen dhacdada hablo ood-wadaaga. “Gabdhahaasi guri bey wada deganaayeen, Ilmo adeer bey ahaayeen, Caruur baa iska laysay oo wey isku yara xanaaqeen dhibaataduna sidaas bey u dhacdey, waxaasna hadda umaba aragno anagu wax dhacey-ba inay yihiin” Ayuu yiri Maxamed Xaaji Jaamac (Dayax) oo sheegay inuu Awoowe u yahay gabadha dhaawaca gaarsiisay Canab Cali Xaaji Aadan. Dhinaca kale Odoyaal iyo waxgarad kasoo jeeda heybta gabdhaha gacan ka hadalku ku dhexmarey maalmo ka hor magaalada Garoowe ayaa eedeymo culus u jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland iyo Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ka dib markey ku eedeeyeen qaab ka baxsan dhaqanka Soomaalida iyo Islaamka inay uga hadleen dhacdadii dhexmartey gabdhaha ehel wadaaga. Isku soo wada duuboo hadalka Odoyaasha ayaa dhabar jab culus ku noqonaya hadalo kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo xilal ka haya maamulka Somaliland kuwaas oo u wajahay dhacdadaas qaab been abuur ah oo aan habayaraatee waxba ka jirin sidey sheegeen waalidiinta dhalay Gabadha dhaawaca oo lagu daaweynayo Hospitaal ku yaala Hargeysa iyo Gabadha kale ee nabarka gaarsiisay oo iminka ku xiran Saldhiga Bartamaha ee Garoowe. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Somaliland oo lagu eedeeyay ka been abuurka gabdho isku dilay Garoowe. appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland has freed a king, Osman Aw Mahmud Burmadow, who was imprisoned in April for attending the inauguration of a monarch in neighbouring Puntland. Source: Hiiraan Online