-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The national government wants farmers to produce more hay in order to export some to Djibouti. Agriculture Cabinet Secretary Mwangi Kiunjuri said the Government had struck a deal with Djibouti to buy all the hay Kenya can offer. Source: Hiiraan Online
-
A senior al-Shabab commander surrendered to Somali government forces on Monday after eight years of insurgency, an army official said. Source: Hiiraan Online
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa ka hadlay qaabkii loo sii daayey, ciddii ka danbeysay xiritaankiisa iyo in Itoobiya loo gacan geliyo iyo qorshaha mustaqbalka uu doonayo inuu ku dhaqaaqo. Isagoo wareysigii ugu horeeyay bixiyay ayuu caddeeyay in sii deyntiisa ay ka timid Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo isbedello ka wada dalkiisa, isla markaana ay is arkeen 30-kii bishii June oo ay wadahadleen, isla markaana aysan jirin cid kale oo uu kala tashaday ama la qorsheysay inaysan jirin sii deyntiisa. Wuxuu sheegay in Hay’adda Nabadsugidda Soomaalida ee NISA iyo agaasimihii ugu sareeyay xilliga la soo qabanayey C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ay ka dambeeyeen in la soo xiro oo Itoobiya loo gacan geliyo, iyadoo madaxda sare ee dowladda uu filayo inay la socdeen arrintaasi. “Xarigeyga waa ka danbeeyay Maamulka Farmaajo, waxaa howsheyda gacanta igu hayay Hay’addii uu Sanbaloolshe madaxda ka ahaa, iyaga iga soo qabtay Gaalkacyo dhibaato badan ayay ii geysteen, Xamar ayey Godka Jilacow igu xireen, … Mudadii aan xirnaa waxay ila tahay madaxweynaha iyo madaxda dowladda waa ogaan kareen…” ayuu yiri Qalbi dhagax oo wareysi siiyey Ramadan TV. HOOS KA DAARO OO DHAGEYSO
-
MOGADISHU (Reuters) - Seven people were wounded by a roadside bomb in Somalia's capital Mogadishu on Monday, the police said. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Reuters) - Seven people were wounded by a roadside bomb in Somalia's capital Mogadishu on Monday, the police said. Source: Hiiraan Online
-
NEW YORK, July 2, 2018 /PRNewswire-- UNICEF USA has appointed Somali-American supermodel and activist Halima Aden as the newest UNICEF Ambassador. The announcement follows Aden's travels with UNICEF and UNHCR to Kakuma, the refugee camp in Kenya where she was born. Aden was formally introduced to UNICEF USA via their partnership with Endeavor (formerly WME|IMG). Source: Hiiraan Online
-
Hamburg (Germany): On a football pitch in the heart of Hamburg, several languages could be heard through the drizzle of persistent summer rain. From the sidelines, the coaches shouted instructions in German, while players urged passes in Farsi (Persian). There were snatches of Arabic, and a cheer of “FC Lampedusa St Pauli” when the ball thudded into the net, echoed by the sparse crowd of viewers. I was at a tournament featuring what may be the northern German city’s most unusual football team, composed entirely of refugees. Source: Hiiraan Online
-
BOISE, Idaho (AP) — Families who had fled danger and violence overseas were enjoying a 3-year-old’s birthday party in Boise, Idaho, when the unthinkable happened: A man ran up and began chasing and stabbing the children, then turned his knife on the adults who tried to stop him. Source: Hiiraan Online
-
Like Kenya’s capital Nairobi, Dar es Salaam, Tanzania’s most populous city and one of the fastest growing cities in the world experiences excruciating traffic gridlock that keeps motorists for hours on the roads. Source: Hiiraan Online
-
Ten Somali students were arrested inTurkey’s southern Mersin province over alleged links to the Fethullahist Terror Organisation (FETO), the group suspected to be behind the coup attempt in 2016, Garowe Online reported yesterday. Source: Hiiraan Online
-
The minster of livestock Mr.Hassan Mohammed Ali (Gafadhi) has toured the coastal plains of the country. Minister Gafadhi is on an inspection tour in Salel province. This is according to Somaliland News Agency (Solnanews.com) reporters accompanying the minister. He said that his visit concern a fact finding mission to see how the fishing community of Selel are fairing. The Livestock and Fishery minister tour the refrigeration plant and the fishery hangar where fish are offloaded from boats. Mr.Gafadhi listened to the propositions of Fair Fishing Company officials; the firm is charged with the running of only cooler plant in the region. In another development the minister met with members of fishing cooperative called Tawakal. He urged them to increase the out of fish stocks in the region. The minister said that his ministry is in the process of developing the maximum benefit of marine resource in the country. Solna
-
Waxaa markii ugu horeysay deegaanka Soomaalida Itoobiya laga soo saaray shidaal ceyriin kadib muddo sanooyin ah oo lagu hayay. Ceelashan oo daboolka laga feeday 28-dii June, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya. Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah. Shidaalka goobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet. Haddaba dad badan waxa ay isweeydiinayaan qoondada dadka deegaanka Soomaalida ay ka heli doonaan shidaalka. Waxaa su’aashaas ka jawaabay madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo dadweyne kula hadlayay magaalada Qabri Dahare, isaga oo sheegay in muddo boqol sano laga sheekeyn jiray kaydka shidaalka ee dhulka Soomaalida, balse maanta la xaqiijiyay himiladdii. “Su’aasha ay ka hadlayaan ee ay aad noo weeydiinayaan, waa imisa ayaan leenaya, wixiiba inaga ayaa lehe, imisa aan leenahay waa maxay?” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray “Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda federaalka lafteeda ayaan wax ku leenahay” . Sida uu qabo Ibraahim Sheekh Muxumed, {Ibraahim Dheere}, oo ahaa guddoomiyaha jabhaddii WSLF ee Itoobiya la dagaalami jirtay, in madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu ka qeybgalay daahfurka ceelasha shidaalka ay ka dhigantahay isbadal wanaagsan, balse waxa uu intaas ku daray “waxaasa jira caqabado, waxaana ka mid ah ka talogalin la’aanta dadka arramaha kheyraadka, suurtogalna ma ahan in dadka aanan la talogalinin”. Sheekh Ibraahim Dheere ayaa dhanka kale yiri “waa in la xaddidaa qoondo la’isla ogyahay , sidoo kale dadka deegaanka waa in laga shaqo galiyaa mashruuca, hadda waa ku yaryihiin”. Waxa uu xusay in shidaalka uu la iman karo caqabado xagga deegaanka, taasna ay tahay in laga taxadaro. Balse cid kasta kuma faraxsana sida hawsha u socoto, afhayeen u hadlay jabhadda ONLF ayaa sheegay in ay ka hortagayaan in kheyraadkii iyo hantidii dadka lasoo saaro iyada oo aanan dadkii lahaa laga talogalinin, sida uu hadalka u dhigay, kana hortagi doonaan wax kasta oo ay ku qaadataba. Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi
-
Self styled traditional King Osman Aw Mohammud Burmadow who was recently pardoned by the president following his incarceration at Hargeisa’s main prison, has revealed that he will talk to the press at the end of the month of ‘Shuwwal’. He stated that he will touch on many issues. He was speaking during a pre wedding party attended by many well known politicians such as the leader of the opposition National Party (Wadani) Mr.Hirsi Ali Haji Hassan, former minister of public works and housing Mr.Ali Mohammed Hassan (Marehan) and Member of Parliament Hon.Wabeye. The politicians were all seated in the same row during their meeting, signaling a new political move that they will soon pronounce. “As you can see I have joined by brother Hirsi and Ali Marehan and sooner rather than later you shall come to know my political bearing. I’m not the kind of person to cow because of a conviction.” King Osman said amid large applause from the participants of the gathering. King Osman was sentenced to five years imprisonment a Marodijeeh regional court following his attendance of a Somali traditional coronation ceremony in Armo village situated in Puntland. While there here uttered anti Somaliland sentiment this irked the government of Somaliland hence upon his arrival he was arrested. He was later last month pardoned by the president of Somaliland H.E Musa Bihi Abdi. Horn
-
Balcad (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa maanta ku toogtay deegaan ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe oday 93-jir ah oo ka mid ahaa nabad-doonnada deegaankaas. Al-shabaab ayaa ku eedeysay odaygan inuu ka mid ahaa ergadii wax kasoo xulay xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hadda jira, Waxaana marxuumka lagu magacaabi jiray, Abshir Nuur Xuseen [Maliis]. Nabad-doonkan ayaa waxaa lagu toogtay deegaanka Gamboole oo ka tirsan degmada Balcad, iyadoo nabaddoonka la dilay uu gacanta ururka Al-shabaab ku jiray muddo saddex bilood ah. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu deegaanka maanta lagu dliay u tagay sidii wax looga qaban lahaa dacwad la xiriirta muran soo dhex-galay xoolo-dhaqato iyo beeraley gobolka Shabeellada dhexe kuwada nool. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab toogtaan dad waxyaabo kala duwan ay ku eedeeyeen, balse tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay nooceeda oo ay fuliso Kooxda Al-shabaab. Dhanka kale, Ururka Al-shabaab ayaa looga bartay in nabad-doonnada iyo dadka ee ay ku eedeeyeen inay wax kasoo xuleen xildhibaannada golaha shacabka ee hadda jira ay ku dilaan waddooyinka Muqdisho, balse tani waa mid ka duwan kuwaas. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hir-shabelle oo halka uu dilku ka dhacay ka taliya, ayaan weli ka hadlin dilka looga geystay nabad-doonkan la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii wax kasoo xulay xildhibaanada baarlamaanka Somalia. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawr jeer dilal u geystay nabaddoonno iyo ergo ka mid ahaa kuwii wax kasoo xulay baarlamaanka Somaaliya, waxaana cabsi weyn ay haystaan ergadii soo xulay xildhibaannada baarlamanaka oo aan haysan ciidammo ka difaaca kooxaha dilalka u geysta. PUNTLAND POST The post Kooxda Al-shabaab oo Nabad-doon Caan ah ku Toogatay Gobolka Shabeellada Dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Gabiley — A form four student called Elmi Daahir Abdillahi who is handicapped because he does not have both hands sat his final Somaliland Secondary Schools Examination in Gabiley. Master Elmi used his legs to write his papers. The exams started on Saturday 30th 2018 in all regions of the country. Speaking to a local television station Saab TV master Elmi said that he does not have any difficulty in adjusting to writing with his Legs. He confirmed that he started school in standard one in Gabiley region of Somaliland and has since been a student up to now that he is sitting for his final examination. He added that examination stealing has become a threat hard working students who have put their time to study honestly. Master Elmi said that in this advent of technology the use of mobile phone as a tool for examination cheating will dent the objectives of national examinations. Horn
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa shir-gudoomiyay kulanka Tubta Siyaasadda loo dhan-yahay oo looga hadlayay daba-galka iyo dhaqan gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo iyo diyaar garowga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed (Somali partnership forum) ee dhawaan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium. Wasiir-u-dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee shirka ay aheyd dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii amniga qaranka Baydhabo lagu qabtay horraantii bishii Juun ee sanadkaan inii uu socdayna la isla gartay in dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh in ay guda galaan dhaqan gelinta waxyaabihii lagu heshiiyay. Shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in sannadka 2020 dalka ay ka dhacdo doorasho cod iyo qof ah, waxaana intii uu socday Tubta siyaasadda loo dhanyahay uu Ra’iisul Wasaare Khayre faray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in ay si huffan uga shaqeeyaan dhaqan gelinta doorashada, dhawaanna ay ummadda Soomaaliyeed usoo ban-dhigaan hannaanka loo wajahayo doorashada si awoodda dalka loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Kulanka Tubta Siyaasadda loo dhan-yahay ayaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garwoga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium kaas oo ay ka qeyb gelayaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo). PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo shir-guddoomiyay Kulanka Tubta Siyaasadda loo Dhan-yahay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Jug culus ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana jugta daba socday rasaas goosgoos ah. Jugta oo inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay inay ka dhalatay Miino lagu aasay Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in miinada ay qaraxday xili goobta ay aheyd mid aad u mashquul badan, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in ilaa afar qof ay ku dhaawacmeen Qaraxa, kuwaa oo xiliga Qaraxa maraayay goobta lagu aasay oo aheyd dhinaca laamiga. Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa ku jiray arday dhiganeysay Jaamacad ku taalay Isgooska gaar ahaan wadada gasha Isbitaal Digfeer waxaana dhammaan dhaawacyada goobta ka qaaday ciidamada amaanka. Dad ku nafwaayay ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa Qaraxa oo aad u xooganaa, wallow tirada ay tahay mid aan sugneyn. Goobta uu hadda ka dhacay Qaraxa ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay Qaraxyo kala duwan oo ka dhashay miinada nooca lagu xiro gaadiidka. Dhinaca kale, Qaraxaani ayaa noqonaaya kii afaraad oo ilaa saaka ka dhacay Muqdisho, waxaana xusid mudan in laba kamid ah Qaraxyada uu ka dhashay miino lagu xiray gawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xulka BrazilXulka kubadda cagta dalka Brazil ayaa u soo baxay wareega siddeed dhammaadka (Quarter Finals) koobka adduunka ee sanadkan 2018-ka, kadib markii ay 2-0 ugu awood sheegteen xulka Mexico. Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa Brazil la timi goolasha qeybtii danbe ee ciyaarta, waxaana u kala dhaliyay daqiiqadihii 51-aad iyo 88-aad Neymar iyo Roberto Firmino. Xulka Brazil ayaa siddeed dhammaadka (Quarter Finals) la ciyaari doona midkoood xulalka Belgium iyo Japan oo caawa wada ciyaari doona. Brazil ayaa koobka adduunka horey u soo qaaday 5 jeer, oo ay ugu dambeysay sanadkii 2002, waxayna hadda kamid tahay xulalka loo saadaalin karo in ay ku guuleystaan koobkan. Koobka adduunka ee 2018 oo hadda ka socda dalka Russia ayaa ilaa hadda waxaa siddeed dhammaadka u soo baxay xulalka France, Uruguay, Russia, Croatia iyo Brazil. PUNTLAND POST The post Brazil oo u soo baxday siddeed dhammaadka koobka adduunka appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir-gudoomiyay kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlayay dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo iyo diyaar garowga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed (Somali partnership forum) ee dhawaan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium. Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee shirka ay aheyd dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii amniga qaranka Baydhabo lagu qabtay horraantii bishii Juun ee sanadkaan inii uu socdayna la isla gartay in dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh in ay guda galaan dhaqan gelinta waxyaabihii lagu heshiiyay. shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in sannadka 2020 dalka ay ka dhacdo doorasho cod iyo qof ah, waxaana intii uu socday Tubta siyaasadda loo dhanyahay uu Ra’iisul Wasaare Khayre faray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in ay si huffan uga shaqeeyaan dhaqan gelinta doorashada, dhawaanna ay ummadda Soomaaliyeed usoo ban-dhigaan hannaanka loo wajahayo doorashada si awoodda dalka loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed. Kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garwoga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium kaas oo ay ka qeyb gelayaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) —-DHAMMAAD—