Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhex aloosan yahay dowlada Sacuudiga iyo Canada ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadashay Dowladda Somalia. Dowlada Somalia ayaa sheegtay in khilaafka dhanka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Canada uu yahay mid mugdi galinkara arrimo badan. Warsaaxafadeed ka soo baxay dowladda Federalka Somaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay dowladda Sacuudiga. Nuqul kamid ah warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.” Waxaa sidoo kale, lagu yiri warsaxaafadeedka “Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.” Gudaha asbuuca aan ku jirno Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir, waxa uu Canada ku eedeeyey faragalin arrimaha gudaha ah iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya. Sidoo kale, iyadoo arrintaa ka falcelinaysa, xukuumadda Riyaad waxay eriday safiirkii Canada waxay kaloo hakisay iswaydaarsiga barnaamijyada dhanka waxbarashada. Docda kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. The Somali government has established a modern built prison in Mogadishu to confine criminals and offenders, according to Bashir Mohamed Jama, Commander of the prison guards. Source: Hiiraan Online
  3. Only 16 per cent of the recommendations from the 5th EAC Secretary General’s Forum in 2017 have been implemented, The EastAfrican reported a few days ago in a story appropriately headlined “EAC organs dragging feet on integration.” Source: Hiiraan Online
  4. Young reporter Amanda Lindhout was aware of the risks, but three days after entering Somalia, she and her friend were seized. She told Andrew Denton of her 15-month ordeal. Source: Hiiraan Online
  5. Somalia's electoral officials and stakeholders met in Nairobi on Tuesday to sharpen their knowledge on elections management, organizers said. Source: Hiiraan Online
  6. For the second consecutive quarter in 2018, the global maritime report on piracy has put Nigeria on the spot, occupying number one position in the number of recorded attacks against vessels in the second quarter 2018, Q2’18. Source: Hiiraan Online
  7. His Highness the Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani held a telephone conversation with Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo. Source: Hiiraan Online
  8. Uganda’s fledgling national airline will be a candidate for an initial public offering and closer cooperation with other carriers if the launch goes as planned. Source: Hiiraan Online
  9. The United Nations and foreign powers claim they are dedicated to building up the Somali National Army. Instead, they have become complicit in its dysfunction. Source: Hiiraan Online
  10. The August 7, 1998, bomb attack on the US Embassy in Kenya killed 213 people and injured more than 5,000 others. Source: Hiiraan Online
  11. The U.N. refugee and migration agencies have helped 116 Somali refugees return home from war-torn Yemen, although conditions in parts of Somalia remain unsafe. Source: Hiiraan Online
  12. The Bulgarian Navy will commit the frigate Drazki to NATO's Operation Sea Guardian in the Mediterranean Sea in November. Source: Hiiraan Online
  13. The Russian Baltic Fleet’s frigate Yaroslav Mudry has left the port of Djibouti to start an anti-piracy mission in the Gulf of Aden, Fleet Spokesman Roman Martov said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  14. China has successfully tested a new hypersonic aircraft, a potential "hypersonic strike weapon" that could one day be capable of carrying multiple nuclear warheads and evading all existing defence networks like the US missile shields, according to Chinese state-run and state-affiliated media, citing experts and the domestic designers. Source: Hiiraan Online
  15. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada. Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo war ka soo saartay khilaafka Sacuudiga iyo Kanada appeared first on Puntland Post.
  16. Asmara (Caasimadda ONline) – Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay jabhadda hubeysan ee Oromada OLF, heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Asmara ee caasimadda dalka deriska ah ee Eritrea oo saldhig u ah jabhaddaasi, iyadoo uu goobjoog ahaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa shaaciyey in hadda wixii ka dambeeyay jabhadda OLF ay si nabad ah hawlaheeda siyaasadeed ugu qabsan karto gudaha dalka Itoobiya. Jabhaddani ayaa bishii la soo dhaafay ku dhawaaqday xabbad joojin kaddib muddo sanado ah oo ay dagaal ba’ani kula jirtay dowladda Itoobiya. Waxaa heshiiska dhinaca Itoobiya u saxiixay madaxweynaha dowlad Degaanka Oromada, halka uu Jabhadda Oromada ee OLF u saxiixay Guddoomiyaha Jabhadaasi Dawd Ibsa, waxana heshiiska qeyb ah, xabad joojin, in OLF ay noqoto xisbi siyaasadeed oo si nabad ah dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed u wata gudaha Itoobiya iyo inay labada dhinac sameeyaan Guddi wadajir ah. Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu ayaa ka qeyb qaatay wadahadalka. Oromo Liberation Front (OLF) ayaa dooneysay in gobolka Oromia ee ay degto qowmiyadda ugu tirada badan dalkaasi Itoobiya ee Oromo uu ka tashado aayahiisa. Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa dhawaan jabhaddani ka saaray liiska kooxaha argagixisada ahi. Arrintan ayaa timid kaddib markii ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi Abiy Axmad uu la yimid isbadal siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dhibaatada dalkaasi Itoobiya. Caasimda Online Xafiiska Asmara Caasimada@live.com
  17. Qarmada Midoobay iyo dalalka reer Galbeedka waxa ay marwaliba sheegaan iney ka go’antahay dhisida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, balse waa waxba kama jiraan, sidaasi waxaa lagu yiri Maqaal lagu daabacay Wargeyska Foreignpolicy. Todobaad ayaa laga joogaa markii Golaha Qaramada Midoobay ay isku raaceen in muddo kordhin loo sameeyo ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ilaa bisha May sanadka 2019-ka. “ Doofaarka sidiisaba daahir ma noqdo, Soomaaliyana waa sidaas oo kale” waxaa sidaasi yiri Colonel Katirsan AMISOM gaar ahaan guutada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale la barbar dhigay Soomaaliya dalka Afghanistan isagoo sheegay in Taalibaan ay la wareegto meel walbo oo Ciidamada Afghnaistan ay baneeyaan. Xaaladda amni ayaa sii xumaaneysa maalinba maalinka ka sii dambeysa qaraxyo iyo dilal aan kala joogsi laheyn ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo deegaano kala duwan oo dhaca Soomaaliya. Markii ugu horeysay AMISOM waxaa Soomaaliya laga howlgeliyay 2007-dii waxyna dagaal la galeen Al Shabaab oo dowladda ka soo horjeeda, wixii intaas ka dambeeyayna waxaa loo sii kordhinayay sharciga ay ku joogayaan Soomaaliya, hada waxaa lagu qiyaasaa in kabadan 22,0000 oo askar kuwaa oo ka socda dalalka kala ah Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Sierra Leone. In xiligan AMISOM loo kordhiyo howlgalka Soomaaliya waxaa laga leeyahay ujeedooyin kale iyo in la marin habaabiyo waqtiga saxda ah ee Soomaaliya ka baxeyso taa oo meesha ka saareysa rajada ah in Soomaaliya ay ku tashato ciidamadeeda. Ciidamada Soomaaliya waxaa loo aqooni jiray “Libaaxyada Africa” waxaana taageero siin jiray Midowgii Suufiyeet, waxaa aad u qalabeysnaa xarumaha Militry-ga waxaana ciidamada tababar ku qaadan jireen Taangi iyo hub culus iskaba daa iney ku dagaalamaan. Burburkii kadib ciidankii ayaa burburay mana jirin taageero ku filan oo ay heleen xitaa ma aysan heysan Fooneeyaha iyo qalabka isgaarsiinta ee ciidanka ku xeriiraan, waxey isticmaali jireen shirkado isgaar-siineed oo si qaas ah loo leeyahay, ciidanka qaarkood waxey ku howlgalaan dacas. “Reer Galbeedku waxey tababareen ciidamadii ugu xumaa aduunka waana ciidamada Ciraaq, Afghanistan iyo Soomaaliya” professor Stig Jarle oo xeriirka caalamiga ka dhiga Jaamacada Norwegian University of Life Sciences ayaa sidaasi u sheegay Wargeyska Foreign Policy. Dowlado kala duwan ayaa taageera Ciidamada Soomaaliya, saldhigyo Military ayeyna ku leeyihiin dalka ujeedo ahaan iyo siyaasad ahaan waa ay kala duwan yihiin, dal walbana xulufo gooni ah ayuu hoos ku wataa iyo Istaraatiijiyad gaar ah, waxaa kamid ahTurkiga, Mareykanka iyo Britain, Imaaradka Carabtana wuu joojiyay maadama khilaaf kala dhaxeeya dowladda wuxuu lahaa saldhig sidoo kale Mareykanka wuxuu hakiyay taageeradii cunnada iyo shidaalka uu siin jiray CXD isagoo sabab uga dhigay musuq. La-taliye ajnabi ah oo la shaqeeya wasaaradda Gaashandhigga ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda laga dhigo karo kuwo awood leh balse aan loo diyaarsaneyn, wuxuuna la taliyahan diiday in magaciisa la daabaco isagoo la soo shaqeeyay in kabadan 20 wadan. Qof walbo oo Soomaali ah wuu ogyahay in AMISOM aysan rabin iney ka tagto Soomaaliya, waxeyba noqon doonaan hay’ado amni oo si gaar ah loo leeyahay oo calooshood u shaqeysta. Jawaab cad looma hayo cida Ciidamada Xoogga dalka siisa hubka, -Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub waxey bixiyaan hub yaryar, lakiin wadamada Khaleejka iyo Masar ayaa si furan Soomaaliya ugu iibiya hubka iyagoo soo marsiiya badda ama hawada, waxaana loo diiwaan geliyaa Ciidamada Dowladda laakiin waxey u gacan galaan maleeshiyo beeleed iyo in lagu kala iibsado suuqa madoow. “ Wax shaki ah kama qabo in Al Shabaab ay xeriir leeyihiin hay’adaha Dowladda Federalka Soomaaliya sir bandanna ay og yihiin” sidaas waxaa yiri Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo ahaa La-taliyihii iyo Afayeenkii wasaaradda Amniga xukuumada hadda jirta oo wareysi la yeeshay Wargeyska FP. Al shabaab waxey soo dhexmaraan bar-kontaroolada ciidamada Dowladda iyagoo sita Uniform-ka ciidanka , weerar iyo qaraxyo ayeey fuliyaan, maalmo ka hor xafiiska taliye ku xigeenka NISA waxaa u dhacay askar xeriir la leh Al Shabaab. “Wey iska cadahay in xubno katirsan dowladda ay sirta la wadaagaan Al Shabab xitaa kuwo beesha caalamka xeriir ayaa kala dhaxeeya Al Shabaab” waxaa sidaasi sheegay sarkaal la shaqeeya wasaaradda Gaashaandhigga . Ujeedka xeriirka loola yeelanayo Al Shabaab ayaa ah in ay khaarijiyaan cid waliba oo ka hor timaada dano siyaasadeed uu wato siyaasi ama mucaarad ku ah, waxaana tusaale kuugu filan weerarkii Hotel dayax ay ku qaadeen Al Shabaab oo siyaasiyiin kala duwan ay ku shirayeen. “Dhisidda Ciidamada Xooga Dalka waxay ka mid tahay mudnaanta koowaad ee beesha caalamka marka loo eego siyaasiyiinta Soomaalida ” E.J. Hogendoorn ayaa yiri ah oo sarkaal sare oo katirsan Ururka falanqeeya xasaradaha caalamig adduunka ee ‘International Crisis Group’ (ICG) W/T: Abdiaziz H. Ibrahim Gmail: Abdiazizh99@gmail.com
  18. Muqdisho (Caasimda Online)-Wararka aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka dowlada Somalia ayaa sheegaya in muran uu ka taagan yahay qorshaha lagu mideynaayo ciidamada labisan ee NISA iyo kuwa Booliska Somalia. Muranka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid u dhexeeya Talisyada Nabadsugida iyo Booliska, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada NISA qaarkood ay diideen inay ku biiran Booliska. Ciidamada la sheegay inay ku biirayaan Booliska ayaa ku andacoonaya inay ka tagayaan shaqada, halka qaarna ay aqbaleen ku biirida Booliska. Waxaa lasoo warinayaa in Taliyaha NISA Xuseen uu diidan yahay in Saraakiisha Hogaamisa ciidamada loo wareejiyo Booliska, halka Taliyaha Booliska uu ku doodaayo in dhammaan lagu soo wareejinaayo ama dib loogu celinaayo NISA. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ciidamada NISA ee iminka ku biiray Booliska ay aad uga yaryihiin kuwii hore, taasi oo sababteeda lagu sheegay inaysan ka bixikarin tababar bilow ah oo la sheegay in la marinaayo. Sidoo kale, muranka xoogiisa ayaa waxa uu yahay mid ka taagan miisaaniyada ciidamada leysku biirinaayo oo aan wali lagu heshiin, taasi oo la sheegay inay tahay caqabada ugu weyn marka laga soot ago hanaanka mideynta labada ciidan. Sidoo kale, waxaa lasoo sheegayaa in amniga Gobolka Banaadir ay la wareegi doonaan dharcada NISA oo kaashanaaya kuwa Booliska, halka ciidamada ay noqonayaan kuwa fuliya howlgala lagu baacsanaayo Shabaabka iyo Kooxaha kale ee aadka uga soo horjeeda Nabadda. Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan uu amarka mideynta bixiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ka jawaabayay cabasho kaga imaaday Xildhibaano ka tirsan Guddiga Difaaca Baarlamaanka. Caasimda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. MINNEAPOLIS -- In Minnesota's 5th Congressional District, five candidates are battling to replace Congressman Keith Ellison in one of the most reliably Democratic districts in the nation. Source: Hiiraan Online
  20. Yemen – IOM, the UN Migration Agency, continues to help migrants, including refugees, stranded in Yemen return home, with its latest voluntary humanitarian return support taking place this week (04-05/08). One movement left from Hudaydah with 132 Ethiopian migrants and the second from Aden with 116 Somali refugees. Source: Hiiraan Online
  21. The UK is home to the largest Somali community in Europe. One of the fastest growing Somali communities in the UK is in Bristol. In 2017, Bristol museums and the M Shed held an exhibition showcasing the stories of young Somalis in the city. Emma Wallis went to meet some of the members of the community to find out more about how the process of integration is working for them. Source: Hiiraan Online
  22. Khartoum (HOL) - Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire travelled to Sudan on Tuesday to meet with President Omar Al Bashir in Khartoum. Source: Hiiraan Online
  23. Boosaaso (Caasimada Online)-Waxa caawa fiidki magaalada Boosaaso lagu dilay Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Golis Cabdullaahi Cumar Cali. Dilka Maareeye ku-xigeenka ayaa waxaa fuliyay Seddex maleeshiyo oo ku hubeysnaa bastoolado kuwaasi oo dilka kadib goobta ka baxsaday. Dilka Maareeye ku xigeenka ayaa dhacay xilli uu ka soo baxay Masjid uu salaada cishaha ku soo tukaday, waxaana rasaasta looga dhuftay qeybaha sare ee jirka. Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa la sheegay inay u gacan haatiyeen marxuumka kadibna markii ay hubsadeen ay ku dhufteen dhowr xabadood. Intaa kadib ciidamada ammaanka Puntland ayaa bilaabay hawlgal looga daba tagayo raggii dilka geystay, waxaana dilkan aad u hadal haya dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso. Dilkaani ayaa kusoo beegmaaya xili deegaanada Puntland ay marti galineyso dilal iyo Qaraxyo lala beegsanaayo mas’uuliyiinta. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  24. Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa gacan ku dhigista madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley). Cabdi Iley, ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidammada militariga federaalka, waxaana lasoo sheegayaa inuu la socday Diyaarad Militery oo goordhow ka degtay magaalada Addis Ababa. Balse dad ku sugan magaalada Jigjiga ayaa soo sheegaya in Cabdi Iley saacado badan lagu wareysanaayay Garoonka, iminkana laga dajiyay magaalada Addis Ababa. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Maxamuud Cumar ay militariga u kaxaysteen dhismo weyn oo ku dhexyaala magaalada Addis Ababa gaar ahaan meel aan sidaa uga sii fogeyn dhismihii uu ku xirnaan jiray Qalbi-Dhagax. Diyaarada Militery ee Cabdi Iley ka dajisay Garoonka Bole ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinaayay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsana Liyuu Boolis oo dhibaatooyin farabadan iyo xasuuq horey ugu geystay dad shacab ahaa oo aan wax galabsan. Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo ka mid ah saalaadiinta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo faah faahin ka bixinaayay kaxeynta Cabdi Iley iyo Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay dhibaateeyen Cabdi Iley. Waxa uu cadeeyay in goordhow la gaarsiiyay magaalad Addis Ababa isla markaana lagu dhex wareystay Garoonka Jigjiga. Shalay ayay hayd markii madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay. Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  25. Security forces in Ethiopia’s eastern Somali region on Monday shot dead four people who were protesting against the looting of their shops and homes during unrest at the weekend, a witness said. Violence broke out in the provincial capital Jijiga on Saturday, with mobs looting properties owned by ethnic minorities, in unrest that the government said had been stoked by regional officials at odds with central authorities. The attacks has forced thousands to seek refuge in an Ethiopian Orthodox church since Friday, residents told Reuters. On Monday, some of them staged a protest. “They blocked a road surrounding the church to demonstrate, before security forces arrived and began firing indiscriminately,” one resident of the town told Reuters. The witness, who declined to be named, said he saw four bodies on the ground after the crowd was dispersed, and that gunfire rang out throughout the day. At least two Ethiopian Orthodox churches were also burned down over the weekend, other residents told Reuters. Government spokesman Ahmed Shide said regional officials were stoking violence at a time when attempts were being made to address rights abuses in the region. He said the officials claimed the government was illegally forcing them to resign, and that a regional paramilitary force had taken part in the attacks under their orders. “Infrastructure was destroyed and civilians were subjected to killings and lootings. Religious centres were also attacked and banks looted,” he said at a news conference. “These acts were carried out by gangs of youths that were organised by some members of the region’s leadership.” Witnesses told Reuters that soldiers were deployed as early as Friday evening. But Ahmed said orders were given only on Monday and that they would soon “start operations” to restore calm. The Somali region has seen sporadic violence for three decades. The government has fought the rebel Ogaden National Liberation Front (ONLF) since 1984 after the group launched a bid for secession of the province, also known as Ogaden. Since 2017, clashes along its border with Oromiya province have displaced tens of thousands of people. In July, the region’s officials were accused by the government in Addis Ababa of perpetrating rights abuses. Last month, authorities fired senior prison officials there over allegations of torture. The unrest in the province marks a first test for new prime minister Abiy Ahmed, who has pledged transparency and a crackdown on abuses by security services. Source: – Reuters